
oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Xassan Ibliis '' Shacabka waxey rabaan in nalaga guuleeysto''
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Xasan Daahir: "Niyadda ayaad ka taagersan tihiin Dowladda" Horjooge Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Khwaarijta Al shabaab ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaannada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho ay ka soo horjeedaan dagaallada ay wadaan Khawaarijta Al shabaab isagoo ku eedeeyay inay taagersan yihiin dowladda Soomaliya. Xasan Daahir oo xalay deegaanka Ceelasha biyaha kula hadlayay dadka ku barakacay halkaasi, ayaa ku eedeeyay in ay taageersan yihiin Dowladda isla mrkaana ay doonayaan in meesha laga saaro Khawaarijta. Sidoo kale Xasan Daahir waxa uu dadkaasi u sheegay inaaney maslaxad ku jirin Nabadda, taas oo ka yaabisay dadkii uu la hadlayay, waxa uuna ku celceliyay in dadka aaneey Nabad heli doonin tan iyo inta ay ka soo horjeedaan Khawaarijta. Maalmo ka hor ayaa horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta waxa ay dadka ku dhaqan deegannada loo barakacay u sheegeen in aaneey nabad heli doonin, hadalka Xasan Daahirna waxa uu u muuqdaa mid uu ku raali gelinayo horjoogayaasha Khawaarijta isagoo ka baqaya in seefta Khawaarijtu ay boobto. -
Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Xarakada Alshabaab ayaa hadal uu ka jeediyay shalay deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho ayaa muujiyay dareenka dadka ee ku aadan niyadooda, isagoo qiray in dadka ay rabaan inay Nabad ku wada noolaadaan, lagana guuleysto Xarakadooda. Hadalka Sheekh Xasan Dahir oo dadka qaar ay ku jahwareerayeen, ayaa marba dhinac u boodayay, waxaana weerro uu adeegsanayay ahaa mid uu ku muujinayay in hiilka qofka ama sida niyadiisa jeceshahay loo raacayo, isagoo qiray in dadka ku barakacay deegaanada duleedyada Muqdisho in niyadooda ay jecel yihiin in laga guuleysto. "Niyada qofka ama qalbigooda waxaan ogsoonaha inay jecel yihiin in kuwaan naga guuleystaan, marka hiilka qofka waxay tahay mid sida uu jecel yahay loo raacayo"ayuu si layaab leh u yiri Xasan Dahir oo soo qaatay kalmada dadka ay cuskadaan ee ah aan ku wada noolaano Nabada, oo uu xusay in Xidigta, iyo bisha dhexdeeda la geliyo Saliibka oo ugala jeeday calaamada Kirishtaanka, taasoo uu ku qeexay inay tahay wax qatar ah. Macnaha hadalkaas ayaa ahaa mid dadka ay si aad ah uga jahwareereen, waxaana marka dhinac loo dhigo uu ku sheegay in islaanimada qatar ku tahay, isla wada noolaanshaha dhanka nabada ee Gaalada iyo Muslimiinta. "Dadka mu'miniinta waa walaalo, laakiin qofka muslimka munaafaq waa ku jiri karaa"ayuu sii raaciyay Xasan Dahir oo hadaladiisa u muuqdeen kuwo ku lahjad ah Saraakiisha sar sare ee Alshabaab. Hadalka Sheekh Xasan Dahir Aweys ayaa xambaarsanaa ujeedooyin kala duwan, iyadoo tan koowaad noqon karto dhacdadii habeen hore ka dhacday deegaanada loo barakacay, kaas oo markii u horeysay Shabaab weerar bambaano ku qaadeen kooxo aan la aqoon, taasna uu ku muujinayay inay jiraan dad afkaartooda aad u neceb.
-
Oil in Guduubi other parts in Oodweyne - Somaliland
oba hiloowlow replied to Siciid1986's topic in Politics
gooni;705344 wrote: saliid iskasoo burqata lama arage amay kaadi geel tahay :D loooooooooooooool -
elpunto carab somaali uu ahaan karaa.
-
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Shariifka runtii wuu rabay in lala heshiiyo dowladda balse khilaafka ka dhaxeeye maamulka maxkamadaha intuu xoogeystay ayaa gacan ka ahdal laga cabsaday saas ayuu ugu tanaasulay mowqiifkiisa,markaasey caruur yar uu direen khartoum oo ka socday ICU halkey dhinaca TFG-da ay ka socdeen Geedi iyo Cabdullahi yusuf. -
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
horta sirar badan ayaa jirto oo aan la socdo, icu xataa hadeysan weerari laheyn iyaga is dagaali lahaa ileen ninba mowqif uu lahaa,, for example xassan daahir madaxweyne uu rabay inuu ahaado, shariif in lala heshiiyo geedi iyo cabdullahi uu rabay 2006dii october, iyo ragaan jihaadiyiinta. -
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
war shabaab lalama heshiin karo, 2 years aa leysku dayay xataa culamo musaalix ayaa isku dayay iney heshiiyaan oo xassan daahir walaalkiis ka mid ahaa.. -
TFG parliamentarian negotiations with Alshabaab is a must
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
XX ama waadan fahmeynin ama waa iska indhatireysa, Al shabaab dowladnimo iyo nabad ma rabaan, base ay rabaan iney dhisaan lagaga weeraaraya aduunka, Ibrahim Al-maqdis oo Merka joogo sow kii dhahaaye Alaska ilaa japan ilaa syberia ayaan qabsaneynaa, ma niman ajeendahaas wato ayaa lala heshiin karaa.. sii kastaba ha ahaate no aqoonsi for you adeer -
as nina pointed out earlier, let us know when they capture Luuq/beled xaawo.
-
War wuxuu damiir xumaa ninkaan falkaan murugada badan ka dambeeyo in la dilo waaye xeywaan :mad::mad::mad::mad::mad:
-
Somalis disgust me...100's of Somalis arrested in Norway
oba hiloowlow replied to Mad_Mullah's topic in General
haha ! first time i agree with u -
"Qaniimadu waxay leedahay Iimaan, anigu weligey 20-doolar ayaa qaniimo ahaan u helay waxaana isiiyay wiilal iibsaday lafihii gaalada ee ku aasnaa qabuurihii ku hyiilay degaanka SOS ee ay Mujaahidiintu lafahaasi ka iibsadeen gaalada, waxaa dhacaday in labaatankaasi Doolar ay iga dhamaan weyday oo aan cunayay laba sano oo ay ii Barakowday waxaan idin leeyayhay u tartama Qaniimada si aad ugu moodaan dhowr sano" ayuu yiri Fu'aad Shongole oo cadeeyay inuu ka mid ahaa dadkii iibsaday lafihii qabuuraha Talyaaniga ee ku yiilay SOS. http://www.somaliweyn.org/pages/news/Mar_11/22Mar17.html
-
Ar wuuw reer bilaajo carab aawey
-
Xarakada Shabaab oo qiratay inay burcad-badeedu ka amar qaataan
oba hiloowlow replied to Liqaye's topic in Politics
maa yaabo. -
DKMG oo markii ugu horeysay iskuul lacag la’aan ah ka furtay Muqdish
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Bravo again, Bravo! -
Sidoo kale Sarkaal la yiraahdo Ibraahim Yarow oo ah Taliyaha Aaga Boondheere ayaa sheegay in dagaalka ka socda halkaas ay ku qabsadeen degmadaas, isla markaana ciidankooda haatan kaabiga ku hayo Hotelkii Royal iyo Isgoyska Afarta Jardiino. Sidoo kale ciidamadda Dowladda ayaa saakay la wareegay xaafado ka mid ah Degmada Hodan , sida Saldhigii degmada Hodan, ilaa isgoyska Bakaaraha, waxaana ciidamadu saakay soo bandhigeen Meydad farabadan oo ay ka carareen Maleeshiyaadka Khawarijta Shabaab Bravo, Bravo !!
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay gacan ku heynta fariisimo kooxda Khawaarijta Al shabab ay ku lahaayeen qaar ka mid ah Dagmooyinka gobalka Banaadir. Ciidamada Dowladda ayaa la xaqiijiyay in saakay ay si buuxda ah ula wareegeen gacan ku heynta fariisimo ay Maleeshiyaadka Shawaarijtu ku lahaayeen, Degmooyinka Hodan Howlwadaag iyo Boondheere, kadib weerar ay Ciidamadda dowladdu ku qaadeen fariisimahaasi waaberigii hore ee saakay. ‘’Ciidamaddu waxey saakay la wareegeen inta u dhaxeeysa wadadda Jeneraal Daa’uud ilaa xaruntii degmadda Boondheere, mana jirto wax qasaare ah oo na soo gaaray marka laga reebo hal Askari oo dhaawac fudud soo gaaray, waana sii dabageli doonnaa Khawaarijta’’ ayuu yiti Taliyaha Ururka Sadexaad ee Degmada Bondheere G/sare Ibraahin Yaroow oo u waramay Radio Muqdisho. Sidoo kale ciidamadda Dowladda ayaa saakay la wareegay xaafado ka mid ah Degmada Hodan , sida Saldhigii degmada Hodan, ilaa isgoyska Bakaaraha, waxaana ciidamadu saakay soo bandhigeen Meydad farabadan oo ay ka carareen Maleeshiyaadka Khawarijta Shabaab, kuwaas oo ay ciidamadu isugu keeneen Agagaarka Hotelka Wehliye si loo aaso. Dhanka kale Abaanduuliyaha ciidamada Qalabka sida Gen. C/kariin Aadan Dhegabadan oo saakay la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada Dowladdu ay guullo la taabankaro ka gaareen dagaalladii saakay iyo shalay ka dhacay Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in ciidamadu ay sii wadidoonaan howlgaladan si loo meelmariyo qorshaha Dowladda ee ku aadan nabad ku soo dabaalidda dalka. Howlgallada ciidamada Dowladda ee ka dhanka ah Khawaarijta Shabaab ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladdu ay ku dooneeyso in Labaatan sano ka dib la soo celiyo ammaankii iyo kala danbeeyntii uu dalkeennu lahaa.
-
Dagaalo xoogan ayaa waxay maanta ka soconayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Amisom iyo Xarakada Al Shabaab oo dhinac ah. Dagaalada ayaa waxay maanta ka soconayaan degmooyinka Boondheere, Wardhiigley, Hawl Wadaag iyo Hodan, isla-markaana dagaalada ayaa waxaa soo qaaday ciidamadda dowladda Amisom. Dagaalada qaraar ee maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo aad u xoogan, leeskuna adeegsanaayo qeybaha kala duwan ee hubka, iyadoo hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus laga maqlaayo inta badan magaaladda Muqdisho. Wararka ayaa waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan degmooyinka ay dagaaladu ka soconayaan ay guulo ka gaarayaan ciidamadda dowladda oo garab ka helaaya kuwa Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana dagaalada ay soo qaadeen ayaa waxay yihiin kuwo kedis ah. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dalalka Somaliya iyo Burundi ay dagaalada uga qeyb qaadanayaan dhinaca lugta “Efandari”, halka kuwa Uganda ay iyana dagaalada uga qeyb qaadanayaan gawaarida gaashaaman ee Taangiyada. Dagaalada maanta ka soconaaya caasimadda ayaa waxay yihiin kuwo faraha looga gubanaayo, hase ahaatee wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI Idmo.
-
Dagaalo ayaa wali ka socda degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir oo waabarigii hore ee saaka dagaalo qorsheysan ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda KMG oo wehlinaya kuwa Midowga Afrika ee la yiraahdo AMISOM, iyadoo dagaalada iminka si goos goos uga socdaan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere. Sida ay sheegayaan wararka dagaalada ayaa ahaa kuwo saaka aroor hore si xowli ku socday, inkastoo haatan dagaalka culeyskiisa yaraaday, kadib markii dhufeysyo iyo fariisimo dhowr ah oo Shabaab ku jireen laga saaray. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Dhega-Badan oo wariyeyaasha goor dhow kula hadlay agagaarka Hotelka Wehliye oo lagu soo bandhigay Meydadka askar ka tirsan Shabaab oo dagaalada lagu qabtay ayaa sheegay in dagaalada ay sii wadayaan inta ay naf kaga jirto, taako ka mid ah dalkana ay ku sugan yihiin waxa uu ugu yeeray Ajaaniibta soo duushay. "Ma ahan oo kaliya in dagaalka xamar ka socdo, wuxuu dagaalka ka socdaa degmooyinka iyo gobolada dalka, ujeedkeena waa inaan inta naf nagu jirto inaan la dagaalano kooxahan isa soo baheystay ee juudaanka qaba, wax aan dhiig aheyn inay cabaan rabin"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in Meydadka Shabaab ee la soo bandhigay ay gaarayaan ilaa lix, oo ay sheegeen in Ciidamada Dowladda ay ka soo saareen dhufeysyadii ay kaga jireen Xaafadaha degmooyinka Hodan. Sidoo kale Sarkaal la yiraahdo Ibraahim Yarow oo ah Taliyaha Aaga Boondheere ayaa sheegay in dagaalka ka socda halkaas ay ku qabsadeen degmadaas, isla markaana ciidankooda haatan kaabiga ku hayo Hotelkii Royal iyo Isgoyska Afarta Jardiino. Dadweyne fara badan oo qul qulaya ayaa la soo sheegayaa inay gaarayaan qeybo ka mid ah degmada Boondheere oo Ciidamada Dowladda ay la wareegaan, waxaana la soo sheegayaa in bur bur xoog leh uu ka muuqdo xaafadaha degmadaas ka koobneyd markii madaafiicda iyo dhufeysyo laga qoday ay saameeyeen. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Shabaab oo ku aadan dagaalada saaka iyo goobaha Ciidamadooda laga qabsaday oo ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo degmada Boondheere oo fariisimo ay ku lahaayeen. Wixii warar ee ku soo kodha kala soco wararkeena dambe.
-
The Zack;704153 wrote: These two want to come back to Masraxa siyaasadda? I certainly hope not, Ina sharmaarke nin karti leh ka bixi karo howsha maahan, adeerkey geeddi neh xoog ayuu adeegsaa oo minii la doorto burbur ka daran kan hada jiraa la arkaa.. I hope shariifka in dib lo doorto iyo xukamadiisa..