oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. ^^ isn't it weird in kuwaana sii xor ah ku maraan the streets of Hargeysa while odaygan waayeelka masakiinka ee aan garab-ba heysan habeen ii maalin la heysto bal isku xishooda qabyaaladu ma fiicnee.
  2. ^^ bal xukuma tolwaa, biixi,Rayaale,cali gurey,siilaanyo and Darawal etc, poor secessionists
  3. Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliya ayaa saaka guulo wax ku ool ah ka gaaray Dagaallo ka dhacay degmooyin ka tirsan waqooyiga magaalada Muqdisho. Dagaalka oo bilowday waaberigii saaka ayaa ahaa mid aad u culus isla markaana la isu adeegsanayay hubka calculus, iyadoo ciidamada Dowladdu kula wareegeen xaafado hor leh oo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Boondheere. Saraakiisha Dowladda ayaa lagu wadaa in ay dhawaan soo bandhigaan qasaaraha ay u geeysteen Maleeshiyaadka Khawaarijta iyo horumarka ay ka gaareen dagaalkaasi, in kastoo dagaalku uu socdo saacado badan. Dagaalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay ciidamada Dowladdu dalka kaga xoreeynayaan Maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab ee dhibaatada ka wada dalkeenna Soomaaliya.
  4. Waxaa saakay aroortii degaano ka tirsan xaafado kamid ah waqooyiga magaalada Muqdisho ka dahacay dagaal aan waxba la isku reeban oo foolkafool ahaa kaasoo la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay dhinacyadii dagaalamay ee Xarakada Al-shabaab iyo kua dawladda. Dagaalka ayaa la sheegay in saakay aroortii ay qaadeen cutubyo ka tirsan ciidamada dawladda kuwaasi oo ku kadiyay dagaalka maleeshiyada Shabaab ee ku sugnaa wasaaradii arimiha gudaha oo ay is laheysiiyeen milkiyadeeda. Ciidamada dawladda ayaa la sheegay in ay si fudud ula wareegeen fadhiisimo iyio dhufeesyo ay Shabaabku ku lhaayeen degmooyinka Boondheere iyo Shibbis iyadoo rasaasta wiiftada ah la sheegay inay gaareysay xaafado ka baxsan goobaha ay dirirtu ka socotay. Cutubyadii dawladda ee saakay weerarka qaaday ayaa lagu waramayaa in ay xiligan kaabiga ku hayaan meelo ku dhowdhow degaanbka Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo weli uu socdo dagaalka. Dhanka kale waxaa lagu waramayaa in ay jiraan qasaarooyin gaaray dadka rayidka ah iyo kooxihii dagaalamayay iyadoo aan la ogeyn ilaa iyo hadda qasaarahaasi inta uu gaarsiisanyahay balse wxii ku soo kordha dagaaldaasi iyo qasaaraha ka dhashay aan dib idinkugu soo gudbin doono.
  5. Taliye ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay diirad ayaa sheegay in ay dagaalka haatan socda ay ku qabsadeen Wasaaradii Arimaha Gudaha ee Degmada Boondheere. Abdi Risaaq oo ah Sarkaal katirsan Cidamada Xooga ayaa sheegay in ay haatan ku sii wajahanyihiin Degamda Shibis isla markaan ay shabab sii Eryanayaan . Dagaalka waxaa haatan la riixay Kooxda Shabab kuwaasi oo haatan sii hoobanaya Isgooska Maanabooliya ee degmada Shibis . Dagaalka ayaa haatan waxa uu xoogiisa ka socdaa degmada Shibis halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Xarakad Shabab oo u muuqata mid ka sii carareesa Goobo badan maanta . Qasaaraha ayaa la sheegayaa in la arkau 3 Askari oo ka tirsan labada dhinac ee haatan uu dagaalka u dhaxeeya waa Dowlada iyo Shabab . Waraka qaar ayaa sheegaya in ay haatan isa soo abaabulayaan Shabab si ay u soo ciliyaan Wasaarada Arimaha Gusdaha oo goordhow laga faramaroojiyay . Dagaalkanai xoogan war wixii ku soo kordha kala soco Diirad.com Inshaa ALLAH .
  6. Muqdisho: (Sh. M. Network) Dagaalo culus ayaa Al Shabaab iyo ciidamada dowladda maanta ku dhexmaray Magaalada Muqdisho iyadoo dagaaladuna ay ku fideen xaafado horleh oo ay horay u heysteen xarakada Al Shabaab. Dagaaladaan oo ah ah kuwa aad u xoogan ayaa manta waxa ay ka dhaceen xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee gobolka Banaadir kuwaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab. Dagaalada ayaa bilowday kadib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ay weerar ku qaadeen fariisimo Al Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga isgoyska Boondheere, agagaarka wasaaradii hore ee Boostada iyo isgaarsiinta iyo iysgoyska Jubba halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Xarakada Al Shabaab, waxaana markii dambe dagaalku uu ku fiday xaafado ka mid ah degmada Shibis. Inta la ogyahay waxaa ku geeriyooday dagaaladaasi in ka badan 5 qof tiro intaasi ka badan waa ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo madaafiicda iyo rasaasta la isku adeegsanayay dagaalka ay haleeshay. Afhayeenka ciidamada Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu guulo ka sheegtay dagaaladaasi, isagoo tilmaamay in saakay fariisimahooda ay weerar xoogan ku soo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, wuxuuna sheegay in dhankooda ay gubeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin AMISOM islamarkaana qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan dagaaladaasi, iyadoo xariiro kala duwan oo aan la sameyney saraakiisha ciidamada dowladda KMG ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalada. Goobihii ay ku dagaalameen labada dhinac ayaa iminka waxaa laga maqlayaa rasaas kala duwan oo ay is weydaarsanayaan ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
  7. Iyadoo ay weli dagaalo ka soconayaan waqooyiga magaaladda Muqdisho ayaa waxaa booqasho ku tagay goobaha ay dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab Wasiir ku xigeen iyo qeybaha warbaahinta. Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Ibraahim ***** Yarow ayaa wuxuu maanta uu booqasho uu ku tagay deegaanada ay maanta dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab, wuxuuna kusoo dul wareegay Busleey, Isgoyska Boondheere, Wasaaradii Arrimaha Gudaha, Wiil Waal Iskuul, Hotel Caalimow iyo goobo kaloo fara-badan. Wasiir ku xigeenka oo warbaahinta sharaxaad uga bixiyay goobaha ay dowladdu la-wareegtay ayaa si weyn ugu argagaxay, kadib markii uu arkay burbuka baahsan ee ku yimid guud ahaan guryihii ay aagaga uga jireen Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab. Wuxuu eedeyn oo dhan dusha uu uga tuuray Xarakada Al Shabaab, isagoo sheegay in Shabaabku uu yahay bahal, waayo buu yiri sida ay guryaha u burburiyeen ayaa waxay muujineysaa buu yiri inay u dhaqmayaan sida bahaladii oo kale. Sidoo kale goobtaasi ayaa waxaa tagay bahda warbaahinta oo iskugu jira kuwa dalka u soo tabiya warar iyo kuwa dibada u soo tabiya, waxayna muuqaalo iskugu jira Sawiro iyo Video-ba ay kasoo qaadayeen goobaha ay dowladdu kala wareegtay Xarakada Al Shabaab. Dhanka kale Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xarakada Al Shabaab ay u geysteen jab xoogan, isla-markaana wuxuu qeexay inay sii wadi doonaan dagaalada, ilaa buu yiri aanu dalka ka saarno Shabaab. Si kastaba ha-ahaatee dagaalo ayaa waxay weli ka soconayaan aagaga waqooyi ee magaaladda Muqdisho, iyadoo ay xabadu iminka kasii dhaceyso dhabarka dembi ee degmada Boondheere, waxayna Mujaahidiinta Xarakada Al Shabaab ay u muuqdaan kuwo dib u sii guranaaya, inkastoo ay dhici kareyso inay dib isu soo abaabulaan.
  8. Ciidamada Dowladda KMG oo wehliya kuwa AMISOM ayaa dagaal ay qaadeen barqadii hore ee saaka ku qabsaday fariisimo hor leh, oo ka tirsan deegaanada waqooyi, iyagoo ka saaray Shabaab dhufeysyadii adkaa ee ay ku lahaayeen aagagaas. Wariyeyaal tagay goobaha dagaalka iyo meelaha laga qabsaday Shabaab ayaa soo sheegaya in meelaha qaar ay noqdeen kuwo howd ah oo ay ka soo baxeen dhir aad u fara badan, isla markaana godod iyo boholo ay ka qodeen xaafadaha. Ibraahim ***** Yarow oo ah Wasiir Kuxigeenka wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in Shabaab ay ka qodeen guryaha godod, si ay ugu negaadaan, oo ay dhufeysyo ka dagaalamaan uga dhigtaan. "Nimankaan waa kuwo u nool sidii bahalkii, Guryo dad leeyahay ayay sidaan u galeen, way bur buriyeen, wixii hanti tiil ayay la wareegeen oo ay boobeen, waxaa ku mahadsan ciidamada xooga dalka inay ka saaraan"ayuu yiri Mr Yarow. G/sare Maxamed Sheekh C/llaahi oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda ee aaga Juba ayaa sheegay in dhufeysyada ay qoteen Shabaab ugu tala galeen in labaatan sano ku dagaalamaan, hase ahaatee saacado gudahood looga bixiyay. Mid ka mid ah dadkii deegaanka ee xaafadahaas ka barakacay oo soo arkay gurigiisa ayaa sheegay in gurigiisa wixii alaab yaalay la qaatay, waxaana uu xusay in muddo sanad ka badan uu gurigiisa ka maqnaa, markii uu maanta arkay uu gebi ahaan yahay mid bur bursan oo godod dhufeysyo laga sameystay. Guryaha degmada Boondheere oo marka loo eego ahaa kuwo dagaalada ku bur buriyay ayaa hadana waxaa Wariyeyaasha soo arkeen godod waa weyn iyo guryaha oo la isaga dhex duleeliyay, oo la isaga dhex baxay oo Shabaabka ay dagaalada marka ay qaadaan geli jireen. Meelaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM qabsadeen ayaa waxaa ka mid ah Dugsigii Wiil-Waal, Hotelkii Caalimow iyo Wasaaradii Arrimaha Gudaha sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda KMG. Dagaalada ayaa wali waxay yihiin kuwo haatan si goos goos ku socda, iyadoo suura gal tahay in dagaalada ay sii xoogeystaan, hadii Shabaabka soo qaadaan weerar rogaal celin ay isugu dayaan inay dib u qabsadaan goobaha lagala wareegay.
  9. oba hiloowlow

    Ogeysiis

    i second that, is daji Guled
  10. Kadib markii ay shir balaaran iskugu yimaadeen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya ayaa waxay qalinka ay ku duugeen in muddo hal sano ah loogu daro Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xukuumadda Farmaajo iyo Baarlamaanka Somaliya. Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay min hal sano ay ugu dareen Dowladda Soomaaliya, Xukuumadda Farmaajo iyo Baarlamaanka Soomaaliya, si’ay Xukuumadda u sii shaqeyso, bacdamaa ay hor-yaallaan hawlo culus. Wararka ayaa waxay sheegayaan in kullankani uu shir gudoominaayay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”, kaasoo isugu xudun u ahaa qabsoomida shirkaan. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in durbaba ay qaylo dhaan culus kasoo yeereyso qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka ee Dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la-ogeyn habka ay isku waafaqi doonaan. Majirto wax faah faahin rasmi ah oo kasoo baxay kullani, hase ahaatee wixii kasoo baxa kala soco Shabakadda Dhacdo.com oo isha ku heysa kullankani oo ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.
  11. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday inay sii deysay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo muddo bil iyo 10-cisho ku xirnaa Xabsiga dhexe ee Xamar. Sii deynta Maxamed Dheere ayaa ka dambeysay kadib markii dambi ku weysay, waxaana cadeymo ku soo bandhigay Maxkamada qareenada Maxamed Dheere iyo marqataaiyaal, iyadoo kadib xeer ilaalinta cadeysay in wax dambe ah aanu laheyn. Maxamed Dheere ayaa markii la soo deyay Maxkamada iyo Ciidamo ay u galbiyeen Hoygiisa, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen boqolaal ruux oo taageerayaashiisa ah oo watay caleemo qoyan iyo sawirkiisa, iyagoo ku qeylinayay hadalo taageero ah. Hadal kooban oo uu ka jeediyay goobta ayuu Maxamed Dheere waxaa uu u mahadceliyay guud ahaan dadkii ka dhiidhiyay gudaha iyo dibada xarigiisa, isagoo si gaar ah saxaafada ugu mahad celiyay. "Guud ahaan dadka soomaalida ee ka dhiidhiyay dadka gudaha iyo dibada aad baan ugu mahad celinayaa iyo saxaafada iyo sida ay u gaarsiisay caalamka, cid aan xoriyad jecleyn ma jirto"ayuu si kooban u yiri Maxamed Dheere. Bishii Febraayo 15-keeda ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG ay dad rayid ah oo ku banaan baxayay nawaaxiga Ex Fiyoore ay rasaaseeyeen ciidamo xirnaa dareyska Dowladda, iyadoo rasaastaas ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Xukuumada Ra'iisul wasaare Farmaajo ay ku dhawaaqday in la xiray ilaa shan ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falkaas, oo uu ku jiray Maxamed Dheere. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
  12. Waxaa maanta la sii daayay hoggaamiyaha siyaasadeed ee Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo isagu u xirnaa muddo ka badan bil, kaddib markii lagu eedeeyay inuu isagu abaabulay fal lagu rasaaseeyay dadweyne dibadbaxayaal ahaa.Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, hoggaamiye Maxamed Dheere oo saakay loo gudbiyay Maxkamadda G/Banaadir ayaa xukuntay in la sii daayo, kaddib markii lagu waayay eedeymihii loo jeediyay. Hoggaamiyaha siyaasadeed ee Maxamed Dheere oo daqiiqado kahor gaaray gurigiisa ayaa waxaan idiin soo gudbin doonaa shir jaraa'id oo uu halkaasi ku qabanayo iyo warar dheeraad ah oo ku saabsan halka ay ku dambeysay dacwadii loo heystay oo noqotay mid lagu waayay.
  13. Maxkamada gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta sii deysay gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir kadib markii sida ay sheegtay lagu waayay dambigii loo heystay. Maanta barqadii ayaa waxaa xoriyadiisa dib loo siiyay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere, kadib markii Maxkamada gobolka banaadir ay ku weysay wax dambi ah. Max’ed Dheere oo saxaafada hadal kooban siiyay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dib u helida xoriyadiisa islamarkaana arintaani uu si aad ah u soo dhaweynayo. Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Max’ed dheere uusan wax dambi ah laheyn islamarkaana uu si sharci daro ah ugu jiray gacanta dowladda, waxaana uu go’aamiyay in la sii daayo. Xarunta lagu soo taagay maxkamada ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo boqolaal qof oo ka mid ah ehaladiisa, waxaana maxkamadu ay sheegtay in kadib markii baaritaano dheer lagu sameeyay lagu waayay wax dambi ah. Max’ed Dheere ayaa gacanta ugu jiray dowladda KMG Soomaaliya in ka badan 50 maalin, waxaana qareenadii u doodayay Maxkamada ay ka dalbadeen in ay magdhow ahaan u siiso 10 milyan oo doolar.
  14. Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegtay inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah, kadib markii ay sheegtay inay sameysay baaritaano dheer, deetana ay ku weyday wax dembi ah. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qareenada Maxamed Dheere ay maxkamadda u muujiyeen inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah, iyadoo ay markii dambe ay maxkamaddu xaqiiqsatay in halyeey Maxamed Dheere uusan laheyn wax dembi ah. Maxamed Dheere oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay inuu si’aad ah ugu faraxsan yahay, bacdamaa uu dib u hellay xuriyadiisa, isagoo uga mahad-celiyay intii u istaagtay badbaadintiisa. Maanta ayay ahayd kadib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir la-horkeenay eedeymo ka dhan ah Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere, hase ahaatee Maxkamadda ayaa shaacisay inuusan Maxamed Dheere laheyn wax dembi ah.
  15. wyre;705667 wrote: S0l dad waalan baa kasoo buuxsame:p heheh
  16. Muxaadaro taxane ah oo socotay mudo saddex habeen ah oo ay soo jeediyaan masuuliyiin u qaabilsan Al-shabaab dhinaca kicinta iyo abaabulka dagaalada ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay masjid ku yaalla degaanka Ceelasha biyaha taasoo dhalisay in ay isku khilaafaan xubo ka tirsan Al-shabaab iyo Col. Xasan Daahir. Wadaad magaciisa lagu soo kooban Xayaakallaah ayaa dadka degan degmooyinka Wadajir, Dharkenley, Xamarweyne iyo Xamar jajab ku tilmaamay in ay yihiin Murtadiin aan wax dhaamin Ugandhes iyo Burundi kaasoo ku sheegay in ay mufanyihiin in lala dagaalamo. Sheekh C/raxmaan Muumin oo isna ka hadlayay farqiga u dhaxeeya dadka ka soo guuray goobaha ay ka taliyaan ciidamada dawladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo goobaha ay maamulaan Al-shabaab ayaa ku tilmaamay in NABI Muxamed (NNKH) iyo saxaabadii ay ka haajireen Ardul-Maka oo ah deegaanka u kheyrka badan dunida, sidaana ay mudanyihiin in dadweynuhu ka qaxaan goobaha ay deganyihiin waxa uu ugu yeeray cadowga Islaamka.