oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Somalis know that very well and the rest of the world knows it. Bringing Somalia & Somaliland together creates more problem than good. They can not work together, so divide them is the best solution. lol u must be a comedian fiiri sxb somaliland waa 2 qabiil, qabiilna qaran ma noqdee cuqdada iska da, i personally dont think it will cause a problem, waxad tabaneysan waa maxay ma somaliweyn ayaa wax idinka hagratay? Hal nin iyo dowladiis ba idin dhibaateeye why r u guys hating somaliweyn for that every somali clan has suffered from siyaasada maxamed siyaad bare suurada naga dhaafa plz
  2. 07 November 2010 Waagacusub.com-Ciidamo gaarayay boqol askari oo laga qaaday Maamulka Galmudug lana geeyay dalka Uganda si ay tababar ugu qaataan ayaa markii ugu horeeysay la helay qaar ka mida oo si xun loo jirdilay. Muqtaar Cabdi raxmaan xaaji oo ka mida boqolkii askari ee degaanka Galmudug laga qaaday wuxuu sheegay in si ka baxsan Bini aadan nimada loola dhaqmay qaar ka midana la toogtay halka sidoo kale lagu sameeyey falal jirdil ah sida Xaniinyaha oo laga baxshay qaarkood. waagacusub Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Ahna Ku simaha Gudoomiyaha Cawke Xaaji C.rixmaan oo isagu ku sugnaa goobtaasi lagu soo bandhigay ninkaasi ayaa Eedayn Dusha uga Tuuray Dowlada Shariif oo uu ku tilmaamay kuwo aan mas'uul qaadi karin maadaama ay meel halis ah galiyeen ciidamadii lagu ogaa inay tababar siinayaan Gudoomiye Cawke wuxuu tibaaxay in tacadiyada lagula kacay Ciidamadda Galmudug ay masuuliyadooda qaadi doonaan dadkii reer Galmudug u wakiisheen. Si kastaba ha ahaatee Bilo ko hor ayey ahayd markii Magaalada Gaalkacyo laga qaaday ciidamo La sheegay in ay Tababar Ugu Deeqday Dowlada KMG ee Somalia..
  3. Allahayow nin wadani waxaa ah ninkan Taleexi la yiraahdo waliga noolow walaalkey..
  4. if somalia want a functioning government, they must throw away the warlord politics and 4.5 policy or it will never be fair and it will continue to be a country in anarchy!!!!!!!!
  5. Shabakadda Dhacdo.com oo si-weyn ugu mashquulsaneed dhaq dhaqaaqa Golaha Wasiirada ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya ayaa waxay soo heshay 12 kamid ah Golaha Wasiirada Raaisal Wasaare Farmaajo oo ka koobnaan doonto 18 oo qura. 1- C/Raxmaan Xaaji Adan Ibbi 2- Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) 3- Adan Maxamed Nuur madoobe 4- C/Qaadir Cali cumar 5- C/Risaaq Jurule 6- Daahir Maxamuud Geele 7- C/Rashiid Khaliif Xaashi 8- Mustaf dhuxulow 9- Axmed C/salaan Xaaji Adan 10- Maxamed Ibraahim Xaabsade 11- Fowsiyo Maxamed Sheekh 12- Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde).. Tolow why is indhacadde and qeybdiid ugu jiraan liiska goorme warlordism ka tageynaa? Inta ay ku jiraan raga wadankan qaribay dowladda haka sugina isbedel ka dhacaa wadankeena
  6. Yh Taleexi i agree with u runtii they deserve noble price for working in a such harch Enviroment.. Allow badi dad waxtar leh!!
  7. Majaladda Glamour ee dalka Mareykanka ayaa u aqoonsatay Drs. Xaawo Cabdi iyo labadeeda Gabar ayaa loo aqoonsaday haweenka sanadka (Women of the Year). Drs. Xaawa Cabdi oo 63-sanno jir ah iyo Labadeeda Gabdhood oo lagu kala magacaabo Drs. Aamina Maxamed iyo Drs. Deeqa Maxamed ayaa waxa ay ku muteysteen Abaalmarinta loogu doortay (Women of the Year), kadib markii ay in muddo ah caawinayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho kusoo barakacayay. Hadal qoraal ah ayay majaladda Glamour ku tiri “ Glamour waxa ay ku faraxsan tahay inay u aqoonsato Drs. Xawo Cabdi iyo gabdhaheeda, kuwasi oo maamula xero qaxooti oo weyn oo ku taalla Somalia inay yihiin Glamour Women of the Year (Haweenka Sanadka ee Glamour). Xerada qaxootiga oo ay mamusho Xaawo Cabdi waxa ay hoy u tahay dad ku dhow 90,000 oo qof, oo badankood ah haween iyo caruur, sababto ah Dr. Xaawo Cabdi waxa ay tiri “raggii way geeriyoodeen, way dagaalamayaan ama waxa ay ka tageen Somalia, si ay shaqo u raadsadaaan”. Maleeshiyada ururuka Xisbul Islam ayaa weerar ku qaaday bishii May oo sanadkan xarunta Drs. Xaawo Cabdi u oo ayadiina afduub ahaan u qaatay ayaga oo leh “Waxyaabahan oo kale Haweenku ma sameyn karaan”, laakiin ficiladooda waxa ay Drs. Xaawo Cabdi u noqdeen uun dhiiri gelin. Glamour ayaa dadaalada Xaawo Cabdi u aragtay kuwa aan la iska indha tiri karin, waxaana ay ku abaal marisay magacabiista Women of the Year.
  8. Kolonyadan gaadiidka ah oo ay wateen horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Shalay lagu weeraray inta u dhaxeeysa Degmooyinka Bu’aale iyo Saakoow ee gobolka Jubada Dhexe, waxaana weeraray kooxo hubeysan oo ay wararka aynu helnay halkaa ay sheegayaan inay yihiin dadka deegaanka oo kaashanaya maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe oo kamid ah horjoogayaasha kooxda Xisbul Islaam. Kooxaha weeraray kolonyada ayaa ugu horeyn hub culus ku bilaabay weerarkooda, kuwaasi oo ay la eegteen gaadiidka ay saarnaayeen horjoogayaasha kooxdaasi, ayadoo markaasi kaddibna uu dagaal toos ah oo xalay fiidkii gaaray uu goobtasi oo howd ah ku dhexmaray labada maleeshiyo. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya horjoogayaasha weerarka lagu qaaday waxaana wararku ay sheegayaan in Axmed Cabdi Godane iyo rag kale oo isaga ku feker ah oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, waxaana lasheegayaa in horjoogayaashaasi qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray kaasi oo aan si rasmi ah looheyn. Magaalada Kismaayo dad Wargal ah oo ku sugan ayaa saakay u sheegay Radio Muqdisho in xalay magaalada ay soo galeen kolonyadii weerarka lagu qaaday ayadoona isbital kuyaala magaaladaasi lageeyey dhaawacyada maleeshiyaadka iyo horjoogayaashii weerarkaasi wax kunoqday ayadoo sidoo kalena ay maleeshiyada Al-Shabaab dib u fureen wadada xiriirisa degmooyika Bu,aale iyo Saakoow oo ilaa xalay iyo shalay gelinkii dambe kooxdaasi u xirneed si aan qasaarahooda loo ogaan, waxaana weerarkaan uu imaanayaa xili mudooyinkii ugu dambeyey dadka ku dhaqan deegaanada ay xooga ku heystaan weeraro kala hor imaanayeen maleeshiyaadka kooxdan waloow uu weerarkan imaanayo xili sidoo kale uu jiray khilaaf xoogan oo horjoogayaasha Shabaab u dhaxeeyey kaasi oo keenay in Labo garab ay noqdaan tanina la aaminsanyahay inay taas qayb ka tahay.
  9. Maleeshiyadda u dagaalanta Al-Shabaab ee kaso jeeda bay & bakool ayey tiradoodu tahay 4230 askari Sida ku cad liis ay ku qoran yihiin tiradda iyo qabiilada ay u kala dhasheen Maleeshiyadda Al-Shabaab. Liiska maleeshiyadda Al-Shabaab oo Waagacusub.com ka heshay Saraakiil ka tirsan waaxda tirakoobka Al-Shabaab waxaa tirada Maleeshiyadda kaalinta 2-aad ku jira Beesha DA****D oo tirada ugu jirta ay tahay 3106 askari.Askarta u dagaalanta Al-Shabaab ee qabiilka D*****dka u dhashay waxaa u badan OG iyo M****xaan.sida ku xusan tilmaamaha lixaad ee qabiil hoosaadyada Liiska la qoray 12 Agosta 2010. Qabiilka Hawiyaha oo kaalinta 3-aad galay tirada Maleeshiyaadka u dagaalama Al-Shabaab waxay dhan yihiin 2401 askari, 75% Maleeshiyadda H**iye ee Al-Shabaab waxay u dhasheen beelaha Muru**** iyo Dud*****. 1982 askari oo ka mida dagaalyahanada ajnabiyiinta ALQAEDA ee ka dagaalama Koofurta Somalia laguna magacaabo MUHAAJIRIIN ayaa noqonaya tirada kaalinta 4-aad. Dagaalyahanada Alqaeda ee jooga gudaha Somalia waxaa ka mida Saraakiil ku xeeldheer culuumta Melleteriga,Dhaqaalaha,Istiraatiijiyada dagaal,dabagalka,amaanka iyo information technology. Qabiilka uu ka dhashay Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Abdi Aw Mohamud Godane ee D** ayaa noqonaya qabiilka ugu tirada yar Maleeshiyaadka ee ku jira kaalinta 5-aad ,waxayna askarta D**ta dhan yihiin 1702 askari. Liiska waxaa ku qeexan in 753 ka mida askarta D**TA ay u dhasheen beel hoosaadka Ahmed Godane ee Is*** Beelaha loogu yeero others-ka ama .5,askarta u dhalatay ee Al-Shabaab u dagaalanta ayaa dhan 1005 askari waxayna u badan yihiin arday iyo xamaalato laga aruuriyay koofurta Somalia. Guud ahaan marka la isku daro tirada Maleeshiyadda Al-Shabaab ee Somalida iyo ajnabiyiinta iskugu jira waa 14'426 ,toban iyo afar kun,afar boqol,labaatan iyo lix askari,lamana oga in tiradaan ku jiraan maleeshiyadii ka dhimatay iyo inay yihiin kuwa nool oo kaliya.
  10. sunatimes Sorry qaladd ban sameeye use this link.. Mahadsanid!!
  11. Kooxda qeyladhaan oo soo saartay hees XILDHIBAANIMOOY XAAL QAADO!!! Halkaan ka dhageysta : sunatimes
  12. xaaji sheekadaada kala bax wadaadkeena amiirul mu'miniinka sheikh shariif Sh axmed qaraar ba idinka haaysta ee ilaahay ka baqa haku danbaabina wadaadka culimadda lama caaye
  13. xaaji mid ogow godane waa danbiile ila ma aha inuu uu naxaayo somaliland marka adna tookadaa waa lagu qixinaa la soco nabsi waaye...
  14. xaaji maxaa isku cajabineysaa oo meesha xaa ku heysaa,
  15. So dhawooow Maslax siyaad barre adaa ka dhalatee cid talin kartee!!!
  16. The Emir is Axmed Abdi aw Muxumad godane Roobow is his VP And The finance Minister is Maxammad abubkr Seylici. i Agree with suldaanka , Nimankasi halka waxay ku gaadheen Raganimadooda Loool Mineey raganimadodu ku gaareen HALKAAS maxey sidii naagaha oo kale indha shareer uu xirtaan oo xitaa ciidamadooda aysan uu garaneynin?? Raganimo miyaa ani raganimo waxaan uu aqaan ninkii sida xorta ugu hadli karo aragtidiisa laakin malaha halkaa ka timideen ayaa raganimo looga yaqaan in sidii naagahii oo kale indha shareer lo xirto lol Mushubahh yaah..
  17. Burburkii Soomaaliya ee 1991-dii wixii ka danbeeyay Dalka waxaa ka hirgalay howla horumar lagu sheegay laakiin si kale marka loo eego dhibaato inteeda la eg lagala kulmay. Tartan xaasidnimo ku saleysan oo u dhaxeeya shirkadaha u abaabulan qaabka qabiil ee sheega in ay ganacsi horumar leh dalka ka hirgaliyeen ayaa shacabka marasta ah ee dagaalada, abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ay la dageen waxa ay ka kulmeen caqabad balaaran. Shirkadda Dahabshiil sida ku xusan profile-keeda waxaa ay dhaq dhaqaaqa ganacsi bilowaday 1970-kii waxaana mudda badan ay ku shaqeyneysay nidaam qarsoodi ah oo aan sharci aheyn, laakiin wixii ka danbeeyay burburkii ayey la soo shaac baxday dar dar xoog leh. Soomaalida dhexdeeda waa arrin iska caada ah in lagu arko qorshaha ku dhisan qabiilka iyo qabiileysiga, waxaana shirkadan ay mudadii ay jirtay dhex maquuraneysay nidaamka ku saleysan qabiileysiga, wallow ay dhanka kale ay gacaan saar la leedahay sirdoonka caalamka. Walaac kii ugu xooganaa waxa uu la darsay Dahabshiil bartamihii sanadkan kadib markii Shirkada Hormuud oo ku caan aheyd bixinta adeegyada kale duwan ee telfoonka ay Dalka geysay nidaam dunida laga adeegsado kaasoo ah Mobile money transfer, waxaana adeegan culeys uu ku keenay adeegii xawaaladeed ee Dahabshiil. Soomaalidu waxay tiraahdaa Bahal Ceyriin ma daayo nina caadadii ma baajo, taasoo ay uga gol leedahay Soomaalida in aanu Shaqsina dhaqankiisa is doorineyn, Shirkad xawaaladeedkan waxa ay ka baxday nidaamkii ku saleysan tartanka dhaqaale, waxaana ay magansatay awood beeleed. Axmed Cabdi Aw-Max’ud Godane waxa ay heeb wadaag yihiin madax sare oo ka tirsan Shirkadda, waxaana taasi ay fududeysay in Waraqad digniin ah ay ka soo saarto kooxda Godane adeegii Hormuud ee Mobile Money transfer oo shirkadaasi ay uga magac dartay “ZAAD” oo afka Soomaaliga marka loo rogo ah Sahay. Warqadda kooxda Godane ay ku diiday isticmaalka adeega ZAAD ayaa waxa ay soo baxday bartamihii bishan waxaana ku xardhanaa erayo ay ka muuqdaan dagaal qabiil iyo nidaam lagu difaacayo dano beeleed isla markaana beel kale lagu curyaaminayo, waxaa lagu xusay warqadda in adeegaasi loogu shaqeeyo Maraykan ama Yahuud isla markaana la farayo shirkadda iyo macaamiishaba in muddo ku siman 3 bilood ay ku soo afjaraaan adeegsigiisa. Hadaba aynu Eegno xiriirka Sirdoonka Caalamka iyo Dahabshiil Xogo la helay waxa ay sheegayaan in Shirkaddan ay ka talaabtan sharci ahaan nidaamka xawaaladaha caalamka loo jaangooyay, kaasoo ah in xawaalad aanay awoodin kala gudbinta in ka badan 2 Milyan oo Doolar, laakiin shirkan waxa ay xawishaa lacagaha ay adeegsadaan sirdoonka Caalamka kuwaasoo cadad ahaan aan la qiyaasi Karin, waxaana taasi ay muujineysaa in xiriir adag oo ay sirdoonka la leeyihiin inuu jiro. Dhanka kale shirkadani waa tan lagu xawilo lacagaha madax furashada loo siiyo burcad badeeda caalamka, waxaana taasi sahlay shirkadda oo gacan saar la leh mukhaadaraadka aduunka sida kuwa fura wada hadalada u dhaxeeya burcad badeeda iyo milkiilayaasha Maraakiibta la qafaasho. Dad badan oo isticmaalka adeega ZAAD ee Hormuud la jaanqaaday waxay eedeyn aan ka fiirsi laheyn dusha uga tuuraan kooxda GODANE oo ay la tahay iyagu in ay iska maageen shirkadda Hormuud isla markaana adeega ZAAD ay iska joojiyeen, laakiin waxaa hareer marsan shacabka in yabooh lacageed oo balaaran in la siiyay kooxda, isla markaana uu jiro dhalasho iyo qaraabo-nimo hoose. Oo ka dhaxeysa kooxda iyo Shirkadda Soo shaac bixii talaabada lagu soo saaray amarka lagu diiday adeegii ZAAD waxa ay noqotay furaha soo ifbixidda xiriirka ka dhaxeeya Shirkadda Dahabshiil ee magaca ganacsi huwan iyo kooxda Godane oo iminka ka dagaalanta guud ahaan gayiga Soomaaliya. Waa suurta gal in dad badan oo macaamiil lalahaa shirkaddasi isla markaana ku keedsan jiray lacago in ay ka aamin baxaan sabab la xiriirta iyagoo cabsi ka muujnaya in lacagahooda ay ka mid noqdaan kuwa lagu hurinayo dagaalada ka socda Dalka ee marasta lagu dhibaateynayo. Inkastoo shirkada ganacsi oo badan isla markaana maalka shacabka ku taajiray la aaminsanyahay in ay ku lugleeyihiin dhibataada dalka ka socota,hadana tani waxay noqotay tii ugu horeysay ee cadeyn buuxda loo helo isla markaana ka ganbanweysay laablakacnimada ku dhisan awooda qabiil.
  18. ^You seem to be giving your qabiil folks too much credit as well. Alshabaab's top four men are Godane, Roobow, Shangoole, and Cali Dheere. And last time I checked three of those men are NOT from Waqooyiga. Yh but Al shabaab khilaaf ayaa ka dhaxeeyso waana Roobow and cali dheere vs Shongole and Godane sababta waxa waaye why ayaad jihaad ugu bilaabi la'dahay waqooyiga oo kaliya konfurta uu gumaade.