Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

khaatumolondon-1.jpg

xafladii-london.jpg

 

 

 

Xaflad Weyn Oo Lagu Taageerayo Maamul-Goboleedka Khaatumo State Of Somalia , Iyo Soo Dhoweyntii Prof. Cali Khaliif Galeydh ee London, UK

 

 

waxaa habeenkii xalayto ahaa caasimada wadanka ingiriiska ee London lagu qabtay xaflad lagu taageerayo Maamul Goboleedka Cusub ee Khaatumo State of Somalia, waxaana goobtaasi si weyn uga dhex muuqanayeen Mudane Prof Cali Khaliif Galaydh iyo Gen. Maxamed Aadan Laangadhe, oo halkaasi ka soo jeediyey Khudbado si weyn loogu riyaaqay.

 

 

 

Furitaankii xafladaasi aayadaha quraanka kariimka iyo wacdi kooban oo diini ah ka dib waxaa si habsami leh codbaahiyaha loogu dhiibayey dhamaan jaalliyadihii soomaaliyeed ee xafladaasi lagu marti qaaday, oo iyaguna muujinayey farxada iyo niyadsamida ay u hayaan dhalashada Maamul Goboleedka Cusub ee Khaatumo State of Somalia.

 

 

 

Marrti sharafta qaarkeed waxay si weyn farta ugu tilmaamayeen in maamul goboleedkan cusub ee Khaatumo State Of Somalia looga fadhiyo sidii uu soomaali oo dhan isugu keeni lahaa, maadaama ay taariikh mug leh ay ku leeyihiin geyiga soomaaliyeed, isla markaasina yihiin shacabweyne ku caan baxay Ku Dheganaanta Midnimada iyo Qaranimada Ummada Soomaaliyeed.

 

 

 

Jewiga xaflada oo ahaa mid aad iyo aad u qurux badan, waxaa markii dambe lagu soo dhaweeyey codbaahiyaha Gen. Maxamed Aadan Laangadhe oo isagu ka mid ahaa shakhsiyaadkii sida weyn looga qadarin jirey dawladii dhexe ee soomaaliya, wuxuu isna si qoto dheer uga hadlay baahida loo qabo in sharaftii iyo qarankii soomaaliyeed dib loo soo celiyo.

 

 

 

Wuxuu kaloo wax ka xusay curashada maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia oo isagu ku soo beegmay xilli ummadda soomaaliyeed u ooman tahay sidii dib boodhka looga jafi lahaa qarankii soomaaliyeed.

 

 

 

Wax yar ka dibna waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyey Prof. Cali Khaliif Galaydh oo goorahaasiba la sugayey, dabadeedna wuxuu Mudane Cali Khaliif Galaydh halkaasi ka soo jeediyey khudbad oo aad iyo aad u qiima badan oo dhiinacyo badanna taabanaysey.

 

 

 

Prof Cali wuxuu si waafi ah uga sheekeeyey sababihii keenay curashada maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia, wuxuuna si gaar ahaaneed ula hadlay qurba joogta u dhalatay deegaanada SSC oo uu ku booriyey inaysan marna ka daalin taageerada ay u hayaan maamulkoodan cusub, oo in muddo ah looga fadhiyo inay is garab taagaan.

 

 

 

Sidoo kale Prof. Cali Khaliif wuxuu ka hadlay fara gelin qaawan ee ay ku hayaan maamulada hareeraha ka xiga, kuwaaso oo ujeedadoodu tahay sidii ay u wiiqi lahaayeen maamul goboleedlkan cusub ee Khaatumo State Of Somalia, maadaama ay mudadii kow iyo laabatanka sanadood ahayd ay ku maxaafsanayeen.

 

 

 

Prof Cali Khaliif Galaydh wuxuu si geesinimo leh u cadeeyey in horboodayaasha maamuladaasi wixii maanta ka dambeeya in aysan sheegan karin shacabweynaha maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia, oo iyagu gartay in ay samaystaan maamul u gaar ah.

 

 

 

Wuxuu kaloo Mudane Cali Khaliif xusay inay hayaan xogo fara badan oo ku saabsan deeqihii loogu tala galay deegaanada SSC ee ay lunsadeen maamuladaasi hareeraha inaga xiga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in aysan dib dambe u dhici doonin arrimahaasi foosha xun ee ay ku kaceen maamuladaasi, oo aan iyaguna marna xisaabta ku darsanin in raadkooda la heli doono.

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

 

 

VIDEO: Xaflad Weyn Oo Lagu Taageerayo Maamul-Goboleedka Khaatumo State Of Somalia , Iyo Soo Dhoweyntii Prof. Cali Khaliif Galeydh ee London, UK

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xaaji Xunjuf;789170 wrote:
Walahi khaaatumo waxay soo kordhisay one of the best xaflado meelkastaba mashallah keep us updated liibaanow.

 

Soomaaliweyn oo dhan ayaa Taageertay soona dhoweesay Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia, Xafladaha Khaatumo State soomaalo dhan ayaa kasoo wada qeybgashay, cidna kama maqneen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Jaaliyadda Khaatumo State ee San Jose ,CA, oo Shirweyne isugu Timid Kuna Balanqaaday Inay Ka QaybqaadanDoonaan Halganka Iyo Horumarinta Maamul-Goboleedka Khaatumo State of Somalia ,{Sawiro}

 

 

Shir si wanaagsan loosoo abaabulay oo taageero iyo wada tashi ah ayay yeelatay jaaliyadda Khaatumo State of Somalia ee magaalada San Jose, CA. Waxaa ka hadlay ugu horayntii Maxamuud Maxamed Jaamac (Hadhiye) oo kamid ah ergadii ka qayb gashay shirkii ka dhacay maagaalada taariikhiga ah ee Taleex kaasoo ka waramay sidii shirku udhacay . ka dib waxaa ka hadlay waxgaradka magaalada rag iyo dumar ba ah sida Gudoomiyaha jaaliyada Xiis Xirsi Ducaale, odey Faarax Kooreeye, Maxamed Yuusuf Cadmaawi, Maxamuud Cabdi, Faadummo Jaamac Jingali, iyo qaar a kale.. Waxay jaaliyadu muujisay taageero aad u weyn, waxay kaloo kawa hadleen doorkay ka qaadan lahaayeen horumarka maamulka Khaatumo state of Somalia.

 

 

Khaatumo-Sanjose1.jpg

SANY01361.jpg

SANY0111.jpg

SANY0103.jpg

 

SANY0099.jpg

SANY0095.jpg

SANY0092.jpg

SANY0091.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Xaaji Xunjuf;789170 wrote:
Walahi khaaatumo waxay soo kordhisay one of the best xaflado meelkastaba mashallah keep us updated liibaanow.

 

Ahahahhah, Don't you worry waa heshiinaynaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this