Sign in to follow this  
Liibaan

VIDEOs:Huge Pro-Khaatumo Rallies/Celebrations Held Across Khaatumo State, Somalia Around the World

Recommended Posts

Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladdii Taageerada khaatumo State of SOMALIA - San Diego, California

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Xafladdii Taageerada khaatumo State of SOMALIA - San Diego, California

 

 

Xafladii Khaatumo State of Somalia Ee San Diego- (Video)-

 

San deigo,(lasanod Online)- Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada San diego ee gobolka California,

 

Xafladan ayaa waxa soo abaabulay bulshaweynte u dhalatay gobolka Khaatumo State ee Soomaaliya.

 

Xafladan ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo isugu jirta culimo, hooyooyin, arday, shaqaale, madaxdii dawladii hore ee Soomaaliya, qaar ka mid ah madaxda dowlada federaalka ee Soomaaliya, aqoonyahano, abwaano, iyo musharaxiin u tartamay jagada Madaxweyne ee Dowlada federaalka Soomaaliya 2012 Mudane Abdimalik Askar oo laga soo casuumay xafladan isagoo ka yimid gobolka Minnesota.

 

Intii ay xafladan socotay ayaa waxa halkaas lagu soo bandhigay taariikhda Khaatumo State of Soomaalia, muhiimka ay nabadu leedahay, in la kordhiyo aqoonta ardayda Soomaaliya, mdnimada guud ee wadanka Soomaaliya, dardaaran lala dardaarmayey Maamulka cusub ee khaatumo state, doorka ay haweenku ku yeelan doonaan maamulka, iyo sidii loo hormarin lahaa, guud ahaan wadanka Soomaaliya oo dhan.

 

Ugu danbeyntii, ayaa halkaas waxa lagu soo bandhigay gabayo, heeso iyo buraanbur kuwada qotamay maamulka cusub ee Khaatumo State of Somalia.

 

 

 

______________________________________________________________________________________

 

khaatumo_event_SD1

khaatumo_event_SD

 

 

 

Xadlad lagu taageerayo maamul goboleedka Khaatumo oo ka dhacday San Diego

 

 

WardheerNews

 

San Diego, Feb 11, 2012 (WDN) Xaflad si wacan loo soo agaasimay oo lagu taageeerayay aasaaska maamul goboleedka cusub ee Khaatuma, ayaa lagu qabtay magaalada San Diego. Xafladaasi waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ay ka muuqatay farxad iyo reynreyn.

 

Waxa xaflaadaasi soo dhawenta maamul gobolaadka Khaatumo ka hadlay dad badan, oo aad u soo dhaweeyay aasaaska maamul goboleedka Khaatumo.

Furitaankii xaflada oo lagu furay aayadaha quraanka Kariimka ah, kadib waxa furitankii xaflada ka hadlay Cali Cartan oo ka waramay xaalada adag ee wadanka Soomaaliya uu ku sugan yahay iyo sidii looga bixi lahaa. Cali waxa uu ka hadlay in dhibaatooyinka adag ee la soo darsay wadanka Soomaaliya loo baahan yahay in si wadijir iyo midnimo isku duubni lagaga bixi karo.

 

Hadalkii Cali kadib waxaa xaflady lagu soo dhaweeyay Yaasiin Ciise oo ah gudoomiyaha maamul goboleedka Khaatumo ee Kaliforniya oo si qoto dheer uga hadlay sababaha dhaliyay maamul goboleedka Khaatume ee Soomaaliya, isaga oo ka hadlay in Khaatumo ay tahay maamul goboleed ay samaysteen shacbiweynayha Soomaaliyeed ee reer Sool, Sanaag iyo Cayn si ay uga tashadaan ayaahooda.

 

Md. Yaasiin wax uu sheegay in laga fogaado dagaalada iyo dhibaatooyinka ragadiyay Soomaaliya 20 kii sano ee la soo dhaafay, iyada oo aysan jirn maanta cid ama qolo deegaan kale xoog ku qabsan karta ama majarin haabin karta rabitaanka shacbiga. Md. Yaasiin waxa uu tilmaamay in maamul goboleedka Khatumo uu ugu baaqayao walaalahooda Soomaaliyeed ee Soomaaliland in ay dhawraan nabada iyo daris wanaaga, islamarkaana lagu dhameeyo wixii is afgranwaa ah si wada hadal iyo daris wanaag ay ku dheehan tahay.

 

Waxa shirkaasi iyana ka hadlay dad badan oo matalaya dhamaan qaybaha bulshada iyo gobolada Soomaaliya ay ka kooban tahay, iyagoo dhaamaam hadalo dhiiri galin iyo soo dhawayn isugu jira u jeediyay aasaaska maamul goboleedka Khaatumo.

 

 

 

 

WardheerNews

Sand Diego

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Toronto ee dalka Canada

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Toronto ee dalka Canada

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Seattle, Washington

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Seattle, Washington

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Seattle, Washington

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Seattle, Washington

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Jaandheer, Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Seattle, Washington

 

 

 

Khaatumo.png

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Columbus, Ohio

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Xafladii Khaatumo State ee Magaaladda Columbus, Ohio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

" frameborder="0" allowfullscreen>

 

Khudbadii Prof. Cali Khaliif Galeydh iyo Xafladii Khaatumo State ee Magaalada Oslo, Norway

 

 

Khaatumo-State-of-Somalia2.jpg

 

 

khatumoxaflad1.jpg

khatumoxaflad2.jpg

khatumoxaflad14.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

wasiir.bmp

 

 

Wasiir ku Xigeenka Arimaha Dibadda Maamulka Khaatumo Farduus M Mirre Oo Soo Gaadhay Magaaladda Atlanta oo ay ka Qayb Galaysa Xaflada Taageeradda Maamul-Goboleedka Khaatumo State - Atlanta, GA

 

Wasiirka ku Xigeenka Arimaha Dibadda Maamulka Khaatumo Oo Caawa Gaartay Magaaladda Atlant,GA

 

Waxaa Caawa Magaaladda Atlanta GA howl Shaqo ku Soo Gaadhay Wasiirku Xigeenka Arimahadda Dibadda Maamulka Khaatumo Farduus M Mirre,Wasiir Ku Xigeenka Ayaa Waxay Martiqaad ka heshay Qurbojoogta Khaatumo Ee ku dhaqan Magaaladda Atlanta, oo iyagu Sabtidda (barito) 2/11/12 ku leh Shir ay ku Taageerayaan Maamulka Khaatumo State of Somalia.

Sidda Ay Wararku nagu Soo Gaadheen, Waxaa Wasiir ku Xigeenka ku Soo Dhaweeyey Airporka Magaalada Atlanta Qaar ka Mid ah Jaaliyadda Khaatumo State Ee ku Dhaqan Magaaladda Atlanta.

 

Shirka Taageeradda Maamulka Khaatumo.

Farduus Ayaa Waxay Ka Qayb gali doontaa Shir Sabtidda ka Dhacidoono Magaaladda Atlanta oo lagu Taageerayo Maamulka Khaatumo State,Shirkan Ayaa Waxaa ka Soo Qayb galidoonta Busho Waynta Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gobolka Atlanta iyo Gobladda Kale ee la dariska ka ah, Waxaana Loogaga Hadlidoonaa Taageeradda Maamulkan Cusub ee Khaatumo iyo Siddii Dadka Soomaalidda Isagga kaashan Lahaayeen Soo Celinta Qaranimaddii iyo Midnimadda Soomaaliya.

 

Wasiir Ku Xigeen Ayaa Siddoo Kale Waxay Jaaliyadda Reer Atlanta Uga Warbixindoontaa Shirkii Taleex oo ay ka qayb gashay iyo Waxyaalaha Horyaala Maamulka Khaatumo.

 

 

 

 

 

 

darwiish1.jpg

 

KHAATUMO STATE OF SOMALIA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Calanka.com

 

 

Khaatumo State oo Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Norway

 

Xaflad Balaaran oo Ay Ka Soo Qeyb Galeen Boqolaal Dad Ah Iyo Siyaasiga Caanka Ah Prof. Cali Khaliif Galeydh Ayaa Shalay Galab ka Dhacday Caasimadda Dalka Norway ee Oslo

 

 

 

Prof Galeydh oo kulankaasi ka hadlay ayaa Soomaalida uga warbixiyay ujeedka loo aas-aasay Khaatumo State, isagoona sidoo kale ka hadlay xiisadda u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn oo iyagu dhistay maamulka Khaatumo.

 

Hadafka laga lahaa dhisidda maamulkaasi ayuu sheegay in uu yahay mid ay ka badin waayeen, iyadoona mudo 20-sabo ka badan deegaanadaasi aysan laheyn wax maamul ah oo kala ah.

 

Waxa uu sheegay in cidna lagu colaadineyn, cidina lagula tartameyn maamulkaasi balse uu yahay mid ay dadka deegaanadaasi aayohooda ku ilaalsanaayaan.

 

Prof. Galeyd ayaa sidoo kale ka hadlay waraaqo baryahaanba la sheegayay in uu Burco heshiis kula galay maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in waraaqahaasi aysan waxba ka jirin, heshiiskii uu Burco ku galayna isaga iyo Garaado ay ahaayeen kuwo nabadda uun khuseeya, marnana looga hadal kala goynta dhulka Soomaaliyeed.

 

 

Ugu dambeyn jaaliyadda Soomaalida Norway ayaa soo dhaweeyay maamulka cusub ee KHAATUMO, waxaana ay sheegeen in maamulkaasi yahay mid buundo u ah midnimada Soomaaliyeed.

 

Jaaliyadda Soomaalida ayaa sidoo kale ku amaanay dadka reer Sool, Sanaag iyo Cayn ee iminka dhistay maamulka Khaatmo in ay waligoodba laf-dhabar u ahaayeen midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

 

Sawir/film qaade

Deeq C/laahi

 

Wariye

Qalalaqsi

 

 

khatumoxaflad19.jpg

khatumoxaflad.jpg

khatumoxaflad6.jpg

khatumoxaflad20.jpg

khatumoxaflad23.jpg

khatumoxaflad18.jpg

khatumoxaflad26.jpg

khatumoxaflad34.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

mashallah lovely videos and pics. Reer Khaatumo iyo inti somaliwayna ee tageertayba aad iyo aad ayeey ugu mahadsantihiin.

 

KHAATUMO STATE, SOMALIA ALL THE WAY...guul iyo horumar inshallah

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this