Sign in to follow this  
A_Khadar

Dedicated Thread for KH2 @ Taleex Daily Updates

Recommended Posts

Liibaan   

breakingnews.jpg

 

SSC SPRING

 

Laascaanood Oo Ilaa Xalay iyo Maanta Kacsan, Kacdoon Shacbi Oo Halkaasi Ka Qarxay iyo Dad lagu Xasuuqay !!!

http://sscnews.com

 

Waxaa xalay fiidnimaadii ka bilowday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool dabaaldeg xoogaan oo loogu dabaal degayo maamulka cusub ee deegaanda sool sanaag iyo cayn.

 

dadwaynaha oo ku jira xaalada dabaal dega ayaa waxaa carqaladeeyey ciidamada maamulka Hargeisa kuwaasi oo isku dayey inay joojiyaan dabaaldegaasi.

 

intaaas kadin ayaa waxaa arinkaasi ka gadooday shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaasi oo bilaabay inay sameeyaan banaan bax ay ku taageerayaan qodobada shirka iyagoo sidoo kalana aad u cambaareeyay cabudhinta uu ku hayo maamulka SNM ee kusoo duulay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Ciidama Maamulka SNM ayaa xalay waxaa gashay cabsi aad usaraysa markii ay dadka umaarawaayeena waxay dantu ku kaliftay ina sameeyaan dib ugurasho ayna faaruqiyaan gudaha magaalada Laascaanood.

 

Dabaaldegyada ayaa si habsami ah xalay oo dhan uga soconayey wadada laamiga ah ee magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyadoo sidii ay usoconayeen lagu adimay salaadii Subax.

 

Saaka barqadii ayaa waxaa weerar rogaal celina kusooqaaday dadka shacabka ciidamada Maamulka SNM kuwaasi oo si bini aadanimada ka baxsan Hubka noocayadiisa kala gedisan ufuray suuqyada magaalada laascaanood iyo weliba xaafada koonfureed magaalada halkasi oo ay dhaawacyo kala gedisan soo gaadhsiiyeen dadka shacabka ah.

 

Waxaa hada xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa Aadan Geele Yare oo dhaawac culisi kasoo gaadhay lugaha markii lagu dhuftay qori dhishiika ah waxaana hada lagu dabiibayaa cisbitaalka manhal ee magaalda Laascaanoood.

 

xaalda magaalada ayaa kacsan hada iyadoo rasaas goosgoosana laga maqlayo qaybo badan oo kamida xaafadaha kala gedisan ee magaalda laascaanood waxaana wararku sheegaan inuu ha’kad kujiro isusocodka gaadiidka magaalada iyo weliba ganacsigu.

 

Tikinoko tirabeeshay ayaa lagu daadiyey gudaha magaalada iyagoo xasuuq ba’ana ugaystay dadka shacabka ah.

 

Ssc News Online

 

 

________________________________________________________________________________________

 

 

Maleeshiyaakii SNM/ Somalidiid-land oo Xasuuqayay Shacabkii Reer Lascanood

 

Waxaa hada ka socoda Mudahaaraad balaadhan Gudaha magaalada lascanood siiba Xaafada waa weyne Hotal Royal iyo Masaajidaka Al-Hudaa , waxaana hada Baroonka lala dhacayaa shacabkii Mudahaaradaya waxaan dhulka la dhigay u dhacay oo ay baxad boroonka ku dhacay oday aad u weyn oo mudahaadka ku jiray oo naftu uun ku sii jiray oo loola cararay dhinaca cusbitaalka guud ee magaalada Lascanood.

 

Guudahaan magaalada lascanood ayaa saaka soo galay Tikniko aad u tiro badan oo ay wataan Beesha ***** iyo daba dhifyada sandareerada qaata ee uu ka mid yahay inna cabaashe oo maalin dhawayd Yagoori laga soo dhacaydhsaday.

 

 

______________________________________________________________________________

 

LAASCANOOD-MUDAHARAD.jpg

 

Xasuuq, Jidhdil iyo Cabudhin Lagula Kacay Shacabka Reer Laascaanood!

 

Horafadhi.com

 

 

Laascaanood- Waxaa xalay fiidnimaadii ka bilowday magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool dabaaldeg xoogaan oo loogu dabaal degayo maamulka cusub ee deegaanda sool sanaag iyo cayn.

 

dadwaynaha oo ku jira xaalada dabaal dega ayaa waxaa carqaladeeyey ciidamada maamulka Hargeisa kuwaasi oo isku dayey inay joojiyaan dabaaldegaasi.

 

intaaas kadin ayaa waxaa arinkaasi ka gadooday shacabka ku dhaqan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool kuwaasi oo bilaabay inay sameeyaan banaan bax ay ku taageerayaan qodobada shirka iyagoo sidoo kalana aad u cambaareeyay cabudhinta uu ku hayo maamulka SNM ee kusoo duulay Deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Ciidama Maamulka SNM ayaa xalay waxaa gashay cabsi aad usaraysa markii ay dadka umaarawaayeena waxay dantu ku kaliftay ina sameeyaan dib ugurasho ayna faaruqiyaan gudaha magaalada Laascaanood.

 

Dabaaldegyada ayaa si habsami ah xalay oo dhan uga soconayey wadada laamiga ah ee magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool iyadoo sidii ay usoconayeen lagu adimay salaadii Subax.

 

Saaka barqadii ayaa waxaa weerar rogaal celina kusooqaaday dadka shacabka ciidamada Maamulka SNM kuwaasi oo si bini aadanimada ka baxsan Hubka noocayadiisa kala gedisan ufuray suuqyada magaalada laascaanood iyo weliba xaafada koonfureed magaalada halkasi oo ay dhaawacyo kala gedisan soo gaadhsiiyeen dadka shacabka ah.

 

Waxaa hada xaaladiisa caafimaad laga dayrinayaa Aadan Geele Yare oo dhaawac culisi kasoo gaadhay lugaha markii lagu dhuftay qori dhishiika ah waxaana hada lagu dabiibayaa cisbitaalka manhal ee magaalda Laascaanoood.

 

xaalda magaalada ayaa kacsan hada iyadoo rasaas goosgoosana laga maqlayo qaybo badan oo kamida xaafadaha kala gedisan ee magaalda laascaanood waxaana wararku sheegaan inuu ha’kad kujiro isusocodka gaadiidka magaalada iyo weliba ganacsigu.

 

Tikinoko tirabeeshay ayaa lagu daadiyey gudaha magaalada iyagoo xasuuq ba’ana ugaystay dadka shacabka ah halka qaarkalana laga buuxshey jeelasha ay dadka ku qashaan maamulka SNM ee kuyaala Magaalada Laascaanood.

 

Horufadhi News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks for the update.

 

All that was required was unity and focus in the Khaatumo II grand conference. The people of SSC have succeeded in shaping their future. Moving forward is not an option. It is a requirement. There is no other alternative in my opinion.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

breakingnews.jpg

 

silanyo-iyo-faysal.jpg

 

Somalilandfuture.com:

 

Madaxweyne Siilaanyo oo Isugu Yeedhay Baarlamaanka, Xaalada Cirka Isku Sii Shareeraysa Iyo Ciidamadda oo Heegan la Galiyay.

 

Xaalada Sii Cakirmaysa ee Lagu Mijo Xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha SSC Kaga Dhawaaqeen Maamul-Goboleedka Cusub ee SSC

 

 

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa la sheegay in shalay isugu yeedhay Shirguddoonada labada Gole Baarlamaan isla markaana uu ka codsaday inay Xildhibaanada labada Gole fadhi isugu yeedhaan maalinta sabtida ah si go’aan looga qaato xaalada sii cakirmaysa ee lagu mijo xaabinayo Somaliland ee Shirka Taleex ee Beelaha *********** kaga dhawaaqeen Maamul Goboleedka.

 

Ilaa hada ma cada Madaxweyne Siilaanyo go’aanka uu la hor tagi doono Fadhiga la sheegay inuu iskugu yeedhay labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland hase yeeshee waxay xaaladu u egtahay in lagu dhaqan gelin doono sidii talaabo Milatari loogu waajihi lahaa arrintan maadaama markii hore Xukuumaddu dhayalsatay wax ka qabashadeeda imikana ay marayso meel khatar ku ah Sumcadii Somaliland lahayd. Waxaanay wararju sheegayaan in Heegan la galiyay Ciidamadda si aanay kooxda shirkaa wadaa fursad ay isku sii balaadhiso u helin.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa shalay joojisay Mushahar ay siiso Ciidan Beeleed ay Taleex ku qaramaysay kuwaas oo la sheegay inay ilaaliyaan shirka Taleex ee lagaga soo horjeedo Somaliland balse sida warar danbe oo aanu helnay sheegeen way u fasaxday markii danbe

 

Dhinaca kalena waxa meelo badan oo ka mid ah Deegaanada Sool ka dhacay banaanbaxyo lagu taageerao Shirka Taleex kuwaasoo khasaare dad lagu dhaawacay ka dhashay sida wararku xalay sheegayeena Dadwaynaha ku dhaqan Magaaladda Buuhoodle ayaa shalay sameeyay dibad-bax ay ku taageerayaan go’aanka laga soo saaray shirka Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool uga socda beelaha ***********.Dibad-baxan oo ahaa mid Somaliland ka dhan ah ayaa waxa dadwaynaha kala hadlay Odayaal reer Buuhoodle ah oo taageersan maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Khaatumo 2, iyagga oo dadku ku qaylinayeen kalmado ka dhan Somaliland, isla-markaana ugu sacabo tumayaan inay samaystaan maamul u gaar ah.

 

Dadkan oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Buuhoodle ee maamul goboleedka Puntland u jooga halkaasi Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, ayaa baaq u diray ciidamadda ka soo jeeda deegaanka Buuhoodle ee ku jira ciidamada Puntland inay ka soo baxaan oo ay hoos tagaan shirka Khaatumo.

 

Maxamuud Sheekh Cumar Xasan, waxa kale oo uu halkaasi kaga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Puntland, isaga oo tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato maamulka la sheegay in la yagleelayo.

 

Dhinaca kale, odayaal la sheegay inay ka soo kicitimeen dhinaca Magaaladda Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland oo ka soo horjeeda maamul goboleedka laga iclaamiyey shirka Taleex ayaa la sheegay inay abaabul ka dhan ah shirkaasi isla-markaana Somaliland dan u ah ka bilaabeen Magaaladda Laascaanood, iyagga oo kulan la yeeshay badhasaabka gobolka Sool Maxamed Jeeni-yare.

 

Raggan oo la sheegay inay awal ka soo horjeedeen Somaliland ayaa abaabulaya dad si ay u baajiyaan go’aamada la filan karo inay shirka Taleex ka soo baxaan, raggan oo ay ka mid yihiin Axmed Geelle, Nuux Yaasiin iyo kuwo kale ayaa la sheegay inay badhasaabka ka dalbadeen inuu ka taageero hawsha ay wadaan.

 

Dhinaca kalena waxa xalay magaaladda Laascaanood ka dhacay isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo shirka Taleex waxaanay ciidanka Booliisku isku dayeen inay kala diraan balse markii danbe waxay u adeegsadeen tacshiirad taasoo sababtay in xaaladu cirka isku sii shareerto oo ciidamada dib looga qaaday.

 

Si kasta ha ahaatee tan iyo intii uu shirkani bilaabmay waa soo baxaya Tuhuno badan oo shaki galiyay dadweynaha kuwaasoo ilaa hada kala saari la’ mawqifka Xukuumadda ee shirkaasi oo markii horena Saamayn ku lahayd qaban qaabadiisa ilaa hadana qaadi kari la’ talaabo lagu qanci karo oo wa lagaga qabanayo haddii ay noqon lahayd mid siyaasadeed iyo mid Ciidan toona.

 

Maaliyaddu ku xanibtay ahaa mid lagu deg degay oo aan laga fiirsan khatarta ka iman karta haddii ay tahay Ganacsi iyo mid Dublamaasiyadeed labadaba

 

__________________________________________________________

 

di-39NF.jpg

 

http://www.ishasomaliland.com

 

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ay Hogaamintii Dalku Ku Soo Oodantay Sanad Gudihii

 

Siilaanyo, ayaa waxa soo waajahday xaalad siyaasadeed oo adag ka dib markii degmada Taleex ee gobalka Sool lagaga dhawaaqay maamul goboleed ka dhan ah Somailland oo ay samaysteen beelaha SSC

 

Maamul goboleedkan ayaa dadka siyaasadda falanqeeyaa waxa ay tilmaamayaan inuu Somaliland ku noqon doono caqabad hor leh oo soo waajahday islamarkaana abuuri doona dhibaato ka badan dagaalkii ay maleeshiyaadka nabad diidka ah ee SSC ku hayeen qaranimada Somaliland. Maamul goboleedka lagaga dhawaaqay degmada Taleex ayaa ahaa mid ay bulshadu in badan ka sii digaysay dhibaatada uu abuuri karo, laakiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaan dheg jalaq u siin digniinihii mucaaradka iyo baaqyadii shacabka jecel qaranimadooda, waxaanay xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay jid siyaasadeed, mid amni amaba mid sirdoon kaga hortago shirkaasi inuu qabsoomo, waxaana la aaminsanyahay in xubno badan oo ka mid ah ragga shirka ka qayb galay ay ka soo degeen garoonada diyaaradeed ee Somaliland iyadoo kuwo kale oo uu ka mid yahay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo iyaguna ka soo degay dalalka jaarku ay si fudud ku soo galeen xuduudka Somaliland oo ay xukuumadu ku faanto inuu suganyahay.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii uu xilka ku wareejiyay Madaxweyne Siilaanyo oo doorashadii kaga guulaystay, wuxuu halkaas ka jeediyay khudbad ay dadka badankiisu imika dib u milicsadeen, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay Axmed nasiib wanaag ayay u tahay maanta dal dhisan oo nabad ah oo wada jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegayo.”

 

Hadalkaas Daahir Rayaale Kaahin waxa ka dhadhamayay in waxa ugu weyn ee uu ku

faanayo sideedii sanandood ee uu xilka hayay ay tahay ilaalinta midnimada iyo wada jirka shacabka reer Somaliland, marka xaqiiqda la dul istaagana ma jirto guul ka weyn oo uu kuba faani lahaa. Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo sanand iyo badh hayay talada qaranka Somaliland ayaa hadda u muuqda inuu furfur ku imanayo qaranka Somaliland, mar haddii gudaha Somaliland lagaga dhawaaqay maamul goboleedka aaminsan fikirka Somaliweyn. Lama garan karo doodda uu Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabi karo dareenka shacabka xilka ugu dhiibtay cod aqlabiyad leh oo la odhan karo haddii ay arrimahan sii ogaan lahaayeen malaa codkooda way hubsan lahaayeen. Marakse laga tago doodda uu Madaxweynuhu isku difaaci lahaa, waxa cad oo aanay cidina dood ka keeni Karin inay qaranimadii Somaliland halis ku jirto.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer soo ahaa hoggaamiye mucaarad ah, waxa keliya ee uu u cuskan jiray cambaarayntii uu Daahir Rayaale u jeedin jiray waxay ahayd inuu Mr. Rayaale ku hawlanyahay kala fogayn beelaha Somaliland iyo weliba inuu dalka la degay musuqmasuq aafeeyay. Laakiin labadan qodob iyo kuwo kale oo tiro badaniba waxa ay la soo gudboonaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaate laba qodob ayaa Madaxweyne Siilaanyo la gudboon kuwaas oo kala ah inuu muddo gaaban gudaheed isbedel gun iyo baar ah ku sameeyo siyaasadihiisa iyo itijaaha ay xukuumadiisu ku socoto iyo inuu umadda dooratay dib ugu celiyo amaanadii ay u dhiibteen mar haddii uu wadi kari waayay. Wixiise labadaas qodob ka baxsan natiijadooda ayaa la arki doonaa.

 

ishasomaliland/Hargeysa

 

 

______________________________________________________________________

 

 

Ramaasnews (Somaliland)

Taliska Ciidamada Qaranka Oo Ciidan Laxaadle Saaka Hargeysa Uga Diray Dhanka Gobolka Sool Oo Dhaqdhaqaaqyo Somaliland Diid Ahi Ka Socdaan Iyo Shirkii Taleex Oo Saaka Dib U Furmay.

 

Hargeysa (Ramaas) Jan 12,2012 – Taliska ciidamada Qaranka Somaliland ayaa ciidamo faro badan u diray gobolka Sool ee beelaha *********** ka wadaan dhaqdhaqaaqyada ay kaga soo horjeedaan Somaliland.

 

Ciidamadan dawlada Somaliland u dirtay oo badankooda subaxnimadii hore ee maanta ka baxday Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay inay gobolka Sool u tagayaan inay xoojiyaan ciidamada qaranka ee hore ugu sugnaa jiida hore ee gobolkaas.

 

Dadwaynaha reer Hargeysa ayaa saaka daawanayey in ka badan 10 beebee iyo gaadiidka lagu qado ciidamada lugta oo ka baxaya Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo aad u qalabeysnaa isla-markaana sitay hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Dhanka kale, sansaan colaadeed ayaa ilaa xalay ka taagnayd gobolka Sool, iyadda oo ciidamada booliska ee Magaaladda Laascaanood ay xalay isku dhaceen dadwaynaha halkaasi dagan oo damcay inay inay sameeyaan dibad-bax ay ku taageerayaan maamulka laga iclaamiyey shirka Taleex.

 

Dhanka kale, shirkii Khaatumo 2 ee degmada Taleex ee gobolka Sool oo shalay baaqday ayaa maanta dib uga bilaabmay halkaasi, iyadda oo ciidamada sugaya amaanka shirkaasi ee ka soo kala jeeda beelaha *********** ay xidheen odey Magaciisu yahay Maxamuud Cadami oo ka soo horjeedsaday go’aanka shirkaasi ka soo baxay.

 

 

 

Ramaasnews Desk

 

 

_____________________________________________________________________________

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Feysal-Cali-Waraabe-237x300.jpg

 

 

 

Faisal Waraabe "Maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin, Ee Maanta Somaliland Way Qaawantahay " Halkan Ka Dhageyso

 

 

 

http://sunatimes.com/playaudio.php?id=509

 

Siyaasiga ka soo Jeeda Gobaladda Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa ku Tilmaamay Maamulka Somaliland inuu yahay mid Bur-Bur qarka u saaran kadib Markii ku yimaaden Fashilo Baddan oo dhanka Siyaasadda Iyo Khilaafaad ah, Faysal Cali waraabe oo sharaxaya Xaalka Maamulka Somaliland uu maraya ayaa Yiri " Itoobiya iskadaayee Xataa SSC iskama celin Karno. Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo uu u soo dhamaaday Shirka Xisbigaas ayaa Haddaladiisa laga dareemayay kuwa Liita.

 

 

Faysal Waraabe " Waad Ogtihiin Maanta dhibaatada lagu jiro nolosheenu siday tahay, waad ogtihiin in Dalku Bur-bur ku dhaw yahay oo Taleex Shir Maamul-Goboleed Lagaga Dhawaaqaya ka socdo oo la Doonayo in SomaliWeyn Laynagu Daro, Dhexdeediina Maamul-Goboleed Laga Sameeyey, waad ogtihiin Maalintii Siyaad Bare aynu la dagaalamaynay inay noloshu sidan ka fiicnayd, maantana Waalaahi inaanaynu SSC iska Celin Karin”

 

Saciid Sulub (Udub), ugu horayn arintaasi ka hadlayna ayaa yidhi “Dalkii wuu soo uruuray Taleex shirbaa ka socda waxaana laga taagay calankii buluuga ahaa dawladuna way daaawanaysaa ilaa markii la soo qaban qaabinayay"

 

 

__________________________________________

Qarannews

 

Mushahaaraadkii Shaqaalaha snm/somaliland oo Bishani La Geeyay Deegaanka SSC iyo Baanka Dhexe oo Haawanaya

 

 

 

 

Mushaharaadkii shaqaalaha Dawlada Somaliland ayaa gabi ahaanba aan iyagu bishani qaadan iyadoo bisha Janauryna ay tahay 10 taasi oo markii ay shaqaale badani dalbadeen mushaharkoodii ay wasaradahoodii siiyeen loogu jawaabay in baanka dhexe aanay xiligani wax lacag ahi ku sugnayn lacagtii soo xerootayna loo qaaday dhanka deegaanka Buuhoodle oo xukuumadu had aka wada diwaangalinta ciidamo calooshood u shaqaystayaal ah oo deegaanka laga abuuri taasi oo xiligani ay hormood ka yihiin qaar ka tirsan maleeshiyada Nabad diidka ee S.S.C oo dhwaan u soo maleegay xukuumada Siilanyo Filim taxane ah oo ay ku doonayaan lacag Malaayiin Dollar ah taasi oo ah hantida Umada Somaliland.

 

Waxaana Dhawrkii Maalmood ee ugu danmbeeyayba Deegaanka Widh-widh oo hoos yimaada Gobolka Buuhoodle ku sii qulqulayay gaadiidka iyo saraakiisha sirdoonka xukuumada siilanyo ee siday lacagtaasi taasi oo wajigeedii koowaadba uu maalintii shalay ahayd gaadhay gudaha Buuhoodle.

 

 

Dhinaca kalena Wasiirka Maaliayada Somaliland Eng Maxamed Xaashi ayaa isaguna dhinaciisa Niyad Jab weyn ka Muujiyay arintani lagu faaruqiyay Baanka Dhexe isla markaana qarka u saran inuu iska casilo xilkani iyadoo la sheegay in madaxweynaha uu gudbiyay waraaq ku aadan inuu ilaaliyo wixii uu ugu dhaartay Bulshada Somaliland oo ahayd cadalaada iyo wax isdaba marin la’aan.

 

 

Ugu Danbayntiina Arintani ayaa Ku Soo Beegmaysa xili xukuumadu Kuu Guulaysan Weyday inay hor istagao go’aamada Khatarta ku ah Qarinimada iyo Jiritaanka Somaliland ee Ka Soo Socota shirweynaha Khaatumo ee ka socda Magaalada Taleex.

 

 

Ugu Danbayntiina Wejigani Cusub ee Faruuqinta Baanka Dhexe iyo Ku khamaarista Hantida Umada ayaa iyadu xiligani dhalinkarta Dufaano Shaqo joojin ah oo ka bilaabma dalka kaasi oo kala fogaynkara dawlada iyo Dadkeeda.

 

 

Maxamed Axmed Cali

 

Burco

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Liibaan Thanks so much for updating. Please keep this thread dedicated to KH2..

 

 

This the sum up for today's

 

All parties attended the conference - All isims, SSC side, the 345 reps, and all other committees (g6, g30). Today’s agenda was to inclusively support the new admin. Then all parties spoke and supported unconditionally. Saying that we no longer part of any other admin neither p/l or s/l but ssc is it's own admin free from other admin of its sides.

 

This is was historic achievement for SSC people. Tomorrow Friday, unlike previous Fridays, the conference will continue and now it's time to layout the blueprint of the new admin.

 

Things are moving to right direction.. Allahu Akbar..

 

Will post audios for all speeches shortly..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Soo Galay Madasha shirka Khaatumo2-

Lasanod Online. Wednesday, January 11, 2012

Taleex,(lasanod Online)- Waxaa saak soo galay madasha shirka khaatumo2 Garaad Saleebaan Garaad Maxamed..

 

Garaadka waxaa lagu soo dhoweeyey Sacab oiyo mashxarad socotay daqiiqado badan.

 

Garaad Saleebaan yaa markuu soo galay la fadhiistay miiska dhexe ee ay fadhiyaan Garaadada iyo gudida fulinta ee G6. Waxaana hadda fadhiya madasha shirka Madaxdhaqamedka SSC dhamaantood.

 

Imaatinka garaadku saakawaxay meesha ka saartay dacaayadii iyo been abuurkii warbaahinta qaar sheegeen in lagu kal qaybsanyahay shirka Khaatumo2 ee ka socda Taleex.

 

Maanta waa maalin ay shacabka SSC, Isimo iyo shacaba ay ku midaysanyihiin aayo ka talintooda..

 

Garaadka oo kudabad aad loola dhacay ka jeediyey madasha shirka ayaa sheegay inuu raali ka yahay taageerayona in shacabka SSC wax uu gooni u leeyahay samaysto.

 

Garaadku wuxuu cadeeyey inuusan jirin cid uu meel ugu xidhnaa, laakiin uu ku jiray wadatashi si looga bogta arrinta oo aysan u noqon sidii shirarkii hore.

 

Garaadka oo hadalkisii sii wata ayaa sheegay inuu isagu horeynayo maamulka laga samaynayo gobollada SSC iyo xoreynta deegaanka.

 

Khudabdii garaadka waxaa ku jiray kaftan badan oo dadki madasha fadhiyey aad ugu qosleen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

A khadar mashallah I am so happy maanta I think I can sleep better..garadadeeni, cuqaasheni, iyo aqoonyahankeeni oo dhan hal meel ayeey kaso wada jeesteen

 

hambalyo SSC..guul iyo horumar...

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Waryaa Abdikhadar, ma Taleex baad kasoo warramaysaa ninyahow?

 

Raggii ii warrami jirey Taleex bay wada aadeen, ee bal update ka noogu dadaala

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

I am not in Taleex still back in the cold, but speak to some of the reps and organizers in hourly basis.. It's a historic days least to say.. Things are moving well and something that will make happy for all Somalis will come out of it.. I don't know about successionists though!..

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Hogaamiyaha SSC Dr Saleebaan Ciise Axmed Kaar ( Xagaltoosiye) ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida Geesinimadda leh ee Ergooyinka shirka Khaatumo2 u gaadheen go’aanka miro dhalka ah, waxana uu Dr Xaglatoosiye ka war bixiyey ujeedadii ku kaliftay in uu Siyaasi noqdo

 

Hogaamiyaha SSC waxa uu sheegay in xilkii ay hayeen ku wareejinayaan cidkasta amase Maamulkasta oo geedkan hoostiisa laga xulo isla markaasna uu la shaqayn doono,

 

Audio of Xaglo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this