A_Khadar

Happy 2nd Anniversary - SSC state of Somalia

Recommended Posts

A_Khadar   

Sweden - Xaflad si heer qaran ah loo soo agaasimay ayaa xalay ka dhacday dhinaca waqooyi ee magaalada Stockholm oo xarun u ah dalka Sweden. Dad weeyne aad u farabadan oo intooda badani ku ku lebisnaayeen astaanta calanka qaranka Soomaaliyeed iyo calaamadaha lagu yaqaano maamulka SSC ayaa si heer sare ah ugu dabaaldegey sanad guuraddii labaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo unkay maamulka SSC. Waxaa golihii damaashadku iyo dabaaldegu ka dhacayey lagu martiqaadey marti sharaf aad u balaadhan oo meteleysey dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsho weynta soomaaliyeed intooda u taagan qaranimada iyo midnimada umada Soomaalieed oo ay horkacayeen aqoonyahanada iyo hogaanada xaga dhaqanka.

 

 

 

Waxaa xaflada ku furay ayaado Quraan ah Shiikh Cumar Saalax, shiikhu wuxu dadweeynihii goobta isugu yimi si xushmad leh u gaadhsiiyeey wacdi diini ah oo ka turjumayey walaaltinimada iyo isku xidhnida umadda muslimiinta ah khaasatana ummada Soomaaliyeed.Intaa dabadeed waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey gudoomiyaha jaaliyadda SSC Sweden mudane Cabdi Khaliif Jaamac oo isna halkaa ka soo jeediyey eryo dhaxal gal ah oo ka turjumayey wixii usoo qabsamay iyo waxa sugaya dadka reer SSC.Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday sidda loogu baahan yahay in had iyo jeer kobcin loogu sameeyo hadafka iyo himilooyinka ay SSC higsaneyso.Waxa kale oo gudoomiyuhu hoosta ka xariiqay sidda ay Jaaliyaddu SSC Sweden uga go´antahay taageeridda iyo tayeenta shirka Khaatumo2 ee loo balansanyahay.Isaga oo sii waata hadalkiisa wuxuu ku booriyey dhamaan dadkii ku sugnaa golaha xafladu ka dhaceysey iyo kuwii ka maqnaaba in loo guntado siddii looga mirodhalinlahaa shirka Taleex[Khaatumo2].

 

Maxamed Cabdi Godob oo ku hadlayey magaca dhalinyarada SSC[sUDO] oo iyagu ah lafdhabarta bulsho weynta SSC ayaa isna goobta ka jeediyey qudbad aad u qiima badan oo ruxday qalbiga inta badan kasoo qeyb galayaashii goobta ku sugnaa mutaystana sacab iyo sawaxan mar keliya is qabsaday. Maxamed wuxuu ka hadlay wixii u qabsamay uruka SUDO iyo sidda loogu baahan yahay in laysku xidho dhalinyaradda iyo golayaasha ay ka kooban tahay maamulka SSC. Ridwaan oo isna ka mid ah ururka SUDO ee Sweden ayaa isna carabka ku dhuftay sidii baarnaamijyo taxana ah loogu sameen lahaa dhalinyaradda SSC ee ka yar 15 sano isku xidhna loogu sameen lahaa.

 

Waxaa intaa kadib codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey marti sharafkii meteleyey qeybaha kale ee bulsho weynta soomaaliyeed. Iyada oo aan la soo koobikarin hadaladdii qiimaha iyo qaayaha badnaa ee martidu ka soo jeediyeen madasha, haddana waxaa la odhan karaa in ay dhamaan ka turjumayeen sidda lagammaarmaanka ay u tahay in la adkeeyo wadajirka iyo walaatinimada ummada soomaaliyeed, marnaba habayaraatee aan weligeed gorgortan lagelin midnimadda iyo isku duubnida qaranka soomaaliyeed, SSC ay tahay biriijkii isku

 

xidhayey Soomaaliya masuuliyad dheerina ka saarantahay ilaalinteeda soomaalida kalena looga fadhiyo siddii SSC loogu taageerilahaa wixii ay weligeedba utaagneyd[soomaalinimo Sinaan iyo Cadaalad]

 

Cabdi Aadan Cabdalle oo ka mid ah odayaasha SSC-Sweden ayaa isna halkaa ka jeediyey qudub kicisay dareenka dadweeynihii goobta ku sugnaa. Cabdi wuxuu si qoto dheer uga waramay xaalada guud ee dalka Soomaaliya,gaar ahaana degaanada SSC. Cabdi isaga oo sii wata hadalkiisi wuxuu aad u cambaareeyey xadhiga,jirdilka, cabudhinta iyo masaafurinta lagu hayo dadka deegaanka iyo weliba soomaalidda kale ee ka soo jeeda gobolada koonfurta gaar ahaan dadka RRA ee ku dhaqan deeganada SSC ee maleeshiyaada Silaanayo ay xooga ku heysato.Intaa dabadeed waxaa loo istaagay daqiiqad amuus-istaag ah oo lagula qeybsaneyey dadka dhibaateysan ee buux dhaafiyey xabsiga Laascaanood. Cadar ismail dhabdhable waxaa iyana iyada oo ku hadleysay magaca gabdhaha SSC oo iyagu had iyo jeer u taagan dhisida iyo waxtarka dadkooda hadalo baraarujin ah u soo jeedisay wax garadka iyo siyaasiyiinta beesha ku abtirsata maamulka SSC, kulana dardaarantay midnimo iyo wadajir.

 

Waxaa xusid iyo amman mudan fanaaniintii uu hor kacayey super Khaalid oo iyagu wacdaro lama ilaawaan ah ka dhigay dabaaldegii sanadguuraddii labaad ee SSC.

 

Suldaan Cabdi-Qaadir Yuusuf Gabalax ayaa soo gebogebeeyey xaflada isaga oo u soo jeediyey amaan balaadhan gudiga jaaliya SSC-Sweden kuna amaanay hawlaha ay u hayaan dadkooda kulana dardaarmay isku xidhnaan. Suldaanku wuxuu ku soo khatimay hadalkiisa DUCO uu uduceeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed in EEBE ka kulqaado dhibka una soo celiyo midnimadoodi iyo xushmaddii aay lumiyeen.

 

Waxaa soo diyaariyey warbixintan af-hayeenka Jaaliyadda SSC Sweden mudane Mubaarak ISmaaciil Haybe.

 

Pics ...http://boocameonline.com/?p=20576

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

A khadar that link u have for the SSC event in sweden doesnt work for me..it takes me to hotmail page lol. fix it will u..

 

Shawqi lol I know it is.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aaliyyah;752051 wrote:

 

loving this video. mashallah...

 

A khadar keep posting more videos..and next yr u betta be there
:P

Bal dadka saa u qurxoon bay rabaan nimanka reer Waqooyiga ahi inay Soomaali ka gooyaan. War wuxu caqli xumaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiinfanin majority of them Carry the Genetics of the Holy man buried in Maydh

 

Ps woqoyiga wala isla wada yahay Xiinfanin ba xita ka mid ah xita faraski Sayidka reer woqoyi ah oo dooga Woqoyi daaqi jiray

 

Nacam Bila

 

one nation

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Xaaji, the SSC folks are historically from strong powerhouse, the genes are from eastern mountains where their noble grandfather is buried today.

 

you've been outran indeed, the source of your weakness go back to your beginning. If you don't know I am a part time Cultural Anthropologist, and have keen observation to Somali tribal composition and beginning, and in that verse I can easily recite you the poems of that prophetic albeit a bit arrogant, the once King of Hawd Region in relation to your political defeats and ever lasting frustrations;

 

Galka siraw markii raacdadii laysku soo gaaray

Neefyahow guduudani midkii gaabiyaaad tahaye

Guuldarada waxaa kuugu waxan geenyadii hore'e :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

xiinfaniin;752085 wrote:
SSC folks are historically from strong powerhouse, the genes are from eastern mountains

 

di-S8CS.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

xiinfaniin;752085 wrote:
^^Xaaji, the SSC folks are historically from strong powerhouse, the genes are from eastern mountains where their noble grandfather is buried today.

 

you've been outran indeed, the source of your weakness go back to your beginning. If you don't know I am a part time Cultural Anthropologist, and have keen observation to Somali tribal composition and beginning, and in that verse I can easily recite you the poems of that prophetic albeit a bit arrogant, the once King of Hawd Region in relation to your political defeats and ever lasting frustrations;

 

Galka siraw markii raacdadii laysku soo gaaray

Neefyahow guduudani midkii gaabiyaaad tahaye

Guuldarada waxaa kuugu waxan geenyadii hore'e
:D

 

:D

 

Frustration iga dheh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.