A_Khadar

Happy 2nd Anniversary - SSC state of Somalia

Recommended Posts

Liibaan   

Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamul-Goboleedka SSC SOMALIA OO Furay Tartan Ciyaareed loogu Talagalay Sanad Guurada Labaad ee SSC(+Sawiro)

 

ssc7.jpg

ssc3.jpg

ssc5.jpg

ssc8.jpg

ssc12.jpg

 

 

Buuhoodle (Allssc) 16 oktobar 2011

 

Waxaa galabta Ka furmay magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn Tartan Ciyaareed Kubada Cagta Ah kaas oo ay ku tartamayaan Kooxaha Ka jira Gobolka Cayn. Koobkan Ayaa Dhigay jaaliyada Imaaraadka Wuxuuna Qayb kayahay dabaaldega Sanad Guurada Maamulka SSC.

 

Furitaankii Koobka Ayaa Waxaa Kasoo Qayb Galay Hogaanka Sare Ee midaynta Iyo Badbaadinta Gobolada SSC Xormadle Dr Saleebaan ciise axmed iyo kuxigeenka maamulka SSC Xormadle: Col. Cali Sabarey ka dib markey ka yimaadeen xafladii weyneyd ee loogu dabaal degayey sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtey markii la dhisey maamulka SSC.

 

Madaxwaynaha ayaa Ugu Horayn Umahad Celiyay Qaban Qaabiyaasha Koobkan waxaanu kula dardaarmay Dhalinta Inay Muujiyaan Ciyaar wanaag. Dhalinyaradii Sports ka ayaa iyana dhankooda Sheegay Inay aad utaageersanyihiin Maamulka SSC lana Shaqaynayaan, intaa kadib waxaa madaxwaynaha Mid mid usalaamay Dhalinta Sportska Ee G/cayn.

 

Waxaanu Madaxwaynuhu laaday Kubadii Si uu u daah furo Ciyaartii Koowaad ee Lagu Bilaabay koobkan, waxaanu xusay inay kasoo qayb gelidoonaan Gunaanadka Koobkan Loo dhigay Sanad Guurada Maamulka SSC.

 

Waxaa isna hadalkooban ka jeediyey goobtii madaxweyne ku xigeenka maamulka SSC xormadle Col: Sali Sabarey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

113.jpg

Madaxweynaha SSC SOMALIA Mudane Sulieman Xaglatoosiye

 

23.jpg

Madaxweyne Kuxigeenka SSC SOMALIA Mudane Cali Sabarey

 

32.jpg

Wasiirka SSC ee Arrimaha Federaalka Ibraahim Guure

 

41.jpg

Wasiirka SSC ee Warfaafinta Cumar Jaamac Saleebaan

 

 

War Saxaafaadeed ka Soo baxay Aqalka Madaxtooyada SSC ee Buuhoodle,{Sawiro}

 

Waxaa Maanta Kasoo Baxay Aqalka Madaxtooyada Maamulka SSC Ee magaalada Buuhoodle Ee xarunta G/cayn Warsaxaafadeed Dhinacyo Badan Taabanaya

 

Ugu Horayn Waxaa Halkaa Ka Halday Xoghayaha Xidhiidhka Federalka Iyo Arimaha Dastuurka Ibraahim Maxamuud Guure Oo Ka hadlay Arimo Badan Ugu danbayna Ugu Baaqaay Dhamaan Bulshwaynta SSC inay Iskaashadaan kana Fogaadaan Waxkasta Oo dhibku ah danaha SSC.

 

Intaa Kadib Ayaa Waxaa Akhriyey Warsaxaafadeedka Xoghayaha WarfaafintaCumar Jaamac Saleebaan

 

Warsaxaafadeedkan Oo Dhinacyo Badan taabanyey Sida shirka Khaatumo 2 Laguna Xusay Inay Muqadastahay In lamideeyo Mabaadiida Cuqaasha Iyo Garaadada Beelwaynta *********** Oo Laga Dheeraada Kala Fogaanshaha Iyo Waxkasta Oo Caqabad Ku noqonkara Qabsoomida Shirka Khaatumo2.

 

Sidoo kale Waxaa Lagu xusay warsaxaafeedka Inaysan Gudida Qaban Qaabada Iska soo Magacaabin Cida Ay Doonaan wada Tashina Lasameeyaan Maamulka SSC.

 

Warsaxaafadeedka Kadib Ayaa Waxaa halkaasi Ka hadlay Hogaansare Ee Maamulka SSC

Dr: Saleebaan Ciise Axmed Oo Shaagay Inay Taageersanyihiin Qabsooomida Shirka Iyo Weliba Meelkasta Oo Lagu qabanayo. Ayna Ku baaqayaan In wada tashi Guud, Oo Shirka ka Hor ah Ay isugu Yimaadaan Dhaaman Garaadada Iyo Cuqaashu Si Golaha Loo Tago Mowqif Midaysan Oo wax Ku Oola.

 

Sidoo kale waxaa Halkaasi Ka hadlaya Hogaamiye Ku XigeenKa Maamulka SSC Cali Sabarey

 

Dhankoodana Waxaa kahadlay Xubno Katirsan Golaha Khusuusida Maamulka SSC Oo Ay kamida ahaayeen

 

Mukhtaar Xirsi Jaamac

 

Jaamac Siciid X Cige

Kayse Cali Jaamac

 

Xubnaha Khusuusida Ayaa Sheegay Dhankooda Inuu Jirto Wada Shayn Wanaagsan Oo kadhexjirta Maamulka SSC

 

Madaxwaynuhu Uu Kumaqnaa Howlo Shaqo Uuna Yahay Madaxwaynihiisii Waxayna Sheegeen Inuu Jiro Axdi Qarameed Lagu Dhaqmo Oo Cidi Aanay Ka Talaabsan Karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sanad Guuradii 2-aad ee Maamulka SSC oo Lagu Qabtay Minnesota

 

SSC.jpg

 

Minnesota (Horumar Online) Wararka naga soo gaaraya magaaoolyinka mataanaha ee Minnespolis iyo Saint Paul ee gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay taasi oo lagu xusayay sanad guuradii 2-aad ee kasoo wareegatay markii dhidibada loo taagay maamul goboleedka SSC (Sool Sanaag & Cayn).

 

Xafladdan ayaa mid si aad u qurux badan loo soo agaasimayay waxaana kasoo qeyb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, arday, haween, dhalinyaro, suxufiyiin iyo inta badan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota oo ah halka ay Soomaalida ugu badan ay kaga dhaqantahay dalweynaha Mareykanka.

 

Waxaa ugu horeynba xafladda lagu furay aayadaha quraanjka iyadoona markaasi si toos ah ay xafladdu u furantay, waxaana si rasmiya xafladda u furay maamul guddoomiyaha maamul goboleedka SSC ee gobolka Minnesota Mudan Cabdisalaan Saleebaan Najax iyo ku xigeenkiisa mudane Taani.

 

Waxaana intaasi kadib goobvta ka hadlay masuuliyiin isugu jiray rag iyo dumar kuwaasi oo dhamaantood hambalyeeyan labada sano ee kasoo wareegatay jiritaanka maamulka SSC iyagoona bulshada ku booriyay in laga shaqeeyo nabadda iyo Horumarka umadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bulshada ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Dhalinyarada kasoo jeedda gobolada SSC ee ku dhaqan cariga Minnesota ayaa iyaguna dhinacooda goobta kusoo bandhigay riwaayad ka turjumeysa marxaladda iyo xaaladda haatan ay ku jiraan bulshada ku dhaqan goboladaasi. iyagoona sidoo kale bushada tusaaleeyay sida ugu fudud ee dhibaatada looga dulqaadi karo dadka ku dhaqan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Dareenka bulshada ayaa ahaa mid si rasmiya ugu milmay fariintii ay xambaarsanayd riwaayaddu waxayna noqotay mid ay si aad ah ugu riyaaqeenka dadka kasoo qeyb galay sanad guurada 2-aad ee kasoo wareegatay aasaaska maamul goboleedka SSC, waxayna dadku tilmaamayeen in riwaayadaasi ay wax badan ka badali doonto xaaladda Goboladaasi.

 

Dhinaca kalana fanaaninta Soomaalida ah ee Gobolka Minnesota ayaa dhinacooda soo bandhigay maaweelo iyo caweyska aad u xiise galiyay kasoo qeyb galayaashii kullanka.

 

Waxaana ay madasha kusoo bandhigeen heeso isugu jiray kuwa hore iyo labo hees oo cusub, labada hees oo cusub ayaa ku kala saabsanaa shirka loo bixiyay Khaatumo II iyo hees ku saabsanayd sanad guurada 2-aad ee kasoo wareegatay aasaaska maamul goboleedka SSC.

 

Somali Media

 

DSC_0975.JPG

 

DSC_0097.JPG

 

DSC_0091.JPG

 

DSC_0035.JPG

 

DSC_0059.JPG

 

DSC_0147.JPG

 

DSC_1002.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

libaan and A khadar both of you thank you for taking the time to post the events. mar labaad sanad guuro wacan SSC..guul ayaan u rajaynaya iyo khyr iyo bashbash iyo horumar iyo alle inuu laqabto hawsha wacan ee isku daba rideen..qofki xaq ku socda wixiisa wuu helaya kii xaqdaro rabana meel dheer ma gaadhayo.

 

xiinfaniin lol thank you walaal dadkaas alle qurux waa siyya wa runta waana somali cid ka goon karta somalina ma jirto...waligood ayeey somali ahanaya magaloyinka la haystana way iska xoreenaya dhib ma leh..it is just a phase..at the end of the day no one can be forced. laascaanod iyo agagaarkeeda dadkii laha way usoo noqon..

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

oba hiloowlow;752471 wrote:
Sanadguuro wacan reer SSC sii wada howsha wacan!

 

Oba hiloowlow, Walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay hambalyadaada iyo walaaltinimadaada :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ U wlc sxb Liibaan, one question horta Dowladdgoboleed maa rabtiin inaad noqotiin waa maxay wasiiradda, madaxweynaha,,, Guddomiye, guddomiye ku xigeen,xogheyn, afhayeenka maamulka etc ayaa ku habboneyd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

oba hiloowlow;752477 wrote:
^^ U wlc sxb Liibaan, one question horta Dowladdgoboleed maa rabtiin inaad noqotiin waa maxay wasiiradda, madaxweynaha,,, Guddomiye, guddomiye ku xigeen,xogheyn, afhayeenka maamulka etc ayaa ku habboneyd.

 

Oba, Madaxweynaha Dalka iyo Qaranka Somalia waa Shaikh Shariif Sheikh Ahmed, markaa dalka Somalia hal madaxweyne ayuu leeyahay, inta kale waa wada madaxyar

 

 

Wakhtiga hada la joogo, nimanka Madaxda u ah Maamul-Goboleedada Somalia sida Maxamed axmed caalin (Gobolka Galmudug), Siilaanyo (Gobolka Woqooyi-Galbeed Somaliland), Cabdiraxman Faroole (Gobolka Woqooyi Bari Puntland), Sulieman XaglaToosiye (Gobolka Woqooyi Dhexe SSC), dhamaan waxa ee wada sheegtaan Madaxweyne Maamul-Goboleed.

 

 

Waxaa haboon oo fiican in madaxda Maamul-Goboleedada Somalia la baxaan Badhasaab ama 'GOVERNOR"

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

This is for Alliya.. Saado rocks..

 

 

Sanad guuro wcan song..Lyrics

best song..

 

Sool iyo Sanaag iyo

Cayn saraaraheedii

Sabadihii darwiish koow

Sanad guuro sanad guuro

Sanad guuro wacan

 

Sangihii midnimadiyo

Somali ururshoow

Waan idin salaanee

samo ku waara

 

Taariikhda sugan iyo

Sanadihii hore tagay

Sakadihii gumaysiga

Sanduleyn ku jebiseen

Sanad guuro wacan

 

Sahal laguma keenine

Dusha calanka ii sudhan

Samirow ha iilanee

Samaduu la midab yahoo

sanad sanad guuro

sanad guuro wacan

 

 

Sool iyo Sanaag iyo

Cayn saraaraheedii

Sabadihii darwiish koow

Sanad guuro sanad guuro

Sanad guuro wacan

 

 

Sumadayadu waa madow

Sinjiga iyo dhalashada

Somali baan ahee

Samo ku waara

 

Saatir weeyoo

Suurada quuraankiyo

Saligaan ku caanoo

Isa safiyaanoo

Diintaa saxaayee

Sanad guuro wacan

 

Sahal laguma keenine

Dusha calanka ii sudhan

Samiroo ha iilanee

Samaduu la mid yahoo

Sanad guuro sanad guuro

Sanad guuro wacan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.