Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Liqaye   

Gudiga amniga DKMG oo wado qorsho wax looga qabanayo ciidamada dhibaatooyinka geesta.

 

March 21, 2011 - QOL - Waxaa sii kordhaya mas'uuliyiinta iyo hey'adaha dowladda KMG ee sheegaya in wax laga qabanayo dhibaatooyinka soo noqnoqday ee ay u geestaan ciidamada dowladda dadka shacabka.

 

Gudiga amniga baarlamaanka dowladda KMG ayaa sheegay inuu wado qorsho wax ka tari kara dhibaatooyinkaas mar walba ay ku kacaan ciidamada dowladda KMG.

 

Xildhibaan Xuseen Caraale, gudoomiyaha gudiga amniga ee baarlamaanka ayaa wuxuu yiri: "waan daba galaynaa, kama harayno, sharciga ayaana soo taagaynaa".

 

Wuxuu si gaar ah uga hadlay is horistaag askarta dowladda KMG ay ku sameeyaan mucaawinada loogu tala galay shacabka tabaalaysan ee barakayaasha ah.

 

"Waxaa dhamaaday in shacabka laga horistaago mucaawinada loogu tala galay, wixii hadda ka dambeeyana wax ka qabasho dhibaatooyinkaas ayaan ku jirnaa," ayuu yiri Xildhibaan Caraale.

 

Qaar badan oo ka mid ah askarta ciidamada dowladda KMG ayaa waxaa la arkaa mar walba iyagoo marna dhibaatooyin kula kacaya shcabka marna dhexdood isku jeesanaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Waa nin ceynkee ah Safiirka cusub dowladda soomaaliya ay usoo magacawday wadanka sudan.........

 

Safiirka%20Sudan.jpg

 

Ahmed Moallim Fiqi wuxuu ku dhashay sanadka marka uu ahaan 1971, magaalada Mogadishu , intaa kadib Ahmed wuxuu u guda galay waxbarashadiisa dugsiga hoose iyo dhexe, heerkiisa dugsiga sare wuxuu ku soo qaatay gugsiga sare ee kaasabalbalaare sanadka marka uu ahaan 1988kii

 

Ahmed Moallim Fiqi intaa kadib wuxuu usii guda galay waxbarasho heer jaamacadeed wuxuuna Arday ka noqday Jaamacadda Umadda gaar ahaan “Kuliyadda Qaanuunka”sanadka marka uu ahaa 1990kii

 

Ahmed Fiqi xiligaasi uma aynan suura gelin in uu sii wato waxbarashadiisa Jaamacadda Umadda, balse sanadka marka uu ahaa 1991kii wuxuu deeq waxbarasho ka helay Dalka sudan Jaamacadda Khartoum gaar ahaan “Kuliyadda Beeraha” wuxuu ka qalin jabiyay sanadka marka uu ahaa 1998kii .

Marka uu ka qalin jabiyay jaamacadda Khartoum wuxuu u ruqaan-saday Aaday wadanka soomaaliya isagoo qeyb ka noqday mid kamid ah iskuulada ku yaala xamar iyo Ururada bulshada, muddo gaaban kadib wuxuu xubin ka noqday Maxkamadihii islaamiga, isbaheysiga dib u xureynta

 

Dhowr sanno kadib Ahmed Fiqi wuxuu aaday wadanka Malaysia isaga oo durbadiiba

 

biloway in uu u guda galo waxbarashada Majesteerka ah , Takhasus master Of Management.

 

Ahmed Fiqi marka uu Qaatay darajada majesterka wuxuu biloway in uu waqtigiisa ka faa’iideysto wuxuuna u guda galay in uu dhigto daraaso kala duwan sida “Business administration,warfaafinta,diplomaasiyadda iyo intaasi in kabadan”

 

Ugu danbeyntii Ahmed Fiqi wuxuu noqday mid kamid ah la taliyayaasha iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Shariif, dabayaaqadii 2010 Ahmed Fiqi waxaa loo magacaabay Danjiraha dowladda midnimada qaran ee soomaaliya u fadhiyo wadanka Sudan

 

Wariye: Anwar Bakhiit

 

Madaxa warbixinada dayniile.com

 

Ee qaarada Africa & Asia

 

Sudan-Khartoum

 

Email:- wararka@live.se

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Business booming in TFG controlled areas

shops_along_streets_of_Mogadishu.JPG

 

Hundreds of thousands of people who have fled the brutal battles waged by Islamist militias in other parts of Mogadishu have now found a new safe market to trade.

In the government-controlled district of Hamar Weyne, business is booming, and the area is bustling with traffic with both people and vehicles. The district has grown dramatically in few months as a major business enclave in the heart of Mogadishu.

Hamar Weyne is oldest part of Mogadishu and is well known for the hotels that serve sweet and tasty dishes. It has the biggest fishing market in the entire country.

Before the fall of President Mohammed Siad Barre regime in 1991, Hamar Weyne Market was the biggest and cleanest market in Mogadishu, with people coming all over the city to trade on goods and services.

 

 

Now, the area is reclaiming its history of a renowned trade centre. The area is awash with business people who come from surrounding districts to buy and sell produce.

Lorries coming out of the seaport, which are carrying different kind of goods, first unload stuffs to stalls in Hamar Weyne before proceeding to Bakara, where there are some warehouses for the few remaining traders.

Mohammed Omar, a small scale trader, says the shift in Mogadishu’s business landscape has positively impacted on his business. He has now officially relocated from Bakara, a notorious market that was the economic powerhouse of Somalia. “Before the big businesses shifted to Hamar Weyne, we faced many challenges including, road blocks manned by Al-Shabaab which was extorting money. Consignments from the sea port will not reach safely in Bakara if you don’t pay Shabaab some money at the road blocks,” he said.

Bakara market is used by Al-Shabaab as a military depot and launching pad in their attacks against the government. Even though the group lobs mortars from the market to the government controlled to prevent the business to continue, Somali government forces and AU troops have marked it as NO FIRE ZONE.

AMISOM Spokesman Maj. Barigye Ba-huko says the peacekeeping mission has totally banned all its troops to reply attacks that emit from the market.

“Our soldiers have clear orders, not to reply are provocation from those extremists who are using the market as launching pad to attack our positions,” he said. Those orders are meant to save the civilians, who use the market, from any military confrontations that would result to unnecessary bloodshed.

 

People who own and manage big businesses in Bakara have also been receiving threats from Al Shabab, but instead of mortarts they get taxed by the militants. “They collect $100 from each stall in the market regardless of your financial status,” said a trader who requested not to be named for security reasons.

Al Shabaab forced some of the bigger companies to buy heavy weapons, such as anti-aircraft guns and mortars, while fuel dealers were asked to donate gasoline for the Shabaab vehicles.

 

The shift of businesses from Bakara has not come as a shock to Abdikarim Ilkow, a Mogadishu resident who used to go to the open air market to buy some goods.

“We knew one day people will cease to go to Bakara not because of the shelling and fighting but because of Shabaab themselves. They have closed the roads, digging trenches in some of the roads while diverting the traffic. The extortion is high.”

Hamar Weyne is one of the success stories of TFG security plans that allow peace and security to prevail in Mogadishu.

 

K4.JPG

K4 Also Bustling

Another place that is bustling daily with economic activities is K4, a famous junction that connects the airport to the larger Mogadishu. The current scenarios in K4 was unthinkable few months ago due to mortars and stray bullets fired by Al-Shabaab. Thanks to AMISOM troops and TFG, the extremist has been pushed out the area.

“We can now do business without fear of mortar shells or stray bullets, those guys (Shabaab) have been pushed far from their targets. The life is slowly returning to normalcy,” said a currency exchanger who is based at the famous junction.

 

 

Economy | Africa Somalia | World Edition

© 2010 - 2011 S All rights reserved.

 

-----------------------

Fishing market Booming in Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Howlo dayactir ah oo ka bilowday wadada isku xirta garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyo Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho

diini22%20(1).jpg

diini22%20(2).jpg

 

Iyadoo Burbur aad u baahsan laga dareemayo wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho kuwaasoo aan helin wax dayactir ah oo lagu sameeyey tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ayaa maamulka Gobolka banaadir ee dowlada Somalia waxaa uu bilaabay Olole dib loogu dhisayo wadooyinka waaweyn ee magaalada qaarkood.

 

Howlahaani ayaa waxaa ay Maamulka gobolka Banaadir ka bilaabeen wadada u isku xirta KM4 ilaa iyo garoonka dayuuradaha Aadan cadde, waxaana saxaafada uga warbixiyay Agaasimaha waaxda Bulaacadaha iyo wadooyinka maamulka gobolka Banaadir Salaad Sheekh Xuseen, waxuuna saxaafada u sheegay in howlahani yihiin mid ay ku soo celinayan Bilicdii ay lahaan jirtay magaalada Muqdisho.

 

Agaasimaha oo hadalkiisa watay ayaa sheegay in ay howlahaani ay sii soconaayaan ilaa ay wadooyinka magaalada Muqdisho ka noqonayaan kuwo socodkoodu fiican yahay, waxuuna balan-qaaday in ay dhismahaani haddu dhamaado ay wadada Xaawa taako ku fool leeyihiin.

 

Waxaa hadal kooban ka soo jeediayay halka ay ka socotay shaqada dib loogu dhisayay wadadaasi Maxamed C/llaahi Cariig oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir waxuuna sheegay in ay howlahani la mid yihiin howlahii horre oo ay maamulka gobolka banaadir ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

 

Wadadani dayactirka uu ka bilaabay maamulka gobolka banaadir ayaa mid halbowle u ah masuuliyiinta Dowlada Somalia oo mar waliba ay u ka dhoofayaan kana soo degayaan garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ii mara wadadan, iyadoo wadadani markii loo eego dib habeynta lagu sameeyay ay u muuqato in ay ka yaraanayaan qasaaraha ka soo gaara masuuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada AMISOM oo dhowr jeer loogu aasay waxyaalaha qarxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Liqaaye, I did! It really oozed this pre-1991 peaceful Somali atmosphere that makes one feel nostalgic. The government has done quite alot. Farmaajo is becoming a hero....in the making.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Liqaye;704237 wrote:
By the way did you see the documentary on hamarweyne on universal t.v aired a couple of weeks back?

No I didn't. Will check it out IA. Thanks.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

DKMG oo markii ugu horeysay iskuul lacag la’aan ah ka furtay Muqdish

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa maanta iskuul lacag la’aan ah ka furtay gudaha Magaalada Muqdisho xili ay jiraan caruur badan oo u baahan in ay helaan waxbarasho islamarkaana aan heysan awood ay isaga bixiyaan qarasha wax barashada.

 

Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada, hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada KMG Soomaaliya Muuse Faarax xayd oo maanta booqasho ku tagay isaga iyo xubno ka tirsan wasaaradaasi, ayaa waxaa uu xariga ka jiray iskuul cusub oo uu tilmaamay in uu hoostagayo dowladda KMG islamarkaana wax lagu barayo ardeyda Soomaalida ee aan fursada u helin in ay xiligaan wax bartaan.

 

Muuse Faraax ayaa sheegay in ardeydu ay si lacag la’aan ah wax ku baran doonaan, isagoo intaasi raaciyay in iskuulka ay wax weyn ku soo kordhin doonto wasaarada waxbarashada ee xukuumada KMG Soomaaliya.

 

Iskuulkaani oo lagu magacaabo Max’uud Mire kuna yaala degmada X/jajab ee gobolka Banaadir ayaa ah iskuul horay u jiray waxaana dowladu ay haatan ku sameysay dib u dayactir, iyadoo uu leeyahay barxad weyn oo caruurta ay kubada ku ciyaaraan.

 

Waa markii ugu horeysay ee dowladda KMG Soomaaliya ay iskuul lacag la’aan ah ka howlgaliso gudaha Magaalada Muqdisho, waxaana arintaani ay faa’iido weyn u tahay hadii ay sii socoto jiil farabadan oo aan qoysaskooda awoodin inay bixiyaan qarashaadka iskuulaadka kale lagu dhigto.

4782-full-1-so.jpg

4782-full-2-so.jpg

4782-full-3-so.jpg

4782-full-4-so.jpg

4782-full-5-so.jpg

4782-full-6-so.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Liqaye;704237 wrote:
By the way did you see the documentary on hamarweyne on universal t.v aired a couple of weeks back?

no do you have link pleas

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

Somalia will be African superpower i just know it Inshallah

But TFG must first straight up somethings

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka oo soo saartay Qorshe ay wax kaga qabaneyso, Gaadiidka rayidka ah, kan dawladda iyo kan Hay'adaha samafalka

Gaadiidka1.jpg

 

Wasaaradda Gaadiidka Cirka, Dhulka ,Badda iyo Dekadaha Soomaaliyeed ayaa maanta soo saartay wareegto ku aadan in gawaarida iskugu jirta kuwa rayidka ah, dawladda oo ay wehliyaan kuwa ay sida gaarka ah u leeyihiin, Hay'adaha samafalka iyo diblomaasiyiinta ama safaradaha ajnabiga ah ee ka howlgala guud ahaan dalka Soomaaliya Gaar ahaana magaaladda Muqdisho sidii ay u qaadan lahaayeen taargadda ay sameysay wasaaradda iyo weliba batanataha loogu talagalay darawalada kaxeynaaya gaadiidka kala duwan ee dalka.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekadaha ee Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Cismaan Cali {Dhagaxtuur} oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in gaadiidka ka howlgala Guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaana caasimadda dalka ee Muqdisho loogaga baahan yahay in ay qaataan Batantahaa ama Taarko, taasi oo uu tilmaamay in looga gol leeyahay sugidda ammaanka iyo in mararka ay baabuurtu shilalka galaan aysan dhicin in gaariga shilka galay uu darawalka la cararo islamar ahaantaana la aqoonsan waayo dhibkii uu geestay si wax loogaga qabto.

 

Gaadiidka3.jpg

 

Agasimaha guud ee wasaaradaasi Md. Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur ayaa sheegay in maadaama ay wasaradiisu ka mid tahay qeeybna ka tahay hay'adaha aanan sinaba loogaga maarin in ay wax ka sugaan nabadgalayadda loo baahan yahay in ay dhinaca ammaanka kala shaqeeyso hay'adaha u xilsaaran nabadgalyadda si taasi loo taaba geliyana ay wasaradu qadaa talaabaabadaan wax loogaga qabanaayo sharciga dalka iyo sugidda nabadda darawalana Soomaliyeed hay yihii shibil, iyo kuwa dawladaba ay waajib tahay in ay raacaan awaamiirta ay soo sartay dawlada ee dhinaca Sugidda amaanka dalka.

 

Agasimuhu waxa uu xusay in gawaarida ka soo degta Dekadda caalamiga ee Muqdisho la siiyo taargada, iyo kuwa ka hawlgalla magaaladda Muqdisho oo aan lahayn wax taargo ah, ayna lagama maarmaan tahay in taarKo ay qaataan. iyagoo racaaya awaamiirta dawladda.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, dhulka ayaa sidoo kale sheegay in taarikada laga doonaya in ay qaataan gawaarida dalka ka howlgasha ay noqoneyso 4- nuuc oo kala ah, kuwa gaadiidka badweynaha, kuwa dowladda, kuwa Safaaradaha shisheeyaha ay leeyihiin iyo kuwa Hay’adaha Samafalka ee dalka ka howlgala, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali doonin gaadiid aan lahayn wax taargo ah oo ka howlgalaya dalka.

 

Max’ed Cismaan Cali Dhagaxtuur Agaasimaha guud ee wasaaradda Gaadiidka badda iyo dekedaha ayaa sidoo kale xariiqay in darawalada ka howgala magaaladda muqdisho dhankooda looga baahanyahay in ay haystaan warqadda aqoonsiga ee darawalnimo, kuwaasi oo u kala baxxa sedx nuuc sida Heerka koowaad heerka Labaad iyo heerka sedexaad, waxaana uu ugu baaqay wadayaasha gaadiidka kala duwan ee dalka ka howlgala in ay qaataan warqadda Leysinka ah ama Batantaha si loo kala aqoonsaddo darawaladda kala duwan ee ka hawlgalla dalka.

 

Arintaan ayaa ah mid fududeeyn doonta wax ka qabashadda hawlaha baaxadda leh ee had iyo jeer ka dhaca qeeybaha bulshadda iyo waxaayna fududeyndoontaa ama ay wax ka bedelidoontaa shilalka faraaha badan ee baabuurta ku soo badanaya gudaha dalka, Agasimuhu waxaa uu ugu dambeeyntii sheegay in wasaradu ay arintaan si loo taabageliyo la kaashan doonto Hay'adaha amniga ka shaqeeya si ay hawshaan u noqoto mid taabagal ah.

 

Batanto_Dokumenti_Was_Gaadiindka_1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Dhagaxtuur: “Xeebaha Somaliya waa la wasaqeeyay”

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekadaha ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in la sumeeyay Xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhinaca kale tilmaamtay in nadiifinta Xeebaha ay kala kaa shan doonaan Hay’adaha ku shaqada leh badaha.

 

Kadib socdaalo kala duwan oo ay maanta kusoo mareen qaar ka mid ah Xeebaha Magaalada Muqdisho Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka, Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekadaha ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay aad u wasaqaysantahay Xeebaha maanta ay booqdeen, iyagoo tilmaamay in dhibaato wayn ku qabaan dadka ka kaluumaysta xeebahaasi.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) oo ka mid ahaa Mas’uuliyinitii maanta socdaalka ku tagay qaar ka mid ah Xeebaha Maagalada Muqdisho oo Warbahinta kula hadlay xeebta deeganka Jasiira ayaa waxaa uu sheegay in dhibaato ay ka jiraan Xeebahaasi islamarkaana Kaluunkii ay doonyaha Jalaaban lahaayeen ay badda soo tuftay iyagoo meydad ah.

 

Max’ed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay dagaal u gali doonaan sidii loo nadiifin lahaa dhamaan Xeebihii ay socdaalka kusoo mareen, wuxuuna tilmaamay inay lakaa shan doonaan Hay’adaha ku shaqada leh arimaha badaha ee hoostaga Qaramada Midoobay.

 

Xeebaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka muuqda wasaq faraban iyadoo qaar ka mid ah Kaluunkii ku jiray ay daadsan yihiin dhulka, waxaana taasi ay ku micneeyeen dadka ka jilaabta xeebaha Soomaaliya biyaha oo wasaqaysan iyo Maraakiibta waawayn oo mararka kiimiko ku daadiyo badda.

 

 

4873-full-1-so.jpg

4873-full-2-so.jpg

4873-full-4-so.jpg

4873-full-5-so.jpg

4873-full-3-so.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this