Sign in to follow this  
Somalina

The new TFG - Somalia's hope to stability!

Recommended Posts

Somalina   

langfitt_05_wide.jpg?t=1299022895&s=4

Darawalo soo dhaweeyay dhismo ka socda wadooyinka Muqdisho

Muqdisho: (Sh. M. Network) Wadayaasha gadiidleyda ayaa soo dhaweeyay dayactirka wadada isku xirta KM-4 iyo Airpor-ka magaalada Muqdisho kaasi oo ay wado dowladda KMG Soomaaliya.

 

Xili qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ay soo gaareen burbur xoogan ayaa hadana waxaa soconaya dayactir lagu wado wadooyinkaasi gaar ahaan wadada isku xirta Isgoyska KM-4 iyo Airpor-ka Caalamiga International Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Dayactirka lagu samaynayo wadadaasi ayaa waxaa soo dhaweeyay qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka ka shaqeeya magaalada Muqdisho, waxaana ay shegeen in dhismaha wadaani ay waxbadan ka badali doonto dhibaatooyinkii ay ku qabi jireen isticmaalka wadooyinkaasi.

 

Qaar ka mid ah Darawalada ka shaqeeysa magaalada Muqdisho oo Shabelle la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in horumar ay tahay dhisidda wadadaasi, iyagoo ku booriyay dadka isku howlay dayactirka wadooyinka inay sii wadaan howlaha ay ku hagaajinayaan Wadooyinka burbursan ee magaalada Muqdisho.

 

Dadka ku howlan dhisadda wadada isku xirta Isgoyska KM-4 iyo Airporka Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in dhisidda wadadaani ay gacan ka gaysanayaan Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya, waxaana horey u jirtay dayactir nuucaani oo kale oo si ku meelgaar ah looga sameeyay wadooyinka burbursan hase ahate ay noqotay mid waqti kooban kadib kusoo noqotay burburkii hore.

 

Dayatirkaan ay wadaan Maamulka gobolka Baanadir ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu yahay mid ka tayo wanaagsan howlihii hore ee lagu dayactirayay wadooyinka magaalada Muqdisho maadama loo isticmaalayo Laamiyo kar karsan iyo gawaari yar yar oo loogu talagay in lagu dhiso wadooyinka.

 

4505-full-2-so.jpg

4505-full-3-so.jpg

4505-full-4-so.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Magacaabista_Wasiirada_Cusub_Farmajo_1.j

 

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isagoo wareysi siinayay idaacadda Barkulan waxa uu ka hadlay shirkii Golaha Ammaanka ee QM oo uu ka qeyb galay, sidoo kale waxa uu ka hadlay Ra'iisal Wasaare Farmaajo waxqabadka Dowladda KMG ah, gaar ahaan mudadii uu xilka hayay iyo arrimo kale.

 

Md. Farmaajo waxa uu sheegay in shirka QM looga hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu kulamo la yeeshay qaar ka mid ah madaxda dalalka dalalka caalamka, isla markaana ka wadahadlay sidii loo taageero lahaa Dowladda KMG ah, isla markaana dalka looga saari lahaa wax uu ugu yeeray kooxaha khawaarijta oo uu ula jeeday ururka Al-Shabaab, isagoona tilmaamay inuu ballanqaadyo ka helay madaxweynayaashii uu la kulmay.

 

"Dowladda KMG ah mudadii aan xilka hayay wax badan ayay qabatay waxna waa u harsan yihiin" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in xukuumadiisu isbedel ku sameysay Dowladda KMG ah, sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ku guuleysatay xiriirka dibadda iyo inay caalamka taageero uga hesho la dagaalanka ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, isagoona tilmaamay in xukuumadiisu horumar ka sameyneyso dagaalada ay la gashay kooxahaasi.

 

Ra'iisal Wasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay xil ka qaadista lagu sameeyay taliyayaasha ciidamada Dowladda KMG ah, waxa uu sheegay in dowladdu tahay mid KMG ah, sidaasi darteedna xubnaha ka tirsan ay tahay in xilka laga qaado loona dhiibo xil kale, wuxuuna sheegay in taasi aanay ahayn mid ka tarjumeysa in qofkaasi uu yahay mid gudan waayay shaqadiisa.

 

"Diin nama barayaan shisheeyaha dalka ku duulay ee ka yimid dalalka Jejniya oo inta aysan soo gaarin diinta Islaamka Soomaaliya soo gaartay" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo dhinaca kale sheegay in go'aanka xukuumadiisu dhowaan ku xirtay garoomada iyo dekedaha ku yaala meelaha ay joogaan Shabaabka ujeedadiisu tahay inay ka dulqaadaan dadka ku nool meelaha ay ku sugan yihiin, oo uu sheegay inay u diideen gargaarka isla markaana hay'adaha samafalka ka hor istaagay inay dadka gaarsiiyaan samafalka.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Somalia to reconstruct destroyed roads in the capital.

 

The road work will expand into the other side of the capital as soon as the Al-Qaeda-linked militants are defeated.

 

the administration of the Banadir region of Somalia has announced it will soon commence a major reconstruction of destroyed roads in the capital Mogadishu.

clearpxl

 

The region’s secretary general, Abdikafi Hilowle Osman, speaking to the media Thursday morning, said his administration has completed its preparations for the road reconstruction and will soon start the job.

 

“We will first repair the highway leading to Aden Adde airport in Mogadishu and we will then go to the Maka Al-Mukarrama highway. The job will be done step by step since we are not currently able to reconstruct all destroyed roads at one time,” the secretary said.

 

“We get assistance from no one, the money we are using is that we have collected from residents in the government-controlled side of the capital as tax,” he said, adding that the road work will expand into the other side of the capital as soon as the Al-Qaeda-linked militants are defeated.

 

Residents of the capital had differing opinions on the government’s announcement. Some fully lauded the action, which they said will return the city’s lost beauty, while some others expressed suspicion.

 

“Although it was once one of the most beautiful cities in all of Africa, unfortunately Mogadishu has been the ugliest for the past two decades and I am happy to see it regain its lost beauty,” 62-year-old Jama Mahmoud told All Headline News.

 

“The city’s most beautiful highways such as Via Egito, Via Moscow, Maka Al-Mukarrama, Wadnaha Street, the General Daa’ud road and more others are now empty. What you can see there is only rubbish and the bones of already dead people—when I compare their current appearance and how they once looked, tears of agony just fell down on my cheeks” he said.

 

But Faduma Hirabe, a woman with six children who lives on the outskirts of the capital after fleeing her home, is skeptical about the announcement. She believes officials are not going to do a real job.

 

“This is a good job if they are true of their words, but don’t often believe Somali leaders who learned how to embezzle people’s properties and instead tell unrealistic words in the media—they are not reliable, but we will see the result," she said.

 

Correspondent Shafi’i Mohyadin Abokar contributed this report.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Ra'iisal Wasaare Farmaajo: "Dagaalku waa uu sii socon doono ilaa laga gaarayo guullo kama danbeys ah.."

 

Kormeer_Farmaajo_Goobaha_Dagaalka_0.jpg

 

Ra'iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG ah Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) oo ku sugan wadanka Imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay shirkii QM ee looga hadlay xaaladda wadanka Soomaaliya oo uu isagu ka qeyb galay, kulamadii uu la yeeshay madaxda dalalka caalamka iyo taageerada Dowladda KMG iyo guud ahaan taageerada caalamku ka geysanayo xaaladda aadka u liidata ee Soomaaliya.

 

Waxa uu sheegay Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah in shirkii Golaha Ammaanka ee QM ay uga soo baxeen sida caalamku u fahamsan yahay xaaladda dhabta ah ee wadanka Soomaaliya, isla markaana caalamku haatan diyaar u yahay uuna doonayo in Soomaaliya la siiyo gacan si ay uga baxdo dhibaatada ay ku jirto.

 

Ra'iisal Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in shirka Golaha ammaanka QM madaxda beesha caalamka ay dhaliileen Baarlamaanka mudada uu kororsaday, hase yeeshee waxay ku taliyeen in xukuumadda Soomaaliya ay yeeshaan isku xir iyo wada shaqeyn dhexdooda ah, wuxuuna Ra'iisal Wasaaraha uu sheegay in madaxda caalamka qaarkood oo uu kulan la yeeshay ay u fidiyeen ballanqaadyo taageero kala duwan ah.

 

"Xoogga waxaan saarayaa sidii aan wadanka uga qaban lahayn qoladaan khawaarijta ah, wakhtiga aan heysano waa yar yahay" ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Farmaajo oo sheegay in marka uu dhammaado xilliga Dowladda KMG ah la gelayo doorasho, wuxuuna ku booriyay shaqsiyaad ku sugan dalalka deriska ah ee taageerada ka raadinaya dowladahaasi inay dadkooda iyo dalkooda taageero ka raadiyaan, waayo buu yiri shacabka Soomaaliyeed ayaa dooranaya qofkii raba inuu madax u noqdo dadka iyo dalka Soomaaliya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Warsaxaafeed shirka golaha Wasiirada 17.03.2011

Warsaxaafeed

 

Afhayeenka_Xukuumada_Mudane_Cabdi_Xaaji_

 

17.03.2011--------Waxaa maanta shirkiisii caadiga ahaa isugu yimid golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KM ah ee Soomaaliya waxaana shirkaasi guddoominayay Ku-simaha Ra’iisal Wasaaraha ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

 

Kolkii uu furmay shirka ka dib wuxuu gudoomiyuhu ka codsaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Wasaaradda Gaashaandhigga inay golaha warbixin ka siiyaan xaalada Amniga heerka ay mareyso oo ay si wanaagsan golaha ugu cadeeyeen qorshayaasha socda ee Amniga iyo Difaaca.

 

Warbixintaasi ka dib golaha Wasiiradu waxa uu shir gudoomiyaha oo ah wasiirka arimaha Dibadda golaha u soo jeediyay saddex murashax oo midkood loo magacaabo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda asaga oo golaha u faahfaahiyay Taariikh nololeedkooda, heerka Waxbarashadooda iyo khibradooda.

 

Afhayeenka_Xukuumada_Mudane_Cabdi_Xaaji_

 

Intaa ka dib wuxuu gudoomiyaha shirka Mudane Oomaar soo jeediyay in loo codeeyo Mudane Dr. Cismaan Maxamed Aadan in uu noqdo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda arintaas oo goluhu isku raacay magacaabidda mas’uulkaas.

 

Golaha Wasiiradda wuxuu kaloo dood dheer ka yeeshay arimaha Dastuurka oo ay Wasaaradda Arimaha Dastuurka Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta qorsha ay u soo jeedisay oo ay saddexda bilood ee socda ay ku howlgaleyso.

 

Xafiiska afhayeenka xukuumada

Mudane Cabdi Xaaji Gobdon

media@opm.gov.so

 

Garad Salad Hersi

Press Officer office of the Prime Minister

Mobile: +252-615536608

+252-6-2536608

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo ka dalbaday ha'yadaha ka shaqeeya biyaha iyo shidaalka ay is-diiwaangeliyaan

 

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) – Wasiirka wasaaradda macdanta, biyaha iyo shidaalka DKMG ah ee Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxyadiin oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu baaqay ha'yadaha ka shaqeeya shidaalka, biyaha iyo macdanta inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda.

 

"Dhammaan hay'adaha ka shaqeeya biyaha, shidaalka iyo macdanta waxaan ku wargelinaynaa inay iska diiwaan-geliyaan wasaaradda si loola socdo howlaha ay qabtaan," ayuu yiri Mudane C/risaaq Sheekh oo ay hareerihiisa taagnaayeen ku xigeenkiisa iyo agaasimayaasha wasaradda.

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in hay'adaha howshan ku lugta leh ay ka qaataan wasaaraddiisa aqoonsi ay ku shaqeeyaan, isagoo xusay in hay'addii la arko iyadoo shaqeynaysa aqoonsi la'aan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

 

"Garoonka diyaaradaha waxaan geyn doonnaa shaqaalaheenna qaarkood si ay u baaraan dhagaxda, macdanta iyo ciidda dibadda loogu qaado in lasoo baaro ama ganacsi ahaanta loo dhoofinayo," ayuu wasiirku ku sheegay shirkiisa jaraa'id.

 

Ugu dambeyn wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu ay wixii maanta ka dambeeya dar-dargelin doonto howlaheeda, iyadoo horay uu wasiir ku xigeenku uga dalbaday hay'adaha ka shaqeeya biyaha inay dalka isaga baxaan, inkastoo uu dib uga laabtay go'aankaas.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Xukuumada Somalia oo bilowday in qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha ay tababaro ugu qaado dalka dibadiisa

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa ka hadlay waxqabadka Wasaaradiisa iyo Dowladda KMG ah oo bilowday sidii ay shaqaalaheeda kor ugu qaadi lahayd aqoontooda, isla markaana dalka ay ka dhoofeen shaqaale tababaro ku soo qaadanaya dalka Sieraleone.

 

Waxa uu sheegay Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka Dowladda KMG ah in maalinimadii shalay ay Muqdisho ka dhoofeen in ka badan toban ruux oo ka tirsan Wasaaradaha Dowladda, iyagoona u ambabaxay dalka Sieraleone halkaasi oo ay ku qaadan doonaan tababaro la xariira maamulka xafiisyada dowladda.

 

Agaasime Dhagaxtuur in shaqaalaha Dowladda ee wadanka Sieraleone uga bilowdeen tababaro socanaya muddo 14-maalmood ah, isagoona intaasi raaciyay in shaqaalahaasi qaarkood ay ka socdaan Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka.

 

"Tababarada shaqaalaha Hay'adaha Dowladda KMG ah waxaa keenay burburka dalka gaaray oo sababay in qaabkii shaqo iyo sharciyadii howlaha maamulka sii lumaya" ayuu yiri Md. Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo dhinaca kale sheegay inay jiraan shaqaale kale oo iyana tababaro kor loogu qaadayo howlahooda ugu ambabixi doona dalka dibadiisa, kuwaasi oo iyaguna marka ay dalka ku soo laabtaan uga faa'iideysan doona waxyaabihii ay soo barteen.

Wasaaradaha Dowladda KMG ah ee iyagu la soo baxay dardar iyo firfircoonida howl karnimada dowliga ah ayaa Guddiga Qaranka shaqaalaha rayidka ah waxay qireen in Wasaaradda Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulka ay tahay mida koowaad ee xilligan adag uu ka muuqdo mid ka soo dhalaaleysa doorkeeda, iyadoo noqotay Wasaaradda kaliya ee uu dhaqdhaqaaq dowladeed ka jiro.

 

Agaasimaha Wasaaradaasi Md. Dhagaxtuur waxa uu sharaxaad ka bixiyay qorsheyaasha lagu horumarinayo howlihii ay Wasaaradda u heysay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in markii ugu horeysay uu dib u soo celinayo dhammaanba shuruucdii iyo nidaamkii Wasaaradaasi ku howlgeli jirtay si dib loogu soo celiyo howlahooda oo uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasiirka Gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya oo sheegay in la isku raacay in la kordhiyo ciidamada AMISOM

 

Axad, 20 Maarso, 2011 (HOL) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga DKMG ah ee Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo dalka Itoobiya uga qaybgalya shir looga hadlay xaaladda ammaan ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay ballanqaadeen inay ciidamo ku biriinayaan AMISOM.

 

"Shirka oo ay kasoo qaybgaleen dhowr dal ayaa qodobbadii kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM, waxaana illaa iyo hadda hubnaa inay ciidammo ka imaanayaan dalalka Jabuuti, Gini iyo Sierra-Leone," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo saxaafadda ugu warramayay garoonka diyaaradaha Muqdisho isagoo kasoo baxay Itoobiya.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dalka Sierra-Leone uu balllanqaaday inuu sida ugu dhaqsiyo badan hal guuto oo ciidamadooda ka tirsan uu geynayo Soomaaliya si ay howlgalka AMISOM qayb uga noqdaan.

 

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo tiradoodu gaarayso 9,000-askari ayaa wuxuu ururka Midowga Afrika codsaday in la gaarsiiyo tiradooda 12,000-askari, waxaana shirkan lagu go’aamiyay in la dhameystiro tiradaas.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya wuxuu sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Itoobiya uu kulammo looga hadlay xaaladda Soomaaliya la yeeshay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka difaaca, wasiir u dowlaha arrimaha dibadda iyo taliayah ciidamada.

 

Mas’uul u hadlay dowladda Itoobiya ayaa Jimcihii lasoo dhaafay sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu gadcan ka geysto xaslinta Soomaaliya, isagoo ka gaabsaday inay ciidamo u dirayaan iyo in kale, balse wuxuu sheegay in tallaabo ay qaadaan ay ku xiran tahay ogolaasho ay ka helaan Midowga Afrika.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xakumo kala duwan ku riday ilaa iyo 5-askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaasi oo lagu soo eedeyey in ay geysteen falal ka baxsan sharuucda ciidanka qalabka sida oo ay ka mid ahayd dhac iyo boob ay u geysteen dad ku nool degmooyinka Waaberi iyo X/jab jab, waxaana maxkamadda horteeda laga caddeeyey in ay 5-taasi ay askari ay isku dheceen ciidamo madani ah oo ka howlgala labadasi degmo.

 

Dood dheer ka dib Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in markii Maxkamaduu ay eegtay eedeymaha uu soo gudbiyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka qalabkasida ee ku xusneyd qodobada 103, 104 iyo 186-aad ee xeerka ciqaabta ciidamada, islamarkaana ay maxkamadu eegtay in ay si amar la’aan ah shaqadooda uga tageen, ayna caddaatay in ay falal ka baxsan ciidamadu gacanta kula jireen ay ku caddahay in ay geysteen dambiyo.

 

G/sare Xasan Xuseen Mungaab ayaa xusay in dable C/qaadir Max’ed Cismaan lagu xakumay 5-sanno oo xarig ciidan ah lagana rabo in uu dib u soo celiyo qorigii uu ka lunsaday dowladda, waxaaan uu intaa ku daray in eedeysanayaasha kala ah, Anwar Max’ed Jaamac, dable Xasan Max’ed Nuur dable C/laahi Cismaan Aadan, dable Cali Max’ed Axmed lagu xakumay min labo sanno oo xarig ah.

 

Sidoo kale waxaa isla goobta xakunkaasi ka dhacaysa ka hadlay abaan duulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal C/kariin Yuusuf Aadan dhago badan ayaa sheegay in talaabadasi ay tahay mid muujineysa in dadka aan si gar darro ah loo dili Karin, islamarkaana aan loo boobi karin hantida shacabka meel kasta oo ay joogaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Wasaarada Caafimaad Oo Ka Hadashay Qorsheyaal Caafimaad Oo Muqdisho Ka Socda...

Mar 21,2011

by Muqdisho-Gedo-News

 

Wasaarada caafimaadka xukumadda kmg ah ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso sidii loo hor marin lahaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo aan in muddo ah wax qabad wanaagsan ah helin..

 

Dr. Maxamuud Sheekh Xasan Akhi oo ah wasiiru dowlaha wasaarada caafimaadka, ayaa wuxuu sheegay inay jiraan qorshayaal mar horeba la bilaabay in lagu dhaqaaqo si loo tayeeyo xarumaha caafimaadka,waxaana uu sheegey in isbedel wayn dhawaan laga dareemi doonaan goobaha caafimaadka magaalada Muqdisho.

 

Dr Maxamud,wuxuu xusay xarumo caafimaad oo dib loo dayac tiray magaalada Muqdisho, si wax badan looga qabto baahida caafimaad ee ku baahsan magaalada Muqdisho iyadoo ay ka jiraan baahida caafimaad meelo fara badan oo gobalada ka tirsan,waxaana uu rajeyey inay mar uun gaari doonaan gobollada dalka qaarkood kana hawlgali doonaan.

 

Dr Maxamud wuxuu tilmaamay inay ku guda jirto wasaarada caafimaadka xukumada kmg ah joojinta ama ugu yaraan yareenta cudurada faafa, sidaas darteed dib loo howl galiyay xarumo caafimaad gudaha magaalada Muqdisho ,kuwaasi uu ku tilmaamay inay wax badan qaban doonaan cudurada faafa ee dalka ka jira.

 

Ugu dambeyntii arrimahani imaanayaan xilli dhawaan dawlada kmg ah ee soomaaliya dib u hawlgalisey cusbitaalkii Martini isla markaasna sheegtey inay wax badan ka qabanayaan dhibaatooyin caafimaad darro ee dalka jira isla markaasna goobaha cafimaadka horumarin gaarsiin doonaan.

 

Ahmed Aadam Gacal

 

Muqdisho-Gedo-News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Tababar dhinaca arrimaha bulshada iyo ilaalinta sharciyada waddanka Holland ayaa magaaladda Rotterdam loogu soo xiray 12 Ambassador oo soomaali ah.

 

SHA.jpg

SHA1.jpg

SHA2.jpg

 

Ka dib markii ay wadahadalo dhexmareen Eng. Guuleed Axmed, oo ah Madaxa Ururka Eurosoma iyo dawladda Holland waxaa la isku afgartay in tababarkaasi uu bilowdo.

 

Dawladda Holland ayaa arrintaasi u aragtay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed oo xaalad adag ku jira haddii ay ahaan lahayd dhinaca isdhexgalka, ilaalinta sharuucda, shaqada iyo arrimaha bulshada.

 

Eng. Guuleed ayaa dad fara badan u arka inuu yahay nin shaqsiyad wanaagsan oo Soomaali sax ah, dad fara badan ayaa qaba Eng. Guuleed iyo dawladdaha reer Yurub xiriir fiicaan ka dhexeeyo, maadama uu dhismooyin waaweyn uu ka sameeyey waddamada shiinaha, Mareekanka iyo Yurub.

 

"Waxaa xaqiiqo ah in dhalinyaradan casharadii dhinaca bulshadda ah ee la siiyey in ay uga faa'ideyn doonaan qeybaha Soomaalida ah" ayuu yiri Eng. Guuleed, wuxuuna xusay in garashada suubani ay qof kasta tusineyso in ay lagama maarmaan tahay in qof kasta uu xil iska saaro sidii uu bulshadiisa wax ugu qaban lahaa.

 

Xafladaasi ayaa 12 Ambassador shahaadada waxaa gudoonsiiyey Dr. Cali Cabdi Waare oo ah aqoonyahan , ahna agaasimaha SOMVOA ee Magaladda Amsterdam, Eng. Guuleed ayaan ku tilmaamay Dr. Cali yahay inuu yahay shaqsigii tababarkan fikirkiisa keenay, kuna dhiirigeliyey in dawladda Holland uu la hadlo.

 

Tababarkan oo ah kii ugu horeeyey oo dawladda Nederland ay siisay aqoonyahano Soomaaliyeed. Halka Tababar ay horay u qaateen 14000 oo isugu jira macalimiinta dugsiyada sare ee Dalkan, shaqaalaha dawladda hoose iyo shaqaalaha wasaaradaha Nederlands, Dhalinyaradan Somaliyeed ayaa nasiib u yeeshay iyagana Helaan Tababarkan.

 

Tababarkan Waxaa soo qaban qaabiyey Macalimiin sar sare oo dawladda Nederland Ka Socotay , Mashruucan Tababarka ah waxaa ku baxay in ka badan €40,000,- oo euro.

 

Xafladan ayaa Waxa ka soo qayb galay Dad Kala duwan oo ay Ka mid ahayeen saxaafadda Somalida Sida Maxamed Cusman oo Ka Socday TV-ga Somalichannel iyo gabay yaaga Caanka ahna Guddoomiyaha Ururka Deegaan Foundation Abdiraxmaan Axmed.

 

"Bulshadeena Soomaalid ah waxey u baahan tahay kaadir wadani ah oo si daacad ah ugu shaqeeya, kuna dedaala in Soomaalidu ay wax la qabsato kheyrkeeda" ayuu yiri Cabdiraxmaan Axmed, wuxuuna intaa raaciyey in lala xisaabtamo Soomaalida ururada madaxda ka ah oo mar walba la weydiiyo waxa ay bulshadooda u qabtaan.

 

Waxaa kale oo goobjoog ahaa Dr. Abdiraxmaan Food iyo Yusuf hassan oo ah iskuduwaha mashruuca ah.

 

Dadkii Halkaasi Ka Hadlay Waxaa ka mid ahaa Mr.Hank, Filp iyo Lea oo ku Celceliyey inay dhallinyarada Soomaaliyeed laga sugaayo in mushtamaca Soomaaliyeed een ku nool Holland wax fara badan ay ka bedelaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Maamulka G/Banaadir oo burburiyey sandaqado ay degmada X/weyne ka dhisteen ganacsato ka soo barakacday suuqa Bakaaraha

 

diini%20sharuur%2021,03.2011%20(3).jpg

diini%20sharuur%2021,03.2011%20(2).jpg

 

Maamulka gobolka Banaadir ee dowlada Somalia ayaa maanta ka fuliyey degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho howlgal lagu burburinayey sandaqado ay suuqa degmadaas meelo ku dhow ka dhisteen ganacsato ka soo barakacday suuqa Bakaaraha, waxaana howgalkaasi lagu burburinayey goobaha ganacsiga ka qeyb qaadanayey ciidamada dowlada Somalia.

 

Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xamar-weyne ee Gobalka Banaadir C/llaahi Ibraahim Sahal (Gardhuub) oo sheegay in ay howlahani burburinta ah ay amar ku bixiyeen masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir si loo helo wado nadiif ah ee ka soo gasha suuqa kana baxdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Guddoomiye Tarsan oo Balanqaad u sameeyay dadka ku dhaqan degmooyinka Shibis, C/Casiis, Yaaqshiid iyo Kaaraan

 

Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir ee Dowladda KMG ah Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo khudbad u jeedinayay dadweyne isugu soo baxay degmada Shangaani ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo, gaar ahaan xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaalada ay dowladdu kula jirto xarakada Al-Shabaab, wuxuuna dadweynaha ka dalbaday inay ciidamada Dowladda la garab istaagaan taageero, isagoo dhinaca kalena ciidamada Dowladda ka codsaday inay sii laba jibbaaraan guulaha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay ayna xoreeyaan degmooyinka G/Banaadir si ay dib ugu laabtaan dadkii ka barakacay.

 

Isagoo la hadlayay Guddoomiye Tarsan boqolaal dadweyne oo dibad baxyo ay ku taageerayaan guulaha ciidamada Dowladda ay ka gaareen dagaaladii ka dhacay Muqdisho, waxa uu sheegay in degmooyinka Shibis, C/Casiis, Yaaqshiid iyo Kaaraan dadkii ka soo barakacay qaarkood ay ku sugan yihiin degmada Shangaani ayna ka mid yihiin dadweynaha taageeraya Dowladda KMG ah oo ka sugaya Ciidamada inay u xoreeyaan xaafadahooda.

 

"Wiilasha iyo Gabdhaha waxaan u ballanqaadayaa inaan abuurno shaqooyin dhinaca ganacsiga ah" ayuu yiri Guddoomiyaha maamulka G/Banaadir oo sheegay dhinaca kale in dadweynaha ay jaraan geed Yahuudka isla markaana ay ka sameeyaan xaaqimo lagu nadiifiyo waddooyinka Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu ka iibsanayo maamulka gobolka.

 

Md. Tarsan ayaa hay'adda WFP ku eedeeyay in dhaqaalaha ay bixiyaan wadamada caalamka ay musuqmaasuqayaan, isagoo sheegay in raashin aan tayo lahayn ay dalka soo geliyeen sida Galley iyo qamadi xilligoodu dhacay, wuxuuna dadka G/Banaadir ku booriyay inaysan kaalmo ka sugin Hay'adda WFP isla markaana ay isku tashadaan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this