Sign in to follow this  
xiinfaniin

Peace Caravan v1.1: The coming of the Somali Republic!

Recommended Posts

Baashi   

Who would have thought an event of this magnitude would happen as a direct result of Djibouti conference!!!!! Dirrin process is more effective than winner-takes-all, we-are-holier-than-you, we-are-born-to-rule, fussing-and-fighting way of doing biz.

 

One problem down -- almost solved! Another one is just around the corner. TFG is divided. Islamists are also divided. There are more diverse groups active in the political machinations than previously thought. Political squabbles and incessant disputes between the leadership of main groups have not diminished a jot. If anything they have been amplified.

 

Who should talk to whom? How to unite the Islamist front and resolve TFG’s leadership dispute? Do you scrap TFG altogether and start anew, build on the 4.5 formula foundations, or revise the constitution by accommodating Islamists input? What to do with old warlords who will resurface once Tigre head west? How do you keep foreign interventions to tolerable level?

 

This is not your cup of tea. The problems Somalis are facing are humongous and as such folks should realize the enormity and complexity of the situation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^awoowe waad haysaa, tani igu soo orod maaha. The dirin is paradigma shift in many ways though.

 

Ina Yey said today he's willing to lead a delegation to attend this peace process in Jabbuuti to show that he is for peace. He backtracked his earlier call to change the peace venue to Libya.

 

Geediga wadaay baanu leenahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Jabuuti iyo guddiyo ay iska dhex magacaabeen ergadda Dowladda iyo Mucaaradka ku shirsan Jabuuti

24. November 2008 - APL

 

Muqdisho(AllPuntland)-Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa aroornimadii saakay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeday dalka Jabuuti oo ka socda shirka dib u heshiisiinta Isbaheysiga iyo Dowladda.

 

Wafdiga Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa qeyb ka ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka KMG, waxaana wafdigan ka mid ah Axmed C/salaan Wasiirka Warfaafinta oo horay dhinaca Dowladda KMG u saxiixay heshiiskii Jabuuti.

 

Socdaalka wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegantay xili guddiyo labada dhinac ee Dowladda iyo isbaheysiga Mucaaradka ay wada magacaabeen labada dhinac, Guddiyadan siyaasadda ee ka kooban lixda xubnood ayaa waxay ka shaqeynayaan diyaarinta ajendaha looga hadlayo shirka la filayo inuu ka furmo maanta magaalada Jabuuti.

 

Guddiyadan ayaa marka ay is arkaan waxay ajandaha ay soo diyaariyaan horkeeni doonaan isla maanta guddiyada labada dhinac ee Dowladda iyo mucaaradka, kuwaasi oo guda geli doona ka hadalka waxyaabaha ay soo diyaariyeen lixda Guddi.

 

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jabuuti: Shirka Dib u heshiisiinta oo beri si rasmi ah u furmaya Jabuuti & Nuur Cadde oo rajo ka muujiyay inuu soo afjarmo khilaafka Madaxweynaha kala dhaxeeyo

24. November 2008 - APL

 

Jabuuti(AllPuntland)-Waxaa maanta dib u dhac uu ku yimid shirweynaha dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka KMG ee Soomaaliya iyo Isbaheysiga Mucaaradka Garabka Sh. Shariif Sh. Axmed, waxaana lagu waday in maanta uu furmo, balse arrimo farsamo uu dib u dhacay ilaa beri.

 

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde oo maanta ka degay dalka Jabuuti isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in shirka labada dhinac oo looga hadli doono arrimaha siyaasadda ay ka soo baxaan wax wanaagsan oo Soomaalida dan u ah.

 

Nuur Cadde ayaa sheegay in beri marka uu furmo labada dhinac ay ka wada hadli doonaan wax kasta oo nabadda iyo dib u heshiisiinta kaalmeynaya, rajada laga qabo in ay wax ka soo baxaana ay aad u wanaagsan tahay.

 

Mar uu Ra'iisul Wasaaraha ka hadlayey khilaafka Madaxweynaha kala dhaxeeya ayuu sheegay in marka hore khilaafka waxa keenay ay tahay in shacabka wax loo qabto, sidaas ay tahayna waxaa uu carabka ku dhuftay in mar kasta rajo laga qabo in uu soo afjarmo khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga.

 

Wararka laga helayo Jabuuti ayaa sheegaya in shirka beri la filayo inuu furmo laga cabsi qabo inuu muran iyo khilaaf uu ka dhasho, kaasoo ku saabsan arrimaha Siyaasadda gaar ahaan ka hadalka awood qeybsiga, walow uu Ra'iisul Wasaaraha uu rajo wanaagsan ka muujiyay.

 

AllPuntland, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii dib-u-heshiisiinta oo ka furmey dalka Jabuti

 

 

Shirkii Jabuuti ayaa maanta [Nov 24, 2008] si rasmi ah uga furmay Magaalada Jabuuti, iyadoo dalkaas uu gaaray ra'iisul wasaraha Somalia Nuur Xasan Xuseen [Nuur Cadde].

 

Wafdiga ra'iisul wasaaraha Somalia iyo ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka warfaafinta Axmed C/salaan iyo weliba Xil. Kiishburm, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti.

 

Xubnaha Qaramada Midoobay ee shirka wada ayaa waxay sheegtay inay casuumaad u fidiyeen Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed si uu goobjoog uga ahaado xiritaanka shirkan.

 

Gudiyadii amaanka ayaa waxay yeesheen kulamo hordhac ah oo ay kaga hadleen heshiisyadii ay horay u gaareen, iyagoo si gaar ah diirada u saaray bixitaanka ciidamada Ethiopia iyo xabadjoojinta.

 

Sidoo kale gudiyo loo kala saaray inay ka shaqeeyaan ajandayaasha ay shirkooda kaga hadlayaan guddiga siyaasada oo ay ka mid noqon doonaan awood-qaybsi dhexmara mucaaradka iyo DF.

 

Gudi kale xuquuq Insaanka ka shaqeyn doona oo laga soo xulay DF, ARS iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa iyaguna shir gaar ah ku leh dalka Jabuuti, kuwaasoo si weyn uga hadlaya xadgudubyadii ka dhacay Somalia.

 

Qodobada kasoo baxa kulanka gudigan xuquuqda aadanaha ayaa waxaa la hordhigi doonaa kulanka berri dhacaya ee dhinacyada siyaasada iyo amaanka, iyadoo la sheegay in gudigan uu helay xog badan.

 

Xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ee ku sugan Jabuuti ayaa waxay si hoose u sheegeen inay jiraan xogo dhab ah oo gacanta loo geliyay gudigan cusub ee xuquuqda aadanaha, kuwaasoo faahfaahinaya tacadiyadii ka dhacay Somalia intii uu burburku jiray iyo cidii geysatay.

 

Dhinaca kale waxaa weli soo gaari wadanka Jabuuti Madaxweyne Cabdulahi Yusuf oo sheegey inuu ka qayb galayo shirka nabadeynta Somalia.

 

Shirka ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda soo afjarmo, iyadoo DF iyo ARS-Jabuuti ay muujinayaan niyad wanaag ku aadan inay shirkan kasoo bixi doonaan qodobo muhim ah.

 

Garowe Online, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sticking issues include:

 

Ethiopian withdrawal

TFG parliament, its size etc…

Cabinet

 

I am hopefull they will agree on some thing, but these Ethiopians must adhere to what they signed and withdraw. TFG officials are saying teh withdrawal have already begun. We will see.

 

I know some will try to block the exit, but that should not matter. Withdraw they must!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali goverment, opposition faction share power

 

Wednesday, November 26, 2008

MOGADISHU, Somalia (AP) — The United Nations says Somalia's government has reached a power-sharing deal with a faction of the country's opposition.

 

The deal increases the number of seats in parliament to include the opposition Alliance for the Re-Liberation of Somalia, a relatively moderate group that has split from the fighters at the heart of the country's Islamist insurgency.

 

The agreement struck during U.N.-backed talks in Djibouti appeared unlikely to alter the chaos in Somalia, which is struggling with the ferocious insurgency. Hard-line members of the opposition have denounced the talks and previous deals have not ended the violence.

 

Al-Shabab, the extremist group at the center of the insurgency, did not participate in the Djibouti talks. The State Department considers al-Shabab, or "The Youth," a terrorist organization.

 

SOURCE: AP, Wednesday, November 26, 2008

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barlamanka Somalia oo lagu kordhinayo 275 xubnood

 

 

Heshiis lagu qaybsanayo awooda dalka ayay maanta ku kala saxiixdeen dalka Jabuuti gudigii siyaasada ee DF iyo ARS, kaasoo dhigaya in baarlamaanka lagu kordhiyo 275-xubnood oo cusub.

 

Saxiixa heshiiskaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah, isagoo ku tilmaamay guul ay ku talaabsadeen Somalida.

 

"Baarlamaanka waxaa laga dhigayaa 550-xubnood, waxaana xubnaha haatan lagu darayaa kuwo ka imaanaya Isbahaysiga qaybihiisa kala duwan" ayuu saxaafada Jabuuti u sheegay C/raxmaan C/shakuur Warsame oo dhanka isbahaysiga ka socda.

 

Mas'uul u hadlay DF ayaa isaguna sheegay in heshiiskan uu yahay mid ay ogoladeen isjiidjiid badan kadib, wuxuuna carabka ku dhuftay in sababaha ay u oglaadeen ay tahay inuusan burburin shirka.

 

"Hogaanka sare ee dalka sida Madaxweynaha, Afhayeenka Baalamaanka iyo Ra'iisul wasaaraha waxay ku imanayaan doorasho, waxaana dooranaya baalmaaanka cusub" ayuu mar kale sheegay C/raxmaan C/shakuur.

 

Isbahaysiga ARS ayuu sheegay inay ka imaanayaan dhankooda 200-xubnood, halka ay 75-ka xubnood ee kale ka imaanayaan dhinacyada kale sida bulshada rayidka ah iyo waxgaradka Soomaaliyeed.

 

Madaxda ergada ARS ee shirka ka qaybgalaya ayaa intaas ku daray in dowlad cusub la dhisayo bisha ugu horeysa ee sanadka 2009, isla markaana ay shaqeyn doonto 2-sano.

 

"Labada sano kadib doorasho ayaa la sameyn doonaan, waxaana doorashadaas qabanqaabin doona xukuumada cusub ee wadaaga ah, waana wax lagu farxo inay shacabku dooran doonaan hogaankooda" ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur mar kale.

Afhayeen u hadlay Madaxweyne Yuusuf oo maanta ku sugan xarunta maamul goboleedka Puntland ee Garowe ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu qaadacay heshiiskaas, kuna tilmamay mid xukuumada jirta lagu baabi'inayo.

 

Heshiiska ayaa waxaa amaanay xukuumada Jabuuti, xubno ka socda dalalka caalamka qaarkood & Qaramada Midoobay, iyadoo heshiiska ay dhaliileen xubno ay ka mid yihiin kuwa ku sugan dalka Eritrea.

 

Garowe Online, Jabuuti

Share this post


Link to post
Share on other sites

The latest peace development of adding 275 reps to the parliment for a total 550 far exceeds even the US where the population is more then 30 times that of Somalia. And by electing new President before the current President term is finished, an unnecesary risk has been introduced to harm the peace process. Why not wait until October 15, 2009 when the term of current parliment expires to introduce the new changes. The same formula followed to introduce the TFG when the TNG term expired.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^I acknowledge your sentiment bro..

 

It has finally arrived. The Caravan did. It altered the political equation. It succeeded where violence failed. Now instead of debating about the possibility of unity government, the talk of fadhi-ku-dirirs are about objecting few clauses in the new agreement. That will be sorted out insha Allah. If we have been fighting for 20 years to attain power, we can inflate number of parliamentarians to achieve some stability.

 

Nothing is imprinted in stone. These clauses can be changed or reversed. What we must not allow to change is the approach to achieve peace and stability through dialogue and compromise.

 

 

Salute to Sharif: the Geography teacher who once again showed that the pens are indeed mightier than the sword.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this