Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SHUKAANSI

Recommended Posts

Ok ,, So it is me now ! !

 

Shukaansiga waxa uu soo maraa dhowr marxaladood oo ku xiran hadba da'da qofka ama dadku ay joogaan.

 

Inta badan waxa uu ka bilowdaa School ka gaar ahaan marka loo soo gudbo dugsiga dhexe. . . waxa badata in gabdhaha iyo wiilashu ay hoosta iska fiiriyaan bilaha ugu horeeya laakiin aan la isla hadal ,,,, hadalka waxa uu ka bilowdaa walaaleey qalinkaaga ii yara dhiib iyo casharkii shalay aan kaa yara qortee buugaaga ii dhiib . . . waxa xigta in markaa ka dib la is waydaarsado magacyada iyadoo indhaha hoos la iskaga fiirinayo laakiin hadal intaas ka badan aanuu qofna ka soo baxaynin.

 

Maalinta dambe waxa lagu kulmayaa xaflad qof ardayda ka mid ah uu qabtay oo ardayda intooda badan ay joogaan,, si xiiso leh baa la isugu soo boodayaa iyadoo uu qof waliba si fiican u lebisan yahay . . . waxoogaa sheeko ah oo aan aad u dheerayn laakiin xishood badan xoogaa kaftan ahi ku dheehan tahay baa halkaa la isku waydaarsadaa iyada oo wiilku gabadha waydiinayo xaafada ay degan tahay iyaduna sidoo kele.

 

Waxa fursad ah hadii aanay gabartu baabuur qaadayaa jirin in uu uga faa'idaysto inu xoogaa sii dhaweeyo oo uu ilaa xaafada sii gaarsiiyo iyadoo sheekada socotaa aanay ka badnayn arrimaha schoolka, ardayda iyo macalimiinta oo la faaleeyo.

 

Marka subaxa dambe la isugu yimaado school ka waxa lagu kulmaa weji furfurnaan ka duwan tii hore ee qalinka iyo buuga uun la kala qaadan jiray . . . waxa bilowda kaftan hor leh iyo marka firaaqada la leeyahay la wada fariisto jardiinada dugsiga oo la sheekaysto.

 

Intaa ka dib waxa bilaabata in buugaagta sheekooyinka gaar ahaan kuwa jacaylka la is waydaarsado sida Ayaan Daran iyo kuwa la midka ah ,,,,,, ka dib waxa laga sheekaystaa filimaanta hindiga ah iyadoo uu qof waliba la soo shir tago filimkii xalay uu daawaday ee hindiga ahaa oo inta badan la xiriira arrimaha jacaylka . . .

 

To be Continued . . .

 

La soco Part II . . . . . ..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

okey Jacaylbaro waxaan sugaa waa Qeybta dembe ee shukaansiga.

 

By the way I just get the book "Ayaan Daran" though I had the opportunity to read first couple pages. I will finish soon insha allah.....

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ok,,, part II will be coming either later today or tomorrow but meanwhile keep reading Ayaan Daran ,,,, that makes me recall my old memories ! ! ! !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Kaalay inta jaceel maa ka dhalanooyo? aniga waaba finjic sanahayee..lol..

 

Sheekadiina aanba ka baqay..ayaan darana idinka ee idiin gacan gashay..lol...

 

Aniga ma idiin sheekeeyaa mise waan idinka ganbistaa oo irdaha aan idiin xiraa..lol..

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

"two strangers and a wedding"

^^^ This wedding will take place this friday morning, I will try to take a day off from my work to attend this MOMENT, she proposed yesterday morning on LIVE radio and she never seen the man nor does he,

 

okeey talaw maxaan ku keenay sheekadan waaba yaabee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

nuune waxa sheekadaan kaakeenay waa "MARQAANKA" and iam not saying that u chew "Khat" or "Jad" but obviously there is a reason why.

 

 

Garab Saaxiib hadba sida aad Jeceshalay yeel.....

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

aniga how many times, aan dhahay luuq raad sada labadaan way iga diidiin, laakiin hadda waa loo jeedaa sheekadooda banaanka ee taal..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Labda who? :confused: :confused:

 

 

Q,Q sxb waa waalatay miyaa :confused:

 

 

jEcliyAaaaaaaaaaaaa:..............

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part Two

 

Ka dib waxa bilaabata in kalgacal uu meeshii ka abuurmo,,, gabadha waxa ay had iyo goor ka heshaa inay wiilka aragto isaguna sidoo kele,,, maalinta mid ka mid ah uu dugsiga iman waayo kan kele waxa wuu waraystaa waxa ku dhacay wuxuuna isku dayaa inuu telephone kula xiriiro bal si uu xaalada u hubsado.

 

Marxalada taas xigtaa waa marka uu wiilku wiilasha ay saaxiibada yihiin u sheego inuu gabartaas jecelyahay laakiin uusan hada waxba ku dhihi karin,, gabartuna sidoo kele ayay inanta ay isugu dhow yihiin u sheegtaa inay wiilkaas ka hesho iyadoo had iyo goor amaantiisa hadal haysa.

 

Halkaa marka uu arrin marayo, waxa ay noqotaa saddex arrin midkood ,,, :

  • in uu wiilku bareero oo uu si cad ugu sheego inuu jecelyahay, iyadoo gabarta lafteedu aan marka hore waxba qiranayn laakiin waxoogaa inta ay indhaha hoos u laabto oo hadba dhinac u jeesato dhahaysa waan fiirin doonaa ,,,,
  • In lagu wada xiriiro qoraal, oo wiilku inta uu warqad si fiican loo xardhay oo hareeraha uu ka buuxiyay wadnayaal iyo sawir gacmeedyo jacayl uu halkaa ku cabbiro waxa qalbigiisa ka guuxaaya, taas oo gabartuna si lamid ah ay ugu soo jawaabto.
  • Arrinka sadexaadna waa in wiilka saaxiibadiis ay arrinka galaan oo inta gabartii u yeeraan u sheegaan in wiilkaasi jecelyahay iyadana ay ka codsadaan inay ka aqbasho taas oo dhowr kulan ka dib ay badanaaba gabartu aqbasho halkaana uu ka bilowdo jacayl lama ilaawaan ah ,,,,
Sida ay doontaba ha noqotee,, waxa bilowda xiriir lama ilaawaan ah ,, waxaana labadooduba isku dayaaan inay practice gareeyaan jacaylkii ugu horeeyay iyadoo uu mid waliba leeyahay saaxiibo kala taliya arimaha uu tabaayo iyo hadba carqalada ka hortimaada.

 

To be Continued . . . .

 

Part III . . . Coming Soon ! ! !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Part III

 

Ok,, Hadda waa la is bartay, warkana waa cadyahay oo xiriir baa bilowday,, waxa imanaysa waqtigii la samayn lahaa in la ballamo si xiriirka jacaylka loo sii adkeeyo intaas in ka badanna la isu sii barto. Wiilku waxa uu waraystaa gabarta xilliga ugu haboon ee la arki karo iyadoo u sheegta in waalidkeedu ay ilaaliyaan isla markaana aanay suurtagal ahayn inay si xorriyad ah u baxdo ama inta ay rabto ay maqnaato. Ka dib buu wiilku ka codsadaa inay caawa fiidkii is arki karaan isagoo u sheega inuu guriga gabadha meel u dhow soo istaagi doono iyaduna way ka aqbashaa iyadoo u sheegaysa inaanay waqti badan la joogi doonin.

 

Marka ay gaarto xilligii ballanta oo inta badan noqota 7:00 fiidnimo ayay gabartu iska dhigtaa inay dukaanka ka soo adeegayso oo inta ay waxoogaa lacag ah qaadato ay baxdaa. Hadii kele gabar ay saaxiib yihiin oo arrinka la og ayaa u timaada casarkii iyadoo marka ay waqtigii ballanta gaartana u sheegaysa inay Heblaayo sii yara dhawaynayso sidaasayna ku baxdaa.

 

Wiilkii oo badanaaba xiligii balanta ka soo yara horeeyay ayaa si diiran la isu gacan qaadaa iyadoo la ilka caddaynayo qof kastana ay wejigiisa farxadi ka muuqato halka ay laga yaabo badanaaba inay gabadhu wejigeeda yara dadabto iyadoo inta badan hoos fiirinaysa marka hore laakiin waxoogaa ka dib normal ku soo noqonaysa.

 

Meeshaa waxoogaa is waraysi ah baa ka dhaca, waxaana la fariistaa mid ka mid ah jardiinooyinka guryaha meesha ka dhow iyadoo wax Nus saac ka badan aan la wada joogaynin waayo gabarta ayaan xoriyada intaa le'eg haysanba. inta si diiran la isu nabad gelyeeyo ayaa lagu ballamaa in mar kelena ay kulmi doonaan.

 

Sidaas ayaana kulamo badan oo aan waqti badan loo hayni ay ku dhacaan. Waqtiga ugu badan ee ay helaan waa marka ay xaflad jirto oo la isku arko ka dibna uu wiilku soo kaxeeyo gabadha iyadoo masaafadu intay doonto ha leekaatee aan marna wax baabuur ah ama bas ah aan la raacaynin oo laga door bidayo in la lugeeyo si sheekadu ugu badato.

 

Ma sii wadaa ???????

 

Next part ! ! !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this