Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SHUKAANSI

Recommended Posts

Wiilo   

Shukaansi: PART III

 

Waan soo qaxnay to Kenya iyo Ethopia, Kenya qaasatan, waxaad arkeesaa Eastleigh inan isa soo kala xiray, surwaanka dhexda oga xiran yahay. (waad taqaanaan surwaanka aan ka had layo, surwaalada jil jican oo dhexdooda dhuuban tahay lugahoodana aad moodo “Gor gorad†baaxadiisa daraadiis). Gabadhana waxey soo xiranee “Baati†kii uge dambeeyay.

 

Balamo badan ka dib, waxaa leysku go’aansadaa in leysku raaco “Cinema Sun City†oo ku taalay Section 3 ee xaafadda Eastleigh ama “Embassy†Cinema oo ku taalay bartamaha magaalada Neirobi. Labada Cinema waxaa had iyo jeer laga daawan jiray filimo Hindi ah badanaana waxey ahaa yeen filimo Jaceyl ah.

 

Dhalinyarada oo dhan wey baqayaa marka inta ay maalinta tahay baa gabadha la kaxeynayaa maxaa yeelay habeenkii waa cabsi oo amaanka ma fiicno marka waa “Shukaansi†maalin cadey ah waana ka duwan yahay kii Muqdisho. Halka meeshaan dadku ka iibsadaan “Kaley†ama (popcorn) kulkii ay daawanayaan filimada, halkaas (Nairobi) waxaa gabadhu loo iibiyaa “Passion juice†maxaa yeelay Nairobi way kulushahay waana maalin marka waa inaad markasta cabitaan qabow cantaa. Kani waxaan kugu yeeraa “Shukaansi Danyar u Roon†Dhaliyaradaan bilwalba meel u fadhida boqol doolar ee waliba kirida gurigooda sugeyso inay bixiyaan, buu shukaansiga noocaan dani ugu jirataa.

 

 

To be Continued: Part IV In “Utange†(Best)

Share this post


Link to post
Share on other sites

wow,,,,Bravo

 

This was nice though i don't understand much since i've never been to Nairobi seems lil bit difficult 2 understand . . .

 

but lemme see Part 4 ,, may be it is easier . .

 

marka aad dhamayso anigana kaygaan bilaabaa ,,, get ready . . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

SHUKAANSI:

 

Part IV “Utangeâ€

 

Xeradii Qaxootiga “Utange†iyo waliba sida uu shukaansiga ahaa muddadii lagu noolaa “Utange†Qofkii yaqaanay baa yaqaanee waxaa jirtay “Tubo†biyo oo la oran jiray “Tubo dhiig†waxey ka soo hor jeedi jirtay biibito la oran jirray “Mac macaanka Kismaayo†Waxaa isugu imaan jiray dhalinyaro fara daban oo halkaa ku sheekeysan jiray, tubadana waxey aheyd meen ay gabdhaha isugu yimaadaan isla markaana ay ku sheekeystaan inta ay sugayaan feylka ama lineka biyaha. Sida dhismuhu ahaaba Utange, xaafad walba waxaa la oran jiray Zone A ilaal iyo G.

 

Tuba dhiig waxey aheyd tubada biyaha ee ugu dhibka iyo rabshada badneyd. Had iyo jeer habluhu wey isku dagaalijireen, wiilasha yar yarna lagama weyn jirin halkaan. Sida caadadu aheydba tubadu biyaheeda aad bey u yaraayeen mar mar waxaa dhici jirtay in maalmo lasugo biyaha. Habeenkii markii ay tahay waxey aheyd meel dhaliyarada u soo shukaansi tagaan oo gabdhaha yar yar baa lagu gaadi jiray kulka waalidkood u soo dirsadaan biyo.

 

Shukaansiga “Utange†wuxuu ahaa mid cajaa’ib ah, waxaa ku taalay shaleemo lagu gali jiray toban shilin oo Kenya money ah, shaleemada kadib waxaa ku xega casho fudud oo laga soo cuno macmacaanka “Kismaayo†Maalintiina xaafadaha Zone D, C, G bay dhalinyaradu u shukaansi tagi jireen, ayagoo waliba soo hor fariisanaayo meelaha gabdhaha ku diyaarinayaan cuntada. Haddii aan si kale u dhigo hadalkeyga, wiilashu waxey imaan jireen xaafadahan (C,D, G) maalin walba ayagoo og in Maamooyinka xaafadaha ka maqan yihiin, doonayana inay gabdhaha u sheekeeyaan kolka ay cunnadu diyaarinayaan.

 

Shukaansiga oo dhanba wuxuu ka bilowdaa xagee jeceshahay inaad u dhoofto iyo “responserkii†xaguu maraa iyo aniga walaalahay oo dhan baa dibada jira bil walba waxaa la ii soo diraa boqol doolar reerkeyka halkaan majoogaan (wiilka baa sidaan ku faanaya) aniga kaliya baa halkaan jooga waxaana rajeynayaa inaa u dhoofo Yurub ama Mareykanka haddii illaahay yiraahdo. Wax walba oo aad rabto aniga baa kuu gadaya marka halasheekeysan wiilkale.

 

Ayana waxey la dhacdaa cashada iyo shaleemada joogtada ah iyo waliba afmacaanida uu had iyo jeer u muujiyo ayadoo waliba ugu faanta gabdhaha saaxiibadeyd una sheegta sida reerkiisa oo dhan dibada u jiraan ogana fikiraan asaga una soo diraan biil joogta ah isla markaa uu rajeynayo inuu Yurub u dhoofo. Haddii uu dhoofo inuu kafakaridoono ayada una soo diridoono wax walba oo ay rabto iyo “Kaartaliin†(Postcards). Runtii waxaan oran karaa Shukaansigii “Utange†waqti lumis…………………

 

Hadaba Gaba Gabo: Shukaansi sidiisaba waa la oran karaa waa waqti lumis mar, marna waxaa la oran karaa waa mira dhaley, maraana waa markii uu abuuro in guur isla markaana caruur meesha timaado. Balse, ani ahaan Shukaansi waa waqti lumis iyo ku meel gaar.

 

Waxaa halkaan ka sii wadi doono Jacaylbaro: Jacaylbaro dear ku soo dhawaaw

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bess.   

ohhhh ;) ....poor qacx2....not cutting it.....willo... :D ...qacx2...kick the banter up notch....she is getting bored.....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

qac qac shukaansi noogaga sheekeey sxb...waagii gabdhaha dhagaxa lagu daqri jiray shukaansi daraadeed..lol..

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

loooool @ besbaaso, all i said was wiilo and jacaylbaro ought to find a room, waxooda xrated ee aheed nooh looooooool..

 

waraa Tuujiye, dakharka hadda ka shakeeyo here, gabdhaha aa rabtaa in aad igu sii dirtid haye, hadhoowna aad idhahdid, most hated man in here, dulli fooqal dulli.. ar adminka sorry it slipped out..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

ok Qac'qaac waxaa ka sheekeysaa inta gabar aa caleen madaxa kasoo saaratay markii oo aad ku noqotay baadiyaha!!!

 

wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this