Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Framwork maaba kuwaan xisaabta ugu jira? I was suprised to see Salaad Jeelle oo warqad notes ku soo qortay oo ka akhrinayaa maalin dhoweyd mar aan filayo inuu dekadda joogey oo uu ka hadlayey. Waxaa la dareemi karay inay warqadda kor-u-haynteedu xitaa dhib ku ahayd sida C/llaahi Yuusuf aan ku arkay isagoo shir u joogey Sudan. I heard that Salaad Jeelle used to be Kabiir Dugsi Quraan and then he was Kabiirka Jowhar for Maxamed Dheere. Hadana waa wasiir ku xigeenka gaashaandhigga. Adduunoow ba', Barre Hiiraalena waa u wasiir. Weligey Dowlad ka ayaan daran. Dadkii aqoonta lahaa xitaa wax maka dhigi waayeen. I cannot wair marka aan arko inta Dowlad Soomaaliyeed ay dhalato dad aqoon lehna xilal loo dhiibto. *Kabiir waxaa la dhihi jirey ama loo yaqaaney, gacan-yaraha macallinka dugsiga caawiya oo uu uga tagto
  2. I thought that Egypt was the last country Mr Aweys went to before his latest secret one to somewhere? Could have been to the American ships petrolling around the Indian Ocean....who knows.
  3. Orod hadde cusbadii Ceelbuur dhexseexo marka@lol.....joke
  4. Originally posted by LIQAYE: WHAT? shisheeye is all we got or do you think that somalia will reconstuct it self by way of spontaneous construction? Sxb naftaada ku kalsoonoow Ilaahayna talo saaro, marka hore adigu qashinka iska gur, ammaanka sug, aqoon, tacab ama shaqo diyaar u ahoow una dareer, markaas waa laga yaabaa in investment iyo tababar aad adduunka ka heshid, laakiin meel baan seexanayaa ama fariisanayaa ee kaalay hebeloow dalkayga ii dhis cidna dal kuma dhisto kuuna dhisi mayso.
  5. Originally posted by rudy: you really sound like u been in the closet and wanna come out!! plz stay in there! u know somali society does not accept gay ideas or thoughts! its not even 24hrs yet...and look whats coming of the wood-works. western trash..! loooooooooool@rudy.............ishaa ka tuurtay
  6. http://news.bbc.co.uk/1/hi/world/africa/6227437.stm
  7. http://earthtrends.wri.org/text/agriculture-food/country-profile-164.html
  8. Maxaan wakhti iska luminaynaa haddaan shisheeye wax ka sugeyno!
  9. Originally posted by HornAfrique: What I have yet to understand is why ina Caydiid would even speak what he spoke? Waa su'aal da' weyn oo madaxa daalineysa. Sacad haddiis dan ku jirin, maxaa cawadii looo tumaa? Haddii odayga weyn iyo Geeddi fanaxleey aysan la ogeyn hadalkaan ma ku dhawaaqi lahaa? Maxaase wax looga qaadi waayey, waa u jeeddaa waa laga aamusee.
  10. Wararka laga helayo Deegaano ku dhaw dhaw Cadaado ayaa Sheegaya 5 Ruux lagu Dilay Deegaanka DhagTuur oo ka tirsan Degmada Cadaado Ee Gobolka G/Gaduud Dilka 5 taan Ruux loo Geeystay oo dhacay Habeen hore ayaa waxaa Fuliyay Kooxo Dabley ah ah oo Hubeysan, iyadoo Dadka Geeriyooday ay ku jiraan Nin iyo labo Caruur ah uu Dhalay, Xilli ay ku jireen Guri lala Beegsaday Qori Nuuciisu Yahay Baasuuke, halka labada kalena meel aan ka fogeyn lagu Dilay. Xiisadahaan Dilalka ah ayaan ku Cusbeyn Deegaanka Dhagtuur kuwaa oo ah kuwo soo Noqnoqdey, iyadoo ay salka ku hayaan Arimo Aargoosi ah . Falalkaan ayaa Gabi ahaanba ay Xakameeyeen Xili ay Mar Gacanta Ku hayeen Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliya oo iyagu Hada Guud ahaanba lagala Wareegay Goobaha ay Ka Talinayeen. Arimahaan ayaa waxaa Walaac ka Muujiyay Waxagaradka Iyo Masuuliyiinta G/Galgaduud iyagoo ugu Baaqay Shacabkooda In ay Wixii Qilaafaad ah Ku Xaliyaan Wadahadal iyo Wada Xaajood
  11. Kooxo maleeshiyo ah oo baasuuke la dhacay gaari TM ah Mogadishu 04, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Kooxo maleeshiyaad ah ayaa xalay gubay gaari TM ah oo siday raashin iyo shidaal oo ku sii jeeday gobolada dhexe ee Somalia. Gaarigaan oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday deegaanka biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa la qabad siiyay baasuuke, ka dib markii ay murmeen darawalkii gaariga waday iyo kooxo maleeshiyo ah oo isbaaro u tiilay deegaanka galgalato, iyadoo uu dhaawac soo gaaray 2 ruux, gaarigiina uu gubtay. kooxaha isbaarada u taalay ayaa sida la sheegay waxa ay weydiisteen lacago baad ah gaariga, iyadoo gaariga ay saarnaayeen ilaalo ku hubeysan qoryaha fudud, waana ay ku gacan seyreen in ay dhiibaan lacago baad ah, sidaasina waxaa ku bilowday israsaaseyn. Shiino Macalin Aadan oo ka mid ah dadkii safarka ahaa ee la socday ayaa waxa uu sheegay in labo ruux ay dhaawacmeen, balse aanu xaqiijin karin qasaaro intaasi ka badan oo soo gaaray. Waa markii ugu horeysay oo kooxo maleeshiyo ah ay rasaas ku furaan gaari safar ah oo ku sii jeeda gobolada dhexe, tan iyo markii maxkamadaha islaamka lagala wareegay gacan ku heynta caasimadda iyo goboladii kale ee ay maamuli jireen. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  12. Xudun ceey maahee laakiin aniga waqoopyi baan ka imaadayee maxaa xudun i tusay dee...saaxiib gar daridee. lol@ no offence sxb Waqooyi Jaylaani mallagala baxaa. Mise markii Soomaaliya wax walba la bililiqaystay magacyadiina waa la bililqaystay?
  13. looool@inta Maraykan la iska dhigayo dadyowga kale iyo shicibka halla laayo! Maraykan baa xitaa Precision Guide ku khasaara.
  14. Oh really? It is too late sxb, sirtii itoobiyaanka mar horaa la gartay.
  15. Askar Itoobiyaan ah oo lagu dilay degmada Jilib Sida uu xaqiijiyay Maxamuud Daahir Faarax Qooley oo ah ninka loo magacaabay guddoomiyaha maamul KMG ah oo uu yeesho degmada Jilib, nin Soomaali ah ayaa maanta toogasho ku dilay labo ka tirsan Askartii Itoobiyaanka ee shalay halkaasi xooga ku galay, kadib markii uu weerar gaadmo ah ku soo qaaday xero ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi. Faarax Qooley ayaa sheegay in ninkani uu ka mid ahaan jiray ciidamadii golaha maxkamadaha islaamka Soomaaliyeed, ee ka baxay degmada Jilib, isagoo sheegay inuu ku dhuumaaleysanayay illaa shalay guri ay ka qaxeen qoysas Soomaaliyeed oo deganaa Jilib “Saaka xilligii salaada subax la tukanayay ayuu ninkani soo weeraray xero ciidan oo ku tiilay tuulada Lugooshow oo ka tirsan Jilib, kadibna mar kale ayuu galabta weerar rogaal celis ah ku soo qaaday isla xeradii wuxuu soo riday Rasaas iyo Bambo, markii dambena ciidamadu wey iska caabiyeen weyna dileen” ayuu yiri Qooley. Waa markii ugu horeysay oo weerar gaadmo ah lagu dilo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee iyagu ku sugan dalka Soomaaliya, waxayna arrintan laga yaabaa inay wado u furto Soomaali badan oo iyagu si aad uga horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya. Cabdishakuur Cilmi Xasan, Muqdisho, Somalia cabdishakuur48@hotmail.com dayniilecom @hotmail.com
  16. Tolow Magacee la bixi doonaan labada waddan ee walaalaha Cusub ah ee geeska Afrika ka dhashay? Abbasiiniya, Ethiosom, SomEthio? United Horn? WHAT A JOKE!!!!!!!!!!!!!!!!!!
  17. MAXAA KALOO XUSEEN ISKA HADLE KA FILEYSEY? THE NEW INDHACADDE OF THE SO-CALLED TFG. Xuseen Aydeed's department, interior ministry has allot of work to do, he should get right to it or be replaced. Sxb waxaad nooga dhigtay niman kala yaqaan xilalkooda, when Mr Yusuf uu billaabo inuu magacaabo guddoomiye degmo.......oo Geeddi Dekadda iyo ayroboorka dad iska keensado xariifkaanna arrimaha dibedda ayuu boob u raadsadey and Mar dhowna Mr Buubaa oo Madaxweyne Sheeganaya waad arkaysaa...........adigaa buunbuunin jirey ee kaalay hadda xilka u qabo oo u sheeg sida wax loo hoggaamiyo.........toloow haddii Itoobiyaanku tago maxay samaynayaan?
  18. Abwaan

    Shame!

    Originally posted by General Duke But kindly stop insulting Col Afgaduud the man is a respected figure. by who? by Kuwa Ethiopianka daba-dhilifiinta u ah, soomaali ciddey doonaanba haka yimaadeene? and maybe kuwo qabyaalad maskaxda ka dardartay oo malaha u arka SARKAALKA BEESHA? Ok let us open a debate on why he deserves a respect? Which war did he fight and I am talking about defending his nation not necessarily be a traitor who islaamo caanogadaya madfac ku laayey, dagaal qabiilna soo galay!
  19. Abwaan

    Shame!

    Originally posted by Taliban The man sitting next to Geedi is Ethiopian They even look like each other! Originally posted by Taliban The Somali flag desecrated by the flag of Somalia's nemesis. Kan xoolahaa fiiri calanka xitaa sida loo qabto ma yaqaan waaba foorariyey calankii Soomaaliya, maxaase waxaan islahay la isku kabayaa!
  20. Weligiin ma aragteen shahiideen la dafiraayo?
  21. lol@ all i see is 30 islaamo soomaaliyeed ah iyo masawirkii Geeddi fanaxleey. I dont think inuu u dhigmo kii maalintii ciidda ay kun ku dhowaad ay MN iyo London iskugu yimaadeen. Si kasta oo ay dawlad u rabtona ummdda Soomaaliyeed guud ahaan inta badan iyo wixii caqli lehba way ka caroodeen Itoobiyaanka dhulkeenna soo galay.
  22. Wareegto Ka soo Baxday DFKMG oo Su'aalo Dhalisay, Dadka Soomaaliyeedna Soo Xusuusiyey Hadalkii Cumar Carte Qaalib... •Dec 29, 2006 Maalintii Labaad ee Ciidamada Xabashidu ay ku jiraan Muqdisho.... DFKMG oo Reer Puntland ku amartay in ay Hubkooda Geeyaan Xerada 54aad, kuna wareejiyaan "Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed".... Wareegto ka soo baxday Dowladda Soomaalida loogu soo dhisay Nairobi ee FKMG ayaa waxaa akhriyey Cabdiraxmaan Diinaari oo sheegay in wareegtadaasi xustay hub ka dhigista dalka oo dhan iyo in hubka lagu soo wareejiyo "Xoogga Dalka Soomaaliyeed", waa sida uu hadalka u dhigay'e. Diinaari oo hadlaya waxa uu yiri: "Dawladda Federaalka waxay ku guulaysatey gacan ku haynta gobolada dalka oo dhan, waxaana loo baahan yahay hub ka dhigis." Laakiin markii uu xusayey gobolada dalka ma soo hadal qaadin Gobolada Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya ama "Somaliland". Diinaari waxa uu yiri: 1. Dadka ku dhaqan Shabeellada Dhexe iyo Woqooyiga Muqdisho waa inay hubkooda geeyaan xerada Hiil weyne oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan yahay. 2. Dadka ku dhaqan Shabeellad Hoose iyo Koonfurta Muqdisho inay hubkooda geeyaan Laanta Buuro oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed amnigeeduna sugan yahay. 3. Dadka ku dhaqan Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose inay hubkooda geeyaan Jilib oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed 4. Dadka ku nool Gobolada Gedo inay hubkooda geeyaan magaalada Baardheere 5. Dadka ku dhaqan Gobolada Galguduud iyo Koonfurta Mudud inay hubkooda geeyaan magaalada Cadaado 6. Dadka ku dhaqan Gobolada Hiiraan inay hubkooda geeyaan magaalada CeelGaal oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed 7. Dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool in ay hubkooda geeyaan xerada Daynuunay ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed 8. Dadka ku dhaqan Puntland in ay Hubkooda geeyaan xerada 54aad ee Garoowe oo ay diyaarka ku yihiin saraakiisha Xoogga Dalka Soomaaliyeed 9. Wareegtada Laguma sheegin xilliga ay ciidamada Itoobiya ee xoogga ku soo galay Soomaaliya ay ka bixi doonaan ciida dhulka Soomaaliya, arrintan waxay soo dedejineysaa shakigii ay ummadda Soomaaliyeed weligeed ka qabeen Gumeystaha Itoobiya, taas oo jirta ayaa la is weydiinayaa sida ay shacabku hubkooda u dhiibayaan ayagoo cadowgoodii soo jireenka ahaa uu xoog ku haysto dalkooda, oo aysan cidna dammaanad ka haysan xilliga ay dalka ka baxayaan. Puntland::: Shabakada GO oo arrinta ka soo yeertay Diinaari faallo ka bixinyesa waxay tiri: Shacabka Puntland ayaa waxa su'aalo iska waydiinayaan in ay hubkooda ku wareejiyan ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan xerada 54 xilli ciidamo PL ay leedahay ay ka bar-bar dagalamayan ciidamda Ethiopia iyo Malishiyadka Cabdi Qaybdiid kuwaas oo hada ku sugan gobolka Hiiraan... Hadaba su'aasha dad badan is weydiinayaan waxa ay tahay ciidanka Xoogga dalka Somalia ee Cabdiraxman Dinaari sheegey halka ay ku sugan yihiin iyada oo loo fasirtey in uu la mid yahay hadalkii Cumar Carte Qaalib oo ahaa in shacabaka Somalida ay hubkooda ku wareejiyaan Jabhado xilligaa lagu tilmaamey in ay wadanka qabsadeen taas sida la rumeysan yahay horseeday bur-bur hor leh oo ku dhacey qaab dhismeedkii ka jiray gobolada dalka." Jawhar/Balcad::: Dhinaca kale, ayey tiri GO, "waxa su'aalo badan dadku iska waydiinayaan Maxamad Dheere oo sheegta Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta gudoomiye u magacaabey Balcad. Maxamad Dheere ayaa xiiriirka u dhexeeyay isaga iyo DF uu xumaa xilligii laga qabsanayey Jowhar iyada oo aysan jirin wareegto ra'isal wasaare Geedi ugu magaacaabey mar labaad xillka uu sheeganayo. Sida laga war qabo degmada Balcad waxaa horey u maamuli jiray hoggaamiye kooxeedkii Muuse Suudi Yalaxow kamana tirsanayn maamulka Maxamed Dheere oo haatan awood ay leedahay dowlada Ethiopia ku qabsadey. Maxamad Dheere oo saxaafada la hadley ayaa sheegey in godoomiyaha degmada u magaacaabey Cali Rooble uu si KMG ahaana u sii hayn doona xilka." Somaliland::: Ra’iisul wasaaraha dowladda Nairobi Soomaalida loogu soo dhisay dib u heshiinta, Cali Maxamed Geeddi, oo ay waraysatay Idaacadda British Braodcasting Corportaion oo wax laga weydiiyey in amarka lagu xiray xuduudaha Soomaaliya ay ku jiraan meelaha maammuladu u dhisan yihiin sida Somaliland iyo Puntland ayuu ku jawaabey: "Laan Laan iyo waxaasi ma jiraan ee Soomaaliya waa Soomaaliya" Waxaa hadalkaas ka jawaabey Dec 27, 2006 Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxana uu yiri: "Waxa fajiciso iyo amankaag ah in maamulkaas dhawaaqiisu yahay mid riyo ah, kuna salaysan dhalanteed ka fog xaqiiqada... Sideedaba Somaliland iyada ayaa ka masuul ah ammaanka, maamulka iyo maaraynta dalkeeda guud ahaan, iyada oo aan cidna uga qaadanayn fasax talada dalkeeda.... Faranfardaynta degdegga ah ayaa Jamhuuriyadda Somaliland uga digeysaa duqaas isaga ah...." Shabakada Somalilandorg oo hadaladdaas faallo ka bixineysey waxay qortay: Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu si cad ula safnayd maamulka Baydhaba iyo dowladda Itoobiya duullaanka ay kaga soo horjeedaan Maxaakiimta Islaamiga ah. Hadalkan ka soo yeedhay Cali Maxamed Geeddina ayaa muujinaya in maamulkiisu uu helay isku hallayn iyo cudud milateri oo uu ku muquunin karo cid kasta oo diidda maamulkiisa. Taas oo jirtay ayaa wareegtadan dambe maadaama aan looga hadlin Somaliland ay dadku su'aalo iska weydiinayaan in arrinta meesha ku jirtaa ay tahay hadalkii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo uu Geeddi hirgelinayo, maadaama shacabka Soomaaliyeed u arkaan in uu yahay ninka hadda Madaxweynaha DFKMG kaga dhow xukuumada Tigreega. Xilliga Bixitaanka Itoobiya::: Sida kor ku xusan ilaa hadda Dawladda TFG lagama hayo xilli cayiman oo ay shacabka u sheegeen in waqtigaas ay Itoobiya ka baxayso dalka Soomaaliya. Dad badan ayaa rumaysan in aan cadayn noocaas ah laga fili karin TFG maadaama aysan haysan xorriyad ay sidaad ku yiraahdaan. Dhanka kale waxgarad Soomaaliyeed oo rumaysan in taariikhda Soomaalida lagu joojiyo maalintii ay Itoobiyaanku soo cagadhiteen Dhulka Soomaaliyeed, oo markaas taariikhda tirsigeeda aan dib u bilowno maalinta uu askariga ugu dambeeya ka baxo ciidda Soomaaliyeed. Waxaana in badan oo Soomaali ah rumaysan yihiin in aan Taariikhda ku joojino December 18, 2006 oo ah markii ay ciidamada Itoobiya toos u soo galeen carrada Soomaaliya, bartaasna ka soo bilowno jadwalka taariikhda marka ay dalka ka baxaan gumeystayaashu. Arrintaasi waxay sahli doontaa in taariikhdaasi aysan ka suulin xusuusta Jiilasha dambe ee Soomaaliyeed.
  23. Bal dadkaan shaqo la'aantooda daya waa waxa Soomaaliya dagaal uga dhacay. Xoghayn jinni-ku-xaqsay ah? Yeah Office of the President which is an old Russian Helicopter. dhulkii bay socon la'dahay@lol.
  24. Waa ayaandarro in masjidkii camirnaa ee ay kumannaan muslimiin ahi ku tukadeen ciiddii soonfureed uu maanta muuqaalkiisu sidaan u egyahay. Waa ayaandarro in dadkii Soomaaliyeed argagax lagu rido. Tolow arrintaan ma isbaaradii Xuseen Caydiid baa keentay in dadkii imaan waayaan? Bal maqaalkaan iyo muuqaalladaan fiiriya. http://dayniile.com/disember/30disember2.htm Bal muuqalladaanna fiiriya. Runtii ummadda Soomaaliyeed badankeed way ka soo horjeedaan amxaarada, marka laga reebo caadoqaateyaal qabyaalad iyo xumaani ka buuxdo. http://www.hobyonet.com/Dec/Dec_30_dibadbax%20aan%20la%20isku%20raacsaneyn.htm