Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Who is the source (GO) by the way? Magaca xitaa waa la dhammaystiri waayey maybe for a reason.
  2. It is really sad kuwa dowladda isku sheegaya meel ay kaga hadleen ma arkin arrintaan mana maqlin. Aaway dowlad ku sheegii Soomaaliya. Maxay uga hadli la'yihiin. Maxay uga aamuseen dhibaatooyinka loo geysanayey walaalaheen Soomaaliyeed? Malaha Melez baan weli amrin? Anigu waxaan qabaa awalba Geeddina Mukhalas buu ahaa dadka xambaara, C/llaahina dad la dilay waxba lamaba aha oo kulayl iyo qaboow kuma hayso. Aaway kuwii taageerayaasha waalan u ahaa TFG bal maxaad ku jawaabaysaan? nin aan shaqoba ku lahayn baa ka hadlay arrintaan ka dib markii uu dabcan ka xumaaday ayna dareen murugo leh ka muujiyeen Soomaalida degaankiisu. Welldone SEn Coleman Thanx for sharing this with us D_Letterman
  3. with my sub-clan only having 12 MP's out of its 275 so waaba kuu xisaabsan yihiin this shows it is all about clan. sxb inta badan 275-ka aad sheegaysaan waxay ila tahay in la yaqaan background-kooda iyo dhibka ay Soomaali u geysteen. Anigu iima kala roona kulligood, mid aan sub-clan u arko sidaadana maba jiro. I wish in karti iyo hufnaan lagu dooran lahaa...........SUB CLAN KU LAHAA..........
  4. Sxb Duke, anigu from day one waan ka soo horjeeday dowlad ku sheegta warlords-ka and beleive you me my thinking is not shaped by qabyaalad. When la helo hoggaan ku yimid rabitaanka shacabka my taageero is bannaanka laakiin inta horreysa ducada ayaan badinayaa in Ilaah khayrka na waafajiyo.
  5. by Genral Duke Thus what you say in this matter, will do little I never expected you to support President Yusuf and trust me it does not concetrate even my mind. loool.......your expectations aanba la yaabay xoogeeda, plus taageeradu xoog miyaa waa yaabe? And even if someone does not want to support a warlord or his weak government dembi miyaa? Adiguse waa yaabe saaxiiboow horta dowladnimada Soomaaliyeed miyaad dadka ka xigtaa? ma dadkaadse dabiin ka noqotaa cidda ay taageeraan. Wallee waa yaab....goormaa Soomaali qabyaalad iska deyn? Ilaahoow noo gargaar marna kama quusanyno naxariistaada.
  6. Ciidamo ka soo baxsaday dowladda oo ku soo biiraya maxkamadaha Mogadishu 14, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ku dhowaad 100 ciidan ah oo wata 6 gawaarida dagaalka ayaa ka soo goostay dowladda Somalia, iyagoo isku soo dhiibay ciidamada maxkamadaha islaamka, haatana uu abaabul aad u xoogan uu ka socdo deegaanka Buulo Mareer oo lagu soo dhaweynayo. Maleeshiyadan oo daacad u ahaa Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim oo ka tirsanaa isbaheysigii la dagaalanka argagixisada ee kal hore lagaga adkaaday dagaaladii ka dhacay caasimadda, horeyna uga tagay deegaanka Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay maanta go'aansadeen in ay ku soo laabtaan magaalada Muqdisho. Ilaa 100 maleeshiyo ah oo wata 6 gawaari dagaal oo isugu jirta 3 yaryar iyo 3 waaweyn ayaa haatan ku soo fool leh dhinaca deegaanka Buulo Mareer, iyagoo ka soo gudbay dhinaca degmada Diinsoor, waxaana deegaanka Buulo mareer ka soconaya soo dhaweyn loogu diyaar garoobayo maleeshiyadaan sida uu shabelle u sheegay Macalin farxaan Warsame oo ka tirsan maxkamadaha islaamka Somalia. Waxa uu meesha ka saaray in ay jirto wax baayactan ah oo maleeshiyadaan lala galay intii ay joogeen magaalada Baydhabo si ay ugu soo wareegaan dhinaca magaalada Baydhabo. Maleeshiyadaan ayaa waxa ay isku dhaceen sida la sheegay ciidamo Ethiopian ah duleedka xerada Manaas markii ay u soo ambabaxeen dhinaca degmada Diinsoor. isku dhacaasina waxaa uga geeriyooday hal ruux oo sida haatan wararka lagu helayo lagu aasay dhinaca degmada Diinsoor. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia oo ku aadan arintaan, iyadoo xiriir aanu la sameynay dhinaca dowladda aysan inoo suurto galin in aynu helno. Shabelle Media Network Kenya E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net orginally posted by Mini Gen Naji aka General Duke Gen: Naaji oo u waramayay wakaaladda wararka ee reuters ayaa sheegay in Moralka ciidanka xoogga dalka uu yahay mid aad u sareeya, waxayna diyaar u yihiin ayuu sheegay dagaal. Ceebey tacaal, ma isku ciidan bayse kuwaani ahayn uu kala firxadku ku dhacay, aaway niyad sarrayntii ma sidaan baa la yiraa?
  7. Orginally posted by: GeneralDuke The real reveloution will come when the arms are taken away from the fast and furious confused group known as Clan Courts What about haddii riyadaani rumoobi weyso oo TFG iyo xulafadooda ay Ethiopia exile ku noqdaan, horta bal noo sii hormari waxaad samayn lahayd haddii Ilaah yiraahdo? Another card baa la soo baxaysaa miyaa? lol
  8. Sxb, kacdoon ummad uu Ilaahay uga qaaday xukun dhiigyacabyo ayaad rabtaa inaad shakhsiyaad madaxa u saartid. No X D Aweys or C/Qaasim ummadda kama xigaan kacdoonka warlord-ska I know inaad aaminsan tahay in Qanyare, Muuse and the rest who were thrown out were Warlords, what makes you think in C/llaahi, Xuseen Caydiid and the likes of puppet Geedi are different. Soomaaliya dad qabyaalad ku xukuma wa ka daashey ma u malaynayo wakhtiga xaadirkaa in wax maxkamadaha u dhaama ay jiraan ee better join the club before you join the loosing side (Amxaaro iyo Askarteeda) Talo Soomaalinimo
  9. Is he not gonna fly to Addis to feedback Meliz on this conference too? As he always does whenever he goes to a trip abroad............
  10. Sxb US has been there and failed and this was even against one clan. It Somalis (unlike you and others) from the North, East, West and all the way to the South who say who are against this. US messed up Iraq, Afghanistan as well ......so what makes you think they can make things better in Somalia? Beleive in yourself man, no one can rule Somalia by terror. TFG has failed and will be history soon INSHA ALLAAH.
  11. Lol....this is basically because the UIC condemned Washigton for their ill-advised campaign to partially lift the arms embargo on Somalia. This is obvious......plus how can they condemn the UIC for telling Ethiopian troops to leave Somali soil? What a world?
  12. All the info plz. thank you,
  13. by kamaalu diin leave somalia affairs .Somali ethiopians surprise me. I think there is still Somali in your discription there so why leave Somali business alone? If he was Ethiopian purely...then I would understand and what allows Meliz (who is Ethiopian PM)to interfere our business and not Axmed Gurree who is a Somali as far as I am concerned?
  14. «The whole of Africa minus the Somalia…» Publication time: Today at 11:41 Djokhar time Somali parliamentarians who are pro-islamic held a news conference in the capital Mogadishu to reveal a secret map smuggled out of the puppet “prime minister's” office in Baidoa. The map shows the whole of Africa minus the Somalia, which is "incorporated" into the new Ethiopia, which is a secret plan between the Somali pro-US puppet “government” and the Ethiopians. Few months ago prime-minister of Ethiopia Meles Zenawi in a party meeting promised his country five accesses to the sea via the Somali ports. The betraying puppet “prime-minister” is still out of the country (Somalia) with some of his loyal cabinet and so call “parliamentarians” currently in Nairobi, (Kenya). Meanwhile sporadic fighting still being reported in the villages close to the Manaas military camp as 25 fighter vehicles left Baidoa to the front line now nearly just 15km away from the vicinity of the only puppet "government" held town. Further 70 ethiopian and puppet former Jowhar warlord fighter vehicles are said to be on the move to clash with the Hiraan region's Islamic Courts in the centre of the country. Traffic suspension lifted The Islamic courts lifted civilian traffic suspension which was imposed yesterday, as they said no further conflict is expected in the roads between Mogadishu and Baidoa. KC and agencies
  15. They are good images. Thnx for sharing them with us. I saw most of them on my recent visit back in August 2006. To be honest not most of the city looks like this, as I actually thought that Hargeysa was rebuilt much as there was peace for quite some time now but it wasn't. All the roads i saw were those built by previous Military or civilain governments.
  16. Runtu waxay tahay Soomaali xalkeedu inuu ku jiro gacantooda. Ma ahan inay ajnebi noocuu doonaba ay u yeertaan. Waana in caqligu shaqeeyaa oo nacaybka meel la iska dhigaa runtii saaxiib. Haddiise nacayb lagu jiro dhibaato iyo halaag ayaa jiri. Waan aragnay dagaal iyo nacayba halkuu na geeyey. Brother how could you compare this UIC kacdoon to previous ones? Was there bililiqo towards dadka xoolahooda, was there aano qabiil (I am aware of wixii ka dhacay Saakoow oo dhowr qof oo dhaawac ah la diley waana wax laga xumaado, waxaase igu maqaalo ah in la yiri in sharciga silaamka la horkeeni doono kuwii sameeyey).
  17. I know it might look like chasing Siyad Barre to some but let us monitor it carefully bro. We know sida Soomaalidu ugu dheereeynaa qiiro.com taasoo ah in amase wax saa'id iyo nacamlays loo taageero amase saa'id iyo mucaaradnimo xad-dhaaf ah looga horyimaado. Adigu haddaayey waxaad tiri waxaan ahaa la heyste anigu waxaan arkaa in Shacabka Soomaaliyeed badankood ay la haysteyaal yihiin ama xoog iyo physical hallagu haysto ama maskaxda hallaga haystee.
  18. Last Updated Fri, Dec, 08 2006,08:30 am--Mogadishu Somalia Qabiir mareykan ah oo ka digay ciidamo shisheeye oo la keeno Somalia Mogadishu 08, Dec.06 ( Sh.M.Network) – David Shin oo ah professor Mareykanka oo wax ka dhiga jaamacada George Washington oo ku taalla dalka Mareykanka ayaa hadlay go’aanka golaha amaanka ee Q.M uu ka soo saaray Soomaaliya ee dalbanaya in ciidamo nabad ilaalineed la geeyo dalkaasi, isagoo sheegay in xumaanta uu wato qaraarkaasi ay ka culustahay wanaaga uu wato. David Shin oo ah xeel dheere si weyn ula socda arrimaha geeska Afrika ayaa wareysi uu siiyey idaacada VOA-da waxa uu ku cabiray aragtidiisa ku wajahan waxyaabaha ka dhalan kara qaraarka ay ansixisay Q.M ee ciidamada lagu geenayo Soomaaliya. Waxa uu qiray in go’aankan uu xambaarsan yahay wanaag iyo xumaanba, laakiin xumaantiisa ay ka weyn tahay wanaagiisa. Dhinaca wanaaga mar uu ka hadlayey waxa uu yiri: “Waa qaraar sitaxadar leh loo qoray, waxa uu isku dayayaa inuu kala shaandheeyo ciidamada loo dirayo Soomaaliya, kuwaasi oo laga doonayo inay sameeyaan laba arrimood…..inay ilaaliyaan dowlada Federaalka KMG ee xarunteedu ay tahay Baydhabo iyo inay tababaraan ciidamada dowlada. Qeybta wanaaga ee go’aankan waa iyadoo uu leeyahay hadaf u muuqda in maxaakimta Islaamiga lagu keeno miiska wada xaajoodka,” David Shin waxaa wax laga weydiiyey bal inuu ka hadlo dhinaca xumaanta uu wato qaraarka golaha amaanka ayaa waxa uu yiri: “Ma cadda cida ciidamadan diri doonta, waxaana xaqiiqo ah in wadamada deriska aan laga rebin ciidamo sida Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti. Int aan ogahay, wadanka keliya ee hadda diyaarka la ah ciidamadiisa waa Uganda. Waxaan sidoo kale cadeyn haddii ciidamadan ay awood u heli doonaan inay ku guuleystaan inay ilaaliyaan dowlada KMG ee Baydhabo joogta oo ay tababar bixiyaan. Mida abuurista ciidamada haddii ay dhacdo waxaan anigu ka qabaa su’aalo taasoo ah in ay jiyad jab keenayso oo ah in dowlada ay wada xaajood dhab gasho iyo mida ugu dambeysa oo ah in go’aankani aanu hadlin ciidamada shisheeye ee hadda jooga Soomaaliya, kuwaasina waxa ay ka socdaan wadamada Ethiopia, Eritrea iyo mujaahidiin ka soo jeeda bariga dhexe iyo koonfur Asia, marka si kalena loo eegana, waxaa la oran karaa go’aankan waxa uu abuuri doonaa xaalado ay ciidamadaasi wadanka ka bixi lahaayeen,” Ugu dambeyntii, Mr. Shin waxa uu isla barbar dhigayaa labada arrimood eek u sifeeyey go’aanka Q.M inuu u keeni karo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyey in xumaantiisa ay ka culus tahay wanaaga uu geysanayo. “Run ahaantii sida aad sheegtay, marka aan miisaan ku sameeyo qaraarkan, waxay ila tahay in go’aankan uu la imaan doono xumana ka badan wanaagiisa. Waxaa ku jira go’aankan waxyaabo badan oo wanaag ah, laakiin ma hubo sida uu waafaqi karo xaqiiqda dhulka ka jirta, inkastoo aan taageersan nahay firkarada asaasiga ee ah waxa qaraarkan uu isku dayayo inuu sameeyo, taasina waa inuu miiska wada xaajoodka isugu keenayo labada dhinac ee isku haya siyaasada Soomaaliya,” David Shin waxa uu sheegay in mid ka mida dhibaatooyinka hadda taagan ay tahay kala qeybsanaanta ka dhex jirta dowlada KMG iyo hadii ay leedahay ciidamo jira oo la tababaro. Shin waxa uu kale oo uu sheegay in Mareykanka iyo wadamo kaleba ay qabaan waxa uu ugu yeeray walaac sharciya oo ku saabsan in Soomaaliya ay joogaan xubno xag jiriin ah iyo in maxaakimta islaamiga ay xiriir la leeyihiin Al-Qaacida. David Shin Waxa uu sheegay in maxkamadaha ay hadda ka taliyaan badi dalka Somalia, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland, iyagoo heysto buu yiri taageero shacbiyadeed oo aad u balaaran halka dowladda KMG ah ay soo dhaafi la'dahay magaalada Baydhabo oo 240 dhanka koofureed ka xigta magaalada Muqdisho. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Shabelle Webmaster: baabul@shabelle.net
  19. Who are these they we are talking about bro. Dadka Muqdisho ku nool oo dhan miyaa wada dad-dil ku tilmaami lahayd? Immisaa dadka aad isleedahay Muqdishey u hareen ku dhibbanaa? Kuwa maal islaameed haystay dadna laayey aakhiraa warjiraa. Haddana waad aragtay sida sharaf darro looga qaaday, waxaanba islahaa dadka victims-ka ah ayaa markaan humilation-ka kuwa hantida (guryaha) boobay u riyaaqaya. Of course dad baa isbedel kasta ku daba dhuunta waana la helayaa kuwo badan oo ku gambanaya kacdoonkii Maxkamadaha. Haddiise aadba ogeyd wixii warlords Soomaali ku hayeen kuwii la dagaala miyaysan mudnayn in la soo dhaweeyaa? Waad ogeyd wixii Muqdisho iyo agagaareheeda ka jirey in feb 2006 (43 isbaaro, maalin kasta oo dad maalayacni lagu dilo,dekkad iyo gegi diyaaradeed xiran) Haddii aan runta la agmarayn oo aan indhaha la iska xirayn ugu yaraan miyeysan ka roonayn waxa maanta jiraa wixii kirey 15kii sano ee la soo dhaafay?
  20. Again waan ka xumahay inaan arrintaan maqlo runtii waa arrin murugo leh. Ilaahay baa garsoore ah maalinta Qiyaamena waa la idiin garqaadi adiga, reerkiina iyo kuwii idinku xadgudbey adinka maalkiinna iyo Soomaali kaleba. Balse ma is dhihi karnaa caro ayaa kaa buuxda mase kula fiican tahay inaad adiguna ku kacdaa khaladkii lagaa galay oo kale iyo aargudasho soose kama darnaaneysid duulkaas aad ka cabanayso? Miyey habboon tahay in fikirkeenna ay hareereeyso caro maxaase laga fili karaa ruux aad u caraysan? Sxb waan ogahay inay adag tahay balse samir ayaan adiga iyo naftaydaba farayaa anigaba gurigii aan ku barbaaray waxaa iigu dambeysey 1988, dabcan dadka Soomaaliyeed dembi badan bay kala galeen waxaa habboon in Ilaah loo toobad keeno.
  21. I have not heard or read on this 8000 armed forces you mentioned before. Is this some sort of hidden agenda from somewhere? All I know is that they said no frontline states are allowed and the some IGADSOM force is allowed and the embargo was partially lifted. I think 6 points were raised in the UN debate and the UIC is mentioned 9 times and both TFG and UIC was told to continue negotiations. I think inaan laga hordegin warbixinta oo aysan qiiro nala tegin waxaan arkay dad kala taageera labada garab ee UIC iyo TFG oo midba si exreme ah ee ay jecel yihiin u fasirtay.
  22. Kamaalu Diinoow nimaan weer sugine waran ma sugo. Sxb xoogaa shaqo ayaan dhinac kaga jiraa ee raalli iga ahoow haddaan kaa soo daaho. Originally posted by: Kamaalu Diin Aniga waxaa iigu Danbeysay Somalia 1996. I was la heyste .... cheer. Waan ka xumahay inaan maqlo in lagu haystay, balse ciddaas ku haysatey maxay ahaayeen? Mase dhihi karnaa aan kaftannee intii waxaas ka dambeeyey waxa aad maqashaa waxay ahayd hear say? Doodu ha ahaato xalaal ahaato aniga iyo adigana hannagu koobnaato plz. Originally posted by: Kamaalu diiin Let me tell you that I proud to be Qabiilest..... and I would not be scared to say I am selfish, I would only promote my interest first, Anigu ku gees iyo gafuur xiri maayo oo waa choice-kaaga laakiin waxaad ka hesho wax ha iga siin. Waxaanse dhihi karaa Ilaahay haku soo hanuuniyo. Anigu I am proud to be Muslim and Somali that is it. No qabiil fulaan.
  23. I might have not necessarily mentioned UIC but if their intention is to rule by qoriga caaraddiisa and not bring Somalis together which is what we need they will not be any different from kuwa ciidammo shisheeye u yeeranaya. Plus adiga why maanta dhan A/Y lee ugu haysaa bro? I am sure I have mentioned 3 other guys before him who might have done the same mistake. Brother I think if one wants to rule Somalia and they really want to be a good leader inay kasbadaan Ummadda Soomaaliyeed taageeradeeda ee aysan isku wareejin inta qabiilka ku raacsan inta kalena badda ka caba dhihin amaba ka booteyn idaacadaha sida Geeddi.