Abwaan

Nomads
  • Content Count

    7,001
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Abwaan

  1. Dagaal habeenimadii ka dhacay Muqdisho iyo khasaaro Last Updated::2007-01-15 12:29:47 Muqdisho:- Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay iska horimaad xoogleh oo dhexmaray maleeshiyooyin hubeysan iyo Ciidamada DFKMG iyo kuwa Itoobiya. Iska horimaadkan ayaa ka dhacay deegaanka Ifka Xalane iyo agagaarka xaruntii hore ee Caymiska halkaasi oo la sheegay in ay maleeshiyooyin hubeysan ay rasaas iyo baasuukayaal la beegsadeen ciidamo saarnaa gaari Ural ah. Mid kamid ah gaadiidka Uralka ee lagu qaado ciidamada Itoobiyaanka ayuu haleelay gantaal Baasuuke ah ayadoo la arkayey gaarigaasi oo gubtay. Weerarkan ayaan la ogeyn illaa iyo hada inta dad uga dhimatay labada dhinac, balse waxaa jira dad shacab ah oo ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah halkaasi kasoo gaareen. Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay halka inta la hubo 4 qofood oo shibil ah ay halkaasi ku dhaawacmeen. HorseedNet.com
  2. Muqdisho: Qarax iyo rasaas xoogan oo caawa laga maqlayey agagaarka xaruntii Maxkamaddii Ifka Xalan Axad, January 14, 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Dhawaqa iyo rasaasta kala duwan ayaa caawa laga maqlayey agagaarka Maxkamaddii Ifka Xalan ee xaafadda Towfiiq, iyadoo ka hor inta aysan rasaasta bilaaban uu dhacay qarax xoogan oo laga tuuray qoriga Baasuukaha loo yaqaan. Lama haayo warar dheeri ah iyo cida ay iska hor imaadkaas hubeysan uu dhex maray hase ahaatee ciidamada Dowladda ayaa maanta la wareegay amaanka goobta uu caawa qaraxa iyo rasaasta ay ka dhaceysay. Xiriir aan la sameenay dad ku sugan xaafadda Ifka Xalan ayaa inoo sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta kala duwan, iyadoo in mudo ah ah socotay rasaastaasi oo qaraxyo ay wehliyaan, inkastoo aan la sheegi karin cida iyo sababta keentay rasaastaan maadaama xili habeen ay tahay iyo dadka oo cabsanaya. Faahfaahin ku saabsan arimahaasi wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan. Cali Sandheere AllPuntland, Muqdisho
  3. Dowlada Somaliya oo Xirtay Idaacadihii Muqdisho Qaarkood iyo Aljazeera Last Updated::2007-01-15 15:44:32 Muqdisho:- Dowlada Federaalka Somaliya ayaa maanta si kumeel gaar ah u xirtay Idaacado ka shaqeeya Muqdisho iyo Xafiiskii Aljazeera. Amarkan ayaa maanta laga soo saaray Waaxda Nabad sugida ee Dowlada Federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya. Waxaana qoraalka kasoo baxay Xafiiskaasi lagus heegay in idaacadaha kala ah: Shabeele, HornAfrika, Idaacada Quraanka Kariimka, iyo Xaruntii Telefishonka Carabiga ah ee Aljazeera. Qoraalkan ayaan lagu faah faahin sababta loo xiray Idaacadahan, ayadoo lala socod siiyey maamulayaasha xarumahaasi in ay beri subax iska soo xaadiriyaan Xarunta Nabad Sugida ee DFKMG. Qoraalkan ayaa waxaa ku saxiixan G/Sare Axmed Xassan Cali Taliyaha Nabad Sugida ee Gobalka Banaadir. Qoraalkii Amarka Nabad sugida KU. Idaacadda HornAfrik KU: Idaacadda Shabeele KU: Idaacadda Quraanka Kariimka KU: TV-ga Al-Jazeera Ujeeddo: Joojin Idaacad Laga billaabo maanta oo ay Taariikhda tahay 15-01-2007 waxaa la idin farayaa in aad joojisaan howsha Idaacadaha, mar alle iyo markii ay idin soo gaarto warqaddan. Agaasimayaasha Idaacadaha iyo Telfishinka kor ku xusan, waxaa la farayaa inay yimaadaan, xafiiska nabadsugidda Qaranka ee gobolka Banaadir, kaasoo ku yaala agagaarka Baar FIAT, Taariikhdu marka ay tahay 16-01-2007, saacadduna ay tahay 10:00 am si loola socod siiyo arrimo iyaga quseeyo. Mahadsanidiin G/sare Axmed Xasan Cali Taliyaha nabad sugidda Qaranka ee gobolka Banaadir -------------------------------------------------------------- Warar Xiisad Abuur ah Afhayeenka Dowlada Federaalka oo maanta goor danbe war soo saaray ayuu Mr.C/raxmaan Diinaari ku sheegay sababta loo xiray idaacadahaasi in ay tahay ayagoo faafiyey warar lid ku ah amniga dalka. Wuxuuna sheegay in idaacadahaasi oo qaarkood digniin horey loo siiyey ay caadeysteen in ay buun buuniyaan ama faafiyaan warar lagu dhaliiceenayo dowlada, isla markaana abuuri kara xiisado ka dhasha magaalada Muqdisho. Go'aankan ayay dowlada Federaalka qaaday ayadoo ay magaalada Muqdisho ka socdaa hawlgalo balaaran oo ay ciidamada ku aruurinayaan hubka. Waxaana sidoo kale jira iska horimaadyo iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho, kuwaasi oo dhexmaray Ciidamada Dowlada taageera iyo maleeshiyooyin hubeysan. Dowlada Federaalka ayaa markii ay la wareegtay magaalada Muqdisho aan wax tilaabo ah ka qaadin idaacada xorta ah gaar ahaan idaacadihii taageeri jiray Maxaakiimta Islaamiga ee laga saaray Muqdisho. Waan markii ugu horeysay oo idaacadahan la xiray 48 saac kadib markii uu Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyey sharciga Xaalada Deg degta ah ee dalka Soomaaliya. Sharcigaasi oo Dowlada awood u siinaya inuu ku dhaqaaqo tilaabooyin adag oo lala beegsanayo wixii ay dowlada ay ka shakiso siduu sheegay mas'uul u hadlay dowlada oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo. Magaalada Muqdisho ayay ka furan yihiin idaacado kor u dhaafaya 13 oo isugu jira telefishon iyo raadiyayaal. Waana markii ugu horeysay oo Telefishonka Aljazeera joojiyo hawlihiisa ayadoo telefishinkaasi uu xarun ku lahaa Muqdisho tan iyo intii ay gacanta ku hayeen Muqdisho, xoogagii Maxaakiimta Islaamiga ahaa. Maxamed Cabdi HorseedNet.com
  4. Xiisadihii u dhexeeyey beelo muddooyinkanba ku dagaalamayey Beer Xaano oo labo lixaadsaday kadib markii.. Deegaanka Beerxaano oo ku yaala Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa xalay ilaa saaka kacsan kadib markii mid ka mid ah ergo nabad raadineed oo loo direy deegaanka Beerxaano ee Gobolka J/ Hoose ay kooxo maleeshiyo beeleed ah ku dileen deegankaasi iyadoo nin kale oo dhaawac culus uu soo gaarayna haatan lagu daaweynayo Isibaalka Magaalada Kismaayo, waxaana arrintan la sheegay iney cirka ku sii shareertay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee maalmahaanba halkaasi ka taagnaa. Ciidamo dowlada federaalka ka tirsan oo halkaasi horey u gaaray ayaan wali ku guuleysan wax ka qabashada colaadaha ka taagan deegaankaasi iyadoo dilka aargoosiga ah ee u dhaxeeyada labada beelood uu si caadi iskaa sii socdo, iyadoo dad fara badan ay horey uga barakaceen deegaankaasi, iyagoo ka baqaya in coladaahaasi ay sameyn ku yeeshaaan, waxaana dadkaasi ay haatan dulsaar ku yihiin magaalooyin ay ka mid tahay Kismaayo. Dagaaladaan ayaa inta la ogyahay yahay waxaa ku geeriyooday tan iyo intii ay bilowdeen ku dhowaad 28 ruux halka tiro aad u badana ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Kismaayo oo inta badan dhaawacyadaasi la geeyey, iyadoo colaada u dhexeysa labadan beeloodna ay noqotay mid so noq-noqota, waxaana intii maxkamadaha islaamiga ah ay ku sugnayeen magaalada Kismaayo ay ku guuleysteen iney dejiyaan xiisada u dhexeysa labada beelood iyagoo u diray ciidamo kala dhex gala maleshiyadka labada beelood. Beelaha ku dagaalamaya Beerxaano oo kala ah ********* iyo Gaaljecel ayaa lagu soo waramayaa in khilaafkoodu salka ku hayo arrimo dhuleed, iyadoo waxgarad kala duwan iyo siyaasiiyina ay dhowr jeer oo horey isugu dayeen inay xaliyaan, tasoo hase ahaatee lagu guuldarestay. Cabdshakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya cabdixakiin44@hotmail.com
  5. Iska horimaad xoogan oo xalay ka dhacay Muqdisho Mogadishu 15, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Xaaladaha goobihii xalay ay dagaaladu ka dhaceen ayaa wali cakiran, iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda ay dabaabado ku gooyeen inta u dhaxeysa Ceymiska iyo Isgoyska Sos, halkaasi oo lagu wado in ay baaritaano ka sameeyaan. Dadweyne Fara badan oo isugu soo baxay agagaarka wadada Ceymiska Iyadoo xalay dagaal socday 10 kii habeenimo ilaa 11 habeenimo uu ka dhacay agagaarka Ceymiska, dagaalkaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Ethiopia iyo kooxo kale oo maleeshiyooyin hubeysan oo aan la garaneyn ayaa la isku weydaarsaday rasaas culus iyo bambaanooyin. Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay arkeen baabuur ay wateen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo holac uu ka baxayo, ka dib markii lala beegsaday gantaal. Dagaalkaan oo qasaaro nafeed geeystay ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn qasaarihiisa, laakiin dadka deegaanka waxa ay ku warameen in ay arkeen meydka nin sida la sheegay dhagool ah oo halkaasi yaalla. Boqolaal dad ah ayaa saakay isugu soo baxay goobihii iska horimaadka uu ka dhacay oo lagu arkayay ciidamo ku qalabeysan Taankiyo oo isku gadaamay. Max'ed Xasan oo ka mid ah Howl-wadeenada Isbitalka Shiffo ayaa waxa uu sheegay in Isbitalkaasi la keenay labo ruux oo ku dhaawacmay rasaastii la is weydaarsaday. Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia oo ku aadan cidda weerarka soo qaaday. Dhinaca kale Waxaa gabi ahaanba istaagay gaadiidkii isaga kala gooshi Jirey Suuqa Xoolaha iyo Bakaaraha ee mari jirey wadada warshadaha, ka dib markii ciidamada Ethiopia ay ku soo rogeen xanibaadyo wadada warshadaha oo xalay iska horimaad xoogan uu ka dhacay. Wadada warshadaha ayaa saakay lagu arkayaa dabaabado u badan Taankiyo iyo Uralo ay saaran yihiin ciidamada Ethiopia. Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  6. Dowladda KMG ah ee Somalia oo albaabada u laabtay idaacado ay ka mid tahay Shabelle Mogadishu 15, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Qoraal ka soo baxay Hay'adda nabad sugidda qaranka dowladda Somaliya ayaa lagu amaray in la xiro qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho iyo mid ka mid ah TV yada caalamka xafiiskooda magaalada Muqdisho. Qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka dowladda KMG ah ayaa waxaa lagu amray in la xiro idaacadaha shabelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka kariimka iyo xafiiska TV ka Aljaseera ee ku yaala magaalada Muqdisho. Qoraalkaan ayaa waxa uu farayaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 ka bisha Janaayo 2007 da in la farayo dhamaan hay'adahaasi aan kor ku soo sheegnay in ay joojiyaan howlaha warbaahineed oo ay wadaan mar allaale iyo markii ay soo gaarto warqaddani. Agaasimayaasha Idaacadaha iyo TV ga Aljazeera waxaa la farayaa in ay yimaadaan xafiiska nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir, kaasoo ku yaala Baar Fiat, taariikhdu marka ay tahay bisha 16 ka bishaan oo ku beegan beri saacadu marka ay tahay 10 ka subaxnimo. Qoraalka ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka Waxaa ku saxiixan Taliyaha nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir G/sare Axmed Xasan Cali. Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa horey u soo xirtey idaacadda Shabelle ee magaalada Baydhabo sanadkii la soo dhaafay. Kalkaan ka daawo wareegtada lagu xirey idaacadaha Shabelle, Hornafrik, IQK iyo Xafiiska Aljazeera Somalia Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net
  7. Tacshiirad ka dhacday duleedka magaalada Marko Marko 15, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Maleeshiyaad uu wato taliyihii maamulkii hore ee Sh/hoose ayaa koox dabley ah ay ku rasaaseysay inta u dhaxeysa Shalanbood iyo Magaalada Marko, halkaasi oo 4 ka mid ah maleeshiyadii uu watay taliyaha ay dhaawacyo ka soo gaareen. Maleeshiyo uu horkacayo Cali Ganeey oo ah taliyaha ciidamada maamulka gobolka Sh/hoose oo u ambabaxay deegaanka Shalanbood si ay u xaliyaan falal dil ah oo shalay halkaasi ay ka geysteen kooxo maleeshiyo ah ayaa waxaa wadada Ceeljaalle oo ku dhow magaalada Marko u galay kooxo hubeysan oo jidgooyo u taalay, iyadoona 4 ruux ay ku dhaawacmeen tacshiiraddii lagu huwiyay gaariga ay wateen. Taliyaha iyo maleeshiyadiisa oo qaar dhaawac ay yihiin ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Marko, isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo shilkaasi. Tuulada Ceel-jaalle ayaa waxaa lagu xareynayay maalmihii la soo dhaafay ciidamo loo tababarayo dowlada Somalia. Si kastaba ha ahaatee maleeshiyooyin hubeysan oo qatar ku ah amaanka ayaa ku soo badanaya gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo dil iyo dhacba u geysanaya dadka. Yuusuf Keynaan Shabelle Media Network Sh/hoose E-mail us: info@shabelle.net
  8. Azmaya when was the last time you have been to Mogadishu sister to compare lives? People just talk without having any clue of what is happening or happened, not being impartial and basically judging things on the Fadhi-ku-dirir news. U have to know that you are under the command of Mr Yusuf, an old dude who Allah knows intuu Soomaaliya wax ka geystey, Geeddi who has been put in place by Ethiopia, X. Caydiid who is a kid and doesnt know what he is taking about (For your information Azmaya I heard that he once had 3 wives so what is he so different from Aweys?), and Kabiir Salaad Cali Jeelle if you want to know him more listen to his interviews in HornAfrik. Did I mention Meles and Ethiopia?
  9. Welldone brother Northener and Good luck for the future ones too.
  10. I don’t know a lot about Malawi but Nigeria couldn’t release foreigners kidnapped in their country and South Africa couldn’t protect Somalis in their country. Do you think they could deal with deadly Somali militia we will see. Some people don’t understand what is going on in Somalia because what I think is Qabiil principle Somalia doesn’t need no one to bring peace in a box it needs trust within it’s people which I think what the UIC has succeeded, it is not that they were very powerful. Haddii qaarkeen aysan runtaan arkinna Saadambaad Garan!
  11. Duke Wararka Idamaale iyo dacaayadaha qabiilka miyaad press release nooga dhigaysaa sxb?
  12. Deadly battle in Somali capital The gunmen have returned to Mogadishu's streets At least three people have been killed outside Somalia's presidential palace in the capital as militiamen exchanged heavy gunfire with presidential guards. A rocket-propelled grenade was used in the battle, sparked by a dispute over where to park an armoured vehicle. The fire fight came as a group of warlords were inside Villa Somalia holding talks with the president. The warlords and President Abdullahi Yusuf have returned to Mogadishu, after the ousting of an Islamist group. Such clashes between gunmen loyal to rival warlords were fairly common during 15 years of lawlessness in Somalia. After seizing Mogadishu from the warlords last June, the Union of Islamic Courts removed most of the militias from the streets and many residents welcomed an increase in their security. Government and Ethiopian forces routed the Islamists in recent weeks. The Islamists denied accusations that they were sheltering senior al-Qaeda operatives, accused of carrying out attacks in East Africa. Air strikes condemned Earlier, Djibouti, which hosts a large United States anti-terror base, condemned this week's US air strikes in neighbouring Somalia. Foreign Minister Mahmoud Ali Youssouf told the BBC that the raid was counterproductive to achieving peace. Location of militias and US Navy patrols He said his government had not received prior warning about the strikes, which are reported to have been launched from the US base in Djibouti on Monday. The US says it was targeting al-Qaeda suspects but says they were not killed. Somali's interim government has backed the air strikes, in which a US official says that Somalis linked to al-Qaeda were killed. Deaths 'justified' Mr Mahmoud also said his government was very worried about reports of Somali civilian casualties and that past foreign military intervention in Somalia had not brought about the expected result. This is presumably a reference to the last US intervention in Somalia, from 1992-94, which ended in a humiliating withdrawal following the killing of 18 US troops. HAVE YOUR SAY I cannot believe the US has launched air strikes against Somalia Nimco Hussein Send us your comments Key bombing suspects Fear returns to Mogadishu's streets The US 1,500-strong Combined Joint Task Force - Horn of Africa was set up in Djibouti following the 9/11 attacks on the US. The US has long said that the 1998 attacks on its East African embassies and the 2002 attacks on Israeli targets in Kenya had strong links to Somalia. But it says the top three suspects in those attacks - Comoros national Fazul Abdullah Mohammed, Kenyan Saleh Ali Saleh Nabhan and Abu Taha al-Sudani of Sudan - all survived this week's air strikes. Somali officials had earlier reported that Mr Mohammed had been killed. The US government is offering a $5m reward for his capture. US ambassador for Kenya and Somalia Michael Ranneberger has denied reports that a number of civilians had died in the attack. Deputy Somali Prime Minister Hussein Aideed, however, told the BBC that the loss of civilian lives during the attacks was justified to stop "an alliance of the ousted Islamic Courts Union and al-Qaeda" from taking over Somalia and then going to Kenya and Ethiopia. Residents of Afmadow town and Ras Kamboni reported further attacks on Tuesday and Wednesday but Mr Ranneberger said these had not been carried out by US forces. Reports suggest Ethiopian MiG fighters and helicopter gunships seen in the city of Kismayo may be involved. Aid workers report that more 1,000 people have been wounded since fighting erupted in December. However, there is no reliable information on casualties in the current fighting in the remote south. Correspondents say the situation on the ground in southern Somalia remains unclear, with communications in the area poor.
  13. Press anger at US strikes in Somalia Somalia's President said the US had the right to bomb terror suspects Newspapers in East Africa and the Middle East strongly condemn US air strikes on Somalia targeting al-Qaeda suspects in the south of the country. Papers in Kenya fear the US intervention could derail efforts by the transitional government to extend its control over Somalia, while a South African daily warns that the solution must come from within Somalia. A UK-based Arabic daily sees the strikes as part of a US strategy to keep the Islamists out of power and end the stability which, it says, they brought to the country. KENYA'S STANDARD US officials said they expect more military strikes this week to "wipe out" the terrorist cell in Somalia. This in itself is good news from a Kenyan standpoint, bearing in mind that Nairobi bore the brunt of an unprovoked terror attack in 1998. However, the hurried response to send the deadly, fire-spitting C-130s into Somalia so soon after a collective sigh of relief for the chance of a formal government structure evokes fury at the unilateral action of the global policeman. UNATTRIBUTED COMMENTARY IN KENYA'S STANDARD America will never learn and its excuses border on the ridiculous. Uncle Tom had to wait 10 years to go for Osama Bin Laden's disciples? Have the terrorists been waiting for the Yankees? President Abdullahi Yusuf never ceases to amaze. He cheers the Americans on as they terrorise his people and raze his country just as he turned to the Ethiopians to fight the Islamists. Looking for a lame-duck leader? Look no further. SOUTH AFRICA'S BUSINESS DAY It is difficult to think of an up side to America's military intervention in Somalia... The Ethiopian-led and US-backed overthrow of the Union of Islamic Courts and its replacement by the transitional government is no guarantee of stability. And the US attacks on sites where fleeing Somali Islamists and al-Qaeda operatives gathered could inflame the situation. Ultimately, the solution to Somalia's problems will have to come from within the country itself. NDUNGU WAINAINA IN KENYA'S TIMES The Transitional Federal Government (TFG) of Somalia on its part should not presume that the current support from the international community will remain forever. [it] should set in motion bold steps to promote political dialogue and reconciliation that would culminate in establishment of a government that enjoys the full support of the Somali people. PAN-ARAB AL-ARAB AL-ALAMIYAH Since the Union of Islamic Courts succeeded in removing warlords, bringing about peace and stability and taking control of most part of Somalia, the US found a way to eliminate this youthful force and bring Somalia back to violence. EGYPT'S AL-AKHBAR The air strike gives rise to astonishment, mixed with anger and disgust. It also raises many questions. The killing of scores of people under the pretext of hunting down an individual or two cannot be justified irrespective of their position in the al-Qaeda organization. The time has come for the United States to learn its lesson and realise that its real battle is represented in winning hearts and minds. EGYPT'S AL-JUMHURIYAH The United States gave itself the right to bombard Somali villages and kill their innocent people. Does it really want any friends?! SYRIA'S TISHRIN Ethiopia carried out the mission, "crushed the terrorists" and handed Somalia over to the Americans, the original architects of wars and sponsors of collapsed countries. BBC Monitoring selects and translates news from radio, television, press, news agencies and the internet from 150 countries in more than 70 languages. It is based in Caversham, UK, and has several bureaux abroad.
  14. This is definately another Picture cause Qaybdiid is not an MP, plus they don't have that many female members. It was all based on Qabiil and Warlords and not many Somal women got promoted to that level. These old men expect them to mashxarad on the streets.
  15. Originally posted by Allamagan: Allaha u naxariisto intii dhimatay, intaa ka dib who is to blame for these? and ask yourself who invited UIC to Waamo & Jubooyinka in the first place? Sow kuma aysan xisaabtamin in dad badan oo shacab ah aay dhibaato iyo qasaaro ka soo gareyso markii lagu dul dagaalo. People like you oo qabyaalad ku taageeraya khayrul-mas'ulleen shacabka Soomaaliyeed gumaadaya una adeegsanaya cadow iyo gaalo, rabana inay xoog ku xukumaan ummadda inta ka hartay, which will never happen insha Allaah
  16. Wadadda isku xirta Afgooye iyo Wanla weyn gawaarida ka shaqeysa waxaa hakad geliyay amaandaro kala soo gudboonaatay Kooxo Burcad ah.waxaana deegaanka muuri ka dhacay shil baabuur oo ay ku dhinteen labo qof , 8 kalana waa ay ku dhaawacmeyn. Hobyonet. Muqdisho. Khamiis, Jan,11, 2007 Wadadaasi ayaa gawaaridii ka shaqeenayay waxaa loogu geestay dhac iyo rakaabkii oo la baaranayo si looga qaato waxii muhiim ah oo ay wataan. Wadadaan ayaa dadka ku safra waxaa kaloo la soo gudboonaday iney joogsadaan gawaarida dadka ay raacaan sababtoo ah amni daro darteed oo la'aanteed macquul aheyn in wadadu ay caadi u shaqeyso. Dadka rakaabka ah ayaa ku cabanayo in wadadu aysan laheyn ciidamo amniga sugo balse ayuu yiri ' waa muhiim arrintaasi in la sugo amniga Amniga wadada Afgooye iyo Wanla weyn isla markaana laga nadiifiyo kooxaha burcadda ah ee dhibaateenaya shacabka Soomaaliyeed. Dhinaca kale , Deegaanka Muuri ayaa waxaa ka dhacay shil baabuur oo ay ku dhinteen labo qof, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo kale. Gawaarida ayaa mid ka mid ah waxuu ahaa Baabuurta Jaadka oo si xad dhaaf ah u socday . dadk ku soo dhaawacmay Shilkaasi baabuur ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada muqdisho. Maslah Osman Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya Maslaha1@hotmail.com
  17. Originally posted by Sophist: Your continual pasquinade against ICU is indicative of your dislike towards them--- I find it terribly difficult to digest you are doing this out of satirical parody sake. It is incongruous matey to continually desecrate the good name of the defeated brothers Shame on you!!!! well said@!
  18. ^^^There is no occupation Ilaahay haku siiyo indho arka, dhego maqla iyo maskax dareenta!
  19. lol@what do you expect when we have warlords ruling the country as well?
  20. I don't even think that these morons should lead Somalia. I personally don't recognise the so-called government. They are just traiters enjoying the support of individuals who are after money and posts and some who believe in clanism. I I wonder how Somalia will ever recover from this mess created by the warlords (Abdullahi being on the top, some people only think about Muse, qanyare etc when they hear warlord. I saw one Abdullahi supporter who claimed the other day that he is not a walord. To be honest I think he killed the most, since 1978 for power). Please Somalis everywhere let us unite against these old men, before it is too late.
  21. http://kismaayonews.com/newsdetails.php?subaction=showfull&id=1168446017&archive=&start_from=&ucat=1& Fadlan akhriya lifaaqaan oo aan isleeyahay xambaarsan xog muhiim ah.
  22. Jabuuti oo wax aan la aqbali karin ku tilmaantay in dayuuradaha Maraykanku ay dalkeeda duulaamo uga qaadaan Soomaaliya Wasiirka arrimaha dibedda dowladda Jabuuti Max'uud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin in dayuuradaha Mareykanka ka weeraraan dalka Soomaaliya, isagoo meesha ka saaray ineysan jirin wax duuilimaadyo ah oo Jabuuti ka kacay oo soo duqeeyay Koonfurta Soomaaliya. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya aysan joogin rag ka tirsan Argagaxida caalamiga ah, isagoo tilmaamay in xilligan ay ka filayeen Mareykanka inuu taageero Soomaalida, isagoo wasiirku sheegay in uu si aada ah uga xun yahay waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaartay duqeynta dayuuradaha Mareykanka, wuxuuna muujiyey in xukuumada iyo shacabka Jabuuti ay ka gubanayaan waxyeelada dadka Soomaaliyeed loo geysanayo iyo haddiba ay dhacday in dalkeeda laga soo weeraray. "Mareykanka iskuma ogeyn inuu Soomaaliya weerar ku qaado, isagoo ka duulaya saldhigyada Jabuuti, heshiiska aynu kasiinay saldhiogyadana kuma jirin sidaa, haddiise taasi ay jirto waa arin Dowladeed isla mar ahaantaana waan kala xaajoon doonaa," ayuu yiri Wasiirka arimaha dibeda o dhinaca kale sheegay in Jabuuti aysan kala jecleyn Soomaalida isla markaana aysan jirin cid ay taageersan tahay iyo cid ay kasoo horjeedo mar walbana ay ku dadaasho nabada iyo xasiloonida Soomaaliya sidii ay usoo laaban laheyd. "Dowlada Jabuuti marnaba ma taageersano in ciidamada ay joogaan gudaha Soomaaliya, Soomaalida iyaga ayaa heshiin kara ha la isku daayo laakiin Itoobiya waa iney si deg deg ah Soomaaliya ugu baxdaa," ayuu hadal yiri Max'uud Cali Yuusuf oo intaa ku daray in Jabuuti aysan maarnaba taagee in maxkamadaha Islaamiga ah ee hadda laga awood roonaaday, balse ay tageero u heysay waxqabadkii ay talaabsadeen mudadii yareyd ee ay gacanta ku hayeen qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya. C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya cabdishakuur48@hotmail.com
  23. Waa run hadalka Mudane C/risaaq oo Soomaalidii waxay u qaybsantay kuwo qabiil ugu nacamleeya amxaarada iyo dowlad-ku-sheegga iyo kuwo qabiil uga soo horjeeda.
  24. C/risaaq Xaaji Xuseen “Itoobiya ayaa dalkii qabsatay iyadoo sheeganeysa dowlad Soomaaliyeed oo aduunku aqoonsan yahay iney ka difaaceyso niman waddaado ah” C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa ra'isul wasaarihii ugu horeeyey ee ay yeelato dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, markii xorriyada la qaatay 1960-kii ayaa shir jaraa'id oo uu kaga hadlayey marxaladda uu haatan ku sugan yahay dalka Soomaaliya ku qabtay magaalaada Minesota ee dalka Maraykanka, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan tahay dal la heysto oo ay ku soo duuleen ciidamo ay leedahay dowladda deriska ah ee Itoobiya. “Itoobiya ayaa dalkii qabsatay iyadoo sheeganeysa dowlad Soomaaliyeed oo adduunku aqoonsan yahay iney ka difaaceyso niman waddaado ahoo diin sheeganaya, meel walba oo dalki ka mid ah askari Itoobiyaan baa taagan maanta Soomaali maxay ka tiri marka” ayuu isweydiiyey C/risaaq Xaaji Xuseen, isagoo su'aashaas isaga jawaabayana waxaa uu yiri “Soomaalidu labo ayey u kala jabtay, kuwo waa kuwo rumeysan dowladda maanta joogta oo qabiil ugu sacbinaya, sidoo kale sacabada u tumaya dowladda Itoobiya dhulka ay qabsatay iyo kuwo kale oo dowladda C/llaahi Yuusuf qabiilka u diidanaa oo iyana doonaya iney codkooda kor u qaadaan iyagoo leh Itoobiya ma dooneyno iyagoo isu muujinaya ineysan Itoobiya u rabin wadaninimo darteed” C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in Soomaalida qabiilkii iyo qaranimadii ay qabiilka doorteen, wuxuuna xusay in Soomaalidu aysan u bisleyn dowladninmada, isagoo tilmaamay in dowladihii hore ay ahaayeen kuwo nasiib ay ku heleen shacabka. “Waxaan marayaa cimri aakhir wanaagsan nolosheyda inta ka harsan waxaan jeclahay inaan nabad ku dhammeysto, shacabka Soomaaliyeed aad bey ugu hanweyn yihiin dowladnimada balse waxaa ka hor taagan qabiil” ayuu yiri C/risaaq Xaaji Xuseen oo ugu dambeyntii ugu baaqay iney meel iska dhigaan qabiilka oo uu shegay inay u gartaan inuu yahay kan soo dhigay halka ay hadda taagan yihiin, ayna meel uga soo wada jeestaan danaha dalka & dadka. C/shakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya cabdishakuur48@hotmail.com