
Jacaylbaro
Nomads-
Content Count
44,142 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
1
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Jacaylbaro
-
Golaha Guurtida Somaliland ayaa si adag uga dooday saamaynta ay Somaliland ku yeelanayaan arrimaha sii murgaya ee ka socda koonfurta wadanka Soomaaliya. Ka dib markii kooxda Al-shabaab ay falal argagixiso ah ka fulisay deegaanka Beledweyne, kaasoo ahaa qarax la mid ah kuwii ay kooxdaasi Hargeysa ka fulisay 29-kii October ee sanadkii tagay. Hadaba, Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ay dooddooda ku saabsanayd khataraha iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto falalka argagixiso ee ku sii xoogaysanaya koonfurta Soomaaliya waxa doodooda ka dhiibtay dhawr iyo toban Xildhibaan. Fadhigan maanta oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ku bilaabmay jawi degan. Waxaan ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha oo furay waxaana uu yidhi: “Waxa maanta inala gudboon inaynu ka yeelano siyaasad iyo hawl-gal qarameed arrinta Soomaaliya ka soo cusboonaatay. Awal waxaynu ka soo shaqaynay sidii innaga oo laba dawladood kala ah hadana aynu nabad ugu wada noolaan lahayn, ka sii balaadhay, isbedel baad moodaa inuu muuqdo, aad bay arrintaasi welwel inoo gelisay, wixii aynu ka nidhaahnaa inuu noqdo talo-xal raadineed, waa inaad talo ka bixisaan oo lagu dhawaaqo, taasoo iskaashi ka muuqdo, oo aan ahayn inaynu innagu isxagxagno, waxa loo baahan yahay waar arrintaas maxaynu kaga hor-tagaynaa innaga oo isku dhan, Goleyaashii dastuuriga ahaa, axsaabtii iyo shacbi waynaheenii sidii aynu u abaabuli lahayn, ajandaha maanta ina horyaalaa waa talooyin wax ku ool ah oo aynu inta kale uga tagno baan jeclahay inuu inaga soo baxo.” Intaa ka dib Mudanayaashu waxay toos u galeen dooddooda, Waxaana ugu horayn halkaasi doodisa ka dhiibtay Xildhibaan. Xildhibaan Axmed Xasan Saalax waxaana uu ku dooday sidan; “waynu aragnaa oo aqalka ku xigaa haduu gubanayo sidaad uga badbaadaa way adag tahay, waxaanaad moodaa inuu holac badani meesha qabsaday oo aad moodoba inay faraha ka baxayso, haday faraha ka baxdana ilaahay baa awood lehe waa la kala awood badan yahay oo dawlado waa kuwo la ictiraafsan yahay, loo soo gurmanayo, hiil iyo hooba la siinayo, inaguse cid kasta waynu uga nugulahay waxa ka dhacay koonfurta Soomaaliya. Hadaba maxaa looga baahan yahay umadan reer Somaliland, ilaahay baynu la kaashanaynaa, iyagana ilaahayka demiyo waxa ka socda gurigaa jaarkeena ah meelna inaguma seegayo, saamayn wayna wuu inagu yeelanayaa. Waxaynu uga bixi karnaa iskuduubnaan shacbi, xisbiyo mucaarad iyo muxaafadba iyo shicib, inaga oo nidhaahna waar laysku soo galye yaynaan isku habsaamine inta gudaheena taala intaynu ilawno, hulaaqaa baxayaa meel uu inagu seegayo inagu ma arkee waxaan leeyahay aan u midawno oo noqono far keliya. Hadaynu isku duubnaano ilaahayna kaashano waa la hubaa inaynu wuxuun qabsanayno.” “shalay waxaan maqlayay 24 saacadood ayay u qaylo doon dirteen dawladii ku-meel-gaadhka ahi dawladaha afrika iyo caalamkaba, digtoonaanteeda iyo wax ka qabadkeeda iyo sidaynu ugu dhaqaaqayno oo aan ahayn hadal, oo qaylo-doonkeeda ku badato fulinta, goleyaasheena oo isku duuban abaabulkeeda ayaa laynooga baahan yahay, waxaan leeyahay Goluhu ha galo abaabul difaac, oo intaan laynoo iman, nin ama waa kaa maqan yahay ama waa kugu maqan yahay, waxaan ku darayaa axsaabta hadalkoodu badatay ee muranka ku jira, iyaga laftooda waa inaynu nidhaahno wado xun baynu maraynaa kor iyo hoosba isula hadla waad maqlaysaanoo riddo ayaa laynu soo ridayaa oo inagu soo gaashaamane, aynu iska eegno.” Sidaana waxa ku dooday Xildhibaan Nuur ayaanle Khayre. “Waxaan leeyahay innagu walaalka adigu iskaraw baa la yidhi, isagana iskaraw baa la yidhi, dadkana karawbaa la yidhi, waa innaguna aynu difaac qaran ka samaysano dhiigaa Xamar ka qulqulayana sidii loo joojin lahaa aynu baaq nabadeed u dirno” sidaana waxa ku dooday Xildhibaan Axmed Xasan Saalax. Waxa kalfadhigii maanta doodooda ka dhiibtay xildhibaato tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Farxaan Ciise, Cabdiraxmaan Cismaan Xasan, Yuusuf Sh. Axmed Nuur, Yuusuf Cabdilaahi Cawaale iyo Maxamed Xuseen Huruuse, waxaanay doodoodu si adag uga digeen khatarta ka soo fool leh argagixisada isku balaadhisay koonfurta Soomaaliya iyo saamaynta laga baqo qabo inay Somaliland ku yeelanayso sidii looga digtoonaan lahaa. Dhinaca kale, gebi ahaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland ayaa aad looga hadal-hayaa saamaynta ay ku yeelaan karaan falalka ismiidaaminta ah ee qaraxyada ay ka fulinayso kooxda Al-shabaabka gudaha wadanka Soomaaliya, taasoo laga baqo inay Somaliland soo gaadho. Goobaha ay ku kulmaan dadweynuhu siiba makhaayadaha ayaa maalmihii u dambeeyay laga hadal haya arrintan, ka dib markii qarax dad badani ku dhinteen tiro laxaad lihina ku dhaawacmeen lala beegsaday magaalada Beledweyne, halkaasoo lagu dilaywasiir ka tirsan xukuumada kumeel gaadhka ah ee soomaaliya.
-
most people support Al-shabab ??
-
-
,, nice come back A&T
-
Waxaan xasuustay baalaxooftadii ciyaalnimada ,,,,, Igu sii daaa ,, aar mayee ka joog ,,,
-
Washington Hearing: Committee on Foreign Affairs
Jacaylbaro replied to Suldaanka's topic in Politics
Interesting .................. -
Tea Watermelon Sambusa Castard
-
AFRICAN ................
-
Ethiopoan army to rescue Mogadishu society another myth exposed
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
I don't think you answered the question ..... -
Ethiopoan army to rescue Mogadishu society another myth exposed
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
Waa laga ridanayay dee ,,,,,,, -
Ethiopoan army to rescue Mogadishu society another myth exposed
Jacaylbaro replied to General Duke's topic in Politics
So now they need Ethiopians ,,,,, ehem -
Don't mind Mr. Me, he is advocating for a chaos theory and don't want any peace in the Somali peninsula. He is always on the side of the opposition and those armed groups. Markaa, he is just sitting in one of those western countries and watching the fighting on the net. I wonder if he is Somali at all.
-
Chaos theory ,,,,,,,,,,,,,,,,
-
Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa laga soo celiyay jiida hore ee degaanka Cabdi Casiis ka gadaal markii uu goostay inuu dagaalka hogaamiyo
-
Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ayaa laga soo celiyay jiida hore ee degaanka Cabdi Casiis ka gadaal markii uu goostay inuu dagaalka hogaamiyo,waxaana soo celinta Shariif kadib kululaaday dagaalka oo isu bedelay mid ay weji cusub la soo baxeen ciidanka dowlada. Inta badan fariisamaha Khawaarijta ayaa duqeeyn saf mara lagu garaacay waxaana kadib dagaal dhinaca lugtaa ku galay Ciidanka dowladda. Ciidamo lixaadleh oo ay kala horkacayaan Cabdi Qaybdiid,Indhacadde iyo Salaad Cali Jeelle ayaa ku guuleeystay inay guud ahaan degmadda Kaaraan ka sifeeyaan kooxahii ku soo duulay ee Huwanta Ahmed Godane iyo Xasan Dahir. Inta aysan dowlada gaarin guulaha dagaal ee Mogadishu ka hor waxaa wadooyinka lagu arkayay meeydadka Khawaarijta iyo dhaawacyo fara badan oo ay ku gurayeen baabuur. Weriyeyaal doonayay inay ka waramaan jiidaha ayey huwanta Khawaarijta kala dageen gawaaridii ay wateen,waxayna ku daabulayeen dhaawacyadooda. Weriyeyaasha jiidaha booqday waxay sheegeen inay indhahooda ku arkeen sedex gaari oo kuwa dagaalka ah,lagana gubay huwanta Godane iyo Aweys. Gawaaridaas waxaa hareerahooda tubnaa meeydad fara badan oo ah maleeshiyadii ay la socdeen. Khawaarijta oo subaxnimadii hore ka dagaalamayay Isgoyska Sanca waxaa gelinkii dambe laga saaray xitaa Isgoyska Fagax. Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banadir Cabdi Fitaax Shaaweey oo hogaaminayay Ciidamadda la wareegay Isgoyska Fagax ayaa Waagacusub kula hadlay kelmado ad adag ,oo farxadina ka dhexmuuqatay. " Waxaad u sheegi kartaan Shacabka Soomaaliyeed inaan caawa ku hoyan doono Warshadda Baastadda hadii aysan taas dhicina waxaad igu tirisaan hogaamiyeyaasha beenta looga bartay,dagaalka waan wadeeynaa ilaa aan ka qabano Warshadda baastada,waxaana naga go-an inaan ku dhimano ama ka guuleeysano Khawaarijta"ayuu yiri Gudoomiye Shaaweey. Ciidamadda uu wato Shaaweey oo ay dusha sare ka caawinayeen Madaafiicda goobta waxay dagaalkooda Yaaqshiid ku furteen gawaari dagaal,waxaana isgoyska Fagax isugu soo baxay boqolaal ka mida dadweynaha degaanka kuwaas oo la arkayay iyagoo biyo iyo baraf ka daba wado Ciidanka dowladda. Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed wuxuu Saraakiisha dhinaca amaanka ku booriyay inay dagaalka guul la taaban kara kaga gaaraan 24 saac hadii kale ay u baneeyaan jiidda iskana casilaan xilalkooda. Golaha Wasiiradda ee Xukumadda Somalia ayaa kulan deg dega oo ay Mogadishu ku yeesheen ku shaaciyay in dalka la geliyay xaalad deg dega ayna beesha Caalamka weeydiisanayaan gurmad lagu badbaadinaa Qaranimada Somalia ee ay ku soo duushay Al-Qaeda Warar la xaqiijiyay oo goor dhaweeyd laga helay Magaalada Beledweyne ayaa shaaca ka qaaday in laba kun oo ka mida Ciidamadda Melleteriga Ethiopia ay meel shan KM u jirta Beledweyne soo gaareen,waxaana sedex saacadood kadib lagu wadaa in kun iyo shan boqol oo ka mida Ciidamadii dowladda ee lagu aruuriyay Hiiraan u dhaqaaqaan dhinaca Magaalada Buuloburde oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyo uu wato nin lagu magacaabo Cabdi raxmaan Qaxwo kana mida Saraakiisha sare ee Khawaarijta Koofurta Somalia. Wax wara lagama hayo dhinaca Bay iyo Bakool,Gedo iyo Jubooyinka hasse yeeshee waxaa guusha dowladda ku beegmeeysaa waxyar uun kadib mar Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia kulan deg dega oo uu xubnaha golaha baarlamaanka isugu yeeray ku iclaamiyay in caalamka u soo diro Somalia gurmad deg dega,24 saac gudahood,isagoo baaqiisana ku cadeeyay inay ku doonayaan ciidamo aan kala sooc lahayn guud ahaan dalalka la deriskaa Somalia. Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dega goboladda dhexe oo dhiigooda la baneeystay waxay guul u arkaan awood kastoo lagu wiiqo karo Khawaarijta oo astaan u noqday diin la'aan ,arxan la'aan iyo dhaqamo guracan.
-
Dhaq dhaqaaq ciidan oo ka imaanaya dhinaca dowladda kenya ayaa waxaa siweyn looga dareemayaa degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo gaar ahaan Magaalooyinka Balad Xaawo iyo Ceelwaaq oo labaduba ku yaala sowdinta u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Wararka naga soo gaaraya degmooyinkaasi ayaa sheegaya in dowladda kenya ay ciidamo fara badan ay soo buux dhaafisay xadka ay la wadaagto Soomaaliya,ilaa iyo iyo haatana lama oga sababta ka dambaysa ciidamadaani la soo dhoobay halkaasi,waxaan xirin gaadiid doonayay in ay gudaha Soomaaliya u soo gudbaan iyo kuwa kale oo doonayay in ay galaan Kenya. Gudoomiyaha degmada Balad Xaawo Axmed Max’ed Barkuus oo shabelle ay wax ka weydiisay ciidamada dowladda kenay ay soo buux dhaafisay xaduuda ayaa sheegay in uusan garanayn xiligaani sababta ka dambaysa in dowladda Kenya ay halkaasi ciidamo soo dhigto. Barkuus ayaa waxaa uu inataasi ku daray in arintaasi uu qadka taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Mandheere ayna ku balameen in ay maanta ku kulamaan Xaduuda si ay uga wada hadlaan xaaladaha ka soo cusboonaaday xuduuda u dhaxeysa labada dal. Ciidamada la soo dhoobay Xaduuda Kenya iyo Soomaaliya ayaa imaanaya markii maanta Dowladda KMG Soomaaliya ay ka codsatay wadamo ay ka mid yahay Kenya in ay Ciidamo si dhaqsi leh ay ugu soo diraan Soomaaliya.
-
Legitimate do not need to kill people or wage war sxb .........
-
Originally posted by Belial: I voted for resignation of Sharif Ahmed. And I voted for to transfer power to legitimate Somali political movement! No MORE puppets! Amin. Legitimate eh ?? ,,,
-
Midest Touch
-
It is a good and responsible answer to the statements of the African mad dog ........
-
Qaabal qowsaynkaa uu ka sheekaynayaa waa halkee ??? ,,,