Qorax

Nomads
  • Content Count

    284
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Qorax

  1. Ku: Tafaftire Orgi Og: Sol Jabha Muqawamo Og: Ibti Og: Unknown1 Og: Abtigiis & Tolka Og: Ina Caydiid Uje.: Walaalaheena Amxaarada Waxaa wax laga xumaado ah in maqaalki Arbacadii 13ki Sept ku soo baxay jariidadiina SOL Bashkalax boggeeda 4aad ee soo qoray nin isku magacaabay Hamaan Mugdi uuna ku cambarenayseen dowlada iyo dalka Itobiya. Waa wax laga xumaado in aad dadka walaalaha kala fogeysaan iskana horkeetaan idinkoo adeegsanaya falal gurucan. Haddii aanu nahay bahda saafiga ah ee SOL waxaanu leenahay ha ka waantoobeen iskudayida foosha xun ee lagu kala geynayo dad walaalo ah isku dhaqana iskuna dad ah. Mahadsanidiin Fara Baxsay Miigane
  2. Itoobiya waa dhurwaa yaa amini kara dhurwaa. Waa haddee dhurwaa...
  3. Dhaliilahaasna waa wax aanu kulligeen wada ogsannonahay e xal ma ay sheegtay, innantu?
  4. Ninka Jacayl Baro la yiraa yaa horta ogeysiiyey innantan Kool Kat ahi dhalashadeeda? ma dokumentiyadeeduu hayaa waaba la yaabaye! Kool Kat Dhalasho wacan adeer. Soo weynow baan ku leeyahay
  5. Aqyaarta, Xassan Turki ayaa sheegay oo yiri walle inaysan waligeed tagaynin in lagu tagsiiyo shilkaha iyo zuuga mooyee taas ayeey fahmeysaa. Wadaadkuna wa runtiisa. Heshiis iyo saxiix iyo baryo baryo kuma naasa nuugto.
  6. Xassan Turki Allaha xafido waa raggeedi ninkani. Red Sea adeero waxaan Illaah uga baryeeyna inuu la garab galo magaaladana iyo dhulkaasoo idilna nabad ku soo dabaalo. Ha noqot tusaale aay ku daydaan gobalada kale oo idil oo aay ku jirto magaaladii adeero ka yimid waqooyi galbeed iyo togdheerba. Fiicnan lahayd Abuu Mansuur oo Hargeysa loo dhiiba. Illaahay culimada wadanka ha udhiibo ayagana towfiiqda waafajiyo. Guul!
  7. Halayaabin waa cod doone dad ayeey la hadleysaaye
  8. Halayaabin waa cod doone dad ayeey la hadleysaaye
  9. Maxamed Dheere wax kasta oo uu aqriyo yaa ka dhageysanaya. Mar uun shabaabka wa aay is arki markaas ayaa jawaabta laga rabaa.
  10. War dadka qaarkii miyesan soomanayn horta? Tan labaad, qofkii nin islaama dilay muslina sheeganaya asagaa aakhira ka jawaabi oo kiisba haysta ee yanan la is xiijinin ragoow. Shabaabku waxay noqdeen qolo cid kastaba sheegato oo magacooda wax lagu kharibo ayaguna kuwa dabyar shida ma ahan oo hadaa cidii kastaa oo sheegataa waa ay soo dhoweystaan.
  11. Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: YES ,, IT IS TODAY ,, What does it mean to you ? Hadal badni baan taas u aqaana. Aanu ka hadalno teena. maaha?
  12. Soomalidu waa dad runtii horumar sameenkara haddii mar laga saari lahaa mar'uun marxaladda aay maanta mareyso waaba la ogaani meeshii aay tagaane. Waxaanu la'nahay hogaamiye toosan oo daacada oo dadkiisa isku duwan kara dadkuna jecel yihiin. Sh. Shariif ayaan ila muuqda ama aan u arkay nin sifaahas leh balse kaligiis oo qura waxba ma uu rujin karo oo wuxuu u baahan yahay rag kale oo la mida kana liidan.
  13. Abtigiis & Tolka, ninyahow dadkan kuma aysan fahmine ee u dulqaado. Aad ayaan uga xumahay in Dhaqtar Nadiif ceebtiisa iyo khaladkiisa in la sheega dadka qaarkii u qataan xumaan. Waan akhristay waana wax dhici kara waana run baad tiri, balse waxaa fiicnayd inaadan qofna magacabin oo meeshaa uga harted ayeey ahayd. Waxaan ka mid ahay dadka ku raaxeysta qoraaladaada qaraxa badan ee weliba aad u macaan. Markana aan la hadlo dadka ka dacwoonaya AT qoraaladiisa. Dadkaan waxaan oran lahaa war haddii aydun jeclayn ninka A&T ah qoraaladiisa maxaad u aqrisataanoo uga jaw-jawaabtaan haddii idinku qudhiinu rabshoolayaal ahayn. Haddii aadan jacalayn ninkan qoraaladiisa banaanka istaaga gudahaba ha soogalin. A&T, awoowe xaal qaado raalina ahoow dadkana ha ubixin.
  14. Hadduu caafimaad iyo tabar u hayn lahaa ma usan sidaa u hadleen ee tabar ayaa halka dhigtay.
  15. Hiraale magalada waa uu ku cayaaray inuu dhaafo magaalada dan ayaa ugu jirtay waayo intuu joogay meesha waxba wa uu ka qaban waayey amaan daro, dil iwm. Isbadalkii dhacayna waxa waday wadaado meel kasta isaga habar wacday, raggaasina waa la ogyahay in aay xal keeni karaan dagaal-ogayasha kal oo dhami keeni karin. Kismayo illaa hadda wadaadadii qabsaday madaxa ayeey iskula jiraan oo waxaa jira baa la yiri kuwa qas wadayaala an badnayn oo raba meesha in qabiil loo qaybsado markaa haddii qabiil laga eryey ma haboon tahay in qabiil kale loo dhiba. Ma xal ba sidaas, may weeyee. Rag wanwanagsan oo daacada oo somali magac ku leh ayaa wada dadaalo lagu rabo in lagu dhiso maamul cid waliba aay ku qanacdo oo aay ku jiraan kuwii meesha horey u haystay. Waanu arki in ay cashar ka qaateen casharadii hore ee la soo bartay.
  16. Macallin Jiiskas sidaa loogu qarxiyey kee buu aha? Waxsan maqlay Cabdullahi ayaa ku yiri xilibaanadii joogay in haddii aad orta ka joojin wayaan uu banaanka isaga bixi war (jawaab) degdega ayaad iga helaysaan -oo uu ka wadey waan idin kala diraya- sowta ayagii oo dhami wada amuseen juuqna laga waayey.
  17. War amxaaro meel aay usocoto ma jirto ee ha is dalinina. Xaggey aadaa marka intaas oo kun oo askari uga dhimatay danteediina aysan weli wada gaarin. Is tartiibsha bowyaal.
  18. War Barre maxa laga rabaa sowta waa hore cayaarahi Maxkamaduhu ka fadhiisiyen sow weli kuma uu jiro xabsigi-uu-is-geshay. Mideeda kale qaladka Alshabaabku waa kuwa (qabiil) inta ka qaadan kuwa (qabiil) kale u dhiibaan si silsiladii qaxarka iyo dagaalku meesheedi ka sii socoto ilaa waligeed.
  19. Originally posted by Mr-Peace: Somali women had their part in the civil war as well, let's not pretend they were all innocent. Do you think the men would be fighting each other if somali women didn't support them? All somali women had to do was threaten to close their bodies for business if the men continued fighting each other. No group is completely innocent in somalia, everyone played a part. Sxb, waan kugu raacsanahay. Haween waxaa jira ka qaybqaatay welina ka qayb qaadanaya (haba yaraato kaalina ka qaybqadashadooda) dumistii qarankii Soomaliyeed. Balse waxaa la dhihi karaa wax badana wa aay dhaaman ragga.
  20. Alla meeshu qosol badanaa. Wareerka aduunka dheh waa la isku wareersan yahay. Mideeda kale hablaha soomalidu maxay un is-difaac ugu jiraan intii aay arrinka si kale oo is-difaaca un ahayn kaliya maay kiiskooda ku xalisadaan. Waxaan amin sanahay in aay kari karaan taasi haddii aay dabada muska kala soo bixi lahaayeen. Mr. Peace khalad ama saxba si hagaagsan (koleey wuu dhaama dadka is hayeen) ayuu kiiskiisa u difaacay una challenge gareeyey hablaha.
  21. War ninku dherer badan, ma photoshobeyeen tolow?
  22. ^ Ninku ma asaga hada nool muxuu nolaada haddu noolaan lahaa maan sidaan ahaan lahayn wuuna nadaba qaban lahaaye. Alla muxuu rag ahaa ninku. AUN.
  23. Richard Burton wuxuu ahaa waa la ogyahay, somalidana waqti uu ku darso ama ku arko waligiis ma heli wuxuu ka qorayna waa sheeko xariiri maskaxdiisa uu ka soo minguuriyey. Wuxuu ahaa khaniis india iyo carbaha usoo doontay in la khaniiso meeshuu tagana si loo aqbalo ayuu sidii jirjiroolihii dhaqankooda & caadaadkoada qaadan jiray, si uu dadka u maran habaabiyo. Wuxuu ahaa dambas jiif allaa laga ag weyn dulledyada xaafadaha iyo meelaha caruurtu iyo dumarku isugu yimaadaan dadku waxay alaalba u haysan jireen inuu yahay ruux wax u dhiman yihiin, yacnii waalan.
  24. Morgan aduunkii ayaa ciriiri ku noqday oo guri ayuu maxbuus ku yahay xabsi-guri isagu is gashay.