Qorax

Nomads
  • Content Count

    284
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Qorax

  1. loool @ Cusmaan Diana. Aduuno ba' ma raggi ayaa haata Diana wax ka dayoo isku malmalaasa!
  2. Horta Shariif Sakiin iyo Shariif Amusane makala haraaan ma saaxibo rumaa mise?
  3. Hadal aanan macna saasa subinayn ka warran, Shariifku beryana xata hadalkii wuu ka dhamaadayo Sh Aamusane ayuu noqday. Somaliya waxay u baahantahay Dr. SHeekhad Muxibo Yusuf in madaxweyne laga dhigo.
  4. ^hehehehe ma u malaynayo in ninkan indhaha guduudan gaaray waqti uu cab-cabsado amaa dhuundhunto iminka ayeey asaga iyo koxdiisu maqaaxidu si fiican ugu shidan tahay
  5. Mahadsanid GDwonder waxay u egtahay inaan gadan doono mid yaroo HP ah wixii kale si ayeey iigu cuntami wayen.
  6. ala ceeb badanaa ma dalka hal nin qaarajintiisa usoo diray 40 nin iyo wax kabadan Alloow alle!
  7. War anaa daawaday ee i weydiiya. Waa film waangsan. qofkii calool jilicsana horey ha u sii qaato masar ama shukumaan ilmada isaga tirtiro. Murugo ma jirto aan ahayn filmkan calooljileec.net
  8. ^Xornimo waad gareysa haddii raggoo dhan ninba meel xaabo uraadi la yiraa dherigana hal meel dabka ku saarataan si wadajira (xornimada)caqli aya la raba taatiko soconeysa maha sida hadda walaal. Kuwa ku jira amxaarada hala gorgortamen Meles waxa laga raba jidadkii, dugsiyadii, dhisidii kaabayaasha kuwa hubeysana waxaa iyana laga rabaa in cadaadis halka ka sii wadan oo aay dhahan marnaba hubka dhigimayno. Maxaa hadda socda in ONLFtu disho qofkii u aragto inu la shaqeenayo sida ardayda jaamacadaha, macalimiinta, dhaqaatiirta iwm sidaa horumar laguma gaaro.
  9. Gabdhan lady_somalia la yiraa 20.000 jeer ayeey ka fiican tahay waxaaaan meesha wax ku so qoray.
  10. Wixii aan oran lahaa dib ayaan u ceshtay.
  11. Maanta ma Ninyaaban ayeey sheekadii 0 uga jirta? kaalmo miyad u baahan tahay sxb?
  12. ^ma inu maqan yahaad u haysataa war waa duljooge sug marku waqti helo asaga halkiisi line qabac ka soo siine.
  13. ^maba dhici karto inaad Ina Ducaalow wax la aan nagu soo noqotay koleey emailo & telefano ***-dirtay ee wixii soo kordha bal nala soo socodsii
  14. Mahadsanid Gheelle.T. Netbookga ayaan rabay balse waa la iga naxsahoo la yiri ka fagoow bateriga ayaa durba dhamaanaya, programyo qaarkood ma qaadi karo wareer nin buka kun u talsay ayan noqday. Bal aan eego reer sol ka kale waxa aay dhahaan. GDWonder, Mahadsanid walaal. kan ma netbook ba mise laptop caadiya? Acerka waa shinees ba layiri waana culeys badan yihiin taa ka waran? kan aad hadda soo dhigtay link ma leeyahay aan arki karo sawirkiisa.
  15. Dajiye, kuwaas aad shegeysid waxay sheegaan in dhallinyarada la celin karin ee bal wiilasha yaryarka ee dugsileyda ah ee ila kenya iyo amxaaro salkeed laga soo aruurshay badbaadsha oo dab ha gelinina taa miya diidan tahay owowgi la jane
  16. Ciddaan ayaga ah dantooda ma yaqaanin. Weli 2010 kefedda hal meel ayeey rabaan in aay ka saarnaadan ama ukumahooda oo dhan hal dambiil kuwada gurtaan. War toosa yaa idin yira o dantiina aqooda
  17. Nin gurigiisi gubanayo guri kale kama naxo. Allaha gubo gurigooda ba'
  18. Ninkan Dajiye iyo axmed madooban isku nacay war kale keen saaxiib alshabab u daahi mayso 4 reer xp iyo 3 reer windows 7 ah ognahayna in adeerkod Bill Gate kala noqday kalsoonidii
  19. ^gabanka xa xiijin adna. iska daa mad tirahdid o meel fariiso intuu saacada wax raad raadinla
  20. war wa naag waalan maka taqaan in aay isku meel istaagi lahayen dibadbaxa ugu soo horeya? Waxa u fiican ayadoo indho-shareer ninka usoo xirto oo gacmaha inta la isqabsado sheekadooda si fiican loo kala bogtaa. Horta waaba yaabe shababku sidee ayagu wax ku jeclaadaan mise jacaylka waa laga talaalayo qudhoodu jacaylba ma karo?
  21. ^hadal hoose eyeey shekadu weli la mareysaa ee ka daa ma u jecla in dhanka iminka laga kaftamo'e
  22. ^ show malaha mid qaadireysnaa soo gashay. Bal Sacadd*Ducaale muxuu dhihi doona?
  23. Sxb, aniga kombiyuter hal kama aqaani waxaana doonayaa in aan laptop gato dadkana qofki aragtidba waxun bu ku sheegaya kaa iska daa kaas gado ee bal ilatali walaal oo laptopke igula talin lahayd bal? Waxan donayaa mid fiicanoo waxwalba u dhan yihiin haddana raqiis ah. Marka la gadanayo maxa baaso laga eegaa aan ka eegee bal? HB aya ugu fiican mayee DELL ayaa ka sita, War Toshiba dhinac ha u dhaafin iyo ACER ka carar wan ku wareeray ee maxaa dhihi lahayd. Celcelis ahaan isticmaalkaygu waa iska email furfuris, akhbaar akhrin-akhrin iyo kormeer kormeer guud sida halka sol. Wareer badanaa Dwye