Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,484
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    311

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. "Ma howl joojin, mise howlgal ciidan" Muqdisho - Subaxnimadii hore ee shalay dhammaan waddooyinka soo gala suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaa soo buux dhaafiyey Kumanaan Kun oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya waxaana ay howlgal ka sameeyeen gebi ahaanba suuqa oo ay daqiiqado kadib markii ay soo galeen ganacsigii uu gebi ahaanba istaagay iyadoo dadkii suuqa ku jirayna ay noqdeen wax cararay, wax la qabqabtay iyo kuwo si dirqi ah ku baxsaday. Holwgalkan oo aan la sii shaacin si kedis ahna ku bilowday qaab ahaan bilowgii wuu u ekaa howl si taxadar ah looga soo shaqeeyay, isla markaasna shabahayay howlgal ciidan, hase ahaatee waxyar kadib markii ay gudaha suuqa u galeen ciidamada gaar ahaan kuwa dowladda waxaa qadkii ka leexday qorshihii howlgalka waxaana askartii dowladda Soomaalida ee ka qeyb qaadanaysay howlgalkaasi ay bilaabeen ridista rasaas aad u xoog badan oo qof kasta oo ay u jeedaan la beegsanayaan waxayna qabqabteen dad ka badan 500 qof oo goob qura la isugu keenay intooda badan, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loo qabanayay qofkii la arko . Dad galay Hoteello, kuwo guryahoodii hoosta ka xirtay iyo guryo maranba waa la galay waxaana bilowday farateysi iyo in qofkii la qabtaba wixii jeebka ugu jira laga qaato . Haddaba howlgalkaasi muxuu huwanaa? Qaar ka mid ah dadka ayaa ku fasiray in dowladdu ay awooddeeda ku tuseysay shacabka si ay meesha uga saarto hadallada kulul ee ka soo yeeraya kooxda ku shireysa Casmara isla markaasna loo arko in ciidamada dowladdu ay leeyihiin awood oo sidaasi dhoolatus loogu dhigay. Inkastoo dad badan la farateystay lagana qaatay Mobaylo iyo Lacag haddana inta badan dadkii la qabtay 90% waa la soo daayay, laakiin howlgalku si dhab ah ayuu uga weekday jihadii saxda ahayd waxaana uu afka saaray waddo qardo-jeex ah waayo qof la tuhmayo iyo qof aan la tuhmeyn waa loo sinaa oo isku si ayaa loo qabanayay, loona handadayay, sidoo kale xitaa qofkii aan dembi lagu heysan looma ogolayn in uu ganacsigiisa sii wadan karo, sidoo kalena lama arkayn cid ka badbaaday howlgalkaas oo gebi ahaanba suuqa saameeyay, markaa haddii howlgalku ujeeddadiisu ahaa in shalay mid taag daran iyo mid wax heysta aanay ganacsan haa howlgalku waa fulay oo saxar dhaqaaqa waa laga waayay gudihii Suuqa, mase aha wax ku cusub dadka ku ganacsada Suuqyada Muqdisho, waayo marar badan ayaa la arkay askarta oo ku jirta gudaha Suuqa iyo dadkii soo geli lahaa suuqa oo laga celinayo tiiyoo aan la arag goobo la fatashayo ama dad la qabanayo, markaas oo lagu fakari karo ma howl joogsi baa mise waa howlgal ciidan. Waxaan ahayn afar nin oo isku hal qol ku jiray markii shalay howlgalku bilowday, waxayna dantu nagu qasabtay in ilaa intii uu howlgalkaasi dhammaanayay abaarihii 3:00 galabnimo ee shalay aynu jilbaha garka ku heyno inagoo kuudadna qol aysan oolin wax googol ah marka laga reerbo alwaax ganacsi loogu talo galay oo qaarkeen milkiilihii Bakhaarkaasi shaxaad u soo doontay, qaar kalena ay salaan u soo mareen si ay meheradahooda uga sii aadaan, hase ahaatee nasiibdarro shaxaadna lama helin, meheradna lama furin, waxaana ku xareysnayn muddo qiyaastii 7 saacadood ku dhow qolkaas oo aan isku xirnay markii aan aragnay xabbad dhacaysa iyo dad yaacaya oo na soo galay si aan xabbadda ugu gabannana aan ku qasbanaanay in aan qolka hoos ka xiranno. Askarta oo muddo badan na hor taagnayd iyo inaga oo baqaynay waxa ay sababtay in qaar ka mid ah raggii aynu kuwada jirnay goobta ay dhul shamiindo ah baakado ku gogladeen kadibna ku gam’een. Waxyaabihii layaabka lahaa ee howlgalkaasi ka mid ahaa waxaa laga xusi karaa guryo laga maqnaa qaarkoodna laga qaxsay oo askartu ay garaaceen albaabadooda kadib markii laga furi waayay ay doonteen Jaranjar ay ku koraan iyagoo kuwo kale albaabkooda xabbado shaandho kaga dhigay markii laga furi waayay . Waxaa jiray rag naxariis leh sida aan maqlayay oo askarta ka mid ahaa kadib markii haween iyo carruur u ogolaaday inay waddada gudbaan oo go’doonka ay galeen ka baxaan hase ahaatee markii uu u tilmaamay waddo ay maraan ayaa waxyar kadib waxaa xabbad ku soo riday askari dhinaca kale ka joogay waddada oo kolba naxariis darnaa, kuwo kale insaannimada ayaa ka guurtay waxaana arkay iyagoo haween baaraya oo aan gacanta kala xishoonayn, waxayna tiri mid ka mid ah inta qeylisay 100-kaas Kun ayaan heystaa oo biil aan Ilmaha uga dhiganayo iyadoo codka dheereynaysa, hase ahaatee isagu wuxuu oranayay soo saar hubka aad waddid waxayna ku dhawaaqaysay hub ma wato ee waxaan wataa lacagtaas , ma ogi inuu ka qaaday lacagtaas laakiin rag badan oo markii howlgalku dhammaaday aan is wareysanay ayaa ii xaqiijiyey in lacago iyo Mobaylo u badbaadin, welibana rag kale oo aan aqaano ii sheegay in laga qaatay . Askartu isku mid ma ahayn, way jireen qaar aan waxba qaadanaynin, hase ahaatee kooxo labo labo iyo saddex saddex u socda oo askarta ka mid ahaa oo howlgalka dhinac uga leexday ayaa farateysiga koow ka ahaa , waxaana u maleeyay in koontarool la’aan xagga taliyeyaasha ciidanka ah ay taas sabab u ahayd, haddii aanay heshiis kula ahayn falka ay samaynayaan waxaa hubanti ah in Taliyaha ciidanku uu ogaan karo ugu yaraan marka uu qiyaaso goobta wax lagu dhacay iyo ciidanka goobtaasi ka howl galayay raga sheekadaasi fuliyey. Ma muuqato inuu jiro dabagal lagu koontaroolayo ciidamada howlgalka sameeya waxaana hadda qaati laga taagan yahay, howlgallada oo qofka maqla ay ku soo degdegeyso inaysan jirin hub iyo saanad la baarayo balse ay qaar ka mid ah askartu baarayaan jeebabka dadka. Xigasho
  2. Faahfaahin ku saabsan dhismaha Gole ay ku mideysan yihiin dhinacyada ku shiraya Casmara oo shalay lagu dhawaaqay iyo sida dhinacyadaasi u qeybsadeen xubnaha Golaha dhexe ee Isbaheysigaas Casmara - Shirka Casmara oo maraya gebogebo ayaa shalay looga dhawaaqay Gole loogu magac daray Golaha xoreynta iyo dib u soo nooleynta Soomaaliya, kaas oo yeelanaya Gole dhexe oo ka kooban 151 xubnood. Golahan oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada ku shiraya magaalada Casmara ee dalka Eretreya ayaa waxa ay xubnaha Golaha dhexe ee Golahaasi yeelanayo u kala qeybsadeen sidatan: Maxkamadaha Islaamiga 68 xubnood Baarlamaanka xorta ah 40 xubnood Qurbojoogta 25 xubnood Ururada Bulshada rayidka 10 xubnood Siyaasiyiinta madaxa bannaan 8 xubnood Shirka ayaa shalay ansixiyey Axdiga Golahaas oo ka kooban 31 qodob kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mabaadii'da iyo ujeeddooyinka Isbaheysiga Astaanta isbaheysiga Xarunta Isbaheysiga Luqadda Isbaheysiga Waxqabadka Isbaheysiga Sida ujeeddooyinkiisa uu u gaarayo Mabaa'diida Isbaheysiga Shuruucda Xubinnimada isbaheysiga Waayidda xubinnimada Shirweynaha iyo shaqadiisa Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Xulashada Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Qaab dhismeedka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Mas'uuliyadda iyo waajibaadka Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Fadhiyada Dhexe ee Isbaheysiga iyo go'aan qaadashada Doorashada Guddoomiyaha Isbaheysiga iyo kuxigeenkiisa Xilka iyo waajibaadka Guddoomiyaha Isbaheysiga Xilka iyo waajibaadka kuxigeenkiisa Xil waayidda guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa Xil waayidda guddoomiye kuxigeenka Xilka iyo waajibaadka Guddi hoosaadyada golaha dhexe ee isbaheysiga Guddiga Halganka iyo isbaheysiga Guddiga Garsoorka iyo anshaxa Guddiga Warfaafinta iyo wacyi gelinta Siyaasadda iyo xiriirka Caalamiga ah Arrimaha Maaliyadda Golaha Fulinta Xilka waajibaadka Golaha Guud Xoghayaha guud iyo kaaliyihiisa Xil waayidda xog hayaha guud Waajibaadka xogheyaasha xafiisyada fulinta, sida: Xoghayaha gaashaan dhigga iyo difaaca Xoghayaha siyaasadda iyo arrimaha dibadda Xoghayaha maaliyadda Xoghayaha arrimaha gudaha Xoghayaha warfaafinta iyo wacyi gelinta Xoghayaha arrimaha Bulshada Xoghayaha Arrimaha garsoorka Xoghayaha qorsheynta iyo tababarada Xoghayaha xiriirka samafalka Xafiiska Daba galka xabadgudubyada iyo dambiyada dagaal Qodobo ka mid ah xeer hoosaadka la ansixiyey ayaa weli la isku waafaqin qaabka erey bixinta ee loogu dhawaaqayo, gaar ahaan ereyga Jihaad oo dood adag ay ka dhalatay, kadib markii xubno badan soo jeediyeen in erey bixin kale loo adeegsado ereygaasi, waxaana dooddaasi soo dhex galay oo ka hadlay qaar ka mid ah Culimada shirka ka qeyb galaysa. Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in aayadda Qur'aanka ee Kitaabka Allaah ku qoran ay tahay kutiba Caleykumul Qitaalu, sidoo kale aayad kale baa ku soo aroortay Jihaadka oo ah Wajaahiduu Fillaahi, wuxuuna Sheekh Janaqow sheegay in ereygaasi si waliba laga dhigi karo maadaama dagaalka uu yahay Dagaal. Ugu dambeyntii Guddi ayaa loo saaray, waxaana lagu ballamay in ay soo sameeyaan erey bixin, waxaana weli ilaa iyo iminka aanu guddiga soo gudbinin erey biixnta rasmiga ah ee la qaadanayo. Soomaaljecel
  3. Somali Congress for Liberation and Reconstitution Approves Constitution Asmara - 11 September 2007 – Following extensive discussions yesterday, participants of the Somali Congress for Liberation and Reconstitution approved a 30-article constitution that would serve to drive out the invading TPLF regime’s forces, the Congress spokesman told journalists. Stating that despite the forwarding of different views regarding concepts, strategies and tactics, Mr. Zekaria Mahmoud Abdu, Congress spokesman and former Information Minister, said that a common agreement was reached and that almost all issues have been resolved after in-depth discussions. He went on to explain that the remaining task is to hold an election for members of the Central Council, the Chairman and Secretary of the organization to be formed as a result of the Congress. Expressing satisfaction with the statement the Italian Deputy Foreign Minister issued yesterday in response to the on-going Congress in Asmara, in which he pointed out the miserable conditions that the Somali people are being exposed to due to the TPLF regime’s invasion, the Congress spokesman called on other countries to take a similar, positive step. Mr. Zekaria indicated that the Congress received a report of atrocious crimes committed against the civilian population in Mogadishu on the part of the invading forces. As part of such atrocities, the TPLF authorities have closed the main Bakara Market of Mogadishu, resorting to massive looting and exposing the population to hunger in the process, he added. Moreover, the spokesman stated that the Congress called on humanitarian organizations to extend urgent relief aid to the victims of the crimes being committed by the TPLF regime. Expressing deep regret with the silence of African leaders over the invasion of Somalia, Mr. Zekaria said that keeping silent when an African country commits open invasion against another African country encourages others to do the same. He also called for the change of location of the headquarters of the African Union from Addis Ababa, the capital of the country that has invaded Somalia in gross violation of the AU Charter principles.
  4. Buuxo, magaca Buuxo ma xumeyn, ee asagaa soo ceshan kartaa. Haddaa ka helina Dhuubo ka waran? Ama Biibto? Buubto? Shaxshaxleey? Shuufleey? Waxa ugu muhiimsan inay erey Soomaali ahaado magaca. Anigaba inaa iska badalo waaye magacaan ka kooban sadex erey Carabi oo aan 1999 alifay. Ka waran haddaan la baxo Daljirka Dahsoon?
  5. A typical Westerner who thinks Waqooyi Galbeed is only and limited to a few residents of Hargeysa. Another typically composed, non-informed, hastily-reached opinion article as I read it this morning on the local paper, the Toronto Star. I probably should have emailed him, and should have informed the current reality on the ground he deeply ignores or is ignorant of.
  6. You are quoting an article by the owner of right-wing, tabloid-like, pro-neo-con National Post paper? Of course, he is mad. He wants the funds extended to private Jewish schools as well. John Tory may support the public funding extended to private schools, however also know where he will get those funds from. Probably from those funds reserved for the healthcare or public schools. It is no brainer once the funds are extended to private schools, the public schools will suffer. Tory also wants to cut the Ontario health premium tax. Tory and his Tory, conservative party is no friend of the working-poor, new immigrants and other non-affluent people -- in a word, to Soomaalis.
  7. n Djibouti, an influential Somali businessman briefly arrested over financing the Islamic Courts was said to be weighing whether to back them again or turn to the government. Abukar Omar Adan, 72, supported the sharia courts' movement during their six-month rule of Mogadishu and most of south Somalia last year. He was detained in neighbouring Kenya after Ethiopian and Somali government troops drove out the courts at the New Year, scattering fighters and supporters. In February, Kenya dropped an immigration case against Adan without explanation, and this weekend he showed up in Djibouti where Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi flew in an effort to bring him back to his homeland. "He was not of the (Islamic) courts, he supported them morally and financially in the beginning," Adan's aide told Reuters by telephone from Djibouti. "But when they turned more destructive and uncompromising, he withdrew his support." He added: "If the courts still stand for good things, he will support them, and if the government changes its tune and stands for good things, he will support them." The aide said Adan, who ships commodities such as sugar and building materials to Somalia, would stay in Djibouti. "He's not going to Asmara, Addis Ababa or Mogadishu." Somalia's 9 million people have endured near-ceaseless instability since warlords toppled a military dictator in 1991. Reuters
  8. Eebboow amuuraha sahal. Soomaali rafaad iyo ibtilo weyn ayaa heysato meel walba ay ifka kaga suganyihiin waayadaan.
  9. Originally posted by SheekhaJacaylka: quote: Sept. 17, 2007 issue What is wrong with the date ??? It says "issue." Not referring to the current date. It is the upcoming publishing date, routinely used by the magazines and other periodic publications.
  10. "Alla sei" oraah Talyaani waaye miyaa ileen? Aniga midii aan aad ula yaabay waxee ahayd maalin 2001 sanadkii ahaa, oo kaligeey iska caajisay Axadna telefashinka ka socday filin la dhahaayo Life is Beautiful, oo Talyaani ahaa oo Oscar xataa helay. Filinkaas ayaan waxaa ka maqlay mid leh "awguuriyo, awguuriyo." Anigii yaab. Dhagaheey ayaan mooday inay wax kale maqleen. Dhagaheey ayaan u maleyn lahaa haddee ahaan lahayn meesha uu ka dhahaaye oo ahayd aroos. Waligeey isma lahayn ereygaas ayaa Afsoomaali ahayn. Buuxo, haye maxaa tiri inay "Janaay, Febraayo, Maarso ..." ahayd Afsoomaali yaah? Qaarkood Afsoomaali weyba u egyihiin, sida "Maarso, Maajo, Luulyo ..."
  11. This is an attempt to free your country from the evil hands. Baddacase, waa our country, duqa. To asaga, adiga iyo anigaba Soomaaliya, the currently occupied Soomaaliya, waa dalkeena.
  12. Originally posted by Jacaylbaro: Waxaabad moodaa arday school ka soo dareertay Sawirkaan Xamar waaye ee ma'aha Asmara. Ubaxyadda Soomaaliya laga helo ka muuqdo ayaaba ka garan kartaa. The picture was taken last summer at Isbitaalka Soos [sOS] ee ciyaalka, oo degmadda Huriwaa ku yaalo.
  13. From "white a kid to a Soomaali." Maba u ega Soomaali.
  14. Ethiopia alleges Eritrea is doing the same for the Oromo National Liberation Front (ONLF), an Ethiopian separatist rebel group in the country's eastern ****** region, which killed 74 civilians at an oil exploration site there in May. Maxaa ka qaldan waxaan? How did Time's editors elude this?
  15. Well, according to this Reuters news report seems it has your answer: "DJIBOUTI, Sept 9 (Reuters) - A Somali businessman who financed the ousted Islamic Courts said on Sunday he had cut ties with the group after meeting Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi. Gedi had flown to Djibouti to ask businessman Abukar Omar Adan to use his influence to encourage armed remnants of the movement to accept a government amnesty. "I am not anymore with the Islamic Courts," Adan told reporters after meeting Gedi amid tight security at a Djibouti hotel. He did not elaborate." ------------ I don't think in uu Caddaani sameynaayo waxaas ama ku dhaqaaqi doono, even at the pathetic begging by desperate Geedi. The Xabashi stooge Geedi thinks since he -- Caddaani -- is a close "tolka," so can be influenced and persuaded to join his "tol" dowladda ku jiro and what Geedi thinks are their clan interests. Will Caddaani believe that crap? Methinks not.
  16. The last clip ilin kaa keenaayo. Dankis for sharing, Daa'uud. Heestii la jeclaa ee Saliim Saciid Saliim aan soo xasuustay. Xamar caddeey Xeebteeda u xiisayee Xamar Caddeey Xaalkeeda xasuustayee Xamar caddeey Xudunteeda ku duuganee Xamar caddeey Xamareey waa lagu xumeeye yaa ku xaal marinaa. O' Xamar, forgive us.
  17. Xildhibaana Max'ed Cabdi Yuusuf iyo Yuusuf Dheeg oo safka ku jiro; they are both wearing the koofi barawaani. Dr. Raabi waiting in the line as well. Xildhibaan Saleebaan Colaad Rooble and Xildhibaanad Fowsiya Max'ed Sheekh in the middle. More sawiro.
  18. Qofkaan Buuxo miyaana? Maxaa, diracii hore ma nacday? Adaa mudan abaayadiis. Laakiin maku sheegi kartaa markaa dhalatay bisha Soomaaliyeed? Isku tijaabi.
  19. Originally posted by Caamir: Maakhir is for the people by the people and of the people. MMA, All you needed is to remember this little concept. People, power, and government are all interchangeable. Also, it is important to know the difference between state and government . Even if government collapses , the state remains and lives, so government comes from compact or agreement from the people to organize and rule their own affairs. According to former Somali government, Four out of the five districts in Sanaag are inhabited by Maakhir people, but the community also reside the western side of Bari including Bosaso. You hadn't answered my specific questions, Caamir. I have a Soomaali map on the wall of my room, and according to this map -- it is an official one, published by the regime, don't sure the date, though -- it has four districts, namely Ceerigaabo, Laaqorey, Badhan and Ceelafweyn. This so-called state, which seems to be all but on paper, claims to represent the entire Sanaag gobol, yet, I don't see or none answered on here, that it has yet reached Ceelafweyn or more importantly, Ceerigaabo, the gobol's xarun. That is two out of four. That is sad, because instead of uniting Reer Sanaag -- one of the two gobols from the original 1960 government, the other being Hiiraan, that was untouched by the subsequent creations of other gobols or carves -- this state has now is even more dividing the people of the gobol. Let me be clear on myself: I am on a principle against the further division of Soomaaliya, whether into clan-based federal states or autonomous states. This state, which again seems to be on paper only, is not the first, nor will it be the last, to hastily proclaim to be a provincial state, without a clearly defined provincial boundary, constitution and intergovernmental relationships between the other gobols. All other before it failed -- such as Shaatigaduud's Southwestern State, Hiiraan's Midland and the recent Kiimiko's Galmudug. They all failed because most were reactionary, hastily reached decisions, without no political consultations other people who live the lands they claim to include. This new phenomenon fathom state is no different. It is just a phenomena. Anyway, all the best.
  20. Nugaaleed, mar labaad aan ku weydiinaa, what firm evidence do you have that Zionist citizens were at present? According a brief sentence in a Reuters report? You still haven't still answered my questions, ee marka let me requote myself again: "Ka waran kan Xabashka asalkiis in uu Yahuud madoowyahay aaminsan keenay Xamar, oo u horseeday, una sahlay Xamar inay ku xaar xaaraan, ku xasuuqaan maatidii Soomaaliyeed? What do you call those shamed people, with those undisputed real facts? And what, Eebboow, would you call these who support those Xabashi stooges and puppets for a clan reason?" PS - Xabasho iyo Falasha aniga iskuma qaldin. Xabashada [and Tigrey for that matter] too believe a special relationship inay ka dhaxeyso Yahuuda, believing being Semitic to begin with and speaking a Semitic language, despite Carabs too being Semitic, who would have been more closer to them than Yahuuda. That relationship waa mida Zionist state ku qasabtay inay usoo diraan advisers, military aid and other military experts in taht '77 war of Soomaali Galbeed. PS - Yahuud too are humans. Not all of them are Zionists, ee taas muran kuma jirin, so if even some Yahuuds were present, they are humans and be can be guests. Adigaa "Isra'iil" ku heysid, as though you recognize that state.
  21. Ka waran kan Xabashka asalkiis in uu Yahuud madoowyahay aaminsan keenay Xamar, oo u horseeday, una sahlay Xamar inay ku xaar xaaraan, ku xasuuqaan maatidii Soomaaliyeed? What do you call those shamed people, with those undisputed real facts? And what, Eebboow, would you call these who support those Xabashi stooges and puppets for a clan reason? Markaas war aan la hubin noo keenaayo meeshaan. Reuters, for your own information, is not Quraanka that has a final answer and always correct.
  22. His Honourable ku dar. Where is this so-called state seated at horta? Xaruntooda intee waaye? Baran? Meeqo degmo ayee maamulaan, as opposed those claimed, but not controlled by them. Is Ceerigaabo included, too?