-
Content Count
17,658 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Youtube clip -
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
C/qaasin Salaad Xasan on qaswadiyaasha: C/Qaasim Salaad oo weeraray mucaaradka: “Kaliya ma ahan inay kursiga raadiyaan" Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu fariin u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka islamarkaana ay u adeegaan dalka, maadaama Soomaalida ay dhalinyaro u badan yihiin. Madaxweyne C/Qaasim ayaa yiri “Siyaasi Maahan Kan Kursiga lee doonaya, dhalinyarada Soomaaliyeed horay waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego.” “Sidaa aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo”ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan. Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana uu sidoo kale fariin uu u diray ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya. Xigasho -
Ya Tigrey guest, regardless how you want Abiy Axmed to fail, know that Tigreys will never come back to power. And if you had a genuine Xabashi people's interest at heart, you would have readily welcomed the ongoing reconciliation between Eritareeya and Xabashiland. But no, as a Tigrey agent, Afwerki is your boogeyman and cannot stand him since he defeated your hero Sanaawi and his Tigrey generals 20 years ago.
-
After all else failed - including countless mooshins, qaraxyo, targeted assassinations, qalalaas abuurid, bannaanbaxyo using poor folks - it is back to square one for the failed opportunists with their outdated, foreign-imported ideas in foreign capital meetings. We had seen filinkaan dhowr mar, meelna ma gaaraayo. The least they could have done was meeting in Xamar instead of making more profits to fatty Nayroobi hotel owners.
-
Somaliland oo xayiraad ku soo rogtay laba Professor oo caan ka ah Soomaaliya Xukuumada Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba xayiraad kusoo rogtay kulan ka dhici lahaa magaalada Borama, oo ay ku qaban lahaayen labada Professor ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, iyagoo maalmihii udambeyay kulamo kusoo qabtay qaar kamid gobolada Somaliland. Xayiraadan lagu soo rogey kulamada labadan Professor ayaa waxay kasoo baxday amarkeedu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo xog-ogaal ahi. Wasiirka ayaa amray in waraaqo loo qaybiyo hotelada Borama, kuwaasi oo ay ku qoranyihiin in aan wax shir ah ama kulana lagu qaban Hotelada iyada oo aan fasax laga haysan Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Hargeysa fadhigeedu yahay. Sida ay Caasimada Online u sheegen qaban-qaabiyayaasha kulanka labadan Professor, waxa gebi ahaanba loo diiday hotelada Borama inay ka kireeyaan kulankaasi, iyaga oo ku sababeeyay inay amar dul-dhigtay xukuumada Biixi. Guddida ku howlanaa qaban-qaabada kulankan ayaa sidoo kale u sheegay Caasimada Online, haddii xukuumada Muuse Biixi ay ka hadli weydo sababta ay kulankaasi u hor istaagtay inay warbaahinta dhawaan wax-walba la wadaagi doonan. Labadan Professor ayaa hore kulamo ugu soo qabtay qaar kamida gobolada Somaliland, iyagoo kaga hadla kulamadooda dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland.
-
Farmaajo's state of the nation speech
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
Duufaan, madaxweynaha was talking about the below calool u shaqeystiyaal men shir Nayroobi ku yeeshay. They are always ready to sell Soomaaliya: Siyaasiyiin & Xildhibaano mucaaradsan Dowladda Farmaajo oo shir uga furmay Nairobi Siyaasiyiin horay xilal u soo qabtay, Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxda qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ayaa shir uga furmay magaalada Nairobi. Shirkaan oo ka socda Hotelka Pan Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa xaalada Siyaasadeed ee dalka uu xilligaan marayo,waxaana Xubnaha ugu caansan ee shirkaas ka dhex muuqday uu ka mid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Sidoo kale waxaa shirkaasi goobjoog ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi faarax siciid Juxa, Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa ay isla gorfeyn doonaan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo nidaamka ay dalka ku maamuleyso dowladda Federaalka uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo geba-gabada laga soo saari doono War-murtiyeed. Shirkan ay leeyihiin Siyaasiyiinta ayaa ku soo beegmaya, iyadoo magaalada Nairobi ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, iyagoo wakiilada Beesha Caalamka kala hadlaya arrimaha Soomaaliya iyo sidii taageero gaar ah loo siin lahaa maamuladooda, halkii horay loogu soo marsiin jiray dowladda Federaalka. -
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cabdi Qeybdiid iyo Muuse Suudi Yalaxoow have no business being members of Aqalka Sare. They are the only former warlords in the current government. Soomaalis have moved on and the 50 constituents from their sub-clans that selected them should be ashamed. Having said that, we need to move on, including moving from eternal opposition to any government that is formed if one can't get a seat from the said government as Fiqi and co. do that. -
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Those two have moved on, in a positive direction while supporting the country's progress. At the same time kaaba laadariintii isbaarooyinka want to go back to their 'golden times' of isbaaro, dil, dhac, boob, baad, dulinimo iyo mooryáánimo. Muuse Suudi ayaa ka koow. No way. So those two gentlemen could have chosen this path, but they didn't. They don't need money, especially Cali Geedi. -
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Dhagaxtuur, you are still pessimistic miyaa. Magaca dhagaxtuur ayaa wadataa, yet gumeysigii foosha xumaa inaa nagu celisid rabtaa. Quusashada yaree, widaay. Dhibkaan hadduu Rabi idmo waa laga baxaa. -
Salaad Cali Jeelle on qaswadayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Cali Maxamed Geeddi too waa ogyahay meesha dhibka laga abaabulaayo. I have never agreed to his pro-Xabashi policies in mid '00s, along with Salaad Cali Jeelle, who was a minister in his government. But at least they are making sense nowadays. -
Mar mar runta si fiican ayuu ugu hadlaa.
-
Armed Europeans try to cross from Libya to Tunisia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Duufaan's topic in Politics
French mercenaries? Nothing new. -
When it comes obeying shisheeye's orders, madax ku sheega maamul goboleedka are very obedient and acquiescent. The others as usual are in Nayroobi, too, ready to sell and betray Soomaaliya and her sovereignty. __________________ Muuse Biixi iyo Saciid Deni oo ku kulmay Dubai Wararka ay Caasimada Online ka helayso caasimada dalka Imaaraadka ee Abu Dhabi ayaa sheegaya in xalay ay halkaas kulan ku yeeshen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Puntland, Muuse Biixi iyo Saciid Deni. Kulanka ayaa ka dhacay Hotelka Ascott Park ee magaalada Dubai, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in Biixi iyo Deni ay kawada hadleen xiisada colaadeed ee ka dhex taagan labada Maamul, iyagoo isku afgartayna inay ilaaliyan heshiiska xabad joojinta iyo in laga fogaado waxkasta oo markale colaad ka abuuri kara labada dhinaca. Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanayd oo diyaarinaysay qorshahan ay xalay ku kulmeen Madaxweynaha Somaliland Biixi iyo dhigiisa Puntland Deni. Kulankan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, oo ilaa hadda aysan cadeyn arrimaha kale ee ay kawada hadleen Labadan Madaxweyne, iyada oo ay jiraan kulamo kale oo ay u balameen si ay uga wada-hadlaan sidii loo sii xoojin lahaa nabad waarta. Xigasho
-
DP world created lot of jobs at Berbera port
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
Meantime, during the fiidka time when the zombies are fully awake: -
Somaliland oo xabsiga dhigtay wariye Coldoon Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay xabsiga dhigeen Wariye C/maalik Muuse Coldoon. Ciidamada ayaa qabtay Cabdimaalik xili la sheegay inuu gaarigiisa ku dhex watay bartamaha magaalada Burco, waxaana la ogeyn waxyaabaha ka dambeeya xariga wariyaha oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada. Qaar kamid ah xubno ka tirsan ehelkiisa ayaa xaqiijiyay in ciidamada booliska ee Somaliland ay xabsiga dhigeen wariye C/maalik, waxaana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida loola dhaqmi doono. Booliska gobolka Togdheer ayaa horey u sheegay in ciidamada Somaliland ay hayeen Waaran kasoo baxay maxkamada magaalada Hargeysa kaasi oo lagu faray inay xeraan Wariye C/Maalik Muuse. Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heyn ku aadan in Ciidamada Booliska Somaliland ay baadi goobayaan Wariyaha oo dhawan kasoo laabtay qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo Warbixino uu kasoo diyaariyey. Ma ahan markii ugu horeysay oo Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ay ciidamada Booliska Somaliland Xabsiga dhigaan,waxana horay u jirtay in Maxkamada Magalada Hargeysa ay xukun ku riday. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Wariyaha Maanta loo wareejiyay magaalada Hargeysa, si halkaasi loogu maxkamadeeyo. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolka Togdheer oo ku aadan xariga Wariyaha, balse waxaa socda dadaalo ehelkiisa ay sameynayaan. Xigasho
-
It seems the seasonal time la ugaarsado, arrest and torture journalists in Waqooyiga is back. This time it is back to C/maalik Coldoon, according to his Facebook page written by his representatives: [Kadib xalay markii ay noo diideen ciidamadu in aanu aragno Coldoon annaga oo is leh hubiya jidh dil ay ciidamada police ku u gaysteen oo goob joogayaal noo xaqiijiyeen saaka ayaanu booqanay waxaanay noo sheegeen ciidanku in xalay saqdii dhexe Hargeysa loo qaaday yaga oo noo raaciyey meesha Cabdimaalik laga doonayaa inay Hargeysa tahay sidaa darteed ay gudbiyeen Waxa idinla hadlaya maamulaha page-ka Coldoon]
-
DP world created lot of jobs at Berbera port
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
Runtii waa ceeb iyo fadeexad la isku daray, beyond sadness. Look at their madaxyo. Marooyin biyo qaboob ku shubtaan ayee saarteen qoraxda kulul see iskaga celiyaan while nimankii dhalinyarada ahaa ee Berbera hurdaan, markee soo toosaana jaadka meesha ka bilaabo. Waa jaad shaxaad lagu gatay even. Waa dad physically nool laakiin maanka ka dhintay waa hore. Ceeb looma dhinto ileen.