Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Jabuuti is ever more closer to her big brother, Soomaaliya. And Eritareeya is closer too. The one-stone-two-birds theory worked easily.
  2. Ileen Holac meeshaas ka soo jeedaa. Now I understand why you tolerate what the wretched, boosaneero creatures spew on here SOL. Ileen daris ayaa tihiin.
  3. Farmaajo oo lasoo gaarsiiyey farriin uga timid Afwerki iyo xogta safarkii Somaliland Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Mudane Cusmaan Saalix iyo Lataliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gebreab. Wafdiga ayaa Madaxweyne Farmaajo soo gaarsiiyay farriin iyo salaan ay uga sideen dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki, iyaga oo sidoo kale warbixin ku saabsan booqashadoodii ay ku tageen Somaliland la wadaagay Madaxweynaha. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo wafdiga reer Eritrea ayaa waxa lagu lafo-guray arrimaha gobolka, dardargelinta l isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika iyo sidii ay labada dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. “Safarka wafdiga Eritrea ee magaalada Muqdisho waxa uu dabo socdaa booqashooyin ay hore ugu yimaaddeen Soomaaliya oo looga gol leeyahay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda wadashaqaynta labada dowladood.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo u baahiyay xafiika madaxweynaha. Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehliyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad iyo Danjire Cali Saciid Faqi. Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea iyo La Taliyaha Madaxweynaha Eritrea ay booqasho labo cisho ku tageen magaalada Hargeysa ee Somaliland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay. Xigasho
  4. Wasiirka is back in Muqdisho. Ashtako ka timid DF oo horseeday in Eritrea ay wafdi soo dirto Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Eritrea Mudane Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Mudane Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho, waxayna maanta wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Socdaalkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa noqonaya kii saddexaad oo Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ku yimaado Muqdisho. Wafdiga waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad. Ujeedada safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea ayaa la sheegayaa inay la xiriirto arrimaha iskaashiga Gobolka iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaase la sheegayaa in dowladda Soomaaliya ay ashkato ka keentay safarkii uu bishii la soo dhaafay ku tagay Hargeysa. Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo kula leeyihiin Madaxda dowladd oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Lama oga in maalmo ay ku sii sugnaan doonaan & inay maanta dib u laaban doonaan, hayeeshe xiriirka dowladda Federalka Somaliya & dalka Eritrea, ayaa noqday mid wanaagsan, kadib markii Madaxweynaha Eritrea, uu soo gaaray Magaalada Muqdisho. Xigasho
  5. In the end, no shisheeye was needed. Waa ku faraxsanahay inay dowladda maqashay cabashada iyo diidka shacabka Soomaaliyeed ay kala hor yimaadeen in nin shisheeye loo magacaabo jagadaan. ______________________ Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo la magacaabay Dowladda Soomaaliya ayaa Guddoomiye cusub u magacawday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay dhamaatay mudadii xil heynta aheyd Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe. C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, kaasoo magacaabidiisa ku yimid guddi loo xil saaray xulidiisa oo ka tirsan Golaha Wasiirada. Waxaa uu leeyahay Guddoomiyaha cusub khibrad dhinaca maamulka Dhaqaalaha iyo Bankiyada. Waxaaa uu labadii sano ee la soo dhaafay ahaa La Taliye Sare oo dhinaca dhaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaa uu ka soo jeedaa Gobolka Togdheer. Waxaa ay magacaabistiisa meesha ka saareysaa hadal heyntii ku saabsaneyd in xilka Guddoomiyaha Bankiga Dhexe loo magacaabayo nin Ajnabi ah, kaddib markii Baarlamaanka ay horaantii sanadkan wax ka bedel ku sameeyeen wax ka bedelka Xeerka Baniga Dhexe. Xigasho
  6. Marmarsiyo muu Muuse Muqayil u raadinayaa? Maskiinkaan meesha ha iskaga tago inta dulinimo loola dhaqmi lahaa. Waxee u egtahay in mar dhow Ismaaciil Cumar Geelle loo gacan galin doono. Rabi haka haayo xaqdarradaan.
  7. LoL at Charles William magac. Mar dhowna ka filo Lord Dumbledore III.
  8. Or else shilinkii yaraa dowladda dhexe soo marsiineynay goosaneynaa miyaa? Goormee ahayd doorashadii u dambeysay baarlamaanka maamul goboleedka horta?
  9. I used to doubt (and I still partially do) that infamous letter attributed to Cigaal, Eebbe ha u raxmadee. I first came across from it back in 2000 online, so I seriously had my doubts. However, the increasing shamelessness and charlatan the wretched secessionists are behaving, I won't be surprised if it was a real letter after all. Some sicko secessionist slime probably gave Cigaal that wrong idea.
  10. Wretched secessionists wax walba ka filo, for nothing is surprising coming from this scum group. So I am not really surprised, especially considering in their desperation and gasping for air, by hiring a useless known Zionist neo-con in Washington; he will undoubtedly milk the little international aid dollars dowladda dhexe gives them. It is him who might have suggested this moronic idea of visiting the Zionist state and in their marqaan stupendous, this wretched group did not realize what they were up to. Waa dad iska marqaansan 24/7, from Muuse Muqayil to the ones in marfishes. They didn't realize the Zionists have a bigger fish to fry - ceaselessly and increasingly lobbying (and failing each time) for an observer seat at Midowga Afrika headquarters. Anyway, here is the latest: Wafti ka socda Somaliland oo ku sugan Isra'iil Wafti ka socda jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland ayaa sugan Israel, halkaas oo ay tageen jimcihii, sida uu shaaca ka qaaday weriyaha caanka ah ee reer Isra'iil Edy Cohen. Edy Cohen, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter-ka ku qoray ayaa ku yiri “War deg deg ah: wafti ka yimid Somaliland ayaa ku sugan Israel”, isaga oo aan bixin wax faah-faahin oo intaas dheer. Sidoo kale, Somaliland ayaan ka hadlin waftigan ku sugan Israel, waxaana xiriir ay la sameysay Caasimada Online dhowr xafiis oo kala duwan, ay dhammaantood ka wada gaabsadeen arrintan. Si kastaba, Isku soo dhowaanshaha Israel iyo Somaliland ma ahan wax ugub ah. Shaqsiga ugu weyn ee maanta u ololeeya madax-banaanida Somaliland waa nin Yahuudi Mareykan ah oo lagu magacaabo Michael Rubin, oo ka mid ah kooxda dalka Maraykanka looga yaqaan Neocon iyo “Israel lobby” ee awooda ku dhexleh xisbiga Jamhuuriga. Michael Rubin, oo hadda ka tirsan machadla [American Enterprise Institute (AEI)], ayaa horey qoraal lagu daabacay warbaahinta The Hill uga hadlay warbixin uu ku weerarayo Dowlada Federaalka Soomaaliya isagoona ugu baaqayey dowlada Maraykanka inay xooga saarto taageerida Maamulka Somaliland. Qoraalkan oo uu ciwaan uga dhigay [U.S. Africa Policy Cannot Afford to Ignore Somaliland] ayuu ku dooday in ay khaldan tahay siyaasada Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee xoojisay xiriirka iyo taageerada Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu ku tilmaamay “Dowlad aan jirin” oo weli aaminsan “Midnimada Wadanka Soomaaliya”. “Writing in The Hill, I argued that the United States should not channel all aid to Somalia through Mogadishu. To do so encourages corruption which can undermine Somalia’s tenuous recovery and replicates the worst of the UN’s approach to Saddam Hussein’s Iraq. And, yesterday here at AEIdeas, I argued that the United States should not commit itself to a unified Somalia and should consider instead recognizing the de facto separation between Somalia and Somaliland.” Dooda qoraalkiisa ayaa ah in Dowlada Soomaaliya ku fashilantay la dagaalanka Al Shabaab / Al Qacida, balse maamulka Somaliland uu “wax walba ku guuleystay” lana dagaalamay Al Shabaab, isagoo ku baaqay in Maraykanka uu joojiyo taageerada aan dhamaadka lahayn ee Muqdisho, wuxuuna ku baaqay in Maraykanka xafiisyo ka furto Hargeysa. Somaliland iyo Isra'iil Somaliland ayaa horey sidan u maalgelisay siyaasiyiin ajnabi ah oo uga ololeeya dalalka reer Galbeedka mana aha markii u horeysay oo ay hogaamiyayaasha Somaliland raadinta aqoonsiga usii maraan kooxaha ama siyaasiyiinta taageera Israel ee awooda kuleh xisbiyada Maraykanka, hase yeshee siyaasada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya ayaa ah mid aan isbedalin. Waxaa la xasuustaa Warqadii uu Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Ibrahim Cigaal uu sanadkii 1995 uu si toos ah ugu diray Raysal wasaarihii Israel ee xiligaasi Yitzhak Rabin. Warqadaasi oo uu Cigaal kaga codsaday Israel taageero iyo Aqoonsi, isagoo ku dooday in Somaliland iyo Israel ay yihiin dad walaalo ah! Cigaal ayaa warqadii uu Israel u diray 1995 uga hadlay cabsida uu ka qabo Islaamka kusii fidaya Bariga Afrika iyo gobalka, waxaana kamid ahaa erayadiisii: “Establishing Strategic Partnership with the State of Israel Today, however, although the West had won the cold war and the threat of communism appears to be vanishing in many parts of the world, we, in the Horn of Africa, are being threatened by a more sinister and pernicious enemy in the form of encroaching Islamic influence.” My government firmly believes that owing to this region’s strategic geopolitical importance as a result of its propinquity to the oil routes and the narrow Bab El-Mandeb entrance, as well as its proximity to the Gulf, the Middle East and the access to the Indian Ocean.” Somaliland’s concern is reinforced by the growing influence of the Saudis and the pro-Islamic Yemen, particularly ever since it had crushed and defeated the South Yemeni’s courageous attempt to forsake or renounce its union with the north. Discovering that Eritrea is not interested [in] to act asan Arab satellite, both Sana’ and Riyadh, as well as Khartoum (not to mention how pariah states like Iran and Libya are meddling into the internal affairs of my country), are now directing their efforts to force Somaliland to forfeit or withdraw its independence with the intention of installing a pro-Islamic Somali state (under a federal Somalia). This will most definitely render the control of both the north and southern coasts of the Red Sea to pro-Islamic regimes, with the exception of Eritrea and the miniature state of Djibouti which has no significance leaving the whole region to become a bed-rock for Islamic influence. In order to surmount such an onerous task my government needs the support and assistance of the State of Israel, not only to defend our nascent state from the menace of pro-Islamist dark forces, but also in terms of relief, rehabilitation and reconstruction of this devastated country. Your Obedient Servant Mohamed Ibrahim Egal President Republic of Somaliland Walow Israel aysan kasoo jawaabin warqadii Cigaal, hadana siyaasiyiinta Somaliland ayaan weli ka daalin baaqyada ay u dirayaan Israel oo ay ku sheegeen “…Walaalaha Somaliland…”, tusaale qoraalkan hoose oo dhamaadkii sanadkii tagay lagu daabacay jariirada Israel ee The Jerusalem Post. Isla Qoraagan kasoo jeeda Somaliland ayaa markale ku xusay qoraalkiisa Warqadii Cigaal hada kahor u diray Israel ee ku muujinayey xiriirka ka dhaxeeysa Israel iyo Somaliland. Macada in ay Somaliland ku guuleysan doonto jaceylka ay u muujineyso Israel ay dhasho Aqoonsi Caalami ah oo uu Maamulka Somaliland helo, balse waxaa hubaal ah in dadaalka Maamulka Hargeysa uusan yareyn. Xigasho
  11. Farmaajo iyo Kheyre oo qorsheynaya inay xaalad deg deg ah geliyaan Muqdisho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen. Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online. Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada. Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay mabda’ ahaan isku raaceen hase yeeshee waxaan weli la hayn qaabkii loo fulin lahaa. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in baarlamanku ansixinayaan iyo in kale marka madaxweynuhu ku dhowaaqo, maadaama dastuurka dhigayo inay qasab tahay in baarlamanku ansixiyo. Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa lagu warramayaa in ka cabsi qabaan in qorshahan aysan xildhibaanada baarlamanka ogolaan doonin, taasi oo darteed aan weli qorshahan loogu dhowaaqin. Waxaa sidoo kale jirta in beesha caalamka aysan ogolaan doonin qorshahan, taasi oo mar kale isku dhac ka dhex abuuri karta madaxda dowladda iyo beesha caalamka, oo horey ugu kala tagay cayrintii wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom. Madaxda dowladda ayaa la rumeysan yahay ina taageero hoose u raadi doonaan qorshahan ka hor inta aysan ku dhowaaqin, ayada oo laga yaabo inay ka tanaasulaan haddii aysan taageero ku filan u helin. Xigasho _________________ Waa soo dhaweynayaa. Ha lagu soo rogo Muqdisho state of emergency. Kuwa maanta dacaayadeynaayo amaandarrada - ka mid yihiin Mahad Salaad iyo C/raxmaan C/shakuur - iyagaa isla beri qeylin doono, kana soo horjeesan doono. Maantana iyagaa ugu qeylo badan.
  12. Waa runtaa. Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, cadow badan ayee leedahay, qaarkood Soomaali nala sheeganaayo laakiin niyadda ka baqtiyey, shisheeyana u adeego. Dad qaar waxee ku maal heleen qaska iyo qaxa, marka wey adagtahay inay maamul wanaagsan rabaan haddaan loo xusul duuban meel la iska saarin. Barbaarta kaliya ma'aha waxa wax dilo, qof walba wax garanaayo og taas Yuusuf Garaad just wrote this: Yuusuf Garaad: “Waxaan ogahay in Shabaab kaliya aysan Xamar dad ku dilin Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho iyo dadka ka dambeeya qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Yuuruf Garaad Cumar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:- Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay isqarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay. Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab. Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo. Baaritaan cilmi ku saleysan ayaa loo baahan yahay in weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto. Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay waxay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay. Goobta la beegsaday, goorta iyo xeesha weerarka iyagana khubaro akhrin taqaan ayaa jirta. Diiwaanka warbixinnada weerarrada Shabaab haddii uu jirana wax baa lagala dhex bixi karaa. Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay miisaan fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana. Xigasho
  13. Xilligaan iyo bililiqo waa ayaandarro. Jidkaas buuraha ah aad ayuu halis u yahay for I remember a tragic accident that happened in that road in late 1980s. Reer xaafadeena ka guureen ayaa ku baaba'ay, dad badan ayaa kaga dhintay. Daris gurigeena ku dhagan ayee ahaayeen. Alle yarxama. Tacsi weyn ayaa xaafadda u taalay maalintaas. One of the survivors was a boy named Khaalid Qaldaan. I think he lives in Boorama now. Aad ayee ugu baaba'een reerkooda. As a young boy, it was the very first time I ever heard the name Sheekh, I think. By the way, meesha aad ayee u qurxoontahay, very touristic and I am glad to see mostly jidka waa sidiisa wali oo burbur baahsan kama muuqdo.
  14. Xataa qaali ku sheega wuu marqaamaa miyaa? Maskiinta Rabi ha u sahlo, jaahil iyo badow haddee qaali kuu noqdaan waxaan camal ka filo.
  15. Talaabo, I also remember the elusive never-coming dream of aqoonsi that was expected to arrive in 1991, in 1996, in 2001, in 2006, in 2011, in 2016, in 2019, in 20... War lee maa wadeynaa. Ilmihii dhashay 1991 waa aabayaal, awoowe ku socdo and some wretched secessionists are still marqaan-dreaming of this in their deep daily marqaamid sessions At least beesha caalamka Soomaaliya oo dhan wey aqoonsantahay and is engaging her government, but Muuse Muqayil iyo xulafadiisa in a dusty mundul yaa aqoonsan?
  16. Beesha Caalamka oo taageertay qorshaha amniga ee dowlada Soomaaliya Qoraal ay si wadajir ah soo saareen maanta Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UK, iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay inay soo dhoweynayaan hindisaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u soo bandhigay saaxiibada ee ah is-beddelada dhinaca amniga iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee ah inay sii waddo hormarinta amniga. “Waxaa na dhiirigeliyey go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku fulineyso is-beddelada lagama maarmaanka ah ee amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana hoosta ka xariiqeynaa taageeradeena shaqadan” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka. Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in Kheyre ay mar kale kula kulmi doonaan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasi oo bisha April lagu qabanayo Kulanka Soomaaliya ee hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka. “Waxaan sidoo kale sugaynaa go’aannada muhiimka ah ee ku saabsan sii wadidda taageerada Amisom, oo mas’uuliyadda amniag Soomaaliya ku wareejineysa ciidamada Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Beesha caalamka ayaa ugu baaqay dalalka daneeya Soomaaliya inay taageeraan oo ay Soomaaliya kala shaqeeyaan sidii dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ugu guuleysan lahaayeen is-beddelada ay wadaan ayada oo loo marayo wada-hadallo loo dhan yahay. Hadalkan ka soo yeeray Beesha Caalamka ayaa ka dambeeyey kadib kulan uu dhawaan rai’iusl wasaaraha Soomaaliya la yeeshey wakiilada beesha caalamka iyo AMISOM, iyagoo ka wada hadlay,qorshayaasha horumarineed oo ay wado dowladda iyo sidii loo taageeri lahaa. Xigasho
  17. International partners laud reforms in Somalia's security sector MOGADISHU, March 26 (Xinhua) -- The international partners on Tuesday welcomed reforms in Somalia's security sector to help flush out the al-Shabab militant group. The partners from the United Nations, African Union, European Union, Britain, and the United States welcomed the initiative by Prime Minister Hassan Ali Khaire to brief them on reforms in the security sector and the government's plans to continue to improve security. "We believe the full implementation of these reforms will contribute to stability and prosperity for the Somali people and the wider region," the partners said in a joint statement issued in Mogadishu. They called on the stakeholders to support and coordinate collective efforts to help the government and people of Somalia achieve security, economic and political reforms through an inclusive dialogue process. "We are encouraged by the determination of the Federal Government of Somalia to implement necessary security, economic and political reforms, and we underline our support for this work," they said. The partners said they looked forward to the important decisions in the context of continued support to African Union Mission in Somalia as it transfers security responsibilities to Somali-owned security. The AU mission is supporting the transition through the priority tasks including securing main supply routes, securing key population centers, mentor and assist Somali security forces, both military and police, in close collaboration with UN Assistance Mission in Somalia. Xigasho
  18. Holac ka qaleey. Meesha dabeesha yar u socoto ayuu iska raacaa mar mar. He is a sincere, though, but he needs a firm mabda' when it comes to Soomaaliya midnimadeeda iyo madaxbannaanimadeeda. Gorgorton ma gasho taas and never will.
  19. Rabi ha u raxmado walaasheen yar ee Caasho. Kuwa falkaan argagaxan geystayna caddaalad buuxdala hor keeno ayaa sugeynaa; xataa haddii tii ifka lagu marsiin tii aakhiro ayaa sugeyso koley.
  20. Saalax, why loo karbaashaa dhibanaha? Been ayee sheegtay maa lagu heystaa mise...? If the accused is sentenced, why the victim is also punished see camal. Wax ayaa isdaba marsan.
  21. War Dalmar, aawey bootadaa lahayd baddii ayuu madaxweynaha dhiibay?