Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,655
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Madax goboleedyada iyo beesha caalamka oo shir deg deg ah ku yeelanaya Nairobi Madaxda Maamul Gobaleedyada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay Nairobi ku yeeshaan kulan deg deg ah oo ku saabsan Shirkii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee Garoowe, sida ay ogaatay Caasimda Online. Shirkaan oo la filayo in uu dhaco Todobaadkaan ayaa la sheegay in uu dhax-mari doono qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada dalka iyo qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka oo ugu horreeyaan wakiilo ka socda Mareykanka iyo Qaramada Midoobay. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” ayaa maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya markii uu ku dhawaaqay in uu fashil ku soo dhamaaday Shirkii Garowe. Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in uu dhowaan u Amba-baxo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxweyne Xaaf ayaa Caasimada Online u sheegay in Xaaf uu Nairobi kulan kula qaadan doono Xubno ka tirsan UN-ka, Mareykanka Ingiriiska, iyo Midowga Yurub waxa uuna kala hadli doonaa Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Khilaafka Dowladda iyo Maamul Gobaleedyada. Warar kale ayaa sheegaya in kulamada ka dhacay Nairobi ay noqon karaan gaar gaar oo ay Wakiilada Beesha Caalamka si gaar gaar ah u qaabilaan madaxda Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya si wax looga waydiiyo arrimaha Soomaaliya. Beesha Caalamka ayaa geed u fadhi ah Xaaladda Soomaaliya waxaana la sheegayaa in ay aad ISHA ugu heysay Shirka Garoowe inkastoo aysan wali ka hadlin, hadane waxaa jiray walaac ay UK ka muujisay Shirka oo maalmo dheeraad ah qaatay. Xigasho
  2. Our Tigrey guest always bringing his boogeyman Afwerki to everywhere. When did Soomaaliya side with Eritareeya and not Jabuuti? Soomaaliya has a good relationiship with Eritareeya, which is beneficial to both countries and a great relationship with our little brother Jabuuti. However, Jabuuti always comes first. Why don't your Tigrey region side with Kenya and undermine the Xabashi federal government. Let's see how Xabashi federal government would have dealt with. We know it saddens you seeing that Meles Sanaawi's blueprint and policy of dividing Soomaaliya's regions into a little controlled fiefdoms that are forever against their central government are unraveling.
  3. Reer Sool miyaa ninkaan? I don't know why the dying secessionists try so hard to de-emphasize and downplay maalinta Soomaaliya taariikh ku ah ee 26da Juun. I guess wali hiloow ayaa loo haayaa gumeysigii Ingiriiska oo waa loo bogay gumeysigiisa.
  4. Imaaraadka the only little evil country that can only bully civil-war strived unstable Muslim countries. Tabar kale ay haayaan malaha iyaga iyo Sacuudiga these days.
  5. Waa kuwa markee dalalka Galbeedka imaadaan safaaradaha Soomaaliya safka hore ugu jiro after their looooong tahriib to get sharci aqoonsi isku dhiibaan. Daqiiqadee ka baxaan safaaradana sheeganaayo sheeko baraleeydii lagu yaqaanay. Waxaas waa lagu yaqaanaa. Many of them used to be on this forum, too. Dalka Reer Galbeedka isku dhiibay Soomaaliya dagaalo ka socdo kuma noqon karno, kuna dhiiban wali.
  6. Dowlada Turkey oo diiday in maalinta Somaliland ee May 18 lagu xuso dalkaas Waxa maalmihii udambeyay Baraha Bulshada la isla dhex-mareyay warar kala duwan oo ku saabsanaa in Dowladda Turkigu u diiday bulshada reer Somaliland ee dalkeeda ku nool inay xusaan Munaasibada 18-May. Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, C/naasir Axmed Xirsi oo wax laga weydiiyey arrinkaasi, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyey arrintaasi, isagoona eedo usoo jeediyey Dowladda Soomaaliya, wuxuuna yiri: “Waxa ku nool dalka Turkiga jaaliyad iyo ardey u dhashay Somaliland, sanadihii hore ee lasoo dhaafeyna munaasibaduhu si caadiya ayey u dhici jireen oo ay u qabsan jireen, Baraha bulshada waxa ku jira in xaflad ay qabsanayeen ardeyda Somaliland ee wax ka barata dalka Turkiga magaalada Ankara laga joojiyay, iyadoo sababo kala duwan iyo tafaasilado kala duwan laga bixiyey, ardeyduna wey nasoo gaarsiisay cabashadooda oo toos-bey noola soo xiriirtay”. “Arrintaasi sida ay u gashay Baraha bulshada iyo sidey u dhacday runtii waa labo kala duwan, xaflada ha la joojiye, nidaamkii loo joojiyey iyo waxyaabaha lagu sababeeyay iyo waxay dadku ku fasireen ayaa runtii kala duwan, anaguna ka Wasaarad ahaan waanu ka howl-galnay oo waanu la xiriirnay dowlada Turkiga”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxay noo xaqiijiyeen in arrintaasi ay ku saabsantahay inayna marin nidaamkii xafladaha iyo isku soo baxyada noocaasa loo mari jirey, waxkale oo sal ku leedahay ma jirto, marka ay arrintaasi dhameystaan, wadadii saxda aheyd ee xafladahaa ogalaanshiyaha lagu siin-jiray, marka ay ogolaanshiyaha helaan ay sidaas ku bilaaban howshii, markaa wax intaas dhaafsiisan ma jiraan”. Agaasimaha ayaa sido kale waxa uu Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedeyay inay markasta carqalad ku tahay horumarka Maamulkooda, wuxuuna yiri: “Markasta, wadan-kasta iyo meel-kasta oo la joogo Dawladda Soomaaliya waxay isku deydaa inay carqaladeyso waxkasta oo wanaaga oo ay bulshada Somaliland qabsaneyso meel-kasta oo ay joogto”. “Turkiga oo qudha maaha, wadamo badanba oo kale wey isku deyday, Laakiin waxyaaba u suuro-galaya iyo waxyaabo aan u suuro-galeyn baa jira, Wadamadaasi waa waddamo sharci leh oo nidaam leh, waan waddamo ogol in dadku xuquuqdooda aas-aasiga iyo cabirka fikirkooga iyaga oo xaflado nabad-galyaa isugu imanaya”. Wuxuuna hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyay Agaasimuhu “Dacwad kasta oo ay geeyaan iyo ka hor-imaansho kasta oo ay ka hor-yimaadan ma badelayso waaqica yaala, laakiin markasta waxaad ogaata Waddan kasta iyo meel-kasta inay Soomaaliya u taagan-tahay inay carqaladeeyan waxkasta oo wanaaga oo Somaliland u soo kordha ama ay qabsanayaan”. Xigasho
  7. Filinka Garoowe ka socdo muxuu yahay? Yaa sii faah faahin karo. Mise filin ayaa beesha caalamka - dadka maalgaliyey, kana dambeeyo shirka si qasab ah - loo jilayaa as usual. Shir meel uu ka socdo una socdo la garaneynin. Waa iska shimbiryaaloow heesa.
  8. Marna waxee leeyihiin dowladda dhexe is 'weak' haddana isla iyagii ayaa qirtay this 'weak' government pressured dowladda Turkiga to cancel. So is it weak or not? Anyway, why even bother these ridiculous celebrations especially since lagu jiro bisha barakeysan ee Soonka.
  9. Maxaa waaye barasaab? It sounds like a Hindi word. Guddoomiye gobol laga wadaa filaa. Why carabka loo adkeynaa iyadoo la dhihi karo guddoomiye.
  10. Title sax and write like a true secessionist as they do in the secessionist media, like this: Saudi envoy to Somalia and Waqooyiga visits Waqooyiga.
  11. Maxaa loo ugaarsaday loona dilay ragaas? Aano qabiil?
  12. Cali Khaliif GALAYR: “Cirka ha soo leefto cidii naga sheeganeysa Somaliland” Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta mar uu ka hadlayey kulan doodeed ka dhacay magaalada Berbera, wuxuu ka hadlay halkuu ku dambeeyay heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland ee sanadkii 2017 ka dhacay magaalada Caynaba. Dr Galeyr ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inuu ilaa hadda fulin heshiiskii uu hore ula galay madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo, isagoona ka dhawaajiyey ujeedka ay u dalbadeen in la furo dastuurka Somaliland. “Heshiiskaanu Somaliland la saxeexnay ee magaalada Caynaba ku kala saxeexanay bishii October 20-keedi 2017-kii, Youtube-ku ku jira meel walbana waa yaala, ‘Baabu-ijtihaad-maftuux’, Haddii aad raadineysan, qodobadiisi kama wada hadli karo, waxa muhiim ah in aan isla ogolaanay in heshiiska la hirgeliyo, qodobka ugu dambeeyana wuxuu leeyahay, cidii maamuulka kan ka dambeysa qabata, waxa maslaxad loogu yahay, inay fuliyaan oo ay hirgeliyaan heshiiskaa, mana hirgelin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Hadaan leenahay Somaliland baanu-nahay ee cidii Somaliland iga sheeganeysa inay i qanciyaan ugama baahni, waa ahay Somaliland, cirka soo leefa”. “Bal cidda naga leh ee odhaneysa adiguna haraa baa tahay, ana mujaahid baan ahay, dadku hadeyna taariikh wada-laheyn oo wax la isla ogolyahay, balaayo waxay ka dhacday waxa hada nool wax iskuma hayaan, war taariikhda isku haynaa, bahashii haday abtirsiimo ku qorantahay, dee waxan isku nahay ma jirto, cid walba abtirsiintiisa iyo geeliisu aadaya”. Dhinaca kale, Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa la waydiiyey ‘haddii uu heshiiskaasi fuli waayo, muxuu noqonaya mustaqbalka Khaatumo’, wuxuuna yiri: “Inaan dagaal soo qaadi doono iyo inaanu tabliiq wadi doono taladaa dad baa leh, laakiin aniga la igu cabsi galin mayo himika ma dagaal baad nagu soo qaadeysa, hadey gartaan dadkaasi, go’aanka iyaga leh”. Xigasho
  13. Where is Aw'waraaboow? Mise Finland ayuu iskaga maqanyahay asaga iyo ushiisa since barafkii dhamaaday?
  14. I heard Buubaa and company from this urur met with madaxweyne Farmaajo in Qadar a few weeks ago. War maka heysaa?
  15. Who is he? And isn't he himself a paid individual to 'visit' Waqooyiga? Muuse Muqayil and co. are spending the donor money on ridiculous lobbying trips like this while the masses are starving. Yaabkooda.
  16. What does he think Xamar is? Washington D.C.? Xasan Sheekh: ”Dadka gobalka Banaadir matalaad ayey xaq u lee yihiin waana in ay helaan...” Madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho, isagoo sheegay in dadka ku nool magaalada Muqdisho ay xaq u lee yihiin in ay helaan maamul matala. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gobalka Banaadir uu yahay gobalka kaliya ama ugu horreeya goballada dalka ee dhaqaale ku kaaba dowladda federaalka laakin weli la siin mataalad rasmi ah. ”Dadka gobalka Banaadir matalaad siyaasadeed ayey xaq u lee yihiin waana in ay helaan, annagana waxaa u taaganahay xuquuqdaas gobalka Banaadir”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay tahay magaalo Soomaali dhan ay ka dhexeeyso loona baahan yahay sidii dadka ku nool ay u heli lahaayen xuquuq matalaad. Madaxweynihii horre ayaa ka digay in dadka ku nool gobalka Banaadir la gaarsiiyo in ay diidaan in ay bixiyaan canshuurta sida ka dhacday magaalo ku taalla waddanka Maraykanka oo dadkooda ay diideen in ay canshuurta bixiyaan. “In ka badan 2-milyan ama 3-milyan oo ku nool gobalka Banaadir yaan la gaarsiin sheekadii hada ka hor ka dhacday magaalo ku taalla Maraykanka oo ah “Haddii aani mataalad jirin canshuur ma jirto,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad maanta Muqdisho ay ku qabsadeen xisbiga Himilo Qaran oo ka mid ah xisbiyada dalka ka dhisan. Xigasho
  17. I know after your obsession of boogeyman Afwerki, second is madaxweyne Farmaajo (who represents Soomaaliya and her midnimo). Isn't Farmaajo who refused to follow what the Imaaraad's wanted by pressuring the government to cut Qadar's diplomatic ties? Those renegade provinces of Soomaaliya you over-praise on here daily followed Imaaraad's dictation, albeit being powerless to do anything. I know you like to praise regions of Soomaaliya that its current leaders do not advocate for the unity of Soomaalis and Soomaaliya. Your little agenda can be seen from 100 kilometres away ee sheekada naga daa. Let's talk about your Xabashi region in Tigreyland and how little influence it has these days.
  18. Same jufooyin fighting again? See camal, aawey heshiiskii adkaa?
  19. And here is your answer, not an answer you wanted, nonetheless: Somali president meets Eritrean counterpart on trip to Asmara Somali president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo arrived in the Eritrean capital, Asmara, on Wednesday morning for a day's visit. The visiting president was accompanied by his Minister of Education and other senior officials. The delegation was welcomed by Eritrean president Isaias Afwerki at the Asmara International Airport. “In their meeting at State House today, the two Presidents discussed status & progress of Eritrea-Somalia ties of cooperation and partnership as well as vital matters pertaining to Red Sea & Gulf of Aden,” Eritrean Information Minister Yemane Meskel said on Twitter. The Somali president subsequently left Asmara for Mogadishu. The two Horn of Africa nations restored all brotherly and diplomatic ties last year in what was an offshoot of the Ethiopia-Eritrea peace deal of July 2018. Farmaajo has been to Asmara a number of times since the restoration of ties. Aside the trip where ties were normalized, he also joined a tripartite summit which involved the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed. The trio met again in Ethiopia in continuing with the tripartite arrangement that was meant at greater regional and economic integration. The meetings were at the heart of a move by Somalia’s parliament to impeach the president with the reason that he had entered into international agreements without legislative approval. https://www.africanews.com/2019/04/24/somali-president-meets-eritrean-counterpart-on-trip-to-asmara/
  20. C/qaasin Salaad Xasan on qaswadiyaasha: C/Qaasim Salaad oo weeraray mucaaradka: “Kaliya ma ahan inay kursiga raadiyaan" Madaxweynihii hore ee dalka C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo mucaaradka dowladda ee shirka ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Wuxuu weeraray siyaasiyiinta uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo kaliya doonaya inay helaan kursiga dalka, balse aysan dooneyn inay wax u qabtaan shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu fariin u dirayo dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay ka shaqeeyaan danaha dalka islamarkaana ay u adeegaan dalka, maadaama Soomaalida ay dhalinyaro u badan yihiin. Madaxweyne C/Qaasim ayaa yiri “Siyaasi Maahan Kan Kursiga lee doonaya, dhalinyarada Soomaaliyeed horay waan ula hadlay haddana waan la hadlayaa dadka iyo dalka haloo adeego.” “Sidaa aan uga xumahay dhibaatada dalka heysata iyo baabi’inta dadka lagu hayo ayaan ka wada hadalnay aniga iyo madaxweyne Farmaajo”ayuu yiri C/Qaasim Salaad Xasan. Kulan gaar ah oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka dhacay magaalada Qaahira, waxaana uu sidoo kale fariin uu u diray ururka Al Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya. Xigasho
  21. Oh, if wishes were... Turkiga are not going anywhere. Even the opportunist, calooshood u shaqeystiyaal Imaaraad's sycophants dare not to undo what Turkiga had done in Soomaaliya in the last eight years.