Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. In light of his death today, this admission of Moi back in 2003 needs to be revisited.
  2. Jecliyaa calaacalka tuugaan xildhibaan ku sheega ah oo ciyaal faay cali ka tirsanaan jiray sida la yiri. Mahad Salaad bartiisa Feysbuug wuxuu soo dhigay qoraalkaan wada beenta miiran: Muddo 72 sanadood ah dowlada Maraykanka kama shaqayn maslaxada dadka iyo dowladnimada Soomaaliya! 1. 1948 markii Maraykanka uu yimid Soomaaliya wuxuu u ololeynayay in Soomaaliya gacantii gumeystaha Talyaaniga aysan ka bixin. 2. 1960 markii xorriyada aan qaadanay Soomaaliya wuxuu kala dagaalamay in ay dhisato ciidan qaran oo amnigeeda suga, xuduudaheedana ilaaliya, si Itoobiya u noqoto quwadda kaliya ee Geeska Afrika ka jirta. Waana sababtii Soomaaliya ku riixday in ay aado dhinacii Midowga Sofiyeeti. 3. 1977 markii dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya uu bilowday Maraykanka wuxuu ka shaqeeyay in khubaradii Ruushka ee gacan siinayay ciidamada Soomaaliya la cayriyo, si loo fashiliyo guulihii ciidamada Soomaaliya ka gaareen dagaalkii Itoobiya. Waana sababtii ugu wayneed ee horseeday guuldaradii Soomaaliya kasoo hoysay dagaalkaas, sababtoo Ruushka wuxuu hayay istaratiijiyada dagaal ee ciidamada Soomaaliya ku dagaal galayeen. 4. 1977 - 1990 guuldaradii dagaalkii Itoobiya laga dhexlay iyo jabhadihii ku kacay xukunkii Maxamed Siyaad Bare markii ay isbiirsadeen Maraykanka waxay Siyaad Bare siiyeen hubkii dadka iyo dowladnimada Soomaaliya lagu baabi’iyay. Shacabkii hubkaas lagu xasuuqay waxaa ka mid ahaa shacabka reer Somaliland. 5. 1991 Maraykanku wuxuu taageeray jabhadihii Soomaaliya qabsaday, si loo burburiyo intii ka hartay dowladnimada Soomaaliya, dalkiina cad-cad ayuu u qaybiyay. 6. 1992 - 1994 markii ciidamada Maraykanka yimaadeen gudaha Soomaaliya waxay ku dhex milmeen is riix-riixii qabiilada dhexdooda ahaa waxayna dagaal ay ku jabeen la galeen kacdoonkii uu hoggaaminayay AUN Gen. Maxamed Faarax Caydiid. 7. 1994 - 2009 mudadii u dhaxeysay Maraykanka waxay taageereen hoggaamiye kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya kajiray. Markii Maxkamadaha Islaamiga ah meesha ka saareena waxay ka shaqeeyeen in ciidamada Itoobiya ay soo galaan Soomaaliya lana dagaalamaan wadaadadii ka arriminayay Koonfurta Soomaaliya. Waxaana dagaalkaas ku naf waayay kumanaan Soomaali ah. 72 sanadood kadib maanta waad aragtaan siyaasada gurracan ee dowlada Maraykanka kula dhaqmayso guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug iyo gaboodfallada Safiirka Maraykanka Amb Donald Yamamoto ku gacan siinayo nidaamka Farmaajo ee Kaligii Taliska ah. Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dadka reer Galmudug in ay gacmaha isqabsadaan una midoobaan sidii ay uga hortagi lahaayeen siyaasada ma dhalayska ah ee Maraykanka hormuudka ka yahay ee lagula dagaalayo dadka reer Galmudug. Waanan ka guuleysanaynaa inshaa’allah sidii marar badan aan uga guuleysanay iyaga iyo kuwa ay ku shaqeystanba. Mahadsanidiin. ___________________
  3. It was not '90s.' Waligoodba diinta iyo nabiga ayee aflagaadeen jireen, from day one. Nabigaaga w** iyo diintaada w** wax sagaashameyadii bilowday ma'aha. They had and have zero understanding of diinta, waana dad iska marqaansan 24 hours with their childish mentality.
  4. It was not Reer Koonfur Galbeed kii isku qarxiyey Xalane, the former xildhibaan. Sidoo kale kii diyaaradda Daallo isku qarxiyey Reer Waqooyi ayuu ahaa. Ditto to the biggest argagaxiso of them all, Godane, another fellow Reer Waqooyi of yours. So was that lady who isku qarxisay hoteelka Central four years ago, another fellow Reer Waqooyi of yours. War lee maa wadeynaa.
  5. Beesha caalamka has no choice but to hambalyeeyaan madaxweynaha Galmudug. Sidii hore awood uma laha.
  6. Once again this statement from U.S. embassy in Xamar proves how beesha caalamka bahlaha loogu rifay.
  7. Qoorqoor: Sharaf bey ii tahay inaan xiriir la leeyahay madaxda DF Soomaaliya Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ka hadlay doorashadii uu maanta ku soo baxay iyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka hoggaankiisa loo doortay. Qoor-Qoor oo la hadlay VOA ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in doorashadiisu ay aheyd mid u dhacday si xor ah, muddo dheerna loo diyaar garoobayey. Mar wax laga weydiiyey tuhunka jira ee ah in dowladdu wadatay oo ay uga xaglisay musharaxiintii kale, ayaa waxa uu sheegay in uu ku faanayo xeriirka iyo wada shaqeynta kala dhexeysa madaxda dowladda federaalka, isla markaana uu ku faanayo. “Anigu inaan xilkan isku soo sharaxo xaqbaan u leeyahay sanad iyo wax ka badan ayaana musharax ahaa, inaan dowladda xiriir iyo wada shaqeyn la leeyahayna sharaf ayey ii taha, anigu maahi dadka khilaafka iyo khalalaasaha ka shaqeeya, mar walba in dowladnimada Soomaaliya horay loo sii wado ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri madaxweynaha cusub ee Galmudug. Sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Qoor-Qoor in khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Galmudug uu xalkiisa raadin doono, qolo kasta oo wax tabanaysana uu meeshooda ugu tagi doono. Qoor-Qoor ayaa sidoo kale cid kasta oo tabasho qabta ka dalbaday inay soo fariistaan miiska wada hadalka, isagoo balan qaaday in uu xali doono tabashadooda. Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ka mid ahaa musharaxiin afar ah oo maanta u tartantay xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ku soo baxay doorasho socotay wax ka yar 30 daqiiqo, waxuuna helay 66 cod oo ka mid ah codadka 77 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay. Xigasho
  8. Xasan Sh. Maxamuud's former right hand man is congratulating madaxweynaha cusub. He knows the winds of change are not stoppable. Cabdikariim Guuleed oo u hambalyeeyey Qoorqoor Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Siyaasiga Cabdi Kariim Xuseen guuleed ayaa hambalyo u direy Madaxweynaah Cusub ee loo doortey Madaxweynaha Galmudug ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Qoraal uu soo dhigey Bartiisa facebook ayuu ku sheegay in uu rajeynayo in uu Qoorqoor ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. “Hambalyo madaxweynaha cusub ee dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), waxaan kuu rajeynayaa in Allah kuu fududeeyo xilka culus ee aad qabatay. Waxaan rajeynayaa in hogaanka cusub uu ahmiyadda ugu horeysa ka dhigo dib u heshiisiinta iyo mideynta Galmudug. Marka lag soo tago Hambalyada uu u jeediyey madaxweynihii hore ee galmudug madaxweynaha Cusub ee loo doortey maamulkaas ayaa waxaa jira siyaasiyiin iyo Xildhibaano dhaliilsan doorshadaas. Xigasho
  9. Qoorqoor oo loo doortay madaxweynaha Galmudug Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoor-Qoor ayaa ku soo baxay wareegii koowaad ee doorashada, isagoo helay 66 cod, halka musharraxii kale ee ku xigay ee Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod. Sidoo kale waxaa wareegaan ku haray Cabdiraxmaan Axmed Sabriye oo helay 1 cod iyo Axmed Shire Maxamed (Falagle) oo isna helay 1 cod. Guddoomiyaha baarlmaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa shaaciyey inuu xil ka madaxweynaha Galmudug ku guuleystay Qoor-Qoor, islamarkaana uu hoggaamin doono afarta sano ee soo socota. Musharraxa guuleystay oo ay wadatay dowladda federaalka ayaa horay loo sii ogaa inuu ku soo bixi doono doorashadaan. Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa sidoo kale isla markii guda galay u codeynta musharraxiinta u taagan xil ka madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo kal ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) iyo 5-Cabdiqani Sheekh Cali Diini. Xigasho
  10. He is appointed by Muuse Muqayil miyaa? No wonder reero jaad marqaaniste isla yihiin.
  11. The dude looks like a big time muqayiliste and marqaaniste. No wonder diinta caaydeeda carabka u saarantahay.
  12. No, Soomaaliya should remain a dhex dhexaad dowlad. Neutrality suits us Soomaalis well when it comes to intra-Muslim conflicts. The only conflict we will never be neutral is when it comes to Falastiin and her struggles for freedom and liberty.
  13. Qof walba ayaa arko taas. Xataa Xasan Sheekh would readily admit if he was honest to himself. Waxaa qosol iyo yaab ah Shariif Sh. Axmed ka soo yiraahdo London in Xamar maamulaan kuwii afka duubnaa, intaas ay ka tahay dowladda ku xumee laakiin uunan arkin as a former president his words could be misused by kuwa ka soo horjeedo horumarka Soomaaliya. Kuwaas afka duuban waagee dowladiisa jirtay Tarbuunka ayee si toos u xukumi jireen iskaba dhaaf meel kale.
  14. Waa runtaa. What tipped the scales in dowladda dhexe's favour was after kicking out kii Reer Koonfur Afrika ahaa ee Qaramada Midoobay u fadhiyey Soomaaliya. Many, including some so-called Soomaalis midnimada Soomaaliya ka soo horjeedo, were expecting severe repercussions. Others, especially Western diplomates based in Muqdisho, saw Soomaaliya fledging its newly re-acquired muscles that they started paying to respect more.
  15. Guddoomiyihii baarlamaanka hore now admits how toothless and hapless dowladii Xasan Sheekh was vis a vis beesha caalamka; corrupt beesha caalamka wax walba ka dhameysan jireen. Jawaari: Sida xukuumadan ay talada u qabatay, waa la wiiqay awooddii beesha caalamka ee Soomaaliya Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo waliba faragelinta Beesha Caalamka Soomaaliya. Mudane Jawaari ayaa sheegay marka hore in muhiimad gaar ah leedahay dhameystirka Dastuurka oo soo afjaraya is qabqabsiga iyo loolanka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada. Jawaari ayaa naqdiyay danaha caalamka uu ka leeyahay Soomaaliya xiligan waxaana uu si dad badan u taageeray inaan warkooda muhiimad gaar ah la siinin, isagoo yiri, "Intaan leenahay Beesha Caalamka maxey tiri, safiir hebal muxuu yiri horay uma soconeyno, safiirada jooga wadanka waa Danjireyaal, danahiisa inuu kaa fushado mooyee ujeedo kale malahan.” Waxa uu intaa ku daray Jawaari in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo, isagoo tilmaamay ineysan ka hor imaan karin dowladda Federaalka maadama aan dano kala duwan ka leeyihiin. Jawaari ayaa xusay iney Soomaalida u kala dab qaadaan oo midba midka kale oo ay la kulmaan uga sheekeeyaan wixii dhexmaray kii ka horeeyay. Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qirtay in Dowladii Xasan Sheekh in Beesha Caalamka ay galaan gal weyn ku laheyd go’aamada la gaarayo islamarkana faragelin nuuc walba ah ay ku heyso dalka, wuxuuna uu tibaaxay in hadda aysan sidaas aheyn oo ay Ilko beeleen. “2016-kii Doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya, maanta waa ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhaganaayeen, hadda waxey xooga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan, hadda doorkooda ma ahan in Dowladda Federalka ama maamul Goboleed ku soo hogaamiso danahooda, marnaba laga sugi mayo iney dadka isku keento iney Soomaalida isku imaadaan mooyee” ayuu yiri Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka. Xigasho
  16. After all of these decades diintana la baray, they are still uttering blasphemy. They are still using blasphemous, sacrilegious words of nabigiina w.. iyo diintiina w... Read on. Culimada Boorama oo ugu baaqay badhasaabka Awdal “inuu dib usoo islaamo” kadib hadal ka soo yeeray Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayey qaar kamid ah Culimada Boorama ugu baaqeen in uu “dib usoo islaamo,” maadama ay sheegeen in uu diinta caayey islamarkaana “uu ka baxay.” Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu si weyn uga carooday Wiil xiriirinayey xaflada. Badhasaabka ayaa si weyn uga carooday in qof laga hor-mariyay oo hadalka lagu soo dhaweeyo, xili uu dalbaday in isaga loogu horeysiiyo, si uu hadalkiisa uga jeediyo xaflada kadibna uu u baxo. Midaasi oo uu ku gacan sayray wiilkii dhalinyarada ahaa ee xiriiriyaha ka ahaa xaflada, taasi oo dhalisay in Badhasaabku uu yiraahdo ereyo uu ku aflagaadeynayo Diinta isagoo kasii baxaya xaflada, oo ah, “Taga waan iska tagayaaye, diintiina w***” Sheekh Xasan Deheeye iyo Sheekh Maxamed Saaweer oo kamid ah Culimada waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa khudbadii Jimcihii kaga hadlay arrinkaasi, iyagoona sheegay in Badhasaabku uu galay gaf weyn, maadama uu caayey Diinta Islaamka. Culimadan ayaa Madaxda sarre ee Xukuumada Somaliland ku canaantay in gobolka Awdal aysan u soo magacaabin Badhasaab ku fiican xagga diinta, isla markaana ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan Mas’uulkan. Waxay sidoo kale Culimadan ay ugu baaqeen Badhasaabka “in uu dib u soo Islaamo,” maadama uu caayay Diinta, iyagoona xusay in uu Xukunkiisu yahay in la dilo, haddii uusan dib uga soo laaban. “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta Masaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka Muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa oo toosiyaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Deheeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo, kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya ma ka malaa’igta caayaya”. “Meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay, anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo, waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa." Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo isaguna ka hadlayey arrinkaasi, wuxuu yiri “Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay”. “Miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa. Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer hebelnimo la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda” “Umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato”. Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu sii baxayey, midaasi oo dhalisay in loogu baaqo in uu Diinta dib ugu soo laabto. Xigasho