-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Dhurwaaga waxa marfishyada reer jaadcun ku sheekeystaan ma qariyo, waana the only thing ku fiicanyahay. Afkiisa ku hunqaaca qashinka calooshiisa ku jiro. Faysal Cali Waraabe oo shaaciyey ‘lacag Farmaajo uu u ballan-qaaday Muuse Biixi iyo shuruud lagu xiray’ Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Faysal Cali Waraabe, ayaa shaaciyey ballan qaad loo sameeyey madaxwxeynaha Somaliland Muuse Biixi. Feysal Cali Waraabe ayaa tilmaamay inuu Madaxweyne Farmaajo uu u ballan qaaday Muuse Biixi in la siin doono 30% lacagta Soomaaliya ay heli doonto marka laga cafiyo deynta taasoo gaareyso illaa $800 Milyan oo lacagta Mareykanka ah Feysal ayaa xusay in shuruuda lagu xiray lacagtaas si loo siiyo Muuse Biixi ay tahay inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayuu ku eedeeyey inuu heshiiskaas ka shaqeeyey isla markaasna uu labada madaxweynaba kula kulmay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya. “Muuse Biixi, waxa uu baab’iyay gudaha, waxa uu sameeyay qiyaano, 10-kii bisha waxaa loosoo diray telefoon, $800 Milyan oo Doolar oo la siinayo Soomaaliya marka deynta laga cafiyo ayaa looga ballanqaaday 30% in laga siinayo, kaliya waxaa shuruud looga dhigay in Farmaajo uu kula kulmo Jabuuti, wuuna aqbalay” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. Lacagta uu Feysal Cali Waraabe sheegay inuu Muuse Biixi heli doono marka la xisaabiyo ayaa ah $240 Malyan oo dollarka Mareykanka ah. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadka Somaliland ay yihiin kuwa u iibsan Muuse Biixi oo madaxooda ku qaatay lacag aad u badan. Muuse Biixi ayuu tilmaamay inuu ka gaabsaday soo bandhigista kulankii uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalana uu qariyey waxyaabihii ay kawada hadleen xubnihii Itoobiya ka socoday ee tagay Magaalada Hargeysa. Hadalka Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo aadayo xilli Mucaaradka Somaliland oo maanta shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Hargeysa ay sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi uu ku fashilmay hogaaminta Somaliland, waxayna dalbadeen in xilka uu ka dego, oo loo qabto doorasho deg deg ah. Waddani iyo Ucid ayaa ka dhawaajiyey in Muuse Biixi uu “noqday Kaligii-taliye”, isla markaana loo baahan yahay in xilka si deg deg ah looga xayuubiyo, waa sida ay hadalka u dhigeene. Labada xisbi ayaa si wada-jir u soo wada jeediyay in Doorashada madaxtooyada la qabto sanadkan inta uusan dhamaanba muddo xileedka Biixi, maadama “uu ku fashilmay” xilkii loo igmaday. Xigasho
-
Was there any doubt for this? Lacagta yar ee u calaacalaan tuugsiga ku helaan dowladda dhexe ayee soo martaa. Safiirada Soomaaliya u fadhiyo dowladda dhexe ayee aqoonsiga ka helaan after presenting their credentials, then ask permission to go to Hargeysa, same way they go to Garoowe, Baydhabo, Kismaayo... As you can see from below: Danjira Mareykanka u fadhiyo Soomaaliya meeting Muuse Marqaan in his marfish. And here is Danjiraha Ingiriiska u fadhiya Soomaaiya meeting Muuse Muqayil in his marfish kiosk. Here is another one - Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya meeting Muuse Marqaanweyne in his marfish. And here is Danjiraha Turkiga u fadhiyo Soomaaliya meeting Muuse Muqayil on his little marfish. And here is Danjiraha Finland u fadhiya Soomaaliya with Muuse oo marqaan ka soo kacay. And here is Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya meeting Muuse in his little marfish. And here comes Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya meeting Muuse Marqaanweyne oo jaad ka soo kacay. And here is Daljiraha Denmark u qaabilsan Soomaaliya meeting Muuse in his overused marfish. Haye ma sii wadaa. Bas bas, intaan ha noogu ekaato casharka riyo beenaad dilka maanta ah.
-
Tribalism rife in Hargeisa city, Somaliland region, Somalia
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Of course, riyadii lagu lug go'ay ee aqoonsi markee socon weyso qabyaaladii xumeyd lagu yaqaanay boorka ka jafaayaan. What is new? -
Maxamed cali Geedi waa runtiisa. Waa gartooda dadkaas - sida Shariifka, Xasan Sheekh iyo Cali Mahdi - ilmahooda iyo waxee sii dhaleen u joogaan dibadaha inay masaakiinta Muqdisho ku nool qal qal ku abuuraan. Hadduu Cali Mahdi runta sheegaayo, Soomaaliyana dan u haayo asaga iyo kii kale qabqablaha weynaa Xamar dhulka lama simeen 1991-92, dagaalkii kala joogsiga lahayn ee afarta bilood ahaa. Salaad Jeelle, too, jawaab siiyey dadka dib u socodka wado.
-
Astaan dowladnimo iyo Soomaalinimo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Rabi ha idmo ku dar, widaay. About Jaamacadda Carabta, we need it for other strategic moves and votes, like a crucial future seat at the UN. -
As always the crazy Feysal Dhurwaa once a while wax macquul ayuu sheegaa, sida cajalka hoose ka muuqato: And another hunqaac from the Dhurwaa:
-
Better than jaad miyaa? I guess it is time Libaaxsanka start charging some sessions. It had been free for almost two decades now.
-
When Soomaaliya is rising daily, Soomaalidiid cuqdad ku nool sewage-dwellers hurdo uma taalo. Har iyo habeen waa inay soo taagnaadaan with their mijimo jaad. Even on a site called Soomaaliya-online. Their trembling little fingers must type or click that each and every time. Laa ictiraaf, laa hurdo walaa jiif.
-
Somalis are 6th largest tribe in Kenya
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to MoheyedinIssa's topic in Politics
Been badnaa Kiikuuyada. Tirakoobka Soomaalida ugu yaraan waa 4.5 million. They are suppressing the original census numbers from NFD, which they stopped reporting after and when they realized how big Soomaali numbers are. They did this in 2009 as well. There is no way the population of Soomaalis in NFD increased these mere numbers between 2009-2019. Their own numbers say average Soomaali mother has seven children compared to the average fertility rate of the rest being 3.5. -
Mandheera inuu ku fakanaayo ayuu mooday Janan kan la baxay. Tuugga baxsadka ah waa in la soo qabtaa. Mandheera oo ‘dagaal qarka u saaran kadib markii ay galeen ciidan Soomaali ah’ Barasaabka Mandheera Cali Rooba ayaa sheegay in ciidamo Soomaali ah ay usoo gudbeen dhankooda, islamarkaana xiisadda ka dhex oogan dowladda federaalka iyo Jubaland ay halis ku hayso. Cali Rooba ayaa sheegay in qabsashada ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Beledxaawo ay soo barakicisay ciidamadii Jubaland, kuwaas oo usoo baxsaday, haatanna ku sugan Mandheera. Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inay ceyrsanayaan wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, oo isna la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay Mandheera. “Ciidamadii soo cararay waxay usoo gudbeen Kenya, waxayna hadda ku sugan yihiin gudaha Mandheera. Tani waxay halis amni oo weyn ku tahay shacabkeena,” ayuu yiri Cali Rooba oo la hadlay golaha Mandheera. Maamulka Isbitalka weyn ee Mandhera ayaa heegan la geliyey si ay ugu diyaar-garoobaan inay u gurmadaan dhaawacyada, haddii dagaal uu ka dhex qarxo ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka. “Arrintan kama sii aamusi karno. Inkasta oo aan qadarineyno mowqifka dowladdeena ee ku aadan xiriirka Soomaaliya, haddana ma aqbali karno halista ay wajahayaan shacabkeena. Waxaan dowladda ka dalbaneynaa inay arrintan si wanaagsan iyo deg deg ah ula tacaasho,” ayuu yiri Cali Roba. Cali Rooba ayaa ka digay in Nairobi ay mas’uul ka noqon doonto haddii dhib uu soo gaaro shacabka Mandheera. “Waxaan ka codsaneynaa dowladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada uga saarto ciidamada Jubaland, si loo nabadgeliyo Mandheera. Xaaladda waa ay sii xumaaneysa, waxaana qarka u saarannahay dagaal weyn oo shacabka waxyeeleeya.” Hadalka Rooba ayaa imanaya ayada oo horey ay u jirtay cabsi laga qabo in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka gudbaan xuduudda, si ay halkaas uga soo qabtaan Cabdirashiid Janan, oo 28-kii Janaayo kasoo baxsaday Muqdisho. Xigasho
-
Soomaali berigee Soomaali ahayd. Alloow u raxmo halyeydaas dalka u soo halgamay cajalka ka muuqdo.
-
P.M. Abiy Ahmed sends Somali minister to Hargeisa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dhaqaale's topic in Politics
Cagjar warkiisa lama maqlo bilooyinkaan intuu ka baxay? Shidahaan iyo Cagjarka ishaaye ayaa iigu dambeysay for Soomaali Galbeed influence. Yaa guuleystay? Aawey The Saak, afhayeenka Cagjar on SOL? -
Ra'iisul wasaare Kheyre waa afyaqaan codkar ah runtii.
-
Maareeye: “28 sano ayay Somaliland lahayd siyaasad looga taliyo marfishyada” Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay safarka la hadal hayo inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tagayo magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Wasiir Maareeye ayaa ugu horeyn sheegay inuusan isaga ka war qabin safarkaas la sheegayo inuu Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Magaalada Hargeysa uusana diyaar u aheyn inuu ka hadlo. “Anigu wax war ah kama hayo safarka la leeyahay madxweyne Farmaajo ayaa ku tegayo magaalada Hargeysa, kana hadli mayo,” ayuu yiri Wasiir Maareeye . Wasiir Maareeye oo kasoo jeedo Somaliland, ayaa kula taliyey shacabka halkaas inay ka faa’ideystaan fursadda hor taalo, isla markaasna ay isku dayaan inay la jaan qaadaan isbadalka siyaasadeed ee ka socdo Geeska Africa iyo Beesha Caalamka. “Waxaan kula talinayaa shacabka iyo madaxda Somaliland oo aan anigu kasoo jeedo inay iska daayaan buuqa oo la yimaadaan siyaasad iyo talo ay kula jaanqaadi kartaan isbedelka siyaasadeed, Dhaqaale iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo adduunka oo haddii aad ka hartaan mar dambe aadan heli doonina fursad aad kula qabsan kartaan, ” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa is waydiiyey dhibaatada ku jirto in Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyo Hargeysa xataa haddii ay u aqoonsan yihiin inuu yahay madaxweyne wadan daris la ah Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo waa qofka ugu mudan ee Hargeysa lagu soo dhaweyn lahaa kaasoo ay dano uga xiran yihiin Somaliland, maxaa diidayo in Madaxweyne Farmaajo loogu soo dhaweeyo Hargeyso sidii loogu soo dhaweyn lahaa madaxda wadamada dariska ee Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti” ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiir Maareeye ayaa Somaliland ku eedeeyey inay 28 sano isticmaaleyso siyaasad fadhiid ah oo aan Somaliland dhaafsiisneyn. “28 sano ayay Somaliland lahayd hal siyaasad oo fadhiid ah oo marfishyada looga taliyo oo aanay maskaxdu iyo siyaasiyiinta talin,” ayuu yiri Maareeye. Xigasho
-
As of today, madaxweynaha waala iska bareejeeyey. Aadaada aada.
-
Fowsiya Yuusuf: Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Hargeysa Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka, islamarkaana deegaan doorashadeedu tahay Somaliland ayaa ka hadashay safarka la sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegayo magaalada Hargeysa. Fowsiya oo wareysi gaar ah siisay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso ‘safarka Farmaajo’, islamarkaana ay bogaadineyso. Sidoo kale waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay tahay mid aad loogu farxo, ka xildhibaan ahaana ay soo dhoweyneyso. “Waxa aan leenahay Madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaq go’aanka aad uga dageysid Magaalada Hargeysa, waana ku bogaadinayaa tallaabadaas oo ah runtii wax lagu farxo, diyaarna u noqdo wax waliba uu kala kulmo”. ayey wareysigaan ku tiri Fowsiya. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay soo dhaweyneyso dadaalada uu wado Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ee uu ku doonayo inuu isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Somaliland. Ugu dambeyn Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo mar soo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa carabka ku adkeysay in xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka, islamarkaana ka soo jeeda gobollada waqooyi inay Muqdisho u joogaan midnimada iyo israaca Soomaaliya iyo Somaliland. “Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ee deegaan doorashadoodu tahay Somaliland, waxa ay halkaan u joogaan Midnimada iyo in ay Soomaali is raacdo, oo ay dib u hesho sharafteeda iyo karaamadeeda, waynu taageereenaa hab waliba oo lagu gaari karo”. ayey hadalkeeda ku soo gabagabeysay xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Safarka la sheegay in Farmaajo iyo Abiy ku tegayaan markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ayaa noqday mid aad loo hadal hayo, waxaana ku kala qeybsamay mas’uuliyiinta sar sare ee maamulka Somaliland oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrintaasi. Xigasho
-
Muuse Marqaanweyne Muqayil dhuumasho ayuu ka bixi la yahay maalmihii u dambeeye. Intee ka baxaa meel Alle soo taaganyahay markee Xabashada ku qasbeen in uu magaalada Soomaaliyeed ee Hargeysa madaxweynihiisa ku soo dhaweeyo si qasab ah. Hurdo la'aan iyo marqaan badan ayaa ku dhacday. Reer Hargeysa ‘oo baafinaya’ madaxweyne Muuse Biixi Xisbiga Waddani oo kamid ah xisbiyada mucaaradka Maamulka Somaliland ayaa sheegay in dadka reer Hargeysa ay baadi goobayaan madaxweynaha Maamulkaas Muuse Biixi Cabdi. Barkhad Jaamac Batuun oo ah Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu ka dhuumanayo shacabka Somaliland isla markaasna laga rabo inuu caddeeyo tuhunka ka jiro safarka Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa. “Si guud labadii sano ee uu xilka hayey madaxweyne Biixi muuqaal kastoo saxaafadu ka duubto iyo muuqaalkastoo ka hadlo wuxuu ku maagayey Farmaajo, labadii habeen ee u dambeysayna waxay bulshadda Somaliland baafineysaa madaxweynahooda,” ayuu yiri Barkhad Jaamac. Afhayeenka ayaa tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday Madaxweyne Muuse Biixi ku sheegay inay ahaayeen kuwa liddi ku ah jiritaanka iyo dastuurka Somaliland. Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa ugu baaqay Madaxweyne Muuse Biixi inuu si deg deg ah cafis furan u waydiisto Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Somaliland. Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Xisbiga Waddani ayaa kusoo aadayo xilli Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan uu sheegay inaysan suurtagal aheyn in uu Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku yimaado caasimada Somaliland ee Hargeysa. Wasiirka ayaa safarkaasi Farmaajo ee la sheegay inuu ku imanayo Hargeysa ku tilmaamay mid ah ‘Riyo maalmeed’ aan marnaba suurto gal noqon karin. Xigasho
-
Saalax, madaxweynaha Soomaaliya hadda ka hor wuu tagay gobolka Waqooyi Galbeed, siiba Hargeysa as a prime minister in 2011. Diyaaradda Daallo ayuu saarnaa, rakaabka shacabka ayuuna la saarnaa. Transit ayuu ku ahaa Hargeysa saacad. Waliba gudaha ayuu galay. Secessionists marqaankooda iskaga fadhiyeen, waxee ka warqabeen ma jirin. Eniwey, Muuse Muqayil last time (only time invited then) orod ayuu Adisababa kaga soo noqday markii lagu qasbay in madaxweynahiisa ee Soomaaliya Hargeysa ku soo dhaweeyo. Waa ka soo fikiraa ayuu ku soo marmarsiyooday, Xabashada warkooda si toos uma diidi karee. I guess markaan xoog Xabashada ugu sheegeen. Intee ka baxaa meel Alle ayee ku noqotay Muuse Marqaanweyne.
-
Ethiopian Prime Minister (PM) arrives in UAE
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Lacagtii maa dhamaatay? Horta how is Xabashi relationship with Qadar? I don't keep abreast of Xabashi affairs. Where is Che, hanoo sheegee.