-
Content Count
17,658 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
The dude looks like a big time muqayiliste and marqaaniste. No wonder diinta caaydeeda carabka u saarantahay.
-
Qof walba ayaa arko taas. Xataa Xasan Sheekh would readily admit if he was honest to himself. Waxaa qosol iyo yaab ah Shariif Sh. Axmed ka soo yiraahdo London in Xamar maamulaan kuwii afka duubnaa, intaas ay ka tahay dowladda ku xumee laakiin uunan arkin as a former president his words could be misused by kuwa ka soo horjeedo horumarka Soomaaliya. Kuwaas afka duuban waagee dowladiisa jirtay Tarbuunka ayee si toos u xukumi jireen iskaba dhaaf meel kale.
-
Waa runtaa. What tipped the scales in dowladda dhexe's favour was after kicking out kii Reer Koonfur Afrika ahaa ee Qaramada Midoobay u fadhiyey Soomaaliya. Many, including some so-called Soomaalis midnimada Soomaaliya ka soo horjeedo, were expecting severe repercussions. Others, especially Western diplomates based in Muqdisho, saw Soomaaliya fledging its newly re-acquired muscles that they started paying to respect more.
-
Guddoomiyihii baarlamaanka hore now admits how toothless and hapless dowladii Xasan Sheekh was vis a vis beesha caalamka; corrupt beesha caalamka wax walba ka dhameysan jireen. Jawaari: Sida xukuumadan ay talada u qabatay, waa la wiiqay awooddii beesha caalamka ee Soomaaliya Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo xalay ka qeyb galay Barnaamij Dood Wadaag ah oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha Dastuurka, Doorashooyinka iyo waliba faragelinta Beesha Caalamka Soomaaliya. Mudane Jawaari ayaa sheegay marka hore in muhiimad gaar ah leedahay dhameystirka Dastuurka oo soo afjaraya is qabqabsiga iyo loolanka u dhaxeeya madaxda Dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada. Jawaari ayaa naqdiyay danaha caalamka uu ka leeyahay Soomaaliya xiligan waxaana uu si dad badan u taageeray inaan warkooda muhiimad gaar ah la siinin, isagoo yiri, "Intaan leenahay Beesha Caalamka maxey tiri, safiir hebal muxuu yiri horay uma soconeyno, safiirada jooga wadanka waa Danjireyaal, danahiisa inuu kaa fushado mooyee ujeedo kale malahan.” Waxa uu intaa ku daray Jawaari in Beesha Caalamka warkeeda meel la iska dhigo, isagoo tilmaamay ineysan ka hor imaan karin dowladda Federaalka maadama aan dano kala duwan ka leeyihiin. Jawaari ayaa xusay iney Soomaalida u kala dab qaadaan oo midba midka kale oo ay la kulmaan uga sheekeeyaan wixii dhexmaray kii ka horeeyay. Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa qirtay in Dowladii Xasan Sheekh in Beesha Caalamka ay galaan gal weyn ku laheyd go’aamada la gaarayo islamarkana faragelin nuuc walba ah ay ku heyso dalka, wuxuuna uu tibaaxay in hadda aysan sidaas aheyn oo ay Ilko beeleen. “2016-kii Doorkii ay ku lahaayeen Beesha Caalamka Soomaaliya iyo maanta farqi weyn ayaa u dhaxeeya, maanta waa ilka beeleen, laakiin markaas qoorta bey nooga dhaganaayeen, hadda waxey xooga saarayaan danta ay Dowladda Federalka ka rabaan, hadda doorkooda ma ahan in Dowladda Federalka ama maamul Goboleed ku soo hogaamiso danahooda, marnaba laga sugi mayo iney dadka isku keento iney Soomaalida isku imaadaan mooyee” ayuu yiri Professor Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya hadana ah xubin katirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka. Xigasho
-
After all of these decades diintana la baray, they are still uttering blasphemy. They are still using blasphemous, sacrilegious words of nabigiina w.. iyo diintiina w... Read on. Culimada Boorama oo ugu baaqay badhasaabka Awdal “inuu dib usoo islaamo” kadib hadal ka soo yeeray Badhasaabka gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali ayey qaar kamid ah Culimada Boorama ugu baaqeen in uu “dib usoo islaamo,” maadama ay sheegeen in uu diinta caayey islamarkaana “uu ka baxay.” Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu si weyn uga carooday Wiil xiriirinayey xaflada. Badhasaabka ayaa si weyn uga carooday in qof laga hor-mariyay oo hadalka lagu soo dhaweeyo, xili uu dalbaday in isaga loogu horeysiiyo, si uu hadalkiisa uga jeediyo xaflada kadibna uu u baxo. Midaasi oo uu ku gacan sayray wiilkii dhalinyarada ahaa ee xiriiriyaha ka ahaa xaflada, taasi oo dhalisay in Badhasaabku uu yiraahdo ereyo uu ku aflagaadeynayo Diinta isagoo kasii baxaya xaflada, oo ah, “Taga waan iska tagayaaye, diintiina w***” Sheekh Xasan Deheeye iyo Sheekh Maxamed Saaweer oo kamid ah Culimada waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa khudbadii Jimcihii kaga hadlay arrinkaasi, iyagoona sheegay in Badhasaabku uu galay gaf weyn, maadama uu caayey Diinta Islaamka. Culimadan ayaa Madaxda sarre ee Xukuumada Somaliland ku canaantay in gobolka Awdal aysan u soo magacaabin Badhasaab ku fiican xagga diinta, isla markaana ugu baaqay inay talaabo adag ka qaadan Mas’uulkan. Waxay sidoo kale Culimadan ay ugu baaqeen Badhasaabka “in uu dib u soo Islaamo,” maadama uu caayay Diinta, iyagoona xusay in uu Xukunkiisu yahay in la dilo, haddii uusan dib uga soo laaban. “Madaxweyne Muuse Biixi waxa laga rabaa inuu maanta Masaajidka ugu weyn Hargeysa uu ka khudbadeeyo oo isagu dadka uu hoogaamiyo oo khadiib uu noqdo sidii Cumar Binu Khadaab ilaa madaxdii muslimiinta waayo ninka Muslimiinta xukumaaya iimaam ayaa la yidhaahdaa, wax la hogaamiyo salaada ayaa ugu wanaagsan waa inuu salaadooda hogaamiyaa oo toosiyaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Deheeye. Wuxuuna intaas sii raaciyey “Badhasaab kastana waxa laga rabaa inuu isna gobalka loo diray in sidaas u hogamaiyo oo diinta ku hogaamiyo oo khudbadeeyo oo tujiyo, kumaa maanta ina tujin ma ka diinta caayaya ma ka alle caayaya ma ka malaa’igta caayaya”. “Meel lagu shiraayay ayaa shalay waxa lay sheegayay oo hoolalka ah ninka gobalkan haystaa inuu diinta caayay oo alle uu caayay, anigu isaga canaanan maayo ee kuwa soo magacaabay ee sidaas raali ka ah inuu diinta caayo, waa gaal ninkaasi ee waa inuu dib u ashahaataa xukunkiisuna waa in la dilo, aniga ayaa dilaaya ma lihi ee shareecada ayaa dilaysa." Sheekh Maxamed Siciid Saaweer oo isaguna ka hadlayey arrinkaasi, wuxuu yiri “Dawaladu waa inay wax ka qabato ninka diinta caayay hadduu madax yahay haduu askari yahay , haduu cid kasta yahay waa in wax laga qabto oo la sheego, maaha in lays xanto qofku haduu alle iyo rasulkiisa caayo waa la dilayaa waa reer hebelnimo yaa loo dhimanayaa kuwa suuqa ku caayaya ee tolkeen ah maxaa wax looga qaban waayay”. “Miyaad aragtay qof diinta lagu dhirbaaxay, diinta ma sidaas ayaynu ku daynaa. Madaxweynuuna waa inuu dadka dhanka cibaadada ku doorto oo aan reer hebelnimo la eegin oo waa in la eegaa qof dhaqan fiican leh oo umadda masuul ka noqda” “Umaddu masuul wanaagsan ayay u baahantahay nin lagu daydo ayay u baahan tahay nin umadda la tukada ayay u baahan tahay oo jamaca soo dhexgala oo safka hore ku tukada oo umadda wax u sheega oo ay ku dayato”. Badhasaabka ayaa lagu haystaa in uu Diinta ku dhex caayay xaflad maalintii Arbacadii ka dhaceysay hotelka Rays ee magaalada Boorama, xili uu sii baxayey, midaasi oo dhalisay in loogu baaqo in uu Diinta dib ugu soo laabto. Xigasho
-
NISA oo shaqadeeda gudaneyso
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Shaqo wacan, NISA. Look at how newly minted they are those qarax causing materials. You can bet gacmo iyo dalal shisheeye inay dalka kuu galiyeen. -
40 bastoolad iyo raggii watay oo lagu qabtay xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya Ciidamada Liyuu booliska ee dawlad degaanka Soomaalida, ayaa galabta gacanta ku dhigay hub, gaari iyo raggii wetay kuwaas uu gudaha u sii gelayey dhulka uu ka arimiyo ismaamulka Soomaalida. Hubkaan ayaa waxaa wetay oo lagu qabtay illaa seddax nin, kuwaas oo watay gaari HILUX ah, hubkaas ayaana dhamaantiis bastoolado ah. Bastooladaha lagu qabtay raggaas oo lasoo bandhigay sawirro laga soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 39 bastooladood. Seddaxda nin ee lagu eedeeyey inay wateen hubkaas ayaa laga qabtay magaalo lagu magacaabo Qaran oo u dhaw magaalada ku taalla xuduudda dowlad deegaanka iyo Somaliland ee Wajaale. TV-ga dawlad deegaanka ayaa baahiyay sawirrada gaariga iyo hubka lagu qabtay ragaas tiradooda lagu sheegay seddaxda nin, waxuuna weriyey in hubkaasi uu ahaa mid si sharci darro ah lagu gelinayey deegaanada maamulka, sharcigana lasoo taagi doono ragga ku eedeysan falkaas. Xigasho
-
Hadal jeedinta musharaxiinta doorashada Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goordhow magaaladaasi uu ka furmay kulan ay leeyihiin xildhibaanada 2aad ee baarlamaanka maamulka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya, Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaasi, iyadoona ay soo xaadireen illaa 72 Mudane. Xildhibaanada ayaa haatan dhageysanaya khudbadaha musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Illaa 9 musharrax oo afar ka mid ah ay u taagan yihiin xil ka madaxweynaha iyo shan kale oo u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa jeedinaya barnaamijkooda waxqabadka, sida uu shaaciyey guddoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug. Akhriso Magacyada Musharixiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha ayaa kala ah:- 1-Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) 2-C/raxmaan Axmed Sabriye 3-Axmed Shire Maxamed (Falagle) 4-Axmed C/laahi Samatar. Sidoo kale musharraxiinta u sharraxan xil ka madaxweyne ku xigeenka ayaa kala ah:- 1-Cali Daahir Ciid, 2-Axmed Yuusuf Warsame (Taajir), 3-Saadaq Cabdullaahi Xaashi, 4-Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey), 5-Cabdi Qani Sheekh Cali Diini. Dhinaca kale waxaa muuqata in weli go’aanka afarta musharrax ee ugu saameynta badan doorashada Galmudug uu sidiisii yahay, kuwaas oo kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed (Odowaa), Kamaal Daahir Guutaale, Cabdullaahi Faarax Wehliye iyo Cabdi Dheere Musharraxiintaan ayaa si cad uga biyo diiday inay ka qeyb galaan tartanka doorashada, iyaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya Arrintaan ayaa sidoo kale ku soo aadeysa, iyadoo ay beesha caalamka ka digtay sii socoshada khilaafkaan, waxayna ugu baaqday dhinacyada isku haya Galmudug inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado xasilooni darro siyaasadeed. Xigasho
-
Xildhibaanada Ahlu-Sunna oo lagu arkay fadhiga maanta ee baarlamanka Galmudug In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug. Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub. Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka. Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah : 1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame 2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow 3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed 4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan 5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil 6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi 7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan 8 ) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo. Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah. Xigasho
-
Onward and forward - hore ayaa loo soconaayaa
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Mareykanka iyo Somalia oo mashruuc cusub ku daah-furay Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay. Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka. Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada. Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda. Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Xigasho -
Gudiga doorashada oo soo saaray habraaca doorashada madaxweynaha Galmudug Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa ee Baarlamaanka Galmudug garabka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saaray hab raaca Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Habraaca uu guddiga Doorashada soo saaray ayaa ka kooban ilaa 5 qodob oo xasaasi ah oo qaarkood lagula dagaalamayo Xildhibaanada Ahlu Sunna ee diiday inay ka qeybgalaan Doorashada, waxayna guddiga sameysteen sharci u ogolaanayo in 3/2 Xildhibaanada Galmudug ay dooran karaan madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa. Halkaan hoose ka akrhriso qodobada hab raaca Doorashada 1 – In Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay doortaan Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug. 2 – Waa in Saddex meelood meel joogtaa Xildhibaanada Galmudug Codaynta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug 3/2. 3 – Waa in Musharixiintu u soo jeediyaan fadhiga Golaha sharcidajinta Dowlad Goboleedka Galmudug ugu yaraan 10 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug. 4 – Murashaxa kastaa waa in uu Xildhibaanada u soo gudbiyaa Musharaxnimadiisa si waa waafaqsan nidaamka Guddiga doorashooyinka Galmudug. A – codaynta Doorashada Madaxweynaha Galmudug waa qarsoodi. B – Codaynta Doorashada Madaxweynaha waa ku guulaysanay Musharixii helaa Codadka Xildhibaanada Saddex meelood Laba meel 3/2. Hadii Musharaxu ku guulaysan waayo wareega 1 aad waxaa loo gudbaa wareega 2 aad,waxaana ku tartami doona Afarta Musharax ee ugu codadka badan. Wareega Sadeexaad waxaa u gudbaya 2 Musharax ee ugu codadka badan waxaana ay ku kala guulaysan doonaan Cod haldheere ah 50+1. 5: Doorashada Madaxweynaha ku xigeenka Galmudug waxaa loo marayaa habka doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug. Xigasho
-
Odayaasha Galmudug oo soo saaray toddoba qodob oo xasaasi Odayaasha dhaqanka, gaar ahaan kuwa saxiixayaasha Galmudug oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Dhuusamareeb ayaa todobo qodob ka soo saaray doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa. Warsaxaafadeedka ka soo baxay odayaasha ayaa ugu horreyn waxaa dowladda federaalka loogu baaqay in ay taageerto xildhibaanada baarlamaanka Galmudug, islamarkaana ay ku garab istaagto dhismaha maamul mid ah. Sidoo kale ayaa odayaasha dhaqanka ayaa ka dalbaday baarlamaanka in aan dib loo dhigin waqtiga doorashada, islamarkaana la qabto waqtiga loo asteeyey. Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu faray xubnaha 20-ka ee Ahlu Sunna ugu jira baarlamaanka Galmudug inay gutaan waajibaadka loo igmaday, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkaasi. Saxiixayaasha Galmudug ayaa dhinaca kale beesha caalamka ka dalbaday inay teegeerto dhismaha loogu jiro maamul mid ah oo ay u dhan yihiin gobollada Galgaduud iyo Mudug. Ugu dambeyn waxa ay odayaashaan u soo jeediyeen musharraxiinta u taagan xil ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro doorashada.
-
Reer Qashqashaad xildhibaanadaan dhageysta.
-
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Back to the topic. Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo dhisaya urur goboleed cusub Hoggaamiyayaasha Somalia, Ethiopia, Eritrea ayaa shaaca ka qaaday inay doonayaan in la aasaaso urur goboleed cusub oo magaciisu yahay Iskaashiga Geeska Afrika (Horn of African Cooperation). Qorshahan ayaa waxaa shaaca looga qaaday war-murtiyeed laga soo saaray kulan madaxeedkii ay maanta magaalada Asmara ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Saddexda hoggaamiye ayaa ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inya kala tashtaan madaxda kale ee Geeska Afrika sidii looga miro-dhalin lahaa fikirkaasi ah dhismaha ururka cusub. Hoos ka aqriso warmurtiyeedka oo dhan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Kulanka Madaxda dalalka Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaliya Madaxda dalalka iyo dowladaha Ereteriya, Itoobiya, iyo Soomaaliya ayaa magaalada Asmara ku kulmay 27-ka Jannaayo, 2020. Saddexda hoggaamiye waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska Afrika. Saddexda hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiska Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan hirgelintooda. Saddexda hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer gobol oo wax ku ool ah. Dhanka ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan, oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha. Dhanka horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda, iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faa’idaysi siman. Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah. Waxa laga soo saaray Asmara, Ereteriya, Jannaayo 27, 2020. Xigasho -
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
This image alone itself is really the epitome of shisheeye worshipping lagu yaqaano kuwaas marqaanka dilay ee marqaansan. They do really worship any and all shisheeye all the time, whether u sacabtumi jireen gumeysigii Ingiriiska, qaarkoodna diintooda qaatay to Xabashadii hubka soo siiyey in '80s ay ilaa iyo hadda caabudaan. Heck even, DNA'gooda kuma kalsoona since claiming to be bogus Carab heritage, garacnimo iyo waxa ka keenaayo ma'ogiyee. -
Three amigos are back
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I welcome that. It is about time kuwaas afka duubtay laga bixiyo deegaanada Jubbooyinka, siiba Jilib, Jamaame, Saakoow ito Bu'aale. -
Wararkii ugu dambeeyey doorashada Galmudug iyo dib u dhac kale oo ku yimid Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa sheegaya inay weli hakad ku jiraan howlihii doorashada ee maamulkaas kadib khilaafkii soo kala dhex galay Dowladda Dhexe iyo Ahlu Sunna, oo garab ka heleyso inta badan musharixiinta u taagan xilka madaxweynimo. Waxaa dib u dhacday doorashadii la filayey inay Dhuusamareeb ka dhacdo maadaama ay diideen musharixiinta inay is diiwaan geliyaan iyagoo ka cabanayo inuu jiro musuq maasuq iyo afduub ay dowladda Federaalka ku heyso howlaha doorashada. Marka loo fiiriyo jadwalkii doorasho oo uu soo saaray guddiga doorashada garabka Dowladda Soomaaliya maanta waxaa lagu ballansanaa in la dhageysto khudbadaha Musharixiinta madaxweynaha halka berri ay tahay in la dhageysto kuwa madaxweyne ku xigeenka, balse waxaa muuqato inaysan jirin ifafaalahaas. Maamulka Ahlu Sunna oo awood ku leh Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay inaysan ku qanacsaneyn qaabka ay u socoto doorashada Galmudug maadaama ay dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay afduubatay doorashada. Ahlu Sunna ayaa dhawaan soo saartay jadwal doorasho oo ka madax banaan midda ay wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxayna ku hanjabtay inay maamul cusub dhisi doonto haddii aysan dowladda Dhexe joojin dhibaatada ay ku heyso doorashada sida uu hadalka u dhigay Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir. Dhanka kale musharaxiinta u sharaxan xilka madaxtinimo ee Galmudug ayaa horay shuruudo adag ugu xiray guddiga doorashada, taas qayb ka ahayd waxyaabaha dib u dhac ku keenay hawlaha guddiga, maadaama ay mushrixiinta Mustaqbalka dhismaha maamul Galmudug yeelato oo loo dhan yahay ayaa mugdi sii galeyso, waxaana laga yaabaa inay Galmudug yeelato 3 madaxweyne haddii aysan wax iska badalin qaabka ay hadda wax u socdaan. Xigasho
-
Meesha nabi haddii loo soo diro inaanan warkiisa la maqleynin waala ogyahay. Kheyre walaa Kheyrto qof wax ka qaban kara malaha dad hoggaan sheeganaayo haddana aanan tanaasul, samir, wada qeybsi iyo dulqaad qaamuuskooda ku jirin. Kheyre hortiisa meeqo maamul iska soo horjeedo ka jiray? Ximan iyo Xeeb, tan Gaalkacyo, tan Dhuusamareeb ee Ahlusunna iyo deegaanada kuwii afka duubnaa heystaan. Meeqo xarun kumeel gaar ah soo maray? Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb. Ilaa iyo haddana laguma heshiin xarunta dhabta ah. Waa deegaanka ugu tirakoob yar, ugu horumar liito Soomaaliya. Waxaana ugu wacan isjiid jiidka aanan micnaha lahayn.
-
Abiy Axmed Cali has been busy quashing the internal Xabashi opposition in the past year. He is free now from this, it seems and the three amigo summits are back on agenda.
-
Alla Ha Unaxariisto DAUUD ALI MASXAF
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in General
Aamiin. -
Nothing wrong with this. Turkiga has proven themselves inay Soomaaliya maalkooda, dhiigooda iyo xoogooda galiyaan without expecting anything back. Safaaradooda weyn ku taalo degmada C/casiiis haddaa aragtid safaarad la mid ah inay ku taalo Afrika ma moodi. Dhowr marna lug ayaan ku agmaray and it is safest part of Muqdisho. Ditto to Isbitaal Digfeer, a very modern hospital Soomaali kii dhaqaalo heysta iyo kii kaleba loogu adeegaayo, many of them iska bixin karin qiimaha are forgiven their debt. I have visited it many times since a relative of mine lagu qalay isbitaalka, sidaa moodaaye si ka casrisan ayaaba loo qalay. And not to mention that training military base of theirs. Markaa diyaaradda Muqdisho ka dageyso aad saarantahay one can't stop but wonder how much it costed to built and the large land it sits on.