-
Content Count
17,655 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Somalia secures debt relief- Congresswoman Ilhan Omar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
Wixii Soomaaliya hormariya waa anagoo hormarno, so the best they do is the best for Soomaaliya as well. Run haddii loo hadlo dowladda dhexe waxyaabo badan la taaban karo ayee qabatay, much better than any we had seen since 1990. -
There are dharcad undercover youths in each degmo in Xamar in the past year. The reason qaraxyada u yaraadeen is not only because of major road closures. NISA has a lot of informal agents who infiltrated a whole sections of xaafado, most of them youths in each xaafad. There are lowkey and mid range Barbaarta members being exposed each week in Xamar as a result of this. Just the other day their medical services arranger got caught.
-
Somalia secures debt relief- Congresswoman Ilhan Omar
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Che -Guevara's topic in Politics
If this passes (you never know what Dotard can do to spite her), it is a great news to hear and will forever silence those self-hating Soomaalis who used poor excuses like what she has done for Soomaaliya in order to smear her. In a situation like this, only a congresspeople could add last amendments since the bill was already sent to Congress. So it seems our sister did it. Thank you, Xildhibaan Ilhaan. -
You mean intergobol highways? We have one, though had not being rebuilt in more than 30 years.
-
Kaamirooyin aan noocooda horey loo arag oo lagu xiray jidadka Muqdisho Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada. Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga. Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn. Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho. Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas. Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, sida ay qortay Caasimada Online kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey. Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab. Xigasho
-
While I was Muqdisho recently, I used to come across freshly digged ditches across at major intersections all over Muqdisho, especially at meelihii ugu bilicsanaa dadka aad u isticmaali jiray berisamaadkii. Each time, I was told the ditches were for the installation of major surveillance cameras that will be installed in Xamar soon. Well, first phase in this major undertaking started this week. And it doesn't look bad. I welcome this in the name of security and safety. These cameras are all connected into a central surveillance system.
-
Who is Jay Bahadur? The failed Canadian journalist, the get-rich quick scheme on Soomaaliya's misery as an 'expert.' He is not alone since others like Rashiid Cabdi and the Matthew Bryden guy, another fellow Canadian so-called Soomaaliya 'expert.' Their whole careers depend Soomaaliya to remain as a 'failed country.' Their mercenery careers have been out of work in the last couple of years since Soomaaliya is improving drastically in short time. Ciil ayaa haayo and we are not fooled.
-
Another reason to support dowladda dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Not yet, but soon. -
Another reason to support dowladda dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Runtii ereyo shisheeye kuma arkin intaa ka arkay. Aad ayaan ugu helay. Xataa ereyada 'computer, modem, keyboard' iyo wixii la mid ah Afsoomaali iyagoo loo micneeye ku qornaayeen. Si tayo leh ayaa loo qoray, naxwo ahaan iyo xirfad ahaanba. -
Another reason to support dowladda dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
I don't know, Che. Perhaps la xiriir wasaaradda waxbarashada on their official Facebook page. -
Another reason to support dowladda dhexe
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
While I was in Xamar back in Siteembar and Oktoobar, I saw my nieces studying at night with these books shown on the image below. There are seven books (one, tignaloji, is not shown in the image) published by dowladda dhexe and is given for free for every elementary school student in Muqdisho and many other schools in other gobollo. It is a new unified manhaj, too, starting in this ongoing school term. I was very glad to see a unified manhaj for the country, the first since the last one in late 1990. I also read some of them, including Afsoomaali one and is very professionally done and thoroughly researched. Also, remember some countries, like Kenya, public school books are NOT provided for free. Never was and is.
-
Ninkii lagu dhaganaa waa hadlay, waana towbad keenay. Ninkaan laba mar si kadis isku aragnay in the last six months. Salaadii Ciidda u dambeysay isku meel ku wada tukanay. Bishii sagaalaad markaa Xamar u socday garoonka Nayroobi isku aragnay oo isku meel fadhinay. Calaa kuli xaal, back to the topic. CC Shakuur oo si shaacsan uga towbad keenay gefkii ka dhacay, cafisna dalbaday Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa si shaacsan ugu dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii ka dhacay, wuxuuna weydiistay cafis. “Waxaan rabaa mar kale inaan cadeeyo xadiishkiis Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaana diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenayaa,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame. Cabdiraxmaan oo sii hadlayey ayaa sheegay inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ka dhex jira iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in diinta laga sameeyay. “Waxaan markasta diidanahay oo u taagnaa doonaa iyadoo diinteenu ay xuquuqda ugu badan siisay haweenka inuu jiro dhaqan guracan oo bulshadeena ku dhex jira, fasiraad khaldan oo diinta laga sameeyey oo lagu dulminaayo xuquuqda dumarka, kaas oo aan anigu diidanahay waxaan ahay qof u taagan inuu ka hor tago oo dulmigaas ka dhiidhiyo, difaacana xuquuqda dumarka ay siisay shareecada islaamka” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cabdiraxmaan. Ugu danbeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Dhamaan doodihii ka dhashay khudbadeydii waan la socday in tooda badan tan culumada, tan siyaasiyiinta iyo tan bulshadaba, dhamaan waan cafiyey dadkaas kuwa iga soo horjeeday iyo kuwa i taageerayaba, iyagana waxaan ka dalbanayaa inay i cafiyaan, arrintu halkaas ha ku dhamaato, culumadana waxaan ugu baaqayaa inaysan la kala safan siyaasiyiinta, kuwa aan hadda siyaasada isku heyno anigaaba ku dhaama diintee haddey cid la safanayaan waxay aheyd inay aniga ila saftaan.” ( Baryo xumaa) Xigasho
-
Muuse Marqaanle muxuu wareeray. Keep doing this. Ciidamada Somaliland oo xoog kula wareegay hotel la suray calanka Soomaaliya Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in Ciidamada Somaliland ay si xoog ah kula wareegeen hotel maanta laga furayey magaaladaasi. Ciidamada ayaa markii ay xoog ku galeen hotelka xili ay socotay xaflada furitaankiisa, ayaa waxay isla markiiba dajiyeen calanka Soomaaliya oo hotelka sudhnaa iyo midka Kenya oo isaguna ku lamaana. Wararka aanu ka helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen Mulkiilayaashii hotelkaasi, oo ku sugnaa xaflada furitaanka. Waxa sidoo kale Ciidamadu xabsiga dhigeen wariyayaal ka qeyb galay xafladaasi furitaanka Hotelka oo iyagu ka qeyb ahaa soo tebinta xafladaasi, iyadoona ay goobta ka carareen dad badan oo ku sugnaa munaasibada furitaanka Hotelkaasi. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa si adag uga biyo diidanaa calanka Soomaaliya ee la sudhay hotelkan cusub, midaasi oo dhalisay in ay khal-khal galiyaan xaflada furitaanka Hotelka, isla markaana xabsiga u taxaaban mulkiilayaashiisa. Somaliland ayaa inta badan qaada talaabooyin aan loo meel dayin oo ay kaga soo horjeedo calanka buluuga ah ee Soomaaliya, iyada oo horena deeganadeeda ugu xirtay dad ku labistay dhar laga sameeyay calanka Soomaaliya. Ilaa iyo haddana ma jirro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka ee gobolka iyo xukuumadaba oo ku aadan weerarkan ay maanta ka geysteen ciidamadu hotelka cusub ee laga daahfurayey magaalada Laascaanood. Xigasho
-
-
Odeygaan xabsi guri ku jiro wali hanjabaad ayuu meesha ku haayaa. Yaab. Xasan Daahir Aweys: “Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku dhacay kufrinimo cad” Sheekh Xasan Daahir Aweys oo toos bulshada ugala hadlayey bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay arrin maalmahaan dambe ay isku hayeen qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Muuqaalka uu ka soo muuqday Xasan Daahir oo soconaya ku dhawaad 50 daqiiqo, ayuu ku sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u leeyahay aqoon dheer, waxa uu haatan ku kacayna aysan aheyn xad gudub oo kaliya, balse uu ku dhacay fal “kufri ah” “Sababtu waxay tahay in xadiis saxiix ah uu ku sheegay wax aan jirin, si kas ah ayuu u sheegay in wadaadadu ay jeebabkooda kala soo baxeen, qadkaas inuu ka cabirana waa kufri, waxaan hubaa inuu garanayo xadiiskaas oo Cabdiraxmaan waxaan u leeyahay aqoon dheer” ayuu yiri Xasan Daahir. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Midda ka sii daran waxay tahay inuu kor u qaaday gaaladii, haweenkoodii iyo manhajkoodii, isagoo dumiyey kii Nabigeenna NNKH waxuuna ku doonayaa cizo, igadaa culumadaan wax iska dhah-dhahaya, balse waxaan idiin sheegayaa qofka ku kaca falka intaan aakhiro la gaarin iyuu aduunyada ku khasaaraa”. Xasan Daahir ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku tilmaamay nin “agtiisa ay wax walba beec ka yihiin,”. “Wadanku waa beec, diintu waa beec, dadku waa beec, saas oo ay tahayna dad u sacbinaaya ayaan arkaayey waana khasaareen kuwaas, sababtuna waxay tahay waxa uu ninkaas ku jees-jeesayo inuu xadiiska Rasuulka yahay wey ogyihiin, isagaana la mid tihiine ogaada” ayuu hadalkiisa sii raaciyey. Xasan ayaa sheegay in “Cabdiraxmaan waxyaabaha nuucaas ah waligiis laga sheegi jiray, balse uu maanta ku dhiiraday inuu fagaaraha la soo istaago, isagoo sheegay hadii uusan ka toobad keenin inuu waligiis ku sejalnaa doono. “Waxaan rajeynayaa hadaad aqli leedahay anigu dadka khalfoofkaa ayaan kugu aqaanaaye oo aan shakhsiyada hoose laheyn meeshii ay dhalaan ku arkaana raacee waan ogahay in warkaas oo kale reer Galbeedka laga iibiyo waana markaan dhihi jiray tol belay seeftii ilaaheybaa galka gashan, marka meeshii Salmaan Rushdi uu maray inaa martaan rajeynaayaa” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. Xigasho
-
Ninkaan foolkiisa intee ku arki jirtay islahaa laakiin markaa arkay magaciisa then I remembered. Soomaali badan Toronto degan ayuu baxar galiyey, used to be a junior "accountant" in Toronto in mid 2000s. Soomaali badan ayuu been u xareeye canshuurcelinta (personal tax returns), filling bogus donation and charity claims. And when they received the unearned returns, certain percentage ayuu kalahaa. Dad badan ayaa audit lagu sameeye, asagana 2007 ayuu Imaaraadka u cararay after Canada Revenue Agency (CRA) came after him. Dib dambe uma soo noqon filaa.
-
Waxaa isweydiiyaa dhaqaalaha meesha uu ka keeno odeygaan. I remember his self-financed campaigning for madaxtinimada Soomaaliya from 2004, again in 2012 and again in 2017. He failed in all of them, never getting more than single digit votes after spending only Eebbe knows how much of his own. Waxaa ogahay inuu Nayroobi xaruntiisa tahay, yet one can hardly see his businesses in Nayroobi. Marka muxuu ka beecmushtaraa?
-
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
Aah, Digfeer. Maxaa masaajidkaan agtiisa iyo isbitaalkaba ku dhex luggeeye toddobaadyo ka hor. -
THE RECOVERY OF MOGADISHU IN PICTURES.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to biyo-cad's topic in General
I have walked on this road many times in last month. Sartaas dhismaha ku socoto Cali Mahdi ayaa dhisanaayo. -
Djibouti's biggest mosque, a gift from Turkey, opens
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Dahireeto's topic in Politics
Dowladda Jabuuti should have told them to design a more old-Soomaali style masaajid, like kuwa Seylac ka dhisnaan jiray or the masaajidka Cabdicasiis in Muqdisho. Tired of seeing Cismaaniya-style masaajido in Soomaaliya. -
SOOMAALI baan ahay-- Somali Commandos
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to maakhiri1's topic in Politics
This base is really huge. One can't help but notice how large it consists watching from descending airlines while landing at Garoonka Aaden Cadde. -
Muqdisho oo amni laga dareemayo
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Maxaa ka hadloysaa?