-
Content Count
17,714 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
326
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
WAR MURTIYEED KU AADAN HABRAACA (CAAFIMAAD) EE DUULIMAADKA DIBADDA XILLIGA LAGU GUDA JIRO CUDUR DILLAACA COVID19 Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo kaduulaysa go’aankii Golaha Wasiiradda XFS ee soo baxay 30 kii Luuliyo, 2020 maalintii khamiista , waxaa maalinka bari ah ee 3 da August, 2020 dib u bilaabmaya duulimaayadii dibada. Sidaa Awadeed Wasaaradda caafimaadka iyo Wasaaradaha ay shaqa wadaaga yihiin waxey diyaariyeen habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro cudur dilaaca COVID-19 si loo ilaaliyo fayo qabka bulshada loogana digtoonaado sahal u faafitaanka xanuunka COVID-19. Cudur dillaaca COVID-19 wuxuu saameyn mug leh ku yeeshay dhamaan caafimaadka, isku socodka iyo dhaqaalaha umadaha dunidda oo ay Soomaaliya kamid tahay. Hadaba, si loo ilaaliyo badqabka Musaafiriinta iyo shaqaalaha ka howlgala diyaaradaha waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqan geliyo habraacaan iyo qodobadiisa si dhameestiran. 1.Wasaarada Caafimaadka waxay adkaynaysaa in la ilaaliyo fayodhowrka guud ee goobaha safarka iyadoo la qaadanayo tilmaamaha caafimaad ee kahortaga caabuqa COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalka jeermis dile. 2.Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Mask) si loo yareeyo faaifidda caabuqa COVID-19. 3.Waa in ay dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19 kana soo qaataan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (Negative COVID-19) ka hor 72 saacadood inta aysan safrin. 4.Xogta qof walba oo dhoofaya waxaa lagu diiwaan galin doonaa hanaanka xogta shaybaarka waxaana ladhigayaa nidaam laga hubiyo xogtiisa dhamaan garoomada laga dhoofo si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha cadeynta barista COVID-19 ee uu wato qofka safraya. 5.Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha kahortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo faya qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka 6.Qof walba oo dhoofaya ama safraya waa inuu yimmado garoonka uu ka dhoofayo 3dex saacadood kahor duulimaadkiisa si u maro hubinta caafimaadka iyo amniga. 7.Waa in dadka imaanaya dalka guud ahaan ay iska soo baaraan xanuunka COVID-19 soona qaataan warqada cadaynta baarista ah oo soo baxday muddo 96 saacadood gudohood ah. 8.Musaafirka aan wadanin warqada cadaynta baaritaanka COVID-19 ee yimaado dalka waxa uu mari doonaa karantiil inta laga xaqijinayo caafimaadkiisa iyadoo lamarsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19. 9.Arimaha laxiriira kala badalka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu NV/2020/065 si ilaaliyo caafimaadka guud dalka, loona yareeyo culeyska Airport Adden Cadde International. 10.Dhamaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh arimaha hawlaha gegida diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha duulimaayada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah lagana taxadaro codurka COVID-19. 11.Wasaaradda caafimaadka waxey diyaar utahay in ay fududeeso helitaanka adeegga baarista COVID-19 iyadoo diyaarisay goobo loo asteeyay oo heesta ogolaanshiyaha sameynta barista iyo bixinta cadeymaha COVID-19 la’aan (Negative). Sida Hoos kucad . Goobaha Loo diyaariyay Baaritaanka 1 Banaadir - Muqdisho Shaybaaraka Dhexe ee Qaranka 2 Puntland - Boosaaso Shaybaaraka Boosaaso 3 Garoowe - Shaybaaraka Garoowe 4 Jubbland Kismaayo - Shaybaaraka Kismaayo 5 Balad-Xaawo - Shaybaaraka Balad-Xaawo 6 Koonfur Galbeed - Baydhabo Shaybaaraka Baydhabo 7 Hirshabeelle - Jawhar Shaybaaraka Jawhar 8 Galmudug - Dhuusamareeb Shaybaaraka Dusamareb 9 Soomaaliland - Hargeysa Shaybaaraka Hargeysa 10 Soomaaliland - Burco Shaybaaraka Burco FG: Dadka ku nool Gobalka Banaadir waxay adeegga baaritaanada ka heli karaan xarumahaan kala ah: De Martino hospital, Banaadir Hospital, UNSOS clinic iyo Chelsea clinic. 2 August 2020 -
I don't see anything wrong if universal vote takes place on these magaalooyinka aad sheegtay. They are as secure as Muqdisho, if not safer than Muqdisho. And about Banaadiriga, I think the seats will remain the same, quasi-based 4.5 but but voted by the general population. So if Banaadiriga have, for example, 10 seats now, then they will contest those ten seats. And they might get extra seats from metalaada Banaadir as well. Rabi ha u raxmado Abuukaato Raajis Maxamed Raajis iyo inta kale geeriyootay. Reerkiisa ayaa aad u naqaanay.
-
Soomaaliya airspace open once again
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Soomaaliya oo dib u fasaxeysa duullimaadyadii caalamiga ahaa Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 3-da, bisha August la furayo dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya , oo horay loo xayiray 19-kii, Maarso, ee sanadkan 2020-ka. Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulimaadka hawada dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradihii dibadda ee la joojiyay uu waddanka ku yeeshay saameyn xooggan oo dhaqaale. Xanibaadda duulimaadyada Soomaaliya ayaa la xiriirtay xakameynta xanuunka Covid-19. Warka wasaaradda kasoo baxay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in meel kamid ah garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho loo diyaariyay, hubinta dadka waddanka kusoo laabanaya si looga taxadaro in bukaanno sida Coronavirus ay si fudud u gudbaan. Duullimaadyada caalamiga ah ee soo gaara dalka iyo kuwa ka dhoofa ayaa waxay Soomaaliya u yihiin il dhaqaale oo xooggan , balse dhowr bilood hakad ku jirtay. -
I thought the baxnaano project was for IDP barakacayaasha
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to cadnaan1's topic in Politics
Koonfur Galbeed Oo Ka Hadashay Fulinta Barnaamijka Baxnaano Ee Dowladda Kullan la xiriira heerka howlgalka Barnaamijka Baxnaano ee Dowladda Soomaaliya ay ku taageerrayso Bulshada nugul iyo saameynta uu Ayaxa u geystay qoysaska Koonfurgalbeed ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyadda Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo,ka dib markii halkaas uu gaaray wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa. Kullanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfur galbeed, Madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo. “Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfur galbeed. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay Barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada. “Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfur galbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay Barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta Bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano. Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa bishii April ka daahfuray Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya. -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
-
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
Ceelbarde, Bakool: -
Somalia PM Mahdi opens Covid-19 patients treatment centre.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Saalax's topic in Politics
Saalax, adeerka tolka waaye yaah? Xamar iska xaadari yaaqeey, sida kii wariyihii Bakeyle la dhahaaye isla markiiba ra'iisul wasaaraha geeskiisa taagan. Xariifka dhanka bidix sawirka socdo ka hadlaayaa. -
Ma wacdin jiray? Intuu ka wacdiyaa, London? Wadaadoow xaal qaado. C/qaadir Nadaara waa lagu yaqaanaa howshaas. I can't believe I used to advocate his release 13 years ago on here SOL. Soomaali badan ayaa aaminsan in 'beesha caalamka' la'aantood inuunan dalka shaqeyn karin. Sodon sano qalalaaso lagu jiray ayaa keeneyso kalsooni la'aantaan.
-
Wariye C/qaadir Nadaara as usual isku dir ayuu wadaa as he used to do on Universaltv.
-
Ra'iisul wasaare Kheyre was a hands-on prime minister, waana loo baahnaa qof saas ah. Wasiradda qaarkood, siiba kuwa asaga uunan keensan ma jecleen saas. I hope he stays in Muqdisho, starts his own urur siyaasadeed and starts campaigning right away. A lot of cross-section Soomaalis are supporting him right now.
-
Daadka Afgooye iyo Shabeellada Hoose
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Daadka Afgooye iyo Shabeellada Hoose
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
-
Useless opposition party complaints
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Openly ra'iisul wasaare la isku sharxaayo waa ii koow. Lobbying behind the scenes la isku ogaa, ninkaan Cosoble maalin caddeey isa soo xaadiriyey. This also tells one he was not real mucaarad but daneyste as all of them are. _________________ Xubin ka tirsan Madasha Xisbiyada oo si lama filaan ah isugu sharxay R/Wasaare Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid xubnaha mucaaradka, islamarkaana ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku soo taagay xilka ra’iisul wasaarenimo, kadib markii la riday xukuumaddii Xasan Cali Khayre. Cosoble oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga Ilays ayaa haatan bilaabay olole xoogan oo uu ugu jiro, sidii loogu magacaabi lahaa xil-ka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu duubabka dhaqanka Beesha Mudulood u soo bandhigay damaca uga jiro kursigaasi, si ay ula raadiyaan. Go’aanka Cabdqaadir Cosoble oo mucaarad weyn ku ahaa madaxda dowladda ayaa dad badan lama filaan ku noqday, balse lama sida ay ugu dhalatay arrintan, maadaama saaxibadiisa ay si weyn uga soo horjeedaan dowladda federaalka iyo muddo kororsi. Mr. Cosoble oo haatan ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa horey isugu soo sharraxay xil-ka madaxweynaha Soomaaliya 2017-kii, gaar ahaan doorashadii uu ku soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Tan markii Sabtidii xilka laga tuuray Xasan Cali Khayre, Soomaaliya ayaa gashay is-bedal siyaasadeed, iyada oo ay beesha caalamka dhankeeda soo saartay digniino culus. Si kastaba ha’ahaatee Madaxweyne Farmaajo ayaa wada wada-tashadii ugu dambeeyey ee magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub oo hada saadaalino kala duwan laga bixinayo. Xigasho -
Guys, why aren't we talking about the Coronavirus?
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Holac's topic in Politics
28 July 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 16 > Somaliland: 6 > Jubbaland: 4 > Banaadir: 6 > Male: 11 > Female: 5 > Recovery: 19 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 3,212 Total recoveries: 1,562 Total deaths: 93 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia -
The rise of black militia in America.
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to galbeedi's topic in Politics
War Che, die-hard leftist ayaa ku moodee and against all forms of civilians bearing arms in U.S. How much is an AR-15 in Mareykanka? Waagii dowladda burburtay 1991 ayaa Xamar ku arki jiray M-16, ciyaalkeena waagaas xataa heeso u sameynay sida Em-sigistiin dhaawac maleh, saar sideedan sidaasoo kale. Waxaa ciyaalkeena aaminsaneyn qofkuu M-16 ku dhaco in the upper torso inuu dhimanaayo oo xabadiisa sun tahay. -
Mursaloow labadaan hoos ka muuqdo maa aamini doontaa? __________________ Maxaa looga hadlay kulankii ay Mursal iyo Muudey la yeesheen Xasan iyo Shariif? Xarunta Madasha Xisbiyadda Qaran ee Muqdisho waxaa caawa kulan ku yeeshay madaxweynayaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh ugu tegay xaruntooda Madasha. Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah golaha shacabka, sidoo kalena ka tirsan Madasha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Mursal iyo Muudey ay madaxweynayaasha ugu tageen la tashi. “Gudoonka Golaha Shacabka oo soo booqday guddoonka Madasha Xisbiyada Qaran, labada dhinac ayaa iska xog-wareystay xaaladaha siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay inay iskooda u soo booqdeen guddoonka Madasha oo aaney cidna Ergo ka ahayd, waxayna dhageysteen aragtida iyo go’aanada Madasha ee ku aadan doorashooyinka 2020/2021” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Idiris. Inka badan laba jeer ayey guddoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudey xaruntooda ugu tageen madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ah hoggaanka Madasha, waxayna mar kasta kala hadlayeen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo khilaafka siyaasadeed ee dalka. Kulankaan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Sabtidii lasoo dhaafay uu guddoomiyaha golaha shacabku ku dhawaaqay in xildhibaanadu ay kalsoonidii kala noqdeen Ra’iisul wasaarihii dalka iyo xukuumadiisa. Taas oo jaho murugsan u weecisay siyaasadii ciir-ciireysay ee Soomaaliya. Xigasho
-
Of course, madaxweyne Farmaajo does not have 170+ xildhibaanno that personally support him in baarlamaanka dhexe. Badankooda waa daneystiyaal isaruursaday oo ra'iisul wasaaraha cadow u arkay. The remaining who numbered more than 100 xildhibaanno badankooda ra'iisul wasaaraha la safnaayeen and many of them were away from Muqdisho, with him in Galgaduud. Xasan Sheekh wax badso wax beel ayuu heli doonaa.
-
Who gives a hoot what do you trust.
-
From 'unukaa leh' to 'unu isku le'
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Reer 'anaa iska leh hee' waa imaadeen iyagana: Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada. Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir. War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah. Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali. Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir. Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta. Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho. Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Xigasho -
Mahadsanid ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Qaar ka mid ah khudbadihii ugu hadal haynta badnaa ee Xasan Cali Kheyre Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa uu caan ku ahaa khubado soo jiidsasho leh oo inta badan hadal hayn ka noqday baraha ay bulshada ku wada xiriirto, isagoo si gaar ah khudbadhiisa ugu isticmali jiray inuu dhallinyarada kula hadlo. Waxaa la sheegay in xasan Cali Kheyre uu wakhti badan gelin jiray diyaarinta khudbadihiisa marka uu la hadlaya shacabka gaar ahaan dhallinyarada. Kheyre ayaa noqday mid ka mid ah shaqsiyada loogu mutaabacayn badanyahay madaxda Soomaalida, iyada oo aad loogu fiirsado, lagana falceliyo waxyaabaha uu fagaarayaasha kusoo bandhigo haddii ay ahaan lahayd qaabka uu hadalada u jeediyo, labiskiisa, iyo ficiladiisa kale. Waxaase iyana dhanka kale jirtey dood ah in khayre uu mararka qaar soo min guuriyay khudbado ay jeediyeen madax kale oo dunida ah sida Obama. Waxaana dhawr jeer baraha bulshada isbarbardhiga hadal uu jeediyey oo meel kale ka jeedinayo siyaasi kale. Taas oo ahayd eedaha waaweyn ee loo hayey. Waxaa tusaale loosoo qaatay in uu minguuriyay hadalo ay jeediyeen madaxweynayaashii hore ee John F. Kennedy iyo madax kale. Waxaa aad baraha bulshada loogu faafiyay muuqaal isbarbardhig ku samaynaya hadalkii caan baxay ee Kennedy uu jeediyay ee ahaa "Ha is weeydiin waxa ay dowladda Maraykanka kuu qaban karto, ee isweeydii waxa aad u qaban karto dowladda Maraykanka". Kheyre ayaa xigashadan ka sheegay socdaal uu ku marayo gobolada dhexe. "Markaan fiiriyay, hadalkiisana gudaha usii galay ma ahan wax isaga kasoo maaxday, waxaanan fahmay in hadalkiisa uu yahay minguuris" ayuu yiri Cabdisitaar Xasan Cali, oo aqoon u leh arrimaha baraha bulshada. Balse, dadka taageero Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ay adag tahay in la is barbar-dhigo maadaamma qeyb yar oo ka mid ah khudbadda Kheyre, ay in yar isaga egyihiin khudbadda caanka ahayd ee uu jeediyay madaxweynihii hore ee Maraykanka. Waxaan halkan idin kula wadaageynaa qaar ka mid ah khubadihii Xassan Cali Kheyre ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu jeediyay. Dalka inaan dhibaateyn Xassan oo jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Qadar uga warbixinayay waxa ay xukumadisu kaga ka duwan tahay kuwii ka horeeyay ayaa yiri: "Aniga iyo madaxweynaha waxaan isla garanay ka hor inta aanan dalka wax u qaban inaan dalka dhibaateynin, taasi waxa uu micneheedu yahay inaan aniga iyo madaxweynaha jeexano siyaasad ah inaan aniga iyo isaga ka madax-bannaanahay musuq-maasuqa, ka madax-bannaanay qabyaaladda iyo nin jecelaysiga, ka madax-bannaahay in shisheeye na iibsan karaan, noona sheegi karaan go'aanka aan dalkeena u gaareyno, ka madax-banaanahay in milyan ama labo ama saddex ama boqolaal milyan nalaku doorsiin karo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dhalin-yarada soo koraya." Xassan Cali Kheyre oo u muuqday in uu u jawaabayo dadka siyaasadda kaga soo horjeeda ayaa isla khudbadaasi ka yiri "waxaan idin ballan qaadayaa inta aan xukunka joogno inaannaan yeeli doonin in nala cabsiiyo oo dariiqa saxda ah nalaga leexiyo, in nala yiraahdo nala shaqaysta ama waan idinka ridaynaa xukunka, inta aan madaxda nahay, anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan madaxweynaha, sharafta aan raadinayno kama raadinayno qabqableyaal, waxaan ka raadineynaa shacabka Soomaaliyeed." Ammaanta magaalooyinka Somaaliya Xassan Cali kheyre waxaa booqasho ku tagay maagaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaalla, waxa ayna khudbadahaasi caan ku yihiin salaanta iyo hordhaca. Waxa uu magaalo-kasto ku ammaanayay kheyraadka gaarka ah ay u leedaaday iyo waxa ay ku wanaagsan tahay. Beydhabo Dabyaaqadii sanadii 2019-kii ayuu Xasan Cali Kheyre socdaal ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa uu khubadiisa ku bilaabay salaanta afka mayga "reer Baydhabo janaay, siin salaami, Nabadaa, Hergelaa bariidaa, sida suurada leh ha iin dhawaayteen, reer Baydhabo Janaay siin hilaawi Isin hilaawteena, reer Koonfur galbeel inii iswaraysana inkooyi" Khudbadda Reysal wazaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa aad u dheereyd sagoo meel fagaaro ah kula hadlayey shacabka Koonfur Galbeed. Khudbaddii Macsalaameynta: Tii ugu saameynta badanayn Khudbadaha kale ee saamaynta leh waxaa ka mid ah khudbaddii uu jeediyey habeenkii u danbaysay ee uu Khayre banneeyey xilka wasiirka koobaad ee dalka. Waxay ahayd khudbad aad loo sugayey maadama maalintaa gelinkeedii hore ay baarlamaanka Soomaaliya kalsoonidii kala noqdeen isaga iyo xukuumaddiisaba, arrintaas oo madmadow badan abuurtay. Raysalwasaare Khayre oo marka xilka laga qaadayey ku maqnaa Dhuusamarreeb ayaa ka soo duulay galabnimadii, waxana uu xilli danbe habeennimadii jeediyey khudbadiisii u danbeeysey ee macasalaamaynta. Waxaana lagu xasuustaa kalmadihii hadalhaynta badan ee dhinaca baraha bulshada abuurtay ee ahayd: 'anigoo og' isagaa Khayre khudbaddiisa dhowrjeer kusoo celceliyey ereygaas. Habeenkaas oo inkastoo Baarlamaanka sheegeen inay xilkii ka qaadeen, isagu dhankiisa waxa uu sheegay in uu is casilay. Hadalladiisa waxaa ka mid ahaa "Anigoo og in wixii maanta ka dhacay baarlamaanka iney sharci darro ahaayeen, aan loo marin hab-raacii saxda ahaa xil-kaqaadis xukuumadeed." "Anigoo og inaanay ku jirin agendaha, anigoo og inaan laga doodin, anigoo og inaan loo codeyn, anigoo og inaanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, hadana waxaan go'aansaday in umadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan umadda Soomaaliyeed u hayay aigoo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban bur-bur iyo dhibaato si aan ugu turo shacba Soomaaliyeed, qeybna aan uga noqon khal-khal iyo dib u dhac siyaasadeed oo dalka ku dhaca mid dhaqaale, mid amni iyo mid bulshaba ayaan sida umada soomaaliyeed igu baratay waxaan u noqonayaa tusaale inaanan marna halkan xukun u joogin xukun ee aan u joogay inaan shacabka soomaaliyeed u adeego." Khudbaddaas oo markii muuqaalkeedii lagu soo baahiyey bogga baraha bulshada ee Xasan Cali Khayre ayaa kumanan kun oo qof ay taageera u muujiyeen. Hadal jeedinta waa mid ka mid ah xirfadaha ugu waaweyn ee madaxda u horseedi kara in ay kasbadaan kalsoonida shacabka, islamarkaasna uga dhaadhiciyaan hadba waxa ay doonayaan, oo ay ka mid tahay in la doorto. Waa xirfad jaamacadaha iyo mac-hadyada lagu barto, buugaag badane laga qorey, sidaasi darteedna la yaab ma leh in madax badan oo waqtigan casriga ah jooga ay ku wanaagsanyihiin jeedinta khudbadaha marka ay taaganyihiin fagaarayaasha ay dadka badan isugu yimaadaan. BBC Soomaali
