Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Moderator
  • Content Count

    17,651
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    324

Everything posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

  1. Republican cons will pull what Reagan and his goons did in California on late '60s after they saw the rise of Black Panther self-defence militia.
  2. Turkiga abaal weyn ayee naga mudanyihiin. Waxaa rajeynaayaa kheyraadka dalkeena soo saaro inaa u iib geyno, siiba dhirta qudaarta.
  3. Maxaa ka jira in Internet-ka Soomaaliya loo jaray arrimo siyaasadeed dartood? Wasiirka wasaaradda boostada, isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyada ee xukuumadda Soomaaliya, Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa faah-faahin ka bixiyey adeega Internet-ka oo shalay gabi ahaan ka go’an magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wasiirka ayaa beeniyey in dowladda Soomaaliya ay Internet-ka u jartay arrimo siyaasadeed, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya arrintaasi. Wasiir Canshuur ayaa carabka ku dhuftay in cilad aan la fileyn ay ku timid fiilada Fiber Optic ee soo dhexmarta badda hoosteeda. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan lagu howlan yahay in la ogaado ciladaasi iyo meesha ay ka dhacday, si loo farsameeyo. “Waxaa si cad u sheegayaa waxa dhacay waa cilad farsamo, laakiin ma’ahan cilad siyaasadeed iyo howlo kale.”ayuu yiri wasiirka boostada Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliyeed aysan dhibaato ku aheyn shacabkeeda, islamarkaana loo baahan yahay in aan la’iska eedeyn. “Tecnolojiyada, aqoonta iyo waxyaabaha dhaqaalaha saameynaayo, marna dowladda ma siyaasadeyso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka. Adeegga Internet-ka oo ay inta badan ku xiran yihiin dadka Soomaaliyeed ayaa maqnaashiyihiisa wuxuu saameeyey koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale jira khasaare badan oo ka dhashay, walow aan la shaacin karin inta uu la’egyahay. Xigasho _______________ Waa cilad farsamo.
  4. Many of us are agreeing this ambassador. Anyway, I welcome this speech of ra'iisul wasaare Kheyre, dalkana u turay. I hope to see him asagoo madaxweyne qaran ah in the immediate future. Waa qof karti leh oo howl adag.
  5. Shan waxyaabood oo lagu xusuusan doono xukuumadii R/W Xasan Cali Kheyre Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khudbaddii uu ka jeediyay Muqdisho waxa uu ku sheegay in xukuumadda uu madaxda ka ahaa ay ku guulaysatay arimo muhiim u ah siyaasadda dalka. Xasan Cali Kheyre ayaa nodqay ra’iisal wasaarihii ugu mudada dheeraa ee Soomaaliya soo maray burburkii kadib, isagoo xilka hayay ku dhawaad saddex sano iyo bar ama 1247 maalmood. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod uu Sabtidii u qaaday xukuumadda Kheyre kalsoonida kala laabtay. “Golaha markuu arkay barnaamijka xukuumadda ee in dalka ay gaarsiin doonto doorasho qof iyo cod ah, sannadka 2020-ka oo ku saleysan dimuquraadiyad iyo rabitaanka shacabka. Wuxuu (golaha) arkay in xukuumadda ay ku fashilantay ballanqaadkii ahaa diyaarinta hannaan iyo qorshe cad oo lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah”, ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Haddaba maxaa u qabsoomay Kheyre intii uu xilka hayay, maxaa se lagu xasuusan doonaa? Waxaan halkan ku soo koobnay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa lagu eedeynayo in xukumaddiisu ay ka gaabisay. Deyn cafinta Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisii ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay nidaamka maaliyadda Soomaaliya oo ay “soo celisay kalsoonidii uu caalamka ku qabay hay’adaha dhaqaalaha dalka, taasoo saamaxday in Soomaaliya laga cafiyo deyn lagu lahaa muddo dheer.” Waxa uu sheegay in arintaasi ay xukuumaddiisii gelisay dedaal iyo waqti badan. Inkastoo aan weli Soomaaliya si rasmi ah looga cafin deynta lagu qiyaasay inay ka badan tahay 5 bilyan oo dollar, ayaa Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF bishii March ee sanadkan waxa ay sheegtay in dalku gaaray marxaladda ugu dambeysa ee hannaanka deyn cafinta ee loo sameeyo wadamada faqriga ah. Arintaasi ayaa horseeday in Soomaaliya ay soo ceshato xiriirkii ay la lahayd hay’adaha maaliyadda caalamiga ah, taasoo horseedi karta hormarinta dhaqaalaha dalka iyo in malaayiin qof laga saaro saboolnimada ay ku nool yihiin. Dib u dhiska ciidamada Xukuumaddii Kheyre ayaa bilowday hannaan diiwaangelin rasmi ah loogu sameynayo ciidanka Soomaaliya, si loo ogaado tiradooda saxda ah iyo tayadooda. Waxaa sidoo kale jirtay in dowladda Soomaaliya ay si muuqata ugu tiirsanaatay ciidamo boqolaal ah oo ku tababartay xerada Turkiga uu ka dhisay Muqdisho ee TurkiSom. “[Hawlaha aan qabanay] waxaa kamid ahaa inaan dib u habeyn ballaaran oo dhaxalgal ah ku sameyno ciidamada qaranka oo maanta soo gaaray meel ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan amniga guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Sidaa oo ay tahayna, xukuumaddii Kheyre ayaa waxaa lagu dhaliilay inay ciidamadaasi qaarkood u adeegsatay qaab siyaasadeed. Horraantii bishii March 2019, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ayaa magaalada Beled Xaawo kula dagaallamay ciidanka Jubbaland oo uu hoggaaminayay wasiirka amniga maamulkaas Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan). Maraykanka ayaa dhaliilay ciidamadaasi ay dowladda geysay gobolka Gedo, waxaana uu ku tilmaamay kuwo laga weeciyay qorshihii sugidda amniga dalka iyo la dagaallanka Al-Shabaab. La dagaalanka musuq maasuqa Kheyre ayaa khubaddiisii “iscasilaadda” ku sheegay in xukuumadda uu hogaaminayay ay waxbadan ka qabatay la dagaallanka musuq maasuqa Soomaaliya. Inkastoo ay jireen agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowladda oo loo xiray musuq maasuq, haddana ma jirin cid inta maxkamad loo soo taagay lagu riday xukun ku aaddan wax isdaba marin dhaqaale. Cabdirashid Axmed oo ahaa lataliyaha Kheyre ee dowlad wanaaga iyo isbedallada laga sameynayo dalka ayaa BBC-da u sheegay in waxbadan oo khaldan ay ka dhaceen intiii uu xafiiskaasi joogay. “Soomaaliya waa waddan shaqooyinka la qabto oo dhan ay maalgeliso beesha caalamka. Xafiiska ra’iisal wasaaraha waxa uu sameeyay hannaan mashaaciida dalka oo looga wareejiyo wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada oo la isugu keeno xafiiskaasi, si loo kontoroolo dhammaan qandaraasyada, dhaqaalaha iyo tirada shaqaalaha ku lugta leh,”ayuu yiri yiri Cabdirashiid. Sida ay shaacisay hay’adda caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ee Transparency International, Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 noqotay dalka ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana ay gashay kaalinta ugu hooseysa ee 180/180. Sii aqriso
  6. I personally think what guddoomiyaha baarlamaanka pulled the other day was illegal. No question about that. And it was of course supported by many - with different political views - who u ciil qabay ra'iisul wasaaraha, who himself and his core supporting xildhibaanno were out of Muqdisho. I think guddoomiye Maxamed Sheekh C/raxmaan Mursal was incensed by not being invited to shirka Dhuusamareeb. He was also infuriated by in baarlamaanka dhexe la dhinac maro and many of the resolutions it passed discarded.
  7. Who is this odeygaan wareersan again? Nin wareersan u egyahay, then again iyaga dhan wada wareersan, from Waraabe to Muuse Muqayil.
  8. And finally thank you for your honourable concession speech of accepting baarlamaan dhexe' hasty, illegal removal of your premiership:
  9. If good men of madaxweyne Aaden Cabdulle Cismaan iyo ra'iisul wasaara C/rashiid Cali Sharmaarke isgaranwaa siyaasadeed ku kala tageen in 1964 at the nascent of jamhuuriyadda Soomaaliya, anything is possible in siyaasadda Soomaaliya. So, it is no surprise madaxweyne Farmaajo iyo ra'iisul Kheyre isfahan la'aan ku kala tagaan as well. I just want to say aad iyo aad ayuu u mahadsanyahay ra'iisul Xasan Cali Kheyre. Mahadsanid for you reforms, for your government's transparency, for appointing capable, seasoned ministers (C/raxmaan Beyle and Fowsiya Abiikar to name a few). Thank you for your tireless efforts of getting deenta Soomaaliya lagu leeyahay laga cafiyo. Thank you for transforming the Soomaaliya's military into a capable one and registering each soldier to receive direct deposit for their wages - no middle men to siphon. Soomaaliya that was Febraayo, 2017 is not the same Soomaaliya that is Luulyo, 2020. Thank you for the least for modernizing the office of the prime minister itself, transitioning it from this: To this: From making prime minister's office itself from this: To this: I cannot list on here all your achievements, but real patriot Soomaalis will not forget you and I personally hope to call you my president sooner.
  10. Saamileyda reer Somaliland ee Astaan Cable oo ka hadlay xariga maamulaha guud Cabdimanan Yuusuf Gudoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable ayaa cambaareeyay xariga loo geystay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah maamulka guud ee shirkada Astaan bartamahii bishaan. HALKAAN KA AKHRISO BAYAANKA SHIRKADDA ASTAAN: Anigoo ah Axmed Maxamed Jaamac, Guddoomiyaha Board-ka Astaan Cable, ahna wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Shirkadda Astaan Cable waxaan cambaareynayaa xarigga lagula kacay Cabdimannan Yuusuf Maxamed oo ah Maamulka Guud ee Shirkadda Astaan, oo 17-kii bishan July lagu xidhay magaalada Hargeysa, iyadoo aan loo soo marin sifo sharci ah, isla markaana loo oggolaan qareen iyo ehelkiisu inay booqdaan. Xarigga Cabdimannaan maalmo ka hor waxaa si sharci-darro ah culeys loogu saaray in la iga wareejiyo saamigii aan ku qornaa shirkadda Astaan Cable ee aan wakiilka uga ahaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah anigoo haatan dalka ka maqan, kuna sugan dalka India si looga dhigo in shirkadda Astaan Cable 100% laga leeyahay Koonfurta Soomaaliya, ka dibna qiil loogu sameeyo sidii loo dhici lahaa hantideeda, taas oo ah wax ka baxsan sharciga, kana hor imaaneysa maalgashiga dadka u dhashay Somaliland, isla markaana saameyn xun ku yeelan doonto ganacsatada reer Somaliland ee maalgashiga ku sameeya koonfurta Soomaaliya. Fekerka Astaan Cable in Hargeysa laga hirgeliyo aniga ayuu igu dhashay, waxaana ula tagay Shirkadda Astaan, waxaana ku guuleystay inaan saami xooggan ka soo ururiyo ganacsato badan oo reer Somaliland ah, sidoo kalena soo helo rukhsaddii ay shirkaddu ku hawlgaleysay. Waxaana ku shirkownay aqoonta farsamo iyo waaya-aragnimada Astaan ee ay u leeyihiin adeeggan iyo hantidii reer Somaliland iyo aqoontii aan u lahayn warbaahinta Somaliland. Isku-biirinta hantida reer Somailand iyo aqoonta farsamo ee Astaan waxaa ka dhashay Shirkadda Astaan Cable, waxayna gaadhay guulo waaweyn oo ay sabab u ahaayeen hal-abuur cusub. Shirkadda Astaan Cable waxay magaalada Hargeysa ka shaqaaleysiiyay in ka badan 120 shaqaale joogto ah oo reer Somaliland ah oo ka shaqeeya qeybaha kala duwan ee shirkadda. Waxaan fursado dhaqaale u abuurnay ganacsiyada yaryarka ah ee qalabkeena ku sii iibiya gudaha caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo boqol ku dhow. Waxaan soo nooleynay fankii hore oo sii duugoobayay, inagoo fursado dhaqaale u abuurnay fannaaniinta iyo kooxaha miyuusigga. Waxaan xiiso u yeelnay isboortiga Somaliland, gaar ahaan horyaallada. Waxaa nasiib darro ah in markii shirkaddu ku guuleysatay oo hanatay dareenka macaamiisha Somaliland in la soo maleegay qorshe la doonayo in lagula wareego, loogana dhigo inay tahay shirkad aan laga lahayn Somaliland oo xoolaheedu xalaal yihiin, waxaana arrintani gadaal ka riixaya dad doonaya inay sameeyaan adeeg noocan oo kale ah oo horay isugu dayay inay saami xoog ah naga qaataan. Astaan Cable maanta waxay mudneyn in billad Sharaf lagu siiyo waxyaabaha ay soo kordhisay Somaliland ee ma mudneyn in lagu dhibaateeyo hal-abuurka ay soo kordhiyeen iyadoo loo adeegsanayo awood dawladeed. Ganacsatada kale ee hore suuqa hore ugu jidhay ama kuwa cusub ee haatan qalabka rakibanayo ee doonaya inay suuqan soo galaan waxaan ku soo dhoweyneynaa gacmo furan, waxaana ku boorrineynaa inay suuqa ku soo galaan tartan nadiif ah, balse aysan ku soo gabban awoodda dawladeed. Waxaan ka codsanayaa inta samaha jecel inay noo hiiliyaan, isla markaana muujiyaan in Somaliland la wada leeyahay. Waxaan rajeynayaa in sharcigu guuleysan doono. Axmed Maxamed Jaamac Guddoomiyaha Board-ka, ahna Wakiilka inta badan Saamileyda Somaliland ee Astaan Cable. ________________ Dowladda dhexe can do something by withholding the funds to Muuse Muqayil's regime.
  11. I know this creature boosaneerada ku nool for more than 17 years on here SOL. This creature's other name was banned before after breaking site's rules. It always wanted, begged me to address and I had never given that satisfaction because as I said cagteyda hoose ayee ka hooseysaa this creature.
  12. DF oo shaacisay go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee Dhuusamareeb Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday go’aan lama filaan ah oo la xiriira ka qeyb-galayaasha shirka xiga ee la filayo in saddex toddobaad kadib uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dowladda qorsheyneyso in shirkaas ay ka qeyb-galaan xubnaha mucaaradka dowladda ee kala hoggaamiya xisbiyada dalka ka jira. Maareeye ayaa sheegay in shirkii dhowaan lagu soo geba-gebeeyey Dhuusamareeb ay dhinacyadii ka qeyb galay ee madaxda dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ay ahaayeen dad ka wada tirsan dowladda balse ay meesha ka maqnaayeen kaalintii Xisbiyada dalka, oo muhiim u ah siyaasadda dalka. Waxaa uu sheegay inay waajib aheyd Madaxda Xisbiyada inay dowladda Federaalka kala doodaan arrimaha doorashooyinka dalka, balse taasi aysan dhicin, waxaana uu si cad u sheegay in shirka soo socda ay ka qeyb-geli doonaan. Wasiir Maareeye oo ka qeybgalay barnaamij ka baxayay Warbaahinta Dowladda ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in dhinacyada saamileyda siyaasadeed ee dalka ay ka wada hadlaan doorashooyinka, islamarkaana dowladda Somaaliya ay qorsheyneyso in xisbiyada mucaaradka ay ka qeyb-geliyaan shirka la filayo in uu 15-ka Bisha Agaust ka dhaco magaalada Dhuusamareeb. Hadalka Maareeye ayaa imanaya xilli ay isbedello ay ku yimaadeen aragtidii Villa Somalia ee doorashooyinka dalka. Horey ayaa madaxweyne Farmaajo u diidanaa inuu maamul goboleedyada kala hadlo doorashada, isaga oo ku doodi jiray inay matalaan xildhibaanadooda, taasi oo ugu dambeyn uu ka tanaasulay kadib markii uuu ka qeyb-galay shirka Dhuusamareeb. Beesha Caalamka ayaa marar badan ku celisay in dowladda ay doorashooyinka kala tashato dowlad goboleedyada iyo mucaaradka, waxaana hadda muuqata in ugu dambeyn ay dowladda qaadatay taladaas. Shirka 15-ka August ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo nooca doorasho ee dalka uu qaadanayo, ayada oo ay kasoo shaqeyn doonaan guddi dhowaan la dhisayo oo ka kooban dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe. Share this:
  13. Rabi ha u raxmado iyada iyo Hodan Naaleeye. Naftooda ayee u hureen dalkooda horumarkiisa.
  14. Don't give a little attention to the sewage-dwelling vermin who craves all attention since marfish laga xiray. This creature loves all attention all the time like a lost puppy. And unlike dadka is-huba oo guri edeb lagu soo barbaariyey, this boosaneero creature eey waxba ma dhaamo. In fact, I am insults eeyo to call this creature one. This creature will always be under cagteyda hoose.
  15. 23 July 2020: Update on COVID-19 in Somalia. > New cases confirmed today: 10 > Somaliland: 10 > Male: 8 > Female: 2 > Recovery: 4 > Death: 0 ------------------------------------ Total confirmed cases: 3,171 Total recoveries: 1,499 Total deaths: 93 For more information, please visit: Website: www.moh.gov.so Dashboard: www.moh.gov.so/en/covid19 WhatsApp: bit.ly/MoHSomalia
  16. Muuse Muqayil waa tuug muqayil ah oo bilaa xishood ah. Maalin uu islaan dhul ka dhaco, mar uu agoomo dhul ka boobo, mar... A classic case of drug addict awood yar helay. Wuu ogyahay meesha la iskaga daba imaanaayo marka ka gaarsii waaye.
  17. Khilaafkii u dhexeeyey dowlada dhexe iy maamul goboleedyada oo la xaliyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaaray khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Somalia. Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo. Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in dadaal badan oo la sameeyey kadib meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka. Deni ayaa intaasi ku daray in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala warrami jiray, balse ay haatan dhammaatay, islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan labada dhinac. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la joogo xilligii Midnimada,loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee Ummadda Soomaaliyeed.
  18. Ethiopia, Egypt, Sudan reach 'major common understanding' on dam Satellite images show water levels rising in reservoir of the nearly completed $4.6bn Grand Ethiopian Renaissance Dam. Ethiopia's prime minister said on Tuesday his country, Egypt, and Sudan reached a "major common understanding which paves the way for a breakthrough agreement" on a significant dam project that has led to sharp regional tensions and fears of military confrontation. Egypt and Sudan view the dam as a serious threat to vital water supplies, while Ethiopia considers it essential for its electrification and development. The statement by Abiy Ahmed's office came as new satellite images show the water level in the reservoir behind the nearly completed $4.6bn Grand Ethiopian Renaissance Dam is at its highest in at least four years. Last week Ethiopia acknowledged that water was gathering in the dam's reservoir, though officials said this was a "natural" part of the construction process. Ethiopia has said the rising water is from heavy rains, and the statement said, "it has become evident over the past two weeks in the rainy season that the [dam's] first-year filling is achieved and the dam under construction is already overtopping." Ethiopia had said it would begin filling the reservoir of the dam, Africa's largest, this month even without a deal as the rainy season floods the Blue Nile. But the new statement said the three countries' leaders have agreed to pursue "further technical discussions on the filling ... and proceed to a comprehensive agreement". The statement did not give details on Tuesday's discussions, mediated by current African Union chair and South African President Cyril Ramaphosa, or what had been agreed upon. But the talks among the country's leaders showed the critical importance placed on finding a way to resolve tensions over the storied Nile River, a lifeline for all involved. Ethiopia says the colossal dam offers a critical opportunity to pull millions of its nearly 110 million citizens out of poverty and become a major power exporter. Downstream Egypt, which depends on the Nile to supply its farmers and booming population of 100 million with fresh water, asserts it poses an existential threat. Egyptian President Abdel Fattah el-Sisi stressed Egypt's "sincere will to continue to achieve progress over the disputed issues", a spokesman's statement said. It said the leaders agreed to "give priority to developing a binding legal commitment regarding the basis for filling and operating the dam". Sudanese Irrigation Minister Yasser Abbas told reporters in the capital, Khartoum, the three leaders "agreed to continue their negotiations to overcome the sticking points." Continue to read
  19. Some Soomaalis prematurely would have preferred if dowladda dhexe sided with Masar. Personally, I welcomed the neutrality stance as much as I dislike Xabashada. Carab wax la isku haleyn karo ma'aha. Plus, we have the issue of wabiyada Shabeelle iyo Jubba with Xabashada as well. ______________________ Ethiopia, Egypt reach ‘major common understanding’ on dam Ethiopia’s prime minister said Tuesday his country, Egypt and Sudan have reached a “major common understanding which paves the way for a breakthrough agreement” on a massive dam project that has led to sharp regional tensions and led some to fear military conflict. The statement by Abiy Ahmed’s office came as new satellite images show the water level in the reservoir behind the nearly completed $4.6 billion Grand Ethiopian Renaissance Dam is at its highest in at least four years. Ethiopia has said the rising water is from heavy rains, and the new statement said that “it has become evident over the past two weeks in the rainy season that the (dam’s) first-year filling is achieved and the dam under construction is already overtopping.” Ethiopia has said it would begin filling the reservoir of the dam, Africa’s largest, this month even without a deal as the rainy season floods the Blue Nile. But the new statement says the three countries’ leaders have agreed to pursue “further technical discussions on the filling ... and proceed to a comprehensive agreement.” The statement did not give details on Tuesday’s discussions, mediated by current African Union chair and South African President Cyril Ramaphosa, or what had been agreed upon. But the talks among the country’s leaders showed the critical importance placed on finding a way to resolve tensions over the storied Nile River, a lifeline for all involved. Ethiopia says the colossal dam offers a critical opportunity to pull millions of its nearly 110 million citizens out of poverty and become a major power exporter. Downstream Egypt, which depends on the Nile to supply its farmers and booming population of 100 million with fresh water, asserts that the dam poses an existential threat. Negotiators have said key questions remain about how much water Ethiopia will release downstream if a multi-year drought occurs and how the countries will resolve any future disputes. Ethiopia rejects binding arbitration at the final stage. Egyptian President Abdel Fattah el-Sissi stressed Egypt’s “sincere will to continue to achieve progress over the disputed issues,” a spokesman’s statement said. It said the leaders agreed to “give priority to developing a binding legal commitment regarding the basis for filling and operating the dam.” Sudanese Irrigation Minister Yasser Abbas told reporters in the capital, Khartoum, that once the agreement has been solidified, Ethiopia will retain the right to amend some figures relating to the dam’s operation during drought periods. “Generally, the atmosphere was positive” during the talks, he said. Abbas said the leaders agreed on Ethiopia’s right to build additional reservoirs and other projects as long as it notifies the downstream countries, in line with international law. “There are other sticking points, but if we agree on this basic principle, the other points will automatically be solved,” he said. Both Sudanese Prime Minister Abdalla Hamdok and Ethiopia’s leader called Tuesday’s meeting “fruitful.” “It is absolutely necessary that Egypt, Sudan and Ethiopia, with the support of the African Union, come to an agreement that preserves the interest of all parties,” Moussa Faki Mahamat, chairman of the AU commission, said on Twitter, adding that the Nile “should remain a source of peace.” Years of talks with a variety of mediators, including the Trump administration, have failed to produce a solution. Now satellite images of the reservoir filling are adding fresh urgency. The latest imagery taken Tuesday “certainly shows the highest water levels behind the dam in at least the past four years,” said Stephen Wood, senior director with Maxar News Bureau. Kevin Wheeler, a researcher at the Environmental Change Institute, University of Oxford, told the AP last week that fears of any immediate water shortage “are not justified at this stage at all and the escalating rhetoric is more due to changing power dynamics in the region. However, “if there were a drought over the next several years, that certainly could become a risk,” he said. AP
  20. He was not bad for us Soomaalida, tough. Asaga iyo kan hadda Suuriya maamula iyo aabihiisa Soomaalida wey soo dhaweeyeen and gave free education as well.
  21. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Sheegay Inay Guddi U Magacaabi Doonaan Fatahaadda Afgooye Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay magacaabi doonaan guddi Xildhibaanno ah oo ka shaqeyn doono sidii si deg deg ah loogu gurman lahaa dadka uu Fatahaadda webiga Shabeelle ku sameeyay Degmada Afgooye iyo deegaanno kale. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Xildhibaannada ay soo jeediyeen arrinkan, isagoo intaa ku daray in guddoonka Baarlamaanka ay gacan ku siin doonan guddiga la magacaabayo gudashada howlaha loo xilsaaray, ayna tagaan goobaha ay musiibada ka dhacday. Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay guddiga ku soo magacaabi doonaan, kuwaasi oo ka howlgeli doono sidii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaaladda dhabta ah ee ka jirta degmada Afgooye iyo deegaannada kale oo uu webiga ku fatahay.