Che -Guevara

Nomad
  • Content Count

    29,789
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    272

Everything posted by Che -Guevara

  1. Prime Minister declares Kismayo Convention unconstitutional.
  2. Jen. Gaafow “Tuugo nala joogta ayaa na gashay ee ma ahan tuug banaan nooga yimid, Air Porka waa Ammaan” Taliyaha Hogaanka Socdaalka dowladda Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa markii u horeysay ka hadlay fal xatooyo ah oo dhamaadkii todobaadkii hore loo geystay Xafiiskiisa oo ku yaal Garoonka Diyaaradaha, isagoo faah faahin ka bixiyay. Jen. Gaafow oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in lacag dhan 110-kun doolarka Mareykanka oo ka mid aheyd lacago lagu dayactirayay Xarinta Immigartion laga xaday Xafiiska, iyadoo la jabsaday Qasnadii lacagta ku jirtay. “Meesha Immigration ee qorshuhu ahaa in la dhiso waxay aheyd meel baaba’day, hal daaqad uma harin, waxaa u bandhignay wasiirka Arrimaha gudaha oo aan dhahnay waa dhiseynaa howl iska wax u qabsa ku qabaneyna waa naga ogolaaday, markaas ayaa u yeernay dad asxaab ah iyo Hey’ado dalka nala joogo inay dhisaan, shirkad la dhaho Alkowneyn ayaa la heshiinay inay noo dhisto waxaa kula heshiinay lacag dhan 133,862 oo doolar inay dhismaha ku qabtaan”ayuu yiri Jen. Gaafow. Jen. Gaafow ayaa sheegay in lacagta laga qaatay xafiiska ay gaareysay 110, kun doolar, isla markaana 20-kun uu qaatay Engineerka, waxaana uu xusay in aanay marna fileyn in dhankooda ay Tuugo ay soo dhex gasho, lacag intaas la eg xafiiska laga xado. “Anaga saacad walba u baahan karnay Air Porka waa ammaan intaas oo ciidan ayaa joogay Amisom ayaa joogta, marnaba ma gileyn in Tuugo ku soo baxeyso, Tuugo nala joogte ahaayeen banaanka noogama imaan”ayuu yiri Jen. Gaafow oo intaa ku daray in la qaatay Recivier-kii Camerada Air Porka lagala socday. Mar la weydiiyay waxa laga yeelayo afar ruux oo loo xiran arrinta xatooyada oo mid ka mid ay tahay haweeney ayuu sheegay inay ka war sugayaan baaritaanka socda. Si kastaba ha ahaatee todobaadkii hore ayay aheyd markii ay soo shaac baxday in lacag laga xaday Xafiiska Jen. Gaafow, iyadoo arrintan ay aheyd mid aad loo hadal hayay. http://www.jowhar.com/?p=1369
  3. raula....With all fine attributes this woman has, count me in and I refuse to believe an educated, religious, beautiful woman has self-esteem issues unless there's some father issues the poster ain't sharing. Who knew NGONGE uses makeup..
  4. Shirka Maamul usameynta Jubbaland oolagu wadoinuu maanta furmo Published on February 28th, 2013 Wararka kasoo baxaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta uu furmi doono shirkii maamulka loogu sameenayey gobalada Jubbaland oo abaabulikiisa in muddo ah soo socday. http://horseedmedia.net/2013/02/28/shirka-maamul-u-sameynta-jubbaland-oo-lagu-wado-inuu-maanta-furmo/
  5. "She's a pretty girl, educated, religious and successful" Are you sure your cousin is all of that?
  6. Abwaan;922113 wrote: The government will be in charge of the city not AMISOM. You are beginning to sound like Duke.
  7. ^I don't think anyone is misunderstood here. Gabbal is fine with Jubbaland as long as the 'Gedo' boys are in the driving seat and the same goes for everyone else representing their respective tribes, This is problem with Somali politics, everyone wants a solution that are only benefits his group and puts everyone else at disadvantage. When people don't get their way, we are reminded of how powerful they are. The whole thing is mess.
  8. Why would a native of city in this case Kismayo call himself by other name. I have yet to hear Kismayo boys:D
  9. lol@Nuune Jacpher........Those spearheading the Jubba are not anymore competent than the Federal Government. All of this could have been avoided if the Jubba Group engaged the government from get-go. And for protocol sake if not anything else, appoint working committee that harmonizing the details with the Parliament, the President's Office and Prime-Minister's office. The idea that the Federal Government has no role in setting up these administrations is simply childish. The Federal Government on its part should have clarified its stance and set up its own committee to work with the stakeholders in the region. These issues are complicated and only comprehensive solutions including all stakeholders can make lasting change. You can see shalay dadkii antagonizing the Government are killing each other now. And on SOL, my qabiil is more powerful than yours is the mantra.
  10. Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatey in ay ka jawaabto codsi Shirka Jubbooyinka looga diray ON FEBRUARY 23, 2013 Guddiga kumeelgaarka ah ee Jubada Hoose ayaa horey u sheegay in 23/2/2013 uu furmaayo shirkii ka talinta aayaha Jubbooyinka, isla markaana lagu dhisaayo maamul ay yeshaan gobolada Jubbooyinka ayaa dib u dhac ku yimid. Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka Macalim Max’ed Ibraahim oo shalay saxaafadda la hadley ayaa si rasmi ah u sheegay in shirkii dhici lahaa maanta oo Sabti ah dib u dhacay, sababaha ugu weyn ee uu dib u dhacaas ku sheegay in warqad casumaad ah oo rasmi ah ay u direen Dowladda Federaalka in ay shirka ka soo qaybgasho oo guddoomiso, taas oo aysan ka helin wax jawaab ah ayuu yiri. Macalim Max’ed Ibraahim ayaa sheegay in ay ka war-sugayaan jawaabta dowladda isla amrkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay ka soo jawaabaan codsigooda shirkuna furmo, mana aanu sheegin xilliga rasmiga ah ee uu dib ugu dhacay shirka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn in maamul ka dhexeeya labada Jubbo iyo Gedo la dhiso, waxaana ay doorbidayaan in gobolkasta maamul kumeel-gaar ah oo ay iyagu soo magacaabaan u sameeyaan, taas oo dadka deegaankaas iyo weliba dowladihii ku kaalmeeyey in meelaha qaarkood al-Shabaab laga saaro ay ka soo horjeedaan Shirka la iclaamiyay in 23-ka bishan oo ku beegan maanta lagu qabto Kismaayo ayaa waxaa horay uga horyimid Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoojeeda Jubbooyinka oo codsaday in dib loo dhigo Dowladdana ugu baaqay inay soo farageliso islamarkaana wax badan ay u sinnaadaan maamulka Jubbooyinka beelaha wada dega deegaannadaasi. Dhismaha maamulka Jubbaland ee hoostaga Dowladda Federaalka ayaa noqdey tijaabo lagu eego in Dowladda Federaalku diyaar u tahay dhismaaha maamul goboleedyada iyo in ay dooneyso dowlad dhexe oo goboladu hoostagaan isla amrkaana cirka u laaleysa in goboladu dhistaan dowladdu ay ku mideysan yihiin taas oo dastuurku siinayo. Horseed Media Muqdisho-Somaliya
  11. http://cdn2.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2013/02/Codsi-ka-soo-qayb-gal-Shir-wada-tashi.pdf
  12. Xukuumadda oo shir wadatashi ku casuntey Guddiyada maamul u samaynta Jubbooyinka FEBRUARY 23, 2013 Warqad rasmi ah oo ka soo baxdey xafiiska Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, nuqul kamid ahna la soo gaarsiiyey Warbaahinta Horseed Media ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalku qabanayso shir wadatashi ah oo ku saabsan maamul u samaynta Jubboyinka. Shirka ayaa lagu casumey dhamaan guddiga qaban-qaabada maamul u samaynta Jubbooyinka. Casumaadda loo direy guddiga qabanqabada ayaa soo baxdey maalintii Khamiista ee ku beegmeyd 21.02.2013, inkasta oo ays axaafadda soo gaartey manta oo Sabti ah, waxaana ay u muuqataa in ay jawaab u tahay hadal maalintii shalay ka soo baxay Afhayeenka Guddiga qaban-qabada ee maamul u samaynta Jubbooyinka Maxamed Macalin oo sheegay in ay casumaad u direen dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga soo qaybgalaan Shirka maanta ka furmi lahaa Kismaayo, laakiin aan wax jawaab ah laga helin dowladda sidaas darteedna shirku dib ugu dhacay. Waxaan suurta gal u noqon Horseed Media in ay guddiga qaban-qaabada wax ka weydiiso in casumaadan soo gaartey maalintii ay soo baxdey ee Khamiista iyo in kale, iyo waxa ay ka hyeelayaan shirka wadatashiga ah ee iyagana lagu casumey. Warka ka soo baxay xafiiska raysalwasaaraha ayaa lagu yiri: “Anigoo tixraacaya dastuurka kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya qodobkiisa 49aad. Anigoo sidoo kale tixraacaya go’aankii Golaha Wasiirada ee kusaab-sanaa in Dowladdu u fududeeyso gobollada dala in ay maamulkooda samaystaan. Anigoo tixgelinaya talo-bixinta wefdigii heerka wasiiro ahaa ee booqashada ku tegay Gobolada Jubbooyinka. Anigoo gar-waaqsan baahida deg-degga ah ee loo qabo in dhamaan gobollada dalku ay samaystaan maamuladooda iyadoo la waafajinaayo dastuurka dalka iyo qawaaniinta. Waxaan casumaad u fidinayaa guddiyadda qaban-qaabada maamul u samaynta Gobollada Jubbooyinka in ay ka soo qaybgalaan shir wadatashi oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho taariikhdu markey tahay 26 Feberaayo 2013, ilaa iyo 01 Maarso 2013. Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay in uu yahay wadatashi, qaabka ugu habboon ee maamul loogu dhisi karo Jubbooyinka. Maanta waxaa qorshuhu ahaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga tashanayo aayaha Jubbooyinka isla markaana maamul loogu samayayo, waxaa ku sugan Kismaayo ergooyinkii shirkaas ka qaybgeli lahaa, waxaana la sheegay in uu u baaqdey kadib markii wax jawaab ah laga waayey dowladda. Isla maanta waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay Shaqaaqo kadib markii koox dabley ah oo weerar ku qadey saldhiga Booliska ee Kismaayo si ay xoog ugala baxaan dad lagu tuhmey in ay ka tirsan yihiin al-Shabaab o maalintii shalay halkaas lagu xirey. Dadka qaar ayaa ku doodaya in haddii amniga Kismaayo faraha ka baxo, isla markaana dagaallo ka curtaan qiimaha u sareeya ee ka dhashaa ay noqon doonto in al-Shabaab dib u qabsadaan Kismaayo, waxaana masuuliyaddaas dhabarka u ridan doonta dowladda federaalka Soomaaliya oo ka caga jiidey in maamul goboleed dadka degan doonayaan loo dhiso halkaas, waxaana sidoo kale si gurracan uga hadlaaya saxaafadda magaalada Muqdisho kuwaas oo isticmaalaya erayo dib u soo nooleyn kara dagaalladii sokeeye, iyo odoyaal dhaqameed aan waxba ka gelin deeganaadaas oo baaqyo joogta ah soosaaraya. Halkan ka akhrisi warqadda casumaadda Horseed Media
  13. ^Add few more buildings but otherwise the general view remains the same.
  14. Would the pics be any different than the pics that have been posted about Burco before? My trip to Burco, I mean....
  15. Not too long ago, I said give these people six months and they will be at each other's throat. N now wakaa.
  16. Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatey in ay ka jawaabto codsi Shirka Jubbooyinka looga diray ON FEBRUARY 23, 2013 Guddiga kumeelgaarka ah ee Jubada Hoose ayaa horey u sheegay in 23/2/2013 uu furmaayo shirkii ka talinta aayaha Jubbooyinka, isla markaana lagu dhisaayo maamul ay yeshaan gobolada Jubbooyinka ayaa dib u dhac ku yimid. Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka Macalim Max’ed Ibraahim oo shalay saxaafadda la hadley ayaa si rasmi ah u sheegay in shirkii dhici lahaa maanta oo Sabti ah dib u dhacay, sababaha ugu weyn ee uu dib u dhacaas ku sheegay in warqad casumaad ah oo rasmi ah ay u direen Dowladda Federaalka in ay shirka ka soo qaybgasho oo guddoomiso, taas oo aysan ka helin wax jawaab ah ayuu yiri. Macalim Max’ed Ibraahim ayaa sheegay in ay ka war-sugayaan jawaabta dowladda isla amrkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay ka soo jawaabaan codsigooda shirkuna furmo, mana aanu sheegin xilliga rasmiga ah ee uu dib ugu dhacay shirka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn in maamul ka dhexeeya labada Jubbo iyo Gedo la dhiso, waxaana ay doorbidayaan in gobolkasta maamul kumeel-gaar ah oo ay iyagu soo magacaabaan u sameeyaan, taas oo dadka deegaankaas iyo weliba dowladihii ku kaalmeeyey in meelaha qaarkood al-Shabaab laga saaro ay ka soo horjeedaan Shirka la iclaamiyay in 23-ka bishan oo ku beegan maanta lagu qabto Kismaayo ayaa waxaa horay uga horyimid Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoojeeda Jubbooyinka oo codsaday in dib loo dhigo Dowladdana ugu baaqay inay soo farageliso islamarkaana wax badan ay u sinnaadaan maamulka Jubbooyinka beelaha wada dega deegaannadaasi. Dhismaha maamulka Jubbaland ee hoostaga Dowladda Federaalka ayaa noqdey tijaabo lagu eego in Dowladda Federaalku diyaar u tahay dhismaaha maamul goboleedyada iyo in ay dooneyso dowlad dhexe oo goboladu hoostagaan isla amrkaana cirka u laaleysa in goboladu dhistaan dowladdu ay ku mideysan yihiin taas oo dastuurku siinayo. Horseed Media Muqdisho-Somaliya