gooni

Nomad
  • Content Count

    2,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    53

Everything posted by gooni

  1. Marka qabyaalad iyo jacayl ku indho tiraan habeen iyo maalin ma kala saari kartid, labaduba waa cuduro khatar ah.
  2. Deni wuxuu ceebeeyay beesha uu matalo ama ku doonayo kursiga villa Somalia magacooda (federaal qabiilaysi) Adeeradiis waxay la dagaalameen dawladii kacaanka oo aad u xoog badnayd ayagoo doonayay inay soomaali oo dhan boqortooyo ku xukumaan, waa "han" aad u wayn. Dr. Deni wuxuu maanta joogaa farmaajo oo dal xaalkiisa alle ogyahay madax ka ah ha layla rido anigana cadkaan doontaan ii tuura aan ciidda ka jaftee. Nin carab reer miyi ah yaa wuxuu helay wolf ama (di'ib) dhashay oo aan wali indhuhu u dilaacin oo hooyadii ugaarsato dishay. Wuu soo qaaday oo "Ri" uu kaligeed lahaa caanaheeda ku koriyay, markuu wolf'kii waynaaday yuu ridii cunay oo duurkana aaday. Carabkii wuxuu ka daba qaatay warankiisa wuuna dilay markaasuu wuxuu arkay indhihiisa oo soo eegaya Wuxuu gabay ku yiri أكلتَ شويهتي وفجعت قلبي وأنت لشاتنا ولدٌ ربيبُ غُذيتَ بدَرِّها ورَبَيت فينا فمن أنبأكَ أن أباكَ ذيبُ ؟! إذا كان الطباع طباعُ سوءٍ فلا أدبٌ يفيدُ ولا اديب. Markii la fasiro waxaa ugu muhiimsan Waxaad cuntay ridaydii... Waxaad ahayd wiilkii aan caanaheeda ku korinay ama lagu anqariyay, waxaad ka mid noqotay duriyadeedii. Yaa kuu sheegay in aabahaa (wolf) yahay macnaha indho ma lahayn markii reerka lagusoo daray Hadii xumaantu asal iyo dhiigga ku jirto wax badeli kara ama lagu badelo ma jiro.
  3. Waxaasu sharci islaan iyo mid gaal labadaba ma waafaqsana. Ninka faransiiska dagaal wuu ku jiraa waa faqiir caruurtiisa rooti u doona Snm ayadaa cadaw isu ah cadaw kale ma leh ma waxaad leedahay habraha ciidankeed mid haku biiro? Baadiyaha ceel-afwayn kuwii isku laynayay muxuu ciidankaad sheegayso u kala celin waayay? Inta af ingiriiska kaliya taqaana u dawladee.
  4. Dadkii meel iska meegaarta, "dad" ay gumaystaan waayi maayaan. Naagta ninka qaba ma kafiilan kartaa ama waraaqo ma u samayn kartaa sharciga snm haday abtirsato ? Mise waa inay caaqilkeeda keentaa ayaduna? Waxaan qabaa hadaad bigfoot iyo faransiis hargaysa ku dhashay sharcigii u diideen aqoonsigiinu waa soo dhawyahay.
  5. Big foot maxaad ula jeedaa xaaji? ma soomali maroodiga la nool baa Ethiopia joogta? Aragtidayda gabadhan waxayba daacayad iyo sumacad aan jirin u samanaysaa snm. Xagee waraaqaha dhalashada iyo faraha somaliland ka shaqeeyaan aduunkaan aan ku noolahay. Dhawr oday oo hargaysa ka yimid yaa hadda i ag fadhiya basaboorka ay wataan waxaa ugu qoran inay hargaysa iyo burco ku dhasheen anigana waxaa iigu qoran gaalkacyo. Snm waxaan kula talin lahaa cunsiriyadda ha iska daayeen wax wanaagsan ma'ahan aakhiro iyo aduun labadaba Hablaha quruxda badan yaysan been u sheegin oo nooga cayaarin, weelka daboolka ha ka qaadeen oo dadka ha u sheegeen inaan waxba ku jirin 32 sano.
  6. Nin akhayaar ah oo masuul soomaaliyeed ah yaa gudi magacaaba, nin aan dhaqan masuul lahayn gudigiisu wuxuu la mid yahay ciyaalkii kubadda bacaadka ku banadi jiray. Gedo waxaa isku haya kenya oo wadata rooble iyo madoobe iyo federaalkii ka xoreeyay gobalka gedo rooble ka hor. Madoobe waa daba-dhilif, kismaayo guriga kenyaatigu ku ilaaliyana ma dhaafin abidkiis, jubaland wuxuu u yaqaan guriga uu quraacda ku cuno. Nimankaan ay gudiga ku sheegayaan waa wakhti lumis ay ugu talo galeen marin habaabinta doorashada. Gedo waxaa kusoo duulay federaalka soomaaliya oo qabsaday, kismaayana waa xor kenya joogto ee dib gedo ha loogusoo celiyo gacanta kenya si doorasho hufan u dhacdo.... ha loo gar-naqo.
  7. Wax lala yaabo ma'ahan in siyaasiyiin sumacadoodii xumaatay fahad yaasiin laga furfuri waayo, waayo wanaaguu dalkiisa u qabtay yaa xumaantoodii banaanka keenay. Waxaan la yaabanahay shakhsiyan labadan oday midna samafale sheeganayo midna ina dhagaxtuur waxa maskaxdooda sidaa ba'an u masaxay!! Koley wax qabad "qarran" waxba kama yaqaaniin sida ka muuqata, balse haday noo sheegi lahaayeen waxa uu beeshooda u dhimay dhaqamadeena soo jireenka ah bay ka mid ahaan lahayd. Macquul ma noqonaysaa beel waynta usc oo waligood soo dhimanayay haba ugu darnaato sodonkii sano ee lasoo dhaafay oo ay xaq iyo xaq daro kusoo dhimanayeen yaa gabar la waayay fahad yaasiin ugu midoobay ayagoon wax caddayn ah u haynin. Fahad yaasiin waa hanti qaran madaxwyne kasta oo mustaqbalka yimaadana ku xisaabtami doono. Wuxuu aamusnaanta sirdoonka lagu yaqaano kusoo maamulay sirdoon hufan oo ugu yaraan aan ajnabi faraha kula jirrin sidii kuwii ka horeeyay oo imaaraad kenyati Ethiopian eu iska maamulanayeen si madax banaan oo saxaafadda u furan. Fahad yaasiin Waxaa ka muuqata akhlaaq, diin, dulqaad degenaan waji musaamax oo furfuran. Qofkii cadaalad wax ka yaqaan aragiisaa ku fillan laandheeraha macnihiisu waa intaas ma'ahan beeshaydaa tiro badan ayagoon tayo lahayn.
  8. Walaale samafale Aqoon waxaa ugu liidata midda markaad shahaado sare hesho qabyaalad kugu indho tirta. Hadii aad wax yar indhaha ka biriqsan karto, xaqqa haka boodin, aragtida xaqu waa nuur. Farmaajo ul sixir ah lama imaan villa Somalia dalka loo dhiibay waa dal xaalkiisu alle iyo anaguba ognahay waa beelo laysku kakabay oo doonaya inay hadal isku muquuniyaan. Beeshii ugu xadaaradda fiicnayd waxaa hogaamiye looga dhigay abeeso aan dhiig iyo dhaqan nala wadaagin oo didsan ama fiigsan. Rag iska celintu yaysan ku aakhiro seejin Dr. deni, waxba ma qaban, naftiisaa halis ku jirta, siduu god hadimo u qodayay yuu aakhirkii qaarkiisii dambe aasay. Gurigiisii tuulada ku yaalay iyo barlamaankii labadaba dhiig buu ka dhaqay adigaa maqli doona sidii c/laahi yuusuf yaman ama cumaan buu u cararay, sanad kaliya sug haka yaabin inuu dukaan dambe ka furto qardho. Hadda ka hor waxaan dhagaystay sheekh caalim ah oo soomaaliya oo dhan laga yaqaan ilaahay aqoon karaamo iyo luuqad siiyay allaha xifdiyo. Waxaan arki jiray asagoo u fadwooda ssdf oo ku sheega inay siyaad barre xaq kula dagaalameen oo ay shahiidnimo ku dhiman jireen. Waligay kama harin cilmigiisa inaan dhagaysto oo waxaan is iri fiqi tolkii kama janno tago yaa u gaysay. Arrin cusub yaan ka maqlay maalin maalmaha ka mida, mar laga waraystay taariikh nololeedkiisa, waxuu sheegay inuu asal ahaan kasoo jeedo erateria, Taas lama yaabin ee waxaan la yaabay ninka aan cid ka soomaalisan jirrin sababta uu qabiilka uga dhigtay dal dhan oo dhisan. Hadiise uu ku abtirsaday erateria muu soomaali oo dhan abtiyaal ka dhigto maxaa beel kaliya ku koobay? Waxaan sheekadaa kuugusoo qaatay madaxweynihiinu wuu noqon karaa Tanzania asal ahaan, wax dhib ah ma leh waa dal walaalaheen ah oo afrikaana sumacad ahaana soomaalida ka macruufsan, boqortooyada carabtu way isku dhex jiraan waa madaw iyo caddaan. Waan ku salaamay saaxiib raalina noqo inta wax kuu kala baxayaan.
  9. Samafale Walaale, mowduucu ma ahayn tartanka quruxda reer banu quraysh. Mowduucu waa hab dhaqanka adeer deni oo dhaqankeena suuban ku cusub. Sida aad ku sheegayso sal iyo raad kuma laha siyaasad farmaajo kala dhaxaysa waligoodna isma hor-fariisan waxay isku diidaan iyo waxay isku raacaan ma dhex marin. Farmaajo waxba ma qaban afartii sano ee uu xukunka hayay waa run waan kugu raacsanahay. Eed kuma laha aragtidayda oo soomaaliya waxaa kala qaybsaday qabiilo kala aragti iyo kala masaalix ah, ma jiro qof kaligiis 5 jamhuuriyadood oo kala madax ah wax ka qaban kara. Laakiin waxaad inkirsantahay wax qabadkiisa shakhsiga ama dhabta ah. 1- wuxuu na baray inuusan tuug ahayn, hanti urursi iyo guryo dhiso midna u imaan. 2- wuxuu na tusay in mushaarka yar ciidan lagu dhisi karo, oo la maarayn karo si hufan. 3- wuxuu na baray in dalka ay somaali leedahay ajaanibkuna ay dalal kale leeyihiin. 4- wuxuu na tusay inuusan qabiilayste ahayn oo dadka soomaaliyeed u siman yihiin Sidaasuu ku noqday hogaamiye dad kala qabiil ah ay difaacaan ama CBB ugu yeer ama waxaad doonto u bixi, qofkii xaq iyo baadil kala yaqaan wuu ujeedaa albaabka wayn oo balaqan. Adigu noo sheeg adeerkaa deni wuxuu puntland iyo somaaliya u qabtay?
  10. Waa sax saaxiib baasaani ma gaarin wali,laakiin waan isku dayi doonaa inaan ku daydo insha-alaah Xaalka labo siyood yaa lagu bixiyaa walaale, in wadar ku xukunto iyo inaad adigu garawsato xad-gudub kaa dhacay. Anigu ma garawsani inaan xad-gudbay hadaad i xukuntaan waa waajib inaan xaal bixiyo oo dib isugu noqdo. C/laahi yuusuf, wuu ka dhib badnaa Dr.Deni wuxuuna ahaa dilaa dad badan xasuuqay, allaha u naxariisto. Dagaalkii c/lahi yusuf, dagaal soomaali taqaan buu ahaa oo dhaqankeeda waafaqsan, dhamaad iyo bilawna leh. Wuxuu kaloo ahaa nin qirran kara guushiisa iyo fashilkiisa labadaba asagoo xor ah. Dr.Deni Dagaalkiisu uma eka mid soomaalidu horay u taqaanay xataa kan dumarka soomaalida ma waafaqsana, bilawna ma leh, dhamaadna ma leh. meel kasta inuu ka dhaco buu jecel yahay. baarlamaankuu ka taliyo ilaa guriguu ku dhashay koonfur fog, mid dhexe iyo muqdisho Arrintaasu miyaysan geel-jiraha dhaqan yaqaankaa shaki ku keeni karrin?
  11. Dr.Deni, Asagaa laga rabaa inuu shacabkiisa u sheego sababtii uu ugu qodbayn waayay sanad guuradii sadexaad ee kasoo wareegtay maamulkiisa wixii u qabsoomay iyo wixii ka halaabay Waxaa kaloo laga rabaa inuu u sheego shacabkiisa inuu dhalad yahay iyo inuu Tanzania ka yimid asal ahaan oo dadka shakisan la hadlo.
  12. Ujeedka mudaaharaadka maxaa lagu sheegay? Maxuu shacabku diidanyahay? Muxuu taageersanyahay? Qofkii wax nagu dhaama macluumaad hanoo faa'iidiyo asagoo mahadsan. Arinta khamiiska iyo carabta Khamiisku waa dharkooda caadiga ah oo ay dhaqan ahaan xirtaan, kan khamriga cabba iyo kan ahlu diinka ah isku si bay u xirtaan. Soomaalidu khamiiska waxay ka fahamtay khalad oo waxay u haystaan qofkii xirta inuu sheekh ama akhiyaar yahay. Xataa markay carabta qaabilayaan madaxdeenu waxaa laga yaabaa inay khamiiskii hurdada loogu tala galay iyo guri joogga soo xirtaan. Waxaa jira bahal xasharaadka ka mida oo la dhaho hawtul-hamag oo dabka iftiin mooda kuna dhex qarxa markuu ku dhaco Carabta dhaqankeeda barta intaadnan khamiiska xiran lagama karo. Erayga "Qabka" waxaa soo celiyay farmaajo, wuxuuna kala kulmay mucaarad aad u badan, oo qaarkood dharka tuurteen waayo lama ogolayn in dhagaha shacabka la maqalaan ku dhawaad sodon sano.
  13. Abdi Waa aragtidaada waana in la ixtiraamaa qof kasta ra'yigiisa cidna kuma oran karto sax ma'ahan. Aragtidayda khayre... iibiye wayn buu ahaa ama waxa afka qalaad lagu dhaho (salesman) dhul, bad iyo batrool intaba waraaqahoodii way hor yaaleen. Doorasho qof iyo cod ahna asagaa miiska hoostiisa dhigtay sadex sano. Hal mar buu wadanka fowda geliyay asagoo waxa qudhiisa ku imaan kara aan garanayn, wuxuu ahaa traitor mujrim ah. Rooble gaajo iyo guri la'aan baa meesha keentay nin xun ma'aha qof kastaa madaxiisa badeli kara, si wax loo xado ma yaqaan waa daacad tuugo u gacan galay. Waxaana ku tusaale kuugu filan markii laga furfuri waayay 30 jir 30 malyan haysta, war ninkaan soomaali oo dhan baa taqaane isaga fagow, xoolo barakacayaal baa ku maqan, nin wadaad u eg beesha ka dhex raadso. Waligiis lama fahmeen haduu gacantiisa bidix tusbaxa ku haysto tan midigna wax ku xado. Sadexdii biloodba waji aan doorashadii ahayn buu la imaan ama dhul la boobay ama wax la kala badelay iyo iska daba wareeg.
  14. Tolmooge Farmaajo nin caqli xun ma'ahan wuu ogyahay in beesha uu ka dhashay ay dumar u badan yihiin 70% waxna u tari karin aduun iyo aakhiro midnaba, inay masayr dartiis gabasaarka ku hor tuuraan mooyee, bal dhaqanka adeerkaa deni u fiirso. Caqliga fulaynimada, doqonimada isku mid maaha adeer, midba sanduuq gaara buu leeyahay sidaa ula soco. Miskiin Taas waan kaaga ra'yi duwanahay la-taliye degdeg badan wuu u baahan yahay go'aamadiisu aad bay u daahaan, xaqiiqdii wadankana wuxaa ka muuqda madax-salaax badan, wiilasheenu qaanuunka way ka sareeyaan m0oryaankuna waa jeneral, tuuguna waa sheekh. Farmaajo haduusan dadka xun wadanka ka qaban, waxaa imaanaysa inay barkintiisa ku xaajoodaan sida hadda muuqata. Mucaaradku waa isku beel xoog ma hayaan waana la nacay siday dadka been ula hortaagnaayeen, waa buufin biyo ku jiraan, Afkoodu xusbullah ma noqon karo.
  15. Su'aal muhiim ah yaa mudan in la is waydiiyo. Maxay soomaali badan ku taageertay farmaajo? Aragtidayda waa fulaynimada. Soomaalidu maysan arag nin fulay ah sodonkii sano ee lasoo dhaafay oo dulqaad iyo sabur badan. In badan bay wiil geesi ah oo wuxuu ku dhintay aysan aqoon god geeyeen, waxaa u yimid nin ka duwan raggii ay yaqaaneen. Sida aan wada ognahay waa madaxweynihii ugu horeeyay oo lagu sheegay dictator asagoo kor u taagay warqad ay ku qoran tahay qof iyo cod, sawirkii aabe siyaadna ku badelay aadan cadde. Farmaajo waxaa laga rabaa kaliya inuu digsiga daboolka ka qaado oo na tuso wuxuu karinayay shantii sano oo lasoo dhaafay. Usc mu'addin masjid hadaad raysul-wasaare ka dhigto gacanta bidix tusbax buu ku qabsan, tan midigna dhul boob iyo dhaqaale xaaraan ah yuu ku raadin, waa jaamacadda kaliya oo ay ka qalin jabiyeen sodonkii sano ee lasoo dhaafay. Nimankaan haday ciidanka qaranka aad noogu sheegteen ka awood badan yihiin ama isla ayagii yihiin, ha na daalina ee u daa nimanku dhulkooda ha dhisteene. Hadaad dhiig in la daadiyo diido lagama yaabo ama waa calaacal timo kasoo baxeen in kala dambayn la helo. Diinta aan ku ducaysano dhiig baa usoo daatay baryo kuma imaan. Walaale farmaajo digsiga daboolka ka qaad aan dhadhimino waxaad karisay, anagoo qurux badan yaan qaxnay 90kii maanta oo aanan dhar haysan waxaad ka baqdaa meesha ma yaalaan, hadaad hal xIniin ah leedahayna umadda qudbad dheer u akhri iskana tag.
  16. Alle waxaan ka baryayaa inuu shacabkaas bad-baadiyo siday u bad-baadiyeen dad badan oo soomaaliyeed wakhtiyadii adkaa Maamulka puntland haduu xoog wax ku xukumi karo laas-caanood kamasoo carareen barqo dheer. Markii la waydiiyay sababta ay laas-caanood ugasoo carareen waxay ku jawaabeen, boowe hade dadkii lahaa yaa na diiday dhiig dhexdeena ahna umaanan diyaar garoobin, macnaha maamul ma nihin. Waxaanu jufooyin isku rakiban suulka ilaa madaxa, ma jiro nin ka dhigi kara dawlad sharci iyo kala dambayn leh, federaalkuna waa la mid wakhti bay u baahan tahay. Mr. Deni, wuxuu xal ka keeni waayay jufadiisii hoose oo ahayd meeshii la rabay inay wax uga bilawdaan. Xalka jufadu waa sahal haduusan ahayn nin ku dhex dhaqmay oo aan dhaqankooda aqoon. Lama dilo wiilkaaga adoo og waxa meesha yaala. Boqorkii puntland iyo isimadii wuxuu ka dhigay wax aan qiimo lahayn soomaali oo dhan horteeda. Su'aashu waxay tahay nin "barkad" ku dabaalan waayay see bad-weyn u hawaystay? Macnaha haduu madaxweyne soomaaliya u noqdo yaa dhididka ka tiraya?
  17. Dalkii oo dhan ninkii lagu aaminay Xeradii ciidamada badda meel qashin leh oo yar buu ka goostay
  18. Farmaajo wuxuu kasbaday wiilashii ay 40 sano tolbeelay ku mustaqbal seejiyeen, waxuu baray inay xaquuq leeyihiin ayagana lagu leeyahay....bas...very simple waa intaas baqdinta ay ka gam'i waayeen oo hotel jazira lacagta badan uga sameeyay. 11 nin oo isku jufo ah yaa soomaali oo dhan soo hor taagan ayagoo leh qaranimaan isku raacnay ama isugu nimid.!! Aragtidayda Doorasho ma doonayaan ee waxay doonayaan madaxweyne ayaga lagasoo xulo markay qabiil ku dagaalamaan, sidii horay usoo dhici jirtay. Farmaajo waxaa taageersan qabiilo isku dhafan, waxaana mucaaradsan qabiilo isku dhafan. intaas nin samayn kara ma ku jiraa musharaxiinta?
  19. Puntland iyo snm waxay labaduba ka midaysan-yihiin inaysan ku talo noqon koonfurta amaba ka go'aan. Tigreeguna wuxuu ahaa maamulka kaliya oo fududayn jiray in somaaliya daciif ahaato waligeed. Hadda waxay heleen kenya oo in badan isku xoqeen, laakiin booskii tigreega oo xidid iyo xigaalo dhaw la ahaa ma buuxin karaan. Cagjar nin waalan ma'ahan ee wuu garanayaa qaabka maasuunigu u maamulo dunida.
  20. iminkaba way tahay puntland kingdom, laakiin lama ogola in mooska dad baahan hortooda lagu fiiqo.
  21. Hadalku mar mar buu kula taraaraa, laakiin qaabka raali gelinta soomaalida, yaa indho adaygu ku badan markaad u fiirsato. Waxaa la rabay inuu dhaho. Raali ahaado walaalayaal hadalkaasu gef buu idinku ahaa, anigana waxaa iga keenay, meel kale oo aan ina godane ahayn oo aan wax idin kula qaybsano yaan waynay. Shartuu ina godane gaystay snm ka dhex muuqasho siyaasadeed bay u aragtay, intii dhimatayna allaha u naxariisto. Sidaad la socotaan snm meel cidlaa bay nagu ooday, soomaalina naga fogaysay carab iyo afrikana way nagu dari wayday. Gef kastoo naga dhaca reer koonfurku waxbay ku leeyihiin, sababtoo ah mana waallin mana fiyoobin. intaas kaliya yuu ahaa hadalku, waana la qosli lahaa waana loo garaabi lahaa. ina godane hal qabiil kaliya ma layn, buur-madawna usc kaliya yaa raali gelin waydiisatay waliba mudo ka dib markay dib wax usoo gocdeen maxay ku dhacday?
  22. Galbeedi Habka boqortooyada yaa sidaa ku dhisan una shaqeeya, waa dhaxal ilaa madaxweynaha puntland. Beelaha kale ee puntland waa shacab xataa waxaa laysku haystaa hal xildhibaan oo ay isku raaceen in odaygoodu usoo xulaan. Khaliijka guutada taangigiyada waxaa xukuma qof aan reer boqor ahayn, lakiin rasaasta waxaa haya nin reer boqor ah. Reer diyaano waa niman asal ah oo abtirkooda ay yaqaanaan, meeshaad wax ka fiiranayso iyo dhaqanka meesha yaal waa kala laba.
  23. Nin calooshu kasoo dhacday hadaad aragto ha la tacaadufin si dhaqso ah, kii ay is qabteen ilaa aad aragto. Macnaha meesha ku jira waxaa weeye aragtidayda odayaashii ay isku filka ahaayeen sida cabdi xaashi iyo muuse suudi waxaa la siiyay kursi aysan u tar-tamin. Jawaari wuxuu filayay sidoo kale in la siiyo kursi sharafeed laakiin wuxaa ka hor yimid maqaawimo adag oo uu ka baqay in si dhab ah loola tartamo, diyaarna uma aha taas. Sidaa daraadeed waa inuu qayliyaa si beeshu darawalkiisa ula tar-tansiiso. Dulum iyo daalin waa walaalo' dadkii wax dulmi jiray oo dhan waa la dulmay.
  24. Qoorqoor turub danbe oo uu baandheeyo uma harin. Xataa sida puntland iyo ilmo selaabaan afartii sanoba mar ku tookaysta, cid ku haysataa ma jirto Wixii aad ka dheregtaana hasii fara-farayninee, si fiican uga fara-xasha oo u daaya beelaha kale oo idinla dega. Maya....Maya...shaatiyadeenaa ka badan. Waxa kaliya oo ay ku heshiin karaan aragtidayda in jufo walbaa isbaaro dhigato inta xoolahoodu daaqaan, indhaygaan saaray ayagoo qurux badan oo qayilaya lacagtii isbaaraduna ag taalo. Nimankaan Ilaahay dadkii yaqaanay waxba uguma darin. Hadii asagoo tusbax wata uu ku dhaho walaale gurigaan biyo aad cabto kaaga keenayaaye isii sug, lama sugi jirin, lafahaaga uga raad gado, kana dhuumo adoo ooman. Farmaajo furihii dawladnimada soomaaliya yuu ku aaminay waa mushkiladda ciyaal anzaloti oo iska qalbi furan. Dad fiican waa jiraa laakiin "bad"hadaad gacanta geliso ma jiro kaluun miskiin ah oo sacabjaaga barkabaya. kuusoo wuxuu u baahanyahay "maqaalin" adag, oo silig afka ku wadata. Galbeedi Ninkii ugu horeeyay oo mudug ka yimid, oo gobolka gedo degay, yaa waxaa beeshii horay u deganayd gedo wiil uu dhalay ka dishay. Wuxuu u tagay beeshii wiilka ka dishay asagoo xoolo u wada, wuxuu ku yiri, walaalayaal waxaad disheen wiilkaygii curadka ahaa, wuuna idinka gar- darnnaa, xaal qaataa xoolahaanna iga gudooma.!! Markuu reerihiisii kusoo noqday yaa waxa la waydiiyay asagoo wiilkiisii laga dilay sababta uu xoolaha u siiyay raggii ka dilay meeshii uu asagu "mag" waydiisan lahaa? Wuxuu ugu jawaabay walaalayaal, wiilkaygii "rag" ama tol yaan ku sugayaa. Wuxuu ula jeedaa haduu is waalo in asaga iyo dhawrka wiil oo u hartay iyo xooluhuba dhaafayaan iyo xataa naftiisa. Markuu rag helo yuu magtiisii iyo xoolihii uu baadda ku bixiyay soo ceshan karaa, wayna dhacday, caqligu waa inuu ku bad-baadin karaa waana sababta alle kuu siiyay. Waa kornaylo dawladdu baad siiso ama mushaar qaata una shaqeeya muuse suudi iyo xasan sheekh iyo maslaxadda beesha. Waxay isku haystaan waa "kaawo" ama meesha ciidda dhismaha laga qodo oo ku taala gubadley. Waxaan filayaa farmaajo inuusan "tol" sugayn laakiin uu tijaabinayo maalin un in sharcigu shaqeeyo iyo dawladnimadu.... waa tijaabo ama isku day.