Garyaqaan2

Nomads
  • Content Count

    878
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Garyaqaan2

  1. subxaanalaah walaahi ppl need to know the meanig of islam. killing innocent ppl is not any part of islamic way of living. what happen to the peave loving muslims.
  2. why are we always like to change the subject. here we are talking about some one who is disrecpecting the reliogion. wearing hijaab and smoking in public give the younger generation okey sing. let us not take the topic who is right man or women. khayr I have to agree with. the way that womemn duisrespect her iman and the whole nation of islam is like throwing kitaabka kariika ah in a toilet. may alaah guide us in the right path.
  3. waxa in aan is weydiino maxumee aawayay culamadii wadankeena. where are ulamah like (cumar Faaruuq) and like him why don't they talk about the current issue of somalia. Somalis have different languages & cultures. Af-Maay differs from af-Soomaali. The culture of riverine people differs from the culture of nomads. bro somalis have only one language but different dialog. exsample see kibariday, sideey kubarisay, maxaa ku barisay, xaad kubarisay, all of these have the same meaning just different way of saying.
  4. okey, we all know that we hated all the warleader. We are in big miss from 1990 to 2005 we have no, government. we triad to came togather as one nation who share one reliogon one launguag one cluture but some how we can't came together. Ali mahdi, we said NO Maxamed farah aydiid , No C/qaasim salad xassan, NO c/YUSUF AHMED , NO so who is next for the poor country to lead. do you have any one in your mind can lead somali today? or we will go for anether civil war 20 more years. Can we came up an idea that we can get out of these loss. or we will continue to the shocking news every day and disagreeable qaqablayaal?
  5. well, why put yourself in circule. You know taking a riba is Xaraaam alxamdulilaah as somali muslims we worry alot about the riba and that is great. If you have money by the house if you don't have the cash by cariisha in your tuulo back home. student loans is huge problem. But i don't think we have a choice, if you have alternative great.
  6. hey let's go , go, go ^^^Tough love always. cold or hot
  7. ....While I'm at it I might as well take every "somaliland" topic to the joke section too....since they are all a BIG JOKE
  8. Warar hoose hoose oo ilo lagu kalsoonayahay ayaa sheegayaan in caato in ta aan lagu celin diyaaradii uu la socday lagu xiray musqul ilaa labo saacadood. kadibna wasiir ka mid ah wasiirada soomaaliland in uu amaray in laga saaro caato musqusha lana siidaaayo. Arintaa ayaa waxeey aad uuga careeysiisay dadkii ku sugaayay caato egal airport oo ay kamid yihiin dad` caato aay wadaagaan beec mushtarka. waxaaa kaloo arintaan ka xanaaqay shariif xassan
  9. Somali minister barred from visiting Somaliland capital Posted to the web 13:37 Jul 12 2005 Security officers of the republic of Somaliland have turned away the minister of housing and public works of the Transitional Federal Government of Somalia, Usman Hasan Ali Usman Ato from the airport in Hargeysa. The minister, who arrived there yesterday wanted to visit the town. Our reporter in Hargeysa Muhammad Rambo sent us this report this morning. Posted By M Ghalib. X a y a y s i i s - A d v e r t i s e m e n t -------------------------------------------------------------------------------- High ranking officials from the Somaliland immigration department, who did not want to be identified, told HornAfrik that the minister of housing and public works of the Transitional Federal Government of Somalia, Usman Hasan Ali Usman Ato was yesterday afternoon stopped from going to Hargeysa town and returned to his plane at the airport. The Somaliland officers also said Mr Ato, who had come from Mogadishu's K50 Airport, was accompanied by an unidentified person and alighted from the plane seeking to visit the town. They said Mr Ato was later on told he could not leave the airport and ordered to return to the plane belonging to Dallo Airlines which then headed for Djibouti. The Somaliland officers said Mr Ato indicated he did not want to go to Djibouti and that he was visiting Hargeysa for business and not political reasons. His request was rejected and he was asked to return to the plane. Somaliland officers said Mr Ato returned to the aircraft which then departed for Djibouti. Neither the government of Somaliland, nor the police, have commented on the reason as to why Mr Ato was turned away. However, this is not the first, or second time, a politician who is opposed to the independence of Somaliland has been turned away from the airport.
  10. wooow com'n guys give the guy a break he is somali citezen and he is allowed to go we ever he likes lol plus he is somalian minister It was two weaks ago when shariif and sifir was welcome to hargeysa what is wrong with aato.
  11. olol well, I am hardened man and I don't give damn about a Somali unity no more. It is a deception that I can't afford anymore. I do have three nationalities and I wholeheartedly support the brothers in the north and their insistence to do away with the south? wooooow sxb I beilve these statment you just made tell's all about you. You lost all your hope and that is not good. the prophat scw said aneday without a government is better the 50 year and evil government to rule you. you seem like very educated bro and you are comparing with us the U.S. No one like's C/Y but hey if he can fix these problem give him a chance would you. Caydiid alaha unaxariistee tried no one give him chance . then we hade Ali mahdi same reason no one give him chance. C/qaasim came we locked him in hotle so is that what we want to say every hope we got NO,NO,NO. let them establish something for us and let them die so that, You and Me and the rest of sol we contue.... from there.
  12. waxaa nasiib daro ah in puntland oo aheed meelah kaliye lagu tilmaami jiray in ay ka jirto kala dambeey iyo amaan in ay waqtigeedii dhamaaday. Gen cade muse xirse waxuu u akaa in maamulikar dowlad gobeleedka pountland lakiinse taas waa ay beenoowday markii mr cade wax ka qaban waaye amaan darada ka jirta wadanka uu madaxda ka yahay. 06-02-05 to 06-27-05 In Qardho 3 people day in shooting including 9 years old student. In galkacyo 1 person day and two other were injured. Galkacyo again Nabadoon was shot to death down town the city. in bosaaso a dead body was found. ?? in garow dead body was found .?? death growth rapedly. Canshoortii oo lagu kordhay ganacsatada boosaaso oo aad uu ga cabaneeyso. qilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Cade muuse iyo gudoom iyahay Barlamaanka puntland oo aan lala socon. wada shaqeen la aan oo ka dhaxjirta ciidamada daraawiishata iyo policka puntland. Cadow hoosha magudan kartid boowe maad is ka wareejisid
  13. Qallac Saxaafadeed, Mise Dan Bulsho: Bal Adba? - Thursday, June 23, 2005 at 18:25 Arar Astaamaha lagu garto dhumucda fikir siyaasadeed ee hogaan ummadeed waxaa ka mid ah garawsi, aqbalaad, iyo u dhega-nuglaan dhalliilaha iyo galdaloolooyinka maamul ee banyaalka ah. Waa beege lagu dhereriyo heerka gahayrnimo, bisayl iyo u debecsanaan ee falceliska bulsho ee ku aadan iimaha madaxda caynaanka u haysa ummadda. Haddii taa la waayo, maamulkaa laguma tilmaami karo mid hayin ah, oo leh moqor hamuun tira bulshada. Waa baaqimo in ay hamuuntirto sidig tu kale ka joogtee aan wabxin ubadkeed. Milicsi Maamulka DG Puntland ee ay madaxda ka yihiin M/Weyne Cadde, M/Weyne ku Xigeen Afqudhac iyo Guddoomiye Dalmar waxaa ay u muuqdaan biciid boqnaha laga wareemay, ee inta bangeeriyaad dan biday, oo cidla ciirsila aruntay, maqashii ay ahayd in uu bilo, saq dhexe miray. Wara’ada ugu weyn ee iminka muuqdaa waa dhawris la’aanta sharciga ee hawl-wadeenada dawladda, iyo ixtiraam la'aanta xuquuqda madaniga ah ee danyarta rayadka ah. Amakaag ayaa fajac kaaga daran e, maxaa maamulka ku khasbay in ay qalinlaha maskaxda miciinsaday ee daalacasho-bulsheedka u go'doomay katiinad lala daba joogo, halka baarqabada habeeddu qarisay ee lixlayaasha garbaha ku sitaa ay maalin kasta ku dhebi-dhastaan suuq-magaaleedyada ganacsi ee Puntland, una galaaftaan rayad aad waxba galabsan. Tusaale ahaan, qunbulado gacmeed ayaa lagu warfiyey Bangiga Bosaso. Raxan muqlaysan ayaa dharaar cad u dhacday xabsiga dhexe ee Garowe, iilkana u hoyay maxaabiis maxkamad sug ah bartamaha Garowe. Dhagar qabayaal baarqabo ismood ah ayaa iyana dharaar cad maati ka adeeganaysa suuq ka mid ah Galkacyo saanad oodda uga qaaday. Illaa xilligan la joogo cid loo xiro, maxkamad la soo taago, ama la qisaasaa ha joogtee, cid warkeed haysaa ma jirto. Qalinle ayaa curiyey jil-siyaasadeed oo uu ku cabiray sida uu uga biyadiidsan yahay caynaanka maamul ee xukuumadda M/Weyne Cadde. Si kaftan ah ayaa uu u tibaaxay halka ay isaga la ahayd in ay ka qaloocatay. Cagajuglayn iyo handadaad kadib, xabsiga ayaa loo taxaabay. Madbacaddii iyo tijaaradii ganacsi albaabada ayaa loo laabay, shaqaalihii ka shaqaynayeyna duurka ayay xuleen. Qalinlayaal kale ayaa dhalliilay tayo darida hoggaan ee degmo ka mid ah kuwa maamulka Puntland hoos yimaada. Waa la xiray. Qoraagu dareenka dadweynaha ayaa uu cabiray e, muxuu ku galabsaday in la dulleeyo. Sawirkaa sare maxaa ka qaldan? Waxaa xus mudan in hoggaanka maamul ee DG Puntland ee xilligan ay ku joogaan rag qurbajoog ah oo la filayey in ay qaayibeen milgaha xoriyatul-qawlka (freedom of speech) iyo dawrka saxaafadda (role of media). Tusaale ahaan, M/Weyne Cadde, ku Xigihiisa Afqudhac iyo tiro badan oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waa qurbaawiyiin la quud daraynayey in ay magawsadeen dheecaanka xoriyatul-qawl ee wadamada haga afkaarta maamul wadaagga sida Waqooyiga Maraykanka, iyo Europe ee lagu soo laylyey. Nasiib darose waxaa ka muuqata madaxda maamulka damiinimo curyaamin doonta qorshe-hawleedka u deggan afarta sanno ee soo socota. Hindise ahaa in gafafka xukuumadda ay turxaan bixin doonaan Golaha Wakiillada ee sharci dejinta qaabilsan ayaan han laga qabin, sababta oo ah sidii loo unkay Golaha Wakiiladu ma dejin, mana hirgelin hal xeer oo qudha, aan ka ahayn ansixin qorsheyaasha xukuumadda sida golaha wasiirada, miisaaniyad sannadeedka iwm. Golaha Wakiilada ayaa ay ahayd in uu u saaro guddi ka baaraandega, ka doodo, deetana dejiya shuruucda, xudduudda, xeer hooseedyada, qaab-hawleedka, iyo awaamiirta haga hay'adaha warbaahinta. Aan u dego dulucda qormada e, saxaafaddu waa unug ka mid ah hay'adaha madaniga ah ee ummadeed. Ka sokow baahinta warar maalmeedka, dawrka saxaafadda ayaa ah bidhaamin qalooc ka muuqda maarayn hawleed oo la soo darista hay'ad dawli ah, madani ah, ama rayad ah. Waa dhuun qubanuhu ka dhaato, kana daalacdo sida hawl-wadeenada iyo hay'adaha dawliga ahi ay wax u beekhaamiyaan, una maareeyaan. Suxufiga oo u hogaansama anshaxa iyo maamuuska haga saxaafadda, iyo madaxda maamulka oo dhawra dawrka, shuruucda iyo xudduudda hay'adaha warbaahinta ayaa lagu kala badbaadi karaa. Suxufiga dhabta ah mas'uul ayaa ka saaran u dhabbagalka iyo dhab ka sheegidda dhacdo. Maamulka wadaaga ah oo hayin u noqda falaaraha toosinta ah ee saxaafadda, una dulqaata dhalliilaha loo soo jeediyo balse aan muquuno, qallac iyo caburin kula kicin saxaafadda ayaa lagu badbaadi karaa. Dhacdada ugu layaabka lehi waa tasarufka maamulka ee wargayska Al Shacab ee Garowe. Waxaa xus mudan in ka hor intii aan dabrin in tifatiraha wargeysa oo lagu soo oogay af-lagaado M/Weyne dambi lagu waayay, (waa cajiib e - ma Julius Cesar-kii imbiradooriyadii Rome baa), deetana xaakimkii dacwada qaaday uu dacwaddii laalay, daaqaddana ka tuuray - ilayn sharci ma ahayn e. Haddii ay hawlwadeenada M/Weyne Cadde ay ula muuqatay in dambi madani (civil felony) ah oo aflagaado iyo sumcad xumo ay ku soo oogaan tifatiraha (libel and defamation), waa su'aale, maxaa diidaya in iyada oo aan la xirin muwaadinka rayadka ah, xoriyadana aan laga qaadin tifatiraha in qareenka dawladdu, ama Xeer Ilaaliyaha Guud uu dacwad ku soo oogo, deetana xukunka maxkamadeed kadib wixii ciqaab ah ee uu mutayso la mariyo. Maxaa xorriyadda looga qaadayaa muwaadinka? Maxaa loo curyaaminayaa nolol-maalmeedkiisa iyo tan dadka kale ee isaga ku taxaluqa? Miyaanay u kala soocnayn farqiga u dhexeeya dambiga mudan in qofka loo xiro (criminal) iyo kan aanay ahayn in qofka la xiro (civil)? Miyaanay u kala soocnayn dhagar-qabe, sida qof qof dilay, iyo gaf le, sida qof qof caayey? Miyaanayse ogayn in markii dacwadda maxkamaddu laashay, dhibanuhu uu ku soo oogi karay M/Weynaha, xukuumadiisa iyo laanta amniga (police) 3 dacwadood oo kala ah: xarig aan sharci ahayn (unlawful imprisonment), xorriyad ka qaad (loss of freedom of movement), iyo dakhli seeg (loss of income). Waxaa kale oo muuqata in markii maxkamadu laashay dacwadii, in markaa xukuumaddu takoor iyo dabagal ku samayso sharcinimada iyo hawlaha shaqo ee wargayska, deetana lagu soo eedeeyo in aanu mulkiiluhu haysan ruqsad shaqo, canshuurna aanu bixin, sidaa darteed ay tahay in albaabada laysugu dhufto. Maxaa diidaya ka hor inta aan la qallicin dibnaha tifatiraha, aanan la dabrin hawlaha wargeyska, in mulkiilaha lagu wargeliyo in uu dalbado ruqsad hawleed (shati), bixiyo wixii canshuur ah ee ku waajibay ama ku baaqday, sidaana uu wargaysku hawlihiisa ku sii wato, shaqaalihii ka shaqaynayeyna ay sidaa adeega bulsho ku wataan. Haddii shaqaalaha iyo mulkiilaha laga xiray meheradoodii ay jirri u xuubsiibtaan, habeenkiina surimada dadka u fariistaan ilayn mehned kale ma hayaane, yaa taa ka mas'uul ah? Haddii xukuumaddu aanay awoodin in ay shaqooyin curiso, meheradii la furana ay dabarto, waa yaabe sidee horumar lagu gaarayaa? Duluc Damiinimada madaxda maamulka ayaa la oran karaa in ay tahay bu’da bugta ee u baahan in la baxnaaniyo; iyada ayaana ah waadiga ay ka soo fulaan awaamiirta guracan ee illaalada aminga iyo hawl-wadeenada dawladda ay kula kufaan awoodii dawliga ahayd canshuur bixiyayaasha rayadka ah. Halbawlahaan ku goynayaa, waayo waad iga cadhaysiisay waa caqli jahli ah, garowsiiyana ma leh. Damiir xumida hawl-wadeenada maamulka iyo farsamo xumida hay'adaha dawliga ah ayaa horseed u ah dib u dhaca bulsheed. Bidhaamin galdaloolooyinka banyaalka ah ee maaamulku waa moqor mudan in la muudsado, ee ma aha in la gufeeyaa. Karti daridda madaxda maamulka ayaa sabab u tahay ammaanka iyo amniga oo wiiqma. Cabir fikir qofeed ama mid ka tarjumaya dareenka guud ee bulsho khalkhal iyo burbur ma keeno e, horumar ayaa uu horseedaa, dheeftiisana kal kale ayaa laga garawsadaa, - doqonise moog. Biyadhac Sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa in : Saxaafadda qallaca laga daayo, Hay'adaha warbaahinta la sharciyeeyo, loona dejiyo qawaaniin iyo xudduud hagta, La dhiirigeliyo saxaafadda xorta ah, lana kobciyo xiriirka u dhexeeya hay'adaha dawladda iyo hay'adaha warbaahinta, La curiyo fikir wadaag ah oo lammaaneeya unugyada bulshada, una hawlgala maslaxadda ummadda, La joogteeyo fagaare doodeedyo lagu turxaanbixinayo is-af-garanwaaga, si is faham u yimaado, Madaxda dawladdu ay dhawraan shuruucda dalka u deggan, Loo carbiyo hawl-wadeenada dawladdu in ay dhawraan xorriyadda shakhsiga, La mamnuuco xarig qof aan amniga bulshada iyo ammaanka mandaqadda lid ku ahayn, taas oo maxkamadi xukunto. Laga dheeraado si xun u isticmaalka awoodda maamulka, silicdilyaynta rayadka, iyo dulmiga bulshada. Maxamed A Cali gorayocawl@yahoo.com
  14. Puntland oo wali u xiranyahay tafitirah warka shaca. Cade Muuse wuxuu ku socdaa kaliyi talinimadii soomaaliya waligeed soo mari jiratay. Garoowe: Maxkamadda Magaalada Garoowe Oo Tafatirihii Wargayska Shacab u gudbisay Xabsiga , Siina daysay Wariyihii Kale. - Thursday, June 23, 2005 at 15:37 Garoowe(AllPuntland)-Wariye ka tirsanaa Wargayska Shacab ee kasoo bixi jiray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda magaalada Garoowe. C/rashiid Faray oo ahaa tafatirihii Wargayska ayaa Maxkamaddu Su'aalo waydiisay , waxaana ka mid ahaa su'aalaha lawaydiiyay inuu Tafatiruhu khilaafay Awaamiir kasoo baxday dawladda gaar ahaan golaha wasiirada qaarkood. C/rashiid Faray wuxuu taas kaga jawaabay inuu asagu yahay nin Shaqo diyaar u ah oo oo shaqaysanaya , isla markaana uusan yeelayn hashaqaysan oo meel fadhi. Maxkamadda ayaa saxafigan wali aan xukumin hase ahaatee waxay amar ku bixisay in lagu sii hayo xabsiga dhexe inta Kiiskiisa laga baarayo. Wariye kale oo lagu magacaabo Qoondeeye oo la xirnaa Tafatiraha kana tirsanaa wargayska Shacab ayaa sida naloo xaqiijiyay lasii daayay . Waa maalinti saddexaad oo aysan wali dhinac u dhicin dacwadda loo haysto Tafatiraha wargayska Shacab oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku xirnaa Saldhigga haatanse Xabsiga loo gudbiyay. Maalintii Shalay ahayd baaq ay soo saareen ururka Suxufiyiinta aan xudduudda lahayn ee Adduunka waxay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo kan Puntlandba uga codsadeen in lasii daayo wariyaha Xiran .
  15. ^^^^^^^ Soomaalia waxeey ku maah maahdaa nimaan shantaada kaa celin sharci kaama celiyo. I will recomend somaliland to attack Puntland and let us see what somaliland gain from that.
  16. Garoowe: Saxafiyiin u shaqaysa Wargayska Shacab oo Maalintii Labaad ku xiran Saldhigga Garoowe iyo Baaqyo laga soo saaray Arintaas. - Wednesday, June 22, 2005 at 11:05 Garoowe(AllPuntland)-Waxaa maalintii labaad Saldhigga Booliska magaalada Garoowe ku xiran laba wariye oo u shaqeeya Wargays dhawaan la joojiyay oo lagu magacaabo Shacab. Labadan Saxafi oo mid ahaa Tafatirihii wargaysa Shacab Cabdi Farey iyo nin lagu naynaaso Qoondeeye oo kamid ah qorayaasha wargayska ayaa maalintii shalay ahayd boolisku ka kexeeyeen goobta joornaalka lagu daaboco. Boolisku waxay u sheegeen Saxafiyiinta in loo haysto arimo la xiriira inay si amar la'aan ah usoo saareen joornaal ay horay u joojisay dawlad goboleedka Puntland. Booliska Puntland ayaa dhawaan albaabada u laabay wargayska Shacab kadib markii lagu eedeeyey inuu qoray waxyaabo dhan ka ah dawladda Puntland. Ururka saxafiyiinta Puntland ee PUMANET oo la soo xiriirnay AllPuntland ayaa noosheegay inay aad uga xumaadeen wariyeyaasha lahayo ayagoon wax maxkamad ah lasoo taagin isla markaana aan lacaddayn waxa lagu xiray. Dhinaca kale Saxafiyiinta aan xudduuda lahayn ee Caalamka ayaa cambaareeyay xarigga markii labaad loo gaystay labada Saxafiyiinta wargayska Shacab ee Garoowe. Madaxda Puntland ayay ka codsadeen inay sii daayaan wariyeyaasha lagu xir xiray magaalada Garoowe. Ma ahan markii ugu horaysay ee ay booliska magaalada Garoowe xiraan wariye ka socda wargayska madaxa bannaan ee Shacab ee fariisinkiisu yahay Garoowe.
  17. Booliska magaalada Garoowe oo xabisga u taxaabay Tifaftiraha wargeyska Shacab iyo mid ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas. June 21, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Nuux Muuse Birjeeb “Garoowe†Booliska magaalada Garoowe ayaa xabisga u taxaabay Tifaftiraha wargeyska Shacab iyo mid ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas kaddib markii shalay ay soo saareen cadad ka mid ah wargeyskaas oo hore maamul goboleedka Puntland ay u mamnuuceen. Ciidmada booliks magaalada Garoowe ayaa xalay saldhiga dhigay Tifaftiraha wargeyska Shacab Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cali “Qoondheeyeâ€oo isagana ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas kadib markii shalay ay soo saaren cadad ka mid ah wargeyskaas oo muddo bil ka hor maamulka Puntland ay joojiyeen soo bixitaankiisa. Cabdi Farey oo HornAfrik ay ku booqatay xabsiga ayaa u sheegay inay go’aansadeen inay dib u soo saaraan wargeyska iyagoo og inuu saaran yahay cunaqabateyn ama shaqo joojin iyo warqadii ka soo baday xafiiska madaxweynaha Puntland oo lagu joojinayey soo bixitaanka waregyskaas. Wargeyska Shacab oo ah wargeyska ugu afka dheer marka loo eego kuwa kale ee ka soo baxa maamul goboleedka Puntland ayaa shalay ilaa iyo maanta ka dhexmuuqanayey magaalooyinka Puntlnad isagoo ka duwanaa qoraal ahaan iyo waraaq ahaan kuwii hore u soo bixi jiray. Suxufiyiinta ku nool Puntland ayaa ku tilmaamay arrin laga xumaado arrintaas ay ku dhaqaaday maamul goboleedka Puntland.
  18. join the progressive peace loving patriotic side and you will forever live with optimism and hope. Olol I thought that you were a human But I was wrong you calling some people by names that you never saw them. Plus you are calling yourself patriotic. Do realy now the meaning of these word patriotic :confused: Afkaaga caano lagu qabay ina hooyo sha qada si fiican meesheeda ka sii wad. waxaad u egtahay qof wax garad ah
  19. Very Good point these is the only one I agree with soomalideed what they say about puntland. Human trafficking Human trafficking Piracy Kidnappings Criminal gangs Some areas people walk around with guns (law?) Killing of Imam in the mosque Dumping of hazardous waste Corruption Shutting down newspaper network Etc ect marka hore ilaah ha unaxariisto labada qof oo dhimatay. second Cade needs to slove the big issue is going on in puntland. Let us not hide what is happning in puntland .
  20. suba xaanalaah inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicoon. waxaan uma leeynaaye in meesha tacsi looga hadlaayo . see wax idinka noqdeen ilaah marxuumada ha unaxariisto. samir iyo iimanah alaha ka siiyo ehelkeed iyo qaraabadeed.
  21. Xildhibaan Cali-barre waxa gacan-saaray nin weyn oo reer Hargeysa ah†Hargeysa (Jam)- Xarunta Golaha Wakiillada oo hadda fasax ku jira ayaa shalay waxa la keenay ciidamo badan oo Boolis ah oo ay ku jiraan ciidammada Baadhista Dembiyada (CID), iyada oo uu jiro dareen shaki laga qabay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) uu dib u furo Golaha oo la xidhay isaga oo dibadda kaga maqan 9kii bishan May, 2005. Ciidammadaas oo ay hoggaaminayeen saraakiil uu ka mid yahay Hoggaanka Hawlgelinta Booliska Somaliland, Cadbdillaahi Fadal, ayaa waxa ka cadhooday mudaneyaal badan oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ay u arkeen in xukuumaddu ku farogelinayso Golaha Wakiillada oo hadda uu ka taagan yahay khilaaf saameeyey tin iyo baar Golaha, kaas oo salka ku haya mooshin koox mudaneyaal ahi ku dalbadeen in xilka laga xayuubiyo Madaxweyne Rayaale. In ka badan 30 mudane oo ka tirsan Golaha Wakillada ayaa shir-jaraa’id oo ay qabteen shalay waxa ay ku eedeeyeen oo ay ku tilmaameen xukuumaddu in ay doonayso in xoog kaga hortagto. Sida oo kale, waxa xildhibaannadaasi cambaareeyeen fal nin rayid ahi ku gacan-saaray Md. Cali Maxamuud Aadan (Cali-barre), oo ka tirsan Golaha Wakiillada. “Arrintii maanta [shalay] Golaha ka dhacday waxa ay ahayd mid aad u fool-xun oo cay ah, waayo, nin xildhibaan ah ayaa lagu gacan-saaray, iyada oo ay goobta joogeen ciidamo dhan oo Boolis ah oo wax loo soo dhoobay aan la garanayn. Sida oo kale, waxa Golaha ka dhacday kalmado ah ‘Daaroodku ha naga tago,’ iyada oo loola jeedo xildhibaannada beelaha Warsangeli iyo *********** ee Somaliland. Taa macnaheedu maxay ahayd?†Sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay xildhibaannada, Md. Foodyare. Isaga oo sii faahfaahinaya arrinta waxa uu intaa raaciyey; “Xildhibaanka waxa gacan-saaray nin ka mid ah dadka reer Hargeysa ee aan anigu aadka ugu hanweynaa. Ina Cabdi-dhoore, ayaa la yidhaahdaa, ninkaa wax tallaabo ah lagama qaadin, taasina waxa ay noo caddaynaysaa in ninkii la doonayo la dilo, sharcigu aanu qabanayn. Laakiin, arrinkaaxukuumaddu waxa ay ka qabato ayaa nooga yaalla, waayo, waa mid xildhibaanka dhawrsanaantiisii iyo qarankaba sharaf-dhac ku ah.†Md. Foodyare, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland u xusul-duuban tahay in ay muddada yare e ka hadhay waqtiga doorashada Wakiillada loo cayimay ka hor boobto hantida ummadda iyo doorashada, nabadgelyadana wax u dhinto. “Laakiin,†ayuu yidhi; “sida Distoorka ku cad Golaha Wakiillada ilaa maalinta u dambaysa cidda ilaalinaysaa waa xukuumadda, haddii taasi dhici waydo waxa ay noqonaysaa in aan doorasho xalaal ahi dalka nabadgelyo uga dhicin.†Waxana uu xukuumadda ku tilmaamay mid awood-darran oo aan ilaalin Karin shuruucda iyo Distoorka Qaranka. “Taana waxa ka marag ah dadka Madaxweynaha ku xeeran oo loo adeegsanayo in sharciga iyo nabadgelyada lagu burburiyo iyo xukuumadda madaxdeeda ka tirsan haddii uu ummadda iyo qaranka dembi ka galo oo aan la qabanayn,†ayuu yidhi Md. Foodyare, waxana uu intaa raaciyey; “Fuleyaasha dhiigya-cabka ah ee Ina Rayaale ku meersanoow ha gaadhsiinina arrinta meel aanay gaadhsiisnayn, haddii ay gacan-ka-hadal noqotana kuwa ugu horguranaya xamasta idinka ayey noqonayaan.†Md. Cabdirisaaq Warsame Xayir, oo isna shirka-jaraa’id ka hadlay waxa uu faahfaahin ka bixiyey fadhiyada Golaha iyo awoodaha Shirguddoonka Wakiilladu sharci ahaan sida ay ugu kala xadaysan tahay Xeer-hoosaadka Golaha iyo Distoorka Qaranka Somaliland. “Dhammaan fadhiyada Golaha Wakiilladu waaa kuwo Distoori ah, xeer-jajab iyo rabitaan qofeedna kuma dhisna,†ayuu yidhi Md. Xayir. Waxana uu intaa raaciyey; “Waxa nasiib-darro ah in iyada oo sharcigii ina horyaallo aftahanno iyo xeer-jajab aynu isticmaalno.†Md. Xayir, waxa kale oo si adag u difaacay hadalka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku sheegay in uu keligii leeyahay go’aan-ka-gaadhidda qoraal mooshin 43 Mudane u gudbiyeen oo ay ku dalbadeen in fadhi aan caadi ahayn goluhu yeesho. “Go’aanka wadareed ee uu ku dooday Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada waa awood uu iska leeyahay Guddoomiyaha Goluhu,†ayuu Md. Xayir ku soo gunaanaday hadalkiisa
  22. KULMIYE oo xukuumadda ku eedeeyey in ay abaabulayso dagaal sokeeye oo dalka ka dhaca. Hargeysa (Jam)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa xukuumadda Madaxweyne Daahir Rayaale, si weyn ugu eedeeyey in ay Somaliland gudaheeda ka abaabulayso xaalad-abuur qas iyo kicin ah oo ujeeddada ka dambaysaa tahay in mar labaad dagaal sokeeyo ka dhaco Somaliland. Shir-jaraa’id oo ay shalay si wadajir ah xarunta KULMIYE ugu qabteen Afhayeenka Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed, Cabdiraxmaan Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse, oo ka tirsan Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE, waxa ay kaga hadleen arrimo dhawr oo ay eedeedda dusha ka saareen xukuumadda Somaliland, kuwaas oo ay ka mid yihiin falal gacan-ka-hadal iyo kicin abaabulid mudaharaad. Ugu horreyn, Maxamed Kaahin, oo ka hadlay shirka-jaraa’id waxa uu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Rayaale in ay xubno ka mid ah Golaha Wasiirradu tageen Golaha Wakiillada, isla markaana ay hanjabaad iyo cago-juglayn ugu geysteen xubno ka mid ah Xildhibaannada Wakiillada. “Golaha Wakiillada waxa aanu ka war haynaa in xubno Golaha Wasiirrada ah ay yimaaddeen oo ay dad soo abaabuleen, oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada lagu yidhi ‘haddii aad golaha furto, baastoolado ayaanu haysanaa, dabaabado ayaanu haysaanaa, lacag baanu haysanaa, dagaal baana ka dhacaya, oo ninka ugu horreeya ee dhimanayaa adiga ayuu noqonayaa, oo Gobollada Barina dagaal ayaanu ka ridaynaa,†ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed. Isaga oo tafaasiil ka bixinayey cidda waddanka sharciga u yaal burburinaysa waxa uu intaa raaciyey; “Waxa xaaladdan abuuraya oo sharciga waddanka duminaya ragga xukuumadda ku jira ee abaabulay xubnaha ay qabiilka iyo isku isirka yihiin ee xildhibaan Cali-barre kula dagaalamay meesha [Golaha Wakiillada]. Wasiirkii maalintii hore Cali-barre la dagaalamay ee yidhi halkan [Hargeysa] shandad yar oo xun inta aad la timi ayaad doonaysaa in aad waxayaga carqaladayso, waanu ku garaaci, oo waanu ku dili. Ummadda Somaliland waxa aanu u caddaynaynaa in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumaddiisu ay maanta qaranka gudihiisa ka abaabulayaan xaalad-abuur dagaal oo ujeeddadoodu tahay in Somaliland uu mar labaad dagaal sokeeye ka dhaco. Waxa markhaato ka ah baarlamaanka hortiisa waxa shalay ka dhacay, waxa ka markhaati Sool, markii arrinteedii dhowaan la soo gebagebeeyey in ay go’aankii la gaadhay ka been sheegeen isaga [Rayaale] iyo xukuumaddiisu, oo ay go’aan foojari ah Radio Hargeysa ka sii daayeen, waxa markhaati ah ka maanta la leeyahay Mudane Qaybe nin Golaha Wasiirrada ah ayaa ku yidhi Tuke oo qoladiina ah, markii uu ku gubayey dadka reer Gabiley dawlad ******* ah oo dalka ka jirtay ayaa caynkaa samaynaysay, annaguna maanta ayaanu ***** nahay oo dawladda haysanaa oo haddii aad farofarayso Qayboow waanu kugu gubaynaa, kugu dilaynaa - oo kaasi waa kuma? Tukaha uu sheegayo ayaa maalintaana ka xigay oo Isaaqna muu ahayn cid kalena muu ahayne midiidinka u xun ee dadka lagu laayo ayuu ahaa, markeeda iyo waqtigeedana magacyadooda waanu sheegi doonaa…†ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed. Waxana uu xukuumadda ku eedeeyey in Ciidanka Booliska ee ay hore ugu adeegsadeen xisbiga KULMIYE ay maantana u adeegsatay Golaha Wakiilalda, taas oo uu sheegay in ay sharci-darro tahay oo Boolisku sida uu Distoorku dhigayo tahay in ciidanka bilayska aanay Wasiirka Daakhiliga, Taliyahooda, Madaxweynaha iyo Wasiir kale toona si gaar ah u isticmaali karin. Maxamed Kaahin, waxa kale oo uu ka hadlay in xisbiga KULMIYE diyaar u yahay in uu qaybgalo tartanka doorashada Golaha Wakiillada oo aanu diidanayn, balse uu Madaxweyne Rayaale mar kasta oo doorashadu soo dhowaato bilaabo cay iyo carqalad uu ku horjoogsanayo qabsoomidda doorashada Wakiillada. Sida oo kale, waxa iyaguna Maxamed Kaahin kadib, shirka-jaraa’id ka hadlay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Iskeerse, oo labaduba ka tirsan Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, kuwaas oo tafaasiil ka bixiyey in aanu jirin sharci u diidaya Mudaneyaasha Golaha Wakiillada in ay Madaxweynaha u soo jeediyaan mooshin maamuus-ka-xayuubin ah, iyada oo ay xuseen in Distoorka Somaliland iyo hannaanka dimoqraadiga ah ee dalku ku socdo ay labaduba oggolaanayaan in Madaxweynaha mooshim maamuus-ka-xayuubin ah ku soo oogi karaan Mudaneyaasha Wakiilladu, waqti kasta oo la soo jeediyo. “Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu xaq bay u leeyihiin in ay Madaxweynaha ku soo oogaan maamuus-ka-xayuubin, markaa haddii xukuumaddu diido oo ishortaag ku samayso soo-jeedinta waxa ay noqonaysaa inqilaab ay xukuumaddu ku samaysay Golaha Wakiillada,†sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Cabdulqaadir, oo ka hadlayey xaqa golaha wakiilladu u leeyihiin soo jeedinta maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha. Mr. Cabdiraxmaan, waxa uu ka hadlay mudaneyaasha golaha wakiilladu in 80% ay ka tirsan yihiin xisbiga UDUB ee xukuumadda, soo-jeedinta mooshinna ay xaq u leeyihiin, iyada oo sida uu sheegay Cabdiraxmaan ay aqlabiyadda xildhibaannadu ka tirsan yihiin UDUB, haddana xukuumaddu xisbiga KULMIYE ku eedayso in uu ka dambeeyo mudaneyaasha soo jeediyey maamuus-ka-xayuubinta Madaxweynaha. Waxa kale oo uu sheegay in xildhibaannada wakiilladdu haddii ay go’aansadeen in ay maamuus-ka-xayuubin u qaadaan Madaxweyne Rayaale ay xaq u leeyihiin, balse ay khalad tahay in mudaneyaasha loogu hanjabo Hargeysa. “Madaxweynuhu khudbaddiisii 18 May, waxa uu yidhi $1500 doollar ayuu KULMIYE ku baayacay mudaneyaasha Golaha Wakiillada, si ay u oggolaadaan maamuus-ka-xayuubin in la igu qaado, si la ii rido, markaa horta haddii $1500 doollar la igu ridayo maba aan moodayn in lagu rido’e waa hore ayaan anigu soo ururin lahaa,†ayuu hadalkiisa ku soo koobay Cabdiraxmaan Cabdulqaadir. Maxamed Cabdi Iskeerse, ayaa isaguna sheegay in Madaxweynuhu sidii shacbigu u doortay aanu ugu hambayn, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale dadkii doortay abaal-gud uga dhigay in uu xumaan iyo wax aanay geyin gadhka u geliyo. Mr. Iskeerse, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey dhacdadii shalay lagula kacay qaar ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda Gobollada Bariga in ay ahayd mid foolxumo ah oo abuuri karta qas iyo fawdo ku timaadda degenaanshaha iyo nabadda ay Somaliland ku naaloonayso. “Xukuumaddu yaanay diidin soo-jeedinta maamuus-ka-xayuubinta ee mudaneyaasha wakiilladu u soo jeediyeen Madaxweynaha xaq bay u leeyihiin. Waxa la sheegayaa shalay in rag mudaneyaal ah oo ka soo jeeda Gobollada Bariga lagu dhirbaaxo magaalada dhexdeeda. Markaa haddii taasi dhacday dhirbaaxooyin kale ayaa dhici doona’e ee xukuumaddu ha ogaato. Horseed niman la yidhaahdo oo dhallinyaro ah ayaanu leenahay oo aan cidina ka badin ciyaala-suuqnimo iyo handadaad la sameeyo ee xukuumaddu ha oggaato in waxa aanu dhawraynaa uu yahay qaynuunka,†ayuu yidhi Maxamed Cabdi Iskeerse, isaga oo ka hadlaya falalka qalafsan ee ay xukuumaddu ku kacayso, waxa uu intaa ku daray; “Annagu aqbali mayno in mudaharaad iyo dad la soo abaabulay ay xukuumaddu nagu soo kiciso, waayo, waxa la sheegayaa in Gabiley ay xukuumaddu dad mudaharaada ka abaabulayso. Haddii taasi dhacdo kuwo kale oo diidan ayaa ka horiman doona ee miyaan isku-dhac imanayn. Waxa aan leeyahay xukuumaddu abaabulka ha joojiso oo yaanay qas iyo xumaan horseedin,†ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Iskeerse. Jamhuuriya Online Printable version
  23. Amnesty International ku amertay Somaliland inay sii daayaan dibadbaxeyaal ku xiran hargeysa Amiin, Shabelle Correspondent In Mog. 25, May 2005 Hargeysa( Sh.M.Network) Hay’adda caalamiga ee u ololeysa xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta jamhuuriyadda is magacowday ee Somaliland in ay sii daayaan 100 qof oo ka tirsan mid ka mid ah qabaa’iladda laga tiro badanyahay oo la dhigay jeelka horraantii Bishan mar ay dadkaasi ka dibed baxayeen dilka bileyska Somali land uu u geystay xubin ka tirsan beeshaasi. Amnesty international ayaa hadal ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in dadkani xiran lagu hayo goob aan la garaneynin oo ka tirsan Magaaladda Hargeysa iyadoona loo oggoleyn wax xiriir ah in ay sammeeyaan ama lala sammeeyo. Tiro badan oo ah kooxdan xiran ah ayaa banaanbaxyo nabadeed ka dhigay qeybo kala gedisan marka ay taariikhdu aheed 13-ka Maajo , 2005ta xilligaasi oo ay ka dibed baxayeen dil sarkaal bileyska Somali land uu u geystay nin qolodan ka tirsanaa oo la oran jiray Khadar Osman Dhabar. Falka uu u geeriyooday Khadar Cismaan Dhabar oo ay da’diisu aheed ayaa waxa uu ka dhacay degmadda Hawl wadag, waxuuna markii dambe dhaawaca rasaasta lagu dhuftay. Faahfaahinta ku saabsan dhacdadaasi oo ku beegneyd 11-kii bishan aynu ku jirnao ee Maajo ayaan weli kala caddeyn hadalo is khilaafaya oo ka soo yeeraya dhanka mas’uuliyiinta Somali land iyo dhinaca qoyska iyo asxaabtii Khadar. Amnesty,ayaa hadal ay soo saartay 18-kii bishan , waxa ay ku tiri : "waxaan u aragnaa banaanbaxayaasha xiran iyo kuwa kale ee la xiray toddobaadyadii ka dambeeyay banaanbaxa in loo xiray fekerkooda ku saleysan nabadda iyo iyaga oo daafacanayay xaquuqdooda. Wasiirka arrimaha dibedda ee Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isagana si kulul gaashaanka ugu dhuftay eedeymaha ka soo yeeray hay’adda Amnesty International. Isaga oo la hadlayay saxaafadda ayaa mudane Ismaaciil aadan Cismaan waxa uu ku eedeeyay 100 ka mid ah dadkan laga tiro badan yahay in ay dhigeen dibed bax rabshad ah. Waxa wasiirka ku eedeeyay in kooxdan falal qarbudaad ah oo isugu jiray, taayaro gubis, waddo xirid dhagax tuuris iyo in ay waxyeelo burburin u geysteen goobo ganacsi iyo shirkad tilifoon oo ku taala bartamaha Hargeysa. Waxuuna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu intaasi raaciyay ka dib rabshadaha marka ay dhaceen in bileyska loo yeeray si ay u soo celiyaan kala dambeynta. Waxuuna yiri bileyska waxaa qasab laga dhigay in rasaas ay circa u ridaan soona xir xiraan qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay. Shabelle Media Network Somalia
  24. SBC-25.May.2005 Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxya si aad ah ugu mahadcelinaysaa Ururadii, Warbaahintii, Bulshada iyo Shakhsiyaadkii ka dhiidhiiyey xarigii xaley sida sharci darada ah loogu geystey Agaasimaha Idaacada SBC Molwiid Haji Abdi iyo Madaxa Qaybta dhaqaalaha ee Idaacada Maxamuud C/raxmaan Rood. Warsaxaafadeed ka soo baxay Idaacada SBC ayaa si rasmi waxaa mahadced celiyey sida qiimaha laheyd ee saxaafadu uga hadashey xarigaas aan sharciga salka ku hayn. “Sidii dareenka lahed ee ay quluubta inagala socdeen Qaybaha Warbaahinta Soomaali iyo Ajanbiba waxay inoo muujisey doorka muuqda ee saaxiibtinimadu ku lamaanstahay ee aan la leenahay guud ahaan inta hormuudka u ah xiligan Saxaafada†ayaa lagu yiri qoraalkaas ka soo baxay Hay’ada Warbaahinta SBC. Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxay sidoo kale mahadnaq iyo amaan u jeedinayasaa Dadweynihii gaar ahaan asxaabtii fariimaha ay uga xun yihiin dhacdadaas ina soo gaarsiiyey, kuwaasi oo qaarkood yimaadeen Xarunta SBC ee Boosaaso, kuwii fariimaha E-mailada, Telefoonada iyo SMS-ka ina soo gaarsiiyey, Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC waxay warsaxaafadeedkeeda ku cadeynaysaa inaysan sina u niyad jabin doonin ficiladii xaley lagula kacay qaar ka mid ah masuuliyiinta Idaacada SBC, waxayna sii wada doontaa shaqada warbaahineed ee ay u hayso guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Dadka reer Puntland, iyadoo ku dhaqmaysa nidaamka saxaafada ee jirida hoose ku haya xoriyada saxaafada iyo ilaalinta shuruucda qaanuuniga ah. Hay’ada SBC waxay si kulul u cambaareynaysaa dhamaan ficilada lidiga ku ah hanaan socodka iyo shaqada saxaafada, waxayna ugu baaqeysaa dhamaan Maamulada, Kooxaha, Ururada iyo cid kasta oo deegaan maamusho inay tixgaliso hab sami u socodka mihnada saxaafada. Maamulka Hay'ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC. ...
  25. commmmm ppl give him a break. Interting indeed !!!!!!! Bron Again<----------------------------- :cool: