Garyaqaan2

Nomads
  • Content Count

    878
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Garyaqaan2

  1. They should keep up the spirit and fight for the right causes. Faanto iyo Doolsho inaan bixiyo waaye Xoogsade sxb there is no right that they fighting for. They are all fighting for their own intesrted you should know that.
  2. Faahfaahin Kulankii Baarlamanka Maanta ee ku dhamaadey Gacan ka hadalka Nairobi-17.March.2005 Fadhigii maanta ay ku yeesheen Hoolka shirarka ee Hotel-ka Grand Regency ee Magaalada Nairobi Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka dambeeyey ka dib markii uu xaley ku dhawaaqey Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan in Xildhibaanadu ay isku yimaadaan. Kulankaas oo uu iclaamiyey Gudoomiyuhu in Xildhibaanadu ay kaga hadlayaan ama kaga doodayaan arinta Ciidamo ka socda Wadamada shisheeye la keeno Dalka Soomaaliya. Kulankan uu xaley ku dhawaaqey Gudoomiyuha Baarlamanka inay yeelanayaan Xildhibaanada ayaa waxaa la sheegay in ay Xukuumadu codsatey in maalin dib loo dhigo ilaa iyo inta Xubnaha Baarlamanka iyo Wasiirada ee ka maqan Magaalada Nairobi ay soo laabanayaan. Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay in uu diidey codsigii Xukuumada waxaana kulamo kala duwan oo ay yeesheen Madaxweynaha, Ra'isalwasaaraha iyo Gudoomiyaha Baarlamanka iyo xubno kale ay ku soo dhamaadeen kuwa aan laga gaarin natiijo, waxayna ka dambeysay ka dib markii Shariif Xasan uu si rasmi ah u sheegay in Kulanka Baarlamanka uu dhacayo. Saaka waaberigii ayaa waxaa Xildhibaanadu u soo kalaheen Hotel-ka Grand Regency halkaasi oo ay ahayd madal la isku balansadey si loogu kala baxo arinta dooda iyo muranka maalmahan keentey oo ahayd ciidamada shisheeye ee la doonayo in dalka la keeno. Kulankan maanta ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamanka ayaa wuxuu aad uga duwanaa kulamadii kale ee ay horey yeelan jireen waxaa aad loo adkeeyey amaanka goobtii Hotel-ka waxaa si wayn loo baarey Xildhibaanada Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee fadhiga doonayey inay goob joog ka ahaadaan, xitaa gawaarida soo galeysay Hotel-ka ayaa waxay ahaayeen kuwa si weyn loo baarayey. Waxyaabaha cajiibka leh ee kulankii maanta ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa in Saxaafada si wayn loo kala saarey, iyadoo inta badan Suxufiyiinta lagu celiyey kadinka hore ee hoolkii uu ka socdey shirka, Wariyaasha Idaacada SBC ayaa waxay ka mid ahaayeen Tiro Suxufiyiin ah oo loo diidey inay galaan Gudaha taasi oo aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa, balse aheyd Xadgudub lagu sameeyey Xoriyada Saxaafada iyo waliba Suxufiyiintaas oo mudo 3 sano ku dhaw wararka ka soo tabinayey Shirkii Soomaalida ee lagu dhisey DFKMG ah ee Soomaalida. Kulankaas ayaa waxaa uu furmey saacadu markii ay aheyd 10:30 subaxnimo, waxaase intii uusan kulankaas bilaabin yimid goobtii shirka Madaxweynaha DFKMG ah C/laahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isalwasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geedi waxayna kulan kooban ku yeesheen goobtii iyadoo markiiba uu Madaxweynuhu ka tagey goobtii waxaase ku harey Cali Maxamed Geedi. Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan ayaa wuxuu ku soo dhaweeyey Cod baahiyaha Ra'salwasaaraha Cali Maxamed Geedi si uu uga jeediyo khudbada uu ku soo tala galey, waxaana Cali Maxamed Geedi uu ku nuuxnuuxsadey in ay muhiim tahay in kulanku uu noqdo mid si saraaxad leh looga doodo Hindisaha Xukuumada ah ee in Baarlamanku cod u qaado ciidamada ka socda Wadamada Carabta iyo Afrikaanka ee la doonayo in la keeno Dalka. Cali Maxamed Geedi waxaa kale oo uu sheegay in xubnaha maanta goobta fadhiyaa inay gacanta ku hayaan masiirkii Umadda, isla markaana ay muhiim tahay inay si Dimuqraadiyad leh uga doodaan soo jeedinta Xukuumada. Intii markii uu jeediyey Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa hadalkii qaatey Shariif Xasan waxaana uu furey doodihii waxaa la siiyey Xildhiban kasta 3 daqiiqo oo uu ku soo bandhigayo waxa uu ka qabo fikrada Xukuumada ay soo jeedisay, Xildhibaanadii goobta ka hadley ayaa waxay siyaabo kala duwan uga hadleen amuurta Ciidamada iyadoo Xubnihii hadley ay si weyn ugu kala duwanayeen fikradaha ku aadan Ciidamada Safka hore oo xubnaha qaar ay si weyn uga soo horjeedeen in Ciidamadaas ay yimaadaan Dalka, halka Xubno kale ay sheegeen inaan lakala qaadin Ciidamada oo dalalka dariska ah aan laga abaal dhicin. Khubadihi halkaasi laga jeediyey ayaa waxay inta badan ahaayeen kuwa qaarkood ay ka muuqatey nacayb kooxiba u qabtey kooxda kale ee fikradaha ay ku kala duwan yihiin ,waxaana jirey Xildhibaanada qaar oo ay ka muuqatey Khudbadoohoda hanjabaad iyo caro xoog leh. Khubadihii maanta halkaasi laga jeediyey ayaa waxaa waxyaabihii aan ka qorney waxaa ka mid ahaa Xildhibaan soo jeediyey in shirkan maanta uu yahay kii ugu dambeeyey ee Xukuumadu ay yeelato oo ay halkaas ku burburi doonto wixii la soo wadey mudada labada sano ah waa hadii buu yiri uu Baarlamanku uu ansixiyo keenista Ciidamda, Xildhibaan kale oo ay fikirka ku kala duwanaayeen ayaa yiri" Kuwa diidan in dalka la keeno Ciidamo shisheeye waa kuwa xooga ku haysta dhul iyo beero aysan laheyn" Mid kale oo ka mid ahaa Xildhibaanadii hadley ayaa wuxuu isna yiri" Hadii dalka la keeno ciidamo ka socda Wadanka Itoobiya aniga ayaa is qarxinaya" Xildhibaan kale oo firkad taas ka duwan qaba ayaa wuxuu yiri" Itoobiya waxay badbaadisey Asxaabtii Nabiga Nabad galyo iyo naxariis korkiisa EEBE ha yeelee, sidaasi darteed inay na badbaadiso ayaan doonayna " Hadaladaas ka dib inta badan Xildhibaanadu uu midba jeediyey fikradihisa ayaa waxaa loo baxay xili qado iyo salaad ka dib waa la isku soo laabtey, waxaa sii bilowdey khudbadihii. Goor casir liiqii ah ayaa la soo afmeeray khudbadihii waxaana hadalkii qaatey Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan wuxuu sheegay in ay dhamaadeen khudabadihii, isla markaana hada la galayo codeyntii wuxuu sheegay in codeyntu ay noqon doonto hab qarsoodi ah oo xildhibaan kasta uu codkiisa ku dhiibanayo si qarsoon. Shariifka oo xiligaas is ag fadhiyeen Ra'isalwasaare Geedi ayaa wuxu ku dhaawaqey in loo codeyn doono in dalka la keeno Ciidamo ka socda Wadamada Carabta iyo Afrika iyadoo aysan ku jirin kuwa dariska la ah Soomaaliya waxaana la keenay waraaqo ay ku qoran yihiin arimhaas iyo laba sanduuq oo ay ku kala qoran yihiin Haa iyo Maya oo laga wado in cidii qabta in dalka la keeno Ciidamo shisheeye oo ay ku jiraan kuwa dalalka dariska la keeno Dalka ay u codeeyaan Haa, halka kuwa kale ee diidan Ciidamada wadamada dariska ah ay ku codeeyaan Maya. Arintaas uu soo jeediyey Shariif Xasan ayaa waxaa si wayn uga horyimid Ra'salwasaaraha wuxuuna sheegay in qorshihii uu la yimid uusan sidaasi ahayn, wuxuu sheegay in Baarlamanka ay u taal iyadoon la qaadin in Ciidamo ka socda Wadamada Carabta iyo Afrika la keeno wadanka iyo inay diidan gabi ahaanba. Laakin hadalkaasi Shariifka madaxa ayuu ka ruxey wuxuuna sheegay in sida uu isagu uu wado loo codeyn doono, sidaasna ay ku bilaabto codeyntii. Markiiba waxaa bilowdey buuq iyo sawaxan waxaa meeshii ka dhacay guux iyo hadalo hoose, daqiiqdo gudahood ayaa waxaa la dardarey Sanaadiiqdii Cod bixinta waxaa bilowdey in kuleetiga la is qabsado, durbadiiba waxaa meeshii isku fara saarey laba Xildhibaan, waxaase amuurtii ay isku badashey gacan ka hadal saf iyo saf ah oo laba laba la isku qabsadey. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa waxay adeegsanayeen Ulo iyo Bakoorado halka kuwa kale ay Gacmahooda iyo Feerka maalayeen, waxba la iskuma harin, Cali Maxamed Geedi ayaa wuxuu isku dayey in uu ku hadlo Cod baahiye oo uu xaalada qaboojiyo laakin cidina dhag jalaq uma siin, oo waxaa qof kasta uu miciin bidey halkii uu tiigsan lahaa, walow Xildhibaanada qaar ay ahaayeen kuwa u muuqdey inayba doonayeen jimicsiga feerka oo ay Riingaha deg deg u tageen. Goobta waxaa ku sugnaa Ciidamada amaanka ee Wadanka Kenya gaar ahaan kuwa si gaar ah u qaabilsanaa amaanka Ra'salwasaaraha iyo Gudoomiyaha, waxayna markiiba Ciidamada amaanku damiyeen leyrkii ka shidnaa Hoolkii ay ku shirayeen Xildhibaanada Baarlamanka oo iyagu si weyn feerku ugu dhex socdey, Leyrkii markii uu damey ayaa waxaa Xildhibaanadu bilaabeen inay xiisada qaboojiyaan. Kulankii ayaa waxaa uu ku soo dhamaadey feer iyo fara laab waxaana meeshii ku kala yaacey dadkii ku sugnaa goobta, iyadoo ay jireen Xildhibaanada qaar iyo Wasiirada oo dhiig ku daadanayey. Dhaawac ayaa wuxuu soo gaarey tiro xubno Baarlamanka ah iyo Wasiirada, xubanaha dhaawacyadu soo gaareen ayaa waxaa ka mid ahaa C/laahi Geedi Shadoor, Xildhibaan Cabdiladiif, Xildhibaan Cabdi Kaafi, Wasiir Maxamed Maxamuud Guuleed(Gacmadheere), Macalin Jiis, Cali Baashi Xaaji, iyo xubno kale oo fara badan oo aynan helin magacyadooda . Si kastaba ha ahaatee kulankii Baarlamanka ee maanta ayaa ku soo dhamaadey iyadoon wax natiijo ah ka soo bixin, kala fogaansho Xukuumada dhexdeeda, Dhaawac soo gaarey Xubnaha Wasiirada iyo Baarlamanka. Afeef: waxaan saaxiibaayal warbixinta ku soo qaadaney waxyaabihii ugu waa weynaa inagoo qiimeynayna waqtoga ayaynu soo koobnay Qoraalka, waxaana ka gudubney khudbadihii maanta la jeediyey badankood sababo hadalo caadifad oo inta ka muuqdey. Wariyaasha Idaacada SBC ee Nairobi Canab Mumtaaz, Keyse Caamir & Wariyaasha Xarunta SBC ee Boosaaso. ...
  3. wareey sigii rayusal wasaaraha somalia ali maxamed geedi oo ku tilmaamay gudoomiyah barlamaanka nin ku xadgud bay sharciga dastuurka. I wonder what cames next after this, when The PM caling Mr Shariif the one who started the beating and the shouting that hapen today the PM contue.... to say that Shariif Xassan is responsibl what hapen today. Ilaah soomalia nabad ha kadhigo . 1. The voting suposed to be if the parlment would Vote african troopps not ciidamada safka hore so someone towisted and said we are voting for the fornt line troops that is what couse the shouting. And that is where the Shariif xassan made the big mistake.
  4. dammm Malcolm X AKA El-Hajji Malik El-Shabazz's uncompromising slogan was "by any means necessary" which he explained thus: I just read some of his opinion the man is crezy. Hajji malik must be Hajji qabilista. Qorshal sxb the man is too mutch :confused: Og_Girl markeey maqasho madaxweeyne Soomaalia Mudane C/yusuf axmed madaxaa xanuunaayo Please don't mention The Persident's name while OG_girl is around
  5. Please don't use weapon to each other that is what kill us for 15 years. "but" the cold war is okey. afsoomali xuminaa waxaa nugu jira Italyaano Arabic sawaahil and so on. I think the reason we are fighting in back home is misuderstanding each other.
  6. MAXAMED MAXAMUUD GUULEED GACMADHEERE: "Bulshada Gobolka Banaadir waxaan uga digayaa dhagarta ay la damacsan yihiin Rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay " Isniin, March 14, 2005(HOL)@20:30GMT: Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa Qaranka Md. Maxamed Sh. Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) oo u waramayay Idaacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu uga digayo Bulshada gobolka Banaadir waxa uu ugu yeeray dhagarta ay la damacsan yihiin rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay. "Bulshada Gobolka Banaadir waxaan uga digayaa dhagarta ay la damacsan yihiin rag 15 sano dhexdooda ka heshiin waayay"ayuu yiri Md. Gacma-Dheere. "Qolada heshiiska qabyada ah ku gaartay magaalada Nairobi nagama jecla maamul loo sameeyo gobolka Banaadir aniga, C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi"ayuu mar kale yiri Wasiirka oo nasiib darro ku tilmaamay in xiligan dadka gobolka Banaadir lagu Beer laxawsado Maamul baa la idiin sameynayaa, iyadoo ragga howshaas wada aysan heshiis ku ahayn waxa ay dadka u sheegayaan . Md. Maxamed Shiikh Maxamuud Guuleed Gacma-Dheere waxaa uu sheegay in haddii maamul loo sameynayo gobolka Banaadir uu sameyntiisa waajib ka saaran yahay dowladda Soomaaliyeed, mana qabo ayuu yiri maamul aysan horseed ka ahayn dowladda cusub in xiligan laga hirgelin karo gobolka Banaadir. Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga iyo Daaqa Qaranka ee TFG-da Md. Maxamed Sh. Maxamuud Guuleed (Gacma-Dheere) ayaa mar la weydiiyay sida uu u arkayo in ciidamo ka socda dowladaha safka hore ay yimaadaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku gaabsaday in go’aanka rasmiga ah laga sugayo Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo dhowaan arrintaas kulan ka yeelan doona. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. what poor old lady acting as young gril who run away married arengment...... please She strated with all of these idea that she run away back home couse her family wanted to areng a marriag. cammon we all know that areng married used to back in the old days. Her problem is, she got twisted the different between the clutrul rules and the reliogon. all she came up is women are treated badly in somalia and afganistan, suadia and so on. but what she can't see is how women are treated in westeren countries. Insha alaah one day she will notice the big mistake she is making. like her father said "that one day she will return to the faith."
  8. origianly posted by Shyhem I definately think we are all losing our culture in one way or another. How about i start with you. Take alook at u'r signature and tell me what do you mean by "no breakfast in bed". waraa ciyaal qarxis aad u weeyntahay lol waraa ishaa katuurtay. going back to the topic sis i agree with 99% that we are loosing our cluture. If you need breakfast sleep where subxaanalaah
  9. ^^^ walaalo xaal qaado korayda luuqada ayeey meesha ku baranaayaan. Cimaamad ayaan ku saaray. Let us educated ourself. But in good way. " Kuunto" Sub xaanalaax ciyaalka afxumaa waraada masaan aad rabtaan in aad magaalo ku martaan. isbatooraha in la idunku dufta aad rabtaan. Buuf kulahaa waraa xudun dheh Going back to the topic aniga waxaad isoo adisaan gabdhaha xusulbaruurka ah at least she has to be 190 or more Kun labo kun kiilo bar baayicimeenee keen barida
  10. woooow thanks sky for finding out these. I have to say you are intelgent person for you being the first person to figarout these. :rolleyes:
  11. Msword woow very nice lady, and great stroy teller. You might as well believe that Santa claus exists if you believe that hogwash You must be under age if you still remembar those stories. The power of the Alliance in Kismaayo. I am sure you are mature person "But" this will Question your abilaty of understand Power. I beilve you need more Examples and definition or may be statistics for you to undertand the vivid images what is going on in kismayo. But i tell ya you are very good telling the santa claus stroy.. 1. You don't want to belive or should I say to hear that Jaamac dheere is in power of occopying part of kismayo. even If I try to give you narrative examples Like Muqdisho. Or Lets just say Madiin Where cumor finsh and Mr Yalaxoow share the power and the last but not the least you don't want to hear that Hiiraale's seedi will came back Morgan Balaayo,You're again fortelling the future, what an extrodiniary gift you've that allows you to make such predictions. I'm in Awe. walaalo this is not telling future this is the fact. I am sorry to say this but he is on the road. I am sure you will now wich class you have next when you are you atended school and here we are doing the same thing. We alread now what is gone hapen next. Keep up the good work.
  12. Well we said yestraday waeloader in moqadisho in now joint and sing peace agreement but what hapen? Nairobi: Xuseen Maxamed Caydiid, Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya oo Sheegay in aanu Waafaqsanayn Go'aanadii Dhawaan Nairobi lagu Gaaray - Monday, March 14, 2005 at 14:47 Nairobi (AllPuntland) - Ra'iisal Wasaare ku Xigeenka Dawladda Soomaaliya, ahna Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa si rasmi ah u sheegay in uusan ku waafaqsanayn go’aannadii ay magaalada Nairobi ka soo saareen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada Muqdisho. Xuseen Maxamed Faarax Caydiid ayaa hadalkan sheegay wax yar kahor intii uusan u duulin magaalada Qaahira asaga iyo wafdi sare oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Wuxuu sheegay inuu mawqifkiisii hore uu ka noqday kadib markii uu arkay in danta guud ee Ummadda aysan ku jirin in Soomaalida dib loo celiyo kadib labo sano iyo bar oo laga shaqaynayay in Soomaaliya ay dawlad yeelato. Sidoo kale Xuseen Maxamed Caydiid Wuxuu sheegay in Go’aankaasi uu gaaray kadib markii kulamo saacado socday uu la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha dalka Soomaaliya Md. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo ay isla garteen in la iska illaawo wax Ummadda Soomaaliyeed u keeni kara niyad jabka. Md. Caydiid wuxuu soo jeediyay inaan loo baahnayn in la iska horkeeno golaha wasiirada ee DFKGS wuxuuna sheegay maadaama uu yahay Ra'iisal Wasaare ku Xigeen inuu arintaasi xalkeeda ka shaqayn doono. Wuxuu codsaday in aan arimaha Soomaaliya loo daba marin masuuliyiinta ugu saraysa ee dawladda ee kala ah Madaxwaynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, isla markaana arinta kusaabsan in ciidan lakeeno Soomaaliya iyo inkale ay noqoto mid looga danbeeyo Baarlamaanka. Mar uu kahadlayay maamul u samaynta gobolka Banaadir ayuu sheegay Xuseen Maxamed Caydiid in arintaasi ay u taallo dawladda isla markaana dastuurku uu qeexayo ee aan loo baahnayn in la abaabulo wax aysan dawladdu ka warqabin. Ugu danbayntii Xuseen Maxamed Caydiid wuxuu beeniyay in Golaha SRRC uu yahay mid awood ku leh dawladda marka loo eego siyaasiyiinta dalka ayuu sheegay in ay SRRC haysato xubno aad u yar marka la eego Baarlamaanka oo ay ku leedahay 35 xubnood, Golaha wasiiradana ay ku leedahay 12 xubnood. CCC Farayaamo AllPuntland Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Xuseen Max’ed Ceydiid ayaa labo maalmood oo isku xigta muujiyey labo fikradood oo kala duwan, wuxuuna Xuseen Ceydiid uu ka mid ahaa xildhibaano tiradoodu 50 gaareysay oo Nairobi ugu dhawaaqay dorraad heshiis ka koobnaa 29 qodob oo ku saabsanaa qaab maamul u sameynta gobolka Banaadir, wuxuuna ka mid ahaa hogaamiyeyaashii heshiiskaasi qalinka ku duugay. Xuseen Ceydiid ayaa wareysi uu shalay saxaafadda siiyey wuxuu ku sheegay in dowladda la raaco, loona hogaansamo madaxweynaha & ra’isul wasaaraha, wuxuuna sheegay in madaxweynaha & ra’isul wasaaruhu in ay yihiin labada nin ee madaxda u ah dowladda ayna dastuuri tahay in lagaga dambeeyo arrin kasta oo lagu dhawaaqayo, wuxuuna sheegay in isagu uu ka soo horjeedo in dagaal wax lagu xaliyo, uuna taageersan yahay in leys dhaliilo, kadibna la wadahadlo oo miiska dushii wax lagu wada saxo. Xuseen Ceydiid oo u muuqda in uu yahay nin jeclaan lahaa in labada dhinac uu ka kala tirsanaado ayaa sheegay in isagu mowqifkiisu yahay in uu ka soo horjeedo in xoog wax lagu xaliyo, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Soomaalida ay soo martay in ku filan oo qibrad dagaal ah, haatanna loo baahan yahay in waxyaabaha qaldan la saxo. Dhinaca kale, wararka naga soo gaaraya Nairobi ayaa sheegaya in ay soconayaan dedaalo la doonayo in lagu kala furfuro hogaamiyeyaasha Muqdisho ee mucaaradka ku noqday qorshaha ciidamada IGAD & in magaalo kale ay dowladu farriisin ka dhigato muddada laga xasilinayo caasimada. Ku noqo beejka Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile.com
  13. Horn. Things have changed for whom? Sxb Jamac Dhere was looking for name recognition, and he has been reprimanded for that. Don't keep biting after the dust. my bro i thought that you were better then this . comm man be relistic Ma hadaa keentay sheka islaamaha dharka gada. " The man was looking for what a name." sxb please don't cover the truth adeerkaa hiiraale dhiigkar baa ku dhiciraba he occopies only madax tooyada. And Jaamac dheer powerfull man controls calanleey and the port comm. Lets just say they occopy half and half of the city. It will be like these untill their Seedi cames back for them look at these horn. You remembar Maxamed dheer Used to be finial advicer for ali mahdi and look where he is powerfull controls Jowhar. Cumar finish used to be a patner with muuse look at him know controls part of madiina equal share of power. If you need more exsample Look at the RRA I am sure you remembar Shaatigaduud can we say the same thing Hiiraale and Jaamac dheer. :confused: I am sorry the truth hurt but is okey you will get over it. What can I do .......
  14. Muusa Suudi Yalaxoow Kuusoow " “Cali Maxamed Geeddi wuxuu lahayste u yahay C/llaahi Yuusufâ€ayuu yiri Xaaji Muuse Suudi oo ka hadlayay Siyaasadaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi. " Bal ilaah baan idunku dhaarshay nin siyaasi ah saas ma uhadli lahaa.Walaahi he needs to be school. ather statment he made muuse was "arey D****** clan kab kaweeyn gashtay. I have no dout that J B speaks ploticaly better then muuse look at his statment above. Since he came with brian or the way in this post he lay down the reason why we need to replace PM Geed. God thinking JB Jost Joke.
  15. Caamir sxb would you belive these untill you see it in your owne eyes! Somali clan offers to withdraw fighters By RODRIQUE NGOWI ASSOCIATED PRESS WRITER NAIROBI, Kenya -- Warlords and lawmakers from a clan that controls the Somali capital offered to withdraw 15,000 militia fighters from Mogadishu to guarantee the security of the country's transitional government as it returns from exile in Kenya. Somalia has been without a central government since clan-based warlords overthrow the dictator Mohamed Siad Barre in 1991. They then turned on each other, sinking the Horn of Africa nation of 7 million into clan-based anarchy. Some 61 lawmakers, including warlords-turned-Cabinet ministers, also pledged Saturday to disarm the fighters, demobilize others and surrender weapons and ammunition to an interim force planned to stabilize the anarchic nation ahead of a larger peacekeeping force. The militia will be quartered in six camps outside Mogadishu, some three months after lawmakers return to the city, Deputy Prime Minister Hussein Mohamed Aidid said. The government is based in Kenya because the Somali capital is considered unsafe . Okey nayrobe kataga ee sameeya saad sheegeeysaa (Af waakoow may liki aamee) "But there is a condition that troops from neighboring countries (Ethiopia, Djibouti and Kenya) should not take part in the relocation plan of the government," said Aidid, a former U.S. Marine . who cares what they say :confused: Ethiopia actively supported Somali factions with money and weapons in the civil war that started in 1991, and its troops could seek to advance Ethiopian interests if deployed in the Horn of Africa nation, Aidid said. Ala niku hadal badanaa. Somalia's transitional parliament is expected to consider two competing motions next week on a multinational force intended to help restore order, Deputy Speaker Dalha Omar said. He said at least 75 lawmakers filed a motion backing the force - minus troops from the neighboring countries. The government, however, has tabled a plan that will not bar neighbors, Omar said. Dawlad oo la xaajooneeyso Qab qab le oo dadtiisa wato waxba ka ma soconaayaan.
  16. Garyaqaan2

    Help!!!!

    this post is three years old brah, am pretty sure that they are still happyly married, and that she also weights about 900 kiilo with 10 kids waxkasta waa macquul she may be 300 bound or kiilo The problem is, in the past eight months, he's put on a lot of weight because his job has been so stressful. I sympathize, but frankly, I just don't find him as attractive or sexy as I used to. I try not to show it, but I'm not interested in being intimate with him, and that's hurting our relationship. :mad: :mad: :confused: subxaana laah with two kids and she is talking like these. ( Ilaahoow xaqa ku tus) Laakiin post waa too old who are we talking to
  17. Garyaqaan2

    Help!!!!

    this post is three years old brah, am pretty sure that they are still happyly married, and that she also weights about 900 kiilo with 10 kids waxkasta waa macquul she may
  18. ^^^Horn sxb things has been change. Mr Hiiraale is in cricle know he has to share the pawore of accopaing kismaayo with jaamac dheer To me i beilve it doesn't count what ever he says weather the ephio to came or not. since the city is diveded in to two powerfull warleader. That makes him (hiraale) less than .0001% And also the peace agreement between Morgan and him is not finish yet( faanoole fare kama qodna Therefor I don't beilve Hiraal main point it is weather he will say anthing about these government. where he has no dout that his seedi oo shax u soo dheelaayo Lets not gorget that)
  19. Haweeney uu dilay walaalkeed, kadib markii Muqdisho Soomaaliya oo ah dal in ka badan 14 sano aysan ka jirin dowlad dhexe, nidaam & sharci dad ka kala haga, waxaana ka dhacay muddadaasi tacadiyo & xadgudubyo aanan caqli gal aheyn oo loo geysanayo dad biri-mageydo ah, iyadoo ay geysanayeen tacadiyadaas kuwa waxmagarato ah oo uu hubkii gacantoodii galay, waxeyna tacadiyadii ugu ba’naa ka dhaceen Gobolada K/Soomaaliya, Gobolada Waqooyi & Gobolada dhexe, haddaba dhacdooyinka ka mid noqday waxyaabaha mar walba soo noq-noqda ee ka dhex-dhaca bulshada dhexdeeda waxaa ka mid ah, dhacdo naxdin leh oo ay saaka wax si weyn wax uga qoreen qaar ka mid ah waregsyada Muqdisho, waxaana wargeys-yadii saaka dhacdadaasi wax ka qoray ka mid ahaa wargeyska DANJIR ee Muqdisho ka soo baxa cadadkiisa 872-aad, wuxuuna wargeysku ka sheekeynayaa qiso dil ah oo shalay ka dhacday xaafadda Madiina, kadib markii haweeney lagu magacaabo Raxmo Sheekh Max’ed uu dilay walaalkeed, kadib markii 18-ilaa 19 ka hor ay qaaday Uur aanan nikaaxa diinta Islaamka ku dhalan (***** ), waana kan wargeyskii oo ka qisoonaya qaabka uu dilku u dhacay “ Waxa lagu dilay xaafadda Madiina maalinimadii shalay haweeney la yiraahdo Ramxo Sheekh Max'ed, sababta loo dilayna waxey aheyd in ay dhashay gabar aan aabo lahayn xilli ku beegneyd 18-sano ilaa & 19-sano ka hor, waxaana xilligaasi haweeneydaasi ay gabadha aan Nikaaxa ku dhalan ay dhaleysay dalka ka jirtay dowladdii Kacaanka, iyadoo ay jirtay xorriyad uu qofku ku sameyn karo wixii uu doono oo aanan laga horjoogsan karin, markii ay soo shaac-baxday Uurka ay qaaday R Ramxo Sheekh Max'ed waxey qoyskoodu go’aamiyeen in la fongoro ayna iska eryaan oo waxay ku yiraahdeen waad naceebaysa ee naga tag, waxeyna ku aheyd qoyska gabadha ay ka dhalatay arrin ihaano & sharaf dhac ku ah haddii qof qoyskooda ka mid ah ay qabsato dhacdo ceynkaas ah, sidii ayeyna qoyskeedii uga soo haajirtay iyada oo uurkii leh waxeyna soo degtay xaafadda Madiina halkaasoo ay ku umushay gabar waxaana gabadhaasi loo bixiyey SAHRO, muddo kadib waxaa dalka ka dhacay dagaalkii u dhexeeyey dowladdii Max’ed Siyaad Barre & Jabhadihii dalka soo weeraray, waxeyna Raxmo markaa kadib guursatay mid ka mid ah ragga ay beelahoodu Xamar ku hubeysan yihiin oo lagu magaaabo Xasan Xaaji , waxeyna ka baqaneysay dhibaato & weerar kaga yimaada reerkeeda oo ay ka dhaxeysay il & aragti, waxaana hanjabaadyo dil ah ay ka soo gaartay walaalkeed, waxeysa kaga cabsanayeen ninka guursaday oo beel ahaan lagaga baqayey, balse nasiib darro waxa dhintay ninkii qabay ee gabaadka u ahaa ama difaacayey waxaana meel cidlo ah ku soo dhacday Raxmo, waxaana Raxmo shalay si bareer ah toogasho ugu dilay walalkeed la dhashay, oo u arkayey isaga & qoyskoodaba in Raxmo ay ku xadgudubtay sharaftooda, dhaqankooda suuban & Diinta Islaam-ka mar haddii ay ilmo aanan xalaal ku dhalan dhashay 18-ilaa 19 sano ka hor, waxeyna qoyska Raxmo ku hanjabeen in weli aysan ceebtii ka dhammaan inta ay nooshahay gabadhii ay dhashay oo ay sheegeen in ay ku raad-joogaan, meel kasta oo ay kala dhacdana ay soo qaban doonaan gabadhaasi si iyana ay ifka uga qariyaan, waxeyna qoysku ay diirada saareen sidii ay u baadi-goobi lahaayeen gabadha. Tifaftiraha Wargeyska Danjir oo qisadan goob joog u ahaa ayaa la kulmay gabadha la dilay hooyadeed waxeyna u sheegtay in ay horay ugu dhimatay gabadhooda oo ay xag ALLE un ay intaan ka nooleyd, waxeyna hooyadaasi xustay in aysan dhamaanin wax ay ku sheegtay ceebtii ay geysatay gabadheeda dhimatay maadaama ay weli nooshahay gabadhii ay ka tagtay, wuxuuna sidoo kale tifaftiraha wargeyska Danjir uu la kulmay haweeney guddoomiye ka aheyd Ururka ka hortaga Gudniinka oo la yiraa Faadumo Xuseen taasoo u xaqiiisay in ay heyn jirtay ama ay la nooleyd Sahro muddo 5 sano ah, waxeyna Faadumo ku gaabisay hadalkeeda “Sahro ha dilaan haddii ay arkaan†balse waxey sheegtay in mar walbo la arko cunug hadda dhashay oo jidka lagu soo tuuray sababaha ku kalifa haweenka in ay cunugooda jidka dhigaan waa sidan waana ka xumahay, Qalad waa uu dhici karaa ee naagta keliya wax iskama dhali karto oo sida aan ognahay ma jiro qof aysan iska dhalin Aabe & Hooyo ee waxaan warkayga ku soo gaabinayaa in uu ILLAAH dowlad caadil ah na siiyo. Xigasho. Wargeyska Dan-jir Waxaa isku duway Nasrudiin Ceydiid Salaad (Diini) Walaa xawla walaa quwata ilaaa bilaahi Cadiim. What do you guys think having No govenment will take us.? Look at these some one who is 18 years old her mom was killed couse she was not bron xalaal marrige!!!
  20. however now you have family member that moved closed by and you don't want them to see what's going on cuz that can give you bad rep... as they say " you are who you associate with or how your friends are". walaahiis adigaaba dhameeyay. however now you have family member that moved closed by and you don't want them to see what's going on cuz that can give you bad rep ^^^^^sis who ever said that satatment above have very good imaan, If the person have iman like that respecting family members. I dout if they will afreid to tell the truth If you now what I mean.! very easy let the person say hey hey hey STOP It.
  21. lets us see will you vote for Duco or Habaar. Hada dhamaantii labadooda waa in aad mid doorataan. Duco mise hawaar. Please VOTE 4 Duco.
  22. I can only speak for myself and me I want to achieve a whole lot but none more important than saving the lives of the thousands of Somali women & children living in the refugee camps around the world and back in Somalia and that is not something I can achieve all by myself, I need each and every young Somali male and female's help as we are the last hope for our country and people. walaahi well said sxb Insha alaah always lets us add that Insha alaah oneday we will reach this point Insha alaah very true Somali person should have in heart what's in the best interest for mother Somalia and our Somali people, forget about this stup!d tribe, we are all brothers & sisters, aunts & uncles and nephews and nieces . sxb again maxaan dhahaa ishaa ka bujisay. Walaahi that is true but we need to belive these us we mean it sxb(we are all brothers & sisters, aunts & uncles and nephews and nieces) Ilaah waxba la ma ah in somali oo hisheesay oo isjacel oo is cafisay laga bilaabo somali jabuutiyaan somlia kenyan somali ephiopian, joind oneday and bulid their homeland Insha alaah
  23. Guys , Guys, Guys comm lets us be optimistic this time insha alaah. all these they are mention I don't see anything is wrong with it. It is just sugetion.
  24. QL sxb i beilve these time is better if we try to be posative rather then nagetive. lets be optomistic say insha alaah things will go these time in the right way. we all hate all the war criminals, or Qabqablayaash or what ever you want call them. But what can we do If one our Qabqable we call him a hero, couse he defented our tribe or our interst. I beilve the best thing to do these time is just to be optomistic and just keep our prayers.In shalaah alaah things will go find. Now alread thing are alooking better in 2005. War leader are caming in agreement, they choose a persident Pm and wasiiro all of thses people who are going to rule our bloved homeland are war crimes. Therfor we don't have another option Just to pray and wait and see waht hapens. Lets not try to lie to ourself, we all know we suport these war criminal in everyway. The only thing we can say is lets keep our hopes up, and belive that things inshalaaha will get better.