General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Interesting. Should I get his autography for you Smith ? With a personal note and all? But you’re going to have to pay me. Rahima LOL, I have known the President along time, and met him on many ocasions, even before he was Puntland President, so no need for autographs, just that he delivers on his promises to the people of Somalia.... MASKIN, bro Mogadishu is the jeurusalam of Somlia, its our heart, but there has to be a real plan to go back to the city, no need to rush head long and fail. Badoa, should be the temporary seat of power.
  2. Bashi, good summery of the situation facing Somaliland. As long as the new government builds up their base, the harder it will be for Riiyale and co. It seems all this noise is for the domestic audiance, Riiyaale is sacerd that, Buuba and the rest will get prominanet position even PM and make his situation dire. Thus the call to arms and the fake threats. Lander what is your opinion bro, what can Riiyaale and co do to survive?
  3. Stronger men lost before him and he will lose if he wages a war. If I was an adviser to him, war is not Option. Well said, but I doubt there will be any type of war. Bashi's analysis only leads to conflict as a way to disarm those that cannot be disarmed by any other means.
  4. Gen Galaal oo soo dhaweeyay Madaxwaynanimadda C/laahi Yuusuf. Isla markaana ku hanjabay inay dagaal adag la gali doonaan cid kasta oo ka hor timaada Dawladda uu Madaxda ka yahay Kornaylku. Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen Maxamed Nuur Galaal ayaa soo dhaweeyay Natiijaddii Cod Bixinta Doorashadda Madaxwaynanimadda Somalia ee uu ku guulaystay Col C/laahi Yuusuf Axmed. Gen Galaal oo ka mida Xilal kala duwan oo dhinaca Ciidamadda ah ka soo qabtay Somalia ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in fursad loo siiyo Dawladda uu Madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed iyo Xukuumadda la dhisi doono inay wax ka qabato Mashaakilaadka ka jira Dalka Somalia. Wuxuuna kula taliyay Shacabka Soomaaliyeed iyo Maamuladda ka taliya Gobaladda Qaarkood oo ay Somali Land ka mid tahay inaysan fawdo iyo rabshado kala hortagin Madaxwaynaha Dawladda Federaalka ahee Somalia. Mar la waydiiyay Gen Galaal sida ay u shaqayn karto Dawladda uu Madaxda ka yahay Col C/laahi Yuusuf oo haatanba laga dareemay Muqdisho, Hargayso iyo meelo kale inaan laga soo dhawayn waxa uu sheegay in Madaxwayne C/laahi Yuusuf iyo Xukuumadda la dhisi doono laga rabo inay raadsato Kalsoonidda Shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in Dawladda looga baahan yahay inay la timaado Siyaasad Hufan oo Shacabku kula shaqayn karo. Gen Galaal waxa uu sheegay in Nabad iyo Xasilooni ay ku imaan karto in Dib loo habeeyo Ciidamaddii hore ee Somalia oo awood u leh sida uu sheegay in Somalia oo dhan ay Nabad ka aslaaxiyaan. Iyadoo Meesha laga saarayo Baahidda loo muujinayo in Ciidamo Shisheeye la keeno Somalia. Wuxuuse ku taliyay in Ciidamadda Shisheeye ay ku koobnaadaan oo kaliya Talo Siinta iyo Taakulaynta Ciidanka Soomaaliyeed. Gen Galaal waxa uu sheegay inuu Hubo Kooxo inay Jiraan Kooxo Hubaysan oo qorshaynaya inay dagaal kala hortagaan Dawladda Col C/laahi Yuusuf uu Madaxda ka yahay. Wuxuuna isagoo ay Carro badan ka muuqatay uu ballanqaaday inay diyaarsan doonaan Hub ka badan kan ay haystaan Kooxaha Nabadda Diidan. Laakiin waxa uu sheegay in haddii aysan Shacabku taageerin Dawladda Cusub uusan waxba ka qaban Karin Madaxwaynaha oo kaliya. Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†Mogadishu, Somalia. Mudugonline.com --------------------------------------------------------------------------------
  5. I have hope for Somaliland. The people are clever, noble Somali's who love progress. Once this government gets of the ground it wont be hard to open negotiations. Somali-Land is just that land of all Somali's.
  6. I agree with Liqiye, North is out of the question. Qaynyare? I think he is on board, he will be an important minister but PM will go to Addow/Aqasins sub-clan. This is because they have the most muscle. You have to be able to bring on board, supporters and millitias of Osman Ato, Furux, Aydeed Jr, Ilqayte, Daylaf, Abdiqasin, Ina Darman etc. They control the Old Port, Villa Somalia and other parts of the city. They hold Afgoyee up to Marka. So the PM must go to this group/ otherwise?? Qaynyare, Mohamed Dhere, Xuseen Aydeed will be in. But I doubt they will get the PM position. Xuseen is much too young and inexperienced.
  7. You know that it takes just one to spoil the party. I totaly agree Suldanka
  8. Suldanka Abdullahi so far has the support of the whole region, Djabouti, Ethiopia, Kenya, Eritria, Sudan. The Arabs are rushing in with their support, funny how this happens at the same time as he got the local Africans on board. This government has grass root support, this will grow when the PM and the cabinet are appointed. Again read my lips, come to the table, negotiate or be isolated its your choice.
  9. Xoogsade, I must thank you, brother its been 17 years since I left my country, and what I have lived through has made me passionate, anything is better than what we have. So even if one stone is added I will be happy.
  10. Badoa a very good choice its close to both Mogadishu and Kismayu. I heard Abdullahi is planning to be in Mogadishu by January insha Allah.
  11. Smith, I don't see the reason why Abdulah should not pick someone from Somaliland. Mobb, bro I beleive today, the people of Mogadishu must feel that this government is theirs. Picking a dude from Somaliland will make matters bad, the PM must be from Xamar, must have influance in Xamar. By making such a move, it opens the door fro disarming the millitias in Xamar and the south, keeping the population happy by bringing PUNTALDN and the south closer together. Somaliland should come to the negotiating table, the door is wide open.
  12. Rahima, dear I think you are running around in circles, accept the result, lets move on. Suldanka, read my lips your Somaliland can do very little against President Yusuf, because Somali's want him, from Badoa, Afgoye, Jowhar, Galkacyu, Kismayu, the whole of Gedo, were celebrating and still are celebrating the election. Its wonderful, I am happy and I pray that my country is turning the corner and enetering the era of peace.
  13. Suldanka, calm down mate. You seem to be getting all hot and bothered for what? Djabouti is happy with the result and its President congradulated the Somali President. Eritria, the sworn enemy of Ethiopia are happy with the result and congradulated the Somali president. Kenya, the UN, Qatar, UAE all are happy, so why concentrate of Ethiopia?
  14. The next PM, is not Buuba or anyone from Somaliland. Its going to Mogadishu, and I think its not Adow or Abdiqasin. Inj Adow Or Ghamadere are the two front runners, we wait and see.
  15. - Nominate an able PM, one who is not from your group: SRRC, but who can reasure the people of Mogadishu. - Dont rush anything, think things through, do what is wright and not what is popular. - Build up a relationship with the Arab world, and the West at the same time. - Let every city, region disarm their millitias, and empower the local populations to take responsability for their own security. - Make sure that the government completes the federal formula, the states on time.
  16. Isu Soo Bax Balaaran Oo Lagu Taageerayay Col. C/laahi Yuusuf Guushii Uu Ka Gaaray Tartanka Madaxweynenimada Oo Maanta Ka Dhacday Xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe Ee Jawhar & Degmooyin Ka Tirsan Isla Gobolka. - Monday, October 11, 2004 at 14:53 Banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha cusub ee xukuumadda fedaraalka ah ee soomaaliya Md. C/laahi Yusuf Axmed ayaa maanta gelinkii hore ka dhacday gudaha degmada jawhar ee gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyin ka tirsan isla gobolka, Banaanbaxaan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka ka dhisan gobolka ayaa dadkii isugu soo baxay ay siteen boorar ay ku qornayeen halkudhegyo qiimo leh oo ay dadku ku sheegayeen dareenkooda ku aadan dhamaanshaha dib u heshiisiinta soomaaliyeed iyo magacaabista madaxweynaha ku meelgaarka ah ee 5sano ee soo socota. Dibadbaxaan oo ahaa kii ugu baaxad weynaa oo ay sanadihii la soo dhaafay isu soo baxaan dadka ku nool xaafadaha ay degmadaasi ka kooban tahay, ayaa waxaa qudbado xamaasad leh ka soo jeediyey madax kasocotay maamulka gobolka. Cusmaan Xaaji C/lle caqiil oo ah ku simaha gudoomiyaha oo lahadlay dibad baxayaashii sheegay dadka ku nool gobolka shabeelaha dhexe dad ka nasiib badan dadyowga kale ee ku nool gobolada kale,waayo buu yiri waxay haystaan wax aysan haysan asagooda kale,taas oo ah Nabad,waxaana waajibku yahay in ay ilaashadaan jawharadda ay haystaan,kana ooman yihiin umado dhan. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Mukhtaar Max’ud Seefaale oo ah wakiilka xanaanada Xoolaha,wuxuuna dadkii banaabaxayey ku booriyey in ay taageeraan xukuumadda cusub ee uu garwadeenka ka yahay C/laahi Yuusuf Axmed. Mud::Seefaale waxa uu ku booriyey dadkii isugu soo baxay dibad baxaas in ay ka faa’iidaystaan xiliga dayrta oo dhawaan ka curtay qaar ka mid ah dhulka soomaaliya,wuxuuna kula dardarmay in ay dhawraan walaaltinimadooda iyo wada jirkooda,iskana ilaaliyaan kuwa doonaya in ay wax yeelaan nabad sugidooda Ugu dambeyntii wakiilka waxa uu u rajeeyey dhamaan dadka ku nool gobol waynaha shabeelaha dhexe kuwo ku sii jira wada jirka ay haystaan oo mar kasta ka qayb qaata waxa soomaali oo dhan u daneynaya. Sida uu u sheegay shabakadda warbaahinta ee guulane shaqsi muhiim ah oo u dhashay degaankaas ayaa cadeeyey in demooyinka Raage Ceelle,warshiikh,Cadale,iyo Mahadaay Weyn oo intaba ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe ay iyaguna ka dhaceen dibad baxyo la mid ah midkii saakay ka dhacay Degmada Jawhar,ilaa xalay iyo manta galinkii dambe dadka degaanka,waxay ku hawshoonaayeen fantasyaha doorashada madaxweynaha cusub. Guulane.com Guulane.com Copyright ©Guulane.com
  17. My dear Rahima, Milk what, have I said I told you so to anyone LOL. Oh dont be desperate dear be optimistic. I got angry at Suldanka stating that the clans of Mogadishu will fight alongside Somaliland, why fight and what clans? Hobyonet.com represent no clan, as Mobb Deep kindly pointed out. Abdullahi is President but he is not the whole government, the PM will be important so will the Parliment. Suldanka, Somalia has a new dawn, a new day and its feeling good.
  18. He is not the President of my clan, nor was he chosen by any clan, but he is the President of Somalia. You go figure. Let the people celebrate. Live long Mr President, be the one who changes the nation for the better, be the next Adan Cade. Insha Allah
  19. Thanks Horn, its wonderful news, shows how much we need each other. Viva Somalia Viva Somalia
  20. Abdulahi Yusuf is the president of Somalia, let's not let qabiil enroach that. I totally agree with you Horn, to some it was a surprise that Hiiraale's forces where celebrating in Kismayu and that they were shooting in the air. They did this beacause they wanted some good for their country.
  21. Suldanka, bro, being sore is one thing coming to terms with reality is another. Many people are upset their man did not win, many cant beleive that Ina Yusuf could pull of such a landslide victory. However President Yusuf won it fair and square, in aneutral setting and with the gaze of the whole world. What Hobyonet.com or dayniile, or Riiyaale adminstration want is not going to change the reality on the ground. Thinks have changed forever.
  22. C/LAAHI YUUSUF AXMED OO XALAY DOORASHO WAQTI DHEER KADDIB KU GUULEYSTAY MADAXWEYNENIMADA SOOMAALIYA (KHUDBADDII MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF KADIB DOORASHADIISII) “Dadka Soomaaliyeed Qaarna Waxay Shaqeeyaan Habeenkii, Qaarna Waxay Shaqeeyaan Maalintii, Labadabana Waan La Shaqeyn Doonaa..†NAYROOBI, Isniin 11/10/04 Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa xalay doorasho saacado badan socotay kaddib codad aad uga badan kuwii uu helay musharaxii la tartamayey kula guuleystay Madaxweynenimada Soomaaliya. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo ay la tartameen musharaxiin fara badan wareeggii hore oo uu helay 81 cod oo uu ku hoggaaminayey wareeggaas, isla markaana wareeggii labaad ee doorashada helay 143 cod oo ay kula jireen wareeggaas C/laahi Axmed Caddow oo helay 81 cod iyo Max’ed Qanyare Afrax oo helay 37 cod aaya wareeggii saddexaad cod hal dheeri ah ku helay inuu qabto Madaxweynenimada Soomaaliya. Wareeggii saddexaad ee ugu dambeeyey oo ay codeen 270 Xildhibaan ayuu C/laahi Yuusuf Axmed helay 189 cod, halka C/laahi Axmed Caddow uu helay 79 cod, labo codna halaabeen. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed markii lagu dhawaaqay guushiisa wuxuu u dhaqaaqay goob lagu diyaariyey calanka Soomaaliya oo uu saaray bir dheer kaddibna uu salaanta astaanta calanka ku qaatay, halkaasuu uga sii gudbay ay halkii ay fadhiyeen guddiga Doorashada oo uu Guddoonka Baarlamaanka ku soo salaamay, kaddibna uu u sii dhaafay halkii ay fadhiyeen wasiirada IGAD oo uu yaalay kursigii loo diyaariyey Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo uu ku fariistay. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo salaan iyo marxabeyn la soo dhexmaray dad badan oo isugu jiray Soomaali iyo ajnabi ayaa khudbad gaaban jeediyey, taasoo uu ku bilaabay mahad celin uu u jeediyey Baarlamaanka, IGAD iyo beesha caalamka. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed wuxuu ka ballan qaaday Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka hortooda ka ballan qaaday inuu dib u soo nooleynayo Qarankii burburay ee Soomaaiya gaar ahaan mideynta, isu keenidda iyo sidii looga kaban lahaa burburkii. Wuxuu sheegay C/laahi Yuusuf in ninka ay wareeggii ugu dambeeyey isu soo hareen C/laahi Axmed Caddow ay muddo dheer saaxiibo ahaayeen ayna ka wada tirsanaayeen ciidankii Soomaaliya uusana jecleysaneyn in ninka uu la tartamayo uu isaga ahaado. Col. C/laahi Yuusuf oo muddo ku dhow todobo sano inta badan ahaa Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland horeyna ugu caan ahaa mucaarad ka soo horjeeday dowladdii Milateriga ee Soomaaliya wuxuu xalay ka codsaday dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdiisa hubkana iska dhigaan isna uu u ballan qaadayo inuu garab siinayo. “Dadka Soomaaliyeed qaarna waxay shaqeeyaan habeenkii kuwana maalintii labadabana waan la shaqeyn doonaa†ayuu yiri C/laahi Yuusuf oo sheegay in inta uu xukunka hayo uu saddex arrimood mid noqon doono, inuu guto howsha loo doortay, inuu ku dhinto isagoo wada iyo inuu Baarlamaanka isaga haddii uu wax qaban waayo. Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo ah Korneyl ciidankii Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday beesha caalamka iyo Urur goboleedka IGAD inay garab istaagaan dowladdiisa gaar ahaan keenista ciidamo shisheeye iyo howlaha kale ee dowladda isagoo yiri “Dowlad mucsir ah oo aan waxba haysan ayaan nahay, kaalmo ayaana ka rabnaa caalamka iyo IGAD inta aan canshuurteena qaadaneyno oo aan isku filnaaneynoâ€. C/laahi Yuusuf wuxuu sheegay inuusan meel fariisaneyn oo uu howl qabanayo isla markaana uu inta ka harsan maamulka dalka dhameystirayo. C/laahi Axmed Caddow oo ah ninka looga adkaaday doorashada wareeggii ugu dambeeyeyna la soo gaaray ninka noqday Madaxweynaha cusub ayaa hadal uu jeediyey doorashada kaddib ballan qaaday inuu intii karaankiis ah ilaaheey hortiis ballan qaadayo wixii uu awoodo. “shirkani waa midkii ugu waqtiga dheeraa uguna mawaafaqada badnaa, walaalkeey Madaxweynaheena C/laahi Yuusufna waa la doortay†ayuu yiri Caddow oo beesha caalamka iyo shacabka dowladda Kenya u mahad celiyey. Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo inta badan intii la sugayey natiijjada doorashada la arkayey isagoo musharaxiin uu ku jiray C/laahi Axmed Caddow la sheekeysanaya amaba ay wax isku sheegayaan ayaa jeediyey khudbadiisa xalay isagoo ay ka muuqatay dagani badan. Doorashada oo ahayd mid cad cad qaab muuqdana loo diyaariyey ayaa bilaabatay abaarihii 1:15 duhurnimo, soona gabagabowday abaarihii xalay 10:30 habeenimo. Doorashadaan oo bulshada Soomaaliyeed ay kala socdeen dalka gudihiisa iyo Adduunyada ay qurba joog ku yihiin ayey si gaar ah ugula socdeen warbaahinta Soomaailda oo ka haqabtirtay. (QARAN PRESS) MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA JABUUTI OO FARIIN U DIRAY C/LAAHI YUUSUF DAQIIQADO KADIB MARKII LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA JABUUTI, Isniin 11/10/04 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fariin u soo diray Madaxweynaha dowladda Federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed kaddib markii daqiiqado loo doortay Madaxweyne. Fariintaan oo uu Ismaaciil Cumar Geelle xalay u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayuu ku sheegay inuu aad ugu hambalyeynayo xilka loo dhiibay C/laahi Yuusuf isla markaana ay taageerayso dowladda Jabuuti dowladda Soomaaliyeed. Hambalyadaan oo laga sii daayey Telifishinka RTD ayuu Ismaaciil Cumar Geelle si aad ah ugu hambalyeeyey C/laahi Yuusuf oo xalay loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, waana Madaxweynihii ugu horreeyey ee hambalyo u soo dira C/laahi Yuusuf doorashadisii. QARAN PRESS)
  23. C/laahi Yuusuf Axmed waa kuma? Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo waxaa uu dhashay sanadkii 1934-kii, wuxuuna waxbarashadiisii ku soo qaatay dalka Soomaaliya, waana nin leh aqoonta dhinaca ciidamada iyo weliba mid aan badneyn oo dhinaca sharciga ah, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay nin hal adag oo waxqabad leh. Korneelka jagadaan loo doortay xalay in badan ayuu ku haminayay, wuxuuse isagoo 70 sano jir ah nasiib u yeeshay in uu madaxweyne ka noqdo dal bur bursan oo aaney madaxweynenimadiisu lahayn heybad la mid ah mida ay leeyihiin dalalka aaney ku dhicin mid la mid ah nasiib darrada heshay qarankii Soomaaliyeed. Korneelka dhowr jeer ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii ay dowladdii hore ee mileteriga ahayd ogaatay in uu wax ka abaabulayay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah dowladdaas oo uu gar wadeen ka ahaa marxuum Maxamed Siyaad Barre, kadib Col. C/llaahi Yuusuf waxaa uu wax ka soo dhisay, isla markaana uu madax ka soo noqday jabhaddii SSDF ee sida weyn uga soo horjeeday dowladdii Mileteriga ahayd, waxaana dabayaaqadii sagaashameeyadii loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland oo uu ahaa tan iyo intii uusan noqon xalay madaxweynaha Soomaaliya.waa xaas leh afar carruur ah. Deegaano ka tirsan dhulka Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa ayay wararka naga soo gaaraya sheegayaan in aan laga abshireysan doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ee Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxaa weli meesheedii taala xiisad colaadeed oo u dhaxeysa maamulka Somaliland iyo midkii uu ka dalacay Col. C/llaahi Yuusuf ee Puntland, wel wel xoog leh ayayna dadka reer Somaliland ka muujinayaan in uu shirkii labada sano ka socday Kenya uu aakhirkii madaxweyne ka noqdo nin aysan jecleysaneynin oo markaasina ay ka suurowdo in uu mar kale ku qaabilo shaar wax xoogaa ka weyn midkii uu horay u watay xiligii uu madaxweynaha ka ahaa maamulka Puntlnad, yacni waxay wadnaha farta ugu hayaan oo ay ka baqanayaan in uu faragelin ku sameeyo maamulka Somaliland, noocii ay doontaba ha ahaatee. Maalinta Khamiista ah ee nagu soo fool leh ayaa madaxweynenimada Soomaaliya loo caleemo saari doonaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, iyadoo xafladdaasina ay ka soo qeybgeli doonaan madax ka socota dalalka gobolka iyo mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin xoghayayaasha Qaramada Midoobay iyo Ururka Jaamacadda Carabta waa Kofi Anan iyo Caamir Muusa, waxaana markaasi kadib loo maleynayaa in uu madaxweynaha si rasmi ah u bilaabo socdaallo aqoonsi iyo taageero doon ah oo uu ku kala bixin doono dalal badan oo ay ugu soo horeeyaan Itoobiya iyo Mareykanka, iyadoo inta ay ka suurtageleyso in ay dowladdiisa fariisato dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ay ku sii shaqeyn doona dalka Kenya oo haatanba xafiis, guri iyo ciidamo ammaankiisa suga looga sii diyaariyay. Madaxweynaha ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo ninkii ra’iisul wasaare ka noqon lahaa dowladdiisa, kaasi oo sida laga soo xigtay madaxweynaha qudhiisa u baahan wada tashi in laga sameeyo, wuxuuna markaasi kadib ra’iisul wasaarahaas soo dhisi doonaa xukuumad ay hor taalo howl aad u adag iyo in ay ka soo dhalaasho ballanqaadyo uu madaxweynaheeda ku soo galay doorashada. Doorashada madaxweynenimo ee Col. C/llaahi Yuusuf ayaa si weyn looga soo dhaweeyay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyadoo meelaha qaarkood isla xalayba laga dhigay banaanbaxyo lagu taageerayo guusha Col. C/llaahi ee madaxweynenimada Soomaaliya, waxaana magaalooyinkaas ka mid ah Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo, Jowhar iyo Baydhabo, iyadoo banaanbax maanta la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho oo beryahaan la abaabulayayna dib loo dhigay ilaa amar dambe, iyadoo aan la ogeyn waxa keenay dib u dhigistiisaas. Magaalada Muqdisho dadka ku dhaqan qaarkood waxay doorashada ninkaas odayga ah u arkaan in ay tahay mid wax ku ool ah waayo waxay dadka badankood qabaan fikirka ah in uu dalkan bur bursan iyo dadkiisan qabyaaladdu madax martay ee qarannimada dooneyn uu wax ka qaban karo nin sida Col. C/llaahi Yuusuf Axmed mileteri ah oo aan aaminsaneyn in soo celinta nidaamkii dowladnimo lagu gaarayo baryo iyo walaalow. Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu , Somalia
  24. Col. C/llaahi Yusuf Axmed oo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Isniin, October 11, 2004 Col. Cllaahi Yuusuf Axmed ayaa xalay loo doortay in uu madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya muddo shan sano oo KMG ah, wuxuuna xilkaas ku hantay 189 cod, halk musharixii ku soo xigay ee uu ka guuleystay oo ahaa Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu isna kasbaday kalsoonida 79 mudane oo codadkooda siiyay. Natiijada oo ahayd mid aad loo wada sugayay tan iyo shalay subaxnimadii oo xildhibaanada golaha baarlamaanka la isugu geeyay garoonka K/Cagta Kasarani ee magaalada Nairobi, si ay hal qof oo madaxweyne ka noqda dalka Soomaaliya ay uga doortaan 26 musharax oo isu soo mutaxay in ay xilkaas qabtaan, waxaana musharixiintaas oo 28 ahaa ka tanaasulay labada korneel ee kala ah Xasan Maxamed Nuur Shaati gaduud iyo Jaamac Cali Jaamac. Haddaba, aan dib u qooraansanno qaabkii ay doorashada u dhacday. Dabcan waxay ahayd doorasho marka laga soo tago tii Carta taariikhi ah oo weliba aan dhihi karo waxay u dhacday si dimoqraadi ah marka loo eego sida wax loo kala hufay, waxaana taasi ku amaanan guddiga fududeynta IGAD iyo guddoonka sare ee golaha baarlamaanka, gaar ahaan ninka ugu sareeya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isagu tan iyo markii ay bilaabatay codeynta oo ku beegneyd 1-dii duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ilaa laga soo gunaaday oo ku aadaneyd 10-kii habeenimo aad ugu mashquulsanaa in aaney meesha wax musuq maasuq ah ka dhicin, runtiina taasi waa uu ku guuleystay, inkastoo mar uu ku sigtay in uu xildhibaanada ballan kale oo ay ku kala dooranayaan Col. C/llaahi Yuusuf iyo Dr. C/llaahi Axmed Caddow uu qabto, xiligaas waxay ahayd mar ay doorashada gebo gebo joogtay oo markaasina ay soo idlaatay codeynta wareegga seddexaad oo ugu dambeeyay, kaliyana la sugayo in codadka la tiriyo ayaa waxaa demay qeyb ka mid ah nalalkii ka darnaa garoonka, waxayna taasi keentay in ay qacdiiba soo baxaan warar sheegaya in deminta nalalka aysan ahayn cilad balse loogu talagalay in lagu wiiqo soo bixitaanka labada nin midkood, laakin dadaal loo galay in dib loo soo daaro nalalkaas ayaa lagu guuleystay, iyadoo intaas la iska daba war-wareegayayna uu guddoomiyaha baarlamaanka si xooggan ammaankooda u sugayay sanaadiiqda ay ku jireen codadka, waxaana la arkayay isagoo ay gacmahiisa dul saaran yihiin oo uusan xitaa ku aaminin mas’uuliyiinta kale ee kala tirsan guddoonka baarlamaanka. Qadar daqiiqado ah kadib markii la soo daaray nalalkii ayaa dib loo bilaabay in codadkii la tiriyo, haseyeeshee waxaa dhacay wax la yaab leh, taasoo ahayd in Col. C/llaahi Yuusuf uu wareegga ugu dambeeyo uu musharaxa la tartamayay ee C/llaahi Axmed Caddow uu ku hoggaamiyo codad hal dheeri ka badan, waxaana la sii ogaaday intii ay tirinta codadka socotay in uu Col. C/llaahi Yuusuf noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga KMG ah ee Soomaaliya. Markii tirintii codadka ay dhamaatay ayaa waxaa natiijada kama dambeysta ah ee doorashada ku dhawaaqay guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in uu 179 cod ku guuleystay Col. C/llaahi Yuusuf, isla markaana uu yahay madaxweynaha Soomaaliya, halka uu ka sheegay in uu isna Dr. C/llaahi Axmed Caddow ka helay 79 cod. Dabcan wuxuu korneelku kaga guuleystay musharixii la tartamayay codad labuu laab ka badan intii uu helay. Col. C/llaahi Yuusuf Axmed markii uu xaqiijiyay in uu yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya ayuu ku jeestay Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo dhinaciisa bidix fadhiyay, waxayna isu salaameen oo ay isu dhunkadeen labada nin si laab furnaan ah, iyadoo kadibna korneelku u soo jeestay dhinaciisa kale, wuxuuna bilaabay guddoomidda hambalyooyin kaga imaanayay dhinaca xildhibaanadii doortay iyo kuwo aan dooran, hase yeeshee u muujinaya in ay raali ka yihiin madaxtinimadiisa, kadibna waxaa madaxweynaha u yimid xubno uu hor socday guddoomiyihii guddiga fududeynta IGAD ee shirka dib u heshiisiinta Danjire Bethuel Kiplagat, kaasi oo ula dhaqaaqay dhinaca meel loo diyaariyay in lagu maamuuso calanka soomaaliyeed, iyadoo uu kadibna C/llaahi Yuusuf gacantiisa ku saaray calanka Soomaaliyeed, halkaasna uu ku qaatay salaan sharaf ay bixinayeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo heesta calanka soomaaliyeed ku salaamayay madaxweynaha. Kadib waxaa la geeyay Madaxweynaha kursigii uu ilaa saakay isha ku hayay, kaasi oo ay hor surnaayeen labo calan oo mid uu yahay calanka soomaaliyeed iyo mid aanan garan waxa looga dan lahaa oo midabo isku dhafan lahaa, waana hubaa in uusan ahayn calankii Kenya, markii uu madaxweynaha in door ah ku fadhiyay kursigii, misana uu dhinacyada eeg eegay ayaa waxaa halkiisa loogu keenay Dr. C/llaahi Axmed Caddow, si uu ugu hambalyeeyo, mar kale ayayna sidoo kale laabta isugu qabteen, iyaga oo wada qoslaya. Dr. C/llaahi Axmed Caddow oo ay xalay u ahayd markii labaad ee looga guuleysto tartanka madaxweynenimada Soomaaliya oo uu weliba heerkan oo kale ka soo gaaray ayaa waxaa uu jeediyay khudbad uu ugu hambalyeynayay madaxweynaha Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo uu ku tilmaamay in uu yahay nin howl kar ah oo ka soo bixi kara xilka loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in la doortay ninkii ugu mudnaa xilkan, isagoo weliba ka rajeeyay madaxweynaha cusub in uu soo celin doono qarannimadii iyo sharafkii Soomaaliyeed ee la tegay bur burkii dowladdii hore, wuxuuna caddeeyay in uu intii karaankiisa ah la shaqeyn doono oo uusan waxba ka hagran doonin. Intaasi kadib waxaa cod baahiyihii la wareegay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu horeyn u mahadceliyay xildhibaanadii doortay ee sida uu yiri kalsoonidiisa siiyay, mas’uuliyiinta IGAD ee wasiirrada iyo safiirrada isugu jiray, wakiillada beesha caalamka ee shirka dhaqaalaha ku soo bixinayay iyo weliba Soomaalidii ka soo qeybgashay doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayuu u mahadceliyay, kadibna wuxuu ballanqaaday in sida loo doortay ee kalsoonida loo siiyay uu uga shaqeyn doono sidii loo soo celin lahaa deganaantii dalka Soomaaliya, isla markaana dib loogu dhisi lahaa dalka. “Anigu dadka isku dhaqan maahin, waan ka dhaqan gedisanahay, qaar baa habeen shaqeeya, qaarna waxay shaqeeyaan maalintii, anigu labadaba waan la shaqeyn doonaa ee meel iskama fariisan doono†ayuu yiri Madaxweyne C/llaahiYuusuf Axmed, “waxay noqon doontaa labo arrimood midkood: in ay nafta iga baxdo aniga oo shaqada la iga sugayo si daacad ah u gudanaya oo howlkarnimo muujinaya iyo in aad ila shaqeyn weydaan oo aan wax qaban waayo, markaasina aan xilka aad ii dhiibteen aan dib idin kuugu soo celiyo, isla markaana aan idin iraahdo u dhiibta ciddii aad idinku dooneysaan†ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. “Aad ayaan uga xumahay in aan caawa wada tartanno aniga C/llaahi Axmed Caddow oo yaraanteenii ilaa haatan aan saaxibo ahayn, saraakiil ciidamada ka tirsanna aan soo wada ahayn, taasi bedelkeed waxaan jeclaan lahaa in uu caawa ila tartamo qof kale oo aanan is-aqoonin†ayuu ku kaftamay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in tartankoodaas uu dhamaaday, haseyeeshee ay saaxibtinimada dhexdooda ah sideedii sii ahaan doonto. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxaa uu markaasi kadib ka codsaday dowladaha IGAD ee ay Soomaaliya ka midka tahay iyo beesha caalamkaba in ay ku garab galaan dowladda cusub ee Soomaaliya ee aan waxba heysan taageero diblumaasiyadeed, mid dhaqaale iyo weliba mid ciidan oo hubka looga dhigo maleeshiyooyinka hubeysan, isla markaana ay soo gaarsiiyaan dowladda cusub ee Soomaaliya heer ay ammaankeeda ku sugi karto oo markaasina ay canshuuro ku qaadan karto.
  25. Suldanka LOL, dont make me laugh mate. Hobyonet are sore at the loss of the election. However right now the respected members of Mogadishu clans are competing for the PM post. So forget about recognition son. Its too little to late.