General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Somaliya: M/Weynaha Cusub oo si Weyn Looga Soo Dhaweeyey Soomaaliya - Monday, October 11, 2004 at 16:20 Somaliya, 11.10.04 (AllPuntland) - Guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Puntland, ayaa si aad ah looga soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliyeed Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Gobolada sid aadka ah xalay looga soo dhaweeyay waxaa kamid ah gobolka Banaadir, Hiiraan, Galguduud, Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, iyo gobolada Jubbooyinka. Inta aynaan u galin sida looga soo dhaweeyay Puntland dawladda cusub ee dhalatay, magaalada Muqdisho xalay waxaa ka dhacayay bannaanbaxyo kala duwan oo dadku ay ku soo dhawaynayaan dawladda haatan madaxwayneheeda lagu dhawaaqay. Abbaaraha 9:45pm saacadda Afrikada Bari illaa saqda dhexe ee habaynkii waxaa magaalooyinkaas aynu soo sheegnay ka dhacayay damaashaad. Magaalooyinka Jawhar iyo Kismaayo ayaa ka mid ahaa meelaha aan habaynkii xalay ahaa dadku seexan isla markaana ay u damaashaadayeen. Duqa degmada Dhuusamareeb Md. Xasan Ganay ayaa sheegay in dawaynaha galguduud oo dhan ay damaashaadayeen. Dhinaca DG Puntland haddii aynu eegno sawaxanka dadwaynaha, dhawaaqa dadwaynaha ayaa halmar kawada yeeray magaalooyinka waawayn ee Puntland. Markii dadku ay dareemeen in codadka badankood uu helaayo Md. C/laahi Yuusuf Axmed, magaalooyinka Laascaanood, Garoowe, Boosaaso, Qardho, Gaalkacyo iyo Badhan ayaa ka mid ah meelaha illamaa iyo haatan ay soconayaan fantasyaha loogu dabbaal dagayo doorashada madaxtinimada Soomaaliyeed oo uu ku guulaystay Md. C/laahi Yuusuf Axmed. Magaalooyinka aynu soo sheegnay oo aannu maanta la xiriirnay ayaa naloo sheegay in ay dhici doonaan maalmaha soo socda bannaanbaxyo is daba joog ah; waxaa maanta la xiray dugsiyada quraanka, kuwa maadiga ah; waxaa la fasaxay shaqaalaha dawladda, halka shirkadaha isgaarsiintuna ay bixinayeen taleefon lacag la'aan ah . Dhinaca kale dad ka tirsan beesha Jareerwayn ayaa maanta si gaara u abaabulay bannaanbax taageero oo aad u ballaarnaa oo ay socod ku soo mareen wadooyinka waawayn ee magaalada Gaalkacyo. Waxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin Soomaliya hanoolaato, C/laahi Yuusuf hanoolaado; waxaa kale oo ay qaadayeen ereyo suugaaneed dadkii dhagaysanayay aad usoo jiitay; waxa ay sheegeen in ay mustaqbal yeelan doonaan haddii ay yihiin beesha Jareerwayn. Magaalada Gaalkacyo oo illaa xalay aan laga seexan ayaa dadku damaashaad ku jireen, aynu isu bogaadinayeen iyaga oo dhex mushaaxaya wadooyinka magaalada. Magaalada Laascaanood oo iyana ay ka dhaceen banaanbaxyo balaaran oo lagu taageerayo M/Weynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya ayaa dadku isugu soo baxeen Garoonka Kubadda Cagta ee Cabdi Bille halkaas oo khudbado, suugaan iyo heeso lagu soo bandhigay. CCC Farayaamo AllPuntland.com
  2. Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo durbadiiba taageero weyn ka helay dalka gudihiisa iyo dibadiisa. Nairobi Soomaalida ku dhaqan gudaha iyo dibada ayaa xalay si weyn u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee loo doortay 5-ta sano ee soo socoto C/llaahi Yuusuf Axmed. Taageeradaasi ayay ku sheegeen dadka Soomaaliyeed in ay ku faraxsan yihiin doorashadaas iyo dowlada u dhalatay dalkooda hooyo waxaana lagu wadaa in banaabaxyo kala duwan ay ka dhacaan gudaha Soomaaliya si loo muujiyo taageerida dowlada cusub, Waxaana meelaha ugu waaweyn ee uu ka dhici doono ka mid ah magaalada Muqdisho. Col. C/llaahi Yuusuf oo ka mid ahaa xildhibaanadii lagu doortay shirka Nairobi ayaa horay u ahaa madaxweynaha maamul goboleedka Putnland waana sarkaal milatari ah kana tirsanaan jiray ciidanka xooga dalka Soomaaliya si weyna wax uga qaban kara sugida ammaanka iyada oo uu horay deegaanada Putnland ku soo dabaalay nabad galyo. Guusha uu soo hooyey Col. C/llaahi Yuusuf ayaa timid kadib markii beelaha ****** ku fashilmeen 14 sano ee u danbeeyesay in ay xasiliyaan dalka taasoo keentay beelaha Soomaliyeed bal markaana in la tijaabiyo beesha ******* oo lagu yaqaano nidaam iyo kala danbeen Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho
  3. Puntland oo si weyn looga soo dhaweeyey dowlada cusub ee lagu dhisay dalka Kenya Garowe :- Banaanbaxyo ayaa xalay illaa iyo saaka ka socda magaalooyinka waaweyn ee Puntland, kuwaas oo loogu dabaal degayo Doorashooyinkii xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, laguna soo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya C/laahi Yusuf Ahmed. Banaanbaxyadan ayaa ka dhacay magaalooyinka, Boosaaso, Qardho, Garowe, Laas Caano iyo Gaalkacyo. Ayadoo ay hada weli magaalooyinka qaarkood sida Bosaso ay ka socdaan banaanbaxyadan lagu soo dhaweenayo natiijadii Doorashadii ka dhacday Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed. Shacabka Puntland ayaa intooda badan muujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin in dalka Soomaaliya uu yeesho maamul isla markaana lasoo afjaro maamul la'aanta ka jidha dalka Soomaaliya guud ahaan. Puntland ayaa ka mid ahayd goobaha had iyo goor sida weyn looga taageeri jiray shir walba oo loo qabto dib u heshiisiinta dalka Soomaaliya, ayadoo doorashadii xalay ahayd middii ugu horeysay ee lagu doorto Madaxweyne kasoo jeeda deegaanada Puntland. C/risaaq Shiino HorseedNet.com Garowe, Puntland
  4. Somalia awakes to a new day http://www.bbc.co.uk/somali/som_elections.ram
  5. Damaashaadyo la xiriira Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa xalay ka soconaya magaalada Nairobi By Dharbaaxo Posted to the web 11-10-2004, 11:56:30 Nairobi:-Ka dib doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed xalay uu ku guulaystey xilkaas ayaa waxaa ka jirey guud ahaan magaalada Nairobi damaashaadyo iyo dabaaldegyo ku aaddan dareenka dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayaan in dib loo soo celiyo qarannimadoodii si ay uga baxaan qaxootinimada iyo dawlad la'aanta mudada 14ka sano ah ka jirtey dalkooda. Xaafadda Islii ee Soomaalidu u badan tahay ayaa waxaa xalay lagu arkayey dadweyne farabadan oo dariiqyada isugu soo baxay oo aan tirsigooda la qiyaasi karin ,iyadoo qaar ka mid ahi lugaynayeen qaar kalana gawaari ku damaashaadayeen ,iyadoo hoonka iyo qayladuna aysan xalay kala demin ,taasoo ay weheliyeen suugaan iyo erayo dadkaasi ku dhawaaqayeen oo ay ka mid ahaayeen Soomaaliyeey Toosoo Toosoo Isku Tiirsada ee iyo heeso kale oo wadani ah. Kuma eka damaashaadkaas iyo dabaal degyadu magaalada Nairobi ee waxaa sidoo kale laga soo sheegayaa gobollada kale ee Kenya iyo waliba xeryaha qaxootiga ee dadka Soomaalidu ku sugan yihiin damaashaad midkaas la mid ah ,iyadoo dalka Soomaaliya gudihiisan gobollada oo dhan laga soo dhaweeyey qaabkii doorashadu u dhacday iyo madaxweynaha ku guulaystayba. Guud ahaana waxaa laga dareemayaa dalka Kenya sida ummadda Soomaaliyeed ay maanta uga go'an tahay taageerada dawladda u dhalatay Soomaaliya muddo labo sano ah oo shir dib u heshiisiineed ka socdey dalkan ka dib. Caleemasaarka Madaxweynaha ayaa waxa la sheegay inuu dhici doono maalinta khamiista ah ee 14ka bisha ,waxaana socda abaabul diyaar garow ah oo maalintaas taariikhiga ah loogu jiro oo ay wadaan dalka Kenya,wadammada IGAD ,beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ,gaar ahaana ganacsatada Soomaaliyeed ee goobaha ganacsiga ku leh magaalada Nairobi. Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo Puntlandpost,Nairobi,Kenya
  6. Gobolada Puntland Iyo Kuwa Soomaaliya Ayaa Si Weyn Looga Soo Dhoweeyey Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Ah Ee Soomaaliya. By RM Posted to the web 11-10-2004, 12:51:40 Boosaaso:-Guud ahaan magaalooyinka DGPL ayaa xalay ilaa maanta waxaa ka socda damaashaad balaaran oo loogu dabaal degayo guusha C/laahi Yuusuf uu ka soo hooyey doorashada Madxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya. Xalay markii ay dhamaatay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar qura waxaa Magaalada Boosaaso laga maqlay rasaas xoog weyn leh oo ka dhacaysay qoryaha waaweyn iyo kuwa fudud oo circa loo ridayo. Sawaxan iyo damaashaad ay dadweynuhu dibadda ugu soo baxeen ayaa camiray jidadka magaalada iyadoo dadku u socdeen si raxan raxan ah isla markaasna ay ku qaylinayeen erayo ay ku taageerayaan Madaxweyaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ee loo doortay C/laahi Yuusuf Axmed. Sidoo kale magaalaooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sidoo kale looga damaashaaday doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, dhamaana gobolada Puntland ayaa dadka ku nooli intooda badani soo jeedeen ilaa xalay, iyagoo ku mashquulsanaa guusha doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo si dimoqraadiyad ah ku dhamaatay. Madaxweyne ku xigeenka DGPL Maxamed Cabdi Xaashi ayaa isaguna maanta hambalyo u jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna bogaadin balaaran u soo jeediyey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay ku guuleysteen in ay doorteen Madaxweynihii Soomaaliyeed ee Shanta sano ee soo socota hogaamin lahaa umadda Soomaaliyeed. Garoomada kubadda Cagta ee magaalooyinka Boosaaso, Gaalkacyo iyo Laascaanood ayaa maata waxaa isugu tegay dadweyne tiro badan iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland kuwaasoo dibad bax ka sameeyey taageerista doorashada Madaxweynaha Soomaaliya. Banaanbaxyadan waxaa ka soo qayb galay ardayda dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalooyinkaa Boosaaso, Gaalkacyo iyo Laascaanood iyagoo sita dharkii iskuulka ayna weheliyaan macalimiintii wax bari jirtay, waxaana halkaas lagu soo bandhigay ciyaaro iyo suugaanta noocyadeeda kala duwan ku waas oo loogu hanbalyeeynaayey madaxweeynaha dawlada faderaalka ah ee soomaaliyeed. C/laahi yuusuf axmed. Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ayaa gaardis ku maray garoomada dhexdooda, kuwaasoo salaam siiyey Masuuliyiinta Puntland ee joogay halkaas, waxaana khudbado taageero ah ka akhriyey halkaas xubno ka tirsan Maamulka Puntland Sidoo kale, wararka ay noo sheegayaan weriyayaasha gobolada waxaa maanta banaanbaxyo doorashada Madaxweynaha lagu taageerayo ay ka dhaceen magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Muqdisho, Kismaayo, Afgooye, Jawhar, Beledweyne, iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobolada Soomaaliya. Magaalada Hargeysa ee xarunta u ah Maamulka Somaliland ayaan laga soo dhoweyn doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, haseyeeshee, wax war ah oo ay weli ka soo saareen Maamulka Somaliland aragtida ay ka qabaan dhismaha dowladda Soomaaliyeed weli kama soo bixin. Arrintu siday doonto ha ahaatee, waxaa muuqata in taageero xoog leh ay ka imaaneyso bulshada Soomaaliyeed, kuwaasoo muujiyey in ay soo dhoweynayaan Dowladda cusub ee Soomaaliya ee ka hana qaaday wadanka Kenya Tobbanka bishan Oktoobar. Ãsha Wararka,Radio Midnimo Xuquuqda Daabacaada:puntlandpost.com
  7. Well done to our parliment and to President Yusuf insha allah to both I hope you become more than what we expect, and the foundation for the new Somalia. oh LSK I hope the President selects a PM an able man from Mogadishu, who can bring unity between the people.
  8. Long time coming. Alhamdulilah and lets hope for a new Somalia.
  9. Liqiye, 15 of Abdiqasin votes make not that much of a difference. LSK, bro Adow nor Qaynyare, nor Abdiqasin is needed to go back to Mogadishu. Che, remember how people told us he wont get many votes LOL Abdullahi if he wins will be welcomed in Mogadishu with open arms. his supportbase is deep. Remember the anti Yusuf alliance where are they now?????????
  10. Abdiqasin is out, thank the lord he is.... Qaynyare there is no deal. The third round is on YEY Vs ADOW. We need an effective PM, an educated man who can run the day to day running of the government. New blood is needed and one that can contrast with YEY. As for Mogadadishu, no problem as long as the PM is from the two most powerful clans.
  11. Hey, for PM i think Adow not, I have a short list. 1) Inj Adow 2) Mohamed Mohamoud Guled - Ghamadere These two are my favourites, educated individuals, from powerful clans and are not warlords. So Mr Yey listen ok. PS: Its not over yet till Adow gives up
  12. C/llaahi Yusuf Axmed Oo Madaxweyne Ka Noqanaya Shanta Sano…. Wareeggii 2aad ee codaynta ayaa haatan lasoo gabagabeeyey iyadoo uu C/llaahi Yuusuf helay codadka ugu badnaaa. C/llaahi Yuusuf ayaa helay inka badan 140 cod halka C/llaahi Cadow oo kusoo xigay uu ka helay dhawr iyo sideetameeyo cod. Qanyarana ayaa isagu helay dhawr iyo soddon cod. C/llaahi Yuusuf ayaan haatan gorgoro u baahnayn, inuu ku guulaysanayana ay muuqataa madaxweynanimada maadaama uu haysto in ka badan isugaynta ragga la tartamaya. Wareegga seddexaad ayaan la garanayn in la iska marayo iyo inay labada tartame ee kale iska tanaasuli doonaan sidii raggii hore dantu baday, Waxaase haatan muuqata in Col C/llaahi Yuusuf yahay madaxweynaha shanta sano ee soo socota. webmaster@goobjog.net
  13. Natiijadii Codadka Wareegii Labaad; Cabdullaahi Yusuf Axmed oo Si Weyn wali u Hogaaminaya Doorashada wareega 2 aad - Sunday, October 10, 2004 at 18:12 Xusuusin: Noqo Kan ugu Hor Ogaada Natiijada Doorashada , Haka Dheeraan AllPuntland.com Warkii Ugu dambeeyay Nairobi (AllPuntland)- Waxaa hadda soo dhamaatay natiijadii tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha jamuuriyada Federaalka Soomaaliya. Waxaa wareegaan si weyn ugu hogaaminayay Cabdullaahi Yusuf Axmed, tirinta codadka waxay u kala heleen saddexda musharax ee ku tartamayay wareega labaad sidaan. Cabdullaahi Yusuf Axmed 147 Cod Cabdullaahi Axmed Cadow 83 Cod Maxamed Qanyare Afrax 38 Cod Saddexda Musharax waxay wareegii koowaad codadka u kala heleen iyadana sidaan:
  14. Cabdiqasim, C/maan Jaamac Barre iyo Injineer Caddow oo Ka tanaasulay u Tartanka Wareega Labaad, Cabdullaahi Yusuf, Cabdullaahi Cadow iyo Maxamed Qanyare oo u tartamaya Wareega 1 aad - Sunday, October 10, 2004 at 16:41 Xusuusin: Noqo Kan ugu Hor Ogaada Natiijada Doorashada , Haka Dheeraan AllPuntland.com Nairobi (AllPuntland)- Waxaa iyagu ka tanaasulay inay u tartamaan wareega labaad 3-dii musharax ee ugu cod yaraa lixda musharax ee isugu soo haray wareega labaad, kuwaas oo sheegay inay sidaas u yeeleen inay u fududeeyaan wakhtiga doorashada Cabdiqasim Salaad Xasan, C/maan Jaamac Barre iyo Injineer Maxamed Xuseen Caddow ayaa iyagu ka tanaasulay wareega labaad inay u tartamaan. Waxaa haddadaan bilaabmatay u codaynta saddexda musharax ee kala ah Cabdullaahi Yusuf Axmed, Cabdullaahi Axmed Cadow iyo Maxamed Qanyre Afrax oo siday u kala horeeyaan ugu kala horeeyay wareegii koowaad. Ha ka dheeraan halkaan oo la soco AllPuntland.com oo toos kuugu soo gudbinaysa natiijada haddba halka ay marayso doorashadu.
  15. Midnimo Information Center mic 10- 10 - 2004 - Barnaamijka Doorashada Madaxweynaha C/QAASIM SALAAD IYO C/RAXMAAM JAAMAC BARRE OO KA TANAASULEEN Madaxweynaha TNG da ayaa ka baxay wareegii Labaad ee doorashada wuxuuna ku dhawaaqay inuu is casilay, wuxuuna ku dhawaaqay inuu la shaqeyn doona cid kasta oo ku soo baxada doorashada. C/qaasim ayaa hadal dheer ka jeediyay Baarlamaanka wuxuuna sheegay in Ninkii la doorta uu xilka ku wareejin doona, wuxuuna caddeeyay inuu la shaqeyn doona madaxweynaha cusub. C/qaasim ayaa waxaa uu ka mid ahaa dadka loo saadalinayay in uu ku soo baxaya Jagada madaxweynaha soomaaliya, wuxuuna wareega koowaad helay cod aad u hooseeya. Sidoo kale waxaa isna Baarlamaanka hortiisa ka cadeeyay inuu ka tanaasulay loolankii jagada madaxweynaha soomaaliya C/raxmaan jaamac Barre, wuxuuna balan qaaday inuu la shaqeyn doona cid kasta oo ku soo baxda. Waxaa kaloo ka tanasulay Enj. Caddow oona sheegay in uula shqeyn doono cadii ku guuleysatay jagada madaxweynanaimada. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  16. Cabdiqaasim Salaad xassan oo ka baxay tartankii madaxweynimadda Soomaaliya ... Cabdiqaasim Salaad Xassan oo ka mid noqday lixda musharax ee isugu soo hadhay wareega labaad ayaa ku dhawaaqay inuu ka hadhay tartankii madaxnimadda
  17. Midnimo Information Center mic 10- 10 - 2004 - Barnaamijka Doorashada Madaxweynaha Wareegii koowaad ee Doorashada ayaa la soo gabegabeeyay Waxaa goor dhaw la soo af jaray codeynta Wareega Koowaad ee tartankii doorashada madaxweynaha soomaaliya ee maanta duhurkii ka bilaabatay Garoonka Ciyaaraha Kasaraani ee Caasimada dalka Kenya, iyadoo Musharax kasta laga codsaday inuu keensado cida Wakiil uga noqonayso cod tirinta, kadib waxaa meesha soo fadhiistay 26 Musharax kooxdii ka Wakiilka ugu noqon lahayd, kadib waxaa la bilaabay tirinta codadkii Xildhibaanada Baarlamaanka. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa indhaha ku wada eegayay qaabka doorashada u dhacaysay iyo sida Xildhibaanada u codeeyan, iyadoo meesha laga saaraya wax musmaasuq oo meesha ka dhacayo. Waxaa muuqata in wareega koowaad wax badan ay is bedeleen iyadoo sidii la filayay aan wax u dhacin, waayo tida uu helay C/qaasim ayaa ah mid dadka ka yaabisay waxayna sheegeen in C/qaasim laga filayay inuu helo codad intaa ka badan,hadaba 26 Musharax waxay Codadka u kala heleen sida tan. 1- C/llaahi Yuusuf Axmed. 80 cod. 2- C/laahi Axmed Cadow. 35 cod, 3- Maxamed Qanyare. 33 cod. 4- C/raxmaan Jaamac Barre. 18 cod. 5- C/qaasim Salaad Xasan 16 Cod. 6- Enj Maxamed Xuseen Cadow 14 cod. Kooxdan ayaa u soo baxaday Wareega Labaad iyadoo Muuse Suusi iyo Maxamed ku hareen wareega Koowaad, waxayna kala heleen sidan. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com www.midnimo.com
  18. SBC...REAKING NEWS Nairobi - 10.October.2004 Waxaa goor dhaweyd la soo gaba gabeeyay tirinta Coddadka doorashada Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Wareegan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa waxaa codadka loo kala urursadey sidatan. 1. C/laahi Yusuf Axmed 80 Cod 2. C/laahi Axmed Caddow 33 Cod 3. Maxamed Qanyare Afrax 31 4. C/raxmaan Jaamac Barre 19 5. C/qaasim Salaad Xassan 15 cod 6. Eng Caddow 14 cod Lixdan mudane ayaa ah kuwa ugu sareeya isla markaasna la filaayo in ay noqdaan kuwa isugu soo baxa wareega labaad.... wixii faah faahin ah nala soco. Ismail Xaaji Bosaso
  19. I, SMITHNWESTERN, PROMISE TO ACCEPT WHOEVER IS ELECTED ON SUNDAY 10/10/2004. Long live Somalia....My home sweet home.
  20. He is a good man, deserves his chance. He seems to be in it for the experience though, like Gediid mentions above it goes well with the CV.
  21. I think he is ready to take the prime ministerial position but if he loses both posts then civil war will continue. Don't you think that? I dont agree, if he losses both he has no excuse and no one from Puntland or any where will support him in derailing the new government. If Abdullahi losses on Sunday and does not get the PM position then he will have to retire from politics.Puntland,Mohamed Abdi Hashi should take over and welcome the new government with open arms. What ever happens lets support the new government.
  22. LOL: Who knows if he loses he might be consoled with being MP. An interesting point would be what happens if the Mogadishu warlords and their kin dont get their rightful presidency???
  23. Nationalist, I agree with you on my points but I don’t agree with Abdullahi Adow. He is incompetent weak man who has very little influence with his own sub-sub clan. As for reer Galkacyu don’t read much onto that, I actually am fervently against a reer Galkacyu or reer anything alliance, what happens to the rest of the country, how does such an alliance benefit the state? Why I chose the new Adow is that he is an energetic fellow who can bring a new dimension to Somali politics, he was not part of Siyad’s regime, he is not anti Puntland or Somaliland and has grassroots support from most of the clans of Mogadishu as he is not from either of the two big guns. He has worked with Ali Mahdi and Musa Sudi but now is a rival candidate to Musa and Mohamed Dhere. Out of Abdiqasin [failure TNG] Abdullahi Adow[weak], Qaynyare, Sudi Yalaxow, Mohmed Dhere, Xuseen Aydeed. He is the most credible candidate from Xamar.
  24. Waa Kuma Inj. Maxamed Xuseen Caddow, maxaase keenay in si lama filaan ah loogu saadaaliyo in uu noqonayo madaxweynaha dowladda cusub ee Federaalka Soomaaliya? Isniin, October 04, 2004 Waxay ahayd asbuuc gudahiis markii todobaadkii hore si lama filaan ah uu u soo baxay musharax durbadiiba qal qal xoog leh geliyay siyaasiyiin caan ah oo loo tirinayay in ay ku guuleysan karaan tartanka jagada madaxweynenimo ee dowladda dhismaheeda loo fadhiyo shirka Soomaalida ee ka socda dalka Kenya. Waxaa la arkay iyadoo musharaxan cusub uu ka soo guuray Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi, isla markaana uu soo degay kuwa ugu qaalisan hotellada caalamka ee Hitlton ee ku yaala isla magaalada Nairobi, waxaana wehliyay labo gaari oo mid uu yahay Mercedes la mid ah midka ay isticmaalaan madaxda dalka Kenya iyo mid kale oo ah Landcrouser aad u qurux badan, taasoo durbadiiba isku soo jiiday in ay is-arkaan musharixiin aan horay isu arag tan iyo markii uu bilowday olalaha musharixiinta, waxaana guud ahaan magaalada Nairobi Soomaalida ku sugan hareeyay culeyska uu la yimid musharaxan cusub oo ay durbadiibana bilaabatay in la is-weydiiyo ninkan gilgilay musharixiinta kale iyo weliba cidda gadaal ka riixeysa?. Inj. Maxamed Xuseen Caddow waa nin aan hadal badneyn, balse aad u howl badan marka loo fiiriyo taariikhdiisa wax qabad ee gudaha Soomaaliya, mana ahan shakhsi looga sheekeynayo xaaladda soomaaliya waayo waxaa uu u soo joogay dhibaatooyinkii dhacayay dhowr iyo tobankii sano ee aynu ka soo gudubnay, dalkuna uu dowlad la'aanta ahaa, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay deegaanka Far Janno xiligii lagu jiray halgankii lagu ridayay rijiimkii Maxamed Siyaad, waxayna dadka aadka u yaqaana ay sheegayaan in uu waqtigaas iska soo dayacay dhaqaale ka soo gelayay shirkad Talyaani ah oo ka howlgeleysay dalka Liibiya, isla markaana uu ka doorbiday in uu aqoontiisa ku bedesho ka qeybgalka halgan habeenno aad u badan loo jiifay keymaha oo uu hoggaaminayay Marxuum Maxamed Faarax Caydiid. Inj. Caddow, waxaa uu haatan ka mid yahay hoggaamiyayaasha kooxaha ee ka jira magaalada Muqdisho, balse waxaa uu saaxibadiisa kale uga duwan yahay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin in maleeshiyooyinkiisa aaney canshuur ka qaadan guryaha iyo goobaha ganacsiga ee degmooyinka ay ku xoogga badan yihiin ee qeybo ka mid ah Shangaani, C/casiis iyo Xamarweyne, sidoo kalena ma ahan siyaasi inta badan wareysiyadiisa laga maqlo qalabka warbaahinta sida saaxibadiisa kale, wuxuuna sheegay mar la weydiiyay sababta arrintaas keentay iyo in uusan saxaafadda la hadlin ayuu ku macneeyay in aaney jirin siyaasad horumar leh oo is-taahisha in la maqashiiyo shacabka, isla markaana ay ku adag tahay ka dhaadhicinta shacabka arrimo qiyaali ah, sidoo kalena waxa uu uga duwan yahay saaxibadiisa kale in uusan ku jirin kuwa aan is-arki karin amaba kulmi karin, waxaana lagu yaqaanaa in uu xiriir wanaagsan la leeyahay dhammaan hoggaamiye kooxeedyada kale ee magaalada Muqdisho naceyb kasta oo ka dhaxeeya, waana tan keentay in uu Inj. Caddow noqdo maskaxdii ka dambeysay horumar dhowr ah oo laga sameeyay gudaha magaalada Muqdisho, sida isku xirkii Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi ee keenay in ay Muqdisho u sameeyaan maamul ay La-guddoomiyeyaal ka yihiin, xiligaasna waxay ahayd sanadkii 1998-kii, isagoo weliba ka mid ahaa ku xigeenadii hoggaankii Cali Mahdi ee USC/SSA. Markii uu fashilmay maamulkaas ayaa mar kale la arkay Inj. Caddow oo ka dhex shaqeynaya siyaasiyiin kala af-kaar duwanaa, balse ay ka dhaxeysay naceybka ay u qabaan SRRC-da uu odayga ka yahay Col. C/llaahi Yuusuf, waxaana dadaalkiisaas oo uu tiir dhexaad u ahaa ka dhashay ku dhawaaqistii golaha Samatabixinta ee dabayaaqadii sanadkii hore lagu dhisay degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo markaasina guddoomiye loogu doortay Muuse Suudi Yalaxow, waxaana wax yar kadib ku xigay u kala dab qaadistii uu ka dhex sameeyay sidii la isugu xiri lahaa Samatabixinta iyo TNG-da, taasoo noqotay mid lagu guuleystay oo uu ka dhashay heshiis toban qodob ka koobnaa oo ay labada dhinac ku wada saxiixeen Hotelka Shaamow ee magaalada Muqdisho, mana ahayn arrin aad u fudud in la maqlo Muuse Suudi oo aqoonsaday madaxweynenimada C/qaasim Salaad Xasan, marka loo fiiriyo heerkii ay kala joogeen oo ay mar C/qaasim ka gaartay in uu Muuse Suudi ku tilmaamo nin mujrim ah, halka uu Muuse Suudi u sheegay maleeshiyooyinkiisa in ay madaxa ka toogtaan haddiiba uu xiriir la sameeyo C/qaasim Salaad, waxaana heshiiska labadan qeybood ku jiray in maamul xoog badan loo sameeyo magaalada Muqdisho, iyagoo qalinka iskula duugay in ninka ugu haboon ee ka bixi kara qabashada xilka maamulkaasna uu yahay Inj. Maxamed Xuseen Caddow, walow ay arrintaas markii dambe dhicisowday kadib markii uu mad madow ka dhashay arrinta shirka dib u heshiisiinta uu soo kala dhexgalay Muuse Suudi iyo C/qaasim Salaad. Inj. Caddow, ma ahan nin la tegay madasha shirka dib u heshiisiinta dhaqaale uu ku iibsan karo xildhibaanada baarlamaanka, si ay u siiyaan codadkooda, sida lagu arko musharixiinta intooda badan, waxaana maalmihii tegay soo if-baxday arrin aad uga yaabisay Soomaalida ku sugan madasha shirka, taasoo ahayd in uu Inj. Caddow noqday musharixii ugu horeeyay oo ay Soomaalidu, gaar ahaan kuwa lacagta heysta ku taageeraan dhaqaalahooda, sida ay xaqiijiyeen ganacsato iyo siyaasiyiin ka soo laabtay madasha shirka, kuwaasi oo soo gaaray magaalada Muqdisho, "Musharixiintu waa mid ay dadku rabaan iyo mid isaga is-wado oo aamisan in uu jeebkiisa wax ku noqonayo" ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatadaas, waxaana sidoo kale la soo weriyay in uu Inj. Caddow aad uga xishoonayay in uu fagaare la soo istaago oo uu yiraahdo "Waxaan doonayaa in la i doorto", waxayna wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in lagu qasbay in uu maanta ama berito qabto shir jaraa'id oo uu kaga dhawaaqo musharaxnimadiisa, bacdamaa ay maalin uun ka harsan tahay waqtiga loo qabtay in ay musharixiinta ku soo gudbiyaan codsiyadooda iyo lacagta dibaajiga ah ee gaareysa labada kun doollar, isla markaana qofkii aan ku soo gudbin loo qaadanayo in uu ka tanaasulay, sida uu horay ugu dhawaaqay guddoonka cusub ee baarlamaanka, sidoo kalena waxaa uu maanta kulan la leeyahay xildhibaanada ka soo jeeda qeyb ka mid ah beesha Direed, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah xildhibaanada beeshaas. Magaalada Muqdisho markii la maqlay musharaxnimada aan weli soo shaac bixin ee Inj. Caddow siyaabo kala duwan ayaa loo dareemay, ugu horeyntiina inta badan aqoonyahanada iyo waxgaradka magaalada, gaar ahaan kuwa aad ula socday kaalintiisa siyaasadeed ayaa ku tilmaamay in uu Inj. Caddow yahay ninka ugu shakhsiyadda wanaagsan, uguna aqoonta badan marka loo fiiriyo hoggaamiyayaasha kale ee kooxaha hubeysan oo markaasina aan isaga iyo maleeshiyooyinkiisa lagu tirineynin fal dembiyeedyo la ogyahay oo ay geysteen tan iyo markii ay bur burtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre, isla markaana uu ahaa nin laga nabadgelayo afkiisa iyo addinka maleeshiyooyinkiisa, walow ay qaar ka mid ah taageerayaasha musharixiinta kale ee ku sugan Muqdisho aaney soo dhaweyn weyn ka muujin soo shaac bixidda musharaxan, iyagoo u arkaya Inj. Caddow nin caqabad ku noqon kara rajada musharixiinta ay kala taageersan yihiin, waxaase qiimeyn taasi ka duwan ka bixiyay afti laga qaaday dad kala duwan oo ku nool deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo uu musharaxan ka soo jeedo, kuwaasoo sheegay in Inj. Caddow musharaxnimadiisa ay xal u noqoneyso iska hor imaadka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada hoggaamiye kooxeed ee xildhibaanada noqday ee kala ah Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere, kuwaasoo la rumeysan yahay in aaney isu tanaasuli karin, isla markaana aanu midba kan kale ogolaan doonin haddii uu kaga hormaro amaba haddii aan si kale u dhahno uu mudnaanta kaga helo dhismaha dowladda cusub uu mucaaradnimo kala hor imaan doono, waxayna qaar ka mid ah dadkaas u jeediyeen Muuse Suudi iyo Maxamed Dheere in ay u tanaasulaan Inj. Caddow oo ay ku taageeraan musharaxnimadiisa, si beesha Mudullood ee ay ka soo wada jeedaan ugu guuleysato jagadaas, walow ay gaarista guushaasna ku xiran tahay hadba cidda ay codadkooda siiyaan inta badan 275-ka mudane ee baarlamaanka. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta kooxaha hubeysan ee Soomaaliya waxaa ay horay u sheegeen cidda ay la shaqeyn doonaan haddii aaney iyaga ku guuleysan tartanka doorashada madaxweynenimada, wuxuuna Xuseen Caydiid gebi ahaanba meesha ka saaray in ay doorashada ku soo baxaan wax uu ku tilmaamay haraadigii Maxamed Siyaad Barre, taasoo uu weliba kaga sii digay in ay dib u soo celin doonto halgankii hubeysnaa, isla markaana meesha looga saari doono amaba jilbaha dhulka loo dhigi doono sida TNG-dii uu madaxda ka ahaa C/qaasim Salaad, sidoo kalena Muuse Suudi ayaa horay dhowr jeer u sheegay in uu aqbalayo oo kaliya in uu xilka madaxweynenimada qabto mid ka mid ah wax uu ugu yeeray mujaahidiinta soo halgantay. Col. C/llaahi Yuusuf ayaa isna laga hayaa in uu yiri in haddii doorashada looga adkaado aanu aqbali doonin in uu la shaqeeyo shakhsi aan la soconin, isla markaana wax ka qaban karin xaaladda Soomaaliya, kaasoo sida uu yiri gurigiisa iska seexanaya, marka la isku soo hooriyo sifayaashaas ma ahan kuwo ka muuqda Inj. Maxamed Xuseen Caddow, tiiyoo ay weliba u wehliso in uu yahay shakhsi darajo sare ka wata mid ka mid Jaamacadaha ku yaala Dalka Talyaaniga oo uu ku soo bartay cilmiga Injineeriyada. Inj. Caddow ma ahan sida lagu yaqiinay nin aaminsan qadadka ay hoggaamiye kooxeedyadu ka sameysteen magaalada Muqdisho, waxaana marar badan lagu arkayay waddooyinka Muqdisho oo uu isaga dhex gooshayay xilliyo dambe oo habeenkii ah, isagoo aaney wehlin wax tikniko ah, marka laga reebo ilaalada la saaran gaarigiisa, isagoo weliba aan ku jirin hoggaamiyayaasha leh balwadda sida Qamriga, Qaadka iyo Sigaarka, wuxuuse aad u jecel yahay oo balwad u ah Kafeega iyo Koboshiinka, sida ay saxaafaddu ku taqaano, wuxuuna inta badan suxufiyiinta uu la kulmo halkii ay ka qaadi lahaayeen wareysiyo uu ugu bedelaa doodo ku saabsan sidii ay taageero uga geysan lahaayeen dib u soo nooleynta nabadgelyada iyo adeegyada bulshada ee dalka, gaar ahaan tan caasimadda oo uu saxaafadda ku canaanto in ay aad uga hurdaan. Haseyeeshee su'aasha ugu adag ee la is-weydiinayay maalmahaan ayaa ahayd cidda gadaal ka riixeysa musharaxan oo wadata marka laga soo tago Soomaalida, waxaase ugu horeyntii soo if-baxaya warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in mas'uuliyiinta Talyaaniga oo uu dalkooda wax ku soo bartay ay niyad wanaagsan u hayaan musharaxan, isla markaana ay aad u soo dhaweeyeen wakiillada dalalka reer Yurub ee ku sugan madasha shirka, maadaama uu Talyaanigu yahay furaha Yurub ee arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena qaar ka mid ah dalalka IGAD ayaa la soo sheegayaa in ay iyana soo dhaweynayaan musharaxnimada Inj. Caddow, walow aaney taasi ahayn mid weli si buuxda u soo shaac baxday, laakin sidaasoo ay tahay waxaa la soo weriyay in maalmihii tegay halka uu ka degan yahay Hotel-ka Hilton ee magaalada Nairobi ay ku badnaayeen socodka dadka ajaaniibta ah, taasina waxay muujisay in musharaxan uu yahay nin hanan kara kalsoonida beesha caalamka, haddiiba uu ku guuleysto tartanka madaxtinimo ee Soomaaliya oo qabashadiisa maamlmo uun ka harsan yihiin. Waxaa isku soo uruuriyay:
  25. Two thirds of the house members are illeterate and sign on with their thumb print.. I think thats a reflection of the Somali population where more than 80% are illeterate. So its fair that we have MP's that reflect the country and its thick clans. Now is Somaliland's parliment full of Noble prize winners?