General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xarago, I did not know one could have a shadow on the net. Its seems you celebrate in all this conflict, is it the case of "those southern fools cant make peace"? Well we can, we have a Parliment, we have an upcoming presedential election. We are on the road to recovery and I will be truly defeated if Somalia does not get a government. So you see dear I want peace while you are clamouring for war
  2. "Dhalinyarada Uu Moorgan Ku Soo Daad Gureeyay J/hoose Waa Dadkeenii Oo Nalaku Laayay Mana Ahan Wax Lagu Farxo Dhibkii Gaaray Oo Aan Ka Danqayno, Iyo Hadalo Xamaasad Uu Maanta Ka Jeediyay Kismaayo Good point, it was a waste of life that was lost in that conflict. MP Hiiraale spoke well, gave a good account from his point of view. I can sense a glimmer of hope for the Juba's and Insha Allah we hope it becomes more than a glimmer and leads to peace.
  3. He knows better, or he'll find himself out of a job and potentialy worst than that. I bet you say that to all the boys :rolleyes:
  4. Otali You have to at least mention PUNTLAND once in every post huh? Who cares Buuba, Kalluun or Ghalib there will be a Puntland President for sure. And Adow poor old Adow
  5. Wasiir ka tirsan Maamulka Somali Land oo Kenya u tagay sidii uu Shirka Kenya u noqon lahaa mid ku kooban Kooxaha Koonfurta Somalia. Mid ka mida Wasiiradda Somali Land ayaa markii labaad Socdaal ku yimid Magaaladda Nairobi intii uu socday Shirka Soomaalida ee Kenya. Wasiirka Maaliyadda Somali Land, Xuseen Cali Ducaale “Cawil†ayaa la xaqiijiyay inuu Shalay soo gaaray Magaaladda Nairobi. Waxaana uu Wasiirku dagay mid ka mida Hoteeladda ugu waawayn Magaaladda Nairobi. Halkaasoo ay isla Shalayba ku soo booqdeen Xubno ka tirsan Ergadda Soomaalida ah ee ka qayb qaadanaya Shirka Soomaalida uga socda Kenya. Mr Ducaale ayeey warar ku dhow dhow sheegayaan inuu u yimid Madasha uu Shirka Soomaalidu ka socdo inuu kala hadlo Ergadda ka soo jeeda Gobaladda Waqooyi Galbeed ee Somalia inay ka baxaan Baarlamaanka Federaalka Somalia. Isla markaana ay dib ugu soo laabtaan Deegaanadda ay ka soo jeedaan. Waxaana qorshahaasi shaki ka muujiyay Urur Gobaleedka IGAD iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Somalia oo la filayo inay Hadal Rasmiya ka soo saaraan Socdaalka uu Nairobi ku yimid Wasiirka Maaliyadda Somali Land. Waa markii Labaad ee uu Wasiirkan Kenya yimaado tan iyo intii uu socday Shirka Soomaalida. Waxaana uu Dadaal ugu jiraa inuu Shirka Kenya ka dhigo mid ku kooban Kooxaha Koonfurta Somalia. Cabdi Casiis M. Guuleed “Afrika†Mogadishu, Somalia Mudugonline.com
  6. iir ka tirsan Mamulka Somaliland oo safar aan la ogayn ujeedkiisa ku tagey Nairobi. Nairobi-26.September.2004 Wasiirka Maaliyadda ee Maamulka la magaxbaxay Somaliland Xuseen Cali Ducaale"Cawil" ayaa magaalada Nairobi wuxuu ku tegay safar aan ujeedkiisa si dhab ah loo ogeyn. Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ayaa isla shalay iyo xalay wuxuu magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay Siyaasiyiinta Beesha Dirta Waqooyi gaar ahaan kuwooda ka qayb galaya Shirka Soomaalida ee ka socda Madasha Mbagati. Warar Idaacada SBC ka heshay xubno ka qayb galay shirarkaasi oo ka gaabsadey in la magacooda la shaaciyo ayaa sheegaya in Wasiirku uu doonayo inuu galaangal iyo dhexmar ku sameeyo Siyaasiyiinta Beeshaas ee ka qayb galaya Shirka, isla markaana ujeedadiisa laga dhan dhansaday inuu qaado ola ole la sheegay in looga hortagayo xubno ka mida Musharixiinta Jagada Madaxweynaha Soomaaliya. Waa markii labaad ee Wasiirka Maaliyada ee maamulka Somaliland uu safar ku tago Magaalada Nairobi tan iyo markii ay rajadu ku soo laabatey shirka Soomaalida, waxaana safarkiisii hore Saxaafada qaarkeed ku tilmaamtey inuu ka goostey Maamulka Daahir Riyaale, balse Xuseen Cali Ducaale "Cawil" ku tilmaamey amuurtaas mid ah. Dhanka kale Siyaasiga Ismaaciil Max'uud Hure"Buubaa" oo ka mida Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha ***** ayaa dhawaan daboolka ka qaadey inuu isu soo taagi doono Jagada Madaxweynaha Soomaalida, waxaana wararku sheegayaan in sidoo kale Safarka Wasiirka ay la xiriirto ku dhawaaqida Mr Buubaa oo ay muuqato inaysan la dhacsaneyn Somaliland musharaxnimadiisa. Keyse Caamir SBC Nairobi.
  7. WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALILAND OO KU BIIRAY SIYAASIYINTA JOOGTA NAIROBI. Wararka naga soo gaaraya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda Maamulka somalinad ee uu hogaamiya Madaxweyne Dahir Riyaale Kaahin uu shalay gelinkii dambe gaaray Nairobi isagoo ay la socdaan xubno ka soo jeeda Waqooye Galbeed. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ilaa iyo hada wax war ah ka soo bixin socdaalkiisa waxaase la sheegaya inuu halkaasi kula kulmi doona xubno ay ka mid yihiin Cusmaan Jaamac Cali (Kalluun), Ismaaciil Buubaa iyo qaar kale oo ka mid ah Siyaasiyinta isku gobolka yihiin. Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in Wasiirka uu fariin gaar ah ka wado Madaxweyne Dahir Riyaale taas oo la doonayo in la gaar siiyo Wasiirada IGAD, laakiin warkaas ilaa iyo hada ma jiro cid si rasmi ah ugu dhawaaqtay, balse Wasiirka ayaa waxaa uu diiday inuu la waramo raga wararka faafiya. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com
  8. it seems people are sick of these constant warmongeres and going by the few we have here on SOL i dont blame the poor las abod residents for stoning them They where stoning them while carrying the SOMALI flag what a wonder.
  9. Don't they know this man belongs in the Hague, they better keep their promise and arrest him or else... LOL, we know he wont be the only one going to the Hague I can name a hundred in Mog-Town that would face crimes against humanity charges
  10. Mudaharaad Balaadhan Oo Lagaga Soo Horjeedo Gardarada Qaaawan Ee Uu Maamulka Riyaale Ayaa Maanta Ka Dhacay Magaalada Laascaanood. Laascaanood(Radiolascaanod)25/09/04:-Sabti:-Dadweyne aad u tiro badan oo calanka Jamhuuriyada Soomaaliya Lulayey , ayaa waxa ay socod ku mareen wadooyinka waaweeyn ee badhtamaha Magaalada Laascaanood iyaga oo adeegsanaya gawaadhi ay ku xidhan yihiin cod baahiyayaal, dadweynahan oo isugu jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa kale oo ay wateen boodhadh ay ku qornaayeen weedho ka dhan ah maamulka lamagac baxay Somaliland. Dadweynaha ayaa waxa ay isugu tageen Garoorka ku bada Cagta ee Cabdi Bile Cabdi waxayna dadweynaha ku sugnaayeen muddo saacado ah, waxaana lagu waday in uu maamulka gobolku ka soo qayb galo hasa yeeshee may dhicin, dadweynihii ka qayb galay mudaharaadkaas oo aad u cadhaysan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada iyada oo markiidanbena mudharaadkaasi isu badelay mid rabshado wata,oo ay dadweynuhu ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah maamulka sare ee gobolka, hase yeeshee ma jiraan cid waxyeelo ku soo gaadhay ama hanti ku bur burtay. Isu soo baxan ayaa ahaa kii ugu balaadhanaa ee ka dhaca magaalada tan iyo intii maamulka Lamagcbaxay Somaliland dhaqdhaqaaqa ka bilaabeen jiida hore ee dagaalka, dhinaca kale waxaa ilaa shalay iyo saakaba ka socday magaalada Laascaanood shirar ay isugu yeelanayeen Issimada, cuqaasha iyo Indheer garadka gobolka Kuwaas oo lagu gorfaynayey xaalada Colaadeed ee haantan ka jirta Jiida hore. Mid ka mdi ah shirarkaa soo ay yeesheen Cuqaasha Gobolka ayaa lays kula soo qaaday difaaca deegaanka iyo ilaalinta nabad galyada, waxaana ka mid ahaa cuqaasha halkaasi isugu timi Caaqil Cumar Xaaji Maxmuud Goonle, Axmed Xirsi Cawl, odayaashan ayaa ku balamay sidii loo sii wadi lahaa shirarkan . Radiolascaanod.com Laascaanood Puntland Somaliya
  11. You insult the people of Xamar and Hargeysa day and night, yet the moment anyone makes any remark about the lands of your tribesmen (even if it is not an insult) you cry foul. I think you are starting to get confused dear. I insulted not the people but the politicians in Hargaysa Faysal Warrabe is a particular target, the warlords and fake wadads in Mogadishu damn them damn them all . But you seem not to tell the difference between saying LOL @ Yusuf Inda Cade & LOL@ Galkacyu Another thing you accuse WD and me of supporting the clan or leader, but how are you any different, every time some one chriticises the warlords in the south you jump in head first. Liqiye i know quite well and where he stands and its a few steps ahead of Otali. So get of your high horse dear
  12. How Bush's grandfather helped Hitler's rise to power Rumours of a link between the US first family and the Nazi war machine have circulated for decades. Now the Guardian can reveal how repercussions of events that culminated in action under the Trading with the Enemy Act are still being felt by today's president Ben Aris in Berlin and Duncan Campbell in Washington Saturday September 25, 2004 http://www.guardian.co.uk/usa/story/0,12271,1312540,00.html
  13. IGAD Oo Ku Howlan In Hogaamiye Kooxeedyada Jubbooyinka Shirka Lagu... Dawladaha Igad ayaa billaabay waanwaan la doonayo in lagu xalliyo mashaakilka colaadeed ee jubbooyinka iyadoo la doonayo in lagu so celiyo shirkla labada nin ee dabka isugu haysata deegaanno ka tirsan labada Jubba. Laba sarkaal oo ka tirsan maamulka itoobiya ayaa la sheegayaa in ay gaareen magaalada Gariza ee waqooyi bari ee Kenya iyagoo qayb ka ah dadaalka igad ee ku saabsan dhexdhexaadinta labada nin waa Moorgan iyo hiiraalee. Guddi kale oo ka socda Igad ayaa iyana soo gaari doono halkaa si ay hawsha dib ugu soo celinta shirka kuwa ku dagaallamaya Jubbooyinka dardar loo geliyo, xalna loogu helo . Mid ka mid ah shirkada duulimaadka ee gobalkaas ayaa Igad u sheegtay in ay soo qaadayaan janaral Moorgan haddii la damaanad qaado ammaankooda taa oo timid ka dib codsi ay Igad u gudbisay mid ka mid ah sharikada duulimaadka ee gobalka waqooyi bari . Tilaabadaan ayaa ah mid wax ku ool noqon karta haddii ay Igad ku guulaysato inay hakiso colaadda soomaalida macna darrida loogu laynayo iyadoo shirkii soomaalida uu umuuqdo mid wax kasoo baxayaan . C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho
  14. well .. i guess I and HA already beat you to that since WE the JVA won the war and the peace. LOL, what war, did you win? All you have to do is read the news bro, dont get carried away with the clan rhetoric, there is an agreement to halt the hostilities in Kismayu, I dont knwo why you dont welcome it, afraid of peace are we?
  15. Gen.Morgan oo soo gaaray Nairobi iyo dhex dhexaadin ay wado IGAD Nairobi :- Waxaa saaka magaalada Nairobi soo gaaray Hogaamiyaha Ururka SPM Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo todobaadyadii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Jubbada Hoose. Jenanka ayaa shalay soo galay dalka Kenya. Gen. Maxamed Siciid Morgan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay makhribadii soo gaaray magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Dalka Kenya. Jenanka ayey magaalada kusoo dhaweeyeen Gudoomiyaha degmada iyo kan Gobalka Waqooyi Bari iyo waxgarad kale isla markaana waxaa si rasmi ah u qaabilay xubno kasocda dowlada kenya oo horey ugu sugnaa magaaladaasi. Jenanka ayaa saaka diyaarad khaas ah kasoo raacay magaalada Gaarisa asagoo kasoo degay Aiporka Wilson ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen guddiga fududeynta shirka dib u heshiisinta Soomaalida oo ayagu si weyn isugu taxalujiyey in uu Jenanku soo galo dalka Kenya. Jenanka ayaa lagu wadaa inuu caawa shir la yeesho xubno sar sare oo ka socda dowlada Kenya, waxaana wararka ay intaa ku darayaan in beri ama Isniinta uu magaalada Nairobi soo gaarayo Col. Bare Hiiraale oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka isla markaana hogaamiya kooxda ay iska soo horjeedaan Gen.Morgan. Imaanshaha Gen. Morgan ayey si weyn usoo dhaweeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo ergada ku sugan magaalada Nairobi oo u arka safarka Jenanka mid nabad kusoo dabaali kara deegaanka Jubooyinka oo laga baqayey maalmihii lasoo dhaafay in ay ka dhacaan dagaalo horleh. Jenanka ayaa saaka mar uu la hadlay qaar kamid ah xubnihii SPM ee ku sugnaa magaalada Nairobi u sheegay in uu yimid dalka Kenya si uu wadahalad ulla yeesho xubno kamid ah dowladaha IGAD oo ku marti qaaday Nairobi, Jenanka ayaa ka gaabsaday inuu wax faah faahin ah ka bixiyo waan waan laga dhexwado asaga iyo Col.Bare Hiiraale. Gen. Morgan ayaa ka baxay shirka dib u heshiisiinta Somaaliyeed Bartamihii sanadkan ayadoo uu Jenanka noqday hogaamiyaha kaliya ee ka maqan hada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo haatan ku jira marxalad kama danbeysa ah. Ahmed Musse HorseedNet.com Nairobi, Kenya
  16. Nairobi:Gen.Morgan oo Nairobi soo gaarey maanta iyo Col.Hiiraale oo Axadda la keenayo - Saturday, September 25, 2004 at 10:47 Nairobi(Allpuntland)-Gen.Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo indhawaalaba dagaallo ay u dhexeeyeen ciidammadiisa SPM/SRRC iyo kuwa Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo maleeshiyooyin kale oo ay gacansaar leeyihiin ayaa maanta duhurkii soo gaarey xarunta dalka Kenya ee Nairobi. Gen.Morgan ayaa waxa uu socdaal ka soo bilaabay isagoo wata ciidammo qalabkoodu u dhammaystiran yahay magaalada Ceel Barde ee gobolka Bakool koonfurta Soomaaliya bishan bilowgeedii ,isagoo dhowr jeer oo saxaafaddu waraysatay u sheegay inuusan wax abaabul dagaal iyo colaado ah wadin balse uu u socdo nabad ka dhalinta dadka deegaanka. Gen.Morgan ayaa soo dhexmaray deegaan aad u ballaaran oo ka tirsan gobollada Bakool,Bay,Gedo,jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose isagoo aan wax dagaal ah la gelin wax koox ama maleeshiyo ah oo deegaannada uu soo marayey ku sugnaa ,walow dhiillooyin colaadeed ay ka soo baxayeen Isbahaysiga Dooxada Jubba oo iyagu gacanta ku hayey Magaalada Kismaayo ee ay xoogga ku qabsadeen sannadkii 1999kii ,iyadoo muddo saacado ahna mar kale ay u gacan gashay Gen.Morgan sannadkii 2001dii ,iyadoo markaas ay ku soo duuleen kooxo ka yimid magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahayd DKMG ee Carta lagu soo dhisay. Haddaba Gen.Morgan ayaa markii uu dhowaan soo gaarey deegaanka loo yaqaan Jooraha oo ay degaan dadka uu beel ahaan ka soo jeedo ayaa waxay taasi cabsi gelisey Isbahaysiga Dooxada Jubba oo xilligaas guddoomiyahooda Col.Hiiraale iyo ku xigeenkiisa Seeraar ay labaduba ku sugnaayeen magaalada Nairobi oo ay kaga qaybgalayeen shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ,iyagoo weliba ka tirsanaa Xildhibaanada loo dhaariyey baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya. Col.Hiiraale oo aqoon dheer u leh awoodda Milleteri iyo hoggaamineed ee Gen.Morgan ayaa ku ledi waayey baaqi ku ahaanshaha shirka,waxayna taasi irdaha u furtay inuu IGAD ka codsado in shirka la keeno Jananka ama isaga loo ogolaado inuu dalka dib ugu laabto si uu isu difaaco waa sida uu yiriye,taasoo markii ay IGAD ka diidey uu habeen gudcur ah u guureeyey dhanka xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ,isagoo sii maray safar dhinaca dhulka ah. Col.Hiiraale ayaa markii uu tegey gobolka Gedo waxa uu degdeg ugu gudbey dhanka magaalada Kismaayo oo uu uga tallaabay deegaanka uu Gen.Morgan ciidammadiisu ku sugnaayeen ee agagaarka Buulo Xaaji ,taasina waxay keentay isku dhac iyo dagaal lagu hoobtay oo khasaarihiisa ilaa iyo iminka aan la tirakoobin,inkastoo dhanka Isbahaysiga Dooxada Jubba uu khasaaraha soo gaarey saddex jibbaar ahaa taasoo sababtu tahay dhulka oo ah dhul hawd ah oo istaraatiijiyadda milleteriga ku habboon iyo Isbahaysiga Dooxada Jubba oo weerar ahaa ,mar kastana weerarka iyo difaaca uu khasaaruhu u badan yahay weerarka. Dagaaladaas ayaa waxaa si aad ah looga gacan sareeyey maalmihii u horreeyey Isbahaysiga Dooxada Jubba,iyadoo markaas ay cabsi xoogani gashay niman ganacsato iyo maleeshiyooyin kale isugu jira oo ka soo duuley dhanka magaalada Muqdisho iyo Marka,kuwaasoo dhabar jebiyey oo weeraray taliskii ciidanka SPMta ee Gen.Morgan oo markaas ciidammadiisa ka danbeeyey ilaa 70neeyo KM kuna sugnaa meel u dhow Hoosungo oo ku taal xadka Kenya iyo Soomaaliya ,taasina waxay Gen.Morgan iyo ciidammo ilaalo ahaa oo la socdey ay ku qasabtay inay dib ugu baxaan sida la sheegay dhanka tuulada Diif oo 90 KM ka xigta dhanka waqooyi magaalada Dhoobley. Markii maleeshiyadii ka soo duushey magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ay weerarka ku qaadeen ciidammadii ilaalada Gen.Morgan ayaa waxay u gudbeen magaalada Dhoobley oo ay u geysteen khasaare isugu jirey dil,dhac, gubitaan iyo falal danbiyeedyo kale,iyadoo arrimahaas ay SPMtu ku eedaysay ninka ganacsadaha ah ee la yiraahdo Yuusuf Indhacadde iyo maleeshiyooyin kale oo ka tirsan waa sida ay yiraahdeene ururka Al-Itixaad. Dhibaatadii loo geystey dadka deegaanka Dhoobley ayaa sii hurisay kacdoonkii dadka deegaankaas oo aan awal siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan si rasmi ah ugu raacsanayn Gen.Morgan,arrintaasoo keentay in magaalooyinka Afmadow,Dhoobley,Bu'aale iyo meelo kale ay galaan heeggan iyo u diyaar garow isdifaac haddii la soo weeraro ,iyadoo meelaha qaarkoodna ay siyaasiyiinta iyo duqowda dhaqanka ee beesha degta Dhoobley iyo Afmadow ku caddeeyeen inaysan gacmaha ka laaban doonin gardarada lagula kacay oo ay ka qaybqaadan doonaan xoraynta dadka ka soo duuley Muqdisho iyo meelo kale lagaga saarayo deegaanka Jubbooyinka. Arrimahaasi kuma ekaan dib u gurashadii taliska SPMta iyo Gen.Morgan mid soo afjarta dagaalkii u dhexeeyey Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa Gen.Morgan ee waxay colaadii ku sii fiday daafaha magaalada Kismaayo oo dagaallo ba'ani ay bartoodii ka sii socdeen ,taasina ay dadka magaalada u diidey gama' iyo nasasho ,iyagoo dananka rasaasta noocyadeeda kala duwan ay quraac,qado iyo cashoba u noqotay dadka Soomaaliyeed ee aan iyagu waxba galabsan ee ku dhaqan magaalada Kismaayo oo aan weligood nabad bilna ku naaloon. Dagaaladaas ayaa marba qolo guul sheeganaysey ,iyadoo Isbahaysiga Dooxada Jubba si ay u dejiyaan kacsanaanta shacabka iyo qaxa ka jirey Kismaayo ku andacoon jirey dagaalkii waa la soo afjaray iyo Gen.Morgan ayaa lagu raad joogaa ,iyagoo bartamaha magaaladana hadba soo marsiin jirey labo baabuur oo kuwii Gen.Morgan kala yimid dhanka Ceel Berde iyo qaar ay hore uga soo kaxaysteen markii la gubey magaalada Dhoobley,kuwaasoo ay maleeshiyooyin dushooda saarani ku qaylinayeen Guul Guul ,iyo dagaalkii waa la soo afjaray iyo Gen.Morgan oo dhaawac ah ayaa xadka Kenya galay IWM. Mar kaliya ayaa misana maalmihii la soo dhaafay waxaa dagaallo kharaari ka dhex qarxeen maleeshiyooyinkii soo kala horjeedey ,meel aan sidaa uga durugsanayn deegaankii hore ay ugu dagaallamayeen iyo weliba dhanka xeebta ee xigta magaalada Badhaadhe,taasina waxay mar labaad soo cusboonaysiisay cabsidii dadka deegaanka oo ay u xaqiijisay inay tani ciyaartii soo dhaaftay oo dagaalkaani uusan ahayn mid inta koox la kala firdhiyo gabley shinbir la ciyaarayo ee uu yahay holloc iyo rasaas joogto ah iyo dhaawac iyo dhimasho maalinba maalinta ka danbaysa soo siyaadaysa,taasoo ay mar qura jeclaysteen in culayskaas laga dul qaado. Iyadoo xaalku isu rogey dagaal joogto ah ,ayaa waxaa mar qura shalay gelinkii hore la maqlay in Gen.Morgan uu imaan doono magaalada Nairobi,iyadoo taasna ay ka horraysey maleeshiyadii Isbahaysiga Dooxada Jubba oo banneeyey goobihii ay difaaca kaga jireen ee ay isku hor fadhiyeen kuwa Gen.Morgan,isla markaana Col.Hiiraale oo tegey habeen hore magaalada Kismaayo ayaa dadka deegaankaas u sheegay in dagaalkii la soo afjaray ,taasoo ay dadku u qaateen in la jebiyey ciidammadii SPMta oo qodax ku taagnayd shacabka ay halkaas kaga baxday,laakiin dib ayaa waxaa laga ogaadey in ciidammadii Gen.Morgan ay goobohoodii ku sugan yihiin ,iyagoo weliba soo siyaadaya marba marka ka dambaysa,taasi ayaa waxay sababtay inay dadkii su'aal ay jawaab degdeg ah u waayeen inay meeshaas ka dhalato taasoo ahayd SIDEE WAX U JIRAAN,MAXAASE ISBEDELAY?. Iyadoo arrintu halkaas marayso ayaa waxaa misana la maqlay shalay in Gen.Morgan laftiisii uu soo gaarey deegaan ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya,oo aan la sii sheegin ,haddaba Gen.Morgan oo saaka soo gaarey magaalada Nairobi ayaa imaatinkiisa Nairobi warar kala gedisani ka soo baxayaan. Gen.Morgan oo wata ciidammo ilaalo ah oo gaarayey ilaa 100 askari oo ku hubaysan gawaarida dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan oo gaaraysey ilaa 10 baabuur ayaa shalay waxa uu ka soo kicitimay aagga hore ee ciidammada SPMta ,deegaanka Joorraha ,waxa uu galabnimadii soo gaarey magaalada Amuume ee xadka Kenya iyo Soomaaliya halkaasoo ay kaga noqdeen ciidammadii soo kexeeyey,iyadoo halkaasna ay ka soo galbiyeen ciidammo ka tirsan dalka Kenya oo wata gawaarida gaashaaman ,dushana ay ka ilaalinayeen dhowr diyaaradaha qummaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikobtarta,waxaana uu xalay soo gaarey magaalada Garissa ee xarunta gobolka waqooyi bari ee Soomaalidu degto. Gen.Morgan ayaa sida wararku xaqiijinayaan waxa xalay loogu sameeyey casho sharaf guriga guddoomiyaha gobolka waqooyi bari ee ku yaal magaalada Garissa ,iyadoo ay weheliyeen ilaa 11 maleeshiyadiisa waardiyaha khaaska ah iyo xoghaynadiisa isugu jira,waxana halkaas ku qaabilay qaar ka tirsan saraakiisha ciidammada Milleteriga Kenya,iyo xubno ka socdey dawladda Kenya,gobolka waqooyi bari iyo urur goboleedka IGAD,kuwaasoo ay wadagaleen wadahadallo albaabadu u xirnaayeen. Gen.Morgan ayaa maanta gelinkii hore waxaa laga soo duuliyey magaalada Garissa ,isagoo sida loo xaqiijiyey Allpuntland.com uu soo geerey duhurnimadii magaalada Nairobi,waxana warar kala gedisan oo soo baxaya oo la xiriira imaatinka Jananka ay sheegayaan in hawshaan ay ka danbeysey urur Goboleedka IGAD oo cadaadis ku saartay in labada nin ee hoggaamiyayaasha u ah Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo kuwa SPMTa (Gen.Morgan iyo Col.Hiiraale) ay degdeg ugu soo laabtaan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida,isla markaana la joojiyo xabadda oo ciidammada labada dhinac ay kala joogaan goobohooda (Kismaayo iyo Buulo Xaaji),cidina aysan weerar qaadin ,taasina ay sababtay in dhammaan labada dhinac u hoggaansamaan baaqaas oo hanjabaadina la socotey,iyadoo Col.Hiiraale uu ciidammadiisii dib ugu raray dhanka Kismaayo ,halka kuwii kalana ay joogaan barahoodii. Gen.Morgan ayaan isagu ka mid ahayn xildhibaanada KMG ah ee dhowaan la dhaariyey ,halka Col.Hiiraale iyo Gen.Axmed Warsame,iyo Seeraar oo ah hoggaamiyeyaasha dooxadda Jubba ah ay ka tirsan yihiin baarlamaanka ,taas ayaa waxay su'aalo badan ka abuurtay waxa Gen.Morgan uu xilligaan oo shirku ku kooban yahay codad ay dhiibayaan xildhibaanada oo qur ahi uu ku soo biiritaankiisa shirku soo kordhinayo marka laga reebo faa'iidada ah dhiigga daadanayey oo joogsan kara mooyee. Dad badan ayaa waxay qabaan inuu jiro heshiis gaar ah oo aan la ogayn oo u dhexeeya urur goboleedka IGAD iyo Gen.Morgan,balse lama yaqaan waxa keenay inuu Gen.Morgan u dhega raariciyo si fudud baaqii urur goboleedka IGAD,iyadoo wararka soo baxayaa ay xaqiijinayaan in Col.Barre Hiiraale uu isaguna soo gaari doono Nairobi ilaa maalinta Axadda ah. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
  17. The problem for me was never the Gedo boys but the occupation by force of a Somali region against the wishes of its people. Now Morgan and Hiiraale can fight I rather they made peace. It seems Morgan is In Nairobi, and Hiiraale is coming to Narobi and there is mediation between them being done by Igad. There would be no mediation if Morgans troops where not outside Kismayu. I hope it works too many of our boys have died on both sides. For the boys from Mogadishu, you still on first gear. As long as there is peace in Kismayu, by the bullet or by talks we win, and when I saw we I mean Horn and Me.
  18. So why are you and were you more then eager enough to decide what states, the current regions, should be part of? It was a suggestion for the Juba regions to evolve out of conflict thats all.
  19. Tough article to read, seems inconsistant and all over the place, the author got names wrong and the no of MP's wrong. All it did was to review what we already knew.
  20. they have all decided to vote agains anti-somaliland individuals running for the seat which allows somaliland to have large influence in somalia affairs Have they now?
  21. Puntland and Somaliland are going no where dear Horn. Rememebr the United States of America did not have 52 states created all at once. They evolved, so the southern states problem have to be addessed rather than destroy what already works. In the case of Puntland all that nees to be done is to strengthen its institutions, Police, health, education and help bring about a greater economic development. Puntland is joining the new federal formula. The case of Somaliland there needs to be open dialogue, to bring it into the new union.
  22. Cismaan Jaamac Cali (Kalluun)Presidential Candidate for Transitional Federal Governme http://www.dayniile.com/Septenbar/24Septenbar5.htm
  23. PS: Very funny though how being called Old bothers you I am tempted to call you Oldy whenever I get time and visit here. I won't anyway, so relax. That Xoogsade is one smooth operator
  24. Or are you of ubaxa kacanka oktobar..? eh..eh..eh LOL, I like that Hell has no fury like a woman scorned...Something like that.