General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Nairobi:Madaxweynaha DKMG ah ee Federaalka Soomaaliya iyo wefdi uu hoggaaminayo oo galabta ka dhoofay Nairobi iyagoo ku sii jeeda Addis Ababa - Friday, October 22, 2004 at 15:10 Nairobi(Allpuntland)-Waxaa 4:00 galabnimo ee maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport oo ku yaal magaalada Nairobi madaxweynaha DKMGF ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo. Wefdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka KMGF ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xubno kale ayaa waxay u kicitimeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya,kuwaasoo kala ah: 1-Shariif Xasan Shiikh Aadan Afhayeenka baarlamaanka KMG ah 2-Ismaaciil Maxamed Hurre Buubaa 3-Xasan Dhinbil Warsame 4-Ismaaciil Qaasim Naaji 5-C/qaadir Nuur Caraale 6-Axmed Xaashi Maxamed 7-Xuseen Shiikh Maxamed 8-Amiin Axmed Shiikh 9-Daahir Mire Jibriil 10-Cabdullaahi Maxamuud Maxamed 11-Cabdullaahi Rashiid Guure 12-Maxamed Faarax Gees 13-Cabdiwahaab Macallin Maxamed 14-Maxamed Shiikh Xasan 15-Yuusuf Cali Haaruun Kulan ay maanta isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka KMGF Soomaaliya oo gaarayey 160 xildhibaan Hotel 680 ee magaalada Nairobi oo uu goobjoog ahaa madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayuu xildhibaanadii halkaas ku sugnaa uga waramay ujeedada socdaalka wefdiga oo uu ku sheegay in looga yeeray Addis Ababa oo ay ku taal xarunta midowga Afrika,taasoo aan doonayno ayuu yiri inaan arrimeheenna kala soo hadalno maadaama aan gacan uga baahanahay. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo la hadlayey xildhibaanada ayaa waxa uu yiri "Qorshaha hirgelinta dawladda waxaa ugu muhiimsan sidii aynu amniga wax uga qaban lahayn,waxaynuna Afrika uga baahanahay inaan weydiisano in dalka la keeno ciidammo nabadda ilaaliya oo gacan siin doona ciidammada aan dhisanayno ee Soomaalida ah oo isugu jiri doona Millatari iyo Booliis,kaasoo noqon doona ciidan xoog leh oo hubka ka dhiga maleeshiyooyinka hubaysan". Waxaan kale oo Afrika uga baahan nahay ayuu yiri madaxweynuhu dhaqaalihii ciidammadaasi ku hawlgeli lahaayeen iyo ciddii kharashkaas qaabili lahayd,waxana uu sheegay in safarkoodaani qaadan doono muddo 3 casho ah ,iyagoo kula kulmi doona Addis Ababa ninka madaxda ka ah dhinaca siyaasadda xiriirka dibedda ee Midowga Yurub Mr. Javier Solana oo ay kala xaajoon doonaan sidii uu ugu gogol xaari lahaa wadahadalada dhexmari doona DKMGF ee Soomaaliya iyo ururka midowga Yurub oo dhowaan ka dhici doona magaalada Brussels. Dhinaca magacaabistii Ra'iisal wasaaraha ayuu sheegay inay socdaan wadatashiyo cidda noqonaysa laga yeelanayo isagoo sheegay in sida axdigu qorayo uu haysto muddo bil ah oo ka soo bilaabmaysey xilligii xilka loo dhaariyey sidaas darteedna laga baaraan dego oo aan lagu degdegin ,isla markaana waxa jira oo madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay inta aan la magaabin Ra'iisal Wasaaraha in sixitaan lagu sameeyo qodobbada 46 iyo 47 ee axdiga KMG ah kuwaasoo qaybta ku qoran afka Soomaaligu ay sheegayso in Ra'iisal wasaaruhu uu ka mid ahaado golaha baarlamaanka,halka midka Ingiriiska ku qoranina qorayo in Ra'iisal Wasaaruhu ka imaan karo baarlamaanka ama qof aan ku jirin ee bannaanka ka ah xubnaha baarlmaanka,arrintaas oo xildhibaanadu u ballameen in maalinta Isniinta ee soo socota laga doodo. Iimaan Cali Cabdi
-
Nairobi:Dawladda Talyaaniga oo caddaysay inay dawladda cusub ee Soomaaliya ka taageerayso dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalahaba - Friday, October 22, 2004 at 15:54 Nairobi(Allpuntland)-Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamaanka KMG ee federaalka Soomaaliya oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha DKMGF ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa ka soo qaybgalay wefdi ka socdey dawladda Talyaaniga. Wefdigaan oo isugu jirey safaaradda Talyaaniga ee dalka Kenya iyo mudane ka socdey baarlamaanka dalka Talyaaniga ayaa waxay u hanbalyeeyeen madaxweynaha,afhayeenka baarlamaanka iyo xildhibaanadaba ,iyagoo halkaas ka sheegay in dawladda Talyaanigu ay taageersan tahay dawladda cusub ,isla markaana ay salaan uga wadaan guddoomiyaha baarlamaanka dalkaas,waxayna intaa ku dareen inay siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba ka taageerayaan dawladda cusub. Madaxeynaha iyo afhayeenka baarlamaanka oo halkaas ka hadlay ayaa labadooduba waxay uga mahadceliyeen dawladda Talyaaniga ballan qaadkeedaas ,iyagoo madaxweynuhuna ku boorriyey inay mudanahaas ka socdey baarlamaanka Talyaaniga iyo safiirkuba dawladdooda uga wargeeyaan in Soomaaliya maanta u baahan tahay gurmad dhaqaale. Kulankaan maanta ee baarlamaanka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya isugu yimaadeen waxaa lagu dhaariyey Xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble oo bedelay booskii Allaha u naxariistee Xasan Cabdulle Qalaad oo ahaa mudane ka tirsan baarlamaanka KMGF ee Soomaaliya oo dhowaan ku geeriyoodey dalka Imaaraadka Carabta. Waxaa kaloo xusid mudan in kulankaan maanta lagu casumey oo xildhibaanada la baray ninka caanka ah ee Talyaaniga ah ee hooyadiis ay tahay Soomaalida ee lagu magacaabo Giuseppe Di Clemente ee 58 sano jirka ah oo ku soo maray Baaskiil dalal badan oo caalamka ah isagoo soo jaray masaafo dhan 16500 KM muddo 16 bilood ah,isagoo socdaalkiisa dhanka Baaskiilka ah ka soo bilaabay 22kii June 2003dii dalka Switzerland soona maray dalal ay ka mid yihiin Spain,Morooko,Muritaaniya,Sinigaal,Burkinafaaso,Gaana,Toogo,Beniin,Nayjar,Nayjeeriya Kamaruun iyo Jaadh,waxana uu sitey markii uu dalalkaas marayey calanka Soomaaliya,isagoo baadi goobaya nabad ka dhalata Soomaaliya oo ah dalkiisii hooyo ,waxana uu ku dhashay magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya,isaga oo cadeeyey inuu go'aansaday inuu safarkaas ku jirayo inta dalkiisa hooyo nabadi ka dhalanayso ,taasoo maanta uu soo hor istaagey madaxweyne Soomaaliyeed,Afhayeen baarlamaan iyo xildhibaano ka tirsan qarankii Soomaaliyeed ee hadda la rajaynayo inuu dib u soo noolaaday. Iimaan Cali Cabdi
-
Britain willing to train Somali security forces - Friday, October 22, 2004 at 17:02 Source: Reuters By Katie Nguyen NAIROBI, Oct 22 (Reuters) - Britain is prepared to help Somalia train security forces to disarm militias and stabilise the country where lawlessness has prevented a new government from taking its seat, a British minister said on Friday. At his swearing-in ceremony in neighbouring Kenya last week, Somalia's new President Abdullahi Yusuf appealed for international peacekeepers to help disarm the warlords that control the Horn of Africa state. "Mogadishu is full of armed militias, many of them not just armed with AK47s but much more serious weapons. And some means have to be devised to take the toys away from the boys," Britain's minister for Africa Chris Mullin told a news conference in the Kenyan capital Nairobi. "Primarily it is a matter for the new government, but we and the international community will be ready to assist them. We stand ready to assist if that is what is necessary," he said, referring to the training of yet-to-be-created security forces. Somalia, seen by the United States as a haven for terrorists, descended into anarchy 13 years ago with the overthrow of military dictator Siad Barre. Yusuf was elected after almost two years of stop-start peace talks held in Nairobi because of anarchy in the Somali capital Mogadishu. His ability to return to Mogadishu is crucial for the legitimacy of his fledgling government, Mullin said. "Obviously he would look more like a president when he's a president in Mogadishu (instead of) in a hotel in Nairobi," Mullin said. "One of the conditions of a recognised government is being able to exercise some control over your territory and we're waiting for that to happen." Regional mediating body IGAD has said the Somali government aims to return home within two months, either to Mogadishu or the southern city of Baidoa. U.N. Secretary-General Kofi Annan warned on Tuesday that U.N. nation-building activities should not be expanded too quickly, saying there must first be greater political progress accompanied by serious efforts by Somali leaders to improve security. Analysts say the road home for Yusuf's government will be rocky without a ceasefire in place and a monitoring force to investigate and guard against possible violations. Another security problem may come from Somalia's northern breakaway enclave of Somaliland, which warned Yusuf against any attempted aggression, saying it was on alert for any attempt at reunification. Mullin, who is due to visit Somaliland on Saturday, said he aimed to "keep the rhetoric down". "My mission is to encourage both sides to have a dialogue and to remain on friendly terms with each other and to do nothing to destabilise the situation."
-
Quote Bari Ani waxaan u maleynaa in wakhtiga nimanka Mudgi Mudug(kaftan ) ee Puntland wuu dhamaaday. Ma Sool iyo Mudug bes baa MGPL ka kooban tahay? Goboladda kale waa inay jaanis kooda helaan...xaq waaye. Hadii kale Bari, Sanaag iyo Nugaal maamul baan isu samaynaynaa... Isbahaysi baan la galaynaa Caseyrland sidaanu ka soo horjeedno maamul goboleedka ee Garoowe. ...................................................... I agree, its time for the other regions to run the top posts. Its only two months till the elections and reer Mudug and Sool should not run.
-
Yaa ka qayb gelaya shirka dib u dhiska dalka Soomaaliya ee lagu qabanayo waddanka Sweden? Stockholm - 20.October.2004 Kadib, markii uu barlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu doortay madaxweynaha shanta sano ee soo socota hoggaaminaya dalka, kaas oo si dimoqraadi ah loo doortay, ayaa beesha caalamku waxay dhinaceeda waddaa dadaal dib loogu dhisayo dalka. Ilo diblomlaasiyeed ayaa SBC u sheegay in dhammaadka bishan Oktoobar lagu qaban doono Sweden shirweyne lagaga arrinsanayo dib u dhiska Soomaaliya. Shikran ayaa waxaa isugu imanaya dalalka deeqaha bixiya iyo urur goboleedyo AU iyo Arag League iyo weliba saraakiil ka socota Baanka Adduunka. Waddamada sida gaarka ah uga qayb gelaya shirkan ayaa waxaa ka mid ah; Norway, Sweden, Denmark, Japan iyo Shiinaha. Tallaabadan ayaa ah mid yididiilo gelineysa dawladda cusub ee federaalka ah ee Soomaaliya dadweynaha Soomaaliyeed iyo weliba beesha caalamka gaar ahaan waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
-
Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo lacag ugu yaboohay sanduuqa hub ka dhigista Soomaaliya. 20,October,2004-onkod By:Maxamed Sheekh Nuuri Sida ay qoreen saxaafadda qaarkeed ,ururka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub,ayaa dhaqaalihii ugu horeeyay ku shubay sanduuq uu furay Midowga Afrika oo lacag loogu aruurinayo hub ka dhigista Soomaaliya. Ururka Jaamacadda ayaa ku shubay lacag ka badan 90 milyan oo doolar oo qayb ka ah hub ka dhigista maleeshiyooyinka Soomaalida iyo waliba ku qarash gareynta ciidamada shisheeye ee dalka imaanaya. Sidoo kale Eu ayaa sanduuqaasi ku shubay 20 milyan oo lacagta Yurub ah . Labadan urur ayay ku jiraan dalalkii dhaqaalaha ugu badan siin jiray shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo lagu soo gabagabeeyay wadanka Kenya.
-
Global Fund approves 24 million dollars to fight malaria, TB in Somali - Wednesday, October 20, 2004 at 14:05 NAIROBI (AFP) - The Global Fund on AIDS, Tuberculosis and Malaria has approved a 24.4 million dollar grant to scale up health programmes in Somalia, an African country trying to emerge from 13 years of anarchy. Aid agencies in Somalia, which has lacked an effective government since 1991, had requested 51.6 million dollars for five years from the Global Fund, but only 24.4 million was approved for two years, said an official working with Somalia Aid Coordination Body (SACB). "The fund has already dispersed the first instalment of 4.6 million dollars to UNICEF (news - web sites) and 2.2 million dollars to World Vision for malaria and tuberculosis programmes," the official added Tuesday. The country benefitted owing mainly to progress made in peace talks in neighbouring Kenya that culminated in last week's swearing-in of Abdullahi Yusuf Ahmed as the first president of Somalia in 13 years. The Horn of Africa nation has been without a central government and wracked by anarchic bloodletting since dictator Mohammed Siad Barre was toppled in 1991. Source: AFP
-
Mr Chris Mullen Wasiirka Xirirka caalamiga ee Dowladda Britain oo Maanta la kulmay Baarlamaanka Soomaaliy Arbaco 20-ka October, 2004. Mr Chris Mullen Wasiirka Xirirka caalamiga ee Dowladda Britain oo Maanta la kulmay Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana sheegay in Dowladda Britain ay ka go`antahay taageeridda Dowladda cusub ee Soomaaliya oo ay hiil iyo hooba la garab taagantahay sidii Soomaaliya mar labaad cageheeda isugu taagi lahayd Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda Britain ay ugu deeqday aduun dhan 3-Malyuun oo Pound (LACAGTA INGIRIISKA).meelaha dhibaatoyinka ka jiraan ee Soomaaliya si wax looga qabto dhibaatooyinka ay ka mid yihiin abaaraha, Biya la`aanta, cunta yarida, Caafimaadka IWM, Dowladda Britain waxay deeqdaasi Soomaaliya usii marsiin doontaa Hayadaha sama falka sida UNDP, OXFORM Mr. Mullen oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Baarlamaanka laga doonayo Dimoqraadiyad, Xuququl aadamiga iyo in ay ogaadaan in ay yihiin golihii sharci dejinta isla markaana looga baahanyahay in ay waajibaadka saran kasoo baxaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Adan ayaa isaguna ka mahad celiyey booqashada Wasiirka ka socday Dowladda Britain iyo waliba deeqda ay ugu deeqeen dhulalka ka tirsan Soomaaliya ee ay dhibaatadu ka jirto iyo sidoo kale aqoonsiga ay dowladda Britain aqoonsatay Dowladdii kasoo baxday Shirkii mudada labada sana ahayd Kenya loo fadhiyey. Wasiirka waxa uu sheegay inuu horay ula kulmay Madaxweynaha cusub C/laahi Yuusuf Axmed uguna hambalyeey Xilka loo doortay, Waxaan kala hadlay sidii uu xilkiisa ugu gudan lahaa sida ugu cadaaladsan '' ayuu yiri Mr. Mullen. Wasiirka mar uu la hadlayey Saxaafadda ayuu ka hadlay ciidamada Ajnabiga ah ee lagu wado in Soomaaliya la geeyo, African Union-ka iyo Un-ka ayaa wada hadal ka yeelan doona waqtiga Ciidamadaas Soomaaliya la geeyn doono iyo waliba qaabka lagu geeyn karo '' ayuu Yiri Mr. Chris Mullen, isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in kulankaas ay yeelanayaan African Union-ka iyo Un-ka ee looga hadlayo ciidamada soomaaliya la geeynayo sido kale looga hadli doono qaaradaha ay Ciidamadaasi ka imaan karaan Wasiirka mar wax laga weeydiiyey goosashada Somaliland iyo in Dowladda Britain aqoonsantahay waxa uu sheegay in addoon weynaha aysan aqoonsaneeyn laba soomaaliyeed balse ay aqoonsanyihiin hal Soomaaliya, wuxuuna wasiirka ugu baaqay Soomaalida Koofurta in ay nidaam Dowlad nimo iyo furfurnaan muujiyaan isla markaana ay wanaag iyo wada hadal kula macaamilaan walaalohooda Waqooyi. Guud ahaan Wasiirka oo ay wehliyeen Wufuud ka socotay Safaaradda Ingiriiska ee dalka Kenya iyada oo si gaar ah uu u dhinac taagnaa Safiirka Dowladda Britain u qaabilsanaa wada hadalada Soomaalida Mr. David Bell, Wasiirka ayaa guud ahaan ka hadlay qodoba dhowr ah oo dhamaantood hoos imaanayey Nabadda oo waqtigaan Soomaaliya ka liidata. Maryan Qalanjo Hol. E-mail: Qalanjo@hiiraan.com . Nairobi Kenya.
-
Samsam Ahmed Dhualeh: Yet another Somali tragic tale
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Samsam’s Ordeal Continues: And the Lunacy Blights Further Afar - Saturday, October 16, 2004 at 22:39 Hargeisa, 16.10.04 – A group of human rights activist were yesterday imprisoned in Hargeisa, Somaliland for protesting against the sadistic maltreatment of Samsam A Du’ale by Somaliland’s police and Central Intelligence Department (CID). Human rights activists gathered outside the courthouse where the hearing of the case concerning the accused was in session. Barred from the hearing, the group were later roughed up and detained for condemning the brutality in the case, and came out in support of the 15-year-old. Only a few days ago, the heartbreaking story of Samsam Ahmed Du’ale, which was first reported in August of 2004, surfaced, tough unfortunately it now has taken a dreadful turn as local good Samaritans who rose to rescue the 15-year-old, had been detained for speaking against the atrocious nature of Somaliland’s CID’s practice of torture, sodomy and rape as an acceptable modus operandi of interrogation. Regrettably, no one in Hargeisa dares openly speak of the case, let alone condemn practices of this kind. In Hargeisa, ordinary citizens are not only petrified of what might come their way should they breath a word, in fact many are said to be horrified by the sheer cruelty of Riyaale’s secret agents. It is not the first time civilians from southern regions of Somalia had been badly treated, some subsequently dying from torture, in this once budding city in Northwest Somalia. In Bosaso, Samasam’s relatives are distraught, and are uncertain as to Samsam’s future. Mohamed A Ali Freelance Journalist -
Samsam Ahmed Dhualeh: Yet another Somali tragic tale
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Baaritaan ku saabsan Faraxumaynta iyo Xabsiga loo gaystay Samsam Axmed Ducaale iyo Dilkii loo gaystay Marxuum Cabaas Cabdi Cali. Waxaa noo suurtagashay inaan wax ka ogaano asbaabaha keenay in la xiro lana faro xumeeyo, waa sida haya,adaha xuquuqda Aadamaha udooda xaqiijiyeene, Samsam Axmed Ducaale oo ah gabar yar oo hadda madaxa la gashay 16 sano ayaa ilo kala duwan noo sheegeen in arinteedu madaxa la galayso oo ugaar tahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, taaso salka ku haysa kala afkaar duwanaasha Xagga diinta, haddaba waxan idiin soo koobin baaritankii waxa nooga soo baxay Sidatan: Samsam oo ah gabar ciyaalo madarisa oo ka timmid Gobalka Bari ayaa si kama ah u timmid guriga madexwyne ku xigeenka ayadoo moodaysay guriga abtigeed oo ah wasiir ku xigeen, haddaba waxaa dhacday in waardiyaashii guriga ay ugu yeereen madexweynaha ku xigeenka,taasoo ka fajicisay madexwyne ku xigeenka dabadeedna sas iyo baqdin ka qaaday aragtida gabadha maadaama ay xijaabnayd Samsam oo waliba indho shareernayd, ayadoo Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb wadaadada dhalinyarada ah iyo kuwa ku dhegan xijaabka, ayadoo doodo iyo muramo badan ay isku hayeen wadaadaas. Waxaana madexwene ku xigeenku si xanaaq iyo caro leh u amray in Samsam u baaritaan iyo xarig lagu sameeyo isagoo raaciyay waa mu,aamaraad la rabo in laygu khaarijiyo, Waardiyaashii oo amarkii kululaa ee madexwyne ku xigeenka fulinaya waxay gabadhii u gaysteen baaritaan naxariis daro ah iyagoo aakhirkiina ay faro xumeeyeen oo dhamaan wixii gabarnimo lahayd laga takhalusay, kadibna gabadhii si loo qariyo uurku taaladaas waxaa loogu marmarsiiyooday waxay rabtay inay khaarijiso madexweyne ku xigeenka, taasoo ka degi wayday dhamaan Soomaalida caqliga usaaxiibka ah waayo gabadh 16 sano jirta mu,aamaraad ay hindisi karto ayaa iska yar bay leeyihiin . Waxaa isku soo duubo dhacdadaas isugu biyo shubanaysaa -walow uuna amrin in la kufsado Samsam- madexweyne ku xigeenku inuu sabab u ahaa dhibka ku dhacay Samsam, maadaama loo baahnaa inuu si caqli saliima u yiraahdo adeer yaad doonaysay? maxaad usocotay? ee inuu kula galgasho wixii u dhexeeyay isaga iyo wadaadada ay kala fikirka ahaayeen una qaato qof isaga khaarijnaysa meesha ma oolin ayay dadka isku raaceen. -
Samsam Ahmed Dhualeh: Yet another Somali tragic tale
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Hargeysa: Mahadhadii Hargaysiyo, Samsam Hadimadeedii, Haaraan Aduunyiyo, Hodman sow ma Baylihin! - Thursday, October 21, 2004 at 00:25 Hargeysa - Waxaa goor saqdii dhexe ah, oo badi san-ku-neefluhu dhinaca dhulka la haleeyay, loogu soo dhacay maqsinkii ay ku xidhnayd gabadh ardayad ah oo dhawr iyo toban jir ah. Waa laga salaliyey. Waa la rusheeyey. Waa la dhabanaaneeyey. Calaladii ay xidhnayd ayaa laga murxiyey. Dharbaaxo iyo farajirjir ayaa laysugu daray. Intaasi haddii ay waxba ka tari weyday ayaa jirdil, faraxumayn, bahdil, iyo falxumo tasarufka insaaniyadda ka fog laysugu xijiyey. Masiibadu waxaa ay haleeshay ugub Somaliyeed oo dhawr iyo toban jir ah - waa Samsam Axmed Ducaale e. Ayaandaradani waxaa ay ka dhacday ciid Somaliyeed oo la is lahaa nabaad iyo nabdoonaan ha loogu hirto - Hargaysa ayaa ah bar-ibtileedka. Waxaa si aan marnaba caqliga saliimka ahi qaadan karin dharaar cad magaaladda Hargeysa dhallaaxda lagu qaaday damiirka iyo anshaxa asaasiga u ah hab-dhaqanka Somalidu ay ku hirato. Daah ayaa ka saaraa badi Somalida in ay dhacdadu run tahay iyo in kale. Waxaase xeero iyo fandhaal kala dhaceen mar loo hanjabay, xabsiga loo taxaabay tiro rag iyo dumar ah oo ay damaqday hadimada iyo falxumada Bilayska iyo Ciidamada amniga Hargaysa ay kula kaceen sabiga aan la garan wax ay galabsatay. Maalmihii la soo dhaafay ayaa saxaafaddu ka war heshay dhacdadan ugub; waxaa tafaasiil laga bixiyey uur-dooxnimada, horornimada, iyo qabinimada aan marna looga fadhiyin bilayska iyo ciidanka amniga ee Hargeysa. Waxaa iyana tiiraanyo leh sida mas'uuliyiinta ay arintu khusayso, khaasatan Md. Axmed Yusuf Yaasin - Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland - ay u gabeen kaalintii kaga aadanayn. "Waa la filan karaa maandaridda askarta falxumada gaysatay. Maxaase ibtileeyey hawl-wadeenada maamulka dawladda. Maxaa dadnimada, damiirka iyo dareenka ka xayuubiyey mujtamaca Somaliyeed ee boqolaalka kun kor u dhaafay ee Hargeysa maansheeyey" sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah dhallinta arintu ka fajicisay ee Hargeysa ku nool. Maxamuud Axmed Maxamed "Gubadle" waxaa uu ka mid yahay dadkaa damqaday ee xabsiga loo taxaabay. Waxaa uu xaqiijiyey cabsi dad badani ay iska indha-saabayeen oo ah jiritaanka dhacdadan. Warysi uu siiyey radiolaascaanood, waxaa uu ka hadlay sida dadka u dooda xuquuqal insaanka loo handado, aanan loo ogolaan in ay ka hortagaan ku tumashada xorriyadda shakhsiga ee rabaaniga ah, isaga naf ahaantiisana marar badan oo hore loo xidhay arimo la xiriidha falal danmiyeedyo bilaysku gaysteen. Md. Gubadle oo ka warbixiyey sida ay Samsam ku timi Hargeysa ayaa sheegay in " .... Gabadhu waa gabadh 17 jir ah. Magaceedana waaxaa la yiraahdaa Samsam Axmed Ducaale, waxaana gaariga u waday nin Cumar Jaamac Warsame layiraahdo. Gabadhasi waxay ka timid magaalada Boosaaso, sida wararaka rasmiga ahi sheegayaan, waliba maantaan si toos ah u xaqiiqsanay gabadhaasi markay Boosaaso ka timid waxay ku tala gashay in ay hooyadeed ka baxsato. Makaa gabdho yar yar oo ka soo horeeyay ayaa waxay ku yiraahdeen xaaska Madaxwayne ku Xiigeenka, Axmed Yusuf Yaasiin, ayaa habaryar noo ah, markaad Hargaysa timaadana gurigiisaad noogu imaan kartaa bay ku yidhaahdeen. In kastoo iyada naftigeeda nin abtigeed ahi uu ahaa wasiir ka isboortiga oo la yidhaahdo Maxamuud Siciid. Sidaasay markaa ku tagtay gabadhu guriga Madaxwayne ku Xigeenka, isla mar ahaantaana markii gabadhii gurigii laga gadhan waayay waxaa la yiri gabadhani waa basaasad, oo saasaa lagu qabtay." Maxaa ka jira in Samsam ay tahay basaasad, u socotay in ay disho Madaxweyne ku Xigeenka? "Gabadhaasi wax astaan ah, ama qoraal ah, ama qalab ah oo ay sidatay oo laga helay, oo lagu xaqiijin karo in ay gabadhani basaasad ahayd ma jirto" ayuu yidhi Md. Maxamuud Axmed Maxamed “Gubadleâ€. Faraxumayn iyo Jirdil Mar wax laga weydiiyey in la faraxumeeyay, jirdilna lagu sameeyey Samsam, Md. Gudable waxaa uu yidhi " .. Gabadhaas markii la qabtay iyada iyo ninkii daraawalka ahaaba waa la xidhay. Isla mar ahaantaana, isagu laba habeeyn ayuu xidhnaa, waana la soo daayay markii danbe, laakiin gaadhigiisii oo ciidankii kaxaysteen oo duqadi gaadhay ayuu soo baxay, markii uu qayliyay oo gaadhigiisii ka hadlayna isaga ruuxiisii dib baa loo xidhay. Laakiin gabadhu siday iyadu sheegtay in ay gabadhaasi faraxumeeyeen askarta CID-da ah, waliba dahabkeedii qoorta ugu jirayna aan lahayn, ilaa hadda gabadhaan dhibaato wayn ay u gaysteen." Xaaladeeda Caafimaad Mar uu ka hadlay xaaladda caafimaad ee ay iminka ku sugan tahay Samsam, Md. Gudable waa uu ka dayriyey xaaladeeda. "Xaaladdeeda caafimaad baryahaanba waa laga soo dayrinayay.... aniga iyo gabadh Amnesty International ka socota, ee Raqiya Oomar ayaa israacnay, markaa waxaan u tagnay qolada la yiraahdo UNHCR, waxaanuna waydiisanay in ay dhakhaatiir na siiyaan si gabadh aan ugu tagno....marakaa waxaa laga yaabaa hadii ilaahay idmo in aan bari u tagno anaga iyo dhakhaatirtu." Mee Abtigeed? Waxaa dad badani is weydiinayaa sababta keentay in abtigeed oo ka tirsan xukuumaddu aan la maqal wax tallaaba ah oo uu ka qaaday arintan. "Walaahi sida la ii sheegay maraan maanta la kulmay gabar ay walaala yihiin isaga, waxaa la ii sheegay in uu saddex jeer u tagay Madaxwayne ku Xigeenka, uuna ku yiri wixii arintaas ka yimaada anaa ka mas’uul ah ee gabadha hala sii daayo, isla mar ahaantaana uu ka diiday. Markaa wuxuu ku yidhi anigu dib dambe kuugu iman maayo, warkaasaa igu maqaala ah. Laaakin intii anigu aan joogay ee soconaynay wax gabadhaa caa’iladeeda ah oo u soconaya haba yaaratee maan araag." ayuu yidhi Md. Gubadle Mar Md. Gubadle la waydiiyey sida ay ku dhacday in gabadh da'daas ah loola macaamilo sidaas, ayaa ku jawaabay " ...kolla waxaan dareemayaa in midab takoor aad u ballaadhani uu jiro howshuna ayan halkaa gadheen haddii ay gabadhani tahay dadka dagaankaan" Dareenka Shacabka Hargeysa Mar wax laga waydiiyey dareenka dadka rayidka ah ee Hargaysa ku nool, waxaa uu yidhi "... Dadka shacabk reer Hargaysa horta sidaa uma ugaynoo sida reer Laascaaano ayay dhawaan u ******** , …. Laakiin dadka ururda xuquuqda aadanahaa u dooda hadda aad ayay uga xun yihiin, qareenadana iyaga ayaa u qabtay, waliba halkii qareen waxay ku kireeyeen lacag kun doollar ($1,000) gaadhaysa, waxayna diyaar ula yihiin in ay ladaba joogaan, hadday ku baxayso, oo ay arintaa xal ka gaadhaan." Dareenka Dadka u Dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn Dareenka iyo kaalinta kaga aadan dadka u dhashay Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayuu ku tilmaamay mid aad u liidata. "Dadka Hargaysa jooga ee goballadaas u dhashay horta boqolkiiba 80% waxaad moodaa dad dareenkoodu hoos u dhacsan yahay in uu yahay anigaygan ku daroo, marka la yidhaahdo qofkii CID-da ayaa xidhatay qof kuu imaanayaa ma jiro, qofkii aad tiraahdo war arimahaan aan ka hadallo, ama cadaalad darida jirta aan wax ka nidhaahno waaba uu kula yaabayaaba oo waxaad moodaa dad xaaladoodu dhulka taal, oo dareenkii ka maqan yahay." Xad Gudub Xuquuqul Insaan Mar laga waraystay dareenkiisa Md. Gubadle waxaa uu dhaliilay hab-dhaqanka CID-da Somaliland oo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn. "Aniga laba jeer oo hore ayaa magaaalda Hargaysa CID du igu xidhay. Sanad kii hore waa ay i geeyeen saldhiga iyada oo aan wax danbi ah la igu helin; kan maantana si aan wanaagsanayn ayaa la iila dhaqmay, nin dhiig galay iyo nin danbi lagu haysto midna maan ahayn meesha la igu xidhay markaan kasoo qaado.... habeenimadii markii la i soo daayay ee aan la kulmay Jananka Bilayska, Janan ku Xigeenka, iyo Taaliyaha Qaybta iyo Taliye ku Xigeenka, iyo ninkii saldhiga haystay, Taliyaha ciidanka deg degga ah, wuxuu ii sheegay Janankii Ciidanka haystaa maadaama aad tihiin dadkaa meelahaa Bariga u dhashay ee haybtoodu tahay Warsangali iyo *********** , waxaanu u aragnaa in aad tihiin dad Soomaliwayn iyo Puntland noqday isla mar ahaantaana naga go’ay, haybi naga kaxaysay, waliba wuxuu iigu daaray ‘sidii ay wax u jireen dad aan looga aarsan baad tihiin’, marakaa looma baahna ayuu yidhi in aad dhaqdhaqaaq samaysaan, oo ilaa iyo xadkaa aad socotaan." Ma aha markii ugu horaysay ee falal hanjabaad, bahdil iyo jirdilba leh ay la soo gudboonaadeen dad u dhasahy gobollada Somaliya ee aan iyagu haby-wadaagta la ahayn dadka dega Somaliland. Sannad ka hor, tarxiil iyo xadhig ayaa lala beegsaday dad u badnaa beelaha dega Bay iyo Bakool oo biday Somaliland xasilooni kadib dhibaatooyin ay kala kulmeen Koonfurta fog ee Somaliya oo dagaallo sokeeye aafeeyeen dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay. Cidise ugama fadhiyin in maanta falal lagu macnayn karo siqir-gawrac iyo sabi-doox ay ka dilaacaan Hargeysa, waase xaal aduun! Maxamed A Ali Suxufi Madaxbannaan -
War dheeri ah oo ku saabsan dhibaatadii iyo xarigii loo gaystay Samam Axmed Ducaale By PP Posted to the web 20-10-2004, 21:06:39 Garoowe:-Samsam Axmed Ducaale oo 17-kii bishii Agoosto 2004, lagu xiray magaalada Hargaysa looguna gaystay Kufsi,Jir-dil, ayaa markii ugu horaysay la keenay maxkamadda Hargaysa 5/10/2004. Samsam oo iyada lagu eedeeyay in ay tahay basaasad ay soo dirsadeen maamulka Puntland, dhibaatadaasina u soo gaartay qoyska ay u dhalatay darteed, ayaa waxaa isla maalintii maxkamadda la keenay waxaa la waayay xeer ilaaliyihii dacwadda ku soo oogi lahaa,waxaana lagu gaaray goobtaas ilaa abaarihii 11:20 barqanimo. Waxa kaliya oo soo xaadirayna waxay ahaayeen Eedaysane Samsam Axmed Ducaale,Qaaligii Maxkamadda iyo Markhaantiyaal cadaynayay eeda loo soo jeediyay Samsam iyo dadwayne aad u tiro badan oo dhagaystayaal ka ahaa dacwadda. Maqnaanshaha Xeer ilaaliyaha ayaa dadku ku sheegeen in uusan hayn eedayn dhab ah, oo loo qaateen ah. Gudoomiyaha maxkamadda ayaa isagu markii la waayay Xeer-ilaaliyihii waxa uu isagoo ishaaray dhinaca ay fadhiyaan ragii markhaantiyaasha ahaa waxa uu Samsam wadiiyay inay garanayso ragan, waxayna ugu jawaabtay "...waan garanayaa oo waa nimankii kufsiga iyo jirdilka ii gaystay, waxaana ka maqan hal nin iyo taliyihii ku amray in kufsiga iyo jirdilka igu samaeeyaan oo kaliya", waxaa halkaas kabilowday buuq iyo foori aad u tiro badan, taasoo ay kiciyeen dhegeystayaashii halkaas joogay. Intaas kadib ayaa xaakimkii amray in la kaxeeyo gabadha, laguna celiyo xabsigii ay horay ugu jirtay lana soo celiyo 9/10/04. 9/10/2004, waxaa maxkamadda joogey dad weyne gaaraaya ilaa 1000 qof oo ka mida ah shacab waynaha Hargeysa, dhamaantood ka wada xumaa dhibka loo geystey Samsam ee xaqdarada ku ah Shareecada Islaamka iyo Dastuurka u yaal Somaliland, Dhaqanka Ummada iyo Xuquuqda Aadamiga intaba. Waxaa halkaas ka furmay doodii, Waxaana maalintaas yimid Xeer Ilaaliyihii, oo isagu maalintaas la soo baxay eedaynta uu ku eedaynayay Samams oo ahayd:- 1- Inay ahayad Basaasad loo soo diray guriga Madaxwayne ku-xigeenka. 2- In ay sheegatay qoys aysan u dhalan. Eedayntaas kadib waxaa markiiba cirka isku shareeray buuq iyo sawaxan oo u badan oo ka soo yeeray dhegaystayashii maxkamadda oo iyagu ku qancay in aan wax eeda ah oo macquul ah la keenin goobta, Samasana xaq u leedahay in xoriyadeeda dib loogu soo celiyo. Waxaa kaloo goobtii ka hadlay looyarkii Samsam oo isla markiiba sharciga ka codsaday in loo xirxiro danbiilayaasha Xeer Ilaaliyuhu uu maragga ka dhiganaayo ku waas oo ah buu yiri ragii faraxumeynta u geystey Samsam. Wuxuu kaloo halkaas ka caddeeyay inuusan xeer ilaaliyuhu keenin waxa dacwad ah oo lidi ku ah Samsam oo qawaaniinta iyo sharciga waafaqsan, wuxuuna looyarki cuskaday qodoba badan oo ay ka mid ahaayeen, 21 . 22. 23 .24. 25. 26 .27 .28 ee Dastuurka Somaliland iyo heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah. Sidaas darteed waa in Samsam Axamed loo soo celiyaa xoriyadeedii talaabo sharciga waafaqsanna laga qaadaa danbiilayaashii falkaan kula kacay inanta yar ee sabiga ah. Hadalkaas ayaa waxaa sacab ku soo dhaweeyay dhegaystayaashii Maxkamadda, waxayna ku qaylo iyo fooru ku abaal mariyeen Xeer ilaaliyihii Maamulka Somaliland, waxaana ka mid ahaa erayada ka soo baxayay afka dhegaysatayasha "..waa in lagu bedelaa gabadha danbiilayaasha gabadha qashay..". In yar kadib waxaa irida si qarsoodi ah kaga baxay xeer ilaaliyihii maxkamadda oo isagu aaday sida la xaqiijiyay guriga madaxwayne ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, si uu ula socodsiiyo halka ay wax marayaan. Waxaa isna udul qaadan waayey shucuurta shacabka kacsan qaadigii maxkamadda oo isna iska baxay isagoo aan waxba sheegin. Muddo walaahow ah hadii lagu jirey ayaa waxaa taleefon soo diray xaakimkii oo amray in Samsam laceliyo lana soo celiyo 14/10/04 taasna halkaas ayey ku dhamaatay. Markii laga baxay maxkamadda ayaa ururadii xuquuqul-in-saanka iyo kuwa rayadkuba waxay soo qabteen sadex looyar oo iyana udooda Samsam waxaayo waxaa iska cadaatay arintii lagu haystey gabadha. Subixii 14/10/04 Waxaa laysugu yimid dhageysigii dacwadda iyada oo lakeenay maxkamadda ciidamo gaaraaya 120 askari oo gaar ah, taas oo loogu talagalay in lagu caburiyo xoriyada mubaadiniinta dhegeysanaayey arintaan foosha xun.Majirin wax uu xeer ilaaliyuhu uu kasoo bedelay eedayntiisii hore, ee dhalisay buuqa iyo qaylada. Doodo kulkulul kadib ayaa sadex dii qareen ee u doodaayey Samsam waxay keeneen dood aad usoo jiidatey dad weynihii xumaan diidka ahaa, waxaana bilaabmay sacab iyo mash xarad, lagu taageerayo qareenada Samsam, waxaynta arrintaas ciidankii goobta la keenay kaga jawaabeen shan xubnood oo ka mid ah dadkii u ka dhiidhiyay ficilkii loo gaystay Samsam. waxaana ka mid ahaa dadka la xir xiray. 1- Xil-dhibaan Axmed Dirir (Xildhibaab baarlamaanka S/lanad) 2-Mudane Ibraahin Xaaji Muuse (Ururada Bulshada Rayidka) 3-Siciid Axmed Maxamuud (Agaasimaha Ururka Isbahaysiga Xuquuqu Insaanka) 4-Garyaqaan Ibraahin Jaamac Cali (looyarka Samsam) 5-Saleebaan Ismaacil Bullaale (Afhayeen ka isku xirka xuquuqul in saanka ) Waxaa halkaas ku dhamaatay maxkamadii lakeenay Samsam, waxaana goobtaas ka dhacay gancan ka hadal, Samsamna waxaa dib loogu celiyay jeelka oo ay ilaa iminka ku jirto. Waxaa xogta soo gaarsiiyay goob-jooge ay Puntlandpost u dirstay arrinta Samsam, kaasoo aan magaciisa la shaacin doonin arrimo la xiriira amnigiisa awgiis. NB:waxaan dhawaan Insha'allaah idiin soo gudbinaynaa qoraalkii uu xeer ilaaliyaha S/land uu ku soo oogay Samsam Axmed iyo Sawirkeedii. Puntlandpost,Garoowe,Soomaaliya
-
Galayr is looking every bit like a sore loser. Yes I agree the government should and must go to the capital, Mogadishu, which has celebrated and will when the PM and cabinet is formed. Read my lips this is not a one man show or Yey's government. Its a Somali government made up of the 4.5 clan distribution every clan is represented in the parliment, and will hold key positions.
-
Jumatuta, it has been widely accepted bro, by the majority of Somali's. You are in the minority hear bro...
-
It is so pantomine...!! Jumatatu, LOL, come again?
-
Its disgraceful how you try to attack an individual while not speaking out against the actions of those goons in Hargaysa, a young girl is still in jail for espionage, she was allegedly raped and tortured and yet no one in Hargaysa is demonstrating or taking action. The So-called Somaliland media are even attacking those that report the incident. The police are arresting the human rights workers for attending her trail hearing. What if this was your sister, wife or daughter would you care about some SOL, members who hail from the North West?
-
Presdinet Yusuf has been around for a long time, he has played a significant role in modern Somali history, from the Ethiopia-Somali wars, to the toppling of the Barre regime. Over time in the psyche of the people there developed a perception that he is larger than life character, a resolute, tough man a survivor. Somal’s have a habit of going for the tough man, of supporting the warrior or the stronger individual in any contest; it may give them a sense of security. That why some individuals or groups still overtly nostalgic for the Barre administration, General Barre after all portrayed himself to the very example of being strong. Our history is full of tough leaders, from Imam Ahmed Gury arguably the founder of Somali nation, Mohamed Abdulla Hasan the nationalist leader to General Aydeed and the present president. In today’s Somalia the President is seen as the man who might bring some semblance of normality, the one man out of all these lose canons and failed politicians to restore the republic. Oh, O.G girl , the whole country supports the new President, all factions from the USC to your own ONLF have welcomed his election. And the idea that the 275 MP’s are all warlords is absolute nonsense, the MP’s represent all strands of Somali society and that includes the Warlords.
-
Nairobi:Gen.Gaanni oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi - Monday, October 18, 2004 at 16:07 Nairobi(Allpuntland)-Waxaa xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi Allaha u naxariistee Gen.Maxamed Xaashi Gaanni oo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamaanka KMG ee Federaalka Soomaaliya,isagoo ah xubintii 3aad ee ka tirsan baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo geeriyooda. Allaha u naxaariistee Gen.Gaanni ayaa geeridiisu ahayd mid kedis ah ,iyadoo sida wararku sheegayaan saaka la arkay qolkiisii oo xiran oo aan la furin in muddo ah ka dibna dadkii isku deyay inay ogaadaan sida wax u jiraan ayaa ugu danbayntii jebiyey qolkii waxaana loogu tegey jananka oo meyd ah,waxana uu u geeriyoodey si caadi ah ee ma jirin wax dhaawac ama dhibaato kale ah oo ka muuqdey meydkiisa sida ay goob joogayaal u sheegeen boggan. Gen.Gaanni Allaha u naxariistee waxa uu ahaa nin si aad ah looga yaqaaney dalka Soomaaliya ,isagoo ka tirsanaa saraakiishii ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ,isla markaana darajada sarreeye guuto ka gaarey ciidammada XDS,marna waxa uu ahaan jirey sanadihii 80aadkii taliyihii qaybtii 26aad ee XDS oo gobollada waqooyi ee Soomaaliya jabhadii ka jirtey ee SNM iyo ciidammadii XDS ay dagaallo ba'an isaga hor yimaadeen gobolkaas sannadihii 1988kii. Jananku waxa uu ka mid ahaa xildhibaanadii DKMG ahayd ee Carta lagu soo dhisay,shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida ee mudada labada sano ah ka socdey Kenyana kaalin lixaad leh ayuu ka soo qaatay isagoo ka tirsanaa murashaxiintii isu soo taagey tartanka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya oo uu soo gaarey kaalintii ugu danbeysey ee tartankaas,isagoo markii uu ku guulaystey Prof.Dalxa oo ay ku wada jireen wareeggii ugu danbeeyayna ugu hanbalyeeyey xilkaas,sheegayna inay doorashadaasi u dhacday si sharci ah uuna la shaqaynayo ,taasoo uu kaga dhabeeyey oo isaga oo shaqadiisii ku guda jira uu ugu danbayntii geeriyoodey,Allaha u naxariisto Gen.Gaanni intii uu ka tegey iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. Iimaan Cali Cabdi Allpuntland,Nairobi,Kenya
-
In debt already and its only been a week! Come again ??
-
Who will be the new Prime Minister of Somalia?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
C/laahi Yuusuf oo la kulamo gooni gooni ah la yeeshay waxgarad beelaha ****** ka socday. (Magacyada Xubnaha u Sharaxan Wasiirka Koowaad) Madaxweynaha Soomaaliya Col C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay waxgaradka beelaha ****** sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Nairobi. C/laahi Yuusuf ayaa la kulmay 20 Xubnood oo beesha Xaaji Saleymaan ee H/gidir kuwaas oo u gudbiyay sida la filayo cida ay doonayan in loo magacabo Wasiirka koowaad ee Xukumadda, waxayna ka dalbadeen Madaxweyana in beeshaas ay la tahay in xilkaas loo magacabo Siyaasiga Maxamed Maxamud (Gacma dheere). Sidoo kale Hotelka uu deggan yahay C/laahi Yuusuf ayaa waxaa buux dhaafay Beelaha ****** ee jagadaas doonaya gaar ahaan beelaha H/gidir iyo ****** oo maanta u muuqdan kuwa doonaya in xilkaas ku soo haray kadib markii meesha ka baxday rabitaankooda ahaa Madaxweynaha soomaaliya. Xubnaha ilaa iyo hadda u cad cad ayaa waxay kala yihiin Xuseen Caydiid, Enj Maxamed Xuseen Caddow, Maxamed Cumar Xabeeb (M Dheere), Proff C/laahi Axmed Afrax, C/laahi Warsame Nuur, Maxamed Maxamuud (Gacama Dheere) iyo xubno kale. Liiska waxaa kaloo ku jira Maxamed Qanyare Afrax in kastoo la sheegayo in Maxamed Qanyare ka gabasaday arrimahaas mar wal laga weydiiyay, waxaase la sheegay in C/laahi Yuusuf uu dhawaan magacabi doona Wasiirkiisa koowad. -
Jumatutu, what pot shots, for 14 years my uncles have been struggling for what? I have lost many cousins in the wars waged by Aydeed and Osman Ato, and what did they do for the orphan children and widdows? So Jumatutu and JB, get of the high horse lads, Ato & Aydeed Jr and Addow are all well, they have money their children are not doing bad. The people of the clan are not doing so well, they need a real government where thier talents can develop. So dont jump to conclusion cause I do care.
-
Norther said "With basically the reminents of Siad Barre's regime still in power and calling the shots?" Who are you kidding bro, Dahri Riyaale regime is full of Siyad Barre regime remnents and its they not the Mujahid's who call the shots. Second why be suspecious of Abdullahi Yusuf, when did he do anything to the people of the North West? Why be suspecious of Somalia, it was not "Somalia" but the defeated Siyaf regime that caused the damage. It was not even Siyad's clan but his regime. So I think bro you are blaming the wrong person and wrong people. I can provide you a short list from top of my head. Dahir Riyyale NSS comander Faysal Cali Warrabe - Spy for Siyad Ismael Yare the Somaliland interior minister [whats his knick name again?] The finance minister of Somaliland Ambasador Cawil, a close confident of Siyad..... Blame these people bro, not the Somali race or individual clans or even president Yusuf for what happened to the people of Somaliland.
