
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
^^^^^^^^^^^^^^ Somaliland's version of events dont add up when you hear the interview taken of the POWS, in which they all admit to being proud Somaliland soldiers giving their name and what happened. So to say there are no prisoners after the pictures and the audio seems a tad bit crazy. http://www.radiolaascaanood.com/maqal2004/maxaabiista.ram
-
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ciidamada maamulka Riyaale maxay kala kulmee Ciidanka Puntland ? {LAASCAANOOD}Hadaba Saaka 8:00 subaxnimo ayey ahayd markii ay weerarka ay soo qaadeen Maleeshiyada Daahir Riyaale kaas oo socday ilaa iyo galabnimadii hadaba maxaa dhacay oo qasaare ah oo soo kala Gaadhay labada Ciidan ee iyagu dagaalku dhex maray deegaanka ADhi cadeeye Kadib markii laysu adeegsaday qoryaha waaweyn ee ay ka mid yihiin Tiknikada Noocyadeeda kala duwan oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac ayaa waxaa dhacday in markii danbe Ciidamada Puntland qaar ka mid ah oo uu wato Cornayl. Cawil Dhiig sokeeye uu ku guluf ku jiidhay Ciidamada ka amar qaata Somaliland halkaasna uu kaga soo qabtay ciidan maxaabiis oo dhan 24 nin oo midi Dhaawac yahay. Isala markaana waxa ciidamadaa Riyaale la caydhsanayey ilaa iyo Magaalada Adhicadeeye kadib waxay Dhufays ka soo dhigteen ciidankii riyaale magaalada taas oo markaa u saamixi weyday ciidanka Puntland inay Duqeeyaan magaalada waxayna dib ugu soo laabteen goobohoodii hore . Waxa kaloo saaka laga qabsaday taliskii ay la haayeen ciidamada Somaliland oo uu yaalay taarkii iyo raashinkii iyo agab kala duwan waxaa kaloo laga qabsaday qoryo nooca yaryar ee loo yaqaan AK ha kuwaas oo ay la kala yaacayeen rag farabadan oo iyagu dhinac socday ciidanka hase ahaatee aan markaa sidan qoryo Dhinaca kalena waxaa dagaalkan saaka looga gubay ciidamada maamulka la baxay somaliland laba Baabuur oo noocoodu yahay Zug iyo gaadhi Shiilke ah hase ahaatee uma suurto gelin ciidamada puntland inay gacanta ku dhigaan sababtoo ah gurmad u yimi ciidanka riyaale ayaan u suurto gelin inay Qabsadaan labadaa baabuur ee laga gubay Mar aan isku dayey inaan buur fuulo si aan sawiro uga qaado baabuurtaa la gubay waxaa ciidamada israsaaseynayey noo suurto gelin waayeen inaan sawiro ka qaado meesha labada baabuur taalay waxaana halkan aad ku arkaysaan xabadii madaafiicda ee agtayda ku dahacysay Waxaan iyana aan arkayey Meyd kaas oo ahaa qaar ka tirsan ciidanka somaliland oo la laayay hase ahaatee iima suurtoobin inaan sawir ka qaado maadaaba oo aan Soomanaa oo aan is idhi ma banaana meyd in la sawiro hase ahaatee ilaa iyo todoba meyd ah ayaan arkay. Waxaa iyana ay ii xaqiijiyeen dhinacooda Ciidamada Puntland inay marayso dhimashadu afar askari halka dhaawucuna uu yahay sadex iyo toban.Isla markaana waxaa isagu saaka jiida hore yimi taliyihii hore ee daraawiishta Carays oo ugu baaqay ciidamadii kala duwanaa ee joogay jiida inay ka hortagaan wax kasta oo wax u dhimaya Midnimada soomaaliya. Si kastaba hanoqotee waxaa iyagu maanta ku guuldaraystay dagaalkii ay soo qaadeen ciidamada somaliland taas uu ku dhacay habqan iyo kala firxad waxaana iminka jirta inay isku urursanayaan adhicadeeye meel u dhow halka ciidamada puntland ay iyaguna isku urursanayaan goobahoodii hore iyadoo dhinaca kalena la sheegayo in ciidamo ka soo baxeen magaalooyinka Boosaaso Iyo Gaalkacayo Maqribkii markii aan ka soo laabtay jiida oo aan ka soo raacay Carays iyo saraakiil kalena waxaan nimi Cusbitaalka oo ay yaalaan dhaawac isugu jira labada dhinac oo lagu daawaynayo halkaas oo uu taliyuhu waa Cadheyse uu ku boo qanayey dhaawac oo dhamaantoodu fudud yahay marka laga reeb nin ka mida dhaawac ciidamada somaliland oo la yidhaahdo Siciid Maxamed Maxamud oo Dhaqaatiirtu ay sheegeen in gacan uu ka dhaawac yahay ay tahay Goyn Ugu danbayntii waxaan la ogayn hanka Hargeysa ee xadka iyo Midnimada Puntland ee Soomaaliya halkay ku danbayn hase ahaatee waxaa ay Shacabka deegaanadan SSC ay u diyaar garoobeen inuu qofwalbaaba halkiisa uu ugu diyaar garoobo difaaca ciidiisa oo uu ka hortago waxa ay ugu yeedheen indho la'aanta hargeysa. Maxamed Gaaxnuug Jiida Adhi cadeeye Widhwidh online -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Radiolaascaanood, summary of Fridays events. http://www.radiolaascaanood.com/maqal2004/maxaabiista.ram -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Invading Somaliland forces sustain heavy casualties - Friday, October 29, 2004 at 22:14 Garowe, 29.10.04 (AllPuntland) – Puntland’s Minister of Information, Abdirazaq Yasin Abdulle Geesood called today’s attack by militias loyal to the self-declared republic of Somaliland unfortunate and misguided. Speaking of the deadly clashes that had erupted early on Friday morning, around 9:00am local time, near Adhicadeye, some 35 miles to the northwest of Lascanod, Mr Geesood described the nature of what he called unpredicted cowardly attack, initiated by Somaliland militia. “We were attacked from three separate fronts. We increased our defence as we learnt about the attack, smashed the invading forces defence taking over their original posts, and pushed them by 7 miles deep toward Yagori towards Aynaba†noted the Minister. “So far, we have lost 3 soldiers with one tank sustaining damage. We have taken 24 prisoners of war destroying a number of their technicals. The prisoners are now being held in Lascanod with one of them being treated at Lascanod general hospital†he added. Mr Geesood reiterated that Puntland forces had been attacked while in their bases, and had to defend themselves. Speaking of his government’s position on the conflict, Mr Geesood notes that neither Puntland’s troops nor its administration are in no shape or form interested in engaging in a meaningless war that could only jeopardise the peace in the region. It is however unfortunate that the Riyale administration in Hargeisa does not see it that way. Our reporter in the Lascanod notes the situation to be highly tense and volatile as further clashes are said to be imminent. Ordinary civilians in Lascanod and other cities in Sool region are blaming the Hargeisa administration for the attack. Reports reaching our news desk confirm that 24 prisoners whose identities, names and clans, had been confirmed are held in Lascanod with the injured being treated in Lascanod general hospital. It was late in September that the two sides last clashed near Adhicadeye with each side blaming the other. Local people however are of the belief that it is Somaliland that has initiated both attacks. The dispute is over the regions of Sool, Sanag and Ayn which both Puntland State and the self-declared republic of Somaliland claim. AllPuntland News Desk -
Magacyada Maxaabiistii Ciidamada Somaliland Ku Soo Qabteen Dagaalkii Maanta Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Magacyada 13 maxaabiis ah oo ay ciidamada Somaliland kaga qabteen kuwa Puntland dagaalkii maanta ay iskaga horyimaaddeen jiidda Tuulada Adhicaddeeye ee gobolka Sool ayaa saxaafaddu heshay caawa, kadib markii maxaabiistaas la keenay magaalada Burco. http://www.somaliland.org/ns.asp?ID=04102906
-
Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland Oo Beeniyey Sawirada Lagu Baahiyey Websiteyada Puntland Inay Yihiin Ciidan Laga Qabtay SL Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 29 October, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Wasiirkuxigeenka Difaaca Somaliland, mudane Maxamed Cali Maydhax ayaa ku tilmaamay been iyo borobogaandho 23 askari oo magacyadooda iyo sawirro lagu baahiyey website-yada Puntland, kuwaas oo ay sheegeen in laga qabtay ciidamada Somaliland dagaalkii maanta. Wasiirkuxigeenka oo caawa u warramay Telefishanka madaxa bannaan ee Somaliland Tv waxa uu sheegay in raggaasi ay ka dhigayaan inay ciidanka Somaliland ka qabteen ay yihiin maleeshiyo dhowaan laga qarameeyey beesha Yagoori, kuwaas oo uu sheegay in 25 ka mid ahi ay mid mid iyo laba laba ugu tallaabeen dhinaca Laascaanood. “Ninka Maydkiisii iyo dhaawiciisii guran kari waayey ee dhaawac kale qabsanayaa muxuu ahaa? Marka waa borobogaandho ay wadaan oo ay Internetka geliyeen iyadoo aan dagaalkiiba dhammaanin,â€ayuu yidhi mudane Maydhax. Waxana uu sheegay in ay tahay been cad oo aanay waxba ka jirin. Wasiirka, mudane Maydhax, waxa uu sheegay in khasaaraha ciidanka Somaliland ka soo gaadhey dagaalkaasi uu yahay Shan nin oo dhimasho ah iyo Shan dhaawac ah. Waxana uu qiray in uu geeryoodey taliyihii Ciidanka, oo la odhan jirey Xaaxi, kaas oo uu sheegay in uu u dhintay xabbad gacanta kaga dhacday weerarkii subaxnimadii hore, isla markaana uu dagaalamayey ilaa maanta isaga oo u haystey in dhaawiciisu fudud yahay. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanka qaranku ay gacanta ku dhigeen 25 maxaabiis ah, kuwaas oo uu sheegay in 22 ka mid ah dhaawac iyo nolol lagu soo qabtay, halka saddex kale oo ay ku jiraan laba nin oo saraakiil ah oo mid yahay taliyihii aagga ciidanka Puntland iyagana meyd lagu soo qaaday. Mudane Maydhax waxa uu sheegay in dagaalku aanu ahayn weerar gaadmo ah, balse ciidanku uu la socdey is-abaabul ay wadeen maleeshiyada Puntland, ciidanka Somalilandna uu heegan buuxa ku jirey. Waxa kale oo uu sheegay in ciidanku ay hore ugu sii socon doonaan dagaal, dibna aanay u soo noqonayn. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
-
Bad interview, the journalist is asking a soldier political questions. The soldiers comments were honest, He stated I a a soldier and I follow orders.
-
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia-Boqor, bro stop the rubish you are making very little sense and it seems to be clear that you are claimng what you are not. H.E. Mohamed Abdi Hashi has been instrumental in Puntland's creation and success and long may he live. Second Somaliland itself is part of Somalia a mere province. One can not over emphasise decades of brute British rule and down play decades of Somali unity and independence. As for this conflict I hope it ends as soon as possible so we can concentrate in rebuilding the country. -
An interview taken with a Somalilander regarding ZamZams ordeal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
As for being attacked; heard the story about the boy who cried wolve. People assumed he lied when he actually told the truth. Get my drift... LOL, I like that -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Well lets see how Puntland does with out A/Y i think Puntland will lose beacuse their not really has good without the man that was holeing Puntland together LOL, I hope thats just a joke Puntland is more than A/Y, now H.E Mohamed Abdi Hashi from LA, is the leader of the state and I beleive everyone will support and rally around him in defending their homes and families. I dont get Somalilanders thinking at all. It seems their ego has got way to inflated since 1991. How can you claim a land and a people who dont want you? How come they attack on the holly month of Ramadan?, is it a coincidence that the international donor meeting is taking place right now in Stockholm? There is no way that you can defeat a people united. History has proven this fact, so chose either to get out peacefully or suffer. -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This is not a war, this is just a small show off to pressure the international community to remove Abdilaahi Yusuf's army from Somaliland territories. We will of course see how it ends Suldanka, do you admit that Somaliland was the agressor? And has it all come down to the international community -
But did he, say that Horn? none of the major Mogadishu media oulets commented on this. Not even HornAfrik, which is not a Puntland based group Another point so far the President has made all the right moves. His priority is security, his goal is to bring the whole country under the control of the government. And read this article below on Hornafrik bro. Kulan lagu taageerayo dowladda cusub ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Kismaayo. October 28, 2004. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Deeqa Sonna “Kismaayo" Qaar ka tirsan saraakiishii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo ganacsato ku sugan magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan ay qabteen waxa ay ku muujiyeen sida ay u taageersan yihiin dowladda cusub ee Soomaaliya. Kulankaan oo ka dhacay xaafadda Faanoole ee Kismaayo ayaa waxaa soo abaabulay qaar ka tirsan dallada saraakiisha iyo ganacasto, waxa ayna ku taageereen dowladda uu madaxda ka yahay C/laahi Yuusuf. Kulankaan oo ahaa kii ugu horeeyay oo ka dhaca gudaha Kismaayo tan iyo xilligii la dhisay dowladaas ayaa dadkii ka soo qeybgalay waxa ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin wixii ka soo baxay shirkii Nairobi. Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay Col. Cabdi Ashkir oo ah dallada guddoomiyaha golaha saraakiisha gobolad Jubbooyinka, waxa uuna muujiyey in ay si weyn u taageersan yihiin dowladda iyo baarlamaanka cusub. Kulnkaan oo ahaa kulan aan hore loo shaacin ayaa ku soo beegmay xilli ay maamulka Isbahaysiga Dooxadda Jubba hore uga hadleen taageerida dowladda oo ay ku sheegeen in ay ka war sugayaan waxa uu C/laahi Yuusuf la yimaado.
-
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lets all hope a peaceful resolution Inshallah! ameen I second that. -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
The war just started today. India so there is a plan for war? Please inform us simpletons cause we didnt know. Second I am reporting what is there so far no comment from Somaliland, when that comes I shall not hesitate to forward it. You are right Dusty, its Ramadan there should have been no conflict in the holly month. I actually beleve there should be no room for conflict, every clan has its own wells. -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Its funny how Siyad's national army were suppose to be wrong to be in Hargaysa-Burco-Traingle. However its not wrong for the same clan the victims of yesterday to try an attack other peoples land. What would people say if reer SOOL attacked BURCO? -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Lascaanod: Maxaabiista Malayshiyada Riyaale ee Lagu soo Qabtay Dagaalka Saaka Ka Dhacay Adhicadeeye Iyo Magacyada Maxbiista iyo Sawiradoodii- Xigasho- Radiolascaanod.com http://allpuntland.com/news1/news/news_item.asp?NewsID=3200#Scene_1 -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Dagaal Culus oo iminka u dhaxeeya Ciidamada Puntland oo ka socda Deeganka Laascaanood. Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus oo ilaa iyo hadda aan wax war ah ka soo bixin ka socda deegaanka Laascaanood, iyadoo dagaalkan u dhaxeeyo Ciidamada Maamulada Puntland iyo Somaliland oo in muddo ah Ciidamada Labada dhinac isku horfadhiyeen. Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Ismaaciil Cumar Aadan ayaa dagaalkan ku eedeyay in ay soo qaadan Maamulka Puntland, wuxuuna Caddeeyay in Mas’uuliyada dagaalkan uu qaadi doona Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, Wasiirka ma caddeynin tirada dagaalka maanta ku dhintay oo weli dagaalkaas socda, Wuxuuna sheegay Ismaaciil in dagaalka la isku adeegsaday hubka kala duwan iyo midka fudud. Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa isaga waxaa uu keliya uu sheegay in dagaalka uu socda, wuxuuna diiday in wax war ah ka bixiyo xaalada dagaalka, waana Labada Nin waxaa ay is isku mid ah u sheegan jiritanka dagaalka, balse waxaa ay ka gaabsadan sababta dagaalkan keenay. Wariyaal jooga Garoowe ayaa waxaa ay sheegan in dagaalka oo culus iyo xaalada oo is bedeshay laga dareemayo Magaalooyinka Maamulka Puntland,waxaana haatan shir u socda Saraakiisha Puntland. Wararka ka imaanaya Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland ciidamo dheeraad ah saaka u direen jiida hore dagaalka oo ka socda Waqooyiga Laascaanood, sida uu sheegay Wasiirka Gaashandhiga Somaliland dagaalka waxaa uu bilaabaday saaka 3 dii Subaxnimo. Dhawaan ayaa markii la doortay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa Somaliland waxay ciidamo badan u soo dirtay jiida Magaalada Laascaanood, waxayna inta badan Mas’uuliyinta Maamulkaas sheegayan in ay ka cabsi qabaan dagaal dhex mara Labada dhinac. Wararka dagaalka wixii ka soo baxo wararkeena dambe ayaa ku maqli doontaan, in kastoo Isgaasiinta ay adag tahay hadana waxaa mar walba isku deynaynaa sidii aan ku heli lahayn wararka dagaalka. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com Midnimo Information Center Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com -
Batles rage in SOOL. Somaliland Prisoners held in Las Ano
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Galkacyo: Warar Dheeraad ah oo ku Saabsan Weerarkii ay Saaka ku soo Qaadeen Adhicadeeye Ciidanka Somaliland - Friday, October 29, 2004 at 16:19 Galkacyo, 29.10.04 (AllPuntland) - Dagaallo kharaar ayaa maanta mar kale ka dhex bilowday Ciidamada Daraawiishta DG Puntland iyo ciidamda Maamulka Gooni-Goosadka ah ee Somaliland. Dagaaladan oo si rasmiya u bilowday 9:00 subaxnimo, socdayna ilaa duhurnimadii maanta waxaa ku geeriyooday 10 qof oo ka tirsan dhinacyada dagaalmayay sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo kusugan magaalada Laascaanood. Dagaalada ayaa kabilowday deegaanka Adhicadeeye oo 35km Waqooyi kaxiga Laascaanood halkaasi oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidanka Daraawiishta Puntland. Inkasta oo dhinaca Maamulka Somaliland ay sheegteen in dagaalka lagu soo qaaday ayaa hadana ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo sheegeen in ciidamada Maamulka Riyaale ay weerar ku soo qaadeen fariisimadii Ciidanka Daraawiishta. Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa intaasi ku daraya in ciidanka Daraawiishta Puntland ay gacanta kudhigeen 28 maxbuus oo la qabtay iyaga oo xabadda ridaya. Sida ay wararku nagu soo gaarayaan askar aan tiradooda rasmiga ah la sheegin oo ka dhaawacmay Maamulka Somaliland ayaa haatan lagu dawaynayaa Cusbitaalka Magaalada Laascaanood. Dagaaladan soo cusboonaaday ee illaa iminka loo aanaynayo in ay soo qaadeen ciidamada ka amarqaata Maamulka Somaliland ayaa dadka ku nool Puntland iyo Somaliland-ba ay u arkaan mid wax u dhimi kara hannaankii nabadda Soomaaliyeed, iyada oo maalma ka hor Soomaaliya ay u soo hoyatay Dawlad loo dhanyahay. CCC Farayaamo Allpuntland.com -
WAR DEG DEG AH: Lascaanod - Ciidanka Maamulka Somaliland oo Weerar Gaadma ah oo ay ku Soo Qaaday Adhicadeeye - Friday, October 29, 2004 at 16:07 Lascaanod, 29.10.04 (AllPuntland) - Ciidamada daacadda u ah Maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland ee aagga hore ee Adhicadeeye ayaa saaka aroortii weerar gaadmo ah ku soo qaaday fariisimada Ciidamada Daraawiishta ee DG Puntland. Sida ay tibaaxayaan warar aan ka soo xiganay saraakiil ka tirsan Taliska Ciidanka Daraawiishta DG Puntland, illaa iyo hadda waxaa halkaa kaga dhintay ciidanka Somaliland 5 askari halka dhawr iyo labaatanna gacantga lagaga dhigay. Sida ay noo xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah oo aan la xiriiray maxaabiista ayaa isla maanta loo soo dhaadhiciyey Lascaanod, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin. Khasaare isugu jira dhaawac iyo qalab dagaal oo laga furtay ayaa wararku sheegayaan in ay u weheliso Ciidanka Somaliland kala jab ba'an oo ku dhacay Taliskooda sare. Ciidanka Daraawiishta ayaa lagu soo waramayaa in ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, iyaga oo hadda ay hore uga ruqaansadeen saldhigyadii ay jore u fadhiyeen. Dhinaca Daraawiishta waxaa la sheegay in ay dagaalka saaka ku naf waayeen laba darwiish, halka dhawr kalena ay ku dhaawacmeen. Gurmad xoog leh ayaa la sheegay in uu ka socdo labada dhinacba. Illaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in Ciidanka Somaliland ay weerarka u soo qaadeen. Magaalada Lascaanod ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa lagu arkayey gurmadka Ciidanka Daraawiishta oo aad u hubaysan, kuna sii jeeda Jiidda Hore ee Dagaalka. Wixii warar ah ee soo cusboonaada saacadaha soo socda ayaan idiin soo tebin doonaa! AllPuntland.com
-
An interview taken with a Somalilander regarding ZamZams ordeal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Ameenah, LOL sister how are ya. I love the Somaliland people and I hate Riyaale and the other crooks. I posted it to show that there are many reasonable people who are not being heard. To think I got attacked by some for posting the article as it was. -
An interview taken with a Somalilander regarding ZamZams ordeal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Adi iyo Smith meherkiina waa inaad diyaarisaan. -
An interview taken with a Somalilander regarding ZamZams ordeal
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
My boy rudy, come on you losing it -
Waxaan fursad u helay inaan waraysi kala yeelano arinta xasaasiga ah ee la soo gudboonaatay Samsam Axmed Ducaale oo ku xiran xabsi ku yaal magaalada Hargaysa Cismaan Abokor oo ah siyaasi dhallin yaro ah oo fir-fircoon, kuna takhasusay Cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, siyaasadda Somaliland-na aqoon durugsan u leh, isagoo ahaa Guddoomiyihii Xisbigii ugu horreeyey Xisbiyada Somaliland ee ILAYSKA. Cismaan waxa uu hadda ku sugan yahay magaalada London ee cariga Ingiriiska. Waraysiga oo uu qaaday tafaf tiraha Mudugonline.com waxaa su'aalihii aannu weydiinayna Cisman Abokor u dheceen sidaan; Su'aal: Marka hore bal siday u ogaadaan akhristayaasha aan la socon arinta ku saabsan Samsam Axmed Ducaale waxaad naga siisaa horudhac siday arintaan ku bilaabatay iyo halka ay marayso. Jawaab: Wallaahay Maxamedow, horta arrinta Sam-sam illaa bishii siddeedaadba waynu maqlaynay, laakiin waxad mooddaa in bishii sagaalaad ee September ay xadhkaha goosatay oo meel kasta oo Soomaali joogto laga wada maqlay. Sida aan ku helay warka rasmiga ahna Sam-sam Axmed waxa ay ahayd ardayad aad u da' yar oo ka timi magaalada Boosaaso, soona booqatay abtigeed oo deggan Hargeysa kana tirsan xukuumadda Somaliland, nasiib darro inantii yarayd oo aan aqoon fiican u lahayn Magaalada Hargeysa waxay ku dhex luntay magaaladaa mugga weyn leh ee Hargeysa oo hore loogu maah-maahay "Nimaan hoy ku lahayn habeenna u dumay Hargeysi maxay ku haysaa". Taas oo kelliftay in looga shakiyo basaasnimo laguna xidho saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa iyada oo lagu eedaynayo shirqool ay u maleegaysay Madaxweyne ku xigeenka. Markaa arrintaas illaa bilowgii bishii sagaalaadba waan la' socday, weliba annaga oo dhowr nin oo London jooga ah ayaa si weyn isugu daynay in warkeeda rasmiga ah aannu ogaanno maaddaama ay tahay arrin ku cusub dhaqanka siyaasadda Soomaalida, yacnii inan Soomaaliyeed oo loo haysto basaasnimo. . Su'aal: Waxaa jira warar sheegaya in Samsam Axmed Ducaale markii la keenay maxkamada Hargaysa ay sheegtay in intii ay xabsiga ku jirtay si xun loola dhaqmay oo jirdil iyo waliba faraxumayn ay ku sameeyeen askar ka tirsan qaybta dambi barista CID-da, arintaas ma maqashay maxaase ka jira? Jawaab: Arrintaas walaal waan maqlay, niman odayaal ah oo aannu u dirnay in ay soo hubiyaanna waadigii ogaa oo waa la xidh-xidhay maalintii maxkamadda oo ay ku jiraan laba mudane oo ka tirsan Golaha Guurtida, taas oo aannu u fahannay in Samsam la doonayo in maxkamaddeeda aan la ogaan, mana beensanayo in ciidamada CID-du samayn karaan kufsi iyo wax ka xun labadaba, maxaa yeelay maaha sida Booliska iyo milateriga dad lagu soo xulay dhaqan iyo asluub, waa dad lagu soo xulay damiir darro, dhowaanna waxay ku kufsadeen Idaacadda Radio Hargeisa dhexdeeda gabadh dhega la'. Su'aal: Taliyaha Booliska S/L Wuxuu laanta afka Somaliga BBC dhawaan u sheegay in gabadhu ahayd basaasad Dawlad goboleedka Puntland u soo dirtay inay soo ogaato meesha uu ku nool yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland si loo shirqoolo, isagoo intaas ku daray inay iyadu afkeeda ka qiratay markii xabsiga su'aalo arintaas la xiriira lagu weydiiyay in shirqool u maleegaysay madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Miyaan taas loo qaadin Karin in gabadha la jir dilay haddiiba ay qiratay dambiyadaas culus oo aan u ekayn waxaan suura gal ahayn? Jawaab: Horta Maxamedow aqoon fiican baan u leeyahay taliyaha Booliiska Somaliland, G/Sare Maxamed Cige, waa nin aan sharciga u aabba yeelin ama aan tixgelin, waxa aan xusuustaa waagii uu Wasiirka Hawlaha Guud ka ahaa dowladdii Sal-ballaar ee Gen Caydiid oo uu oran jirey Somaliland dowlad iyo nabad gelyo toona kama jirto, waxa kale oo aan xusuustaa habeenkii uu xabsiga u taxaabayey Boqor Cismaan Buur-Madow ee uu ku lahaa anagaa sharciga ka sarrayna ee soo bax. Markaa taliyahaas Booliska anigu hadalkiisa ma tix-gelinayo, laakiin waxa ayaan darro ah in taariikhda Soomaalida markii ugu horreysay gabar Soomaaliyeed lagu eedeeyo basaasnimo, waxay ila tahay in arrintaasi tahay dembi weyn oo laga galay gabdhaha Soomaaliyeed ee sharafta iyo maamuuska badan. Wixii dalka ka dhacay collaad iyo hirdan siyaasadeed gabdhaha Soomaaliyeed waxa ay ka ahaayeen Xalay Dhalay, mana geyaan gefkan loo geystay Samsam Axmed. Sidaas darteed waxan leeyahay waxa caddaan ah in meel lagaga dhacay dhaqankii, xishoodkii, xurmadii iyo gobanimadii ay gaarka u lahaayeen gabdhaha Soomaaliyeed markii lagu eedeeyey basaasnimo, taariikhda gabdhaha Soomaaliyeedna waxa u furmay baal madow. Ta kale ee ayaan darrada ah waxa weeye in gabadhaas yar sharafteeda wax lagu yeelo waxay rabtay in ay soo aragto guriga Madaxweyne ku xigeenka, malahay waxa uga fiicnaa in ay dembi toos ah u sameeyaan oo inta ay bastoolad u dhiibaan ay yidhaahdaan madaxtooyada ayaannu ku qabanay oo Riyaale ayay dilaysay. Laakiin wadaadka yar ee miskiinka ah ee madaxweyne ku xigeenka ah ee gurigiisu ku yaallo wadada Jig-Jiga-Yar aadda ee qofkastaaba yaqaanno ayay gurigiisa soo arkaysay waxay ila tahay in aanay dembi ahayn. Su'aal: Dadka reer Somaliland iyo qaasatan kuwa ka soo jeeda Beelaha bariga Somaliland sida Burco oo kale sidee u arkaan arintaan mise ka warqabaan xaalada Samsam? Jawaab: Arrintani mujtamaca Soomaaliyeed oo dhan dhexdiisa waa ka caan, dadka damiirka leh badankooduna way ka xun yihiin arrintan, waanay la' yaabban yihiin waxaanay kiiska ku sii buuxinaysaa masuuliyiinta xukuumadda oo ku tagri falay awooddii yarayd ee ay hayeen. Su'aal: Dad badan ayaa Aaminsan arinta gabadhaan in xakuumada Riyaale uga danleedahay sidii ay u abuuri lahayd xaalad adag oo kala qoqob ah oo shacabka labada gobol aysan isku gudbin karin, arintaas side u aragtaa? Dhib noocee ah ayaase ka dhalan kara? Jawaab: Labadan qaybood ee Puntland iyo Somaliland waxa ka dhexeeyey shacabkooda walaaltinimo, deris wanaag, is jacayl, is dhex-gal iyo iskaashi, markaas dabcan waa la oran karaa,waa la kala fogaynayaa, maxaa yeelay maaha markii ugu horreysay ee Riyaale iyo hawl-wadeenadiisu ay ku tallaabsadaan arrintan oo kale, hore waxa ay u xayireen isu socodkii iyo ganacsigii labada shacab, kaddib markii ay ciidamo kala dhex dhigeen, xaalad abuurka iyo nacayb beerku waa badnaa, hadda wad u jeeddaa waxa hargeysa ka socda. Laakiin ma aamminsani in riyadoodaasi u rumoobi doonto, maxaa yeelay awooddooda oo iskaba liidata siina dhimanaysa waqtigan iyo rabitaanka shacabka oo ka weyn rabitaanka qof iyo koox labadaba. Su'aal: Ma jiraan wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay sameeyeen shacabka Somaliland iyo hay'adaha xaquuq insaanka u dooda sidii loo sii dayn lahaa Samsam? Jawaab: Haa walaal way sameeyeen, odayaasha la xir xirayba kamid bay ahaaayeen, hay'adaha xuquuqul insaanka aad bay uga hadleen, saxaafaddu usbiicii ugu dambeeyey aad bay uga hadashay, waana laga hadli doonaa, sababta oo ah waxani waa dhaqan iyo dheg bi'in. Su'aal: Ma jiraan Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo arintaan ka hadlay adiga ka hor? Jawaab: Walaal hadda waxan ogahay in xildhibaanada Axmed Dirir iyo Gubadle loo xiray arrinta Samsam, inkasta oo markii dambe la sii daayey, laakiin Illaa hadda ma ogi siyaasiyiin muhiim ah oo ka hadlay arrinta, waanan la' yaabbanahay sababta ay taasi u dhacday. Su'aal: Cusmaan ahaan adiga maxaad u soo jeedin lahayd dawlada Somaliland ee arinta gabadhaas? Jawaab: Wallaahay wax aan u soo jeedinayaa ma jirto sababta oo ah qof aad taqaan yaad tahay lama yidhaahdo, caqligooda ayaan aqaan, taariikhdooda ayaan aqaan, taladooda ayaan aqaan, laakiin shacabka Somaliland iyo Samsam Axmed Ducaale ayaan midba eray oran lahaa haddii aad ii oggolaato. Su'aal: Waad oran kartaa Cismaan? Jawaab: Shacabka Somaliland waxan leeyahay, waad ogtihiin in habluhu meel kasta joogaan caawana Boosaaso ama Gaal-kacyo laga soo helayo boqolaal hablood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, markaa waxan leeyahay haddii damiirkiinii dhintay oo aydaan xumaanta ka dhiidhiyayn gabdhihiina kayd xun ha u dhigina ee diida dheg-xumada dhulkiina laga wadao. Samsamna waxa aan leeyahay iska samir Adeer waa lagugu gefay, hablaha Soomaaliyeedna ma geyaan basaasnimo iyo been abuur midna, ogowna dhibta laguu geystay in cidda kuu geysatay ay isku qoomamayn doonto mustaqbalka. Waad mahadsan tahay Mudugonline.com http://mudugonline.com/2004/october/271004maanta.htm
-
Somaliland 101.... Somaliland is a myth, its run by the weakest element of the former regime. Riyaale, Cawil, Warrabe, Qaybe etc. It controls only half of what it claims. Forget, SOOL, SANAG & CAYN... It is recognised only by the clan that inhabits Hargaysa-Berbera-Burco traingle. The people of SOOL dont even recognise it let alone the international community. It [the adminstration] talks a good deal up in Hargaysa, they are still invading LAS ANO. It has a shaby economy, due to the high tax of Berbera port.. So much for peace it had one of the most devestating clan wars in Somalia, between the late EGAL & TUUR factions. In which a whole clan had to evacuite Burco. They held a fake election in which Riyaale won by 80 votes after spending fast ammounts of money. Members of its legendery SNM are in the Federal Parliment while those who worked for the last regime rule Hargaysa. Confusing :rolleyes: Its Police force CID, are so ****** , they arrested, tortured and raped a 16 year old Somali girl for allegedly being a spy mastermind trying to assisinate their Vice President