-
Content Count
30,019 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
78
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xaaji Xunjuf
-
Nice pictures especially the horses, even though gabiley is traditional kulmiye territory how ever they welcomed the president, it looks like they gave the president a last respect
-
The people of the failed country are discussing the politics of a democratic country , the irony
-
dawasho wacan
-
Over 300.000 votes are missing , that’s amazing walahi.
-
Somaliland parliamentary delegations arrive in buhoodle
Xaaji Xunjuf replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Wefti Somaliland ah oo ay hogaaminayaan Xildhibaan Xamse Gaadaweyne iyo Wasiirkuxigeenkii hore ee Hawlaha guud ee Somaliland oo Buuhoodle soo gaadhay. Posted: June 19/2010, 8:31 pm Wefti Somaliland ah oo ay hogaaminayaan Xildhibaan Xamse Gaadaweyne iyo Wasiirkuxigeenkii hore ee Hawlaha guud ee Somaliland Cabdirashiid ducaale qambi ayaa Buuhoodle soo gaadhay. Weftigan oo xukuumada Somaliland u soo xilsaartay dhowr qorshe ayaa la filayaa inay ayaamaha soo socda ay ku sugnaadaan magaalada buuhoodle. Warar lagu kalsoonyahay oo aanu ka helnay ilo xogogaal ah oo ka tirsan maamulka somaliland ayaa xaysimo.com u sheegay in weftigani ay shir la yeelan doonaan kooxda narobi ay hogaamiyaan Saleebaan xagletoosiye iyo Garaad Jaamac garaad Cali. Weftigani waxay sidaan fariin hoose oo Somaliland kooxdan ku amaanayso siday beesha u kala qaybiyeen islamarkaana u fashiliyeen abaabul qorshe dib u xoreyneed oo dhameystiran. Kooxdan ayaa qaybo badan oo bulshada SSc ka tirsani ay aaminsanayeen inay si hoose ugu adeegaan maamulka Somaliland. -
Wafti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Xildhibaan Xamse Gaadaweyne oo gaadhay Buuhoodle. Warkii 20-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS Wafti ka kooban xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo uu hogaaminayo xildhibaan Xamse Gaadaweyne ayaa gaadhay degmada Buuhoodle oo halkaas ay ka dhaceen rabshado iyo dagaalo dhexmaray dadka deegaankaas iyo ciidanka Itoobiya,kaasoo keenay dhimasho, dhaawac,iyo hanti la qaatay. Waftigan oo siyaasiyiinta ku weheliya uu ka mid yahay siyaasi Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka mid ahaan jirey golaha wasiirada ee maamulkaas,waxayna shirar kala duwan la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaankaas. Waftigan ayaa waxay horudhac u yihiin wufuud kale oo la filayo inay maalamaha soo socda gaadhaaan deegaankaas,iyadoo la filayo inay waan wana ka dhex sameeyaan hogaanka SSC iyo maamulka Somaliland oo dagaalo ku dhexmareen degmada Widhwidh iyo tuulooyinka ku dhow. Afnugaal News Desk.
-
Gabiley oo Saaka ku waabariisatay Soo dhawaynta Wafdi uu Hogaaminayo Xoghayaha Arimaha Dibada Kullmiye. Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye ayaa la filayaa in uu khuddbad u jeediyay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.... Gabiley(GNS) Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobollka Gabiley ayaa Saaka ku waabariistay soo dhawayn balaadhan oo ay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ugu diyaar garoobayaan Wafdi uu Hogaaminayo Xoghayaha Arimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar. waxa ilaa Xallay Magaalada Gabiley dhex Wareegayay Baabuur ay saaran yihiin Mikirifoono kuwaasi oo ay ka baxeen Heesaha Xisbiga Kulmiye iyo Ogaysiiis Dadka lagu war galinayo Wafdiga soo socda. Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye ayaa la filayaa in uu khuddbad u jeediyay Dadwaynaha ku dhaqan Gobolka Gabiley oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo isla markaana uu ugu baaqo in ay Xisbigiisa Codka siiyaan oo ay doortaan Murashaxiinta Xisbiga Kulmiye. waxa kale oo la filayaa in Wafdiga uu Hogaaminayaa uu Gabiley u sii dhaafo deegaanada kale ee Hoos yimaad Gobolka Gabiley sida Degmooyinka Kala baydh, Wajaale iyo Allay baday. waa Markii ugu horaysay ee uu Dr. Maxamed Cabdillahi soo gaadho Magaalada Gabiley tan iyo waqtigii uu bilawday Ololaha Doorashada oo laga joogo muddo dhawr iyo Toban Maalmood, arintan ayaana timid Xoghayaha oo Dalka Dibada kaga maqnaa. sidoo kale waa markii ugu horaysay ee uu ka qayb galo Tartanka Ololaha Doorashada iyo waliba in uu u socdaalo Gobolada Dalka, intii ka danbaysay soo guryo noqoshadiisa oo ahayd Maalintii Daraad. Xubnaha Wafdigani ka kooban yahay ayaa lagu wadaa in ay u badan yihiin Xubnihii Qurba Jooga Xisbiga ahaa ee iyaguna ku wehelinayay Safarkii uu dibada kaga soo laabtay. khudabada uu jeediyo iyo Meelaha kale ee uu u dhaafo Gabiley kala soco Gabileynews Saciid Khadar Cabdillahi Gabileynews Desk Gabiley Hargeisa.
-
Ciidamo Kasoo Goostay Somalidiidka oo Kusoo Biiray Ciidamada Xoogaga SSC
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
These people don’t even look Somali they could have been Umar al bashirs janjaweed forces -
Weftigii Ugu Balaadhnaa Qurba Jooga Kulmiye Oo Uu Hogaaminayo Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisibigaasi Oo Si Diiran Loo Soo Dhoweeyey Hargeysa, June 18, 2010 (Haatuf) - Wefti balaaadhan oo uu hogaaminayo Xoghayaha arrimaha dibada Xisbiga, Kulmiye, Dr. Maxamed Cabdilaahi iyo tobaneeyo xubnood oo ka mida madaxda sare ee qurba jooga Kulmiye iyo tageerayaasha qurba-jooga xisbigaasi ayaa shalay Barqinkii lagu soo dhoweeyey Madaarka Hargeysa. Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdilaahi oo saxaafada ugu waramayey qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa ayaa sheegay in Doorashadani ka duwan tahay doorashooyinkii hore, isla markaana si weyn ugu Mahad naqay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo Taageerayaasha Sida weyn ee ay uga hawl galeen soo dhowayntooda. Waxa kale oo uu Xusay in Xisbiga Kulmiye uu Bulshada Reer Somaliland uga wakiil yahay in baaqoodu gaadho caalamka. Waxaana uu tilmaamay in wakhtigan Somaliland u baahan tahay Isbedel, taasina ay iman karto marka la helo Hogaan Wanaagsan, Xisbiga Kulmiyana uu yahay Xisbiga Kaliya ee leh Hogaan isku kalsoon oo dhidibada u taagi kara waxyaabaha ay Ummadu mudada dheer u oomanayd. Waxa uu Dr. Maxamed Cabdillahi ammaanay Guddoomiyaha Kulmiye Axmed Siillaanyo, kaas oo xusay inuu yahay nin Miisaan culus ku dhex leh Siyaasada, Caalamkuna uu aad u garanayo Bulshada Reer Somaliland ay aad u jecel yihiin. Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa uu bogaadiyey Shacabka reer Somaliland u diyaar-garowga ay muujiyeen siddii ay uga qeybgali lahaayeen doorashada, waxanu yidhi “Marka labaad waxaan doonayaa inaan halkan bogaadin iyo hambalyo uga soo jeediyo shacabka reer Somaliland geesinimada iyo wadaninimada ay muujiyeen u diyaar garowga doorashooyinka dhawaan la filayo inay dalka ka dhacaan”. Mar uu Maxamed Cabdilaahi ka hadlayey ujeedada safarka weftiga uu horkacayey, waxa uu yidhi “Ujeedada weftigan ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo hawlaha Xisbiga iyo hawlo kale ugu maqnaa dalka dibadiisa, u jeedada ay ugu soo noqdeen waxa weeyaan, waxaynu ka war-haynaa inuu dalku imika u diyaar-garoobayo doorashada madaxtooyada, dadka halkan ka muuqda waa masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE waxanay u yimaadeen inay ka qeybgalaan shacabka iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE hawlaha doorashada, una horumarinyaan nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo arrimaha doorashada”. Dr. Maxamed Cabdilaahi waxa ku dooday inay doorashadani muhiimad gaara u leedahay Shacabka reer Somaliland, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka ugu horeysa waxan doonayaa inana cadeeyo doorashooyinka maanta ay Somaliland u diyaar-garoobayso, aad ayey uga duwan yihiin doorashooyinkii hore ee aynu galnay doorashadii madaxtooyada, tii Golaha Barlamaanka iyo tii deegaanka, doorashadanina waxay aduunyada u muujinaysaa haddii ay si nabadgelyo ah, dimuqraadiyada oo xor iyo xalaal ah ay u dhacdo waxay muujinaysaa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland. Waxa kale oo ay muujinaysaa qaranimada iyo dawladnimada Somaliland inay yihiin qaran la tisqaadi kara Mandaqada Geeska Africa iyo wadamada kale ee Caalamka, markaa muhiimad gaara oo ka duwan ayey leedahay Duniduna waxay ka sugaysaa doorashooyinkan inay inoogu dhacaan si nabadgelyo ah oo xor ah. Haddii ay arrimahaasi suurtagalaan dunida dawladaha ugu waaweyn ee ay ka mid yihiin reer Galbeedku waxay balanqaadeen inay Somaliland wax la qaban doonaan, haday noqoto xaga mucaawinada iyo horumarka, iyo haday noqoto xaga Siyaasada,markaa runtii doorashadani waa doorasho culeys weyn u leh qaranka Somaliland”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dawlado ayaa noo cadeeyey, haddii doorashooyinkani u dhacaan si dimuqraadiya oo nabadgelyo ah oo ay dunidu goob-joog ka noqoto inay kordhinayso sumcada iyo himiladdii uu qarankani lahaa. Himilada Somaliland leedahay waxa ugu weyn inay noqoto qaran aayaheeda ka taliya oo madax-banaan oo dunidana ay ictiraaf ka hesho”. Dr. Maxamed Cabdilaahi oo ka hadlayey xubnaha Weftigan uu hogaaminayaa tirada dadka ah ee ay ka kooban yihiin, waxa uu yidhi“Xubno doora oo ilaa tobaneeyo qof ah oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE dad kale oo fara badan oo tageerayaasha Xisbiga ah ayaa nala socday, lugtanina maaha lugtii ugu horeysay ee waxa ka horeeyey safaro aad u fara badan oo isugu jiray taageerayaasha Xisbigu ku iman jireen oo ay dalka dib ugu soo noqonayeen, dad badan oo ah taageerayasaha Xisbiga ayaa ilaa inta ay doorashadu dhacayso dalka imanayaa”. Dhanka kale xaflad suugaaneed loogu talo galay soo dhoweynta Masuuliyiintan oo shalay ka qabsoontay Hoolka Cali Maarshaal ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kayse Xasan Cige, ayaa xusay in Xubnaha yimid ay yihiin Xubno aad u miisaan wayn Xisbigana qiimo ku dhex leh. waxa kale oo uu tilmaamay in ay yihiin Masuuliyiinta Xisbiga u qaabilsan Dibada, Xisbiga Udub ee uu Madaxwayne Rayaale Madaxda ka yahayna ay ka cabaadaan. Waxa isaguna Madashaasi hadal ka jeediyay Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba jooga ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Abdilllahi Saxardiid, waxaanu sheegay in Maanta Shacabwaynaha Reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan Cadaalad iyo Horumar. Waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Dabaysha is bedel doonka ah ee Maanta ka jirta Gudaha Dalku ay mar hore martay Qurbaha taas oo uu ku dhaartay Abwaanada kala ah Xasan Xaaji Cabdillaahi(Gannay), Maxamed Aaden Dacar iyo Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas ) ayaa Xaruntaasi ku soo bandhigay, Bandhig Fanneed Mancaha ay Xanbaarsan tahay uu yahay qabsoomida Doorashada soo socota iyo sida loogu baahan yahay isbedel baaxad leh oo Dalka ka qabsooma. Waxa Fannaaniintaasi ka mid ahaa: 1. Xasan Xaaji Cabdillahi (Xasan Gannay) 2. Maxamed Aaden Dacar 3. Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Bas baas) 4. Maxamed Cabdillahi Diiriye (Bulshaawi) 5. Tiriig Xaashi 6. Cumar Ismaaciil Cawdhiye 7. Axmed C/raxmaan(Gooxo) 8. Jaamac Baqayo iyo 9. Cumar Rooraaye. Waxanay halkaasi ku soo bandhigeen Barnaamij ka kooban Heeso iyo Majaajilo oo si wayn ay uga heleen dhammaan ka soo qayb galayaashii Madasha ku sugnaa. Heesaha ay Fannaantaasi halkaasi ka qaadeen ayaa waxa ka mid ahaa: 1. Heesta Koowaad oo uu halku dhegeedu ahaa Hogaanka u dhiibo, waxa sammeeyay Abwaan Xasan Gannay 2. Heesta Labaad: Madax aan la xidhi karin: Dacar 3. Heesta Seddexaad: Kulmiye u kaalay: Dacar 4. Heesta Afraad: U Coddee Kulmiye: Cumar Ismaaciil Cawdhiye iyo 5. Heesta Shannaad: Xisbiyada Tartamaw: Ganay. weftigan Kulmiye ee shalay soo dagay ayaa kala ahaa: 1. Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, Xogahayaha Arimaha Dibada Kulmiye 2. Cismaan Cabdillahi Saxardiid: Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba joogta Xisbiga Kulmiye 3. Ibraahim Xuseen: Guddoomiyah Uk ee Xisbiga Kulmiye 4. Maxamed Yoonis Cawaale: Guddoomiyaha Radio Horyaal 5. Axmed Adare: Xubin ka mid ah Guddida Fullinta UK 6.Khadan Maxamed Cismaan: Guddoomiyaha Garabka Haweenka UK 7. Xuseen Aaden Cige: Guddida Birgham 8. Abiib Xadi Jaamac: USA 9. Xuseen Axmed Caydiid: Guddoomiyaha Bristol 10. Jibriil Muuse: Af hayeenka Xisbiga Kulmiye UK.
-
Meles Zenawi Calls On International Community To Support Somalia
Xaaji Xunjuf replied to Cowke's topic in Politics
There is little melez zanawi can do for somalia -
Wasiirkii hore ee Ganacsiga PuntlandFaroole Wuxuu Necebyahay Beesha SSC
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
The only trouble makers are those are against peace, those who are against law and order, those who want to disrupt anything good that ever happened in those regions, and recently they even allied them self’s with terrorist groups such as alshabaab. -
Sifooyinka Faroole La Wadaago Soomaali-diidka iyo Qaar uu Dheeryahay
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
mar ba warqado dhadheer so qora, marna warqado Grammatical errors ku jiraan united nationka u diira , marba mudaharada , laakin tabtasay idin ahanaysa -
Wasiirkii hore ee Ganacsiga PuntlandFaroole Wuxuu Necebyahay Beesha SSC
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
Why didn’t he say this when he was minister , why now when he lost his job , faroole hates particular clans with in The pirate state, do you believe this. -
Your fav dude is leaving to Hargeisa this weekend
Xaaji Xunjuf replied to AfricaOwn's topic in Politics
sxb ilahay ha ku nabbad geyo , and make sure u take pictures of wadanki -
Xoghayah Arimaha Dibada Kulmiye oo Maanta Hargeysa si wayn loogu soo dhaweeyay Xoghayah Arimaha Dibada Kulmiye oo Maanta Hargeysa si wayn loogu soo dhaweeyay "Wallaahi, Dabayshan Maanta Dalka ka socotaa Qurbaha Mar hore ayay Martay" Cismaan Saxardiid Xidhiidhiyaha Laamaha Qurbaha ee Xisbiga Kulmiye.., Daawo Sawiradda Hargeysa(GNS)Wafdi Sare oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye isla markaana uu Hogaaminayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar ayaa Saaka Barqadii ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeys. waxana Wafdigaasi si diiran Airport-ka ugu soo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye kuwaasi oo uu Hogaaminayay Xoghayaha guud ee Xisbiga iyo Taageerayaal ka tirsan Xisbiga. Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Kulmiye oo Warbaahinta ugu waramayay Qolka Nasashada ee Airport-ka ayaa sheegay in ujeedada ugu wayn ee uu u yimid Dalka ay tahay sidii uu qayb uga qaadan lahaa Hawlaha Ololaha Doorashada. waxa uu Dr. Maxamed Cabdillahi, ku ammaanay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye oo uu xusay in uu yahay Nin Miisaan Culus ku dhex Siyaasada, Caalamkuna uu aad u garanayo Bulshada Reer Somaliland ay aad u jecel yihiin. Xaflad Suugaaneed loogu tallo galay soo dhawynta Masuuliyiintan oo ka qabsoontay Hoolka Cali Maarshaal ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa hadal uu ka jeediyay Xoghayaha guud ee Xisbiga Kayse Xasan Cige, ayaa xusay in Xubnaha Maanta yimid ay yihiin Xubno aad u miisaan wayn Xisbigana qiimo ku dhex leh. waxa kale oo uu tilmaamay in ay yihiin Masuuliyiinta Xisbiga u qaabilsan Dibada, Xisbiga Udub ee uu Madaxwayne Rayaale Madaxda ka yahayna ay ka cabaadaan. waxa isaguna Madashaasi hadal ka jeediyay Xidhiidhiyaha Laamaha Qurba jooga ee Xisbiga Kulmiye Cismaan Abdilllahi Saxardiid, waxaanu sheegay in Maanta Shacabwaynaha Reer Somaliland ay u baahan yihiin in ay helaan Cadaalad iyo Horumar. waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Dabaysha is bedel doonka ah ee Maanta ka jirta Gudaha Dalku ay mar hore martay Qurbaha taas oo uu ku dhaartay.
-
Xaaji Camey ha loo sheego: In xaglotoosiyana uu ka xigo Riyaale iyo Faroole, Haddii uu rumaysan waayanna ha loogu dhaarto This is pure Tribalism i thought the khusuusi was fighting for a united healthy prosperous Somalia with out hidden clan agenda what’s the difference between Faroole and riyaale aren’t they both Somalis isn’t Maxamuud xaji cumar camay a somali. Cant he politically associate him self with faroole or riyaale, Why put him inside a little box. And whats halugugu dhaarto dee ku dhaaro , hadanaad dhaaraneyna ha dhaaraan dee ama dhaaro ama naga da yaad sugeysa oo ugu dharanaya lol Afsomaligani wu iga danbeyey
-
Ciidamo Kasoo Goostay Somalidiidka oo Kusoo Biiray Ciidamada Xoogaga SSC
Xaaji Xunjuf replied to Liibaan's topic in Politics
hebbel ba goostay hebbel ba ku soo biiray hebbel ba dhuusay lacag ba la dhacay , whats this i want to see some action from the khuusuusi. -
Originally posted by bilan: oo kaalay haday somalia ay sii gubato ma 3 xaafadood baa nabad ahaanaya, i have never seen dad ay xumaan saan uga buuxdo Allaha idin caafiyo waad buktaane. waxaad iska dhigeysa inanu anagu gubnay xammar iyo caasimadadi iyo dhulkaagi war adiga gubay, so hagajiso
-
Xildhibaan Faarax Sulub"Jabhada SSC waa mid xasilooni daro iyo kala qoqob ka shaqaynaysa". Warkii 17-Jun-2010 iyo Qormadii: NEWS Xildhibaan Faarax Sulub oo ka mid ah baarlamaanka Puntland,isla markaana ah xildhibaan ka soo jeeda Buuhoodle oo shir jaraa'id ku qabtay Buuhoodle ayaa si kulul wax uga sheegay Hogaanka SSC,taasoo uu ku tilmaamay mid qas ka dhex wada umada,colaad iyo dhibna abuuraysa. Mr Sulub oo ka mid ahaa wafti dawlada Puntland u dirtay Buuhoodle ayaa ku soo noqday Garoowe,wuxuuna ka warbixiyey waxay kala soo kulmee safarkoodii Buuhoodle,wuxuuna sheegay inay hawlo badan halkaas ka qabteen,isla markaana waxa uu ku eedeeyey waxa uu uug yeedhay jabhada SSC,inay abuurtay dhibaatada halkaas ka dhacday,oo intii aanay imaan deegaankaas uu ahaa deegaan nabdoon. "Muhiimada safarkayaga waxay ahayd inaan dadka u sheegno in nabadooda ilaashadaan oo waxba aysan dhaafin dhagna aysan jalaq usiin Jabhad saldhigeedu yahay silic oo sida la ogyahay Soomaali meesha dhigtay,mid kale Guddi ayaa Dowladda u saartay soo afjarida xiisado ka dhacay Buuhoodle iyo soo xuuraansi xaalka Gobolka Cayn oo ay qalalaaso ka wado Jabhada aanu anagu u aragno mid xasilooni daro iyo kala qoqob qaran ka shaqaynaysa,soo celinta deegaanada maqan waxay u taalaa Dowladda Puntland inkasta ha ku qaadatee" ayuu yidhi Xildhibaan Sulub oo sheegay inay ku guulaysteen inay dadkii ka qaxay Buuhoodle inay guryahoodii ku soo celiyaan. Sidoo kale waxa Sulub ku eedeeyey maamulka Somaliland inay ka baxaan dhulka ay haystaan,isagoo ku tilmaamay inay dhibaato ku hayaan shacabka. Afnugaal News Desk.Garoowe Contact:info:afnugaal.com
-
Well done Kulmiye