Xaaji Xunjuf

Nomad
  • Content Count

    29,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    63

Everything posted by Xaaji Xunjuf

  1. Originally posted by xiinfaniin: ^^ Haygula gal-galan ceebta waa lagu gumaabaaye'e Ina Cali Shire iyo Sayidku saldanay isku hayyeen waanad ogtahay ninyahow Ninkani xattaa daanta badda cas dhankeeda shishe dad uu madax u ahaa baa waagaa joogay Where are teh maakhirs when you need them. waraaqdii afcarabiga ahayd ee lanaa siyaadul uwlaa wal akhiirah ay ku jirtay yaa hayya Suldaan darwiish noqda oo saldanadi intu meel iska dhigay Qoriga qaatay Waxa Jira Suldaan Nuur Amaan ilahay raali haka noqde eh Xata awoowgii Suldaan Xirsi Amaan khusuusida walahaan jiray. Suldaanka Maakhir ina cali shire Darwiish ma ahayn Garaadka jamac garaad Maxamuud darwiish ma ahayn Boqor Cismaan From puntland Darwiish ma ahayn. Suldaan Darwiish noqda Suldaan Nuur amaan ba ugu horeyey oo darwiish noqda. oo xabbada rida.
  2. sacad ina cali shire wiil u awoow u yahay ba hargeisa jooga. Muxu duke ka sheekenaya. Ina cali shire boqoradi ingreeska Billad sharaf ah ku siisay cadan Yaman.
  3. Horta ina cali shire , ina cabdulla xassan wu la xidida ina cabdulla xassan ina cali shire walaashi bu qabay. Xabbada na wu ku miisayey
  4. Originally posted by Qhalib: Didn't Ali Shire once gotten shot in the butt? waan maqlay Reer jamac waal ba helay
  5. Originally posted by xiinfaniin: ^^War ingiriiskaa masaafuriyey markii durriyadu gacan siisay Ina cabdulla xassan muxu yidhi Duco awliyaad bu qabba degaha turwaye wa niman gaalada dal dala. Ma dhameya gabayga
  6. Originally posted by Jacaylbaro: xaajiguw aa maxay shadaadiintuu sheegayaa sowkii ina godane taageersanaa ,,, Anigu maan tageersanayn Godane laakin wuxu dhamay Kuwa. 4.5 wax ku qeybsaday, eeh awoowgood dafiray Isagu laakin Irhaabinimo wax ku noqday
  7. Originally posted by xiinfaniin: ^^Soo tuu ina cali shire Ceerigaabo xukummi jirey maaha dee wa xiligi Casri jaahiliga , ina cali shire waatii darawishtu ka eryadeen sanaag.
  8. Originally posted by xiinfaniin: qusuusidu taladay goysaa, hub uma baahna Tallada haday goysoo , tallada ya fulinaya? Garaad xukun doon wa ii kow 2010.
  9. Originally posted by xiinfaniin: daraawiishtu alshabaab maaha ee waa daraawiish. haddana qusuusi baaba loo dhisay oo qusuusigu hub ma haysta iyo tikniko.
  10. ilahoow shadaadiinta ka qabo shacabweynaha somaliland iyo kuwa koonfuria ba.
  11. Israel Waxay Diyaar U Tahay Inay Aqoonsato Somaliland, Balse Xidhiidh Kama Hayno Madaxda Somaliland" Madaxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel Ee Afr (Hadhwanaagnews) Thursday, February 11, 2010 Wergeyska ka soo baxa magaalada Televiv ee xarunta dalka Israel ee lagu magacaabo Haartz Daily ayaa wuxuu cadadkiisii shallay boggiisa hore ku daabacay maqaal dheer oo ugu magac darray "Israel waxay diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland oo ay hore u aqoonsatay 1960-kii, laakiin wax xidhiidh ah Israel kama ay helin dawladda Somaliland Wergeyska Haartz Daily oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Israel oo lagu magacaabo Yigal Palmore oo qaabilsan xidhiidhka Israel ee dalalka afrika ayaa wuxuu si qoto dheer uga waramay xidhiidhka ay Israel la leedahay dalalka geeska afrika, wuxuu si qoto dheer uga hadlay in ay Israel xidhiidh ganacsi, dhaqan iyo dhaqaale oo soke la leedahay dalka Ethiopia oo uu sheegay inay ku dhaqanyahiin wakhtigani dad badan oo aaminsan diinta yuhuudda. Saraakalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel Mr. Yigal Palmore wuxuu sidoo kale ka hadlay in xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalkiisu la leeyahay dalalka Tanzania, Yuganda iyo xita Jibouti uu yahay mid jira, wuxuuna taabtay inay jiraan xidhiidho toos ah iyo qaar dadban oo dalkiisu la leeyahay dalalka geeska afrika. Mr. Yigal wuxuu si qoto dheer uga hadlay mar la weydiiyey arrinta Soomaalida in ay jirto khatar weyn oo ay u arkaan inay ka soo baxayso dalka Soomaaliya "Soomaaliya waxay u egtahay afghanistantii bedda cas iyo gacanka cadmeed, taariikh ahaan dadka soomaalidu waxaanu ognahay inay yahiin dad kala duwan oo kala mabda´ iyo siyaasad ah, dadka soomaaliduna waxay kala lahaayeen nidaam siyaasadeed oo isku yimid lixdankii taasi oo sababta is faham waa balaadhan oo ku yimaadda" ayuu yidhi mr. Palmore. Isagoo ka hadlaayey xidhiidhka Israel iyo Somaliland wuxuu yidhi "Israel waxay ahayd dalkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa aqoonsi aanu siino dawladdii ugu horaysay ee madax banaani ka qaadata Britain oo ahayd British Somaliland, markii danbe ee labadii soomaaliyeed ee kale midoobeena waxaanu noqonay dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, annaga fekerkayagu wuxuu ahaa inaanu hello dal muslim ah oo aanu saaxiib kala noqono beriga afrika iyo gacanka bedda cas ee aanu wadaagno" ayuu yidhi Palmore. Mar la weydiiyey gooni isku taagga Somaliland halka ay dawladda Israel ka taagantahay wuxuu yidhi "horta mid weeyaane ummad kastaaba xaq ayey u leedahay inay xor u noqoto siday u noolaanayo, malaha ma qabo inay jirto dal uga xogogaal badanIsrael dadka dega Somaliland dhulkii uu Britishku gumaysan jiray, waanigii ku idhi waxaanu ahayn dalkii ugu horeeyey ee aqoonsada, ta keliya ee aanu arkaynay waxay ahayd in la helo saaxiib aanu ka helo gacanka fog ee bedda cas, haddii aan usoo noqdo jawaabta su´aashaada ah dareenka annagu aanu ka qabno Somaliland, waanu soo dhawaynayna weliba waxaan qaba siyaasiyan inay Israel diyaar u tahay inay aqoonsato Somaliland balse ma jiro wax xidhiidh ah oo aanu arrintaasi kala yeelan siyaasiyiinta iyo dawladda Somaliland" ayuu yidhi Mr. Palmor Mar la weydiiyey inay dhici karto inay Israel xidhiidh la samayso madaxda Somaliland wuxuu yidhi "kollay siyaasaddu way isbed bedeshaa ku odhan maayo hadda xidhiidh wuu jira iyo ma jiro midna balse taan ku sheegaya waxay tahay annaga dhankayaga waxaanu qabna xiiso badan inaanu saaxiib ka helo beriga afrika iyo bedda cas" ayuu yidhi Mr. Palmor Hadalkani ka soo baxay sarkaalkani wasaaradda arrimaha dibadda Israel ayaa ah kii ugu horeeyey ee si cad usoo shaac baxa oo tilmaamaya sida ay Israel ugu xiiso qabto xidhiidh ay la yeelato Somaliland, balse waxaa jira warar tilmaamaya inay xukuumadahii Somaliland ee kala danbeeyey ay marar badan ganafka ku dhufteen xidhiidh ay la yeeshaan dalka Israel oo ay u arkayaan inuu xumayn karo xidhiidhka sokeeye ee ay la leeyahiin dalalka carbeed gaar ahaana dalalka gacanka cadmeed gaar ahaana dalka Sacuudi Arabiya
  12. Siyaasiga Weyn Ee Xaabsade Oo Sheegay In Aanay Garaadada ssc Badali Karin Itijaaha Siyaasadeed Ee Somaliland, Kuna Tilmaamay Niman Iska Hadlay “Abtiyaashaybaa Waxay Marayaan Qoriley Oo 70km Laascaanood Ka Shishaysa, Ma Abtigaybaa Cidi Wax Ku Yeeli Kartaa, Cida Qaraxyada Wadana Waa Qaab Dawladeed Loola Dagaalamaa” “Inta Nin Ee Halkaasi Joogta Midkoodna Al-Shabaab Maaha, Laakiinse Ninkii Xumaan Raba, Al-Shabaab, Puntland Iyo Mucaarid Intuba Way Adeegsan Karaan” Axmed Cabdi Xaabsade Hargeysa, February 10, 2010 (Haatuf) – Siyaasiga weyn ee Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) ayaa sheegay in Garaadada beesha ssc aanay badali Karin Itijaaha siyaasadeed ee somaliand, isla markaana ku tilmaamay hadaladii doraad ka soo yeedhay garaadadaasi ee ay ku sheegeen in beelaha reer guuraaga ah ee ay ka baxaan deegaanada gobolka Sool kuwo aanay waxba ka jirin oo iska hadal ku salaysnaa. Mr Xaabsade waxa uu sheegay in beelaha reer Somaliland iyo xoolahooda ku sugan deegaanada miyiga ee gobolka Sool aanay jirin cid ka sheegan karta ama wax ku yeeli kartaa. Siyaasiga Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaasa kula yeeshay khadka telefoonka isagoo mudo bil ah ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo uu ku weheliyo wafti ka socda xukuumada Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliland C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro). Waraysigaasi oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan qaraxyada ka dhacayey Laascaanood iyo guud ahaanba Itijaaha siyaasadeed ee bulshada deegaanadaas iyo joogitaanka ciidamada qaranka Somaliland waraysigaasi iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: S: Garaadada ssc waxay doraad Garowe ka soo saareen go’aano ay kaga digayeen in beelaha reer guuraaga ah ee ku sugan deegaanada Laascaanood ay layn doonaan hadaanay ciidamada Somaliland ka bixin deegaanadaasi arintaas maxaad ka odhan lahayd ? J: Beelahaasi si wanaagsan baa loo soo dhaweeyey, si wanaagsan ayaanay bulshada Sool ula nool yihiin nimanka hadlayna iyaga laftoodu ha loo tudho bay yidhaahdeen wax ha la yeelo may odhan, cid ka kaxayn karta daaqa deegaanadaasi ama ka sheegan kartaana ma jirto. S: Waxay Garaadadu sheegeen in beelaha reer guuraaga Somaliland ee xoolahoodu wakhtigan xaadirka ah ay ku sugan yihiin deegaanadaasi Sool ay uga baxaan deegaankaasi, hadii ay ka bixi waayaana ay dhibaato ku mudan doonaan, arinkaasi miyaanay nabad galyo daro iyo isku dhac ku keenaynin beelaha reer Somaliland ee ood wadaagta ah ? J: Si wanaagsan baa loo soo dhaweeyey biyihii baa la siiyey, reeraha deegaanadaa dagan ayey la mid yihiin ama waabay uga sii dhawyihiin, dadkuna waa dad walaalo ah, abtiyaashaybaa waxay marayaan Qoriley,ma abtigaybaa cidi ku hadimayn kartaa ilayn dadku waa isku abti iyo ilmaadeere, biyihii baa la wadaagayaa, daaqiibaa la wadaagayaa oo aan la kala lahayn, magaaladii baa la wada joogaa oo waa la wada cuntaynayaa wax alaala iyo wax ka jiraa toona ma jirto, nimankaasi garaadaduna waa niman iska hadlay. S: Garaadadu mawqifkaasi ay ka istaageen beelaha oodwadaagta ah iyo xoolaha wada jirka u wada daaqaya siday shacabka reer Sool arinkaasi u arkaan ? J: Shacabku way ka soo horjeedaan arimahaas oo kalena kuma raacsana, beelaha walaalaha ah ee wada dagana waxaasi ma qabtaan, shirkoodaa ay garaadadu qabsadeena beeshu ma ogolayn. S: Maadaama Garaadadii beesha Sool ay ka maqan yihiin dalka oo ay dibad wareeg ku yihiin dhinaca Puntland iyo Somalia kuna hawlan yihiin arimo ku lid ah gooni isku taaga Somaliland, sheegeena inaanay ka tirsanayn beeshu Somaliland arinkaasi siduu kuula muuqdaa ? J: Garaadadaasi iyagay u taala haday dalkooda imanayaan laakiinse wax Itijaaha siyaasadeed ay ka badali karaan ma jirto, dalka iyo dadkuna waa Somaliland. S: Waxa lagu eedeeyaa Garaadada beesha ssc inay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-shabaab arinkaa maxaad ka ogtahay ? J: Anigu ma cadayn karo una malayn maayo inay xidhiidh la leeyihiin kooxahaasi. S: Qaraxyadan baryahan danbe ka dhacayey Laascaanood maxaa ka danbeeya ayaad odhan kartaa, aragtidaadu se maxay qabtaa ? J: Dadka qaraxyadan fulinayaa waa dad la soo dirtay oo shaqaynaya, dadka se waxaan leeyahay waar qaraxani indho ma leh oo dhago ma leh oo lugo male iyo gacmo waxbuu dilaaye waxba ma taro, cida wax qarxinaysa iska qabta dad iyo duunyaba wuu dilaaye qofkii loo dhigo kii agmaraya iyo kii la joogaba way dhimanayaan, sidaa darteed waxaan leeyahay kuwan wax qarxinay iska qabta yaanay idinku dhex dhuumanin ka hortaga. S: Garaadada gaar ahaan Garaad Jaamac iyo Garaad Saleebaan waxay ku hanjabeen hadaanay ciidamada qaranku ka bixin Laascaanood ay dagaal kala hor tagi doonaan arinkaa maxaad ka leedahay ? J: Garaadadu shacabka iyo deegaanadaasi midna masuul uma aha, ciidamada qaranka Somaliland-na kama baxayaan gobolka Sool iyo deegaanadiisa kamana bixi doonaan waanay joogayaan. S: Qaraxyadan laga wado Laascaanood waxa kale oo loo aanaynayaa maamul goboleedka Puntland oo la sheegay in qaar ka mid ah kuwii qaraxyada fudiyey ay u baxsadeen, arinkaasi ma jiraa oo ma kuu muuqdaa ? J: Arinkaasi lama odhan karo maamulka Puntland iyagii baa toodii u taagla, magaalooyinka gudahoodiibay dariiqyadoodu go’an yihiine toodiibay u tashan kari laayihiin, Somaliland-na uma soo gudbi karaan oo iyagaaba dhibaatadii qaraxyadu gudahooda haysataa. S: Maxaad u aragtaa in lagaga hortagi karo falalkaa qaraxyada? J: Waa in qaab dawladeed lagula dagaalamo oo shacabka laga soo ceshado. S: Ma waxaad leedahay Garaadadaasi midkoodna laguma xanto Al-shabaab ? J: Shabaab inta nin ee halkaasi joogta midkoodna maaha,balse hadii laga tagi waayo mid ka mid ah ayaa ugu dhaw oo lagu tilmaamaa, laakiin ninkii xumaan raba Shabaab kaw-dhe Puntland laba-dhe, ninkii mucaarid ah ee inaga soo horjeeda sadex-dhe intooduba way adeegsanayaane sidii aynu ula dagaalami lahayn arinkeedi ha la keeno. S: Taytalka aad hada kaga hawl galayso arimaha siyaasadeed, nabad galyo ee Laascaanood muxuu yahay ? J: Anigu oday qaran baan ahay oo dalka iyo dadka u shaqaynaya.
  13. war maha imika dhab lo furay marki hore hor dhac bay ahayd
  14. Hargeysa, Somaliland, February 07, 2009 (SL Times) - The Banque pour le Commerce et l’Industrie - Mer Rouge (BCI-MR), the partly-owned subsidiary of French bank BNP Paribas, held a ribbon-cutting ceremony on Sunday in Hargeysa to officially open the first commercial bank ever in Somaliland. It is the first bank to open in Somaliland and is expected to boost Somaliland banking services and connect the unrecognized republic to the global market. It will also create new jobs for the locals. The bank will issue a letter of Credit (LC) to it’s clients that can be used for international trade for both import and export transactions. Participants in the ceremony included Mr. Thierry Choinier – First Secretary of France’s Embassy to Djibouti, business executives, traders, traditional elderly, Parliamentarians, Central Bank officials, varies organizations from NGO’s and special guests. BNCI-MR (Djibouti) Managing Director Mr Ould Amar Yahya said the Bank’s program of branch openings was a solid indication of its confidence in the region and today is the most respected bank in the Horn of Africa. “BNCI-MR opened the first branch in Djibouti 1954 and has since opened over 71 branches world wide - today it’s the most respected bank in the Horn of Africa and has contributed greatly to the development of the Horn of Africa,” he said. Somaliland Finance Minister, Hussein Ali Duale (Awil) - who was also present described the event as a milestone for his administration who he said took a lot of efforts to make this possible and for Somaliland as a nation. “The world economy heavy relies on financial institutions that lets them borrow capital and issue them LC without them all businesses are crippled,” he said while addressing the guests. He added that anyone who wants to open a bank in Somaliland is welcome as long as they will meet the country’s standards and terms. The Banque pour le Commerce et l’Industrie Mer Rouge (BCIMR) is a subsidiary of the French group Bred Banque Populaire, which is present in 71 countries, with well known names such as NATIXIS, COFACE, Banque Populaire, etc. The BCIMR is the largest bank in the Horn of Africa, representing between 65% and 70% of deposits and 45-50% of the credits distributed. From its base in Djibouti, the BCIMR has played a significant part in over fifty year’s of economic development of the region; including Ethiopia, Somalia, Yemen, and Eritrea. Subsequent to the new merger of Banque Populaire/Caisses d’Epargne, the group has now emerged as the leading French bank in terms of asset management, with over 500 billion Euros managed around the world, 40 billion Euros of stockholders’ equity, 8200 branches and over 100000 employees. The BCIMR, supported by its intra-group synergies, offers a diverse and complete range of services in three fields: - Retail Banking, from current account services to the most complex financial engineering services in the areas of corporate financing and asset management, - Financing and Investment Banking, to meet the development requirements of major economic players, - Trade Services, for all operations involving documentary credit, international guarantees and stand-by letters of credit. The BCIMR is connected to all of the principal financial markets around the world for its investment needs and its financing operations in international trade. It is the ideal partner for investors in the Horn of Africa. With subsidiaries of its international banking group, the BCIMR participates in sophisticated corporate finance and estate management solutions to finance large scale-projects. The BCIMR has begun to make inroads for its long term strategy for diversification of its commercial operations and its adaptation to the regional economic environment. Based on acceptable conditions of risk and profitability, the BCIMR continues to offer its clients even more innovative products and services. This diversification of its products and services is a decisive factor in reducing the volatility of the profit margin. Its objective is to maintain a positive margin between the growth rate of its net banking income — which concerns its interest margin and commissions — and that of its management expenses. This enables it to pursue a policy of reducing its working coefficient or indicator of operational efficiency, without any reduction in the cost necessary for revenue growth. Place Lagarde, HP 2122, Djibouti Republique de Djibouti Tel: (253) 35-08-57 Fax: (253) 35-42-60 Telex: 5821/5870, Djibouti RDD Email: contact@bcimr.dj Swift Code: BCIMDJJXXXX
  15. Maamulka Gobolka Sool oo mannta Shir jaraa,id ku qabtay Xarunta Gobolka kagana Hadlay Arimaha Shirka Buuro wadal Posted to the web on Feb 09 S shirkan jaraa,id ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Kusimaha Badhasaabka Gobolka Sool shirkaas oo ay ka soo ka qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo gobolka ah sida Mayarka Degmada Laascaanood Canbaashe aw daahir Taliyaha Qaybta Gobolka Sool , Taliyaha Saldhiga Asluubta Cabdi Ciise ayaa waxaa dhamaan madaxdan ay si cad uga hadlay shirka shalayto ay qaar ka tirsan isimo ka soo jeeda gobolka sool ay ka soo saareen go,aamo ay ku sheegeen inay dib samayn doonaan wax ala wixii ay ka qaban karaan xaalada magaalaad laascaanood iyo inay xorayn doonaan. Badhasaabka ku xigeenka Maxamed Cabdi Dhinbiil Daad oo ka hadlaya shirkaas iyo siyaabaha uu xanbaarsan yahay ayaa sheegay inay isimadu iyagu ay yihiin kuwii raadin lahaa nabada gobolka balse ay ahayd inaysan ku abaal sheegan daaqsinka ale bixiyay iyadoo isimada ay markasta soo dhaweynayaan oo ay yihiin madax dhaqameedka laakiinse ay ku jiraan xitaa kuwo aanay iyagu aqoonsanayn. sidoo kale waxaa shirkaas isna ku dheeraaday ka hadalkiisa iyo waliba sida uu sheegay inay isimada ahaayeen kuwii iyagu somaliland keenay magaalada xiligii puntland ka horaysana la ogaa iyo xiligii ay joogtay kaalintii isimadu inay xitaa kala calin kari waayaan shacabka deegaanada sool sanaag iyo Hawd, waxaana kula talin lahaa ayuu yidhi mayerka degmada laascaanood inay isimada yimaadaan dhulkooda dalkooda oo aanay marba wareegin tuulo yar 10 shir ayay isugu tageen oo ka horeeyay wax ka soo baxayna majirto. holhol.net
  16. Originally posted by NGONGE: ^^ waa baabuur (Motor Car) iyo diyaarad isko jira. Biyaaradaha Ma buhoodle ba lugu sameya Ma made in Buhoodle ba
  17. Alien shirki boocame 1 maxa ka danbeye boocame 2 ba ka danbeyse boocame 3 maxa ka danbeye Puntland ba ka danbeyse puntland waxa ka danbeysey shirki boocame 4 2007 maxa ka danbeye shirki boocame 4 , waxa ka danbeye Shirki Horseed . Shirki horseed na waxa ka danbeye Shirki qusuusi. I wonder qusuusii waxa ka danbeyn doona. Shir kama dhamadan Nimanka Shir shoore ba hore loo yidhi
  18. Originally posted by Alien13: Impressive work by ordinary people with the help from none other than themselves. Gacmo wada jir bay wax ku qabtaa.. Boohuudle(Jidbaale.com):-Wafti balaadhan oo isugu jira qurba jog iyo cuqaal ayaa manta soo booqday dhismaha garoonka biyaaradaha ee magaalada buuhoodle. inadeer biyaaradahu wamaxay
  19. Garoodi dadka koonfurianska calankooda haka cayin wa koodi. wa gardaro taasi iyagu qiimo la leeyahay inagu mid beynu leenahay laakin ixtraamku inu meesha kabaxo maha.
  20. These Thugs will be taken care off we took a dozen of them to Caynabo prison