Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,390
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. i see puntland is once again frustrated by the recent karbash of Galckayo.
  2. Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1961-kii Qaybtii 2'aad Written by Qarannews Dec 29, 2009 at 06:48 AM Inkastoo aynu ka soo sheekaynay ujeedada iyo darreenka dhabta ah ee uu ka turjumayey inqilaabku, hadana waxa dad badani isweydiinayaan ilaa xadka ay le'ekayd dhibaatada keliftay in kooxdaasi ku dhaqaaqdo hawlgalka, maadaama waqtigii markaa laga joogay Midnimaddii dhex martay Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya uu aad u yaraa. Haseyeeshee, Wasiir Cawil oo aanu arrintaa wax ka weydiinay, waxa uu sheegay in haba yaraatee aanu jirin damac siyaasadeed oo kooxdooda ka hayey hoggaanka dalka, balse uu damiirkoodu siin waayey inay u dulqaataan damac siyaasadeedka indhaha la'aanta ah ee hoggaamiyeyaashii Koonfurta Soomaaliya kula kaceen siyaasiyiintii Somaliland. Weli waxa aynu ku gudo jirnaa qormadeenii aynu kaga hadlaynay curashada hindisaha Inqilaabkii dhicisoobay ee Somaliland ka dhacay 1961-dii. Haddabaa, markii kooxdii saraakiisha ahayd ay isla oggolaadeen fulinta inqilaabka, waxa kale, oo ay si wada jir ah uga munaaqishoodeen waqtiag iyo goorta uu munaasib ku yahay hirgelintiisu, rog-rog fara badan ka dib-na waxa ay isla qaateen in hawlgalkaas dhaqaajintiisu ay ku haboon tahay 10th December 1962-dii, waqtigaasoo ku beegnaa Sannad ka dib markii Midowgu dhex maray Labadii Gobol ee Soamliland iyo Koonfurta Soomaaliya. Haddabaa, markii halkaa xaalku marayey, ayaa sida uu Wargeyska Yool u xaqiijiyey Md. Xuseen Cali Du'caale (Cawil), waxa ay xubnihii Saraakiisha ahaa dareemeen dhaqdhaqaaqyo faro badan, kuwaasoo badankoodu iftiiminayeen inay suurto gal tahay in si dhib yar looga war helo qorshahooda inqilaabka. Tusaale, ahaan waxyaabaha ugu waa weyn ee kooxdaa Saraakiisha ahayd ay ka dideen, waxa ka mid ahaa: Xidhiidhkooda dhinaca isgaadhsiinta oo ahaa mid aad u liitey, maxaa yeelay, waxa waqtigaa dalka laga isticimaali jirey AARTII, kaasna, waxa ku hadalkiisa awood u lahaa Kornaylka oo keliya. Sidaa darteed-na xubnaha Saraakiisha ah ma uu jirin mid qudha oo gaadhay derejada Kornaylka. Xasan Faarax (Xasan Fidhato) oo markii hore ka mid ahaa Saraakiisha ku heshiisay qorshaha inqilaabka. Haseyeeshee markii dambe ka cudur-daartay ka qayb qaadashada hawlgalka inqilaabka. Arimahaasoo dhammaantood noqday kuwa dareeno shaki leh ku abuuray intii kale ee xubnihii Saraakiisha ahaa. Waxa kle oo iayduna xusid mudan goobaha ay kala joogeen oo aad u kal foggaa. Tusaale ahaan haddii aynu wax ka iftiimino goobihii ay ay waqtigaa ku kala sugnaayeen Sagaalka Sarkaaal iyo mid walba cidii xukumi jirtay, waxa ay ahayd sidan: 1. Xasan Cabdule Walan-walan (Xasan Kayd), Cabdilaahi Siciid Caabi, Siciid Cali Giir iyo Xuseen Cali Du'caale (Cawil), waxa intoodaasi joogtay Magaalada Hargeysa, waxaana qaybtooda Kornayl ka ahaa Cornal Cismaan Sabriye oo ahaa ****** Xawaadle. 2. Maxamed Cabdulaahi (Muxumed Awr), waxa uu joogay Goraya-cawl, halkaasoo uu Kornayl ka ahaa Cornal Nuur Cadow oo ahaa ****** Xawaadle. 3. Cabdulaahi Aadan Koongo iyo Faysal X. Jaamac, oo iyaguna joogeen Magaalada Burco, waxa Kornal u ahaa qaybtooda Cornal Cabdilaahi Yuusuf ********** *******. Taliyah Guud ee Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliya, waxa waqtigaa ahaa Maxamed Caynaanshe, oo isaguna dhalasho ahaan ka soo jeedey H.Y - Isq, balse ku kacaamay waxna ku baratay Koonfurta Soomaaliya. Kala soco Caddadka Dambe wargayska Yool http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=6843&Itemid=62
  3. Garoodi thanks for explaining where Garoodi starts from.
  4. dude ^^^^ Midhisho District is run by SNM - X.Turwaa mandem iis ilaali.
  5. ^^^ wrong infact Erigavo- Region has 1 of the highest rain annual fall in somaliland. and Erigavo district has many farms such as Midhiso , Kulmiye , Midish, Xamas, Cabaydh , Karin Turwaa those areas etc. Erigavo has more Annual Rainfall then Hargeysa region or burco. the whole sanaag region specially the North is very blessed mashallah.
  6. Illahay uu Naxaristo oo janada fardowsa ka warabiyo amiin.
  7. The Zack , Somaliland is for Somalilanders end of discussion.
  8. dude it's the same with israel any jewish wherever they are qualify as israeli citizens. also non somaliland people can regain somaliland citizenship if they abide by the laws of the country 5 - 8 years, so it means somaliland is also open to others who are looking for somaliland citizenship.
  9. Somalilander ( meaning anybody who's ancestral roots are from former british somaliland ( present day somaliland) be it any tribe.
  10. Originally posted by The Zack: So if this Gaaroodi guy's tuulo is in Western Somalia why does he always claim he is a Somalilander? Yaabkaa yaabiiisa. the Hawd somalilanders qualify as somalilanders, Dual Citizenships.
  11. Jibreel, nobody can deny this ONLF can be troublemakers attacking innocent civilians like the recent gabbel incident.
  12. Gaaroodi sxb does every residents of k5 have weapon's horta? i think it's important they have weapons to protect themself's from intruders such as the Nabad-diid folks.
  13. Great , glad to see Garoodi warriors fighting back.
  14. Cowke, this is the darawish soldier's in action.
  15. Luis, i though Snet was the place of xperts? didn't they answered for you the questions you were looking for?
  16. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Cowke doesn’t care about galkacyo two He is from the kings of boosaaso Cowke King kong of bosaso.
  17. i didn't deny that i posted more then 1 topic? but they were not the exact topic, laakinse haadad sii qalaad ah uu qadatay wayahay ee marka Xaal Qaado i won't tell the "SNM" thug's about your latest skirmish in Galckayo next time if it makes you sleep better at night.
  18. sxb the topic about burco is already posted, so what purpose would it do if i posted the exact same topic? get real. dee anigu i post varied topic's and it's only today that i posted about puntland inta kale oo dhaan mostly i post it about somaliland. now act like a big boy and stop weeping about some post- latest news , i didn't cause the clashes in Galckayo.
  19. Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Casho-Sharefeed U Sameeyey Weftigii Uu Hogaaminayey Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya 25 Dec 2009 Hargeysa (OWN)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md Xuseen Cali [Ambassador Cawil], ayaa xalay casho sharef ugu sameeyey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa weftigii ka socday baarlamaanka dalka Kenya ee todobaadkan booqashada ku jooga Somaliland. Sii Akhri http://oodweynenews.com/display_page.php?articleid=13236
  20. looool things never change for puntland alway's having nightmares about "SNM" Thug's.
  21. Originally posted by ThankfulSP: quote:Originally posted by Ducaysane_87: Juma-nne walal ciid ku faraxsan arintaan ma jirto we are just reporting the news just like mogadishu, Bosaso , Hargeysa news is reported everyday by others or the galckayo issue has double standards miyaa? there is nothing special about Galckayo is daji marka, it's just like the same other cities Mogadishu , bosaso , Hargeysa , Burco. so please next time do not attack the messengers who post's the latest news about backhome. AUN to the dead about. Your the one with the double standard, Because when we show an article from nwsomalia.org that talks about problems in Burco, you completely dismiss it and say thay they have a hidden agenda. You want to believe all news that comes out of Puntland but you don't believe all the news coming out of NW Somalia, even from sources from within the region. You are a bias messanger! Give it up! sxb i only dismissed the news from somaliland.org because i have been familiar with that website for longtime and they mostly report misleading things laakinse i double checked on a reliable websites such as Hadhwanaagnews , Ramaasnews then found it was true marka i took back my doubt's. it's the same with puntland everybody has websites they trust and websites they don't trust. miida labad nobody is forcing you to accept this news you can simply dismiss it if you have doubt's about the reliability of the source and news , marka caadi iska dhiig ee buufiska iska saar.
  22. Juma-nne walal ciid ku faraxsan arintaan ma jirto we are just reporting the news just like mogadishu, Bosaso , Hargeysa news is reported everyday by others or the galckayo issue has double standards miyaa? there is nothing special about Galckayo is daji marka, it's just like the same other cities Mogadishu , bosaso , Hargeysa , Burco. so please next time do not attack the messengers who post's the latest news about backhome. AUN to the dead about.
  23. Juma-nne walal ciid ku faraxsan arintaan ma jirto we are just reporting the news just like mogadishu, bosaso , hargeysa news is reported everyday by others or the galckayo issue has double standards miyaa? there is nothing special about Galckayo is daji marka, it's just like the same other cities Mogadishu , bosaso , Hargeysa , Burco. so please next time do not attack the messengers who post's the latest news about backhome.
  24. Qormaddan ‘Xogta Dedan iyo Tibaaxda Wargeyska' Waa qormo toddobaadle oo sida ku xusan Ciwaankeeda uu Wargeyska Yool ku soo ban-dhiggo xogaha bulshada ka qarsoon ee ku saabsan dhacdooyinkii iyo taariikhiihii hore, kuwii dhexe iyo kuwa waqtigan la joogo ee ku taxaluqa Somaliland, ha noqdaan kuwo ka dhacay dalka gudihiisa ama debadiisa intaba. Sidaas darteed, Toddobaadkan waxaanu qormadan ‘Xogta Deddan iyo Tibaaxda Wargeyska' akhristeyaashayada ugu soo gudbin doonaa xoggo ku taxaluqda hawl-galka Inqilaabkii dhicisoobay ee 10 Dec. 1961-kii, ka dhacay Somaliland, waqtigaasoo laga joogey midowgii dhex-maray Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii Talyaanigu Gumeysan jirey (1.July.1960) muddo dhan Shan Bilood iyo 4 Maalmood oo u dhiganta 188 Maalmood. Hawl-galka Inqilaabkaas waxa ku dhaqaaqay Saraakiil dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland oo ka mid ahaa da'yartii ugu horeysay ee wax ku soo baratay Kulliyadaha Miletariga ee waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Kuliyadda caan ka ah ee dalka Ingiriiska (Sandhurst), waxanay si geesinimo leh ugu dhaqaaqeen hawl-gal ay ku doonayeen in ay Inqilaab ku qabsadaan hoggaanka dalka, ka dib markii ay ku qanceen in uu yahay jidka keliya ee lagu soo celin karo Dawlad-nimadii luntay ee Somaliland. Haddaba, Wargeyska Yool waxa uu akhristayaashiisa ugu bushaaraynaynaa inuu si taxane ugu soo gudbin doono Xoggaha ku saabsan dhacdadii Inqilaabkaas oo Tifaftiran. Hindisihii Inqilaabka:- Hindisaha hawl-galka Inqilaabka oo sida ku suntan ay iska lahaayeen Saraakiil tiradoodu gaadhayso Toban (10) Sarkaal, kuwaasoo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, kana mid aha da'-yartii wax u soo baratay Dalkooga iyo Dadkooga, waxa uu tilmaan u ahaa saluuggii ay ka tirsanayeen Aqoonyahankii iyo Wax-garadkii Somaliland midowgii indho-la'aanta ahaa ee sida bilaa shuruuda ah ay xornimadoodii ugu wareejiyeen 1.July.1960-kii Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gumeysan jirey, oo iyagu waqtigaa midnimada ka hor uu Talyaanigu siiyey Toban Sannadood oo xukun hoosaad ah, muddadaas oo uu u asteeyey in uu ku barro maamulka iyo xukunka dawliga ah. Haddaba, iyada oo uu sidaa u kala horeeyey Garaadka siyaasiyiintii Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland, ayaa taasi waxay sababtay in siyaasiyiintii uu hormoodka ka ahaa Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal iyo xubnihii Baarlamaanka Somaliland ee waqtigaa oo tiradoodu dhameyd 33 Mudane, waxa ay faro madhan iska taageen gebi ahaanba haykalkii Dawladeed ee waqtigaa loo yagleelay wixii la odhan jirey Jamhuuriyaddii Soomaaliya, ka dib markii ay waxba ka waayeen jaggooyinkii muhiimka ahaa ee Dawladii la dhisay- sida:- Madaxweyne, Ra'iisal Wasaare, Wasiiradii Khaarajiga, Difaaca iyo Saraakiishii sar sare Ciidamada, halka 33 Xildhibaan ay ku dhex hafteen xubnihii Baarlamankii waqtigaa ugu jirey Soomaali inteedii kale. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa- ‘Rag tallo kama dhamaato'e' waxaa taa barbar socday walaaca iyo saluuggii ay siyaasiyiintii Somaliland ka qabeen xukun-dawlad-deedkoodii ay hadyada u bixiyeen. Haddaba fikradii ka dhashay guul-daradii siyaasadeed ee shacbiga Somaliland ka soo wajahday midowgii habowga ahaa waxa kow ka ahaa tallaabada isku daygii Geesi-nimada lahaa ee ay ku kaceen kooxdaa Saraakiisha ah, kuwaasoo ka hor intii aanay ku dhaqaaqin hindisaha hawl-galka sida uu Wargeyska Yool u xaqiijiyey Md. Xuseen Cali Ducaale (Amd.Cali) oo ka mid ahaa Saraakiishii hoggaaminaysay hawl-galkaas, hadana ah Wasiirka Maaliyadda ee Somaliland, waxa ay is-tusaaleeyeen laba arrimood, kuwaasoo ay is-dooran siiyeen inay kala xushaan midda ku habboon inay qaataan. Labaad arrimood kala ahaa:- Ma Nafaheena ayeynu u shaqeysanaa Nin-ba meel uu ka gaadho Mise Guusha illaahay baa hayee fursadaa aynu Maanta haysano ayeynu ummadda ugu soo dhicinaa Dawlad-nimadooda. Ka dib rog-rog iyo fallaaan-qeyn, waxa ay xubnihii Saraakiisha ahaa isku raaceen in ay qaataan masalada labaad, iyaga oo markaa maanka ku hayey in ay fursadaa ka faa'idaystaan ka hor inta aanay dhicin in loo kala bedello gobollada Koonfurta. Waxanay xubnaha Saraakiishu ay go'aansadeen in qorshaha hawl-galka inqilaabka si deg-deg ah loo gallo. Ka hor Inta aynaan u sii gunddo-gelin mawduucan, waxa xusid mudan in aynu is-dul-taagno Magacyada iyo Derajada Saraakiisii hawl-galkaa hoggaaminayey ama ka qayb qaatay, oo kala ahaa:- Xasan Cabdulle Walan-walan (Xasan-Kayd) Laba Xidigle / M.Carre H/Yoonis Maxamuud Cabdillaahi (Maxamuud-Awr) Laba Xidigle / M. Cabdale H/Y Cabdillaahi Aadan (Cabdillaahi-Koongo) Laba Xidigle / Isxaaq H/Y Xuseen Cali Ducaale (Cawil) Xidigle / M. Care H/Y Cabdillaahi Siciid Caabi Xidigle / C.M H/A Siciid Cali Giir Xidigle / Dh. Maxamed Maxamuud Siciid (B.Dixle) Xidigle / Reer Axmed H/A Daa'uud Cali Yaxye Xidigle / Carabtii Reer Boorama Maxamed Cabdiraxmaan (Cabdiraxmaan Lugooyo) Xidigle / C.M H/A 10. Faysal Xaaji Jaamac Sharci Yaqaan / M. Care H/Y 11. Xasan Faarax Bulaale (Xasan Fidhato) Xidigle / C.M H/A Inkastoo aynu ka soo sheekaynay ujeedada iyo dareenka dhabta ah ee uu ka turjumayey inqilaabku, hadana waxa dad badani isweydiinayaan ilaa xad dhibaatada keliftay in kooxdaasi ku dhaqaaqdo hawlgalkaas, maadaama waqtigii markaa laga joogay Midnimaddii dhex martay Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya uu aad u yaraa. Haseyeeshee, Wasiir Cawil oo aanu arrintaa wax ka weydiinay, waxa uu sheegay in haba yaraatee aanu jirin damac siyaasadeed oo kooxdooda ka hayey hoggaanka dalka, balse uu damiirkoodu siin waayey inay u dulqaataan damac siyaasadeedkii indhaha la'aa ee hoggaamiyeyaashii Koonfurta Soomaaliya kula kaceen siyaasiyiintii Somaliland. La soco Caddadka Dambe. Source Wargayska Yoolka http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=6800&Itemid=62