-
Content Count
214,707 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi oo ku aadan xaaladda guud ee dalka, amniga iyo wadada-hadallada la filayo inay u bilowdaan Xukuumadda iyo Golaha Mustaqbalka. Sidoo kale kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa lagu soo qaaday howlgallada ciidamada, iyada oo lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay khawaarijta ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen. Sidoo kale, intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Dhanka kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin mucaaradka, Jubaland iyo Puntland. Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, iyada oo bayaanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirweynahaas uu Muqdisho ka furmi doono 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa talo soo-jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxay casuumaad rasmi ah u fidinaysaa Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, isla markaana ka dhalatay isfaham-waaga ka taagan hannaanka doorashooyinka, waxaana sidoo kale usii dheer arrinta midnimada iyo abaaro ka jira waddanka. The post Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirrada? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Isafgaradka Badweynta Hindiya (Indian Ocean Memorandum of Understanding – IOMOU), oo ah heshiis caalami ah oo diiradda saara kormeerka maraakiibta, badqabka gaadiidka badda, iyo ilaalinta deegaanka badaha. Tallaabadan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo kor u qaadaysa awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyahaheeda iyo dekedaheeda, ayadoo sidoo kale Soomaaliya ay fursad u heli doonto hubinta badqabka gaadiidka badda. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in ku biirista isafgaradkan ay Soomaaliya u suuragelinayso inay si buuxda uga qayb qaadato nidaamka Port State Control, kaas oo ujeeddadiisu tahay hubinta in maraakiibta shisheeye ee dekedaha soo gasha ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah ee badqabka, shaqaalaha badda iyo ilaalinta deegaanka. Wasaaraddu waxay sheegtay in heshiiskani uu si gaar ah muhiim ugu yahay yareynta khataraha shilalka badda, ka hortagga wasakhowga, iyo xoojinta badbaadada maraakiibta taya-darran. Sidoo kale, wuxuu gacan ka geysanayaa ilaalinta xeebaheeda, khayraadka badda iyo kalluumeysiga, kuwaas oo ah laf-dhabarta nolosha iyo dhaqaalaha bulshooyin badan oo Soomaaliyeed. Iyadoo la raacayo isafgaradkan, Soomaaliya waxay xaqiijin doontaa u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ee ay ka mid yihiin SOLAS, MARPOL, STCW iyo MLC 2006, kuwaas oo damaanad qaadaya badqabka maraakiibta, ka hortagga wasakhowga, tayada tababarka badmaaxyada, iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha badda. Sidoo kale, ku biirista IOMOU waxay Soomaaliya u fureysaa fursado ay ku heli karto tababarro, khibrad iyo iskaashi caalami ah, taas oo sare u qaadaysa awoodda hay’adaha dalka ee kormeerka iyo maareynta gaadiidka badda. Dowladda ayaa sheegtay in natiijada laga filayo ay tahay bad ammaan ah, dekedo lagu kalsoonaan karo, iyo koboc dhaqaale oo ka dhasha horumarinta gaadiidka badda. Si kasta ha ha ahaatee ku biirista Soomaaliya ee Isafgaradka Badweynta Hindiya ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa doorka dalka ee ganacsiga badda gobolka, isla markaana ka tarjumaysa dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta mas’uuliyadda caalamiga ah ee badaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka. Source: goobjoog.com
-
Davos (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) oo haatan ku sugan magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo wiilka madaxweynaha Mareykanka Eric Trump, oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah. Kulanka Cirro iyo Isaac Herzog ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka u bilaabmay Tel Aviv iyo Hargeysa iyo sidii loo dhameysitiri lahaa heshiisyada ay gaareen labada dhinac. Cabdiraxmaan Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa ka hadlay kulanka, wuxuuna sheegay in diiradda lagu saaray arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dhinac iyo aqoonsiga Somaliland, kaas oo Israa’iil ay ku dhawaaqday dhammaadka sanadkii hore. “Waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha Dawladda Israel, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israel” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha Somaliland. Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in kulankan ay goobjoog ahaayeen hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka socda dalalka caalamka, isla markaana uu ka mid yahay wiilka madaxweynaha Mareykanka, Eric Trump “Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu mar kale yiri. Dhankiisa Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa bartiisa Twitter (X) ku baahiyey sawirrada kulanka dhex-maray isaga iyo Cabdiraxmaan Cirro, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka madaxweynaha Somaliland, isaga oo rajeeyay in ay sii socon doonto wada shaqeyntooda, si looga mira dhaliyo dadaallada socda ee labada dhinac. “Waan ku faraxsanahay in aan Davos kula kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro. Aad ayaan ugu faraxsanahay xidhiidhka labada dal, waxaana rajaynayaa in aanu ka wada shaqayn doono sidii loo sii adkayn lahaa,” ayuu yiri madaxweyne Isaac Herzog. Si kastaba, Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Cirro la yeesho madaxweynaha Israa’iil, tan iyo markii lagu dhawaaqay aqoonsiga oo ay wada saxiixeen isaga iyo Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu. The post Cabdiraxmaan Cirro oo la kulmay madaxweynaha Israel iyo wiilka Trump + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Maraykanka. Hadal qoraal ah oo uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay madaxweyne Cirro ayuu ku yiri “waxa aan xalay kulan casho-sharaf ah ku wada-qaadannay Davos- Shirka Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum), Madaxweynaha dawladda Israa’iil, Mudane Isaac Herzog. Kulanka waxa aan diiradda ku saarnay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Israa’iil”. “Kulanka waxa sida oo kale ka soo qayb-galay siyaasiyiin culus iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo ka kala socday dhammaan daafaha dunida, iyo shakhsiyaad saameyn ballaadhan ku leh masraxa caalamiga ah, oo uu ka mid ahaa Eric Trump, wiilka Madaxweynaha Maraykanka” ayuu raaciyay. Madaxweynaha Somaliland ayaa tan iyo shalay la hadal hayay halka uu ku sugan yahay, iyadoo sawir uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga uu hadal hayn badan dhaliyay. PUNTLAND POST
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa looga hadlay amniga dalka, howlgallada socda ee ay wadaan Ciidamada Qaranka, iyo gogosha wadahadal ee ay u fidisay Xukuumadda DanQaran dhinacyada siyaasadda. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa lagu bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca iyo ilaalinta shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay Shabaab ku jabiyey deegaanka Kudhaa, oo ay argagixisadu isku dayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaannadaasi, balse Ciidamada Qaranka ay ka difaaceen weerarkii naf la caariga ahaa ee ay soo qaadeen. Kulanka Golaha ayaa intii uu socday, waxaa lagu ansixiyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya maamullada dekadaha (PSC) ee gobolka Badweynta Hindiya, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS, iyo Siyaasadda Boostada Soomaaliyeed ee 2025–2030, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Sidoo kale, Golaha waxaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan Siyaasadda Maareynta Wax-qabadka Isku-dhafan ee hey’adaha dowladda iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda ee ay Xukuumadda DanQaran ku dhawaaqday. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa dhiggiisa Israel kula kulmay magaalada Davos ee waddanka Switzerland halkaas oo uu ka socdo shirka dhaqaalaha Adduunku. Labada madaxweyne ayaa ka wadahadlay arrimaha xidhiidhka labada waddan iyo hawlaha socda. Madaxweynaha Israa’iil oo kulanka warbixin kooban ka bixiyay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kulanka madaxweyne Cirro, isagoo intaasi sii raaciyay in labada shacaba ka faa’iidaysan doonaan xidhiidhka labada waddan. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka mar kale uu dagaal qaraar ka dhacay deegaanka Kudhaa, halkaas oo ay shalay soo galeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ayaa dib u weeraray deegaanka, waxaana saacado kadib ay ka saareen maleeshiyaadka argagixisada ee shalay qabsaday halkaasi. Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamada ay dib u qabsadeen deegaanka, ayna ka xoreeyeen kooxda Al-Shabaab. “Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo si rasmi ah hadda gacanta ugu dhigay magaalo xeebeedka Kudhaa ee degmada Badhaadhe. Ciidanka ayaa saaka magalada dhowr jiho ka weeraray halkaas oo maleshiyada Khawaarijta ku sugnaayeen 24 sac wax kayar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Waxaa kale oo ay ciidanka nolosha ku qabteen xubno Shabaab ahoo dagaalka qayb ka ahaa, kuwaas oo waayey meel u baxsadaan, sida lagu sheegay qoraalka. “Waxay ciidanka gacanta ku dhigeen qaybo kamid ah maleeshiyada oo waayey meel ka baxsadaan, kadibna ciidamada isku dhiibay” ayaa lasii raaciyay. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guusha Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaalka adag ee ay Al-Shabaab kula galeen deegaanka Kudhaa, isaga oo hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyeyaasha ee jilibka u dhigay maleeshiyaadka weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada. “Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay. Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. The post Ciidanka Jubaland iyo kuwa Danab oo dib u qabsaday deegaanka Kudhaa + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Jubaland ayaa goordhaweyd sheegtay in iyada oo kaashanaysa ciidamada Danab ay dib u qabsatay jasiirada Kudhaa oo 24 saac ee lasoo dhaafay gacanteeda ka maqnayd. Jubaland waxay tilmaantay in ay hayso xubno ka tirsan Al-shabaab oo isu soo dhiibay, kadib markii ay waayeen meel ay ka baxaan, sida ay hadalka u dhigtay. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada maamulka Jubaland, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas. Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo, waa deegaan muhiim ah oo wixii ka horreeyay 2014-kii ay Al-shabaab u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda. PUNTLAND POST
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2026/01/1c525432568af0dd964386914258c797.mp4 Qaran News
-
Soomaaliya iyo Qatar ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sare u qaadidda iskaashiga hay’adaha amniga ee dowladahan walaalaha ah, islamarkaana ka wada tirsan ururka Jaamacadda Carabta. Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani. Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal, iyo horumarinta hababka wada shaqayneed ee dhinacyada la xiriira. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya dowladdaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Source: goobjoog.com
-
Booliska Kenya ayaa xiray koox dhalinyaro Soomaali ah oo caan ka ah barta TikTok, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhibaato iyo cagajugleyn u geysteen dadka isticmaala waddooyinka magaalada Nairobi. Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay dadka lugaynaya iyo kuwa baabuurta wata ku dhibayeen waddada General Wariungi ee xaafadda Kariokor, iyagoo ka duubayay muuqaallo ay u isticmaali jireen baraha bulshada. Booliska saldhigga Pangani oo fuliyay xarigga ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qaadeen ka dib markii ay soo bateen cabashooyinka dadweynaha ee ku aaddan hab-dhaqanka kooxdan. Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay sameyn jireen ficillo ay ka mid yihiin inay dadka si lama filaan ah ugu soo boodaan, iyagoo mararka qaar dumar iska dhigaya ama xiran dhar layaab leh, si ay uga naxiyaan dadweynaha. Muuqaalladaas ayay markii dambe u isticmaali jireen inay ku raadsadaan caannimo iyo “likes” barta TikTok, balse taasi waxay dhalisay cadho weyn iyo walaac xagga amniga ah oo ka dhashay dadweynaha ku nool Nairobi oo dareemay in kooxdan ay halis ku yihiin nabadgelyada guud. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dhalinyaradan hadda lagu hayo xarunta baaritaanka, iyadoo la baarayo ujeeddada dhabta ah ee ka dambeysay ficilladooda iyo haddii ay jiraan kooxo kale oo ku lug leh. Booliska ayaa sidoo kale uga digay dhalinyarada kale ee isticmaala baraha bulshada inay iska ilaaliyaan falalka liddiga ku ah sharciga iyo anshaxa guud, iyadoo la filayo in kooxdan la horgeeyo cadaaladda marka uu baaritaanku soo dhammaado. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo qoraal soo saaray ayaa ka hadlay guushii shalay Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab ay kasoo hooyeen dagaal ay Al-Shabaab kula galeen magaalada xeebeedka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose. Xamza ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray ciidanka geesiyeyaasha ee jilibka uu dhigay maleeshiyaadka soo weeraray magaaladaasi oo istaraatiiji ah, muddo dheerna laga difaacayay argagixisada. “Waxaan boggaadinayaa sida aad weli baacsiga iyo sifeynta uga wadaan deegaannadii dirirtu ka dhacday” ayuu qoraalka ku yiri Ra’iisul wasaaruhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in iska caabinta ay muujisay geesinimada ciidanka iyo inay ka feejignaayeen khatarta cadowga, sidaasna looga hortegay. Waxaa kale oo uu tacsi u diray askartii ku geeriyootay dagaalka, isaga oo kuwa dhaawac ah u rajeeyay caafimaad deg-deg ah, loona fidin doono gurmad deg-deg ah. Weerarka fashilmay ayay Al-Shabaab u adeegsadeen qaraxyo, waxaase fashiliyay Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo xitaa gubay gaadiid ay lahayd kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland. “Saddex gaari oo labo kamid ah ay saarnaayeen qoryaha suuga loo yaqaano ayay ciidamadu ka gubeen Khawaariijta, iyadoo sidoo kale khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu cadowga kasoo gaaray dagaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland. Xaaladda Kudhaa ayaa maanta deggan, waxaana ka socda howlgallo amni xaqiijin ah oo lagu baacsanayo firxadka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. The post Muxuu Xamza ka yiri guusha ciidanka Jubbaland iyo kuwa Danab? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) — Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inaanu fileyn in go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay gobolkan gooni u goosadk ah uu si degdeg ah u dhalin doono guulo diblomaasiyadeed oo is-daba-joog ah, isagoo qoray: “Waan ognahay in aqoonsi caalami ah oo baahsan aanu habeen qura ku imaanayn.” Maqaal aragtiyeed uu ku daabacay wargeyska The Wall Street Journal, ayuu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ku soo dhaweeyey aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland 26-kii December. Wuxuuna ku dooday in tallaabadani ay noqon karto “Dhiirrigeliye” ama tallaabadii koowaad ee ay qaadaan dalal kale oo uu sheegay inay muddo dheer u dabacsanaayeen qadiyadda Somaliland. Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee si rasmi ah Somaliland ugu aqoonsada dal madax-bannaan 26-kii December, 2025. Go’aankaas waxaa si kulul u cambaareysay Soomaaliya oo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda, iyadoo sheegtay inay kaga hortagi doonto waddo kasta oo diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ah. Maqaalkiisa, Madaxweyne Cabdullaahi wuxuu ku sifeeyey aqoonsiga Israa’iil mid ku qotoma taariikh la wadaago iyo dano amni. Wuxuu dib u xasuusiyey wixii uu ku tilmaamay xasuuqii uu geystay kaligii-taliyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre, dhammaadkii 1980-yadii, isagoo soo qaatay odhaah uu sheegay in ciidamada dhexdooda lagu faafin jiray oo ahayd: “Wada dila tuke mooyee.” Hoggaamiyaha Somaliland ayaa qoray in in ka badan 200,000 oo shacab ah la dilay, inta badan magaalada Hargeysana la burburiyey, taas oo boqolaal kun oo qof ku qasabtay inay u qaxaan Itoobiya. Cirro ayaa sheegay in Israa’iil ay ahayd cidda “Qeylo-dhaanta dirtay” ee Qaramada Midoobay ku wargelisay arrintan sanadkii 1990-kii. Wuxuu intaas ku daray in labada dhinac ay wadaagaan fahamka “Aayo-ka-tashiga iyo sharciyadda caalamiga ah.” Sidoo kale, wuxuu daliishaday xilligii ay Somaliland qaadatay madax-bannaanida 1960-kii ka hor intii aysan la midoobin Koonfurta Soomaaliya, taas oo uu u adeegsaday qayb ka mid ah dooddiisa dowladnimo. Wuxuu Somaliland — oo ah maamul aan la aqoonsaneyn oo ku dhawaaqay inuu ka go’ay Soomaaliya 1991 — ku tilmaamay saaxiib degan oo ku yaalla marin istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, isagoo xusay xeebteeda iyo u dhowaanshaha marinnada maraakiibta muhiimka ah. Wuxuu xaaladdaas barbardhigay dagaalka dheer ee Soomaaliya ay kula jirto kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, halka uu iftiimiyey xasilloonida Somaliland iyo ciidankeeda ilaalada xeebaha oo ay tababartay UK, kuwaas oo uu sheegay inay biyahooda ka ilaaliyaan burcad-badeedda. Hoggaamiyaha Somaliland wuxuu sidoo kale xoogga saaray doodo dhaqaale oo lagu xoojinayo xiriirka, isagoo tusaale u soo qaatay maalgashiga $442 milyan ah ee shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai ay ku casriyeynayso Dekedda Berbera. Wuxuuna sheegay in iskaashiga ganacsi iyo khibradda farsamo ee Israa’iil ay sare u qaadi karaan horumarka beeraha, tiknoolajiyadda, iyo adeegyada badda. Cirro wuxuu qoray in tallaabada Israa’iil ay xoojinayso dadaalka Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqbalaad caalami ah oo ballaaran. Wuxuu farta ku fiiqay xiriirka ay la leeyihiin Taiwan iyo warbixintii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika sanadkii 2005, taas oo sheegtay in kiiska Somaliland lagu qiimeeyo asal taariikhi ah iyo mid damiir, halkii laga cabsan lahaa inuu tusaale u noqdo gobollo kale oo qaaradda ah. Isagoo ka hadlayay mustaqbalka, Cirro wuxuu sheegay in mid ka mid ah “daqiiqadaha ugu sharafta badan” ee madaxtinimadiisa ay noqon doonto furitaanka safaaraddii ugu horreysay ee rasmi ah oo Somaliland ku yeelato Israa’iil, inkastoo uu ku celiyey in aqoonsi ballaaran uu waqti qaadan doono. “Hase yeeshee, dalal badan oo Afrikaan ah iyo kuwa kaleba way la tiiraanyoonayeen qadiyadda… waxayna sugayeen cidda tallaabada qaadda,” ayuu qoray, isagoo raaciyey: “Hadda, Israa’iil ayaa qaaday tallaabadaas geesinimada leh. Waan ku kalsoonahay in kuwa kalena ay soo raaci doonaan.” The post Kadib Israa’iil, Cabdiraxmaan Cirro oo shaaciyey in uusan fileyn aqoonsi baahsan appeared first on Caasimada Online.
-
Dagaal xoogan ayaa saaka ka socda deegaanka jasiirada Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeya ciidamad Jubaland oo ay weheliyaan Danab iyo kooxdii Al-shabaab ee shalay qabsatay deegaankaas. Ciidamada Jubaland iyo kuwa Danab ayaa doonaya in ay dib ula wareegaan Kudhaa, waxayna ilaa shalay dagaal kula jireen kooxda Al-shabaab, iyaga oo taageeero dhanka cirka ah ka helaya ciidamada dowladda Kenya. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhacay halkaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo deegaankaas. Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo qiyaastiina u jirta 100 km, waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda. PUNTLAND POST
-
Soomaaliland ayaa dhowaan Aqoonsi muran dhaliyay ka heshay maamulka aan asaguba aqoonsiga sharciga ah haysan ee Israa’iil, waxaana haatan socda dhaqdhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo arrintaas looga hortagayo. Israa’iil dhankeeda waxay sheegtay inay aqoonsigaas meel mar ka dhigi doonto, si ay u xaqiijiso danaheeda istiraatiijiga ah ee gobolka Geeska Afrika, waxaana isha lagu wada hayaa kulan degdeg ah oo golaha ammaanku uu arrintaas ka yeelan doono, kaas oo ay Soomaaliya codsatay. Haddaba dhanka Soomaaliland waxaa ilaa haatan ka socda dabbaal-degyo lagu soo dhowaynayo aqoonsiga aan la hubin ee Israa’iil ay siisay maamulkaas ku dhowaad afartanka sano gooni-goosadkq ahaa. Haddaba si aad u saadaaliso halka uu ku dambeyn doono Aqoonsiga muranka dhaliyay ee Soomaaliland ay ka heshay xukuumadda Netanyahu waxaa muhiim ah inaad barbardhigto maamulladii hore u helay aqoonsiga noocaas ah, balse ugu dambeyn ku guuldarreysatay inay dalal madax-bannaan noqdaan. 1. Jamhuuriyadda Biafra (Nigeria) – 1967–1970 Biafra wuxuu ahaa maamul ay haysteen dadka ku nool Waqooyi Bari ee dakkq Nigeria, kaas oo ku dhawaaqday madax-bannaani kadib dagaal sokeeye, Waxaana aqoonsaday dalal kooban sida Gabon, Ivory Coast iyo Tanzania. Markii Nigeria ay dagaal maalmo dib u qabsatay dhulkaas, Biafra way burburtay, aqoonsiguna wuu dhammaaday, halkaas ayuuna ku xirnay baalkii taariikhdeedu. 2. Jamhuuriyadda Koonfurta Vietnam (South Vietnam) – 1955–1975 Jamhuuriyadda Koonfurta Vietnam Waxaa si buuxda u aqoonsanaa dalal badan oo reer Galbeed ah, balse Kadib guushii Vietnam-ta Waqooyi sanadkii 1975-tii dowladdaasi way dhacday, aqoonsiguna wuu baaba’ay, Vietnam ayaana dib u midowday. 3. Manchukuo (Manchuria) – 1932–1945 Manchukuo waxay ahayd maamul la dhisnaa 1932–1945 kuna taallay Manchuria oo ka tirsan waqooyi-bari ee dalka Shiinaha, waxaana si weyn loogu aqoonsaday inay ahayd dowlad magac-u-yaal ah oo ay maamuleysay Japan. Waxaa aqoonsaday dalal kooban oo xulafo la ahaa Japan, balse dagaalkii Labaad ee Adduunka kadib, gebi ahaanba waa la diiday aqoonsigiisii, taas oo meesha ka saartay jiritaankii maamulkaas. 4. Jamhuuriyadda Koonfurta Afrika ee Apartheid-ka (Rhodesia/Zimbabwe Rhodesia) – 1965–1979 Waxay ku dhawaaqday madax-bannaani iyada oo aan oggolaansho ka haysan UK oo dhulkaas gumeysan jirtay, islamarkaana Aqoonsi caalami ah ma helin, wuxuuna maamulkaasi la kulmay go’doon caalami ah iyo cunaqabataynno lagu soo rogay, balse ugu dambeyn waxay isu beddeshay Zimbabwe oo la aqoonsaday. 5. Jamhuuriyadda Federaalka Yugoslavia (Serbia & Montenegro) – 1992–2006 Serbia iyo Montenegro waxay sheegteen inay dhaxleen boqortooyadii Yugoslavia ee hore, taas oo markii dambe u kala go’day 6 dowladood oo kala ah Serbia, Croatia, Slovenia, Bosnia & Herzegovina, Montenegro, North Macedonia. Aqoonsi buuxa ma helin bilowgii, taasina waxay ugu dambeyntii keentay inay kala tagaan, aqoonsigiina wuu dhammaaday. 6. Jamhuuriyadda Carabta ee Midowday (United Arab Republic) – 1958–1961 Jamhuuriyadda Carabta midowday waxay kala isku darkii Masar iyo Suuriya sanadkii 1958-dii, waxaana aqoonsaday beesha caalamka, balse wax ka yar sano ka dib waxaa go’iday Suuriya, dowladdiina way burburtay. 7. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Carabta Saxaraha Galbeed (Western Sahara) Waxaa sanadkii 1976-dii aqoonsaday in ka badan 40 dal iyo ururka midowga Afrika, balse aqoonsigaasi si buuxda ugama shaqeyn dhulka uu sheegato maamulka aaggaas ka jira ee gooni-goosadka Polisario, waaana deegaankaas intiisa badan sheegata boqortooyada Marooko. Haddaba Aqoonsiga hal dawladi ma aha dammaanad buuxda oo dal madax-bannaan lagu noqan karo, balse waxaa loo baahanyahay taageero sharci oo caalami ah, sabab lagu qanci karo oo ay laba dql ku kala go’i karaan, iyo aqbalaadda ururrada caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Washington (Caasimada Online) — Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $1 milyan, taas oo la siin doono ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado ama gacanta lagu soo dhigo dableydii ka dambeysay weerarkii lala beegsaday ciidamada iyo hantida Mareykanka ee Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya. Weerarka ayaa dhacay 4-tii September 2025. Yabooha xogta ayaa lagu shaaciyay barnaamijka dowladda Mareykanka ee loo yaqaanno Rewards for Justice, kaas oo shacabka ka dalbada gacan-siin ku aaddan baarista falalka argagixisada. Weerarkan, oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, ayaa loo adeegsaday gantaallo iyo hoobiyeyaal lagu weeraray fariisimaha ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afrikaanka ah ee ku sugan garoonka. Saraakiisha Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uusan geysan wax khasaare nafeed ah, isla markaana aanu waxyeello u geysan xarumaha Mareykanka. “Ma haysaa xog ku saabsan shakhsiyaadkii ku lugta lahaa weerarka?” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay barnaamijka oo lagu daabacay bogga dowladda Mareykanka. “Xogtaada waxay horseedi kartaa abaalmarin lacageed iyo suurta-galnimada in dib-u-dejin laguu sameeyo.” Garoonka Kismaayo ayaa fariisin u ah ciidamo Mareykan ah oo garab siinaya kuwa Soomaaliya iyo ciidamada Afrikaanka ah ee saaxiibada la ah. Mareykanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow garoonka, halkaas oo uu tababar iyo taageero ku siiyo ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, oo ay ku jiraan kumaandooska Danab, taas oo qayb ka ah dadaallada socda ee la-dagaalanka argagixisada. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer beegsatay xarumaha milatari iyo ciidamada caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya, iyadoo adeegsanaysa hubka fog laga soo rido sida hoobiyeyaasha iyo gantaallada. Weeraradan ayay ujeeddadoodu tahay inay ku tijaabiyaan difaaca ciidamada iyo inay muujiyaan inay weli awood u leeyihiin inay fuliyaan weerarro, inkastoo ay cadaadis kala kulmayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa xulafada la ah. Kooxdan ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay fulisay weerarro badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka deriska ah, kuwaas oo ay ku dhinteen kumanaan isugu jira rayid iyo ciidamo, oo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah. Mareykanka ayaa kooxdan weli u aqoonsan urur argagixiso oo shisheeye. Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya ayaa sii wada inay la-talin, tababar, iyo caawinaad u fidiyaan saaxiibada Soomaaliya iyo kuwa gobolka, si loo wiiqo awoodda Al-Shabaab loogana hortago weerarada ka dhanka ah shacabka iyo danaha caalamiga ah. Saraakiishu waxay ugu baaqeen cid kasta oo xog waxtar leh haysa inay la xiriiraan barnaamijka Rewards for Justice, iyagoo ku nuuxnuuxsaday in xogtaas loola dhaqmi doono si qarsoodi ah oo ammaan ah. The post Kooxdii garoonka Kismaayo ku weerartay ciidamada Mareykanka oo hal milyan… appeared first on Caasimada Online.
-
Lewiston (Caasimada Online) — Maamulka Madaxweyne Trump ayaa gobolka Maine ee waqooyiga bari Mareykanka ka daah-furay olole cusub oo dhanka socdaalka ah, kaasi oo qeyb ahaan lagu beegsanayo soo-galootiga Soomaalida ah. Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaa sheegtay in wakiilladoodu ay billaabeen xarigga dadka horraantii toddobaadkan, iyagoo ku tilmaamay howlgalka “sifeynta” mid lagu sugayo amniga guud, diiraddana lagu saarayo soo-galootiga leh diiwaanka dambiyada. Laba sarkaal oo Mareykan ah ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkani uu si gaar ah isha ugu hayo soo-galootiga Soomaalida ah, oo ay barbar socdaan dadyowga kale. Bayaan kasoo baxay DHS ayaa lagu xusay in maalintii koowaad ee howlgalka la xiray dad u dhashay dalalka Suudaan, Guatemala, iyo Itoobiya. Tallaabadan laga qaaday Maine ayaa calaamad u ah in istiraatiijiyadda Aqalka Cad ay u sii fideyso dhanka waqooyi, iyadoo maamulku uu cadaadis ku saarayo Laanta Socdaalka iyo Kastamada (ICE) inay kordhiyaan tirada dadka ay xirayaan guud ahaan dalka. Bilihii la soo dhaafay, saraakiisha federaalka ayaa sare u qaaday fulinta sharciga qeybo badan oo Mareykanka ah, iyadoo ay jirto cadaadis ah inay muujiyaan natiijooyin la taaban karo. Ciidamada ICE ee gobolka Maine ayaa howlgalkan ugu magac daray “Operation Catch of the Day” (Howlgalkii Ugaarsiga Maalinta). Sarkaal ka tirsan ICE ayaa telefishinka Fox News u sheegay in hay’aduhu ay aqoonsadeen illaa 1,400 oo qof oo ah “bartilmaameed” ku sugan gobolkaas. Warbixinta Fox News ayaa intaas ku dartay in saraakiisha ICE ay wateen koox wariyeyaal ah intii uu howlgalku socday, iyagoo sheegay inay mudnaanta siinayaan dadka leh taariikh dambiyeed. Telefishinka ayaa soo xigtay Patricia Hyde, oo ah agaasime ku-xigeen ka tirsan ICE, oo tiri: “Dadka la beegsanayo waxaa ku jira kuwa lagu eedeeyay ama lagu xukumay dambiyo u dhexeeya xadgudubyada galmada, ka ganacsiga daroogada, iyo kaxaynta gaadiidka iyadoo la sakhraansan yahay.” Afhayeenad u hadashay DHS, Tricia McLaughlin, ayaa tiri: “Wakiilladu waxay xireen shisheeye sharci-darro ah oo lagu xukumay weerar gacan-ka-hadal culus, afduub been-abuur ah, iyo halis-gelinta daryeelka carruurta.” Waxayna raacisay, “Inta ay joogaan Madaxweyne Trump iyo Xoghaye Noem, ma ogolaan doonno in dambiilayaal sharci-darro ah ay argagixiyaan muwaadiniinta Mareykanka.” Howlgalkan ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray bulshooyinka soo-galootiga ah ee Maine, oo ah gobol u badan dhulka miyiga ah, lehna dad da’ ah. Gobolka inkastoo aanu lahayn dad badan oo sharci la’aan ah, haddana wuxuu hoy u yahay qaxooti iyo magangalyo-doon rasmi ah oo ku nool magaalooyinka Portland iyo Lewiston. Magaalada Lewiston ayaa noqotay xudunta isbeddelka bulshada wixii ka dambeeyey markii qoysas Soomaali ah ay halkaas u guureen horraantii sanadkii 2000. Mas’uuliyiinta deegaanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ayaa sheegay in soo-galootigu ay gacan ka geysteen dib-u-nooleynta qaybo ka mid ah bartamaha magaaladaas oo horey warshaduhu uga guureen. Hase yeeshee, dadka u dooda xuquuqda ayaa ka digaya in howlgalladan cusub ay cabsi gelin karaan xitaa dadka aan dambiyada gelin. Dhinaca kale, loo-shaqeeyayaasha gobolka Maine ayaa sii kordhiyey ku tiirsanaanta shaqaalaha soo-galootiga ah si ay u buuxiyaan baahiyaha shaqaale yari, maadaama dadkii hore ay shaqada ka fariisanayaan qaarna ay gobolka ka guurayaan — waana caqabad ka jirta guud ahaan gobolka New England. Mas’uuliyiinta federaalka ayaa u muuqda kuwo u diyaar garoobaya mudaaharaadyo. Andrew Benson, oo ah Xeer-ilaaliyaha Mareykanka ee Maine, ayaa ugu baaqay dadweynaha inay si nabad ah u dibadbaxaan, isagoo ka digay in weerarada lagu qaado saraakiisha federaalka, burburinta hantida dowladda, ama is-hortaagga howlgallada ay horseedi karaan maxkamadeyn iyo ciqaab. Howlgalka Maine ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan gobolka Minnesota, kadib markii olole ballaaran oo halkaas laga sameeyay uu dhaliyey dibadbaxyo iyo isku dhacyo, taas oo sii kordhisay indho-indheynta lagu hayo xeeladaha socdaalka ee dowladda federaalka. The post Gobol kale oo Mareykanka ah oo laga billaabay howlgal lagu beegsanayo Soomaalida appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Hodan, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto ku luglaanshaha dhac bulshada loo geysan jiray, ayadoo adeegsanayo dharkii iyo hubkii loogu tala-galay in lagu difaaco. Eedaysanahan oo lagu magacaabo D/le Subeer Xaaji Maxamed ayaa mooto fekon wadan jirey, islamarkaana dhaca la fulin jiray eedaysane horey dhaca is xig-xiga uga gaystay dhowr degmo oo caasimadda ah. Eedaysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loogu waafajiyo, sida uu sheegay Taliska Boolisku Booliska ayaa horay u sheegay inay mamnuuc tahay in askari hubaysani uu isticmaalo mooto fekon ama lagu arko gudaha caasimadda isagoo aan shaqo ku jirin, Cidii jebisa awaamiirtaas waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah. Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Saylac (Caasimada Online) – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal maanta ka dhacay deegaanka Indho-Biraale, oo hoos taga degmada Saylac ee gobolka Awdal. Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamada milatariga Somaliland iyo jabhad ku sugan deegaankaas, kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Ciise. Dagaalkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka maanta dhacay salka ku hayaa xiisaddii dhawaan ka dhalatay joojinta bandhigga buugga Xeer Ciise. Ciidamada Milatariga Somaliland oo soo saaray qoraal ayaa sheegay in hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Indho-Biraale lagu qabtay hub sharci-darro ah oo isugu jira qoryaha nooca AK-47. Ciidanku waxay sheegeen in hawlgalkaasi ahaa mid qorshaysan oo lagu xaqiijinayay sugidda amniga iyo xasilloonida shacabka. Hawlgalkaas ayuu taliska ciidanku sheegay in lagu baadi-goobayay koox dishay laba qof oo shacab ah, taas oo keentay dhimashada laba ka mid ah xubnaha kooxdaas iyo dhaawaca afar kale, sida ay hadalka u dhigeen. “Hawlgalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ay dhintaan, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland. Sidoo kale, taliska ayaa sheegay in ciidanku gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah xubnaha kooxda ku lugta lahayd dilka labada qof ee dhawaan lagu dilay deegaanka, iyadoo si adag looga digay cid kasta oo lagu qabto falal noocan ah. Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumaddu joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran: Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay maanta fuliyeen hawlgal amni oo qorshaysan, kaasi oo lagu baadi-goobayey koox hubaysan oo fal dambiyeed ku dilay laba qof oo shacab ah. Hawl galkan oo ka dhacay Deegaanka indho biraale Degmada saylac, waxa muddadii uu socday, kooxdan budhcada ahi ay iska caabin hubaysan kala hortimid Ciidanka Qaranka ee waajibaadkooda sugidda amniga ku guda jiray. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ee sugidda amniga, waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan xubno ka mid ah budhcaddii falkaas geysatay, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay hubkii ay wateen. Hawlgalkasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddii ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kale digniin adag u dirayaan cid kasta ama koox kasta oo isku daya inay khal khal geliso amniga iyo xasilloonida shacabka, gaar ahaan gobollada galbeedka dalka, in laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka iyo dastuurka dalka. Ciidanka Qaranku waxay shacabka u xaqiijinayaan inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga, iyo ilaalinta naf iyo maalba. The post Dagaal u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ka dhacay gobolka Awdal appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalinta berri ah u ambabaxaya magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu casuumay ka qayb-galka munaasabadda xuska sannad-guuradii 90-aad ee maalintii la aasaasay Ciidanka Cirka ee dalka Itoobiya. Ciidankan oo la xusuusto inuu ka mid ahaa ciidamadii Soomaaliya la dagaallamay sannadkii 1977, ayaa xuska aasaaskiisa lagu qaban doonaa magaalada Addis Ababa, kaas oo ay ka qayb-geli doonaan madax kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobjoog ka noqon doona dhoollatus ay sameyn doonaan diyaaradaha Cirka ee dalka Itoobiya iyo cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan ee cirka, kuwaas oo safka hore kaga jira ciidammada ugu awoodda badan qaaradda Afrika. Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeelan doona Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo muddooyinkii dambe ku howlanaa dhex-dhexaadinta Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay baabi’isay heshiisyadii Abu Dhabi. Abiy Axmed ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka oo ka dambeeyay xadgudubka Israa’iil, halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhankeeda dadaal xooggan ku bixinayso in dalalka gobolka aysan xilligan xiriir heer “dal” ah la yeelan maamulka Somaliland, kaddib aqoonsigii Israa’iil. Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda”, isla markaana ay la samaysatay xiriir diblomaasiyadeed. Tallaabadaas ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991-kii. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladdu waxay dagaal adag kula jirtaa aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo kuwa sharciga caalamiga ah. The post Xasan Sheekh oo u safraya Itoobiya, si uu uga qeyb-galo… appeared first on Caasimada Online.
-
𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Fadhigii 51-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhiga 51-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada maanta lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa: 1. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta JSL, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, isaga oo sheegay in Gobollada Dalka oo dhan ay Xaaladda Abaarahu sii adkaynayaan maalinba maalinta ka dambaysa, waxana jira biyo iyo cunto la’aan baahsan iyo calafka xoolaha oo aad u yar. Wasiirku waxa uu sheegay in Qaran ahaan loo baahan yahay in la galo Gurmad Qaran oo lagu taakulaynayo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen. Wasiirku waxa uu sheegay in Guddi ahaan ay wadaan dedaal kasta oo lagu xaqiijinayo taakulaynta dadkeenna ay abaaruhu haleeleen. 2. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay dhan kastba. Wasiirku waxa uu ka war bixiyey xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib. Wasiirku waxa uu adkeeyey baahida loo qabo xoojinta amniga gudaha iyo wada-shaqaynta Hay’adaha Dawladda iyo shacabka, isaga oo ugu baaqay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in ay si mideysan uga hortagaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga iyo xasilloonida Qaranka JSL. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu ka war bixiyey hab-sami-u-socodka qaadashada kaadhka aqoonsiga muwaadinka, iyo qorshaha socda ee lagu diyaarinayo aqoonsi buuxa oo sugan iyo ciqaamad rasmi ah oo loo sameeyo dadka ajaanibka ah. Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa isaguna dhankiisa hoosta ka xarriiqay in ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo amniga dalku uu yahay waajib Qaran oo cid walba saaran Xukuumad iyo shacabkaba, isaga oo Xubnaha Golaha Wasiirrada ku adkeeyey in ay si buuxda ula shaqeyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Hay’adaha kale ee u xil saaran Amniga Qaranka. 3. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkii 2025-kii uu ahaa mid taariikhi ah marka laga eego xagga korodhka Dakhliga, iyada oo Dakhliga 2025-kii soo xerooday uu 20% ka badan yahay marka la barbar dhigo Dakhligii dhabta ahaa ee soo xerooday sannadkii 2024-ka. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaraddu ay dib-u-habayn weyn ku samaysay maamulka, wacyigelinta iyo hirgelinta Cashuuraha GST, iyada oo la xoojiyay kor-joogtaynta iyo kormeerrada Madaxda sare ee Wasaaradda ee goobaha Dakhliga. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu ay diyaarisay Qorshe iyo dedaallo dheeri ah oo lagu dardar-gelinayo sidii si dhab ah u soo bixi lahaa Dakhligii lagu Odorosay Miisaaniyadda 2026-ka. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL waxa uu Golaha iyada oo laga duulayo Siyaasadda Cashuuraha ee kobcinta Dakhliga iyo la macaamilka hufan ee Cashuur bixiyaha ay Wasaaraddu diyaarisay qorsheyaal Qaran oo lagu sal-ballaadhinayo Cashuuraha waaweyn ee ay ka mid yihiin: 1. Cashuurta Macaashka Kirada, 2. Cashuurta Macaash-macaashka Ganacsiyada, 3. Cashuurta Macaashka Shaqaalaha, 4. Cashuurta Iibka iyo Adeegga. 4. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐜𝐲𝐢𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚: Waxa Golaha warbixin ka siiyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, ahna ku-simaha Wasiirka, Mudane Muuse Askar Guuleed. Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga war bixiyey dedaallada ay Wasaaraddu ugu jirto wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dareen-wadareedka waddaniyadeed, gaar ahaan marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsigii Israa’iil kaddib. Waxa uu xusay in Wasaaraddu ay si joogto ah ula socoto, una kor-joogtayso wararka togan iyo kuwa taban ee ay Warbaahinta Caalamku ka faafiyaan Qaranka JSL, si loo hubiyo in bulshada JSL gudaha iyo dibaddaba ay helaan xog sax ah oo sugan, isla markaana bulshada laga wacyigeliyo ololaha warbaahineed ee cadaaweysan ee lagu wiiqayo jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay abaabushay isla markaana ay hawl gelisay dhallinyaro reer Somaliland ah oo ku dhashay Waddammada Khaliijka Carabta oo aqoon sare leh, si ay door muuqda uga qaataan difaaca Qarannimada iyo Aqoonsiga JSL, si ay saamayn ugu yeeshaan fahamka qaddiyadda Somaliland ee bulshada carbeed ee dalalkaasi. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu soo saartay warbixinno kala duwan oo maqal iyo muuqaalba leh oo ku baxaya saddex af (Soomaali, Ingiriisi iyo Caranbi) kuwaasi oo si mug leh uga warbixinaya Sooyaalka Taariikheed, Madax bannaanida, Raad-raaca Qarannimada iyo Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, barnaamijyadan waxa diiradda lagu saaray horumarka dhan walba leh ee ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda. Ugu dambayntii, Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ay door muhiim ah oo hoggaamineed ay kaga jirto faafinta, habaynta iyo gudbinta wararka iyo xogaha rasmiga ah ee la xidhiidha geeddi-socodka Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. 5. 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐱𝐣𝐚𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐛𝐲𝐨-𝐐𝐨𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐥𝐚𝐟𝐤𝐚 𝐗𝐨𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 ( 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 1-𝐚𝐚𝐝): Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed. Wasiirka ayaa Golaha faahfaahin guud ka siiyey ujeeddada iyo nuxurka sharci ee Xeerkan taasi oo ah: 1. Hagaajinta iyo Horumarinta shaqada Maxiarrada dalka si ay ula jaan-qaadaan Maxiarrada Caalamiga ah; tayo ahaan, adeeg ahaan iyo shruuc ahaanba, 2. Kor u qaadista doorka Wasaaradda ee maamulka iyo kor-joogtaynta Maxiarrada dalka, 3. Sidii ay Wasaaraddu u xoojin lahayd una tayayn lahayd Dekedaha, Madaarrada iyo xuduudaha dalka ee ay Xoolaha nooli ka dhoofaan ama ka soo galaan. Sidoo kale, Wasiirka Xannaanada Xooluhu waxa uu si kooban uga war bixiyey ujeeddada Siyaasadda Qaran ee Calafka Xoolaha taasi oo ah horumarinta wax-soo-saarka xoolaha iyo xaqiijinta isku fillaanshaha Calafka Xoolaha, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo maaraynta caqabadaha kala duwan ee haysta Xoolaheena, xag deegaan, xagga Isbeddelka Cimilada iyo baahida sii kordhaysa ee Calafka Xoolaha oo tayo leh. Si looga doodo, loona ansixiyo Xeerkan iyo Siyaasaddan uu Wasiirku u soo gudbiyey Golaha, waxa uu Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay soo akhriyaan, talo iyo tusaalena ka soo bixiyaan Xeerkan iyo Siyaasadda. 6. 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 (𝐐𝐚𝐲𝐛𝐢𝐧𝐭𝐚 1-𝐚𝐚𝐝): Waxa Golaha Wasiirrada war bixin guud ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, Mudane Maxamuud Cige Yuusuf. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay in Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL ay si rasmi ah u dhammaystirtay 7 Siyaasadood iyo 2 Xeer. SIYAASADAHA: 1. Siyaasadda Beeraha; 2. Siyaasadda Abuurka; 3. Siyaasadda Isticmaalka Sunta Beeraha; 4. Siyaasadda Iskaashatooyinka Beeraha; 5. Siyaasadda Sugnaanta Cuntada; 6. Siyaasadda Suuq-geynta Dalagga Beeraha; 7. Siyaasadda Fidinta Beeraha XEERARKA: 1. Xeerka Abuurka Dalagyada Beeraha (Waa la ansixiyey); 2. Xeerka Isticmaalka Sunta Beeraha (Golaha Wasiirrada ayuu hor yaallaa); Wasiirka Horumarinta Beeruhu waxa uu Golaha Wasiirrada ka codsaday in ay waajibaadkooda ka gutaan 7-da Siyaasadood iyo 2-da Xeer. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Qaran News
-
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa faahfaahin ka bixiyay sababaha ay Xukuumaddu si taxaddar iyo feejignaan sare leh ugu maaraynayso macluumaadka la xidhiidha safarrada dibadda iyo hawlaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan yahay. Afhayeenka ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ku sheegay in ilaalinta siraha qaranku ay tahay ficil waddaninimo oo ka tarjumaya hoggaan mabda’ leh, oo laf-dhabar u ah sugidda amniga qaranka iyo gaadhista himilooyinka istiraatiijiyadeed ee Somaliland. Mudane Xuseen Aadan Cige Dayr wuxuu xusay in maaraynta xogta la xidhiidha safarrada Madaxweynuhu ay ka hortagayso faragelin cadawtinimo, isla markaana ay suurtagelinayso in wadahadallada muhiimka ahi u dhacaan si deggan oo midho-dhal ah, iyada oo aan la carqaladayn. Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in dunida maanta ay ka jirto dagaal xogeed iyo dabagal joogto ah, sidaas darteedna aanay xigmadi ku jirin buuq iyo muuqaal badan, hasa yeeshee ay ku jirto xakamayn, feejignaan, iyo ilaalinta danaha qaranka. Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Somaliland ay dooratay in danta qaranka laga hormariyo muuqaallo iyo buuq warbaahineed, si loo hubiyo in diblomaasiyaddu ay keento natiijooyin dhab ah, halkii ay ka abuuri lahayd mashquul ama khatar amni. Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in xilkasnimadan ula kac ahi ay xoojinayso madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ilaalinayso faa’iidada istiraatiijiyadeed ee qaranka, iyadoo lagu shaqaynayo kalsooni, mas’uuliyad, iyo u heellan danta guud ee shacabka. Ugu dambayn, Afhayeenka Madaxweynaha ayaa caddeeyay in hoggaaminta casriga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn buuq, is-muujin ama bandhig muuqaal ah, balse uu yahay awoodda aamusnaanta leh ee keenta natiijooyin dhab ah oo waxtar u leh shacabka, laguna gaadhayo go’aan cad iyo ujeeddo fog, ka hor inta aanay cadawgu fursad u helin inay ka falceliyaan ama xitaa ay ogaadaan waxa Somaliland xaqiiqsatay, ayuu afhayeenku yidhi Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay Gogosha Wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh u dhigay Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Bayaan kasoo baxay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa lagu xaqiijiyay taageeradeeda ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo. UNTMIS ayaa muujisay mudnaanta heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor inta uusan dhammaan muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo billo kooban ka harsan yihiin. “Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka UNTMIS. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu shaaciyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Hoos ka aqriso qoraalka UNTMIS UNTMIS waxay soo dhoweynaysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee madasha wadatashiga qaran iyo martiqaadka ay u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Waxaan dib u xaqiijineynaa taageeradeenna ku aaddan wada-hadal loo dhan yahay oo lagu gaarayo is-afgarad ballaaran oo ku saabsan doorashooyin laga wada qayb-galo oo daahfuran, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka dastuuriga ah bilaha soo socda. Waxaan ku dhiirrigelinaynaa Golaha Mustaqbalka inay si wanaagsan uga jawaabaan martiqaadka, waxaana ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada inay si wax ku ool ah uga qaybgalaan wadahadallada soo socda. The post Beesha caalamka oo war kasoo saartay gogosha Xasan Sheekh ee Golaha Mustaqbalka appeared first on Caasimada Online.
