Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,417
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xuutiyiintu waxay joojiyeen weerarradooda afartii toddobaad ee ugu horreysay ee dagaalka, inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin oo ay taageero ka helaan Iiraan. Hadda, dhaqdhaqaaqa weli gacanta ku haya caasimadda Yemen ee Sanca, waqooyiga iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, iyagoo gantaallo ku ganey dhanka Israa’iil. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay beegsanayeen “goobo milatari oo Israa’iil leedahay oo xasaasi ah”. Waa run in khatarta ay Xuutiyiintu u keenaan Israa’iil iyagoo adeegsanaya gantaallo ay aad uga yar tahay tan Iiraan. Kooxdu waxay marar badan gantaallo u dirtay Israa’iil si ay u taageeraan Xamaas kadib markii dagaal ka qarxay Qasa, kaasoo ka dambeeyay weerarradii ay hoggaaminaysay Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Laakiin weerarradaas oo dhammaaday bilo badan ka hor waxyeello weyn oo dhab ah kama geysan Israa’iil. Meesha ay Xuutiyiintu khatar aad uga weyn ku yihiin waa xeebaha Yemen ka baxsan. Iyadoo qayb ka ah taageerada ay u fidinayaan Xamaas, kooxdu waxay beegsatay maraakiibta maraysa marin-biyoodka Baabul-mandab oo ku yaalla dhamaadka koonfureed ee Badda Cas, inta u dhaxaysa Yemen iyo Geeska Afrika. Ficilkoodaas ayaa khatar geliyay jidkaas muhiimka ah ee ganacsiga badda. Haddii ay mar kale sidaas sameeyaan, waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa dhaqaalaha adduunka. Haddii ay taasi ku soo beeganto xilli Iiraan ay ku dhowdahay inay xirto marin-biyoodka Hormuz, laba ka mid ah waddooyinka istiraatiijiga ah ee ugu waaweyn dunida ee ganacsiga iyo sahayda tamarta ayaa suurtagal ah inay gabi ahaanba xirmaan. Xuutiyiintu waxay sidoo kale beegsan karaan kaabayaasha tamarta iyo kuwa milatariga ee dariskooda Carabta ee Gacanka, sida Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta—sida ay horayba u sameeyeen. Markii ay Xuutiyiintu ficilladaas oo kale horay u sameeyeen, waxay la kulmeen duqeymo dhanka cirka ah oo xooggan oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lala beegsaday hoggaankooda iyo awooddooda milatary. balse, waxay u muuqataa in Xuutiyiintu ay u dhabar-adaygeen weeraradaas. Su’aasha hadda taagani waxay tahay inta ay le’eg tahay masafada uu dhaqdhaqaaqu u diyaarsan yahay inuu gaaro. Markii ay fuliyeen weerarada ay ku taageerayeen Xamaas iyo Falastiiniyiinta, waxay heleen xoogaa taageero iyo bogaadin ah oo gudaha iyo gobolka ah. Hase yeeshee, in ay sidaas oo kale u sameeyaan Iiraan darteed waxay noqon kartaa arrin ka duwan. Waxaa sidoo kale jirta arrinta dalka Yemen laftiisa, kaas oo ku sugnaa xaalad deganaan ah muddo dhow ka dib sannado badan oo qalalaaso iyo dagaallo ah. In Xuutiyiintu ay si qoto dheer ugu lug yeeshaan dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan waxay kicin kartaa dagaal hor leh oo dhex mara kooxaha gudaha Yemen. Shaki kuma jiro, haddii Xuutiyiintu ay sii wadaan oo ay sii xoojiyaan weerarradooda inay calaamad u noqon doonto kacsanaan cusub iyo ballaarashada dagaalka. Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada. Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik . Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta. Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen. Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda. Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah. Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore. Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq”. Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii. Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama “Imperialism-ka,” waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan. Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen. Hase yeeshee waxay sii ballaadhiyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiis iskaashi oo dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga, kaas oo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso si loo horumariyo ilaha dhaqaale ee badda ku saleysan. Hirgelinta heshiiskan ayaa ku timid is-afgarad ay hore u gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal yeeshaan. Iskaashigan ayaa horseeday aasaaska shirkadda SOMTURK bishii Diseembar 2025, taas oo ka dhalatay wada-shaqeyn dhex martay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ee OYAK. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa sheegay in shirkadda SOMTURK ay door weyn ka qaadan doonto nidaaminta iyo bixinta rukhsadaha kalluumeysiga caalamiga ah ee ka dhaca Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xusay in shirkaddu ay si dhow ula shaqeyn doonto Wasaaradda Kalluumeysiga, isla markaana ay gacan ka geysan doonto la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo xoojinta awoodda ciidamada badda ee dalka. Ugu dambeyntiina, Wasiir Jibriil ayaa tilmaamay in heshiiskan uu sidoo kale door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta xeebaha dalka iyo horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga, taas oo kor u qaadi doonta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo inay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo khayraadka ku jira. The post Hirgelinta heshiisyada Turkiga iyo Soomaaliya oo si rasmi ah loo saxiixay appeared first on Caasimada Online.
  3. Ugu yaraan saddex wariye oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegayaan ilo rasmi ah iyo warbixinno warbaahineed. Weerarkan oo dhacay maalintii Sabtida ayaa ka dhacay koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah. Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah wariyeyaasha, halka duqeyn labaad oo xigtay ay haleeshay shaqaale gurmad ah oo u socday goobta si ay u badbaadiyaan dhaawacyada, taasoo sababtay dhimasho dheeraad ah. Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka si toos ah loo bartilmaameedsaday iyagoo ku sii jeeday goobta weerarka, arrintaas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo badqabka howlwadeennada caafimaadka iyo warbaahinta. Sida ay wasaaraddu tilmaantay, in ka badan 50 shaqaale caafimaad ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalku, iyadoo sagaal ka mid ah ay ku dhinteen hal maalin gudaheed oo keliya. Tani waxay muujinaysaa, sida ay sheegtay wasaaraddu, koror ku yimid weerarrada lala beegsanayo xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka. Si kastaba haahaatee, Israa’iili ayaa horay u sheegtay in kooxda Xisbullah ay adeegsanayso xarumaha caafimaadka ujeeddooyin milatari, iyagoo uga digay in isbitaallada la beegsan karo haddii xaaladdu sidaas sii ahaato. Source: goobjoog.com
  4. Miami (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sheeganaya in dalalka Carabta ay si dhow ugala shaqeynayaan Washington dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan uu ugu dambeyntii ku qasbanaaday “inuu dabada iga dhunkado.” Isaga oo ka hadlayay shirka Hindisaha Maalgashiga Mustaqbalka (Future Investment Initiative) ee ka dhacay gobolka Florida, ayuu Trump faahfaahiyay sheegashadaas, isaga oo dib u xasuustay wada-hadal uu sheegay inuu la yeeshay mas’uulkan sare ee qoyska boqortooyada Sacuudiga, kaas oo ku saabsanaa soo nooleynta awoodda Mareykanka ee hoos timaada madaxweynenimadiisa. “Wuxuu yiri, waad ogtahay, waa arrin layaab leh… sanad ka hor, waxaad ahaydeen dal dhintay. Hadda, waxaad tihiin dalka ugu saameynta badan meel kasta oo caalamka ah,” ayuu yiri Trump. Trump ayaa intaas kadib si toos ah u xiriiriyay qiimeyntaas iyo sida uu u arko xiriirka hadda kala dhexeeya xukuumadda Riyadh, isaga oo si buuxda u soo celceliyay hadalkiisa. “Ma uusan u maleyneynin in tani ay dhaceyso… ma uusan u maleyneynin inuu dabada iga dhunkan doono… wuxuu u maleynayay inaan ahay uun madaxweyne kale oo Mareykan ah oo fashilmay… balse hadda waa inuu si wanaagsan iila dhaqmo,” ayuu yiri. Hadalkaas ayuu ku xijiyay ammaan uu u soo jeediyay dhaxal-sugaha Sacuudiga, isaga oo ku tilmaamay “nin cajiib ah” iyo “dagaalyahan,” wuxuuna sheegay in Boqortooyadu ay “si weyn ugu faani karto” hoggaamintiisa. Trump ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay garab istaagtay Mareykanka intii uu socday iska horimaadkii lagula jiro Iiraan, iyada oo ay wehliyaan saaxiibada kale ee Khaliijka. “Sacuudi Carabiya waa dagaalantay, Qatar waa dagaalantay, Imaaraadka waa dagaalamay, Baxreyn waa dagaalantay, Kuweyd-na waa dagaalantay,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ay “na garab taagnaayeen… way na garab taagnaayeen.” Hadalladan ayaa imaanaya iyada oo ku dhawaad bil uu socdo ololaha milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ay wadajirka ugu qaadeen Iiraan, kaas oo billowday 28-kii Febraayo, kadib weeraro ballaaran oo lala beegsaday kaabayaasha milatari iyo kuwa nukliyeerka ee Iiraan. Iiraan ayaa si dhaqso ah iska horimaadka ugu baahisay gobolka, iyada oo xukuumadda Tehran ay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (Drones) ku weerartay ma aha oo kaliya Israa’iil, balse sidoo kale dhowr dal oo ka tirsan Khaliijka oo martigeliya saldhigyada milatari ee Mareykanka. In kasta oo la weeraray, dalalka Khaliijka ayaan si rasmi ah ugu biirin dagaalka. Taa beddelkeeda, waxay fagaaraha ka muujiyeen taxadar, iyaga oo ka walwalsan khatarta aargoosiga iyo saameynta ballaaran ee dhaqaale, gaar ahaan khalkhal gelinta kaabayaasha tamarta iyo Marinka Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan warbixino warbaahineed qaar, dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, ayaa Trump ku dhiiragelinayay inuu sii wado dagaalka si loo burburiyo awoodda milatari ee Iiraan. Iyada oo laga duulayo xaaladdaas, Trump ayaa Jimcihii ku tilmaamay in ay yihiin saaxiibo si dhab ah uga qeyb qaadanaya ololaha. Wuxuu magacaabay Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid Al Nahyan isaga oo garab dhigay dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna ku tilmaamay “saddex qof oo waaweyn” oo “weeraro culus la kulmay” balse weli la safan Washington. Dhanka kale, Trump ayaa doorka dalalkan barbar dhigay xulafada NATO, isaga oo yiri, “Aad ayaan uga niyad jabnay… NATO. May iman si ay noo caawiyaan”, wuxuuna intaas ku daray in dalalka Khaliijka ay sameeyeen “si caddaalad ah haddii loo hadlo… wax ka badan inta ay NATO sameysay”. Wuxuu sidoo kale iskaashiga siyaasadeed la xiriiriyay xiriirka dhaqaale, isaga oo farta ku fiiqay ballanqaadyada maalgashi ee Sacuudiga iyo heshiisyada difaaca, isaga oo ugu baaqay Riyadh in ay ku soo biirto Heshiisyada Abraham (Abraham Accords). “Hadda waa waqtigii… hadda waan ka takhalusnay iyaga [Iiraan]… waa inaan galnaa Heshiisyada Abraham,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii, Trump ayaa muujiyay inuu doonayo in dhaxalkiisa lagu xasuusto inuu yahay “nabad-doon weyn”, isaga oo sheegtay inuu horay u “xalliyay siddeed dagaal” uuna yahay qofka rasmiga ah ee mudan in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka (Nobel Peace Prize). The post Trump oo si xun u bah-dilay Maxamed Bin Salmaan – “dabada ayuu iga dhunkaday” appeared first on Caasimada Online.
  5. Washington (Caasimada Online) – Xilli qiimaha tamarta adduunka uu cirka isku sii shareerayo, isla markaana ay hoos u dhacday taageerada shacabka, Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya doorasho aad u adag kadib bil uu socday dagaalka ka dhanka ah Iiraan: in uu aqbalo heshiis aan dhameystirneyn oo uu ciidamadiisa kula baxo, ama in uu sii xoojiyo dagaalka oo uu wajaho olole milatari oo daba-dheeraada, kaas oo dhaawici kara sumcaddiisa madaxweynenimo. In kasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo xooggan, Trump ayaa soo xiraya asbuuc kale oo ka mid ah ololaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil isaga oo wali la daalaa-dhacaya sidii uu u xakameyn lahaa xiisadda ku sii baaheysa Bariga Dhexe. Iiraan ayaa wali muujineysa madax adeyg, iyada oo cunaqabateyn saartay shidaalka iyo gaaska ka dhoofa Gacanka, sidoo kalena sii wadda weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee ay ka fulineyso gobolka. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in su’aasha ugu weyn ay hadda tahay in Trump uu isu diyaarinayo inuu dagaalka dejiyo, mise uu sare u qaadayo. Dadka naqdiya ayaa ku tilmaamay dagaalkan mid si ikhtiyaari ah loo doortay, kaas oo sababay jugtii ugu weynayd ee abid ku dhacda sahayda tamarta caalamiga ah, isla markaana saameyntiisu ay gaartay meelo ka fog gobolka. Trump ayaa la-taliyeyaashiisa u sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado “dagaal aan dhammaad lahayn” isla markaana uu helo waddo wada-hadal lagu soo afjaro colaadda. Sida uu sheegay sarkaal sare oo Aqalka Cad ka tirsan, wuxuu ku boorriyey saraakiisha la shaqeysa inay xoojiyaan muddada afar ilaa lix toddobaad ah ee uu si fagaare ah uga hadlay in dagaalku socon karo, hase yeeshee isla sarkaalkaas ayaa intaas ku daray in waqtigaasi uu hadda u muuqdo mid sii mugdi gelaya. Dhanka kale, Trump wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo militari oo ka ballaaran tan hadda jirta haddii diblomaasiyaddu fashilanto. Xiriirkii uu la sameeyey Tehran, oo ay ku jirto qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob oo loo mariyey waddo diblomaasiyadeed oo Pakistan ah, ayaa muujiyey dadaal sii kordhaya oo uu ku raadinayo dariiq uu uga baxo colaadda. Si kastaba, weli ma cadda in wadahadallo macno leh ay suurta-gal yihiin. “Madaxweyne Trump hortiisa waxaa yaalla doorashooyin aad u liita marka la eego sida uu dagaalkan ku soo afjari karo,” ayuu yiri Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku-xigeenka sarkaalka sirdoonka qaranka Mareykanka u qaabilsanaa Bariga Dhexe. “Qeyb ka mid ah dhibaatada waxay tahay in aan weli si cad loo garanayn waxa natiijo lagu qanci karo ay ahaan lahayd.” Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in ololahan militari uu dhammaan doono oo keliya marka Trump uu go’aansado in yoolalka Mareykanka la gaaray, isaga oo ku adkeystay in ujeeddooyinkaasi ay si cad u qeexnaayeen. Trump wuxuu hadda u muuqdaa mid dhinacyo kala duwan eegaya. Wuxuu kumannaan askari oo dheeraad ah u dirayaa gobolka, isagoo isla waqtigaas uga digaya Iran weerar ka xooggan haddii ay diido shuruudihiisa. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in bandhigga xooggaasi uu ujeedkiisu noqon karo in Tehran lagu cadaadiyo tanaasul, balse sidoo kale uu halis u yahay inuu Washington geliyo dagaal sii dheeraada. Haddii ciidamo dhulka ah oo Mareykan ah la geeyo gudaha Iran, taasi waxay si weyn uga careysiin doontaa codbixiyeyaal badan oo Mareykan ah. Qorshe kale oo hadda laga hadlayo ayaa ah in la qaado weerar cirka ah oo aad u weyn oo kama dambeys ah, kaas oo loo bixiyey “Operation Epic Fury,” si loo sii wiiqo awoodda militari iyo kaabeyaasha nukliyeerka ee Iran. Kadibna Trump wuxuu ku dhawaaqi karaa guul, isagoo ku doodaya in ujeeddooyinkii Mareykanka la gaaray. Hase yeeshee, ku dhawaaqis noocaas ah waxay u muuqan lahayd mid aan dhameystirneyn haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka Hormuz, oo ah marinka ugu muhiimsan sahayda tamarta caalamka. Iran ayaa illaa hadda diidday inay oggolaato arrintaas. Trump wuxuu sidoo kale muujiyey caro ku aaddan in xulafada Yurub aysan soo dirin maraakiib dagaal oo gacan ka gaysta sugidda marinkaasi. Trump oo muddo dheer ballanqaadi jiray inuu Mareykanka ka fogeyn doono colaadaha dibadda, ayaa hadda u muuqda mid ku dhibtoonaya xakamaynta dagaal uu isagu la bilaabay Israel. Inkastoo uu weli isku dayayo inuu muujiyo kalsooni, haddana farriimihiisa dadweynaha wuxuu ku sii kordhiyey hab uu ku dejinayo suuqyada dhaqaalaha, isagoo la-taliyeyaasha ku riixaya inay muujiyaan in dagaalku dhowaan dhammaan doono, sida uu sheegay sarkaalka sare ee Aqalka Cad. Maqnaanshaha istiraatiijiyad cad oo looga baxo dagaalka ayaa khatar siyaasadeed u abuuraya Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga, xilli Jamhuuriyiintu isku dayayaan inay ilaashadaan aqlabiyadooda yar ee Congress-ka ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha November. Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee Trump, sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan, wuxuu ahaa inuu si hoose u qiyaasay jawaabta aargoosiga ee Tehran. Iran waxay adeegsatay gantaalladii iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u harsanaa si ay u garaacdo Israel iyo dowladaha dariska la ah ee Khaliijka, waxayna si weyn u xirtay marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo qiyaastii shan-meelood meel saliidda dunida ay marto. Carqaladeyntaas ayaa gilgishay dhaqaalaha caalamka. “Sharadka dowladda Iran waa inay awood u leedahay inay xanuun badan qaadato muddo ka dheer kuwa la dagaallamaya, waxaana suuragal ah inay saxan yihiin,” ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump iyo kooxdiisu ay hore ugu diyaar garoobeen jawaabta Iran ee marinka Hormuz, islamarkaana ay weli ku kalsoon yihiin in maraakiibtu mar dhow dib u bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqooda. Si kastaba, walaaca sii kordhaya ee Trump wuxuu si muuqata u soo baxay Isniintii, markii uu ka laabtay hanjabaad uu ku burburin lahaa korontada Iran haddii aan dib loo bilaabin maraakiibta. Tallaabo si weyn loogu fasiray isku day lagu dejinayo suuqyada ayuu ku dhawaaqay hakad shan maalmood ah si diblomaasiyaddu fursad u hesho, kadibna Khamiistii ayuu muddadaas ugu daray 10 maalmood oo kale. Cadaadis gudaha ah ayaa sidoo kale isa soo taraya. Ra’yi ururinno la sameeyey waxay muujinayaan in dagaalku si weyn uga dhex muuqdo mid aan shacabka Mareykanka jeclayn. Inkastoo qeyb weyn oo ka mid ah taageerayaasha Trump ee MAGA ay weli la safan yihiin, haddana taageeradaas way daciifi kartaa haddii saameynta dhaqaale, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo sare u kaca, ay sii socoto. Ra’yi ururin ay Reuters/Ipsos dhammeystirtay Isniintii ayaa muujisay in heerka taageerada Trump ay hoos ugu dhacday 36%, taasoo noqotay tii ugu hooseysay tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad. Sida uu sheegay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa maamulkiisa, Aqalka Cad wuxuu sii kordhiyey walaaca uu ka qabo saameynta siyaasadeed ee dagaalkan, gaar ahaan iyadoo xildhibaanada Jamhuuriga ay ka welwelsan yihiin doorashooyinka dhexe. Calaamado muujinaya walaac gudaha xisbiga Jamhuuriga ah ayaa durba soo baxaya. Mike Rogers, oo ah guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Hubeysan ee Aqalka Wakiillada, ayaa Khamiistii ku dhaliilay maamulka inuu ku guuldareystay bixinta macluumaad ku filan oo ku saabsan baaxadda ololaha ka dhanka ah Iran. Aqalka Cad ayaa arrintaas si degdeg ah uga jawaabay, isagoo sheegay in Congress-ka marar badan la siiyey warbixinno kahor iyo intii uu dagaalku socday. Dhanka diblomaasiyadda, xaaladdu weli waa cakiran tahay. Qorshaha 15-ka qodob ah ee Trump wuxuu u egyahay soo-jeedinno ay Iran hore u diidday kahor dagaalka, wuxuuna xambaarsan yahay shuruudo aad u adag in la hirgeliyo, laga bilaabo burburinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo xaddidaadda gantaalladeeda, ilaa ka tagista kooxaha wakiillada u ah iyo in si dhab ah gacanta looga bixiyo marinka Hormuz. Iran waxay ku tilmaantay qorshahaasi mid aan cadaalad ahayn oo aan waaqici ahayn, inkastoo aysan si buuxda u xirin albaabka xiriirro dadban. Trump ayaa Khamiistii ku adkeystay in Iran ay “baryeyso” heshiis, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in hoggaanka Tehran uu aaminsan yahay inay guul sheegan karaan kaliya haddii ay sii noolaadaan oo ay istaagaan. Diblomaasiyadda waxaa sii adkeeyey dilalka loo geystay mas’uuliyiin sare oo Iranian ah intii lagu jiray duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israel, iyadoo qaar kamid ah xilalkaas lagu beddelay dad ka adag kuwii hore. Hoggaanka Iran wuxuu si qoto dheer u aaminsan yahay inaan Trump lagu kalsoonaan karin, gaar ahaan kadib markii uu laba jeer duqeymo qaaday sanadkii tegay xilli wadahadallo ay weli socdeen. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump uu weli u furan yahay diblomaasiyad, balse wuxuu uga digay Iran inay wajihi doonto weerarro ka sii daran haddii ay diido inay aqbasho xaqiiqooyinka cusub ee ka dhashay dagaalka. Saraakiil Israeli ah ayaa si hoose u muujiyey walaac ah in Trump uu bixin karo tanaasulaad xaddidi kara tallaabooyinka militari ee mustaqbalka ee Israel. Xulafada Khaliijka ayaa iyaguna ka cadhoon kara haddii Mareykanku si degdeg ah uga baxo colaadda, isaga oo uga tegaya Iran dhaawacantay balse weli cadowtinimo weyn qabta. Haatan, Trump wuxuu sii wadaa farriimo is-khilaafsan, marna wuxuu isku dayayaa inuu dejiyo suuqyada, marna wuxuu dirayaa hanjabaado sare u qaadaya qiimaha tamarta. “Trump wuxuu ku shaqeeyaa calaamado isdiidan,” ayay tiri Laura Blumenfeld oo ka tirsan Johns Hopkins SAIS. “Waa hal nin oo keliya oo isu rogay mashiin gudbinaya jahawareerka dagaalka si uu uga dhigo kuwa ka soo horjeeda kuwo aan isu dheellitirneyn.” The post Dagaalka Iiraan: Trump oo ay haysato laba daran mid dooro appeared first on Caasimada Online.
  6. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray, isla markaana wararkaasi lagu tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Xafiisku wuxuu adkeeyay in habraacyada rasmiga ah ee Golaha Shacabka ay cad yihiin, islamarkaana wixii mooshin ah lagu soo gudbiyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u degsan Baarlamaanka. Sidoo kale, qoraalka ayaa digniin loogu diray dadka faafinaya wararka aan la xaqiijin, iyadoo lagu booriyay bulshada in ay ka fogaadaan wararka marin habaabinta ah ee lagu baahiyo baraha bulshada. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay baraha bulshada ku faafayeen warar sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha la diyaarinayo, kuwaas oo hadda si rasmi ah loo beeniyay. Source: goobjoog.com
  7. Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerar labaad oo gantaallo ah oo ay ku qaadeen Israa’iil Kooxda fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay maanta fulisay weerar labaad oo ka dhacay qaybo ka mid ah koonfurta Israa’iil. Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidmada milatari ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxda ay qaaday “duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo cruise ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ” kuwaas oo lagu beegsaday “goobo militari oo muhiim ah” oo ay leedahay Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay “isku beegmeen” kuwa ay fuliyeen Iran iyo Xisbullah , isla markaana ay “si guul leh u gaareen ujeeddooyinkooda.” Qoraalkan oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram ayaa imanaya kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan wareeg labaad oo weerarro ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen saacado kadib markii ay xaqiijiyeen inay rideen gantaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku beegsadaan Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran. Mar sii horreysay oo maanta, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal ka yimid Yemen Bbcsomali Qaran News
  8. ​Dunida maanta ee isku xiran, dhiillada dagaalku kuma koobna oo kaliya dhawaqa madaafiicda ka dhacaysa Bariga Dhexe, balse waxay u wareegtay fagaare ka duwan oo ah suuqyada saamiyada adduunka. Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan waxa uu isu beddelay loolan farsamaysan oo ka dhex socda suuqyada dhaqaalaha, iyadoo qiimaha saliiddu uu noqday hubka ugu weyn ee loo adeegsado is-cabsi gelinta iyo cadaadiska siyaasadeed. Xogta soo baxaysa waxay muujinaysaa qorshe yaab leh oo ku saabsan xilliga ay dhacayaan weeraradu; waxaa la dareemayaa inay si toos ah ugu xiran yihiin goorta uu xirmo ama furmo suuqa saamiyada ee New York (Wall Street). Mareykanka iyo xulafadiisu waxay u muuqdaan kuwo weeraradooda ku beega xilliyada ay suuqyadu xiran yihiin si looga fogaado hoos u dhac lama filaan ah oo ku yimaada saamiyada ganacsiga, iyadoo la raadinayo wakhti lagu qaboojiyo dareenka maalgashadayaasha intaan suuqu dib u furmin. ​Dhanka kale, Iiraan waxay garaacaysaa meesha uu Mareykanka ugu damqashada badan yahay oo ah jeebka muwaadinka caadiga ah. Weerarrada lala beegsado xarumaha shidaalka ee muhiimka ah waxay kor u qaadaan qiimaha saliidda Brent Crude, taas oo abuureysa sicir-barar gudaha Mareykanka ah iyo cadaadis dadweyne oo looga soo horjeedo faragelinta ciidan. In kasta oo hoggaanka Mareykanka uu isku dayayo inuu adeegsado baraha bulshada si uu u dejiyo suuqyada isagoo sheegaya inay socdaan wada-hadallo, xaqiiqada ka dambeysa daaha waxay u muuqataa mid ku dhisan is-jiid-jiid dhaqaale oo khatar ah, halkaas oo qiimaha foostada saliiddu ay ka go’aan badantahay rasaasta qorigu ka dhex dhacayso. ​Saamaynta Tooska ah ee Shacabka Soomaaliyeed ​Dagaalkan ka socda Marinka Hormuz iyo suuqyada Wall Street ma ahan mid inoo jira kumanaan mayl, balse waa mid si toos ah u taabanaya nolosha qoys kasta oo Soomaaliyeed. Maadaama Soomaaliya ay tahay waddan wax kasta oo shidaal ah dibadda ka soo iibsada, kororka qiimaha shidaalka ee caalamka wuxuu si degdeg ah u horseedaa inuu qaaliyoobo gaadiidka raashinka iyo qudaarta ka keena dekadaha iyo beeraheena. Tani waxay abuurtaa silsilad sicir-barar ah oo ka bilaabata suuqyada saamiyada ee dunida, kuna dhammaata dheriga uu qoyska Soomaaliga ah dabka u saarto, iyadoo nolosha muwaadinka dakhligiisu hooseeyo ay noqonayso dhibbanaha koowaad ee loolanka quwadaha waaweyn. ​Culeyskan dhaqaale wuxuu sidoo kale curyaamiyaa adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo tamarta. Shirkadaha korontada ee dalku waxay ku qasban yihiin inay kordhiyaan biilasha markasta oo shidaalku kaco, taas oo mugdi galisa guryaha iyo ganacsiyada yaryar. Source: goobjoog.com
  9. Isha Qoraalka: Chanel 12 (Cibri), Alestiklaal (Carabi) Aqoonsiga Soomaaliland aad buu uga weyn yahay in lagu tilmaamo keliya tallaabo diblomaasiyadeed, oo xoojinaysa joogitaanka Israa’iil ee Geeska Afrika; balse heemaalkiisa guud wuxuu ka dhigan yahay dhammaadka kalkii joogista dayrka gadaashiisa, iyo bilawga inay Israa’iil ku biirto garab udubdhexaad ah, iyo isbahaysiyo qaaradaha ka tallawsan oo lagu joojinayo saddexgeeska Turkiga. Sida oo kale tallaabadani waxay muujinaysaa istiraatiijiyadda cusub ee Israa’iil ee gobolka qaabaynaysa; taas oo Israa’iil ka dhigaysa wadnaha isbahaysi ka kooban afar geesood oo halbawle ah, oo Afrika iyo Aasiya ah. Isbahaysigaas oo ujeeddadiisa koowaad tahay joojinta isballaadhinta Turkiga, iyo abuurista halbeeg juqaraafi-siyaasadeed oo cusub. Dhalashada caqiiddadan istiraatiijiyeed ee cusub waxay ka curatay hawlgalkii 07 Oktoobbar 2023. Waayo duullaankaasi muu burburinnin oo keliya dareenkii amni ee kumeelgaadhka ahaa (tactic), balse wuxuu ruxay dulucdii siyaasadeed ee Israa’iil ku lammaanayd tobannaankii sanno ee tegay, oo ahayd dulucda Qasriga Kaynta ku Yaalla (The Villa in the Jungle). Eraybixintaas waxa hindisay madaxweynihii Israa’iil ee xilligaas Iihuud Baaraak, kadibna wuxuu isu beddelay istiraatiijiyad is-ururin iyo ka soocnaaan gobolka intiisa kale ah. Waxay dooratay Israa’iil inay nafteeda u aragto Jasiirad Dimoqraaddi ah, oo ay fawdo ku hareeraysan tahay. Sidaas ayay u dooratay inuu dhufayskeedu ku koobnaado gidaarro caaqil ah (smart fences) iyo nidaamyo difaac oo firfircoon, iyo dibugurashada goobo difaac oo nafis ah. Sidaas ayuu Qasriga Kayntu u noqday eraybixin taban, dhinaca maaddiga ah iyo dhinaca fikirkaba. Waayo Israa’iil waxay iska faquuqday deriskeedii, waxaanay isku koobtay difaaca gidaarka gadaashiisa. Taasina waxay keentay inuu Bariga Dhexe si iskii ah isu qaabeeyo, iyada aany Israa’iil ku lug lahayn. Laakiin sida uu caddeeyay dagaalkii 07 Oktoobbar 2023, gidaar keliyi weligii kuma filnaanayo deegaan colaadi ka jirto. Madhnaanta juqasiyaasadeed ee ka dhalatay laciifista awoodihii duugga ahaa, iyo burburka ku yimi talisyada gobolka qaarkood Gu’gii Carabta, waxa buuxiyay markiiba himilooyinka xuurtaysi (dominance) ee Turkiga iyo Iiraan. Taasina waxay Israa’iil ku dhalisay, inay garato in jidka keliya ee ay ku jiri kartaa uu yahay inaanay gidaarka ku dhuummanin, ee ay noqoto ciyaartoy saamayn leh oo barxadda gobolka ka dheela. Sidaas awgeed, dhaqdhaqaaqyadii degdegga iyo daraamada lahaa ee dhacay toddobaadyadii ugu danbeeyay, ee uu ugu sarreeyay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland, waxay tilmaamaysaa dhalashada caqiido Istiraatijiyadeed oo cusub, taas oo ah ISBAHAYSIGA HINDIYA ILAA KUUSH. Kuushna waa gobolka dhaca Koonfurta Masar iyo Waqooyga Suudaan. Caqiiddadani waxay ka dhigaysaa Israa’iil wadnaha isbahaysi ku taagan afar tiir: Hindiya oo bariga ah, Itoobiya oo Koonfurta ah, Azerbijaan oo Waqooyiga ah, iyo Giriigga iyo Qubrus oo galbeedka ah. Isbahaysigani maaha mid tamashlayn loo sameeyay, balse waa lamahuraan istiraatiijiyeed, si looga hortago mashruuca Turkiga ee doonaya inuu wax xuurteeyo, kaas oo gaadhay figtiisa markii uu salka dhigtay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba Soomaaliya iyo Liibiya. Wuxuu doonayaa Turkigu inuu dhammaystiro “saddexgeeska awoodda” ee sii mara Suuriya, si loo gaadho dhulkii imbiraadooyidda Cusmaaniyiinta ee hore, iyada oo laga duulayo siyaasadda “Cusmaaniyada Cusub” taas oo uu calankeeda sido madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayid Ardoogaan. Saddexgeeskaasi, haddii uu dhammaystirno wuxuu gelayaa bartii uu ka baxay “garabkii Shiicigu”, kaas oo ay Israa’iil si wayn u dhantaashay labadii sanno ee ugu danbeeyay. Isla markaana wuxuu dabrayaa dhaqdhaqaaqa Israa’iil, waxaanu adkaynayaa inay gaadho badhaadheheeda Bariga Dhexe. Iyada oo arrinkaas la eegayo Israa’iil way ku saxan tahay inay cadaadisyo adag saarto nidaamka Suuriya, oo aanay ku dhicin dabinka heshiiska nabadgalyo ee uu Turkigu suuqgeynayo. Isbahaysigan geeskiisa koonfureed waxa halbawle u ah Itoobiya, taas oo ah garab lamahuraan u ah xasilloonida gobolka. Waa dawlad tirada dadkeedu gaadhayo 140 milyan, isla markaana leh mid ka mid ah dhaqaalayaasha ugu korriinka badan caalamka. Dawladdan weyni waxay dhistay sannadkii 2025 mashruuca biyaxidheenka Kacaanka (GERD), taas oo ay ku xaqiijisay madaxbannaani dhanka tamarta ah, iyo inay gacanta ku dhigtay maamulka dhammayska tiran ee webiga Niil. Hasayeeshee, jabkii ka soo gaadhay Ereteriya sannadkii 1991, wuxuu ka dhigay go’doon aan bad lahayn, iyada oo ay ku hareeraysan yihiin dawlado cadow ah, oo uu taageero Turkigu, kuwaas oo doonaya inay go’doomiyaan. Iyaga oo xayndaabkaas ka ordaya, sannad kahor, waxay wada saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliland is-afgarad keenaya in Itoobiya laga kireeyo 20 KM oo xeebta Soomaaliland ah muddo 50 sanno ah, iyada oo lagu beddelanayo inay Itoobiya si dhab ah uga fikirto aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliland. Halkan ayay Soomaaliland muuqaalka ka soo gelaysaa, waayo maaha gobol keliya, balse waxay metelaysaa isleeg juqasiyaasadeed oo heersare ah. Waxay dhacdaa Soomaaliland marin halbawleh ah oo taga Badda Cas, taas oo ay maraan in ku dhow 30% dhaqdhaqaaqa koontiinarrada caalamiga ahi. Dhinaca kale ee marinkaas yarna waxa dhaca Yemen iyo Xuuthiyiinta. Haddaba, aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland wuxuu sharciyad siinayaa is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, taasina waxay ka caawinaysaa Adis Ababa inay waajahdo go’doominta Turkiga, Masar iyo Ereteriya ee dabraya tallaabooyinkeeda. Taas waxa ka sii muhiimsan, wuxuu ka xannibayaa Itoobiya saamaynta Turkiga ee Muqdisho, waxaanu bir dhexdhigayaa mashruuca udubdhexaadka ah ee Turkigu gobolka ka wado. Dhinaca kale ee caalamka, gaar ahaan Eeshiya, Naariindaraa Moodhi, oo ah hoggaamiyaha aasaasay Hindiyada Cusub, markii saddexaad oo xidhiidh ahna xukunka hayaa, wuxuu gartay dheesha socota, waxaanu Itoobiya u doortay inay noqoto udubdhexaadkiisa barxadda Geeska Afrika. Dhawr toddobaad kahor wuxuu soo gabagabeeyay booqasho taariikhi ah, oo uu ku tegay Itoobiya, waxaanu si toos ah oo aan gabbasho lahayn uga hadlay yoolalkiisa uu ka leeyahay gobolka. Tani waxay muujinaysaa inay Moodhi ka go’an tahay inuu dalkiisu yeesho madaxbannaani istaraatiiji ah oo dhammaystiran, isaga oo ka faa’idaysanaya goobta jaadgooniga ah ee ay Hindiya ku taallo, marka la eego loolanka Shiinaha iyo Maraykanka u dhexeeya. Tani waxay ka dhalatay Istiraatiijiyaddii Amniga Qaranka, ee uu baahiyay Aqalka Cadi toddobaado kahor, taas oo Hindiya u jidaysay yool kooban oo ah, “Dhawrista danaha Maraykanka ee Badweynta Deggan”. Isaga oo ka biyadiidsan aragtidan gaaban ee Maraykanku ka qabo Hindiya, ayuu dhaqdhaqaaq sameeyay Moodhi, si uu u caddeeyo inaanay ahayn Niyuuw Delhi agab gacanta ugu jira awood weyn (sida Maraykanka). Wuxuu muujiyay Moodhi madaxbannaani marla-arag ah kadib markii uu la kulmay madaxweynaha Shiinaha Shii Jiin Biing iyo Madaxweynaha Ruushka Filaadamiir Buutin, isaga oo isla xilligaasna wadahadallo adag kula jira maamulka Doonald Taraam. Awoodda Moodhi waxay dhabarka ku haysaa cudud milatari, oo ka soo muuqatay dagaalkii ugu danbeeyay ee uu dalkiisu la galay cadawgooda nugliyeerka haysta ee muslinka ah (Baakistaan) oo ay ka gacansarreeyeen. Dareenkan ammaan iyo cududdan milatari wuxuu u turjumay Moodhi caqiido badeed oo muddo dheer ah, taas oo ah inuu dhiso kolonyo badeed oo ah ta ugu awoodda weyn barxadda Badweynta Hindiya. Caqiiddadaasi waxay u hirgelinaysaa Hindiya inay xuurtayso jidka ganacsiga ee halbawlaha ah ee fidsan marinka Hormoss iyo afaafka Badda Cas, ee Jabuuti iyo Soomaaliland. Waa halkaas barta ay ku kulmayaan danaha Israa’iil iyo kuwa Hindiya ee Afrika, sidaasna waxa jaanqaad cusub u helay isbahaysiga Talaabiib iyo Niyuu Delhi, kadib booqashii Moodhi ee Adiis Ababa. Isbahaysigaasi waa mishiinka ka danbeeya garabka Hindiya Illaa Kuush, kaas oo yoolkiisu yahay jebinta isbalaadhinta Turkiga, iyo aasaasidda dheellitir juqasiyaasadeed oo cusub. Gunaanadkii, aqoonsiga Soomaaliland waa xubin ka mid ah caqiiddada amniga qaranka ee Israa’iil. Waa goobo aasaasi ah oo ka mid ah shaxanka (puzzle) midaynaya mashruucan oo dhan. Waayo, waxay u fududaynaysaa Israa’iil inay awooddeeda gayso meel ka baxsan xuduuddeeda, iyo inay ilaashato jidadka ganacsiga ee halbawlaha ah, iyo inay isbahaysiyo la samaysato awoodo caalami ah, iyada oo laga duulayo danaha wadaagga ah. Sidaas si la mid ah, wuxuu muujiyay shirkii saddexgeesoodka ahaa ee ka dhacay Quddus, ee dhexmaray Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus, inay Israa’iil ka baxday Qasrigii Kaynta ku yaallay, oo ay noqotay ciyaartoy saamayn leh, oo u rogaya awooddiisa tignoolajiyadeed iyo tiisa milatari dheef siyaasadeed, oo beddelaysa wejiga Bariga Dhexe, ee ka bilaabma Hindiya kuna dhammaada Kuush. _______ Turjume: Cali Ileeye Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga. Source: goobjoog.com
  10. The President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, is set to travel to Ethiopia in the coming days following a formal invitation from Prime Minister Abiy Ahmed a move that could reshape regional dynamics. What’s on the table: -Expanded trade and logistics cooperation -Potential frameworks granting Ethiopia sea access via Somaliland. -Possible shift of a percentage of Ethiopian trade transit from Djibouti to Berbera Port. -A deeper strategic partnership -Ethiopia has long signaled it would not be the first to recognize Somaliland but could be the second. Qaran News
  11. Guddigii doorashada ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaas. Xildhibaanada cusub waxay ka kooban yihiin 95 xubnood oo la sheegay in laga soo xulay beelaha dega Koonfur Galbeed, kuwaas oo la qorsheynayo in ay 29 bishan doortaan guddoonkooda. Shaacinta xildhibaanada cusub waxay ku soo aadaysaa, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen. PUNTLAND POST
  12. Xiisad colaadeed ayaa la dareemayaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba oo qiyaastii 60 km isu jira, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Labada dhinac waxay saacadihii u dambeeyay halkaas ku daadgureeyay ciidamo farabadan, iyada oo laga cabsi qabo dagaal deegaannadaas ka qarxa. Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen. Xiisadda labada dhinac waxay salka ku haysaa khilaafka doorashada maamulkaas ee u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ka tirsan yihiin dowladda Federaalka. PUNTLAND POST
  13. Magaalada Garoowe waxaa caawa ka dhacay shir ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland, kuwaas oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni. Xildhibaanadan oo gaarayay labaatan mudane, islamarkaana ku shiray mid ka mid ah hoteelada magaalada ayaa ajandaha shirkooda ku sheegay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo abaaraha. Waxay intaas ku dareen in shirkooda uu sii socon doono maalmaha soo aadan, iyaga oo xusay in marka uu soo gabagaboobo wixii ka soo baxa la wadaagi doonaan bulshada. Shirkan wuxuu ku soo aaday, xilli lagu wada in madaxweyne Deni uu isku-shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirrada, islamarkaana uu buuxiyo xilal bannaan oo badan. PUNTLAND POST
  14. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in tacaddi lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, islamarkaana hoygiisa Muqdisho la dul-dhigay ciidan oo xorriyada laga qaaday. Farmaajo wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu qaaday waddadii kali-talisnimada, isago oo sheegay in ay sii kordhayso beegsiga nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo wasiirrada, Xlxildhibaannada, saraakiisha iyo mas-uuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku baaqay in degdeg ah xorriyadiisa loo siiyo Taliye Shub, isagoo uga digay madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-fal awoodeed. PUNTLAND POST
  15. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xilalkii ka qaaday wasiiru dowlayaaashii Batroolka & Macdanta iyo Beeraha & Waraabka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilka qaadista mas’uuliyiintan u cuskaday qodobada 120-aad & kan 117-aad ee dastuurka Soomaaliya iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed”. “Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad, ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha” ayaa la raaciyay. Labadan wasiiru dowle oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland waxay taageersanaayeen mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysanyihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta. PUNTLAND POST
  16. Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay xilka qaadistii ay shalay ku sameysay Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub). Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xilka qaadista Taliye Shub iyo xabsi guri uu sheegay in la geliyay, isaga oo ku tilmaamay aargoosi siyaasadeed. Hadal qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku yiri “Waxaan si adag u cambaaraynayaa xil ka qaadista argoosiga siyaasadeed ah iyo xabsi guriga la geliyey Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya”. “Waa wax aan la aqbali karin oo sharciga, diinta, iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida ka baxsan in shakhsi loo bartilmaameedsado inuu xidid ama xigto la yahay qof kale oo uu khilaaf siyaasadeed kaala dhexeeyo” ayuu ku raaciyay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ku baaqay in si degdeg ah xabsi guriga looga sii daayo Gen. Mahad, islamarkaana loo soo celiyo xorriyadiisa, sida uu hadalka u dhigay. “Waa in si degdeg ah Janaraal Mahad xabsi guriga looga sii daayo, loona soo celiyo xoriyaddiisa, karaamadiisa, iyo xuquuqdiisa oo buuxda. Dhaqankani waa mid wiiqaya dowladnimada, sii xoojinaya kala qeybsanaanta, dhaawacayana kalsoonida shacabka” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. PUNTLAND POST
  17. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay intii uu socday dagaalka Bariga Dhexe in ay soo riday diyaarad dagaal oo nooca F-18 ah, taas oo leeyahay Maraykanka. War ka soo baxay ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay in diyaaradan oo maraysay koonfurta Iiraan ay duqeeyeen ciidamada badda, islamarkaana ay ku burburtay badweynta Hindiya. Dhanka kale Maraykanka ayaa beeniyay in wax diyaarad ah laga soo riday, isaga oo warkaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin. Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay barta X (hore loo oran jiray Twitter) ku sheegay in warkaas aanu run ahay. PUNTLAND POST
  18. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay dib u eegis ku samaynayso soo jeedin uu Maraykanku u gudbiyay si loo soo afjaro dagaalka ka socda gobolka, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in aanay jirin wada-hadal toos ah oo u dhexeeya labada dal. Wareysi laga sii daayay telefishinka dowladda ayuu Araqchi ku sheegay in fariimaha ay dhex-dhexaadiyeyaashu labada dhinac u kala gudbinayaan aysan micnahoodu ahayn wada-hadal rasmi ah ama wada-xaajood. “Fariimaha dhexdhexaadiyeyaasha looma aqoonsan karo wada-xaajood ama wada-hadal toos ah,” ayuu yiri wasiirku, isagoo intaa ku daray in soo jeedinta Maraykanka loo gudbiyay madaxda ugu sarreysa ee Tehran si ay go’aan uga gaaraan. Hadalladan ayaa muujinaya in inkastoo ay jirto suurtagalnimada xal diblomaasiyadeed, Iiraan ay wali ka cago jiidayso inay si toos ah ula fariisato Maraykanka, gaar ahaan iyadoo xiisadaha gobolka ay weli taagan yihiin. Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in Maraykanku uu soo jeedintiisa ku gudbiyay marinnada diblomaasiyadeed ee dadban, iyadoo la raadinayo waddo lagu dejiyo colaadda sii fidaysa ee Bariga Dhexe. Dowladda Iiraan ayaa hore u sheegtay in aysan oggolaan doonin wax wada-xaajood ah oo ku yimaada cadaadis ama hanjabaad, taas oo sii adkaynaysa dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah. Source: goobjoog.com
  19. Laba arday oo Soomaaliyeed oo dhigta sharciga ayaa taariikh sameeyay kadib markii ay noqdeen kooxdii ugu horreysay ee ka socota dalka oo ka qayb gasha tartan caalami ah oo ku saabsan garsoorka ganacsiga (arbitration) oo lagu qabtay Hong Kong. Ardaydan oo ka socotay Jaamacadda Muqdisho ayaa ka qayb galay tartanka Willem C. Vis East International Commercial Arbitration Moot oo socday 15 ilaa 22 Maarso. Tani waxay noqotay markii ugu horreysay ee Soomaaliya si rasmi ah uga soo muuqato tartankan heer caalami. Kooxda ayaa ka koobneyd Samira Yusuf iyo Sabirin Elmi, kuwaas oo ku tartamay qorista doodaha sharciyeed iyo jeedinta dood afka ah ee ku saabsan khilaafaadka ganacsiga caalamiga ah. Tartankan ayaa sanad walba soo jiita jaamacado badan iyo kumannaan arday oo ka kala yimaada dalal kala duwan. Ka qaybgalka ardaydan wuxuu Soomaaliya geliyay fagaaraha caalamiga ah ee tartamada sharciga, wuxuuna muujinayaa horumar laga sameynayo tayada waxbarashada sare ee dalka, gaar ahaan dhinaca sharciga. Sidoo kale, ardaydu waxay heleen khibrad qiimo leh oo ku saabsan arrimaha sharci ee dalal kala duwan ka dhexeeya, waxayna la kulmeen arday iyo khubaro ka kala yimid meelo badan oo caalamka ah arrin muhiim u ah kobcinta xirfadaha qareennimo ee mustaqbalka. Guushan waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo muujineysa horumar ka socda nidaamka waxbarashada Soomaaliya, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee qaybta sharciga. Source: goobjoog.com
  20. ​ Xoghayaha Guud ee Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu xisbiga u hayay iyo xubinnimadiisaba, isagoo go’aankan u sababeeyay kala aragti duwanaansho qotodheer oo muddo dheer kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Xisbiga, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Mas’uulkan ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay in khilaafku salka ku hayo hannaanka maamulka dalka, isagoo ku eedeeyay Madaxweynaha inuu talada dalka iyo tan xisbigaba ka dhigay mid isaga kaliya ku kooban, isla markaana uu diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan kiisa ama uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed iyo hay’adaha dowladda. ​Waxa uu sidoo kale si adag uga hadlay arrimaha masiiriga ah ee dalka, isagoo xusay inuu isku dayay inuu Madaxweynaha ka qabto hannaanka loo marayo wax-ka-beddelka dastuurka oo uu ku tilmaamay mid kala fogeynaya ummadda Soomaaliyeed, wiiqayana mabaadi’ida federaalka. Sidoo kale, waxa uu tilmaamay inuu ka horyimid nidaamka doorashooyinka oo uu sheegay in Madaxweynuhu ku adkeystay qaab uu isagu natiijadiisa xakameyn karo, halkii laga dooran lahaa nidaam ay u dhan yihiin saamileyda siyaasadda si looga baaqsado colaad iyo burbur bulsho. ​Xoghayaha is-casilay ayaa intaas ku daray inuu ka soo horjeestay siyaasadda lagu wiiqayo dowlad-goboleedyada dalka oo uu u arko aasaaska nidaamka federaalka, wuxuuna si gaar ah u cambaareeyay xannibaadda safar ee loo geysto xildhibaannada qaranka, taas oo uu ku sifeeyay gaboodfal sharci iyo ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka. Gebagebadii, mas’uulkan ayaa shaaca ka qaaday inuu maanta wixii ka dambeeya qaadan doono jiho siyaasadeed oo cusub, isagoo guntiga u xiran doona inuu bahwadaag la noqdo cid kasta oo ay ka midoobi karno ilaalinta midnimada iyo Soomaalinimada. Source: goobjoog.com
  21. Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fadhigoodii caadiga ahaa ku ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee ku aaddan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Xilkan muhiimka ah ayaa loo igmaday Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ah sargaal waaya-arag ah, horayna usoo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. ​Magacaabista Xaamud ayaa ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyey General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo muddo soo hayey hoggaanka ciidankaas. General Mahad, oo ah sodogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa xil ka qaadistiisa loo arkaa mid salka ku haysa xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxaysay dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed. Source: goobjoog.com
  22. Warbaahinta Al Jazeera ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka ay dalbatay xabad joojin lala galo Iiraan, iyadoo fariintan loo sii marsiiyay dowladda Pakistan. Sida ay Al Jazeera u xaqiijiyeen ilo sare oo ka tirsan Islamabad, dukumenti rasmi ah oo ka yimid maamulka Donald Trump ayaa la gaarsiiyay mas’uuliyiinta Iiraan, kaas oo xambaarsan codsi ku saabsan xabad joojin. Dowladda Pakistan ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadatay gudbinta farriintan, iyadoo xiriir dhow la leh labada dhinac. Wararka ayaa intaas ku daraya in weli la sugayo jawaabta rasmiga ah ee Iiraan, taasoo go’aamin karta jihada xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee gobolka. Arrintan ayaa imaneysa xilli xiisaddu ay sare u kacday, iyadoo dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan lagu doonayo in lagu dejiyo xaaladda, loogana hortago isku dhac ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe. Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay soo baxdo saacadaha ama maalmaha soo socda, marka ay Iiraan ka jawaabto dalabka xabad joojinta ee ka yimid Mareykanka. Source: goobjoog.com
  23. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo ay aad isugu dhawaayeen madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse waxaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya loo magacaabay Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo hore u soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya. “Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee magaacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo loo magacaabay Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud” ayaa lagu yiri qoraalka. Xilka qaadista Taliye Shub waxay la xiriirtaa xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ee u dhaxaysa dowladda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST
  24. Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa iska casilay xilkii xoghayaha guud ee xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ee Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Odowaa ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in go’aankiisa iscasilaadeed uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo kala dhaxeeyay guddoomiyaha xisbiga ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Xildhibaan Odayaa ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu talada dalka iyo tan xisbiga JSP ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata. Odowaa ayaa si adag uga horyimid habka wax-ka-beddelka dastuurka dalka, isagoo ku tilmaamay mid sii kala fogeynaya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana wax u dhimaya mabaadi’da federaalka. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu madaxweynuhu kaga ra’yi duwanaa hannaanka doorashada ee dowladdu doonayso iyo qaabka loo wajahay dowlad goboleedyada. Iscasilaada Odawaa waxay ku soo aaday, xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo adag, islamarkaana saameeyay xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. Hoos ka akhri war-saxaafadeedka Odowaa WAR-SAXAAFADEED: Is-Casilaadda Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 2026 aan si rasmi ah isaga casilay xilka Xoghayaha Guud iyo waliba xubinnimadii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP). Iscasilaadan waxaa sabab u ah kala aragti duwanaansho qotodheer oo in muddo ah igala dhaxeysay Guddoomiyaha Xisbiga JSP, ahna Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamud. Kala ra’ayi duwanaantaasi waxa ay salka ku haysaa qodobada soo socda: 1. In madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ka dhigay mid isaga ka billaabata kuna dhammaata, isaga oo diiday inuu tixgeliyo ra’yiga ka duwan midkiisa isla markaana uu la tashado kooxdiisa siyaasadeed, guud ahaanna diiday talada dhammaan hay’adaha dowladda 2. Wax-ka-beddelka dastuurka dalka: waxaan isku dayay inaan madaxweynaha ka qabto hannaanka loo maray wax-ka-beddelka dastuurka oo ahaa mid kala fogeynayay ummadda Soomaaliyeed iyo in la saxo qaar ka mid ah qodobbada taabanaya midnimada, wadajirka iyo mabaadi’ida federaaliga ah ee uu dastuurku ku qotomo. 3. Hannaanka doorashada: waxaan madaxweynaha ku kala ra’ayi duwanaannay nidaamka doorashooyinka dalka. Madaxweynuhu wuxuu ku adkeystay inuu sameeyo nidaam doorasho oo uu natiijadiisa isagu xakameyn karo, aniguna waxaan qabaa in doorashadu noqoto mid ay heshiis ku yihiin saamileyda siyaaasadda dalka, maadaama uu dalkeennu yahay mid u nugul colaad siyaasadeed iyo burbur bulsho oo soo noqnoqda. 4. Burburinta dowlad goboleedyada: waxaan aad uga diiday Madaxweyne Xasan Sheekh siyaasadiisa burburinta dowlad-goboleedyada dalka, maxaa yeelay dowlad-goboleedyadu waa astaanta iyo heerka labaad ee aasaaska u ah dhismaha nidaamka federaalka dalka iyo weliba wadajirka bulshada Soomaaliyeed. 5. Xannibaadda xildhibaannada: waxaan aad uga dhiidhiyey xannibaadda soo noqnoqotay ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa iyo dibadda u socdaalaya. Si gaar ah, waxaan kasoo horjeestay in xildhibaan qaran oo xasaanad leh laga hor istaago safar, arrintaas oo ah gaboodfal sharci oo aan qiil loo heli karin, ku xadgudub madaxbannaanida baarlamaanka dalka iyo karaamada bani’aadamka ee Alle ilaaliyey. Qodobbadaas, iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi karin oo aan ku kala aragti duwanaanay, ayaan maanta go’aansaday inaan siyaasadda ku kala baxno aniga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan siyaasad wadaag soo aheyn muddo dheer. Hadaba, maanta wixii ka dambeeya, waxaan abbaari doonaa jiho siyaadadeed oo ka duwan tii aan muddada dheer ku soo jiray, aniga oo guntiga u xiran doona inaan bahwadaag noqonno cid kasta oo aan ka midoobi karno mabaadi’ida Soomaalinnimada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Soomaaliya waxaan u rajeynayaa mustaqbal ummadeed oo ifaya. DHAMMAAD PUNTLAND POST
  25. Socdaalka markabka casriga ah ee Turkiga ee lagu magacaabo Cagri Bay ayaa noqday mid si weyn indhaha loogu hayo, maadaama uu astaan u yahay wejiga cusub ee Soomaaliya u galay raadinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka shidaalka. Markabkan oo ah jiilka toddobaad ee ugu horumarsan ee qodista shidaalka badda hoosteeda, ayaa ka soo shiraacday dekadda Walvis Bay ee dalka Namibia, halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay. Safarkiisa dheer wuxuu ka bilaabay dalka Turkey, isaga oo soo maray dalal badan oo ku yaalla Yurubta Koonfureed sida Greece, Italy iyo Spain, ka hor inta uusan u sii gudbin xeebaha galbeedka Afrika. Intii uu ku jiray socdaalkaas, Cagri Bay wuxuu soo maray waddamo ay ka mid yihiin Morocco, Mauritania, Senegal, Ghana iyo Nigeria, isagoo sii maray xeebaha ilaa uu ka gaaray koonfurta qaaradda Afrika. Hadda wuxuu ku sii jeedaa inuu ka gudbo agagaarka South Africa, kadibna u soo tallaabo dhinaca bari ee Afrika. Marka uu ka soo gudbo Koonfur Afrika, markabkan waxaa la filayaa inuu soo maro waddamada Mozambique, Tanzania iyo Kenya, ka hor inta uusan soo gaarin xeebaha Somalia. Ujeeddada ugu weyn ee socdaalka Cagri Bay waa inuu bilaabo qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal laga baaro Soomaaliya, kaas oo loogu magac daray “Curadka 1aad”. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in markabkan uu dalka ku imaan karo muddo ku dhow 45 maalmood, balse marka la eego masaafadda dheer iyo waddada uu marayo, waxaa muuqata in safarka uu qaadan karo waqti ka badan intii la qorsheeyay. Go’aanka uu markabkan ku doortay inuu ku wareego qaaradda Afrika halkii uu ka mari lahaa Suez Canal ayaa la rumeysan yahay inuu la xiriiri karo arrimo amni iyo istiraatiiji ah, maadaama marinnada qaar ee Badda Cas ay noqdeen kuwo khataro cusub ka jiraan. Imaatinka Cagri Bay ee Soomaaliya wuxuu noqon karaa tallaabo taariikhi ah oo dalka u horseedi karta inuu si rasmi ah u galo safka dalalka soo saara shidaalka, haddii natiijooyinka qodista ay noqdaan kuwo rajo leh. Sidoo kale, wuxuu muujinayaa xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta iyo horumarinta kheyraadka dabiiciga ah. Haddii howlaha qodista ay guuleystaan, Soomaaliya waxay fursad u heli kartaa koboc dhaqaale, shaqo abuur iyo in ay ka faa’iidaysato kheyraad muddo dheer la sugayay. Source: goobjoog.com