-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay dagaal culus oo ka dhacay agagaarka deegaanka Daynuunaay ee Gobolka Bay, kadib markii ay iska caabiyeen weerar dhabagal ah oo ay isku dayeen maleeshiyaadka Shabaab. Dagaalkan ayaa horseeday in kooxda Shabaab lagu gaarsiiyo khasaare xooggan, waxaana goobta looga dilay 21 maleeshiyo halka in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka Daynuunaay, kaas oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada muhiimka ah ee Baydhabo iyo Muqdisho. Wasaaradda Gaashaandhigga oo soo saartay warkaan ayaa xaqiijisay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshihii maleeshiyaadka, iyadoo lagu jiro xilli ay socdaan howlgalada lagu sugayo amniga wadooyinka waa weyn ee gobolka. Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay inay dib ka soo gudbin doonto faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah iyo xaaladda guud ee deegaanka marka ay soo baxaan wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya aagga dagaalka. Source: goobjoog.com
-
Buurhakaba (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka ruqaansaday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay ayaa kusii siqaya magaalada Baydhabo, oo ah xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan gobolka. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamadan ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ballaaran, isla markaana ay ku wajahan yihiin duleedka magaalada Baydhabo. Ciidamada Federaalka ayaa la sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay u geli lahaayeen magaalada Baydhabo, inkasta oo magaalada ay ku sugan yihiin ciidamo daacad u ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen. Lafta-gareen ayaa shalay Baydhabo ku qabsaday doorasho uu mar kale kusoo baxay, taas oo si adag uga soo horjeeda Dowladda Federaalka. Arrintan ayaa sii hurisay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac. Cabsi dagaal ayaa laga dareemayaa duleedka magaalada Baydhabo, maadaama ay isku sii dhawaanayaan ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed. Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa bilaabay inay ka barakacaan gudaha Baydhabo iyo duleedka magaalada, iyaga oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka qarxo halkaas. Si kastaba, Lafta-gareen ayaa doonaya inuu sii haysto sharciyadda uu shalay isu sameeyay, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ay ku doodayaan in doorashadu aysan ahayn mid sharciyeysan. Xiisadda ka taagan Baydhabo ayaa u muuqata mid faraha kasii baxaysa, iyadoo dhinacyadu hoos u dhigeen baaqyadii lagu doonayay in lagu joojiyo xiisadda lana raadiyo xal wada-hadal ah, si looga baaqsado dagaal ka dhaca Baydhabo. The post Ciidamada DF oo kusii dhawaanaya Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta la kulmay qunsulka dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada dalka Itoobiya. Lama sheegin labada dhinac waxa ay ka wahadleen, hase ahaatee, hase ahaatee kulankan wuxuu yimid, xilli xiisad siyaasadeed iyo amni ay ka jirto qaybo ka mid ah Soomaaliya, iyada oo Itoobiya ay saameyn ku leedahay siyaasadda iyo amniga dalka. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo koobay “Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Major General Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Dalka Itoobiya”. PUNTLAND POST
-
Muqdisho, Soomaaliya – 29 Maarso 2026 — Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa daahfuray barnaamij tababar oo loogu talagalay shaqaalaha dowladda si ay u helaan aqoonta shahaadooyin caalami ah oo ku saabsan Amniga Saaybarka. Barnaamijku wuxuu diiradda saarayaa diyaarinta khubarada ICT-da ee hay’adaha dowladda si ay u helaan shahaadooyin caalami ah, taasoo kor u qaadaysa awooddooda ku aaddan ilaalinta xogta qaranka iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. Maareeyaha Guud, oo ka hadlay daahfurka, ayaa yiri: “Tababarkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ee lagu xoojinayo ilaalinta kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka, sugidda amniga xogta, iyo ka hortagga khataraha sii kordhaya, weerarrada iyo burcada internet-ka. ka. Sidoo kale, barnaamijku wuxuu gacan ka geysan doonaa dhisidda awoodda shaqaalaha dowladda si ay u ilaaliyaan nidaamyada iyo adeegyada dhijitaalka ah ee qaranka.” Maareeyaha Guud ayaa sidoo kale la dardaarmay ka-qaybgalayaasha, isagoo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana u adeegsadaan aqoonta ay helaan horumarinta amniga dhijitaalka ah ee hay’adahooda. Tababarradani Amniga Saaybarka waxa ay ka kooban yihiin koorsooyin iyo shahaadooyin caalami ah, oo ay ka mid yihiin: CompTIA Security+ Certified Incident Handler – EC Council Cloud Security Essentials – GIAC ISMS (ISO/IEC 27001:2022) Lead Auditor Certified Information Security Manager (CISM) ISACA Certified Information Systems Security Professional (CISSP) – ISC2 Tababarrada waxaa lagu qaban doonaa Muqdisho, qaab fogaan-arag (online), iyo Nayroobi, muddada u dhaxaysa 28 Maarso ilaa 8 May 2026. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa hore ugu wargelisay hay’adaha dowladda inay soo magacaabaan shaqaale heysta ugu yaraan shahaadada koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee Culuumta Kombuyuurtarka, IT-da, iyo Engineering-ka ama wax u dhigma. Sidoo kale, Musharraxiinta ka qeybgalaya waa inay leeyihiin ugu yaraan khibrad laba (2) sano ah ama ka shaqeeyaan Maamulka Nidaamyada (System Administration), Maamulka Shabakadaha (Network Administration). Si loo hubiyo tayada iyo horumarka barnaamijka, kaliya ka-qaybgalayaasha ku guuleysta imtixaannada koorsooyinka ayaa u gudbi doona heerarka xiga ee shahaadooyinka. Barnaamijkan tababarka waxaa taageeraya Bangiga Adduunka (World Bank Group) iyada oo loo marayo mashruuca SCALED-UP, waxaana fududeynaya Machadka Sare ee Isgaarsiinta ee Afrika (AFRALTI), tababarkan ayaa xoojinaya dadaallada lagu dhisayo awoodda amniga saaybarka iyo shaqaale dowladeed oo xirfad sare leh. Source: goobjoog.com
-
Xaaladda gobolka Bay iyo magaalada Baydhabo ayaa gashay weji cusub oo xasaasi ah, ka dib markii ay isku biireen dhaqdhaqaaqyo ciidan, weeraro jid-gal ah iyo xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka. Saaka ciidamo ka tirsan kuwa “Badbaadada Koonfur Galbeed” oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo ayaa la kulmay weerar gaadmo ah oo ay jidka u galeen kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay, inkastoo ciidamada la weeraray ay ku guuleysteen inay iska caabiyaan kooxdii soo duushay. Dhinaca kale, waxaa cirka isku sii shareeray xiisadda ka dib markii diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka fuliyeen agagaarka deegaanka Deynuunaay, kuwaas oo lala beegsaday goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen xoogagii weerarka soo qaaday. Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa si kulul u dhaliilay tallaabadan, isagoo ku sifeeyay ayaan darro weyn in diyaaradaha dowladda Turkiga loo adeegsado magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilli ciidanka dowladda federaalka ay kaabiga ku hayaan Baydhabo si ay Madaxweyne Laftagareen ugu qasbaa in uu ka laabto hannaanka doorasho ee lagu muransan yahay. Magaalada Baydhabo ayaa hadda ku jirta xaalad go’doon ah, iyadoo boqolaal askari oo ka soo ruqaansaday dhanka Bardaale ay magaalada si ay uga hor yimaadaan muddo kororsiga maamulka ka jira, taas oo sii kicisay cabsida laga qabo in dagaal sokeeye uu ka dhex qarxo gudaha magaalada. Midowga Afrika ayaa iyagoo ka duulaya xaaladdan kakan soo saaray bayaan degdeg ah, iyagoo ku baaqay is-xakameyn buuxda iyo in khilaafka lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad, si looga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhac hubeysan oo dhiig badani ku daato. Source: goobjoog.com
-
Tehraan (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa ku hanjabay inay bartilmaameedsan doonaan jaamacadaha Israa’iil iyo kuwa Maraykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe. Hanjabaadda Iiraan ayaa imanaysa kadib weerar lagu qaaday Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoolajiyada ee magaalada Tehraan, kaas oo Iiraan ku eedeysay Israa’iil. IRGC ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in jaamacadaha Israa’iil iyo Maraykanka ee gobolka loo aqoonsan doono bartilmaameedyo “sharci ah,” ilaa laga aarguto weerarradii lagu qaaday jaamacadaha Iiraan. Waxay tilmaantay in arrintan ay tahay jawaab milatari oo la xiriirta weerarro ay sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xarumo cilmi-baaris oo muhiim u ah dalka Iiraan. “Waxaan kula talineynaa dhammaan shaqaalaha, macallimiinta, iyo ardayda jaamacadaha Maraykanka ee ku yaalla gobolka, iyo sidoo kale dadka deggan agagaarkooda, inay u jiraan masaafo dhan 1 km jaamacadahaas si loo xaqiijiyo badqabkooda,” ayaa lagu yiri bayaanka IRGC. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanku uu haysto fursad uu ku cambaareeyo duqeymaha lagu qaaday jaamacadaha Iiraan, si looga baaqsado weerarro aargudasho ah oo lagu qaado hay’adaha Maraykanka ee ku yaalla Bariga Dhexe. IRGC ayaa u qabatay Maraykanka waqti kama dambeys ah oo ku eg 12:00 duhurnimo ee maalinta Talaadada, 30-ka Maarso. Hanjabaadaha noocan oo kale ah ayaa khatar gelin kara xarumaha waxbarasho iyo muwaadiniinta rayidka ah, isla markaana sii kordhin kara halista dagaal ballaaran oo ka qarxa Bariga Dhexe, sida ay ka digeen saraakiil Maraykan ah. Sidoo kale, warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adaha ammaanka Israa’iil ay sare u qaadeen feejignaanta la xiriirta amniga jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista, iyagoo ka cabsi qaba weerarro suurtagal ah oo uga yimaada kooxaha ay Iiraan taageerto ee ku sugan gobolka. Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hanjabaado iyo weerarro qarsoodi ah, halka Maraykanka uu si cad u taageerayo Israa’iil, arrintaas oo ka dhigeysa Bariga Dhexe meel mar walba qarka u saaran isku dhac weyn. The post Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan oo soo saaray digniin adag – Maxaa cusub? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay natiijada doorashada golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, kadib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay soo gudbiyeen natiijooyin KMG ah oo la sugayay in si rasmi ah loo meel-mariyo. Go’aankan ansixinta ah ayaa lagu gaaray fadhi ay maxkamadda sare yeelatay, waxaana saxiixay dhammaan garsoorayaasha maxkamadda, kuwaas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Maxkamadda Sare, Dr. Abuubakar Axmed Cali. Doorashadan golayaasha deegaanka ee gobolka Banaadir ayaa ahayd mid ay si weyn isha ugu hayeen ururrada siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah, maadaama ay ahayd doorashadii ugu horreysay ee noocan ah ee si toos ah uga dhacda caasimadda muddo sanado ah kadib. Doorashada ayaa waxaa ka qaybgalay 20 urur siyaasadeed, iyadoo loo tartamay 390 kursi oo golayaasha deegaanka ah. Sida ay sheegeen guddiga doorashooyinka, waxaa is-diiwaangeliyay in ka badan 918,000 oo codbixiye, halka ku dhowaad 233,000 oo qof ay si rasmi ah codkooda u dhiibteen maalintii doorashada. Natiijooyinka kama dambaysta ah ayaa muujinaya in Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, oo ah xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, uu helay kuraasta ugu badan oo dhan 177 kursi, taas oo ka dhigeysa xisbiga ugu awoodda badan golayaasha deegaanka gobolka Banaadir. Sidoo kale, Xisbiga Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Shaakir ayaa helay 49 kursi, halka xisbiyada kale ay kala heleen kuraas kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xisbiga Ramaas oo helay 42 kursi, Xisbiga Karaama oo helay 39 kursi, iyo Xisbiga Sincad oo helay 26 kursi. Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda ku caddeysay in aysan jirin wax cabasho rasmi ah oo laga gudbiyay natiijada doorashada muddadii sharciga ahayd, taas oo sahashay in si degdeg ah loo ansixiyo natiijada doorashada, sida ku cad Qodobka 73-aad ee Xeerka Doorashooyinka Qaranka. Ansixinta natiijadan ayaa si rasmi ah u soo afjaraysa dhammaan muranadii iyo su’aalihii ka taagnaa natiijooyinka doorashada, waxayna tani waddada u fureysaa in la dhiso golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadan doona maamulka iyo horumarinta caasimadda Muqdisho. The post Maxkamadda sare ee Soomaaliya oo ansixisay natiijada doorashada… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyey mooshin xilka qaadis ah oo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ku cad dukumenti lagu faafiyey baraha bulshada oo taariikhdiisu tahay 24-ka Maarso 2026. Dukumentigaas oo loo diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha lagu eedeynayo inuu jebiyey qodobo ka mid ah Dastuurka Ku-meelgaarka ah. Mooshinka ayaa ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu “ku tuntay dastuurkii lagu dhaariyey, ku takrifal awoodeed, kutumasho xuquuqda muwaadinka, musuq-maasuq iyo khiyaano qaran,” isla markaana falalkiisa lagu tilmaamay kuwo “si cad u muujinaya” inuu ku kacay waxyaabo lid ku ah sarreynta dastuurka. Caasimada Online si madax-bannaan uma xaqiijin karto tirada saxda ah ee xildhibaannada saxiixay mooshinkan. Si kastaba, dukumentiga la arkay wuxuu xambaarsan yahay liis dheer oo magacyo xildhibaanno ah, kuwaas oo isugu jira xubno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, oo gaaraya illaa 134. Qodobada mooshinka lagu xusay waxaa ka mid ah eedeymo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan Koonfur Galbeed. Qoraalka ayaa si toos ah u leh Madaxweynaha wuxuu “huriyey khilaafaad siyaasadeed, isaga oo adeegsana ciidamo militari iyo cadaadis dhaqaale kula kacaya dowlad goboleedyada,” arrintaas oo ay ku sheegeen mid dhaawaceysa midnimada qaranka, xasilloonida siyaasadeed iyo jiritaanka dowladnimada. Sidoo kale, mooshinka waxaa lagu eedeeyey Madaxweynaha inuu “faragelin sharci darro ah ku sameeyey Golaha Shacabka iyo hay’adaha madaxa bannaan,” iyo inuu ku kacay falal ka baxsan xuduudaha uu dastuurku u oggol yahay xafiiskiisa. Dhinaca kale, xildhibaannada mooshinka wada ayaa ku doodaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexday nidaamka federaalka, iyaga oo sheegay inuu “qaatay hanaan doorasho oo hal dhinac ah, baalmarsan hanaanka nidaamka federaalka iyo mabaadi’da dastuurka.” Mooshinku wuxuu sidoo kale xusay heshiisyo caalami ah iyo arrimo dhaqaale oo lagu dhaliilay madaxtooyada, iyadoo saxiixayaasha ay ku andacoonayaan in Madaxweynaha uu galay tallaabooyin aan marin hannaan sharciyeedkii loo baahnaa, islamarkaana wax u dhimaya hufnaanta iyo isla-xisaabtanka dowladeed. Gabagabada qoraalka, xildhibaannadu waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka codsadeen inuu si degdeg ah u qabto mooshinka, una gudbiyo habraacyada dastuuriga ah ee la xiriira xil ka qaadista Madaxweynaha. Hase yeeshee, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu diiday qabashada mooshinka. Xildhibaanadan ayaa arrintaas ku sababeeyey, sida ay sheegeen, in guddoomiyuhu qayb ka yahay dadaallada siyaasadeed ee haatan ka socda Baydhaba. Ilaa hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxtooyada Soomaaliya oo ay kaga jawaabayaan mooshinkan iyo eedeymaha ku xusan. Si kastaba waxaa xusid mudan in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamanka ay yihiin xulufo siyaasadeed, sidaas darteedna rajada laga qabo in mooshinkaas cod loo qaado ay ku dhowdahay eber. The post Xogta mooshinka ka dhan ah Xasan Sheekh iyo tirada xildhibaannada saxiixay appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasabad ballaran oo ka dhacday xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xilka loogu wareejiyay Taliyaha cusub ee ciidankaas, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud. Waxaa xilka Wareejiyay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta oo xilka ku wareejiyay Taliyaha cusub, iyadoo ay munaasabadda goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin kala duwan. Isbeddelkan dhinaca hoggaanka ah ayaa yimid ka dib markii xilka laga qaaday Taliyihii hore, Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu haatan ku jiro xabsi guri. Arrimahan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, waxaana xil ka qaadista Taliyaha hore loo arkaa mid salka ku haysa xaaladaha siyaasadeed ee dalka ka jira iyo loolanka ka dhashay xiriirka labada dhinac. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda sii kordheysa ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, waxayna ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada in khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal, kana fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado. Qoraal ay baahisay Sabtidii xafiiska QM ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo xaaladda kasoo korortay Koonfur Galbeed, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba. “Khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka waa in lagu xalliyaa wada-hadal,” ayaa lagu yiri qoraalka UNTMIS. Hay’addu waxay intaas ku dartay inay ka walaacsan tahay saameynta ay yeelan karto xiisaddan sii kordheysa, iyadoo ka digtay in xaaladdu ay waxyeello u geysan karto xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya. “Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada inay qaataan wada-hadal wax dhisaya, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dheeraad ah oo keeni karta isku dhac rabshado wata,” ayay mar kale tiri UNTMIS. Baaqa Qaramada Midoobay ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda Koonfur Galbeed ay gashay marxalad cusub oo halis ah, kadib doorashadii deg-degga ahayd ee Sabtidii ka dhacday magaalada Baydhaba, taas oo mar kale xilka madaxweynaha loogu doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen). Doorashadaas ayaa sidoo kale lagu soo doortay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cali Siciid Fiqi, hase yeeshee dowladda federaalka ayaa si deg-deg ah u diidday natiijada kasoo baxday Baydhaba, kuna tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka baxsan dastuurka iyo heshiisyadii lagu waday geeddi-socodka doorashooyinka. Dhankeeda, Villa Somalia waxay ku eedeysay hoggaanka Koonfur Galbeed inay qabteen hannaan hore loo sii qorsheeyay oo aan waafaqsaneyn sharciyadda dalka, halka taageerayaasha Lafta-gareen ay ku doodayaan in dowladda dhexe ay faragelin ku hayso arrimaha maamulkaas. Xiisaddan siyaasadeed ayaa sidoo kale yeelatay dhinac amni, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay lasoo wariyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka jira deegaannada ku dhow Baydhaba iyo Buurhakaba, arrintaas oo sare u qaaday cabsi laga qabo in khilaafku isu beddelo isku dhac toos ah. Hadalkan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa noqonaya calaamaddii ugu dambeysay ee muujineysa walaaca sii kordhaya ee beesha caalamka ka qabto xaaladda Koonfur Galbeed, xilli Soomaaliya ay wajahaysa muranno ku saabsan dastuurka, hanaanka doorashooyinka 2026 iyo weliba dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Inkasta oo UNTMIS aysan si toos ah eed ugu jeedin dhinac gaar ah, haddana baaqeeda ku aaddan xakameynta xiisadda iyo in laga baaqsado tallaabo kasta oo keeni karta dagaal ayaa muujinaya cabsida sii kordheysa ee laga qabo in khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba uu sii ballaarto. Baaqa Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu cadaadis dheeraad ah saaro labada dhinac, si ay uga laabtaan iska hor imaad siyaasadeed iyo mid amni, uguna soo noqdaan miiska wada-hadalka ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin. The post QM oo war ka soo saartay xiisadda DF iyo Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Xuutiyiintu waxay joojiyeen weerarradooda afartii toddobaad ee ugu horreysay ee dagaalka, inkastoo ay xiriir dhow la leeyihiin oo ay taageero ka helaan Iiraan. Hadda, dhaqdhaqaaqa weli gacanta ku haya caasimadda Yemen ee Sanca, waqooyiga iyo meelo kale oo dalka ka mid ah, ayaa qaaday tallaabadiisii ugu horreysay, iyagoo gantaallo ku ganey dhanka Israa’iil. Xuutiyiintu waxay sheegeen in ay beegsanayeen “goobo milatari oo Israa’iil leedahay oo xasaasi ah”. Waa run in khatarta ay Xuutiyiintu u keenaan Israa’iil iyagoo adeegsanaya gantaallo ay aad uga yar tahay tan Iiraan. Kooxdu waxay marar badan gantaallo u dirtay Israa’iil si ay u taageeraan Xamaas kadib markii dagaal ka qarxay Qasa, kaasoo ka dambeeyay weerarradii ay hoggaaminaysay Xamaas ee Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023. Laakiin weerarradaas oo dhammaaday bilo badan ka hor waxyeello weyn oo dhab ah kama geysan Israa’iil. Meesha ay Xuutiyiintu khatar aad uga weyn ku yihiin waa xeebaha Yemen ka baxsan. Iyadoo qayb ka ah taageerada ay u fidinayaan Xamaas, kooxdu waxay beegsatay maraakiibta maraysa marin-biyoodka Baabul-mandab oo ku yaalla dhamaadka koonfureed ee Badda Cas, inta u dhaxaysa Yemen iyo Geeska Afrika. Ficilkoodaas ayaa khatar geliyay jidkaas muhiimka ah ee ganacsiga badda. Haddii ay mar kale sidaas sameeyaan, waxay dharbaaxo weyn ku noqon doontaa dhaqaalaha adduunka. Haddii ay taasi ku soo beeganto xilli Iiraan ay ku dhowdahay inay xirto marin-biyoodka Hormuz, laba ka mid ah waddooyinka istiraatiijiga ah ee ugu waaweyn dunida ee ganacsiga iyo sahayda tamarta ayaa suurtagal ah inay gabi ahaanba xirmaan. Xuutiyiintu waxay sidoo kale beegsan karaan kaabayaasha tamarta iyo kuwa milatariga ee dariskooda Carabta ee Gacanka, sida Sucuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta—sida ay horayba u sameeyeen. Markii ay Xuutiyiintu ficilladaas oo kale horay u sameeyeen, waxay la kulmeen duqeymo dhanka cirka ah oo xooggan oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo lala beegsaday hoggaankooda iyo awooddooda milatary. balse, waxay u muuqataa in Xuutiyiintu ay u dhabar-adaygeen weeraradaas. Su’aasha hadda taagani waxay tahay inta ay le’eg tahay masafada uu dhaqdhaqaaqu u diyaarsan yahay inuu gaaro. Markii ay fuliyeen weerarada ay ku taageerayeen Xamaas iyo Falastiiniyiinta, waxay heleen xoogaa taageero iyo bogaadin ah oo gudaha iyo gobolka ah. Hase yeeshee, in ay sidaas oo kale u sameeyaan Iiraan darteed waxay noqon kartaa arrin ka duwan. Waxaa sidoo kale jirta arrinta dalka Yemen laftiisa, kaas oo ku sugnaa xaalad deganaan ah muddo dhow ka dib sannado badan oo qalalaaso iyo dagaallo ah. In Xuutiyiintu ay si qoto dheer ugu lug yeeshaan dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan waxay kicin kartaa dagaal hor leh oo dhex mara kooxaha gudaha Yemen. Shaki kuma jiro, haddii Xuutiyiintu ay sii wadaan oo ay sii xoojiyaan weerarradooda inay calaamad u noqon doonto kacsanaan cusub iyo ballaarashada dagaalka. Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada. Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik . Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta. Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray “Dhallinyarada Mu’miniinta ah”, taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go’doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen. Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda. Waxay la koreen nacaybka Israa’iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah. Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore. Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay “Al-Xaq”. Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii. Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama “Imperialism-ka,” waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan. Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu’miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen. Hase yeeshee waxay sii ballaadhiyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu saxiixayay hirgelinta heshiis iskaashi oo dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga khayraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha buluugga, kaas oo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso si loo horumariyo ilaha dhaqaale ee badda ku saleysan. Hirgelinta heshiiskan ayaa ku timid is-afgarad ay hore u gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Recep Tayyip Erdogan, kuwaas oo si wadajir ah u muujiyay muhiimadda iskaashi dhow oo labada dal yeeshaan. Iskaashigan ayaa horseeday aasaaska shirkadda SOMTURK bishii Diseembar 2025, taas oo ka dhalatay wada-shaqeyn dhex martay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ee OYAK. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ayaa sheegay in shirkadda SOMTURK ay door weyn ka qaadan doonto nidaaminta iyo bixinta rukhsadaha kalluumeysiga caalamiga ah ee ka dhaca Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu xusay in shirkaddu ay si dhow ula shaqeyn doonto Wasaaradda Kalluumeysiga, isla markaana ay gacan ka geysan doonto la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo xoojinta awoodda ciidamada badda ee dalka. Ugu dambeyntiina, Wasiir Jibriil ayaa tilmaamay in heshiiskan uu sidoo kale door muhiim ah ka qaadan doono ilaalinta xeebaha dalka iyo horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga, taas oo kor u qaadi doonta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya. Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hore u kala saxiixday heshiisyo muhiim ah oo la xiriira amniga badda, difaaca iyo iskaashiga milatari, kuwaas oo la filayo inay sii xoojiyaan awoodda Soomaaliya ee ilaalinta biyaha iyo khayraadka ku jira. The post Hirgelinta heshiisyada Turkiga iyo Soomaaliya oo si rasmi ah loo saxiixay appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan saddex wariye oo u dhashay dalka Lubnaan ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegayaan ilo rasmi ah iyo warbixinno warbaahineed. Weerarkan oo dhacay maalintii Sabtida ayaa ka dhacay koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ka socdeen dagaallo u dhexeeya Israa’iil iyo kooxda Xisbullah. Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad lagu bartilmaameedsaday mid ka mid ah wariyeyaasha, halka duqeyn labaad oo xigtay ay haleeshay shaqaale gurmad ah oo u socday goobta si ay u badbaadiyaan dhaawacyada, taasoo sababtay dhimasho dheeraad ah. Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka si toos ah loo bartilmaameedsaday iyagoo ku sii jeeday goobta weerarka, arrintaas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo badqabka howlwadeennada caafimaadka iyo warbaahinta. Sida ay wasaaraddu tilmaantay, in ka badan 50 shaqaale caafimaad ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markii uu sii xoogeystay dagaalku, iyadoo sagaal ka mid ah ay ku dhinteen hal maalin gudaheed oo keliya. Tani waxay muujinaysaa, sida ay sheegtay wasaaraddu, koror ku yimid weerarrada lala beegsanayo xarumaha iyo shaqaalaha caafimaadka. Si kastaba haahaatee, Israa’iili ayaa horay u sheegtay in kooxda Xisbullah ay adeegsanayso xarumaha caafimaadka ujeeddooyin milatari, iyagoo uga digay in isbitaallada la beegsan karo haddii xaaladdu sidaas sii ahaato. Source: goobjoog.com
-
Miami (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sheeganaya in dalalka Carabta ay si dhow ugala shaqeynayaan Washington dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan uu ugu dambeyntii ku qasbanaaday “inuu dabada iga dhunkado.” Isaga oo ka hadlayay shirka Hindisaha Maalgashiga Mustaqbalka (Future Investment Initiative) ee ka dhacay gobolka Florida, ayuu Trump faahfaahiyay sheegashadaas, isaga oo dib u xasuustay wada-hadal uu sheegay inuu la yeeshay mas’uulkan sare ee qoyska boqortooyada Sacuudiga, kaas oo ku saabsanaa soo nooleynta awoodda Mareykanka ee hoos timaada madaxweynenimadiisa. “Wuxuu yiri, waad ogtahay, waa arrin layaab leh… sanad ka hor, waxaad ahaydeen dal dhintay. Hadda, waxaad tihiin dalka ugu saameynta badan meel kasta oo caalamka ah,” ayuu yiri Trump. Trump ayaa intaas kadib si toos ah u xiriiriyay qiimeyntaas iyo sida uu u arko xiriirka hadda kala dhexeeya xukuumadda Riyadh, isaga oo si buuxda u soo celceliyay hadalkiisa. “Ma uusan u maleyneynin in tani ay dhaceyso… ma uusan u maleyneynin inuu dabada iga dhunkan doono… wuxuu u maleynayay inaan ahay uun madaxweyne kale oo Mareykan ah oo fashilmay… balse hadda waa inuu si wanaagsan iila dhaqmo,” ayuu yiri. Hadalkaas ayuu ku xijiyay ammaan uu u soo jeediyay dhaxal-sugaha Sacuudiga, isaga oo ku tilmaamay “nin cajiib ah” iyo “dagaalyahan,” wuxuuna sheegay in Boqortooyadu ay “si weyn ugu faani karto” hoggaamintiisa. Trump ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay garab istaagtay Mareykanka intii uu socday iska horimaadkii lagula jiro Iiraan, iyada oo ay wehliyaan saaxiibada kale ee Khaliijka. “Sacuudi Carabiya waa dagaalantay, Qatar waa dagaalantay, Imaaraadka waa dagaalamay, Baxreyn waa dagaalantay, Kuweyd-na waa dagaalantay,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ay “na garab taagnaayeen… way na garab taagnaayeen.” Hadalladan ayaa imaanaya iyada oo ku dhawaad bil uu socdo ololaha milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ay wadajirka ugu qaadeen Iiraan, kaas oo billowday 28-kii Febraayo, kadib weeraro ballaaran oo lala beegsaday kaabayaasha milatari iyo kuwa nukliyeerka ee Iiraan. Iiraan ayaa si dhaqso ah iska horimaadka ugu baahisay gobolka, iyada oo xukuumadda Tehran ay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (Drones) ku weerartay ma aha oo kaliya Israa’iil, balse sidoo kale dhowr dal oo ka tirsan Khaliijka oo martigeliya saldhigyada milatari ee Mareykanka. In kasta oo la weeraray, dalalka Khaliijka ayaan si rasmi ah ugu biirin dagaalka. Taa beddelkeeda, waxay fagaaraha ka muujiyeen taxadar, iyaga oo ka walwalsan khatarta aargoosiga iyo saameynta ballaaran ee dhaqaale, gaar ahaan khalkhal gelinta kaabayaasha tamarta iyo Marinka Hormuz. Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan warbixino warbaahineed qaar, dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, ayaa Trump ku dhiiragelinayay inuu sii wado dagaalka si loo burburiyo awoodda milatari ee Iiraan. Iyada oo laga duulayo xaaladdaas, Trump ayaa Jimcihii ku tilmaamay in ay yihiin saaxiibo si dhab ah uga qeyb qaadanaya ololaha. Wuxuu magacaabay Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid Al Nahyan isaga oo garab dhigay dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna ku tilmaamay “saddex qof oo waaweyn” oo “weeraro culus la kulmay” balse weli la safan Washington. Dhanka kale, Trump ayaa doorka dalalkan barbar dhigay xulafada NATO, isaga oo yiri, “Aad ayaan uga niyad jabnay… NATO. May iman si ay noo caawiyaan”, wuxuuna intaas ku daray in dalalka Khaliijka ay sameeyeen “si caddaalad ah haddii loo hadlo… wax ka badan inta ay NATO sameysay”. Wuxuu sidoo kale iskaashiga siyaasadeed la xiriiriyay xiriirka dhaqaale, isaga oo farta ku fiiqay ballanqaadyada maalgashi ee Sacuudiga iyo heshiisyada difaaca, isaga oo ugu baaqay Riyadh in ay ku soo biirto Heshiisyada Abraham (Abraham Accords). “Hadda waa waqtigii… hadda waan ka takhalusnay iyaga [Iiraan]… waa inaan galnaa Heshiisyada Abraham,” ayuu yiri. Ugu dambeyntii, Trump ayaa muujiyay inuu doonayo in dhaxalkiisa lagu xasuusto inuu yahay “nabad-doon weyn”, isaga oo sheegtay inuu horay u “xalliyay siddeed dagaal” uuna yahay qofka rasmiga ah ee mudan in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka (Nobel Peace Prize). The post Trump oo si xun u bah-dilay Maxamed Bin Salmaan – “dabada ayuu iga dhunkaday” appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xilli qiimaha tamarta adduunka uu cirka isku sii shareerayo, isla markaana ay hoos u dhacday taageerada shacabka, Madaxweyne Donald Trump ayaa wajahaya doorasho aad u adag kadib bil uu socday dagaalka ka dhanka ah Iiraan: in uu aqbalo heshiis aan dhameystirneyn oo uu ciidamadiisa kula baxo, ama in uu sii xoojiyo dagaalka oo uu wajaho olole milatari oo daba-dheeraada, kaas oo dhaawici kara sumcaddiisa madaxweynenimo. In kasta oo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo xooggan, Trump ayaa soo xiraya asbuuc kale oo ka mid ah ololaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israa’iil isaga oo wali la daalaa-dhacaya sidii uu u xakameyn lahaa xiisadda ku sii baaheysa Bariga Dhexe. Iiraan ayaa wali muujineysa madax adeyg, iyada oo cunaqabateyn saartay shidaalka iyo gaaska ka dhoofa Gacanka, sidoo kalena sii wadda weerarada gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee ay ka fulineyso gobolka. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in su’aasha ugu weyn ay hadda tahay in Trump uu isu diyaarinayo inuu dagaalka dejiyo, mise uu sare u qaadayo. Dadka naqdiya ayaa ku tilmaamay dagaalkan mid si ikhtiyaari ah loo doortay, kaas oo sababay jugtii ugu weynayd ee abid ku dhacda sahayda tamarta caalamiga ah, isla markaana saameyntiisu ay gaartay meelo ka fog gobolka. Trump ayaa la-taliyeyaashiisa u sheegay inuu doonayo inuu ka fogaado “dagaal aan dhammaad lahayn” isla markaana uu helo waddo wada-hadal lagu soo afjaro colaadda. Sida uu sheegay sarkaal sare oo Aqalka Cad ka tirsan, wuxuu ku boorriyey saraakiisha la shaqeysa inay xoojiyaan muddada afar ilaa lix toddobaad ah ee uu si fagaare ah uga hadlay in dagaalku socon karo, hase yeeshee isla sarkaalkaas ayaa intaas ku daray in waqtigaasi uu hadda u muuqdo mid sii mugdi gelaya. Dhanka kale, Trump wuxuu ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo militari oo ka ballaaran tan hadda jirta haddii diblomaasiyaddu fashilanto. Xiriirkii uu la sameeyey Tehran, oo ay ku jirto qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob oo loo mariyey waddo diblomaasiyadeed oo Pakistan ah, ayaa muujiyey dadaal sii kordhaya oo uu ku raadinayo dariiq uu uga baxo colaadda. Si kastaba, weli ma cadda in wadahadallo macno leh ay suurta-gal yihiin. “Madaxweyne Trump hortiisa waxaa yaalla doorashooyin aad u liita marka la eego sida uu dagaalkan ku soo afjari karo,” ayuu yiri Jonathan Panikoff, oo hore u ahaa ku-xigeenka sarkaalka sirdoonka qaranka Mareykanka u qaabilsanaa Bariga Dhexe. “Qeyb ka mid ah dhibaatada waxay tahay in aan weli si cad loo garanayn waxa natiijo lagu qanci karo ay ahaan lahayd.” Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in ololahan militari uu dhammaan doono oo keliya marka Trump uu go’aansado in yoolalka Mareykanka la gaaray, isaga oo ku adkeystay in ujeeddooyinkaasi ay si cad u qeexnaayeen. Trump wuxuu hadda u muuqdaa mid dhinacyo kala duwan eegaya. Wuxuu kumannaan askari oo dheeraad ah u dirayaa gobolka, isagoo isla waqtigaas uga digaya Iran weerar ka xooggan haddii ay diido shuruudihiisa. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in bandhigga xooggaasi uu ujeedkiisu noqon karo in Tehran lagu cadaadiyo tanaasul, balse sidoo kale uu halis u yahay inuu Washington geliyo dagaal sii dheeraada. Haddii ciidamo dhulka ah oo Mareykan ah la geeyo gudaha Iran, taasi waxay si weyn uga careysiin doontaa codbixiyeyaal badan oo Mareykan ah. Qorshe kale oo hadda laga hadlayo ayaa ah in la qaado weerar cirka ah oo aad u weyn oo kama dambeys ah, kaas oo loo bixiyey “Operation Epic Fury,” si loo sii wiiqo awoodda militari iyo kaabeyaasha nukliyeerka ee Iran. Kadibna Trump wuxuu ku dhawaaqi karaa guul, isagoo ku doodaya in ujeeddooyinkii Mareykanka la gaaray. Hase yeeshee, ku dhawaaqis noocaas ah waxay u muuqan lahayd mid aan dhameystirneyn haddii aan si buuxda dib loogu furin marin-biyoodka Hormuz, oo ah marinka ugu muhiimsan sahayda tamarta caalamka. Iran ayaa illaa hadda diidday inay oggolaato arrintaas. Trump wuxuu sidoo kale muujiyey caro ku aaddan in xulafada Yurub aysan soo dirin maraakiib dagaal oo gacan ka gaysta sugidda marinkaasi. Trump oo muddo dheer ballanqaadi jiray inuu Mareykanka ka fogeyn doono colaadaha dibadda, ayaa hadda u muuqda mid ku dhibtoonaya xakamaynta dagaal uu isagu la bilaabay Israel. Inkastoo uu weli isku dayayo inuu muujiyo kalsooni, haddana farriimihiisa dadweynaha wuxuu ku sii kordhiyey hab uu ku dejinayo suuqyada dhaqaalaha, isagoo la-taliyeyaasha ku riixaya inay muujiyaan in dagaalku dhowaan dhammaan doono, sida uu sheegay sarkaalka sare ee Aqalka Cad. Maqnaanshaha istiraatiijiyad cad oo looga baxo dagaalka ayaa khatar siyaasadeed u abuuraya Trump iyo xisbigiisa Jamhuuriga, xilli Jamhuuriyiintu isku dayayaan inay ilaashadaan aqlabiyadooda yar ee Congress-ka ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha November. Mid ka mid ah khaladaadka ugu waaweyn ee Trump, sida ay falanqeeyayaashu sheegayaan, wuxuu ahaa inuu si hoose u qiyaasay jawaabta aargoosiga ee Tehran. Iran waxay adeegsatay gantaalladii iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee u harsanaa si ay u garaacdo Israel iyo dowladaha dariska la ah ee Khaliijka, waxayna si weyn u xirtay marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo qiyaastii shan-meelood meel saliidda dunida ay marto. Carqaladeyntaas ayaa gilgishay dhaqaalaha caalamka. “Sharadka dowladda Iran waa inay awood u leedahay inay xanuun badan qaadato muddo ka dheer kuwa la dagaallamaya, waxaana suuragal ah inay saxan yihiin,” ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda iyo Caalamiga ah. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump iyo kooxdiisu ay hore ugu diyaar garoobeen jawaabta Iran ee marinka Hormuz, islamarkaana ay weli ku kalsoon yihiin in maraakiibtu mar dhow dib u bilaabi doonaan dhaq-dhaqaaqooda. Si kastaba, walaaca sii kordhaya ee Trump wuxuu si muuqata u soo baxay Isniintii, markii uu ka laabtay hanjabaad uu ku burburin lahaa korontada Iran haddii aan dib loo bilaabin maraakiibta. Tallaabo si weyn loogu fasiray isku day lagu dejinayo suuqyada ayuu ku dhawaaqay hakad shan maalmood ah si diblomaasiyaddu fursad u hesho, kadibna Khamiistii ayuu muddadaas ugu daray 10 maalmood oo kale. Cadaadis gudaha ah ayaa sidoo kale isa soo taraya. Ra’yi ururinno la sameeyey waxay muujinayaan in dagaalku si weyn uga dhex muuqdo mid aan shacabka Mareykanka jeclayn. Inkastoo qeyb weyn oo ka mid ah taageerayaasha Trump ee MAGA ay weli la safan yihiin, haddana taageeradaas way daciifi kartaa haddii saameynta dhaqaale, gaar ahaan qiimaha shidaalka oo sare u kaca, ay sii socoto. Ra’yi ururin ay Reuters/Ipsos dhammeystirtay Isniintii ayaa muujisay in heerka taageerada Trump ay hoos ugu dhacday 36%, taasoo noqotay tii ugu hooseysay tan iyo markii uu dib ugu laabtay Aqalka Cad. Sida uu sheegay sarkaal sare oo hore uga tirsanaa maamulkiisa, Aqalka Cad wuxuu sii kordhiyey walaaca uu ka qabo saameynta siyaasadeed ee dagaalkan, gaar ahaan iyadoo xildhibaanada Jamhuuriga ay ka welwelsan yihiin doorashooyinka dhexe. Calaamado muujinaya walaac gudaha xisbiga Jamhuuriga ah ayaa durba soo baxaya. Mike Rogers, oo ah guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Hubeysan ee Aqalka Wakiillada, ayaa Khamiistii ku dhaliilay maamulka inuu ku guuldareystay bixinta macluumaad ku filan oo ku saabsan baaxadda ololaha ka dhanka ah Iran. Aqalka Cad ayaa arrintaas si degdeg ah uga jawaabay, isagoo sheegay in Congress-ka marar badan la siiyey warbixinno kahor iyo intii uu dagaalku socday. Dhanka diblomaasiyadda, xaaladdu weli waa cakiran tahay. Qorshaha 15-ka qodob ah ee Trump wuxuu u egyahay soo-jeedinno ay Iran hore u diidday kahor dagaalka, wuxuuna xambaarsan yahay shuruudo aad u adag in la hirgeliyo, laga bilaabo burburinta barnaamijkeeda nukliyeerka iyo xaddidaadda gantaalladeeda, ilaa ka tagista kooxaha wakiillada u ah iyo in si dhab ah gacanta looga bixiyo marinka Hormuz. Iran waxay ku tilmaantay qorshahaasi mid aan cadaalad ahayn oo aan waaqici ahayn, inkastoo aysan si buuxda u xirin albaabka xiriirro dadban. Trump ayaa Khamiistii ku adkeystay in Iran ay “baryeyso” heshiis, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in hoggaanka Tehran uu aaminsan yahay inay guul sheegan karaan kaliya haddii ay sii noolaadaan oo ay istaagaan. Diblomaasiyadda waxaa sii adkeeyey dilalka loo geystay mas’uuliyiin sare oo Iranian ah intii lagu jiray duqeymaha wadajirka ah ee Mareykanka iyo Israel, iyadoo qaar kamid ah xilalkaas lagu beddelay dad ka adag kuwii hore. Hoggaanka Iran wuxuu si qoto dheer u aaminsan yahay inaan Trump lagu kalsoonaan karin, gaar ahaan kadib markii uu laba jeer duqeymo qaaday sanadkii tegay xilli wadahadallo ay weli socdeen. Aqalka Cad wuxuu sheegay in Trump uu weli u furan yahay diblomaasiyad, balse wuxuu uga digay Iran inay wajihi doonto weerarro ka sii daran haddii ay diido inay aqbasho xaqiiqooyinka cusub ee ka dhashay dagaalka. Saraakiil Israeli ah ayaa si hoose u muujiyey walaac ah in Trump uu bixin karo tanaasulaad xaddidi kara tallaabooyinka militari ee mustaqbalka ee Israel. Xulafada Khaliijka ayaa iyaguna ka cadhoon kara haddii Mareykanku si degdeg ah uga baxo colaadda, isaga oo uga tegaya Iran dhaawacantay balse weli cadowtinimo weyn qabta. Haatan, Trump wuxuu sii wadaa farriimo is-khilaafsan, marna wuxuu isku dayayaa inuu dejiyo suuqyada, marna wuxuu dirayaa hanjabaado sare u qaadaya qiimaha tamarta. “Trump wuxuu ku shaqeeyaa calaamado isdiidan,” ayay tiri Laura Blumenfeld oo ka tirsan Johns Hopkins SAIS. “Waa hal nin oo keliya oo isu rogay mashiin gudbinaya jahawareerka dagaalka si uu uga dhigo kuwa ka soo horjeeda kuwo aan isu dheellitirneyn.” The post Dagaalka Iiraan: Trump oo ay haysato laba daran mid dooro appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, loo gudbiyay Golaha Shacabka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu caddeeyay in aysan jirin wax mooshin ah oo soo gaaray, isla markaana wararkaasi lagu tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Xafiisku wuxuu adkeeyay in habraacyada rasmiga ah ee Golaha Shacabka ay cad yihiin, islamarkaana wixii mooshin ah lagu soo gudbiyo si waafaqsan shuruucda iyo nidaamka u degsan Baarlamaanka. Sidoo kale, qoraalka ayaa digniin loogu diray dadka faafinaya wararka aan la xaqiijin, iyadoo lagu booriyay bulshada in ay ka fogaadaan wararka marin habaabinta ah ee lagu baahiyo baraha bulshada. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay baraha bulshada ku faafayeen warar sheegaya in mooshin ka dhan ah Madaxweynaha la diyaarinayo, kuwaas oo hadda si rasmi ah loo beeniyay. Source: goobjoog.com
-
Xuutiyiinta Yemen ayaa xaqiijiyay weerar labaad oo gantaallo ah oo ay ku qaadeen Israa’iil Kooxda fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegtay inay maanta fulisay weerar labaad oo ka dhacay qaybo ka mid ah koonfurta Israa’iil. Yahya Saree, oo ah afhayeenka ciidmada milatari ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in kooxda ay qaaday “duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo cruise ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn ” kuwaas oo lagu beegsaday “goobo militari oo muhiim ah” oo ay leedahay Israa’iil. Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay “isku beegmeen” kuwa ay fuliyeen Iran iyo Xisbullah , isla markaana ay “si guul leh u gaareen ujeeddooyinkooda.” Qoraalkan oo lagu daabacay akoonkiisa Telegram ayaa imanaya kadib warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil iyo Maraykanka oo ku saabsan wareeg labaad oo weerarro ah oo ay Xuutiyiintu qaadeen saacado kadib markii ay xaqiijiyeen inay rideen gantaalkoodii ugu horreeyay ee ay ku beegsadaan Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Iran. Mar sii horreysay oo maanta, Israa’iil ayaa sheegtay inay qabatay gantaal ka yimid Yemen Bbcsomali Qaran News
-
Dunida maanta ee isku xiran, dhiillada dagaalku kuma koobna oo kaliya dhawaqa madaafiicda ka dhacaysa Bariga Dhexe, balse waxay u wareegtay fagaare ka duwan oo ah suuqyada saamiyada adduunka. Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan waxa uu isu beddelay loolan farsamaysan oo ka dhex socda suuqyada dhaqaalaha, iyadoo qiimaha saliiddu uu noqday hubka ugu weyn ee loo adeegsado is-cabsi gelinta iyo cadaadiska siyaasadeed. Xogta soo baxaysa waxay muujinaysaa qorshe yaab leh oo ku saabsan xilliga ay dhacayaan weeraradu; waxaa la dareemayaa inay si toos ah ugu xiran yihiin goorta uu xirmo ama furmo suuqa saamiyada ee New York (Wall Street). Mareykanka iyo xulafadiisu waxay u muuqdaan kuwo weeraradooda ku beega xilliyada ay suuqyadu xiran yihiin si looga fogaado hoos u dhac lama filaan ah oo ku yimaada saamiyada ganacsiga, iyadoo la raadinayo wakhti lagu qaboojiyo dareenka maalgashadayaasha intaan suuqu dib u furmin. Dhanka kale, Iiraan waxay garaacaysaa meesha uu Mareykanka ugu damqashada badan yahay oo ah jeebka muwaadinka caadiga ah. Weerarrada lala beegsado xarumaha shidaalka ee muhiimka ah waxay kor u qaadaan qiimaha saliidda Brent Crude, taas oo abuureysa sicir-barar gudaha Mareykanka ah iyo cadaadis dadweyne oo looga soo horjeedo faragelinta ciidan. In kasta oo hoggaanka Mareykanka uu isku dayayo inuu adeegsado baraha bulshada si uu u dejiyo suuqyada isagoo sheegaya inay socdaan wada-hadallo, xaqiiqada ka dambeysa daaha waxay u muuqataa mid ku dhisan is-jiid-jiid dhaqaale oo khatar ah, halkaas oo qiimaha foostada saliiddu ay ka go’aan badantahay rasaasta qorigu ka dhex dhacayso. Saamaynta Tooska ah ee Shacabka Soomaaliyeed Dagaalkan ka socda Marinka Hormuz iyo suuqyada Wall Street ma ahan mid inoo jira kumanaan mayl, balse waa mid si toos ah u taabanaya nolosha qoys kasta oo Soomaaliyeed. Maadaama Soomaaliya ay tahay waddan wax kasta oo shidaal ah dibadda ka soo iibsada, kororka qiimaha shidaalka ee caalamka wuxuu si degdeg ah u horseedaa inuu qaaliyoobo gaadiidka raashinka iyo qudaarta ka keena dekadaha iyo beeraheena. Tani waxay abuurtaa silsilad sicir-barar ah oo ka bilaabata suuqyada saamiyada ee dunida, kuna dhammaata dheriga uu qoyska Soomaaliga ah dabka u saarto, iyadoo nolosha muwaadinka dakhligiisu hooseeyo ay noqonayso dhibbanaha koowaad ee loolanka quwadaha waaweyn. Culeyskan dhaqaale wuxuu sidoo kale curyaamiyaa adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka iyo tamarta. Shirkadaha korontada ee dalku waxay ku qasban yihiin inay kordhiyaan biilasha markasta oo shidaalku kaco, taas oo mugdi galisa guryaha iyo ganacsiyada yaryar. Source: goobjoog.com
-
Isha Qoraalka: Chanel 12 (Cibri), Alestiklaal (Carabi) Aqoonsiga Soomaaliland aad buu uga weyn yahay in lagu tilmaamo keliya tallaabo diblomaasiyadeed, oo xoojinaysa joogitaanka Israa’iil ee Geeska Afrika; balse heemaalkiisa guud wuxuu ka dhigan yahay dhammaadka kalkii joogista dayrka gadaashiisa, iyo bilawga inay Israa’iil ku biirto garab udubdhexaad ah, iyo isbahaysiyo qaaradaha ka tallawsan oo lagu joojinayo saddexgeeska Turkiga. Sida oo kale tallaabadani waxay muujinaysaa istiraatiijiyadda cusub ee Israa’iil ee gobolka qaabaynaysa; taas oo Israa’iil ka dhigaysa wadnaha isbahaysi ka kooban afar geesood oo halbawle ah, oo Afrika iyo Aasiya ah. Isbahaysigaas oo ujeeddadiisa koowaad tahay joojinta isballaadhinta Turkiga, iyo abuurista halbeeg juqaraafi-siyaasadeed oo cusub. Dhalashada caqiiddadan istiraatiijiyeed ee cusub waxay ka curatay hawlgalkii 07 Oktoobbar 2023. Waayo duullaankaasi muu burburinnin oo keliya dareenkii amni ee kumeelgaadhka ahaa (tactic), balse wuxuu ruxay dulucdii siyaasadeed ee Israa’iil ku lammaanayd tobannaankii sanno ee tegay, oo ahayd dulucda Qasriga Kaynta ku Yaalla (The Villa in the Jungle). Eraybixintaas waxa hindisay madaxweynihii Israa’iil ee xilligaas Iihuud Baaraak, kadibna wuxuu isu beddelay istiraatiijiyad is-ururin iyo ka soocnaaan gobolka intiisa kale ah. Waxay dooratay Israa’iil inay nafteeda u aragto Jasiirad Dimoqraaddi ah, oo ay fawdo ku hareeraysan tahay. Sidaas ayay u dooratay inuu dhufayskeedu ku koobnaado gidaarro caaqil ah (smart fences) iyo nidaamyo difaac oo firfircoon, iyo dibugurashada goobo difaac oo nafis ah. Sidaas ayuu Qasriga Kayntu u noqday eraybixin taban, dhinaca maaddiga ah iyo dhinaca fikirkaba. Waayo Israa’iil waxay iska faquuqday deriskeedii, waxaanay isku koobtay difaaca gidaarka gadaashiisa. Taasina waxay keentay inuu Bariga Dhexe si iskii ah isu qaabeeyo, iyada aany Israa’iil ku lug lahayn. Laakiin sida uu caddeeyay dagaalkii 07 Oktoobbar 2023, gidaar keliyi weligii kuma filnaanayo deegaan colaadi ka jirto. Madhnaanta juqasiyaasadeed ee ka dhalatay laciifista awoodihii duugga ahaa, iyo burburka ku yimi talisyada gobolka qaarkood Gu’gii Carabta, waxa buuxiyay markiiba himilooyinka xuurtaysi (dominance) ee Turkiga iyo Iiraan. Taasina waxay Israa’iil ku dhalisay, inay garato in jidka keliya ee ay ku jiri kartaa uu yahay inaanay gidaarka ku dhuummanin, ee ay noqoto ciyaartoy saamayn leh oo barxadda gobolka ka dheela. Sidaas awgeed, dhaqdhaqaaqyadii degdegga iyo daraamada lahaa ee dhacay toddobaadyadii ugu danbeeyay, ee uu ugu sarreeyay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland, waxay tilmaamaysaa dhalashada caqiido Istiraatijiyadeed oo cusub, taas oo ah ISBAHAYSIGA HINDIYA ILAA KUUSH. Kuushna waa gobolka dhaca Koonfurta Masar iyo Waqooyga Suudaan. Caqiiddadani waxay ka dhigaysaa Israa’iil wadnaha isbahaysi ku taagan afar tiir: Hindiya oo bariga ah, Itoobiya oo Koonfurta ah, Azerbijaan oo Waqooyiga ah, iyo Giriigga iyo Qubrus oo galbeedka ah. Isbahaysigani maaha mid tamashlayn loo sameeyay, balse waa lamahuraan istiraatiijiyeed, si looga hortago mashruuca Turkiga ee doonaya inuu wax xuurteeyo, kaas oo gaadhay figtiisa markii uu salka dhigtay ciidan ahaan iyo dhaqaale ahaanba Soomaaliya iyo Liibiya. Wuxuu doonayaa Turkigu inuu dhammaystiro “saddexgeeska awoodda” ee sii mara Suuriya, si loo gaadho dhulkii imbiraadooyidda Cusmaaniyiinta ee hore, iyada oo laga duulayo siyaasadda “Cusmaaniyada Cusub” taas oo uu calankeeda sido madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayid Ardoogaan. Saddexgeeskaasi, haddii uu dhammaystirno wuxuu gelayaa bartii uu ka baxay “garabkii Shiicigu”, kaas oo ay Israa’iil si wayn u dhantaashay labadii sanno ee ugu danbeeyay. Isla markaana wuxuu dabrayaa dhaqdhaqaaqa Israa’iil, waxaanu adkaynayaa inay gaadho badhaadheheeda Bariga Dhexe. Iyada oo arrinkaas la eegayo Israa’iil way ku saxan tahay inay cadaadisyo adag saarto nidaamka Suuriya, oo aanay ku dhicin dabinka heshiiska nabadgalyo ee uu Turkigu suuqgeynayo. Isbahaysigan geeskiisa koonfureed waxa halbawle u ah Itoobiya, taas oo ah garab lamahuraan u ah xasilloonida gobolka. Waa dawlad tirada dadkeedu gaadhayo 140 milyan, isla markaana leh mid ka mid ah dhaqaalayaasha ugu korriinka badan caalamka. Dawladdan weyni waxay dhistay sannadkii 2025 mashruuca biyaxidheenka Kacaanka (GERD), taas oo ay ku xaqiijisay madaxbannaani dhanka tamarta ah, iyo inay gacanta ku dhigtay maamulka dhammayska tiran ee webiga Niil. Hasayeeshee, jabkii ka soo gaadhay Ereteriya sannadkii 1991, wuxuu ka dhigay go’doon aan bad lahayn, iyada oo ay ku hareeraysan yihiin dawlado cadow ah, oo uu taageero Turkigu, kuwaas oo doonaya inay go’doomiyaan. Iyaga oo xayndaabkaas ka ordaya, sannad kahor, waxay wada saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliland is-afgarad keenaya in Itoobiya laga kireeyo 20 KM oo xeebta Soomaaliland ah muddo 50 sanno ah, iyada oo lagu beddelanayo inay Itoobiya si dhab ah uga fikirto aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliland. Halkan ayay Soomaaliland muuqaalka ka soo gelaysaa, waayo maaha gobol keliya, balse waxay metelaysaa isleeg juqasiyaasadeed oo heersare ah. Waxay dhacdaa Soomaaliland marin halbawleh ah oo taga Badda Cas, taas oo ay maraan in ku dhow 30% dhaqdhaqaaqa koontiinarrada caalamiga ahi. Dhinaca kale ee marinkaas yarna waxa dhaca Yemen iyo Xuuthiyiinta. Haddaba, aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland wuxuu sharciyad siinayaa is-afgaradkii ay la gashay Itoobiya, taasina waxay ka caawinaysaa Adis Ababa inay waajahdo go’doominta Turkiga, Masar iyo Ereteriya ee dabraya tallaabooyinkeeda. Taas waxa ka sii muhiimsan, wuxuu ka xannibayaa Itoobiya saamaynta Turkiga ee Muqdisho, waxaanu bir dhexdhigayaa mashruuca udubdhexaadka ah ee Turkigu gobolka ka wado. Dhinaca kale ee caalamka, gaar ahaan Eeshiya, Naariindaraa Moodhi, oo ah hoggaamiyaha aasaasay Hindiyada Cusub, markii saddexaad oo xidhiidh ahna xukunka hayaa, wuxuu gartay dheesha socota, waxaanu Itoobiya u doortay inay noqoto udubdhexaadkiisa barxadda Geeska Afrika. Dhawr toddobaad kahor wuxuu soo gabagabeeyay booqasho taariikhi ah, oo uu ku tegay Itoobiya, waxaanu si toos ah oo aan gabbasho lahayn uga hadlay yoolalkiisa uu ka leeyahay gobolka. Tani waxay muujinaysaa inay Moodhi ka go’an tahay inuu dalkiisu yeesho madaxbannaani istaraatiiji ah oo dhammaystiran, isaga oo ka faa’idaysanaya goobta jaadgooniga ah ee ay Hindiya ku taallo, marka la eego loolanka Shiinaha iyo Maraykanka u dhexeeya. Tani waxay ka dhalatay Istiraatiijiyaddii Amniga Qaranka, ee uu baahiyay Aqalka Cadi toddobaado kahor, taas oo Hindiya u jidaysay yool kooban oo ah, “Dhawrista danaha Maraykanka ee Badweynta Deggan”. Isaga oo ka biyadiidsan aragtidan gaaban ee Maraykanku ka qabo Hindiya, ayuu dhaqdhaqaaq sameeyay Moodhi, si uu u caddeeyo inaanay ahayn Niyuuw Delhi agab gacanta ugu jira awood weyn (sida Maraykanka). Wuxuu muujiyay Moodhi madaxbannaani marla-arag ah kadib markii uu la kulmay madaxweynaha Shiinaha Shii Jiin Biing iyo Madaxweynaha Ruushka Filaadamiir Buutin, isaga oo isla xilligaasna wadahadallo adag kula jira maamulka Doonald Taraam. Awoodda Moodhi waxay dhabarka ku haysaa cudud milatari, oo ka soo muuqatay dagaalkii ugu danbeeyay ee uu dalkiisu la galay cadawgooda nugliyeerka haysta ee muslinka ah (Baakistaan) oo ay ka gacansarreeyeen. Dareenkan ammaan iyo cududdan milatari wuxuu u turjumay Moodhi caqiido badeed oo muddo dheer ah, taas oo ah inuu dhiso kolonyo badeed oo ah ta ugu awoodda weyn barxadda Badweynta Hindiya. Caqiiddadaasi waxay u hirgelinaysaa Hindiya inay xuurtayso jidka ganacsiga ee halbawlaha ah ee fidsan marinka Hormoss iyo afaafka Badda Cas, ee Jabuuti iyo Soomaaliland. Waa halkaas barta ay ku kulmayaan danaha Israa’iil iyo kuwa Hindiya ee Afrika, sidaasna waxa jaanqaad cusub u helay isbahaysiga Talaabiib iyo Niyuu Delhi, kadib booqashii Moodhi ee Adiis Ababa. Isbahaysigaasi waa mishiinka ka danbeeya garabka Hindiya Illaa Kuush, kaas oo yoolkiisu yahay jebinta isbalaadhinta Turkiga, iyo aasaasidda dheellitir juqasiyaasadeed oo cusub. Gunaanadkii, aqoonsiga Soomaaliland waa xubin ka mid ah caqiiddada amniga qaranka ee Israa’iil. Waa goobo aasaasi ah oo ka mid ah shaxanka (puzzle) midaynaya mashruucan oo dhan. Waayo, waxay u fududaynaysaa Israa’iil inay awooddeeda gayso meel ka baxsan xuduuddeeda, iyo inay ilaashato jidadka ganacsiga ee halbawlaha ah, iyo inay isbahaysiyo la samaysato awoodo caalami ah, iyada oo laga duulayo danaha wadaagga ah. Sidaas si la mid ah, wuxuu muujiyay shirkii saddexgeesoodka ahaa ee ka dhacay Quddus, ee dhexmaray Israa’iil, Giriigga iyo Qubrus, inay Israa’iil ka baxday Qasrigii Kaynta ku yaallay, oo ay noqotay ciyaartoy saamayn leh, oo u rogaya awooddiisa tignoolajiyadeed iyo tiisa milatari dheef siyaasadeed, oo beddelaysa wejiga Bariga Dhexe, ee ka bilaabma Hindiya kuna dhammaada Kuush. _______ Turjume: Cali Ileeye Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga. Source: goobjoog.com
-
The President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi, is set to travel to Ethiopia in the coming days following a formal invitation from Prime Minister Abiy Ahmed a move that could reshape regional dynamics. What’s on the table: -Expanded trade and logistics cooperation -Potential frameworks granting Ethiopia sea access via Somaliland. -Possible shift of a percentage of Ethiopian trade transit from Djibouti to Berbera Port. -A deeper strategic partnership -Ethiopia has long signaled it would not be the first to recognize Somaliland but could be the second. Qaran News
-
Guddigii doorashada ee dhawaan magacaabay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa caawa shaaciyay liiska xildhibaanada cusub ee maamulkaas. Xildhibaanada cusub waxay ka kooban yihiin 95 xubnood oo la sheegay in laga soo xulay beelaha dega Koonfur Galbeed, kuwaas oo la qorsheynayo in ay 29 bishan doortaan guddoonkooda. Shaacinta xildhibaanada cusub waxay ku soo aadaysaa, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen. PUNTLAND POST
-
Xiisad colaadeed ayaa la dareemayaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba oo qiyaastii 60 km isu jira, taas oo u dhaxaysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka Soomaaliya. Labada dhinac waxay saacadihii u dambeeyay halkaas ku daadgureeyay ciidamo farabadan, iyada oo laga cabsi qabo dagaal deegaannadaas ka qarxa. Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamada ka amar qaata siyaasiyiinta muraacadka ee la magacbaxay Badbaadada Koonfur Galbeed oo is-garabsanaya ayaa doonaya in ay la wareegaan Baydhabo, oo ah magaalada keliya ee gacanta ugu jirta maamulka Laftagareen. Xiisadda labada dhinac waxay salka ku haysaa khilaafka doorashada maamulkaas ee u dhaxaysa maamulka Laftagareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood ka tirsan yihiin dowladda Federaalka. PUNTLAND POST
-
Magaalada Garoowe waxaa caawa ka dhacay shir ay yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Puntland, kuwaas oo mucaarad ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Siciid Deni. Xildhibaanadan oo gaarayay labaatan mudane, islamarkaana ku shiray mid ka mid ah hoteelada magaalada ayaa ajandaha shirkooda ku sheegay xaaladda Puntland, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo abaaraha. Waxay intaas ku dareen in shirkooda uu sii socon doono maalmaha soo aadan, iyaga oo xusay in marka uu soo gabagaboobo wixii ka soo baxa la wadaagi doonaan bulshada. Shirkan wuxuu ku soo aaday, xilli lagu wada in madaxweyne Deni uu isku-shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirrada, islamarkaana uu buuxiyo xilal bannaan oo badan. PUNTLAND POST
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in tacaddi lagula kacay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, islamarkaana hoygiisa Muqdisho la dul-dhigay ciidan oo xorriyada laga qaaday. Farmaajo wuxuu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh in uu qaaday waddadii kali-talisnimada, isago oo sheegay in ay sii kordhayso beegsiga nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo wasiirrada, Xlxildhibaannada, saraakiisha iyo mas-uuliyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed. Madaxweyne hore Farmaajo ayaa ku baaqay in degdeg ah xorriyadiisa loo siiyo Taliye Shub, isagoo uga digay madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-fal awoodeed. PUNTLAND POST
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta xilalkii ka qaaday wasiiru dowlayaaashii Batroolka & Macdanta iyo Beeraha & Waraabka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa xilka qaadista mas’uuliyiintan u cuskaday qodobada 120-aad & kan 117-aad ee dastuurka Soomaaliya iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac Iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed”. “Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad, ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha” ayaa la raaciyay. Labadan wasiiru dowle oo ka soo kala jeeda Puntland iyo Jubaland waxay taageersanaayeen mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysanyihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta. PUNTLAND POST
