Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,941
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. US and Israeli navies stage Red Sea drill amid tense diplomacy with Iran US and Israeli navies stage Red Sea drill amid tense diplomacy with Iran Yenişafak English AA 21:19, 02/02/2026, Monday AA US and Israeli navies stage Red Sea drill amid tense diplomacy with Iran AA File photo The United States and Israel have conducted a joint naval exercise in the strategic Red Sea, publicly framed as routine cooperation but occurring against a backdrop of intense pressure on Iran. The drill highlights Washington’s dual-track strategy of military readiness and diplomatic outreach, even as regional mediators work to broker US-Iran talks. The United States and Israeli navies have carried out a joint military exercise in the Red Sea, showcasing their alliance as diplomatic efforts to de-escalate tensions with Iran intensify. The drill, involving the US destroyer USS Delbert D. Black and Israeli Navy vessels, was described by both militaries as a pre-planned, routine event. It took place near the Israeli port of Eilat and was coordinated with the US Navy’s 5th Fleet, which operates across the Middle East. The exercise underscores the close strategic partnership between the two allies amid a volatile regional climate. Source en.yenisafak Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan heer sare ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay Golaha Difaaca Soomaaliya. Kulanka furitaanka Golaha Difaaca Qaranka ayaa waxaa maanta daah-furay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Golahan ayaa ah madal istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta maamulka difaaca, kor u qaadista isku-duwidda hay’adaha amniga, mideynta hawlgallada iyo dib-u-habaynta ciidanka. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, La-taliyaha Amniga Qaranka, sii-hayaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, iyo taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada. Sidoo kale, waxaa shirkan ka qayb-galay safiirrada saaxiibbada caalamka iyo wakiillada ururrada caalamiga ah ee dalka jooga, marka laga reebo Mareykanka. Waxaana fadhiyay IGAD, AU, EU, Qadar, Turkiga, Shiinaha, Itoobiya, Kenya, UK iyo Canada. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Golaha Difaacu door muhiim ah ka qaadan doono hagidda jihada istaraatiijiga ah ee difaaca dalka, isla markaana uu noqon doono madal lagu mideeyo yoolalka hawlgallada, dib-u-habaynta hay’adaha iyo go’aannada hoggaamineed ee heer qaran, si loo xaqiijiyo nidaam difaac oo isku-dhafan, hufan, isla markaana waafaqsan istaraatiijiyadda qaranka. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodda ciidanka, isagoo tilmaamay in sugidda amniga mustaqbalka Soomaaliya lagu xaqiijin karo dhisme ciidan oo xirfad leh, isla markaana leh awood hawlgal iyo mid dhaqaale. Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka ay si qorshaysan ula wareegayso mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka, isagoo xusay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay sii wadi doonto iskaashiga saaxiibbada caalamka si loo hirgeliyo qorshaha horumarinta amniga Soomaaliya iyo qorshaha kala-guurka amni. The post DF Soomaaliya oo gole cusub uga dhawaaqday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  3. Guddiga Difaaca Qaranka waa hay’ad istiraatiiji ah oo loo aasaasay in ay hagto, isuduwdo, isla markaasna kormeerto siyaasadaha iyo go’aannada la xiriira difaaca iyo amniga qaranka. Shaqadiisa ugu weyn waa xoojinta wadashaqaynta hay’adaha amniga, dejinta qorshayaal istiraatiiji ah oo mideysan, hubinta isla-xisaabtanka, iyo in la helo hoggaan cad oo masuuliyad leh oo ka dhex shaqeeya dhammaan laamaha difaaca dalka. Maanta magaalada Muqdisho, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Isuduwidda iyo Madaxa Hawlgalka AUSSOM (SRCC), Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa si weyn u bogaadiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka dib markii ay si rasmi ah u daahfurtay Guddigan Difaaca. Danjiruhu wuxuu tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta hoggaaminta Soomaalida iyo lahaanshaha qaranka ee maamulka waaxda difaaca, taas oo saldhig u noqon karta amni waara iyo dawladnimo adag. Guddiga Difaaca Qaranka waxaa hoggaaminaya Wasiirka Difaaca, Mudane Axmed Macallin Fiqi, waxaana xubno ka ah hoggaan sare oo amni heer qaran ah, sida Lataliyaha Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Wasaaradda Arrimaha Amniga Gudaha,madaxda hay’adaha sirdoonka. Isu-imaanshaha hoggaan heerkan ah ayaa suurtagelinaya in go’aannada difaaca ay noqdaan kuwo mideysan, xog-ogaal ah, isla markaana ku salaysan baahiyaha dhabta ah ee amniga dalka. Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa xusay in dhismaha Guddiga Difaaca uu muujinayo biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad qaran oo ay DFS muujisay, isagoo adkeeyey in hoggaamin gudaha ah ay tahay furaha ugu muhiimsan ee lagu gaari karo nabad iyo xasillooni waarta. Wuxuu, sidoo kale, tilmaamay in Guddigan uu door weyn ka qaadan doono koruqaadista islaxisaabtanka, dabagalka howlaha amniga, iyo hubinta in hay’adaha difaaca ay si hufan ugu adeegaan shacabka. Source: goobjoog.com
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta xarigga ka jaray laba warshadood oo ay yeelan doonaan ciidanka milatariga Somaliland. Warshadahan ayaa kala ah warshadda soo saareysa direyska ciidanka iyo warshadda furinka ciidanka, kuwaas oo haatan si rasmi ah u bilaabay shaqadooda. Xarig-ka-jarista warshadahan ayaa ku soo beegantay munaasabadda xuska sannad-guurada 32-aad ee aas-aaska ciidanka milatariga Somaliland, taas oo Madaxweynaha Somaliland uu kaga qayb-galay xarunta taliska guud ee ciidanka milatariga. Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah oo casri ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Cirro, isagoo ugu horreyn Alle SWT uga baryay inuu u naxariisto dhammaan taliyeyaashii, hoggaamiyeyaashii, iyo ciidamadii kala darajooyinka duwanaa ee geeriyooday. “Waalidkii, Ubadkii iyo ooryihii ay ka baxeen, waxaan leeyahay Daljirku ma Geeriyoodo, waxa aad leedihiin taariikh aad ku faani kartaan, ubadkiinuna abaal ku heli doono, In Sha Allaah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro. Sidoo kale wuxuu bogaadiyey ciidanka milatariga, oo uu sheegay in ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee saldhigga u ah jiritaanka Somaliland. “Aniga oo ku hadlaya afka muwaadiniintayda waxa aan si kalsooni leh idiinku caddaynayaa in Ciidanka Qaranku uu yahay Hay’adda ay dadkaygu ugu jecel yihiin, dhammaan Hay’adaha Dawladda Somaliland.” Waxa uu intaas kusii daray: “Ciidamadayada sharafta badan iyo guud ahaanba dadkayga aan jecelahay, waxa aan u ballanqaadayaa, inta aan Xafiiska joogo, in yoolkayga koowaad uu noqon doono in aan idiinku adeego daacadnimo, daah-furnaan iyo doonistiina oo aan u hoggaansamo. Waxa aan doonayaa waa in magacayga aanan Hantidiina ku qorin ee aan Quluubtiina ku qoro.” The post Somaliland oo hirgelisay laba warshadood oo ciidankeedu yeelanayo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Tan iyo markii uu soo baxay warka la xidhiidha ictiraafka Somaliland ee Israa’iil, waxaa si weyn la isu weydiinayay sida uu Maraykanku u arko arrintan. BBC-du waxay xidhiidh gaar ah la samaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, annaga oo wax ka weydiinnay mowqifka Maraykanka ee ku aaddan Somaliland iyo arrimaha si guud ku gedaaman. Maraykanka ayaa si gaar ah u sheegay in aanay hadda BBC- u sheegayn ‘war cusub oo ku saabsan aqoonsiga Somaliland”. Iyaga oo dhanka kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka uu mar kale ku celiyey in siyaasadda Washington aysan is beddelin, islamarkaana ay weli ka go’an tahay taageeridda madaxbannaanida Soomaaliya. Halka sidaas oo kale uu Mareykanka xaqiijiyay in xidhiidh wanaagsan oo shaqo uu kala dhexeeyo ‘Somaliland iyo maamul hoosaadyada kale ee uu kaashado, gaar ahaan kuwa ay ka mideysan yihiin la dagaallanka argagixisada, amniga, iyo danaha dhaqaalaha’. Xidhiidhka Israa’iil iyo Somaliland Disembar dhammaadkeedii 2025, markii Israa’iil, si lama filaan ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsadeen Somaliland, waxaa ay dhalisay walaac gobolka ku baahay. Soomaaliya ayaana xilligaas Golaha Ammaanka ka codsatay kulan degdeg ah oo ku aadan arrintan. Wuxuu Maraykanka xilligaas golaha ku eedeeyey ‘laba wajiilayn’. ‘Horraantii sannadkan, dalal badan, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan golaha, waxay qaateen go’aan keli ahaaneed (unilateral) oo ah inay aqoonsadaan dawlad Falastiin. Si kastaba ha ahaatee, la isuguma yeedhin wax kulan degdeg ah oo goluhu kaga hadlayo, arrintaas sida ay golaha ka dhex sheegtay Ambassador Tammy Bruce oo ah Kuxigeenka ergayga Maraykanka ee ku Metela Qaramada Midoobay. Maraykanka xilligaas hal jawaab ayey ka bixiyeen aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland. “Israa’iil waxay xaq leedahay xidhiidhadeeda diblomaasiyadeed iyo cidda ay la samaynayso, sida dawlad kasta oo madaxbannaan u leedahay” ayaa ay BBC-da u sheegeen, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanku. Mareykanku waxa uu muddo dheer ahaa xulafada iyo saaxiibka ugu awoodda badan ee Israa’iil, tan iyo May 1948, markii uu noqday waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladdii cusbayd ee Israa’iil. Sannadihii la soo dhaafay, Israa’iil waxay noqotay dalka ugu badan ee dunida ka hela gargaarka dibadeed ee militari ee Mareykanku bixiyo. Taageerada diblomaasiyadeed ee xooggan ee Mareykanka, gaar ahaan gudaha Qaramada Midoobay, ayaa iyana ahayd qayb muhiim ah oo ka mid ah xulafnimada labada dal; halka madaxweynayaal Mareykan ah oo isdaba joog ah ay ku dedaaleen inay dhexdhexaadiyaan Israa’iil iyo deriskeeda Carabta Maraykanka ayaa muddooyinkii u danbeeyey ku soo noqnoqonayey Somaliland, iyada oo sannadkii tegay ay dhawr jeer tageen masuuliyiin uu ugu sarreeyo Taliyaha Hawlgalka Afrika ee Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin Anderson. Safarradan ayaana gaadhsiisnaa tegitaan uu ku tegay magalada Berbera bishii November ee sannadki 2025, xilli ay sii baahayaan wararka ku aaddan in Maraykanku danaynayo magaalada Berbera. BBC-da oo arrintaas wax ka weydiisay weli wax jawaab ah kama aannu helin. Halka dhanka kale, safar aan aad loo baahin xogtiisa uu Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ku tegay Maraykanka, sida ay BBC-du xaqiijisay. Saraakiil ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ah oo awood iyo saameyn muuqata ku leh Xisbiga haya talada Maraykanka, sida Tom Cruz, ayaa sida oo kale riixaya isla arrintan, iyaga oo marar kala duwan caddaystay taageeradooda ku aaddan in ‘Maraykanku aqoonsado Somaliland. Waxaana sida oo kale masuuliyiintaa ka mid ah Kongareesman Scott Perry, kaas oo dhammaadkii sannadkii 2024 soo gudbiyay sharci soo jeedinaya in Mareykanku si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Waxaana badi masuuliyiinta Maraykanka ee u janjeedha in dalkooda xidhiidh gaar la yeesho Somaliland ay ku doodaan goobta juqraafiyeed ee Somaliland dhacdo ”ay muhiim u tahay danaha Mareykanka ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Somaliland ayaana dhacda aafaafka hore marin biyoodyada Bab El Mandeb, oo ah surinka cidhiidhiga ah ee ay maraan ku dhowaad saddex meelood meel maraakiibta ganacsiga caalamka. Doonista isa soo taraysay ayaana daba socota soo bixiddii Abril 2023 ee maanifestadii Jamhuuriga ee la magac baxday Project 2025, oo ahayd qorshe loogu talagalay madaxweynenimada labaad ee Trump, ayna diyaariyeen ururka Garabka Midig ee Heritage Foundation iyo in ka badan 100 hay’adood oo kale oo aragtiyaha asal raacaa u janjeedha. Qorshahaas ayaana xusaya oo keliya laba dhul oo Afrika ka tirsan qaybtiisa uu kaga hadlayo Afrikada Saxaraha Ka Hoosaysa, Somaliland iyo Jabuuti — wuxuuna soo jeedinayaa ‘in la aqoonsado dowladnimada Somaliland si ay u noqoto caymis ka dhan ah hoos u dhaca booska istaraatijiyadeed ee Mareykanka ee Jabuuti.’ Qaran News
  6. Sheikh Mustafe Haji Ismail: ”If you, Somalilanders, feel mistreated, you should not be applauding the suffering of Palestinians.” Hargeisa (PP Comment) — Last week, Sheikh Mustafe Haji Ismail delivered a sermon on the recognition of the Somaliland Administration by the State of Israel. Sheikh Mustafe did not object to the right of his people to seek secession or to agree to rejoining the union. What he found abhorrent and unacceptable is the use of the Somaliland cause to oppose the right of Palestinians to statehood. “If we cannot help Palestinians, we should not be giving succour to Israel, their oppressor,” said Sheikh Mustafe. He criticised the argument that some Muslim countries have already established diplomatic ties with Israel. “Israel is a country whose army killed 70,000 Palestinians and committed genocide, and is widely rejected even in the West. If you, Somalilanders, feel mistreated, you should not be applauding the suffering of Palestinians,” Sheikh Mustafe added. Professor Abdirahman Abdullahi (Badiyow) somewhat echoed Sheikh Mustafe. “One of the loudest moral pillars the separatists in Somaliland have leaned on is the horrific suffering of people in Hargeisa in 1988, but when Israel recognises Somaliland and Somaliland rushes to celebrate, that entire narrative collapses under its own weight,” tweeted Abdirahman Badiyow. The question put to Benjamin Netanyahu by Zanny Minton Beddoes, the editor-in-chief of The Economist newspaper is worth quoting at length: “Many people around the world see the state of Israel as a country that is exclusively using military force, that has killed 70,000 people in Gaza, that is doing nothing to create a sustainable future for people there. That is a country, you know, you’ve been accused of being a war criminal—that if you went to several countries in Europe, you’re going to get arrested. This is not just mad campus radicalism; this is a feeling around the world. You said it to us just now: in public opinion around the world, Israel is doing very poorly. And it’s doing very poorly because people see a country that is behaving in a way that is not compatible with being a liberal democracy. And therefore, I think you have a problem. And you know that you need to win the battle of public opinion, and you’re losing it. You’ve absolutely lost it in Europe, but much more worryingly for you, you’re losing it in America. And I think that what you’ve just told me about fanaticism is true in part, but it is not going to shape public opinion. People are going to roll their eyes and say: he’s saying that anybody who says anything critical about Israel is anti-Semitic. Prime Minister, it really isn’t just extreme radicals. There are huge numbers of people who are concerned about Israel’s behaviour, frankly, including people like me.” Visibly shaken, Netanyahu fumbled an unconvincing answer. The 2014 poem on Gaza by Abdimalik Oldon. In Hargeisa and even in the diaspora, many Somalilanders question the decision by the Somaliland Administration Government to align itself with Israel, despite the official position of the African Union, the United Nations and the Arab League being a two-state solution. Nearly twelve years ago, Abdulmalk Oldon, a sheikh and peacemaker and poet in Hargeisa, recited an Arabic poem in support of the Palestinians in Gaza for their resilience. In 2024 and 2025, people in Hargeisa made fundraising efforts for people in Gaza. Ai Weiwei, the Chinese artist, said that people cannot discuss the absurdity of the Gaza resort proposed by President Trump to whitewash the war crimes committed by Israel. “What happened to all the Qur’anic teachings we have been involved in for many years in Hargeisa if people are easily endorsing the oppression of Palestinians by Israel?” said another Sheikh in Hargeisa, to understand the moral cowardice that caught many religious leaders off guard. © Puntland Post, 2026
  7. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐮-𝐭𝐚𝐠𝐠𝐚 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 (𝐔𝐀𝐄) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), halkaas oo uu Madaxweynuhu kaga qayb-gali doono Shirka Sannadlaha ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit) oo ka dhacaya magaalada Dubai. Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ah mid xambaarsan macne diblomaasiyadeed oo muhiim ah, isaga oo ku meteli doona Qaranka Somaliland Madal Caalami ah oo ay ku kulmayaan in ka badan 130 Dawladood oo ka socda Caalamka, Hay’ado Caalami ah iyo madax kale oo saamayn ku leh go’aannada siyaasiga ah ee Dunida. Madaxweynaha ayaa Madashaasi ka gudbin doona farriin ku saabsan waayo-aragnimada Jamhuuriyadda Somaliland ee xagga Dawlad-dhiska, Nabadda, Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, taasi oo xoojin doonta doorka muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo Caalamkaba. Muddada ay Madaxweynaha iyo weftigiisu ku sugan yihiin dalka Imaaraadka Carabta waxa ay kulammo la yeelan doonaan madax iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono iskaashiga horumarineed, maalgashiga, ganacsiga, amniga iyo arrimaha mudnaanta u leh danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ka-qaybgalka Jamhuuriyadda Somaliland Madashan Caalamiga ah ee Kulanka Dawladaha Adduunka (World Governments Summit), waxa ay mar kale muujinaysaa danaynta sii kordhaysa iyo kalsoonida ay Bulshada Caalamku ku qabto Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  8. Dawladda Maraykanka ayaa si cad u sheegtay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mawqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Soomaalilaan, ka dib warar iyo hadalhayn aalmihii u dambeeyay soo baxayay oo ku saabsanaa suurtagalnimada in Washington ay dib u eegto siyaasaddeeda arrintan la xiriirta. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uusan hadda hayn arrin cusub oo la xiriirta aqoonsiga Soomaalilaan, isaga oo hoosta ka xarriiqay in siyaasadda rasmiga ah ee Mareykanka aysan waxba iska beddelin. Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Washington ay weli si buuxda uga go’an tahay taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Mas’uulkan u hadlay Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu xiriir shaqo oo wanaagsan la leeyahay Soomaalilaan iyo maamulhoosaadyada kale ee ka tirsan Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xiriirkaasi uu ku saleysan yahay arrimo la xiriira amniga, horumarinta, gargaarka bani’aadannimo iyo xasilloonida gobolka, balse aysan Washington miiska u saarnayn qorsheyaal kale oo intaas ka baxsani. Hadalkan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa imanaya xilli dood xooggan ay ka taagan tahay mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalilaan iyo xiriirka ay dhowaan la samaysay maamulka Israa’iil, iyadoo marar badan ay xukuumadda Cirro sheegtay in Maraykanku uu wado qorshe uu ku qoonsanayo degaannada waqooyiga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  9. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐧𝐚𝐝-𝐠𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝟑𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐀𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb-galay Xuska Sannad-guurada 32-aad ee Aasaaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Munaasibaddan ballaadhan oo lagu qabtay Xarunta Taliska Guud ee Ciidamada Qaranka, ayaa ahayd mid loo soo agaasimay si heer sare ah oo casri ah, taasoo lagu maamuusay halganka, geesinimada iyo doorka lama illaawaanka ah ee Ciidanka Qaranka JSL ay ku leeyihiin Difaaca Qarannimada, Madax-bannaanida iyo nabadgelyada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo munaasibadda ka jeediyey khudbad qiimo leh ayaa ugu horreyn waxa uu Allah SWT uga baryey in uu u naxariisto dhammaan Taliyeyaashii, Hoggaannadii, iyo Ciidamadii kala darajada duwanaa ee u geeriyooday Difaaca Qaranka, waxana uu yidhi: “Waalidkii, Ubadkii iyo ooryihii ay ka baxeen, waxaan leeyahay Daljirku ma Geeriyoodo, waxa aad leedihiin taariikh aad ku faani kartaan, ubadkiinuna abaal ku heli doono, In Sha Allaah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka JSL, isaga oo sheegay in ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee saldhigga u ah jiritaanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi: “Aniga oo ku hadlaya afka muwaadiniintayda waxa aan si kalsooni leh idiinku caddaynayaa in Ciidanka Qaranku uu yahay Hay’adda ay dadkaygu ugu jecel yihiin, dhammaan Hay’adaha Dawladda Somaliland.” Munaasibadda 32 Guurada Aasaaska Ciidanka Qaranka JSL waxa iyaguna hadallo miisaan leh oo isugu jiray mahadnaq, dib u milicsi taariikheed, guubaabo iyo hiigsiga muddada dhaw ka soo jeediyey Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Mudane Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan iyo Wasiirka Gaashaan-Dhigga iyo Difaaca Qaranka, Mudane Maxamed Yuusuf Cali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xusay oo uu u duceeyey Madaxdii Dhaqanka, Hoggaamiyeyaashii Siyaasadda, Saraakiishii Ciidamada, Ganacsatadii, iyo Haldoorkii bulshada ee kaalinta weyn ka geystay Abaabul-ka-saarkii Dhalinyaradii halganka, iyo dib-u-dhiskii Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu yidhi: “Gudashada waajibkaas weyn waxaa fududeeyey niyad-wanaagga iyo gobannimada dadkayga jecel in ay ku noolaadaan xorriyad, nabadgelyo, horusocod iyo midnimo. Dawladnimadeenna kumaynu dhisin ku tiirsanaanta dalalka dibadda, innaga ayaa ururinnay taladeenna, innaga ayaa midaynay garaadkeenna, innaga ayaa adeegsannay aqoonteenna, innaga aya isu geynay maalkeenna, waxaana ka dhashay Somaliland ta quruxda badan ee maanta la majeeranayo.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay xurmada iyo ixtiraamka ay mudan yihiin Ciidanka Qaranku waxa uu yidhi: “Waxa aan idiin caddaynayaa in Xukuumaddani ay u dhisantahay ilaalinta sharafta iyo magaca aad qarankiina ka mudan tihiin. Ma ogolaan doonno cid xurmadiina iyo qabkiina dhaawacda. Xukuumaddaydu waxa ay muhiimad gaar ah siinaysaa dhismaha iyo horumarinta Ciidamada Qaranka, innaga oo mar kasta ku salaynayna awooddeenna.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay sida ay isaga uga go’an tahay in uu dadkiisa ugu adeego daacadnimo iyo daah-furnaan, waxa uu yidhi: “Ciidamadayada sharafta badan iyo guud ahaanba dadkayga aan jecelahay, waxa aan u ballanqaadayaa, inta aan Xafiiska joogo, in yoolkayga koowaad uu noqon doono in aan idiinku adeego daacadnimo, daah-furnaan iyo doonistiina oo aan u hoggaansamo. Waxa aan doonayaa waa in magacayga aanan Hantidiina ku qorin ee aan Quluubtiina ku qoro.” 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  10. HAMBALYO GUDDOOMIYE: Aas-aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee KULMIYE, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, waxa uu dhammbaal hambalyo ah u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, saraakiisha, saraakiil ku-xigeennada, ilaa heer dable, meel ay joogaanba iyo qoysaskooda xuska sannad guuradda 32-aad ee 2-da bisha February ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka oo ku beegnayd 02/02/1994kii. Guddoomiyuhu waxa uu ciidammada iyo qoysaskoodaba u rajaynayaa inay sannadka sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar, siina xoojiyaan dedaalka iyo adkaynta difaaca dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkiisaba. Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka sakow difaaca dalka waxay door weyn ka qaataan nabadgelyada gudaha, waxaanay caan ku yihiin dhaqan-wanaag, kala dambayn iyo inay waajibkooda u gutaan si nadiif ah. DHAMMAAD. Xafiiska Warbaahinta Xisbiga KULMIYE. Qaran News
  11. W/Q: Barre Sheekh Cabdullaahi (Bangaladhesh) Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), Alle ha u naxariistee, waxa uu ku dhashay baaddiyaha magaalada Cadale ee gobolka Shabeelaha dhexe sannadkii 1934. Barashada Quraanka kariimka ah, dugsigiisii hoose, dhexe, sare iyo koritaankiisiiba waxa uu ku qaatay magaalada Muqdisho. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare oo ahaa nin caaqil ah, waaya-arag ah oo fiiro dheer ayaa yaqiinsaday in uu gaboobay oo noqday oday da’ ah, markaas ka dib waxa uu fishaana ay uun ahayd geeridiisa. Tixda shiribka ah oo soo socota ayuuna ku cabbiray waayeelnimadiisa, isagoo dadkiisa u sheegayana waxa uu yiri: “Toddobo aan isku tuhmay aan tolka wax uga taabahaa, Tobankii toddobaatanaad inta tirshaan ku tiirshay meel; Toddobo aan ka tuurayna, inta aan la i tuhmin wayga taas Haddaan timiha taabtana, wixii tafnaan jiraan tabaa Haddaan tillaabta tuurana, inta istafaan dhulka istubaa; Taydaana ila toosanoo, toban jir aan isu tirshaa Meel ay tacsi facayga taal, markaan arkaan istuhmaa Tii Alle haddii ay timaad, leylama tashee, waa tarxiil.” Marxuumka ayaa la sheegay in muddo uu xanuunsanaa, isla markaasna caafimaad dibadda ah loo qaaday, balse markii dambe dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho. Alle ha u naxariistee 1dii Febraayo 2015 ayuuna hal-abuure, halyey, iyo halgamaa Dr. Xuseen Sheekh Axmed Kaddare ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho. Waxa uu ka mid ahaa hal-abuurradii Soomaaliyeed, isla markaasna uu ka mid ahaa dadkii qoray far Soomaaliga. Alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) waxa uu ka mid ahaa horseedkii dhaqdhaqaaqa gobanimodoonka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee (SYL). Waxa uu ka mid ahaa Alle ha u naxariistee dadkii bilaabay halgankii loo soo galay qoraalka farta Soomaaliga, waxa uuna lahaa far u gaar ah oo la oran jiray “Kaddariya”. Marxuum Xuseen Sheekh Axmed Kaddare Alle ha u naxariistee waxa uu ka mid ahaa gudigii Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, waxa uuna sameeyay riwaayado ay ka mid ahaayeen: Nimaan Joogik ma Jiraayo iyo Sabool Dagaal uma Daaho. Waxaa kale oo marxuumku qoray buuggiisii caanka ahaa ee Warsame iyo Waasuge: Socdaalkii 30ka Maalmood. Dhinca kalana waxa uu marxuumku ka qeyb qaatay suugaantii silsiladda Deelleyda. Sannadkii 1958-1959 Kaddare waxa uu soo saaray qoraal ku aaddan farta Soomaaliga, san’adkii 1960kii markii ay dhalatay Dawladdii Rayidkana waxa uu ka mid ahaa guddigii Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan magacaabay, ee loo xilsaaray qoraalka farta Soomaaliga. 1966kii UNESCO ayaa Soomaaliya u soo dirtay guddi, waxa uuna qiimayn uu sameeyay ku tilmaamay in Shire Jaamac Axmed uu ahaa ninka kaalinta koowaad galay, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare Allaha u naxariiste oo ku xigayna uu galay kaalinta labaad, waxa uuna guddigaas ka socday UNESCO soojeediyay in farta laga dhigo mid uu caalamku fahmi karo. 1971kii waxa uu ka mid ahaa odoyaashii loo xilsaaray qorista farta Soomaaliga ee aan maanta adeegsanayno, sidoo kale waxa uu madax ka ahaa guddigii qiimaynta buugagga far Soomaaliga iyo Suugaanta ah, waxaana uu ahaa shaqsi hal-abuur leh oo ummadda Soomaaliyeed aysan xusuustiisa ka go’i doonin, wixii uu u qabtayna uu noqon doono keyd dhaxal ah oo Soomaali oo dhan dhigaal u ah. Alle ha u naxariistee Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare) qoraalka farta kaalin weyn buu ku lahaa, af Soomaaliga keyd buu u ahaa. Hadal murti leh ayuu ka jeediyay bandhig 29kii Julaay 2011kii ka dhacay Imperial Hotel oo Hargeysa ku yaal, bandhiggaas oo la magacbaxay “Hargeysa iyo Habeen Kaddare”. Waxa uu halkaas ka sheegay, in uu ahaa ninkii u horreeyay oo Golihii Sare ee Kacaanku u yeero si ay ugala sheekaystaan farta uu qoray. “Goor galab ah ayaa gaari OTA-OTA ah la ii soo diray, gaariga noocaas ah qofkii loo soo dirana xarig ayuu filan jiray, darawalkii ayaase igu yiri “Xarig laguuma wado” ayuu Kaddare madashaas ka yiri. Dr. Kaddare muddooyinkii dambe ee Xukuumaddii Militarigu dalka maamulaysay waxa uu madax ka ahaa shirkad wax dhoofisa waxna soo dejisa oo la oran jiray: “Kaddare and Sons”. Ka dib markii uu dhacay isbeddelkii xukunka looga tuuray golihii sare ee kacaankana waxa uu wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dadweynaha ka noqday Xukuumaddii Kumeelgaarka ahayd ee uu madaxweynaha ka ahaa, Alle ha u naxariistee, Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. Gabagabadiina waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo Naadiga Dhaqanka ee Kaddare, haddii uu jirana la xoojiyo waayo waxa uu, isagoo kale, mudan yahay in laga dhigto qof lagu daydo ama saantiisa la raaco. Ilaahay ha u naxariisto, ha ka raalli noqdo, Rasuulkeenna Muxamedna NNKH jaalkiisa ha ka yeelo. Ammiin. Source: goobjoog.com
  12. Dabayaaqadii Bishii November ee sanadkii 2024-kii ayaa xabsi guri looga dhigay Magaalada Kismaanyo ee xarunta KMG ee Jubbaland, Senetar Ilayaas Badal Gaboose oo ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xiligaas oo uu dib isugu caano shubay Axmed Maxamed (Islaam Madoobe). Senetar Ilyaas oo xilligaas ayaa musharax u taagan qabashada xilka madaxtinnimada Jubbaland ayaa markii uu Axmed Madoobe is doortay, anna ku dhawaaqay inuu ku soo baxay doorasho kale oo isla Kismaayo ka dhacday, balse Axmed Islaam oo halis weyn u arkay arintaan ayaa qaadday tilaabo uu xabsi ku geliyay senetarka. Dhankiisa Senetar Ilyaas Maalintii uu ku dhawaaqay inuu dhankiisa asna yahay Madaxweynaha la doortay ee Jubbaland waxaa uu dhambaallo hambalyo ah ka helay masuuliyiin ka tirsan DF oo ay ugu horeeyaan xildhibaannada labada gole ku matala maamulka Jubbaland qaarkood, balse hambalyada ka sokow xorriyadiisa cidina xil iskama saarin loomana gurman intii uu xabsi guriga ku jirey. 14-bilood oo uu ku jiray xabsi gurisaas Senaterka ma jirin dadaalo Muuqada oo loogu gurmanayo iyo Isku dayo xirriyadiisa uu ku helayo waxaana ugu dambeyn uu isku dhiibay Axmed Madoobe oo in kasta oo dowladdu ay qaadacday natiijada doorashadiisii, hadana looga yeerayo fagaarayaasha wada hadaladda ee lagu jaangoynayo masiirka umadda Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin reer Jubbaland oo uu isagu Miiska u fadhiyo. Senetarka waxaa la sheegay in uu ka tanaasulay sheegashadiisa in uu yahay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana xalay uu dib helay xorriyadiisa kadib markii ay wada kulmeen Axmed Madoobe oo sheegay in la isku afgartay in danta guud laga wada shaqeeyo. Source: goobjoog.com
  13. Kulan ay maanta markale yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la damacsanaa in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa ku soo dhammaaday guuldarro kaddib markii uu harreeyay buuq iyo gacan-qaad horseeday in kulanka la soo afjaro. Gacan-qaadka ka dhacay kulanka maanta waxaa ku dhaawacmay xildhibaan Cadar Xareed oo la dhigay isbitaal markii dhaawac ka soo gaaray lug, waxayna sheegtay in dhaawaca uu u geystay askari ka tirsan ciidamo boolis ah oo soo galay hoolka baarlamaanka. Waa kulankii labaad oo oo xiriir ah oo baarlamaanka labada aqal ee federaalka yeeshaan oo ku dhammaada buuq iyo gacan-qaad, kii hore wuxuu dhacay 28 bishii hore ee Jannaayo. Xildhibaanada mucaaradka ah oo ku doodayay in qorshaha wax ka baddelka dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci ayaa diiday ajandaha labada kulan, halka xildhibaanada muxaafidka ah rabeen in wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas. Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee Muqdisho. PUNTLAND POST
  14. Muqdisho – Kulanka wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku bilowday xaalad fowdo ah, kaddib muran xooggan oo ka dhex qarxay xildhibaannada. Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanno ka tirsan golayaasha ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, ka dib markii Ciidanka Boliisku ay gudaha u galeen dhismaha Golaha Shacabka si ay u kala joojiyaan buuqa. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kulanka uu hakad galay, iyadoo xaaladdu ay noqotay mid kacsan, isla markaana ay adkaatay in la sii wado ajendihii kulanka oo ahaa wax ka bedelka dastuurka. Lama oga tirada rasmiga ah ee dhaawacyada, balse xildhibaannada qaarkood ayaa la sheegay in loo fidiyay gargaar degdeg ah. Illaa iyo hadda, weli kama hadlin arrintan Guddoonka Baarlamaanka ama hay’adaha ammaanka. Wixii ku soo kordha kala soco Goobjoog News. Source: goobjoog.com
  15. Mas’uul ka tirsan Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa si cad u beeniyay warar ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhoolatus ciidan iyo tijaabo militari oo rasaas nool nool la adeegsanayo, kaas oo ka dhacaya gudaha Marin-biyoodka Hormuz. Mas’uulkaas, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay in aysan jirin wax qorshe ah oo ay ciidammada Ilaalada Kacaanku ku qabanayeen tababarro ciidan marinbiyoodkaas, isla markaana aysan jirin wax ogeysiis rasmi ah oo arrintaas ku saabsan oo ay Dawladda Iiraan soo saartay. “Ma jiro wax qorshe ah oo Ilaalada Kacaanku ku qabanayaan tababarro ciidan halkaas, mana jiro wax ku dhawaaqis rasmi ah, waxa kaliya ee jiray waa warar warbaahineed oo aan sax ahayn,” ayuu yiri mas’uulkaasi. Wararkan la beeniyay ayaa yimid kaddib markii telefishinka dowladda Iiraan ee Press TV uu Khamiistii sheegay in ciidammada badda ee Ilaalada Kacaanku ay qorsheynayeen inay sameeyaan tababarro ciidan oo ka dhaca Marin-biyoodka Hormuz taariikhaha 1da iyo 2da Febraayo. Marinbiyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinbiyoodka ugu muhiimsan caalamka, maadaama ay si weyn u adeegsadaan maraakiibta shidaalka adduunku, waana aag xasaasi ah uu saamayn ku yeelan kara dhaqdhaqaaq ciidan oo kasta. Source: goobjoog.com
  16. Kulan ay maanta yeesheen xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la doonayay in looga doodo wax ka beddelka qodobo ka mid ah dastuurka ayaa waxaa ka taagan buuq iyo sawaxan, waxaana jira xildhibaano iyo boolis isu gacan-qaaday. Xildhibaanada mucaaradka ah oo ku doodaya in qorshaha wax ka baddelka dastuurka uusan marin wadatashi iyo habraac sharci ayaa diidan ajandaha kulanka, halka xildhibaanada muxaafidka ah doonayaan in wax ka baddel lagu sameeyo cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee dastuurka. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka baddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee dalka, hase ahaatee madaxweynahu wuxuu dardargeliyay sii wadida qodobkaas. Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta waxay wax ka baddelka dastuurka ku tilmaameen mid lagu carqaladeynayo gogosha ay aqbaleen ee Muqdisho. PUNTLAND POST
  17. d Agaasimaha filim-dukumentari cusub oo ku saabsan Marwada Koowaad ee Maraykanka, Melania Trump, ayaa ka soo muuqday sawirro Jimcihii ay sii daysay Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, isaga oo laabta ku haya haweeney da’yar. Brett Ratner, oo sidoo kale agaasimay filimka Rush Hour iyo X-Men: The Last Stand, ayaa lagu arkayaa isagoo ku fadhiya kuraas fadhi ah meel u dhow ninka lagu eedeynayo xad-gudubayada galmada ee geeriyooday Jeffrey Epstein iyo laba haween ah oo wajiyadooda la qariyay. Goorta sawirrada la qaaday wali ma cadda, hase yeeshee waxay u muuqdaan in lagu qaaday isla goobtii ay ku jireen sawirro hore oo Ratner iyo Epstein ay la joogaan Jean-Luc Brunel oo ka soo jeeday Faransiiska isla markaana ahaa nin wax xayaysiiya oo isna loo haystay dambiyo la xiriira galmo kaas oo geeriyooday, waxaana sawirradaas la sii daayay bishii Diseembar. Faylasha ma muujinayaan wax dembi ah ama khalad ah. BBC-du waxay la xiriirtay wakiilka Ratner si ay uga hesho faallo. Sawirada cusub ee la sii daayay waxay qayb ka ahaayeen malaayiin faylal ah oo la xiriira dambiilihii hore ee galmada, kaasoo ku dhintay xabsiga sannadkii 2019 isagoo sugaya maxkamadeyn ku saabsan dacwado ka dhan ah ka ganacsiga galmada. Taxane sawirro yaryar ah ayaa muujinaya Ratner, Epstein iyo Brunel iyaga oo dhoolla-caddeynaya isla markaana nasanaya xilli ay la joogaan haween kala duwan, kuwaas oo dhammaantood wajiyadooda la qariyey. Sharciga sababay in faylashan la sii daayo wuxuu farayaa in la tafatiro la madoobeeyo si loo ilaaliyo dhibbanayaasha, maadama weli baaritaannadu ay socdaan. inkasta oo qareen matala dad badan oo ka mid ah kuwaan uu sheegay in aqoonsiga tiro badan oo badbaadayaal ah lagu muujiyey sii-dayntan. Source bbcsomali Qaran News
  18. Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa xorriyadiisa siiyay senator Ilyaas Badal Gaboose oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo tan iyo dhammaadkii sanadkii 2024 ku xirnaa magaalada Kismaayo. Siidaynta kaddib, madaxweynaah Jubaland oo xalay la kulmay senator Ilyaas ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri “Walaaladay senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland. “Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland” ayuu raaciyay. Senator Ilyaas Badal Gaboose wuxuu Nofeembar 2024 sheegtay in loo doortay madaxweynaha Jubaland, xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu xabsi guri ku ahaa magaalada Kismaayo. PUNTLAND POST
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa hakisay mashruuc muhiim ah oo ay ku taageeri jirtay Xarunta Warbixinta Maaliyadda Soomaaliya. Go’aankan ayaa dhaqan-galay laba maalin ka hor oo ku beegnayd 30-kii Janaayo 2026, sida ku cad warqad rasmi ah oo ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Warqadda ayaa lagu faray in si degdeg ah loo joojiyo dhammaan kharashaadkii ku socday mashruuca, isla markaana la laalo ballanqaadyadii dhaqaale ee aan weli hirgelin. Xarunta Warbixinta Maaliyadda Soomaaliya (Financial Reporting Center – FRC) ayaa ah hay’adda qaran oo Soomaaliya u qaabilsan la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo ka-hortagga maalgelinta argagixisada. Hakinta taageeradan ayaa loo arkaa mid wiiqeysa dadaalladii lagu xoojinayay isla-xisaabtanka iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan iyadoo Mareykanku horay u yareeyay barnaamijyo kale oo uu ka fulin jiray Soomaaliya. Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin tallaabadan iyo saameynta ay ku yeelan karto shaqada xarunta FRC iyo xiriirka iskaashi ee labada dowladood. Mareykanka ayaa dhawaan hakiyay kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya kadib markii la sheegay in la jabsaday bakhaar ku yaalla dekedda Muqdisho oo ay ku jireen raashin gargaar ah oo Maraykanku maalgeliyay. Inkastoo Mareykanka uu Arbacaddii shaaciyay in si degdeg ah dib loogu billaabayo kaalmada gargaarka raashinka ee Soomaaliya, haddana Maamulka Trump weli wuxuu sii wadaa tallaabooyin adag oo lagu kormeerayo gargaarka shisheeye. Maamulka ayaa ka digay in maalgelinta mustaqbalka ay weli tahay mid si dhow isha loogu hayo. Is-mari-waagan diblomaasiyadeed ayaa billowday horraantii bishan markii kooxaha dhismuhu, oo banneynayay dhul loogu talagalay mashruuc casriyeyn ah oo ay waddo shirkadda Turkiga ah ee Albayrak Group, ay dumiyeen bakhaar ay lahayd WFP. Xaruntaas ayaa waxaa ku jiray qiyaastii 76 tan oo raashin muhiim ah oo loogu talagalay dadka nugul. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Isniintii ayaa lagu muujiyay “qoomamo” ku aaddan “xaaladaas nasiib-darrada ah,” iyadoo la xaqiijiyay in dhammaan agabkii la qabtay dib loogu celiyay hay’adda Qaramada Midoobay. “Dowladda Federaalka waxay qaadanaysaa mas’uuliyadda buuxda ee xallinta xaaladdan,” ayay tiri Wasaaraddu, iyadoo intaas ku dartay inay WFP siisay “bakhaar ka weyn kana habboon kii hore” oo ku dhex yaalla dekedda si loo hubiyo in hawluhu aysan istaagin. The post Mareykanka oo Soomaaliya ka jaray dhaqaalihii… appeared first on Caasimada Online.
  20. Maamulka Jubbalaan ayaa si rasmi ah xorriyaddiisa dib ugu celiyay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, ka dib wadahadallo iyo is-afgarad laga gaaray arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii danbe taagnaa. Qoraal uu Madaxweynaha Jubbalaan, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa lagu sheegay in la isla gartay in danta guud, nabadda iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale. “Walaaladay Senator Ilyaas Beddel Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubbalaan ay ka horreeyaan arrin kasta, isla markaasna aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka reer Jubbalaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbalaan. Axmed-Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Dawladda Jubbalaan ay diyaar u tahay tanaasul ballaaran, si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa, isla markaasna ay ka go’an tahay in dhammaan khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo waddo nabadeed. Ugu danbayn, Madaxweynaha Jubbalaan ayaa adkeeyay in maamulka uu mudnaan siinayo ilaalinta danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka shacabka Jubbalaan, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wadahadalka iyo isfahanka siyaasadeed. Source: goobjoog.com
  21. Hawlgalla Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa muujiyay walaac ku aaddan in kooxaha hordhaca ah (advance teams) ee maamulada Puntland iyo Jubbaland ay ka baaqdeen ka qeybgalka Shirka Wadatashiga Qaran ee lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho, sababo la xiriira oggolaanshooyin farsamo oo aan la bixin. UNTMIS ayaa dhammaan dhinacyada ku boorrisay in ay mudnaan siiyaan shirka wadahadalka ee horay loogu heshiiyay, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo qodobbada kale ee masiiriga ah, xilli ay soo dhowdahay dhammaadka muddaxileedyada dastuuriga ah. Sidoo kale, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo dhammaystiro hawlaha diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) sameeyaan dadaallo dheeraad ah oo lagu abuurayo jawi ku habboon qabsoomidda shirka iyo in heshiis laga gaaro arrimaha taagan. UNTMIS ayaa mar kale adkaysay muhiimadda ay leedahay wadahadal loo dhan yahay si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wixii maanta dhacay, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada Muqdisho ka celisay diyaaradihii siday ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay “ceeb”, iyadoo Marwo Francesca Di Mauro ay dhinacyada ka dalbatay inay ka shaqeeyaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa. “Si kasta oo uu u jiro is-faham waa, Midowga Yurub wuxuu rajeynayaa in dhinacyada oo dhan ay xal u helaan sidii uu u dhici lahaa wada-hadalkan muhiimka ah, loona abuuri lahaa jawi ku habboon doodaha masiiriga ah ee horseedaya jidka loo marayo doorashooyinka,” ayey tiri Francesca oo qoraal soo dhigtay barteeda X (ex-Twitter). Sidoo kale, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay inay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka, iyagoo dhacdadii maanta ku tilmaamay mid laga xumaado. “UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxihii horudhaca u ahaa wufuudda Puntland iyo Jubaland aysan soo gaarin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in ay ka furanto magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hawada Muqdisho dib uga celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay Kismaayo iyo Garoowe. Dowladda ayaa ku andacootay in tallaabadan u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacyada amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya. Waxay sheegeen in ujeedka ka dambeeya go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran: UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxihii horudhaca u ahaa wufuudda Puntland iyo Jubaland aysan soo gaarin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in ay ka furanto magaalada Muqdisho, sababo la xiriira hannaankii farsamo ee loo baahnaa oo aan la oggolaan. Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan gogosha wada-tashiga ee hore loogu heshiiyey, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, ka hor dhammaadka muddada waajibaadka dastuuriga ah. Sidoo kale, waxaan ku boorrineynaa in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawi ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah, oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay. The post Beesha caalamka oo ka hadashay dhacdadii maanta, farriina u dirtay DF iyo Golaha Mustaqbalka appeared first on Caasimada Online.
  23. Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac iyo niyadjab ku aaddan fashilka ku yimid imaatinka wafdiyada horudhaca u ahaa maamullada Buntilaan iyo Jubbalaan ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo maanta la filayay inay ka qeybgalaan wadahadallo siyaasadeed oo muhiim ah. Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu aad uga xun yahay in wafdiyadaasi aysan suurtagelin inay soo gaaraan caasimadda. Waxay xustay in inkastoo ay jiraan isfahan-la’aan iyo khilaafyo jira, haddana ay muhiim tahay in dhinacyada oo dhan ay helaan xal u sahla wadahadallo miradhal ah. “Midowga Yurub wuxuu rejaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa hannaan lagu fududeeyo wadahadalkan muhiimka ah, loona abuuri lahaa jawi ku habboon doodaha masiiriga ah ee horseedaya geeddisocodka doorashooyinka,” ayay tiri Danjire Di Mauro. Arrintan ayaa timid ka dib markii Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dibucelisay diyaarado siday wafdiyada horudhaca u ahaa Buntilaan iyo Jubbalaan, kuwaas oo ay ku jireen ciidamo amniga wafdiga sugayay. Dawladda Federaalka ah, gaar ahaan Wasaaradda Amniga Gudaha, ayaa sheegtay in tallaabadan ay qaadeen ka dib markii xubno ka tirsan waxa ay ku tilmaameen “Golaha Mustaqbalka Soomaaliya” ay iskudayeen inay hub ku soo qaadaan diyaarad, taasoo ay Wasaaraddu ku sheegtay xadgudub ka dhan ah nidaamka amniga Garoonka Aadan-Cadde. Source: goobjoog.com