-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dastuurka la ansixiyay oo ay weli diidmo ka muujinayaan xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland. Sheekha ayaa marka hore ka warbixiyay ujeedka ay u xaadireen kulankii Baarlamaanka ee lagu meelmariyay wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka, wuxuuna sheegay in ay ahayd kaliya inay saxaan, si aan loogu soo darin khaladaad dhanka Diiniga ah. “Annaga waxaan u tegnay Baarlamaanka in waxa la qorayo in meeshan aysan gelin wax khaladan, maxaa yeelay hadhow si loo saxo lama garanaayo” ayuu yiri Sheekh Bashiir. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in la saxay khaladaadkii hore uga jiray dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa, sida da’da qaan-gaarnimada oo markii hore ahayd 18 sano balse hadda la waafajiyay Diinta Islaamka, lagana dhigay 15 sano. “Waxaa kamid ah meelahaas da’da in muddo ah soo khaldaneyd 18 wixii ka yar in la yiraahdo waa carruur waxaa kamid ah qofka xaq wuxuu u leeyahay inuu noolaado oo loola jeedo ka hortegga ama diidmo la diidaayo xukunka dilka ah hadda waa la saxay kulligood” ayuu mar kale yiri Sheekh Bashiir. Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in qodobada kale ee siyaasadda iyo qaybsiga khayraadka ay yihiin arrimaha hadda la’isku hayo wuxuuna soo jeediyay in loo wajaho wada-hadal, heshiis qaran oo midnimo keenaya. Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Arbacadii lasoo dhaafay Labada Gole ee Baarlamaanka ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad ilaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay. Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, iyada oo madaxweynuhu xilka sii hayn doono illaa May 2027. Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan. The post Daawo: Maxay Culimadu ka tiri dastuurka la ansixiyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho, Soomaaliya – 7 Maarso, 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), taasoo astaan u ah hirgelinta xaruntii ugu horreysay ee heer qaran ee loogu talagalay isku-duwidda ka-hortagga, ogaanshaha, iyo ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka. Isagoo ka hadlay munaasabadda daahfurka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), ayaa sharraxay hannaankii loo maray aas-aaska xaruntan. “Aasaaska SOMCIRT wuxuu ka dhashay wadatashiyo qaran oo ballaaran iyo qiimeyn farsamo oo lagu xoojinayo awoodda Soomaaliya ee la-tacaalidda khataraha saaybarka iyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka ah.” Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Soomaali), ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta adkeysiga amniga saaybarka, iyadoo Soomaaliya ay sii ballaarinayso adeegyada dhijitaalka ah iyo isku-xirka internetka. “Iyadoo adeegyada dhijitaalka ah ay sii ballaaranayaan guud ahaan Soomaaliya, xoojinta nidaamyada amniga saaybarka ayaa lagama maarmaan u ah ilaalinta hay’adaha dowladda, kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo qaybaha kale ee muhiimka ah. SOMCIRT waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa hubinta in nidaamka dhijitaalka ah ee dalka uu ahaado mid ammaan ah oo adkaysi leh.” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo munaasabadda xarig-jarka ka hadlay, ayaa ku tilmaamay furitaanka SOMCIRT inay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo amniga dhijitaalka ah ee dalka isla markaana taageeraysa dadaallada ballaaran ee isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya. “Daahfurka SOMCIRT wuxuu astaan u yahay tallaabo weyn oo lagu sugayo mustaqbalka dhijitaalka ah ee Soomaaliya. Deegaan saaybar oo ammaan ah waa lama huraan si loo xoojiyo amniga qaranka, kobaca dhaqaalaha, iyo kalsoonida bulshada ee adeegyada dhijitaalka ah.” Xarunta Ka-Jawaabidda Xaaladaha Deg-degga ah ee Amniga Saaybarka (SOMCIRT), oo hoos timaada Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, waxay noqon doontaa xarunta qaran ee isku-duwidda ka-jawaabidda dhacdooyinka amniga saaybarka ee dalka. Xaruntu waxay taageeri doontaa soo gudbinta dhacdooyinka amniga saaybarka, soo saarista digniino iyo wacyigelin, isku-duwidda jawaabaha khataraha saaybarka, iyo kor u qaadidda wacyigelinta amniga saaybarka iyo iskaashiga hay’adaha dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xoojiyo ilaalinta kaabeyaasha dhijitaalka ah ee muhiimka u ah Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka dalka, isaga oo dalab xasaasi ah u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn xisbiga ayaa shaaca ka qaaday in uusan aqoonsaneyn go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah, wuxuuna xusay in loo maray hannaan aan sharci ahayn. Sidoo kale waxa uu xisbigu sheegay in isbeddal kasta oo dastuurka ah uu ku imaan karo kaliya inay ka qayb qaataan dhammaan hay’adaha quseyso, iyada oo loo marayo hab sharci ah. “Xisbigu wuxuu aaminsanyahay in wax ka beddelka kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka uu ku imaan karo hab sharci ah oo waafaqsan qodobada dastuurka kumeelgaarka ah, islamarkaana ay ka qaybqaataan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee labada heer dowladeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed”. ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Waxaa kale oo uu xisbigu soo saaray baaq culus oo ku socda madaxweynaha, isaga oo ka dalbaday in uu dalka u jiheeyo doorasho, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo hubinti la’aan, maadaama uu sii dhamaanayo muddo xileedka hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in mudada yar ee ka hartay xil-heyntiisa sharciga ah uu diiradda saaro sidii lagu heli lahaa doorasho heshiis lagu yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku timaadda mustaqbalka dowladnimada iyo xasilloonida dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Himilo Qaran. Baaqan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Arbacadii Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku meel-mariyeen cutubyada 4-aad illaa 15-aad oo ay horay uga doodeen, maadaama wax ka beddel lagu sameeyay. Intaasi kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku dhawaaqay in muddada xil-heynta Baarlamaanka 11-aad ay tahay shan sano, waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay in muddo xileedka madaxweynaha uu yahay shan sano, sida ku cad dastuurka cusub, iyada oo madaxweynuhu xilka sii hayn doono illaa May 2027. Si kastaba, Siyaasiyiinta mucaaradka ee Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa qaadacay in ay oggolaadaan in dastuurka cusub uu dhaqan galo, waxayna tani keeneysaa xaalad siyaasadeed oo horleh iyo dalka inuu galo qalalaase siyaasadeed, marka la’eego sida ay wax ku socdaan. The post Xisbiga Sheekh Shariif oo arrin xasaasi ah ka dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa subaxnimadii maanta oo Sabti ah ka dhoofay magaalada Muqdisho, isagoo ku sii jeeda magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya. Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya ka qayb galka Shir Madaxeedka 25-aad ee caadiga ah ee Hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC). Shirkan oo sanadkan lagu qabanayo halkudhigga ah “Xoojinta Is-dhexgalka si loo hagaajiyo nolosha muwaadiniinta Bulshada Bariga Afrika,” ayaa diiradda lagu saarayaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhaqaale iyo midka bulsho ee dalalka gobolka. Arrimaha ugu waaweyn ee ajandaha shirka ku jira waxaa ka mid ah daah-furka nidaamka Dammaanad-qaadka Kastamka ee EAC, kaas oo ah hannaan maaliyadeed oo casri ah oo loogu talagalay in lagu fududeeyo dhaqdhaqaaqa badeecadaha, laguna yareeyo caqabadaha ganacsiga ee ka jira xuduudaha dalalka xubnaha ka ah dalladdan. Ka qayb galka Madaxweyne Xasan Sheekh ee shirkan ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya, maadaama dalku uu dhowaan si rasmi ah ugu biiray dalladda, taas oo fursad u siinaysa ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan suuqa weyn ee Bariga Afrika iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka ka socda. Source: goobjoog.com
-
Dhaqaalaha baaxadda leh ee Mareykanka uga baxa dagaalka lagula jiro Iiraan ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay, iyadoo warbixinnada ugu dambeeya ee ka soo baxaya xarumaha cilmi-baarista sida CSIS ay muujinayaan in maalin kasta oo dagaal ah ay ku kacayso qiyaastii $890 milyan oo doollar. Kharashkan waallida ah ayaa loo qeybiyay hawlgallada cirka oo keliya oo u baahan $30 milyan maalinle ah, halka dhaqdhaqaaqa ciidanka badda iyo difaaca doomaha dagaalkuna ay ku kacayaan $15 milyan oo doollar 24-kii saacba. Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku baxa hubka casriga ah iyo gantaallada difaaca, halkaas oo 100-ka saac ee ugu horreeya dagaalka looga baahan yahay qoonde lacageed oo gaaraya $1.5 bilyan oo doollar oo lagu iibsado rasaasta iyo madaafiicda caynkaas ah. Sidoo kale, ka hortagga gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan ayaa Mareykanka ka raba kharash dheeri ah oo lagu qiyaasay $1.7 bilyan oo doollar. Haddii xaaladdu ay gaarto in ciidanka dhulka la geliyo gudaha Iiraan muddo laba bilood ah, khubarada dhaqaaluhu waxay ka digayaan in wadarta guud ee kharashka dagaalku uu kor u dhaafi karo $95 bilyan oo doollar, taas oo culeys weyn ku noqonaysa miisaaniyadda qaranka Mareykanka. Source: goobjoog.com
-
mid ah sanadihii ugu wanaagsan nolosheeda oo ku lumay dagaal – mana dooneyso in ay mar kale aragto khilaaf ka dhaca gobolka Tigray ee waqooyi ee Ethiopia, kaas oo qaar ka mid ah dadku ay ka baqayaan in uu billaaban karo. Sannadkii 2020, waxay u taagnayd furinta hore ee dagaalka iyada oo ahayd askari Tigray ah si ay uga qeyb qaadato dagaalka sokeeye ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka, waxayna weli ku jirtaa xaalad nafsiyan ah oo aad u daran inkasta oo laga joogo ka badan saddex sano kaddib dhammaadka dagaalkii naxdinta lahaa. “Wax walba waan waayey,” ayay ku sheegtay BBC Tigrinya. Ka hor dagaalka, Abeba waxay ahayd xiddig kubadda cagta ciyaarta oo soo baxaysa. Tan iyo markii ay toddoba jir ahayd ayay ciyaari jirtay, ugu dambeyntiina waxay noqotay weeraryahan u ciyaara kooxda 70 Enderta ee haweenka markii ay ahayd 17 sano jir. Abeba waxay sheegtay in hooyadeed iyo aabaheed ay weli xambaarsan yihiin dhaawacyadii dagaalkii dheeraa ee naxariis darrada ahaa ee dhammaaday 1991-kii, markii TPLF ay xukunka ka tuureen hoggaamiyihii markaas ka talinayay Itoobiya, Mengistu Haile Mariam. Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa dib u qarxay 2020, iyadoo Eritrea, oo deris la ah Tigray, ay gashay dagaalka dhinaca ciidamada federaalka. Dagaalku wuxuu dhammaaday laba sano kaddib, markii ay la gaadhayheshiis nabadeed oo ay dhexdhexaadiyeen Midowga Afrika. Wakiilka ururka, Olusegun Obasanjo, oo ahaa madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa tirada dadka ku dhintay dagaalka ku qiyaasay ku dhawaad 600,000 qof. Abeba, in goob dagaal looga yeedho hubka ma ahayn kaliya doorasho: wuxuu ahaa dhaxal waajib ah. Qaran News
-
Israel’s initiative in recognizing Somaliland potentially raises the level of threat from the Houthis, an Iranian-supported terrorist militia that occupies most of northern Yemen. Somaliland is located directly across from Yemen. The Houthis, also known as Ansar Allah (“Friends of Allah”), have proven their durability by having survived many US and Israeli airstrikes. If Somaliland allows Israel or the US to construct air and naval facilities on its Red Sea coast, the prevalence of terrorism throughout the Middle East — including Houthi aggression against oil and gas shipping — could enjoy a welcome revision. The November 2025 visit to Somaliland by US Africa Command head General Dagvin Anderson suggests that Washington is also fed up with Houthi terrorist operations. Possible future joint US-Somaliland military projects could include an upgrade to the Red Sea deep port of Berbera. Most of the outrage by international organizations and regional institutions consists of the typical virtue signaling. The opposition to the recognition of Somaliland by the African Union may reflect concern that Israel’s initiative has set an impertinent international diplomatic precedent. By contrast, some pro-Western African states, such as Ethiopia and Kenya, could actually benefit from increased regional security. Ethiopia, a landlocked northeast African state, might explore the possibility of lobbying the government to construct a canal across Somaliland allow Ethiopia access to Red Sea shipping lanes. Currently, Ethiopia, like Israel itself, is surrounded by hostile Islamic countries. In Ethiopia’s case, it is bounded by Eritrea and Somalia. By allying with Somaliland, Ethiopia would give its majority Christian people an opportunity to end their cultural isolation. Kenya’s national sovereignty is also under threat by Islamic terrorist penetration of its national borders, and the country’s pro-Western orientation is already highlighted by its participation in US-sponsored counterterrorist operations against Al Shabaab. If Somaliland allows Israel or the US to construct air and naval facilities on its Red Sea coast, the prevalence of terrorism throughout the Middle East — including Houthi aggression against oil and gas shipping — could enjoy a welcome revision. Pictured: People gather to celebrate Israel’s recognition of Somaliland’s independence in downtown Hargeisa, on December 26, 2025. (Photo by Farhan Aleli / AFP via Getty Images) Israel’s December 2025 diplomatic recognition of Somaliland as an independent state may indicate significant improvements in Middle East security. Somaliland, which originally seceded from Somalia in 1991, had not been granted diplomatic status by any other member of the United Nations prior to Israel’s recognition. Israel’s initiative in recognizing Somaliland potentially raises the level of threat from the Houthis, an Iranian-supported terrorist militia that occupies most of northern Yemen. Somaliland is located directly across from Yemen. The Houthis, also known as Ansar Allah (“Friends of Allah”), have proven their durability by having survived many US and Israeli airstrikes. If Somaliland allows Israel or the US to construct air and naval facilities on its Red Sea coast, the prevalence of terrorism throughout the Middle East — including Houthi aggression against oil and gas shipping — could enjoy a welcome revision. It is certain that any resumption of Houthi drone and missile attacks on Israel will invite punishing retaliatory IDF attacks from any future Somaliland-based launch sites. The November 2025 visit to Somaliland by US Africa Command head General Dagvin Anderson suggests that Washington is also fed up with Houthi terrorist operations. Possible future joint US-Somaliland military projects could include an upgrade to the Red Sea deep port of Berbera. Anderson also toured the Red Sea port of Boasso in neighboring Somalia’s autonomous state of Puntland. High-level American and Israeli diplomatic and military interests appear to indicate a joint commitment to protect the region, as well as its vital commercial checkpoints, such as the Strait of Bab al-Mandeb, a chokepoint at the mouth of the Red Sea, separating Africa and Asia. Israel’s diplomatic initiative in recognizing Somaliland independence elicited the expected negative criticism. In Somalia, the most offended party, the response has been mostly rhetorical. Somalia has long sought to deny the legitimacy of Somaliland’s secession. Somalia’s indignation will most likely not move beyond rhetoric. Somalia is already under threat from the Islamic terrorist network, al-Shabaab. Most of the outrage by international organizations and regional institutions consists of the typical virtue signaling. The opposition to the recognition of Somaliland by the African Union may reflect concern that Israel’s initiative has set an impertinent international diplomatic precedent. The Israeli initiative is particularly irksome to African countries that are merely colonial constructs of ethnically diverse societies, which may feel threatened by the rise of irredentist violence within their own societies. By contrast, some pro-Western African states, such as Ethiopia and Kenya, could actually benefit from increased regional security. Ethiopia, a landlocked northeast African state, might explore the possibility of lobbying the government to construct a canal across Somaliland allow Ethiopia access to Red Sea shipping lanes. Currently, Ethiopia, like Israel itself, is surrounded by hostile Islamic countries. In Ethiopia’s case, it is bounded by Eritrea and Somalia. By allying with Somaliland, Ethiopia would give its majority Christian people an opportunity to end their cultural isolation. Kenya’s national sovereignty is also under threat by Islamic terrorist penetration of its national borders, and the country’s pro-Western orientation is already highlighted by its participation in US-sponsored counterterrorist operations against Al Shabaab. Israel’s search for regional allies such as Somaliland serves as a hedge against any sudden dissolution of the Abraham Accords, a fate not improbable in the Middle East’s mercurial environment. Israel’s “small state alliance” model offers it an alternative to its “eternal alliance” with the US, as there may exist instances where Washington and Jerusalem’s national interests do not fully coincide. by Lawrence A. Franklin Dr. Lawrence A. Franklin was the Iran Desk Officer for Secretary of Defense Rumsfeld. He also served on active duty with the U.S. Army and as a Colonel in the Air Force Reserve. Qaran News
-
Doon u rarnayd ganacsato reer Puntland ah ayaa maanta ku gubatay bannaanka dekedda magaalada Boosaaso, taas oo aan helin gurmad. Doonta oo lagu magacaabo Mahbub Muxuyadiin 1421 waxay siday badeecooyin ganacsi oo kala duwan, iyada oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta. Dekedda Boosaaso oo ay muddo 10 sano ah maamulayso shirkad Imaaraad ah ayaa la ahayn adeega dab-damiska gaadiidka badda, waxaana marar badan ku gubtay doonyo ganacsi. Puntland oo ka hadashay gubashada doonta ayaa tacsi keliya u dirtay ganacsatada khasaaruhu ka soo gaaray dhibkan soo noqnoqday. Qoraal ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu yiri “waxaan tacsi la wadaagaynaa ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada reer Puntland, ee uu khasaaruhu ka soo gaaray gubashada doonta Mahbub Muxuyadiin 1421 oo ku gubatay bannaanka Dekedda Boosaaso, taas oo siday badeecooyin ganacsi oo kala duwan”. “Wasaaradda maaliyaddu waxay ganacsatada iyo dhammaan dadkii ay khasaaruhu ka soo gaaray la wadaagaysaa tacsi iyo tiiraanyo una rajaynaysaa samir iyo adkaysi, waxayna Alle uga baryaysaa in uu khasaarahaas ugu beddelo khayr kana siiyo bedel wanaagsan” ayaa la raaciyay. PUNTLAND POST
-
Sarkaal ka tirsan militariga Iran ayaa sheegay in iskuday kasta oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku doonayaan in ay ku afgambiyaan maamulka Iiraan iyada oo loo marayo “Fowdo hubeysan” lagala kulmi doono jawaab toos ah oo ay ka mid tahay in la bartilmaameedsado xarunta tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee Israa’iil. Sarkaalku waxa uu intaa ku daray, hadal lagu baahiyey mareegaha wararka Iiraan oo sheegaya in “fulinta qorshe kasta oo looga gol-leeyahay in lagu dumiyo nidaamka ay ku khasbayso Iiraan inay beegsato kaabayaasha tamarta ee gobolka”. Inkasta oo Israa’iil aysan waligeed si rasmi ah u qiran in ay haysato hubka Nukliyeerka, haddana qiimayn caalami ah oo badan ayaa muujinaysa in ay haysato. Barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hubka sirta ah ee wax gumaada ee caalamka. Israa’iil ma aysan saxiixin heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka oo ah heshiis caalami ah oo looga hortagayo fiditaanka hubkan. Sababtaas awgeed, xarumaheeda Nukliyeerka ayaan hoos imanayn nidaamka ilaalinta tamarta Nukliyeerka ee caalamiga ah, kaas oo u oggolaanaya wakaaladdu inay kormeer joogto ah ku sameyso xarumaha Nukliyeerka ee dalalka ku biiray heshiiska. Awoodaha Nukliyeerka ee Israa’iil ayaa weli ah mawduuca qiyaasaha sirdoonka ee aan la hubin tan iyo 1960-meeyadii, markii ay billowday in ay ka shaqeyso tamarta Nukliyeerka ee Dimona ee saxaaraha Negev. Bartamihii 1980-meeyadii, qayb ka mid ah awooddaas ayaa la shaaciyay ka dib markii Injineerkii hore ee Nukliyeerka Mordechai Vanunu uu siiyay wargeys Ingiriis ah sharraxaad iyo sawirro waxa uu ku sheegay inay yihiin madaxyada Nukliyeerka ee Israa’iil. Xogta uu daaha ka qaaday Vanunu ayaa keentay in dib loo qiimeeyo qiyaasihii hore ee xaddiga hubka Nukliyeerka ee Israa’iil, kaas oo sanadkii 2003-dii lagu qiyaasay in aanu ka yarayn 100 madax oo Nukliyeer ah lagana yaabo in uu gaari karo ilaa 200 Bbcsomali Qaran News
-
Waxaa magaalada Garowe xalay ku geeriyooday Gen. Maxamed Cali Abokor oo lahaa in ka badan 60 sano oo aqoon iyo khibrad ciidan ah. Marxuumka wuxuu ahaa sarkaal xilal kala duwan ka soo qabtay Soomaaliya, sidoo kale wuxuu door muhiim ah ka qaatay dib u dhiska ciidamada Puntland iyo guud ahaan ciidamada Soomaaliyeed. Madaxda Puntland oo ugu horreeyo madaxweyne Siciid Deni ayaa tacsi u diray ummada Soomaaliyeed, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Cali Abokor, isagana waxay Alle u waydiiyeen dambi dhaaf. PUNTLAND POST
-
Sheikh Ibrahim Tufa, president of the Ethiopian Islamic Affairs Supreme Council, visited the Embassy of Iran in Ethiopia (Photo: Embassy of Iran in Ethiopia) Addis Abeba — Sheikh Ibrahim Tufa, president of the Ethiopian Islamic Affairs Supreme Council, visited the Embassy of Iran in Ethiopia in Addis Abeba to sign a condolence book and express solidarity with the government and people of Iran following recent attacks, the embassy said in a statement on its social media page. According to the embassy, the visit came after what it described as a “brutal attack” by Israel and the United States, which it said resulted in the killing of Iran’s Supreme Leader, Ali Khamenei. During the visit, Sheikh Ibrahim conveyed his condolences and affirmed his sympathy with the Iranian government and people, saying the loss was “not only for Iranians but for all Muslims around the world,” the embassy stated. The embassy added that the council president honored the mission by signing the condolence book and expressing solidarity during his visit. The development comes amid heightened regional tensions following recent exchanges involving Iran and several Gulf states. Earlier this week, Abiy Ahmed, Prime Minister of Ethiopia, expressed solidarity with Qatar during a phone conversation with the country’s Emir, Tamim bin Hamad Al Thani, according to a statement from the Amiri Diwan of Qatar. During the call on 2 March, Abiy checked on the situation in Qatar following Iranian attacks that heightened tensions in the Gulf and conveyed Ethiopia’s support. He also expressed confidence in Qatar’s capacity to manage the repercussions of the attacks in a way that safeguards its security and stability. In a separate diplomatic outreach reported by the Kuwait News Agency, the prime minister also held a telephone conversation with Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, Crown Prince of Kuwait. During the call, Abiy condemned the Iranian attack as an “atrocious assault” that violated Kuwait’s sovereignty, airspace, international law, and the UN Charter. The Kuwaiti Crown Prince later conveyed the greetings and appreciation of the Emir of Kuwait, Meshal Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, to Ethiopian President Taye Atske Selassie, thanking Ethiopia for what was described as its principled stance and expressing gratitude to Abiy for his “sincere and fraternal” initiative. Source: Addis Standard
-
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa looga hadlay amniga dalka, gurmadka xaaladda abaaraha, hawlgalka la dagaalanka Al-shabaab, iyo warbixinno ku saabsan nidaamka casriyaynta dowladnimada iyo dardargalinta adeeg bixinta dowladda. Kulanka golaha oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal muhiim ah, kuwaas oo kala ah; 1- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan ka dhaafista dal-ku-galka Baasaboorka Diblumaasiga, una dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan. 2- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Ruushka kuna saabsan arrimaha caafimaadka. 3- Heshiis is-afgarad oo ku saabsan Habraaca dib-u-eegista iskaashiga dalalka Afrika. 4- Heshiiska 1965 ee fududeynta Socdaalka Caalamiga ah ee Gaadiidka Badda (Fal 1965). 5- Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Isbaaniya (Spain) kuna saabsan wadatashiyada siyaasadeed, iyo Xeer-nidaamiyehiisa. 6- Heshiis u dhaxeeya Soomaaliya iyo hey’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atamka ee ku saabsan dhaqangalinta dammaanadaha la xiriira heshiiska ka hortagga ee faafitaanka hubka niyuukleerka, iyo barakatooladiisa dheeraadka ah. 7- Heshiiska Qaramada Midoobay ee ka Ganacsiga sharci Darrada ah ee Daawooyinka Maanka dooriya iyo kuwa maanka saameeya, 1988. 8- Siyaasadda Maareynta wax-qabadka mideysan ee hay’adaha dowladda. 9- Xeer-nidaamiyaha Hay’adda Daryeelka Agoonta shudadada, Naafada iyo Hawlgabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii golaha wasiirrada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Aadan Isaaq Cali iyo Cabdifataax Sheekh Axmed Cabdimannaan oo loo dalacsiiyey darajada safiirrinimo. PUNTLAND POST
-
Somalia’s parliament voted to change its constitution and extend the term in office for lawmakers and the president, the president and the parliament’s speaker said, pushing back planned elections by a year. Somalia has endured conflict and clan battles with no strong central government since the fall of autocratic ruler Mohamed Siad Barre in 1991. While an African Union peacekeeping mission has pushed back the al Qaeda-linked al Shabaab group, it still controls vast areas of the countryside and has the ability to conduct regular strikes on major population centres. President Hassan Sheikh Mohamud had reached a deal last August with some opposition leaders stipulating that, while lawmakers would be directly elected in 2026, the president would still be chosen by parliament. A 2024 law restored universal suffrage ahead of the vote. On Wednesday, 222 lawmakers from the parliament and senate out of a total of 329 voted by acclamation to change the law, extending their term and that of the president to five years, from four years previously. “Today is a historic day for it is the official completion of the constitution which had dragged for a long period,” the president told a press conference on Wednesday. Opposition party leaders, including former presidents and former prime ministers, rejected the amendment and called for elections in May as planned. Source: Reuters
-
Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor laga celiyay magaalada Garowe ayaa maanta loo ogolaaday in ay u safraan Puntland. Xildhibaannada iyo senatarada oo ka soo jeeda deegaanada Puntland ayaa maalmahii ugu dambeeyay ku xanibnaa magaalada Muqdisho, iyaga oo ku sugnaa Airport Hotel oo ku yaalla xarunta Xalane. Mudanayaashan waxay ka mid ahaayeen xildhibaano iyo senataro diidan wax ka baddelkii dastuurka ee shalay la ansixiyey, iyaga oo la aragti noqday Puntland. Xildhibaannadan waxaa safarka ku weheliya la-taliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha bulshada Axmed Cabdi Hurre oo habeen hore lagu xiray Muqdisho. PUNTLAND POST
-
Weerarada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii lixaad oo xiriir ah, iyada oo ay saamayn ku yeesheen suuqyada caalamka. Israa’iil ayaa sheegay in ay xalay weerar ku qaaday gantaalaha balistikada ee yaalla magaalada Qom ee Iiraan, sidoo kale waxaa mar kale qaraxyo ka dhaceen caasimadda Teheran. Sidoo kale Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dhanka kale Iiraan waxay xalay gantaallo ku garaacday Israa’iil, waxaana qaraxyo laga maqlay magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Quddus. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay in rabshadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe ay sababeen barakac ballaaran. Ilaaa 100,000 qof ayaa ka qaxay magaalada Tehran labadii maalmood ee ugu horreeyay, kaddib weerarka Maraykanka iyo Israa’iil. PUNTLAND POST
-
On 26 December, Israel became the first country to recognise Somaliland. However, the controversial move arguably undermines the very legitimacy of the state in the eyes of many Somalis. Somaliland, a breakaway region in northern Somalia, unilaterally declared its independence in 1991. Since then, the territory has operated as a de facto autonomous polity, though it has remained diplomatically isolated and, until now, lacked any international recognition. Israel’s President Benjamin Netanyahu, Foreign Minister Gideon Sa’ar and Somaliland’s President Abdirahman Mohamed Abdullahi (‘Cirro’) signed a joint declaration of mutual agreement, via Facetime, marking a novel moment in diplomatic practice. On 6 January, Sa’ar became the first Israeli official to visit Hargeisa, establishing full diplomatic relations. What Drives Israel’s Interest in the Region? Despite considerable speculation regarding plans in Addis Ababa, Nairobi and Washington, DC, no state has yet followed Israel’s lead. The move has created a volatile tinderbox in the Horn of Africa, revealing an emergent geopolitical realignment in which the US defends Israel’s right while formally upholding Somalia’s territorial integrity. The decision has catalysed a counter-bloc led by Egypt, Saudi Arabia and Turkey, aligned with Mogadishu and shaped by growing rivalries with the UAE, which despite backing Somalia’s sovereignty, sustains strong ties with Somaliland and is widely reported to have facilitated Israel’s decision. Somalia formally severed ties with the UAE after a UAE-backed Yemeni separatist leader entered its territory via Somaliland, prompting Mogadishu to cancel all agreements with Abu Dhabi. Somali defence minister Ahmed Fiqi called on Saudi Arabia to take military action against Somaliland, reflecting a stronger shift in alignment toward Riyadh. Meanwhile, regional states such as Ethiopia and Kenya have responded cautiously, reaffirming Somalia’s sovereignty. While, Djibouti has taken a more defensive position, suspending all diplomatic and commercial ties with Somaliland. Israel’s recognition of Somaliland has already brought turmoil to the wider Horn, a region increasingly resembling a geopolitical playground for the Gulf and the Middle East. It is a hub for security interests, hosting military bases used for counterterrorism and anti-piracy operations. Somaliland in particular provides access to the Gulf of Aden and, critically, to the Strait of Bab El Mandeb, a key maritime chokepoint through which a significant amount of global trade flows. Israel’s move has drawn the attention of key actors in Egypt, Saudi Arabia, Yemen, the UAE and Turkey, while the US, China, the UK and the EU are all carefully monitoring developments. During his first official visit to Hargeisa, Sa’ar highlighted three key areas of collaboration with Somaliland: water and agriculture, health and education and defence and security. It is the third of these which has undoubtedly garnered the most attention. Reports have suggested the potential for an Israeli military base in Somaliland, despite previous denials. Former Israeli officials identified three primary strategic security interests driving Israel’s decision: maritime security cooperation, particularly along the Bab El Mandeb and the Gulf of Aden; the establishment of a military base to monitor Houthi activities across the Gulf and participation in an encirclement strategy against Iran’s so called ‘axis of resistance’ which includes, Hamas, Hezbollah, the Houthis and the Islamic Revolutionary Guard Corps Qods force (IRGC QF). The move is contentious, not only because it erodes Somalia’s claim to sovereignty and territorial integrity, but because it also undermines the country’s political identity and the broader moral framework on which that identity is based As early as 2024, multiple reports suggested that Israel was considering forcefully relocating resettling Palestinians from Gaza to the region. While Somaliland said the recognition decision was unrelated to the Palestinian issue, both Somalia and the Palestinian authority believe they are linked. What are the Implications for Mogadishu and Hargeisa? Israel’s recognition has certainly not simplified Somaliland’s regional standing. Indeed, the move risks isolating it further, undermining historic diplomatic efforts. While some in Somaliland have celebrated Israel’s decision, it has gained limited external support. Somaliland, simultaneously a part of Somalia, Africa, the Arab world and the broader Muslim world, has received little support in recent weeks from stakeholders connected to any of these. Most regional governments have reaffirmed their support for Somalia’s territorial integrity and both the African Union and East African Community were quick to condemn Israel. African states in particular will be concerned that the Somaliland’s independence would serve to boost the hopes of other secessionist movements on the continent. For Hargeisa, Israel’s recognition constitutes an existential dilemma, a territory long courted for its strategic utility yet denied recognition, now confronted with recognition that does not resolve its political status and which risks deepening its isolation. For decades, foreign entities have engaged Somaliland economically and militarily while publicly reaffirming Somalia’s sovereignty, implicitly differentiating between Somalia as a state and Somalia as a territorial space. This is not unique to Somaliland; other de facto states have historically operated under such strategic ambiguity, where selective recognition provides short term security but risks entrenching dependence and prolonging political limbo. Mogadishu views Israel’s declaration as an ‘act of aggression’. The move is contentious, not only because it erodes Somalia’s claim to sovereignty and territorial integrity, but because it also undermines the country’s political identity and the broader moral framework on which that identity is based. Currently, Somalia and Djibouti are the only countries in the Horn of Africa region – and two of 29 globally – that do not have any diplomatic ties with Israel and do not recognise its statehood. In Somalia, the Palestinian cause is a deep-seated moral reference point that transcends nationalism, politics and popular sentiment. Somali realities are more complex than the oft proclaimed dichotomy of a ‘failed Somalia’ and a ‘democratic Somaliland’. While Hargeisa has long established relative stability in most areas of the territory, it is important to note that Somaliland has itself never been fully unified. The recognition has heightened internal tensions and provoked debate over freedom of speech, as the government cracked down on dissenting voices. Several clerics and scholars have been arrested for opposing the Israel Somaliland agreement, declaring it morally and politically problematic. Arrests have also reportedly targeted individuals displaying Palestinian flags. The recognition has laid bare internal divisions within Somaliland, especially in the historically marginalised eastern and western regions. Some separatist voices contend that recognition under such terms is worse than non-recognition, a view rooted in Somalilanders’ historic support for the Palestinian cause. The Al Shabaab/Houthi Factor Israel’s move drew sharp responses from both the Houthis and al Shabaab, highlighting the security and ideological stakes of this decision in both the Horn and the Red Sea arenas. Not only will the move provide the al Shabaab’s media arm, Al Kataib, with an arsenal of material to use in its recruitment efforts, it could also offer the group new targets for attacks. Following Sa’ar’s Hargeisa visit, al Shabaab issued a statement castigating Somaliland’s leadership as apostates and legitimising violence against them. The group called on its supporters to wage jihad, invoking the Palestinian cause and warning that any Israeli presence in Somaliland would be considered a target. While the group’s permanent presence in Somaliland is limited, the statement referenced its past attacks in Hargeisa in 2008, signalling both intent and operational capability. The group’s spokesperson Ali Dheere (‘Ali Mohamed Rage’) has referred to the recognition as ‘the apex of humiliation and disgrace’ and declared that the group would defend their lands against the ‘accursed Israelis’. Meanwhile, pro-al Shabaab news outlets have shown images of civilians protesting against Israel in areas under militant control. Across the Gulf of Aden, Yemen’s Houthis also warned that any Israeli presence in Somaliland would be treated as a legitimate ‘military target’. And, amid uncertainty surrounding the Gaza ceasefire in early 2026, the Houthis have signalled their willingness to increase attacks against Israeli targets. Besides increasingly intense strikes, the Houthis had, prior to Israel’s announcement, sustained a naval blockade in the Red Sea and the Gulf of Aden that caused shipping traffic through the Suez Canal to drop by 70%. Cooperation between the Houthis and al Shabaab has reportedly intensified over the last year, representing a growing threat to peace, security and stability in the Red Sea arena and the Horn. Beyond reported efforts to enhance al Shabaab’s drone capabilities, Somali fighters are said to have received military and ideological training from the Houthis. The groups have also been involved in a transnational weapons smuggling ring despite an active UN arms embargo. The relationship between the Houthis and al Shabaab is only strengthening and, if mobilised against a common target, could transform insecurity in the region. Poor Outcomes for Both Parties? For Israel, continued efforts to cultivate ties with Somaliland, as with other parts of the Arab world (including Morocco, the UAE and Bahrain through the Abraham Accords), are complicated by its current disregard for the realities of the Palestinian question. As for Somaliland, Hargeisa’s quest for recognition, ironically, has deepened its isolation. A region that had been functioning autonomously without recognition for so long now finds itself diplomatically snubbed and facing an increased threat from extremist militants, raising questions about the wisdom of this chosen path. Source: RUSI.ORG
-
Fadhigii 56-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland. Fadhigii 56-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada qodobbada lagaga wada hadlay waxa ka mid ahaa: (1) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Mudane Cabdalle Maxamed Carab ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin guud ka siiyey Xaaladda Amniga dalka, isaga oo sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, min bari ilaa galbeed isla markaana aanay jirin wax shaqaaqooyin ah ama xiisad ah oo ka taagan dhammaan Gobollada dalka, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. Wasiirku waxa uu sheegay in Xukuumaddu ay mar walba mudnaanta koowaad siinayso adkaynta amniga iyo xasilloonida Qaranka, gaar ahaan marxaladda cusub ee uu dalku galay aqoonsiga kaddib, isaga oo xusay in Shacab iyo Dawladba looga baahan yahay feejignaan weyn, iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo la xidhiidha amniga dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somaliland. (2) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in Colaadaha ka socda Bariga Dhexe ay saamayn karaan dakhliga gudaha iyo koboca dhaqaalaha dalkeena, maadaama qayb weyn oo dakhliga ahi ay ka timaaddo cashuuraha laga qaado alaabada iyo badeecadaha dibadda laga soo dhoofiyo. Wasiirku waxa uu xusay in loo baahan in aynu Qaran ahaan isku tashanno haddii ay colaadaha Bariga Dhexe sii daba dheeraadaan. Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha, isaga oo ah Guddoomiyaha Guddida Sare ee Hoggaanka Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka waxa uu faahfaahin ka bixiyey muhimadda uu Caymisku Qaranka JSL u leeyahay, isaga oo xusay in Caymiska Qaranku uu yahay Tiir Istiraatiji ah oo lagu xoojinayo Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Dalka, ilaalinta Hantida Qaranka iyo suurto gelinta dhaqaale ku taagan tiiraar adag. Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay in Hirgelinta Adeegyada Caymiska Qaranku ay tahay barnaamij Qaran oo u baahan in fulinteeda si wadajir ah la iskaga kaashado, maadaama Caymiska Qaranku uu faa’iidooyin badan u leeyahay dadkeenna. (3) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐝𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay Xaaladda dagaalka Bariga Dhexe iyo saamaynta suurtagalka ah ee uu ku yeelan karo dhaqaalaha dalka, gaar ahaan dhinacyada maciishadda iyo shidaalka. Wasiirku waxa uu xusay in xiisadaha ka aloosan marin-biyoodyada istaraatiijiga ah iyo dalalka soo saara Shidaalka ay sababi karaan kor-u-kac ku yimaadda qiimaha shidaalka iyo kharashaadka gaadiidka badda, taas oo si toos ah u saamayn karta qiimaha badeecadaha daruuriga ah ee dalka la keeno. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Ganacsiga oo kaashanaysa Guddi Sare (Task Force) uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland arrintan u xilsaaray ay si dhow ula socdaan isbeddellada suuqyada caalamiga ah, isla markaana ay wado qiimayn joogto ah, wada-tashi ganacsatada ah, iyo qorsheyaal lagu xasilinayo suuqyada gudaha si looga hortago sicir-barar iyo jahawareer ganacsi. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha u sheegay in ay kulan la yeesheen ganacsatada dalka iyaga oo ku adkeeyey in aanay kor u qaadin qiimaha maciishadaha iyo shidaalka, iyaga oo ku salaynaya xiisadda ka taagan Bariga Dhexe. Wasiirku waxa uu ganacsatada ku boorriyey in ay muujiyaan masuuliyad Qaran, isla markaana ay ilaaliyaan xasilloonida suuqyada iyo danta guud ee bulshada. (4) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda caafimaadka dalka, isaga oo sheegay in hoos u dhac uu ku yimid xanuunka xummadda oo bilihii la soo dhaafay dalka ka jiray. Sida oo kale, Wasiirku waxa uu tilmaamay saamaynta ay Abaarahu ku yeesheen bixinta adeegyada caafimaadka iyo caqabadaha ka dhashay baahida cunto iyo biyo yarida sii kordhaya. Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu ka digay in colaadaha Bariga Dhexe ay saamayn ku yeelan karaan helitaanka daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, maadaama intooda badan dibadda laga soo dejiyo. Wasiirku waxa uu xusay in Wasaaradda Caafimaadku ay si joogto ah u kormeeri doonto kaydka daawooyinka ee suuqyada dalka si loo hubiyo sugnaanta iyo joogtaynta kaydka daawooyinka muhiimka ah. 5) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Professor Ismaaciil Ducaale Yuusuf ayaa si qoto dheer Golaha Wasiirrada uga warbixiyey saamaynta ba’an ee ay abaaruhu ku yeesheen hab-sami-u-socodka waxbarashada dalka, gaar ahaan deegaanada miyiga iyo bulshada xoolo-dhaqatada ah. Wasiirku waxa uu tilmaamay in Xaaladda Abaaruha ee biyo iyo cunto la’aantu ay sababeen barakac iyo hayaan baahsan, dhaqaale-yari iyo nolosha qoysaska oo adkaatay, taasina ay sababtay in arday badani ka maqnaadaan dugsiyada, taas oo u baahan gurmad iyo qorshe degdeg ah oo lagu badbaadinayo Waxbarashada carruurta ku nool meelaha ay abaaruhu sida gaarka ah u saameeyeen. Wasiirku waxa uu soo jeediyey in Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran ay Qorshaha ku darsadaan sidii loo taageeri lahaa Iskuullada ay abaaruhu saameeyeen. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Turkiga oo sheegay in ay qabteen gantaal laga soo ganay Iiraan Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday. Wasaaraddu waxay shaacisay in gantaalka ballistic-ga ah ee laga soo ganay Iiraan uu ka gudbay hawada Ciraaq iyo Suuriya ka hor inta aanu u jihaysan hawada Turkiga, halkaas oo ay ku soo rideen cutubyada difaaca hawada iyo gantaallada ee NATO ee ku sugan Bariga Badda Mediterranean-ka. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in qayb ka mid ah difaaca hawada ee lagu burburiyay gantaalka ka yimid Iiraan ay ku dhacday degmada Dörtyol ee gobolka Hatay, balse aysan jirin wax khasaare naf ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdada. Qaran News
-
Markab ay Iiraan leedahay oo ku quusay Sri Lanka Ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa xaqiijiyay in ay soo badbaadiyeen 32 qof kadib markii ay soo waceen markabka ciidamada badda Iran ‘IRIS Dena’ subaxnimadii hore ee saaka. Budhika Sampath, oo ah afhayeenka ciidamada badda ee Sri Lanka ayaa yiri: “In kasta oo ay ka baxsan tahay biyaheenna, waxay ku jirtay gobolkeenna goobidda iyo samatabbixinta. Markaa waxaa nagu waajib ah inaan uga jawaabno sida ku cad waajibaadka caalamiga ah.” Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan helnay dad dul sabbeynaya biyaha, waanu soo badbaadinnay, ka dib markii aan weydiinnay waxaan ogaannay in dadkaas ay ka yimaadeen markab laga leeyahay Iran.” Waxa uu sidoo kale sheegay in sida ku cad warqadaha markabka 180 qof la rumeysan yahay in ay saarnaayeen, inkastoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee la la’yahay. Qaran News
-
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag u naqdiyey habka loo maray wax-ka-beddelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku tilmaamay tallaabo si cad u jebinaysa habraacyada dastuuriga ah iyo xeer-hoosaadka Baarlamaanka. Goluhu wuxuu ku dooday inaan la helin aqlabiyaddii loo baahnaa ee laba-meelood saddex (2/3) ee labada Aqal, taasina ay ka dhigayso ansixintaas mid aan sharci ahayn. Waxay ku adkeeyeen in dastuurku yahay heshiis bulsho oo saldhig u ah dowladnimada, loona baahan yahay wadatashi dadweyne oo macno leh intii lagu beddeli lahaa rabitaan koox yar iyo dano siyaasadeed. Dhanka kale, Goluhu wuxuu walaac ka muujiyey eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, qarda-jeex, iyo cod-iibsasho oo harreeyey hannaanka ansixinta, taas oo ay sheegeen inay dhaawacayso kalsoonida hay’adaha sharci-dejinta. Waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aaddan jebinta dastuurka, iyagoo hoosta ka xariiqay in aamusnaantu ay tahay oggolaansho dadban. Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu caddeeyey inay weli aqoonsan yihiin Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee 2012 inuu yahay saldhigga midnimada dalka iyo nidaamka doorashooyinka ilaa laga helayo heshiis qaran oo dhab ah. Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada iyo senatorrada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah oo yeesheen ku ansixiyey wax ka baddelka iyo dhamaystirka dastuurka dalka. Wadar ahaan 222 xubnood oo ka kala tirsan labada aqal ayaa ka qeyb qaatay codbixinta, kuwaas oo kala ahaa 185 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 senator oo Aqalka Sare ah, xubnahaasi ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey ansixinta dastuurka cusub. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in dastuurka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si sharci ah loo ansixiyey, isla markaana uu ka dhaqan geli doono dalka. PUNTLAND POST
-
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey wax-ka-beddelka iyo dhammaystirka Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa ku dhawaaqay in wax-ka-beddelka la ansixiyey, isaga oo xusay in laga bilaabo maanta uu dhaqan galay. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa yiri: “221 Xildhibaan ayaa gacanta u taagay dhammaystirka Dastuurka JFS. Dhanka kale, maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaridka ku sugan Muqdisho, ayaa horey u qaadacay hannaanka dhammaystirka dastuurka. Waxay ku doodeen in aan si buuxda loo wada dhammayn, isla markaana ay ka maqan yihiin wadatashi iyo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran. Arrintan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga yaabo inay keento dood iyo loollan siyaasadeed oo hor leh oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha. Lacagtan waxaa si toos ah loo gaarsiiyay xoolo-dhaqatada dalka ee ka faidaystay barnaamijka DRIVE ee caymiska xoolaha. Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo is diwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025). Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka uu xaqiijiyay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan. Xoolo-dhaqatadii iibsatay caymiska abaaraha waxaa lacagaha si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka. Qoysaska helay lacagtan ma aheyn kaalmo la siiyay, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada. Caymiska Takaful waa aalad maaliyadeed oo lagu xoojinayo adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Barnaamijka DRIVE waa tusaale ka mid ah hindisaha cusub ee Bangiga Adduunka ee la yiraahdo ‘AgriConnect’, kaas oo isku xiraya saddex arrin oo muhiim ah: 1-dib-u-habayn sharciyeed (sida hirgelinta Sharciga Takaful), 2-maalgelin guud iyo mid gaar, iyo 3-maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah, Waxa uu si isku dhafan isugu xirayaa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha. Source: goobjoog.com
