Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    193,125
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 442514316_423244347102673_9030211994258443038_n Qaran News
  2. The Critical Minerals Africa (CMA) summit – scheduled for November 6 – 7 in Cape Town – will host a panel discussion showcasing investment opportunities within Africa’s critical minerals and rare earth elements market. Sub-Saharan Africa is estimated to hold 30% of the world’s critical minerals reserves – including deposits of lithium, cobalt and copper, which are crucial for the fourth industrial revolution – presenting massive opportunities for global partnership and investment. The panel – titled, Investing in African Critical Minerals in a Competitive Environment – will explore best practices for attracting buyers and fortifying Africa’s critical mineral value chain amid fierce global competition. Recent large-scale developments will be unpacked at CMA 2024, shedding light on burgeoning opportunities within Africa’s critical minerals space. Last October, the U.S., European Commission, African Development Bank and the governments of Zambia, the DRC and Angola signed an agreement to raise $1.3 billion in financing for the transnational Lobito Corridor, which will establish a cost-effective and fast export route for minerals produced from the three African countries. In the same month, UAE investment platform F9 Capital Management partnered with South African mining firm Q Global Commodities to inject $1 billion in South Africa’s mining exploration and development scene. Japan and the U.K. have also committed to allocating over $3.7 billion to critical mineral production in Africa, exemplifying growing investor interest in Africa’s mineral-rich landscape. Meanwhile, African nations are engaging in direct negotiations and streamlining permitting processes to expedite exploration activities. Last month, Zambia’s Ministry for Mines approved drilling activities by KoBold Metals Company at the $2-billion, 600,000-metric-ton Konkola West Copper Project, following the discovery of copper reserves last February. The Zambian Government has also approved the acquisition of a 51% stake in Mopani Copper Mines by mining company International Resources Holding, paving the way for new exploration and development. As global demand for critical minerals continues to surge, Africa emerges as a promising investment hub. The panel discussion at CMA 2024 will identify strategies for creating an enabling environment and fostering Africa’s competitiveness on the global critical minerals stage. Organized by Energy Capital & Power, CMA is the largest dedicated gathering of critical minerals stakeholders in Africa. Taking place on November 6–7 in Cape Town, the event positions Africa as the primary investment destination for critical minerals. This year’s edition takes place under the theme, “Innovate, Enact, Invest in African Critical Minerals to Sustain Global Growth,” connecting African mining projects and regulators with global investors and stakeholders to unlock the full potential of the continent’s raw materials. Sponsors, exhibitors and delegates can learn more by contacting sales@energycapitalpower.com. Distributed by APO Group on behalf of Energy Capital & Power. SOURCE Energy Capital & Power Qaran News
  3. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Talaado ah kaga qeybgalay Magaalada Manama ee Caasimadda Boqortooyada Baxreen, Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Golaha Jaamacadda Carabta oo gogol-xaar u ah Shir madaxeedka Carbeed, meertadiisa caadiga ah ee 33aad. Wasiir Fiqi ayaa inta uu kulanka socdo la kulmi doona tiro ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed ee walaalaha ah, iyadoo la filayo in shirku ka soo baxo go’aanno lagu taageerayo Soomaaliya. Inyar kahor inta aanu shirku furmin, waxaa qabsoomay kulamo is-xigay oo Guddiyo heer Wasiir ah ay ku fallanqeeyeen dhowr arrimood. Waxaa kulanka heer Wasiir ee Carbeed uu qaadaa-dhigayaa dhowr qodobo oo la doonayo inay ka mid noqdaan ajandayaasha go’aannada ka soo bixi doona Shir madaxeedka Carbeed. Source: goobjoog.com
  4. Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo gaaray Caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana si weyn u soo soo dhaweeyay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya. Imaanshaha hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa ku soo aadday xilli ay socato qaban-qaabada shirka Madasha wadatashiga Qaranku, waxaana si lamida madaxda dowlad gobolleedyada u soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu horreeyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Illaa hadda lama xaqiijin ujeeddada socdaalka hoggaanka Khaatumo, balse xogo aan la hubin ayaa sheegaya in laga yaabo inuu ka qeyb-galo shirka Madasha wadatashiga Qaranka, taasoo maamulkiisa curdunkaa guul u ah, balse Puntland ku noqanaysa waji gabax. Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho maanta ka dhacday agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, taas oo loo gaystay gabar ardayad ahayd oo mareysay waddadaas, sida ay xaqiijiyeen ehellada. Marxuumadda oo lagu magacaabi jiray Muno Maxamed Xiirey ayaa waxa ay ku dhimatay rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda, xill ay marayeen Warshadda Caanaha. Gabadhan oo 22 sano jir ahayd ayaa goobta ku geeriyootay, waxaana baxsaday askartii ka dmabeysay falkaasi, sida ay sheegeen ehellada iyo dadka deegaanka. Nabadoon u hadlay ehellada ayaa ka warbxiyay sida ay uga dhaceen dilka gabadhooda, wuxuuna sheegay in lagu dilay meel ay Kaamirooyin ku xiran yihiin, ayna rabaan baaris. “Gabadhaas waxay ku dhimatay meel Kaamiro leh, meel ay joogaan ciidanka dowladda, si xaq darro ah aa loo dilay, ayada oo nolosheeda cusub tahay ayaa la dilay” ayuu yiri. Isaga oo ka warbixiyay xaaladdeeda waxbarasho ayuu sheegay in marxuumadda ay sanadkan ka qalin-jabineysay Jaamacadda Soomaaliya, balse saaka la dilay. “Buuggeeda qalin-jebinta ayay diyaarsaneysay waxa u dhimanaa lama arko, xittaa Jaamacadeeda waxeeda way u dhameystiray” ayuu sii raaciyay. Ugu dmabeyn wuxuu nabaddoonku sheegay in aysan aasi doonin maydka Muno inta laga soo qabanayo dambiilayaasha, si loo horkeeno cadaaladda. “Hadda waxay ku jirtaa isbitaalka Madiino, la aasi maayo illaa aan ka helno gacan ku dhiiglayaashii dilay ee xabadda iska riday” ayuu mar kale yiri. Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar dilal ka gaysta ciidamada dowladda, kuwaas oo ay dhibanayaal u yihiin qoysas badan oo ehelladooda la toogay ama la dhaawacay. The post Daawo: Toogasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud chaired the National Consultative Council meeting in Mogadishu on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  7. 11-Sept-2022 oo ku beegan muddo sanad iyo xoogaa ka hor, wuxuu sheegay Madaxwayne Biixii in Gobolnimada Gabiley ay ka gudubtay xukuumadiisa oo aanay wax shaqo oo ugu hadhay jirin. Waxaa kale oo uu sheegay iney la taalo Golaha Baarlamanka (Wakiiladda)….. Waxaan maqlayaa maanta oo ay taariikhfu tahay 13-MAY-2024 bay xukuumaddiisu shir gole wasiiro oo aan caadi ahayn qabsanaysaa kadibna u gudbinaysaa Golaha Wakiilada Gobolnimada Gabiley. Suaasha meesha taal waxa weeyi goorma ayay xukuumadiisa ku soo noqotay. Waa kan videogu ee, ila daawo. FG: Gobolnimada Gabiley waxaa digreeto madaxwayne ku soo saaray madaxwayne Rayaale iyada iyo 12 Gobol oo kale oo ay ka mid yihiin Goboladda Hawd & Saraar. Sax maaha warka odhanaya MW Siilaanyo & Kulmiye ayaa geeyay Golaha Wakiilada. 442414495_745800441062735_3223922549176393387_n Xamse Khayre Qaran News
  8. Guddoomiyaha Shirkadda 𝐃𝐚𝐡𝐚𝐛𝐬𝐡𝐢𝐢𝐥 𝐆𝐫𝐨𝐮𝐩 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐃𝐮𝐚𝐥𝐞 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐥𝐥𝐚𝐧𝐝. Kulanka ayaa diirada lagu saaray doorka ay ganacsatda soomalidu ka qaadato mashaariicda horumarinta iyo wax yaabaha kale ee muhiimka oo laga wada shaqayn karo, iminka, mustaqbalkaba taas oo kaalin weyn ka geysan karaan dhamaan ganacsatada iyo dowladaha iyo hayadaha caalamku si loo xoojiyo shaqo abuurka iyo horumarka. Our Group CEO was delighted to meet a government delegation from The Netherlands and have a refreshing conversation exploring what the Somali business community has to offer and what it needs if it is going to offer even more. #SomaliBusiness #Netherlands #BusinessGrowth #DahabshiilGroup #EconomicDevelopment #GlobalTrade Qaran News
  9. Qamadiga ayaa la isku raacsan yahay iney tahay Cuntooyinka Caafimaad ahaan ugu Wanaagsan, isla markaana Isticmaalkoodu uu Aadamnaha u Horseedo iney ku naaloodaan ka Badbaadida Xanuuno badan oo Halis oo ay keenaan Cuntooyinka kale ee intooda badan Warshadeysan. Waa maxay Qamadi? Qamadiga ayaa ah badarka ugu badan, kaas oo ka yimaada nooca cawska loo yaqaano (Triticum). Waa il tamar oo aad u weyn. Wuxuu ka soo jeedaa asal ahaan Koonfurta galbeed ee qaaradda Aasiya, laakiin hadda dalagga beeraha qamadiga waxaa uu ka mid yahay kuwo ugu sarreeya oo laga beero dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin. Sida caadiga ah, beeridda qamadiga waxaa lagu sameeyaa dhul beereedka sare. Qamadiga waxaa laga sameeyaa dhammaan noocyada kala duwan ee cuntada ugu badan oo la isticmaalo sida maalinlaha ah. 1: Yareynta Baruurta ama cayilka Qamadigu wuxuu leeyahay Awood Dabiici ah oo Kontaroosha Buurnida Jirka Fuusha, laakiin awoodani waxey inta badan saameysaa ama u fiican tahay Dumarka. Dumarka isticmaalaa Qamadigu waxey ka Badbaadaan Baruurta Fuusha jirka, taasoo sababta Xanuuno badan oo ah Nooca aan Daawada laheyn. 2: Kobcinta isku xirka unugyada jirka Subagga nooca Qoyan ee loo yaqaan (Saturated Fats) wuxuu kor u qaadaa Jaanisyada Cuduro badan oo Halis ah, halka Maadada Omega-3 fats, ay Hoos u dhigto Xanuunnada haleela Wadnaha, haddaba Qamadiga ayaa yareeya Subaggaas aynu kor ku soo Xusnay. 3: Ka hortagga macaanka noociisa labaad. Qamadigu waxey Qani ku tahay Macdanta Magnesium, taasoo qeyb weyn ka qaadata Hanaanka Shaqo ee jirka Aadanaha, isla markaana si fiican uga Gelisa Maadooyinka Insulin iyo Glucose. waxeyna Hoos u dhigtaa Subagga iyo Cholesterol-ka, taas oo macnaheedu yahay iney meesha ka saarto Khatarta Cudurada aan Dawada lahayn sida Macaanka iyo Cancer-ka. Dadka qaba Xanuunka Macaanka ayey Fursad u tahay iney Sonkorta ku Kontaroolaan Cunitaanka Qamadiga. 4: Ka hortagga Kansarka ku dhaca naasaha Guud ahaan Qamadiga ayaa u Wanaagsan Caafimaadka Dumarka. Cilmi-baarisyo badan oo la sameeyay ayaa Muujiyay in Qamadigu ay Qani ku tahay maadada Fiber-ka, taasoo aad ugu Wanaagsan, isla markaana ilaalisa Caafimaadka Naasaha Dumarka, gaar ahaan ka Hortagta Cancer-ka ku dhaca Naasaha. 5: Ka hortagga Xiiqda Ururka lagu magacaabo American Lung Association ayaa sheegay in Dad ka badan 20milyan oo Reer Maraykan ahi ay Ogaadeen in Xanuunka Xiiqda ay ka Hortaggaan Cuntooyin ay ka mid yihiin Kalluunku. Sidoo kale waxey Khibrad u leeyihiin in Xanuunka Xiiqda ee ku dhaca ilmuhu marka uu yar yahay ay toos uga Hortagto Quuditaanka lagu Quudiyo Carruurta yar yar Qamadiga. 5: Ka hortagga wadno istaagga Caafimaad ahaan Cunitaanka Qamadiga ayey Dad badan oo Adduunka ku nool u Aqoonsan yihiin inay tahay Cuntooyinka ugu fiican. Cuntadan ayaa waxa ku jira noocyada Vitamin B, kuwaasoo kala ah Thiamin, Folate, iyo Vitamin B6, iyo sidoo kale waxa ku jira Macdanaha Magnesium iyo Zinc, waxeyna dhamaantood u Wanaagsan yihiin Hanaanka Shaqo ee Wadnaha iyo Caafimaadkiisaba, waxeyna ka ilaaliyaan in Wadnuhu si Degdeg ah Shaqada u joojiyo ama u is-taaggo. Qamadiga ayaa inta badan waxaa laga Sameeyaa Cuntooyinka Fudud oo ay Dadku Xiiseeyaan sida Keegga, Rootiga iyo Qaar kale oo badan oo ka mid ah Cuntooyinka Macmacaan. Nafaqada ku jirto Qamadiga Caafimaad ahaan Cunitaanka Qamadiga ayey Dad badan oo Adduunka ku nool u Aqoonsan yihiin inay tahay Cuntooyinka ugu fiican. Qamadiga aan la sifeyn waxaa ku jira karbohaydraytyo isku dhafan, fiber cunto, iyo qaddar dhexdhexaad ah oo borotiinno ah. Sida laga soo xigtay USDA National Nutrient Database, sarreenka soo baxay wuxuu hodan ku yahay walxaha kataltikada, cusbada macdanta, kalsiyum, magnesium, potassium, koloriin, arsenic, silicon, manganese, zinc, iodine, copper, vitamin B, iyo vitamin E. Qamadiga waxaa ku badan antioxidantska, gaar ahaan maaddada carotenoids sida beta-carotene. Waxaa la ogyahay in Qamadiga uu yahay isha ugu weyn ee fitamiin B ee dhismayaasha cuntada adduunka oo dhan, waxaana ku jira fiitamiinno sida thiamin, folic acid, vitamin B6, iyo macdanta sida manganese, magnesium, iyo zinc. Iyadoo islamarkaasina ay Saliidda qamadiga ay hagaajiso xoogga, sidoo kale waxayn kordhisaa cimriga bbcsomali Qaran News
  10. Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada laga soo doorto Somaliland ay culays ku saarayaan madaxweyne Xasan Shiikh inaan shirka golaha wadatashiga Qaran laga qaybgalin hoghaamiyaha SSC-Khaatumo. Guddomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka DFS Saalax Jaamac Xaaji iyo Wasiir Maaraaye ayaa la sheegay in ay ugu tageen madaxweyne Xasan Shiikh inuu shirka maamul goboleedyada ka reebo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye. Si dhab ah looma garanayo waxa xildhibaanada matala Hargaysa kala kulmeen Madaxwayne Xasan Shiikh balse wasiir arrimaha guddaha iyo federaalka Cali Xoosh ayaa ku adkaysanaya in shirka galinka danbe ee galabta lagu soo biiriyo hoggaamiyaha Khaatumo. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, golaha ayaana cod loo waydiin doonaa in shirka uu ka qaybgalo iyo in kale. PUNTLAND POST The post Xog: Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland oo diidan ka qaybalka hoggaamiyaha SSC-Khaatumo shirka Madasha Qaran appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Firdhiye ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo jeedo deegaanada SSC-Khaatumo. Hoggaamiyahan kasoo kicitimay Laascaanood kama qayb-galayo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay SSC-Khaatumo. Ujeedka imaatinka Firdhiye ayaa la xiriira kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelan doono madaxda sare ee dowladda dhexe, kadibna wuxuu sii aadi doonaa safar dhanka dibadda ah, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka. Waa markii 2-aad ee uu Hoggaamiyaha Khaatumo imaanayo magaalada Muqdisho, waxaana horay u casuuntay dowladda federaalka oo taageero u muujisay maamulkan oo dagaal adag la galay Somaliland. Warsaxaafadeedka ayaa u qornaaa sida tan;- Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Soomaaliya ayaa safar shaqo ugu anbabaxay Caasimadda Muqdisho isaga oo halkaa uga sii gudbi doona dalka dibadiisa. Safarka Hoggaamiyaha ayaa daarran dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh Maamulka SSC-Khaatumo oo ay ugu horreeyaan Arrimaha Maamul dhiska iyo wadashaqaynta Hey’adaha Caalamiga ah gaar ahaan hawlaha bini’aadannimada, xasilinta, iyo daadajinta adeegyada Dawliga ah. Hoggaamiyaha ayaa kulamo la qaadan doona masuuliyiin kala duwan muddada uu ku guda jiro socdaal kiisan shaqo oo ah kii ugu horeeyay ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo. Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda hey’adaha kala duwan ee ay wadashaqayntu kala dhaxayso Maamulka. DHAMMAAD The post Maxay tahay sababta Firdhiye u tegay Muqdisho isagoo qeyb ka aheyn shirka wadatashiga? appeared first on Caasimada Online.
  12. In Burundi’s capital, it’s not uncommon to see hippos and crocodiles roaming muddy roads after months of flooding that has driven thousands of people from their homes. Bujumbura lies on the northeastern shores of Lake Tanganyika, the longest freshwater lake after Baikal in Siberia. The city is bearing the brunt of a climate crisis plaguing the world’s poorest nation, which the World Bank says has lost 5.2% of its arable land area every year since 2020 to soil degradation. Bujumbura’s flooded Gatumba district. Photographer: Tchandrou Nitanga/AFP/Getty Images After contending with years of drought, eastern and central Africa has been hit by torrential rains spurred by the El Niño weather phenomenon. Since the beginning of last month, at least 260 people have been killed in Kenya, 155 in Tanzania and 29 in Burundi — a tiny country of 13 million people with the lowest income per capita. The deluge is a double hit for the towns and cities around Tanganyika, which straddles four nations, with water levels repeatedly hitting records. Bujumbura, usually known for its beautiful beaches and verdant hills, has had almost incessant rains since the start of last year that have transformed the landscape. Homes, cars and hospitals have been submerged and abandoned. The number of people displaced by climate change countrywide has risen by 25% to 96,000 as a result of the recent downpours, according to the United Nations. Grain shortages have also intensified, swelling the ranks of the 5.4 million Burundians who were classified as food-insecure prior to the latest flooding. Adequate measures aren’t in place to counter erosion, temperatures are predicted to increase and water levels may rise even further — not just from Tanganyika, but from rivers throughout the region, warns Leonidas Nibigira, general commissioner of Burundi’s Office of Urban Planning. Source: Bloomberg The post An escalating climate crisis appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka. Shirka ayaa waxaa ka maqan Puntland iyadoo ay ku sugan yihiin madaxda dawladda federaalka Soomaaliya madaxweyneyaasha Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka looga hadlayo xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka. PUNTLAND POST. The post Shirka golaha wadatashiga qaran oo ka furmay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharaxa xisbiga Kulmiye ee doorashada dhici doonta bisha Novermber ee sanadkaan. Biixi oo ka yara siyaasad adag xubnaha la tartamaaya ee Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa raadinaya shan sano oo cusub kadib markii uu 7-dii sano ee lasoo dhaaf dib u riixay dhamaan rejooyinkii Somaliland ee dowlad wanaaga iyo ictiraafka. Inkasta oo ay Somaliland culeys ugu filan tahay nuuca faham iyo hoggaamineed ee ragga la kala dooran doono bisha Novermber ee sanadkaan, haddana siyaasadda gacan ka hadalka iyo mintidnimada ayaa laga yaaba inay hesho taageero kale. Inta uu Muuse Biixi joogay xukunka waxaa gacanta Somailand ka baxday Laascaanood, waxay galeen dagaalkii ugu khasaaraha badnaa waayahan, waxa lumiyeen kalsoonidii beesha caalamka. Sidoo kale waxay ku dhaqaaqeen inay bixiyaan qeyb dhulka iyo badda kamid ah, waxaa dhacay muddo kororsi sharci darro, waxayna iska sii fogeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya oo ah cidda uu ku xiran yahay go’aanka ictiraafka. Gudaha Somaliland dagaalo qabiil ayaa dhacay, xoriyatu-qowlka ayuu si weyn ula diriray hoggaamiye Biixi, xasilooni darro siyaasadeed middii ugu darneyd ayuu cagaha u galiyay maamulka, waxaana dhinaca kale lagu eedeeyay sad-bursi reereed. Iyada oo dhamaan arrimahaasi jiraan weli Muuse Biixi waa musharax xoog leh. Sababta uu weli Muuse Biixi ugu cad cad yahay kursiga ma ahan jaceyl ee waa miisaanka xubnaha la tartamaya, kuwaasi oo aan lagu tuhmayn itaal siyaasadeed kiisa dhaama, wallow uu Cabdiraxmaan Cirro uu isagu haysto shacbiyad fiican. Loolanka qabaa’ilka ayaa kursigaan si weyn u saameyn kara, laakiin marwalba oo ay doorashada tahay qof iyo cod lama sahashan karo xisbiga tallada haya, kuwaasi oo xitaa awoodda inay doorashada ku shubtaan. Doorashada soo aadan ee Somaliland waxay dadka gobollada Waqooyi siin kartaa shan sano oo kale oo jawhareer ah haddii taliska Biixi uu kusoo laabto kursiga, wallow Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabena la ma-suugsan yahay halka ay wax gaarsiin karaan. The post Arrin uu MUUSE BIIXI ku dhowaaqay oo SOMALILAND gelin karta jahwareer cusub appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka. Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-shabaab oo Ciidamada Xoogga dalka ay ka soo hoyeen guulo waaweyn, kana xoreeyeen deeganno badan oo ay horey ugu dhibaateynayey shacabka Soomaaliyeed iyo dhameystirka dastuurka dalka. Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale. Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) — Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhoweyd ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia, kaasi oo uu shir-guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ayaa ka arrinsanaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka, sida ay shaacisay Villa Somalia. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre, ra’iisul wasaare ku-xigeenka Salah Jama, madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoor-Qoor, HirShabelle Cali Guudlaawe iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale. Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga doodi doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo dardar-geliyo howl-gallada guud ahaan dalka looga xoreynayo kooxda, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay uu gaabis ku yimid. “Guul ka gaarista dagaalka Khawaarijta wuxuu muhiim u yahay in Soomaaliya si buuxda nabad looga aslaaxiyo, dalkuna u jiheysto dhanka horumarka iyo inuu wax la qabsado caalamka intiisa kale,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys. Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadan uu madaxweynaha ku martiqaadey madaxda goboleedyada, si ay shirkan muhiimka ah uga qeyb galaan ay tilmaameyso sida dowladda federaalka uga go’an tahay balaarinta wada-tashiyada siyaasadeed ee wadar oggolka ah ee lagu gaarayo go’aamada masiiriga ee dalka, iyada oo la raacayo dastuurka dalka u degsan iyo hay’adaha sharciga ee dastuurka lagu qeexay. Shirkaan ayaa wuxuu imaanaya xilli uu meel sare marayo khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ay siyaasadda ku kala tageen Xasan Sheekh tan iyo wixii ka dabeeyey doorashadii madaxtinimada dalka ayaa ka qeyb-geli doonin shirkan. Dowlad-goboleedka Puntland oo illaa afar shir ka maqneyd ayaa horay u qaadacday hannaanka wax ka bedelka dastuurka ee afarta cutub, waxaana ay aqoonsiga kala laabteen dowladda federaalka. Dhinaca kale, Madaxda afarta dowlad-goboleed Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed iyo HirShabelle ayaa la hadal hayaa inay doonayaan in shirka ka helaan muddo kororsi, taasi oo ku jaan go’an muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa hadda waxaa heysata labo daran mid dooro, inuu dowlad-goboleedyada waqtiga u kordhiyo oo muddo xileedkiisa la simo iyo in maamul kasta iskiis ugu madax-bannaanaado qabashada doorashooyinka. Go’aanadda kasoo bixi doona shirkaan ayaa si dhow loogu hayaa, taasi oo muujin doonta dhinaca adkaada dhinacyada uu shirka uga bilaaban doono Villa Somalia. The post Shirka Golaha Wadatashiga oo furmay + Ajendaha (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
  17. Garowe (HOL) - The Puntland military court has released six foreign men who defected from the Islamic State militant group in Puntland State. Source: Hiiraan Online
  18. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada guriceel ee gobolka galguduud nin Kamid ahaa maxaabiista lagu hayey Saldhiga Booliiska magaaladaas oo isku dayey in uu ka baxsado xabsiga ayuu rasaas ku furay mid kamida ilaaladu. Ninkan oo lagu magacaabi jiray Xiddig Cali Khaliif ayaa u geeriyoodey rasaastii uu askari waardiyaha ihi ku riday sida ay xogaha magaaladaas ka imaanayaahi tibaaxayaan. dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xili jimcihii lasoo dhaafey la sheegay in xabsiga Guriceel ay ka baxsadeen dhowr maxbuus oo ku xukunnaa min dhowr sano oo xarig ah. Source: goobjoog.com
  19. Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaarka ah ee Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo ay weheliyaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adaha maamulka ayaa dhagax-dhigay dhismaha iyo dib u dayactirka waddada cusbitaalka Laascaanood. “Waddadani waa waddo muhim ah oo aan inaga sii burbursanaan karin, waxaynuna ku dhisanaynaa isku-tashi, waanan ku bogaadinyaa Maamulka Degmada Laascaanood shaqada wacan ee ay gacanta ku hayaan” ayuu yiri hoggaamiye firdhiye. Waddadan ayaa dhibaato xoog lihi ka soo gaaray dagaalladii iyo duqaymihii ay soomaaliland ka geysatay magaalada Laascaanood sanadkii 2023, waxaana uu tilmaamay in ay qeyb ka tahay mashaariicda dib u dhiska ah ee lagu hormarinayo Laascaanood. Source: goobjoog.com
  20. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay, mid kalena lagu dhaawacay xili ay ku sii socdeen isbitaal ku yaala dhinaca koonfureed ee Qasa, Isniintii. Waxay sheegtay in shaqaalaheedu ay la socdeen gaari UN-tu leedahay kuna sii jeedeen isbitaal yurubiyaan ah oo ku dhaw Rafax markii ay rasaasi haleeshay. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay muujinayso in gaariga ay haleeshay rasaas isagoo maraya aag iska hor’imaad uu ka jiray, isla markaana aan lala socon in uu halkaas soo mari doono. Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay heleen warbixin uga timid waaxda amaanka iyo nabadgalyada ee Qaramada Midoobay (UNDSS) taas oo lagu sheegayo in labo shaqaalahooda kamid ah lagu dhaawacay aagga Rafax – dhinaca koonfureed ee Qasa – Isniintii. PUNTLAND POST The post QM oo sheegtay in qaar kamid ah shaqaaleheeda lagu dilay aagga Rafax appeared first on Puntland Post.
  21. Magaalada Muqdisho ayaa la filaayaa in uu maanta ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran oo ka kooban dawlada federaalka, madaxda dawlad goboleedyada oo aysan Puntland ku jirin iyo gobolka Banaadir. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay gaaray madaxweynayaasha dawlada goboleedyada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyadoo la filayo in madaxweynaha Hirshabeele uu ku biiri doono. Shirka golaha wadatashiga ayaa baaqday bishii la soo dhaafay ee April, iyadoo madaxtooyada Soomaliya ay ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo, sidoo kale waxa jiray khilaaf aan la ogeyn oo dhinacyada u dhaxeyo oo aan xal laga gaarin shirka ka hor. Shirka waxaan ka qaybgalin Puntland oo sheegtay in aanay aqoonsaneyn dawladda federaalka dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirarka golaha wadatashiga qaranka. Villa Somalia ayaa ajandaha shirka ku sheegtay in looga arrinsanyo arrimo masiiri ah oo ay kamid yihiin dhameystirka dastuurka iyo la dagalaanka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Shirka madasha wadatashiga qaran oo ka furmaya Muqdisho iyo Puntland oo ka maqan appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho. Labada nin oo dhac u geysanayey shacabka ku nool xaafado kamid ah degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa booliska gacanta ku soo dhigay iyaga oo watay Tooreeyo iyo Mooto Bajaaj. Booliska ayaa sheegay in dadkii ay taleefoonada ka dhaceen ay deg deg u war-geliyeen booliska, taasi oo fududeysay in raggaan lagu soo qabto howl-gal ay fuliyeen ciidamada ka howl-gala saldhigga booliska ee degmada Waaberi. Shalay ayey aheyd markii booliska uu gacanta kusoo dhigay koox burcad hubeysan oo dhac ka geystay degmada Heliwaa, kuwaasi oo shalay taleefano badan ku dhacay gudaha degmadaasi. Soo qabashada raggan burcadda ah ayaa timid, kadib xiriir toos ah oo ay shacabka la sameeyeen booliska, iyaga oo deg-deg u wacay nambarka gaaban ee xiriirka dadweynaha. Arrintan ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka deegaanka oo ku farxay tallaabada uu qaaday booliska oo jawaab deg-deg ah ka bixiyay dhibaatada ay burcadda ka gaysteen degmooyinka gobolka Banaadir. Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa weli dhibaato ku haya kooxo burcad ah iyo ciyaal weero weli ka jira qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay qaati ka taagan yihiin dadka shacabka ah. The post Booliska oo soo qabtay rag dhibaato weyn ku hayay shacabka Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  23. Beledweyne (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud, alongside Prime Minister Hamse Abdi Barre and former government leaders, congratulated Ugas Yusuf Ugas Hassan Ugas Khalif, who was inaugurated in the Hiiraan region on Monday. Source: Hiiraan Online
  24. Qarammada Midoobay ayaa sheegtay inay Israa’iil ku amartay inay ka qaxaan 100,000 oo qof waqooyiga Gaza, tan iyo markii Israel ay weerar ku qaaday marinka Rafax, bilowga Todobaadkii hore oo khasaare dhaliyay. Farhan Haq, oo ah ku xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa u sheegay warfidiyeenka in amarrada daadgureynta ee ay Israa’iil soo saartay waqooyiga Qaza “ay sababeen barakaca ilaa 100,000 oo qof ilaa hadda”. Xaq waxa uu sheegay in kuwa ka soo qaxay woqooyiga ay dheer yihiin ku dhawaad 360,000 oo qof oo ka tagay magaalada koonfureed ee Rafah. “Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay ilaalin la’aanta rayidka – iyo badbaado la’aanta hawlaha bani’aadamnimada,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay. Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, wuxuu carrabka ku adkeeyay, dadka rayidka ah waa in la ilaaliyaa oo la daboolaa baahiyahooda aasaasiga ah, hadday guurayaan iyo hadday joogaan. Warbixin ka timid hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada OCHA, ayaa sheegtay in 20 boqolkiiba dadka Gaza ee in ka badan 2 milyan oo qof ay mar kale barakaceen usbuucii la soo dhaafay sababo la xiriira xoojinta hawlgallada milatari ee Israel. Source: goobjoog.com