Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,405
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maamul-goboleedka Puntland. Qaraxa oo ahaa miino ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Dhasaan oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay maleeshiyada kooxda Daacish, waxaana lagu dilay taliyihii guutada 2-aad ee ciidanka difaaca Puntland ee wax ka hoggaaminayay dagaalka ka socda halkaasi. Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab (Qalyare), ayaa ku dhintay qaraxa oo lala helay gaarigiisa, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac kale uu gaaray qaar kamid ah ciidankii la socda taliyaha, xilliga la qarxinayay. AUN Jeneraal Qalyare ayaa ah sarkaal firfircoon oo ka dhex muquday ciidanka Puntland, wuxuuna horay ugu dhaawacmay dagaalka Calmiskaad, isaga oo dibadda loo qaaday, kadibna markii uu kasoo laabtay dib ugu laabtay difaaca hore oo maanta lagu dilay. Qaraxa kadib ciidamada ayaa sameeyay howlgal, si ay u baadi goobaan xubnihii Daacish ee ka dambeeyay, kuwaas oo inta badan qaraxyo u aaso kolonyada ciidamada Puntland. Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Puntland oo ku aadan qaraxa lagu dilay sarkaalkaasi iyo qaa kamid ah ilaaladiisa ee dhintay, iyaga oo ku jiro shaqadooda, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee Calmiskaad. Horay kooxda Daacish ayaa sidaan oo kale u qarxisay ciidanka Puntland, waxaana weerarkii ug dambeeyay uu ka dhacay deegaanka Markadaan, oo u dhow halka loo yaqaano Turmusaale oo kamid ah meelihii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Daacish. Qaraxaas oo isna ahaa miino ayaa haleelay gaari ambalaas ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Puntland, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Sidoo kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmay askar kale oo la socotay baabuurka la beegsaday, iyada oo miinada loogu aasay waddada dhinaceeda. Kooxda Daacish ayaa marar badan aagga Calmiskaad ka fulisay weerarro noocan oo kale ah, kuwaas oo sababay khasaare kala duwan oo leh dhimasho iyo dhaawac. Weerarradan cusub ayaa sidoo kale muujinayo in weli Daacish ay awood u leedahay inay qaraxyo ka fuliso halkaasi, waxaana inta badan ay adeegsataa kooxo guur guura oo ka dhuumaaleysanaya ciidamada, maadaama Daacish lagu jabiyay howlgallada haatan socda.
  2. Garowe (HOL) — Brig. Gen. Ahmed Abdi Ali Qarjab, widely known as Gen. Qalyare, was killed Tuesday when a landmine exploded in the Bari region of Puntland during ongoing operations against Islamic State militants, security sources said. Source: Hiiraan Online
  3. Khartuum (Caasimada Online) — Dhulka saxaraha ah ee Sudan ee ay cadceeddu dubtay, waxaa dhex maraya gawaari ciidan oo duugoobay, iyadoo raadiye gaari ay ka baxayaan heeso dhaqameedka vallenato — oo ah cod laga yaqaan Latin America balse aan laga aqoon Bariga Afrika. Heesahan aan la fileynin inay halkaas ka baxaan ayaa ah kuwa ay dhageysanayaan calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay dalka Colombia, kuwaas oo doorkooda sii kordhaya ee dagaalka sokeeye ee Sudan uu hadda isu beddelay fadeexad caalami ah. Dowladda Khartuum ayaa dhowaan dacwad rasmi ah u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo ku eedaysay Imaaraadka Carabta inay maalgelisay ayna geysay calooshood-u-shaaqeystayaal Colombian ah si ay u garab dagaallamaan Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah maleeshiyo awood badan oo la dagaallamaysa ciidanka qaranka Sudan. Mas’uuliyiinta Sudan ayaa sheegay inay hayaan “caddeymo ballaaran” oo ku saabsan olole abaabulan oo ay Abu Dhabi ku doonayso inay ku wiiqdo madaxbannaanida Sudan. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa iska fogeeyay eedeymahan. Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii ciidanka cirka ee Sudan ay 7-dii August gobolka Darfur ku soo rideen diyaarad laga leeyahay Imaaraadka. Waxaa diyaaradda saarnaa 40 calooshood-u-shaaqeystayaal u dhashay Colombia iyo shixnad hub ah oo la sheegay inay ku socotay ciidanka RSF, waxaana halkaas ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa. Abu Dhabi ayaa mar kale beenisay inay lug ku lahayd arrintan, halka wasaaradda arrimaha dibadda ee Colombia ay ka aamustay. Inkastoo ay arrintani tahay mid naxdin leh, haddana ka qaybgalka dagaalyahannada Colombia ee Sudan waxaa horraantii sanadkan lagu xaqiijiyay warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay. Joogitaankoodu wuxuu qayb ka yahay ganacsi caalami ah oo dahsoon oo ku saleysan askarta la kiraysto. Dalka Sudan waxaa hareeyay dagaal sokeeye tan iyo bishii April 2023, markaasoo loollan muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay ciidanka qaranka iyo kuwa RSF uu isku beddelay dagaal fool-ka-fool ah oo dhan walba ah. Qiyaasuhu waxay sheegayaan in la dilay dad u dhexeeya 20,000 ilaa 150,000 oo qof. Waxaa sidoo kale barakacay in ka badan 14 milyan oo qof, iyadoo macluul ay halis ugu jirto gobollo dhowr ah, waxaana Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (International Criminal Court) ay baareysaa dembiyo naxdin leh oo isugu jira xasuuq wadareed iyo tacaddiyo xagga galmada ah. Colombia ilaa Boosaaso: Silsiladda isu-gudbinta Way adag tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqa ganacsiga calooshood-u-shaqeysiga, laakiin warbaahin laga leeyahay Colombia oo lagu magacaabo La Silla Vacía ayaa ku qiyaastay in ilaa 380 Colombian ah la qoray tan iyo sanadkii 2024 si ay ugu biiraan ciidanka RSF. Intooda badan waxay ka tirsan yihiin guuto loo yaqaan Yeeyda Saxaraha (Desert Wolves), taasoo u kala baxda afar cutub oo ay hoggaamiyaan askar howlgab ah. “Askarta Colombia waa kuwa qiimo jaban balse tayo leh,” ayuu yiri Sean McFate, oo ah aqoonyahan Mareykan ah oo ku takhasusay arrimaha difaaca. “Waa dad anshax leh, dagaal soo maray, kharashkooduna wuxuu aad uga yar yahay kan ku baxaya askari Mareykan ah.” Tobanaan sano oo dagaal lala galay jabhado iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ayaa sababtay in Colombia ay yeelato kumanaan askari oo ruug-caddaa ah oo dagaal ku soo tababartay. Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo ka mid ah waxay ku nool yihiin gunno howlgabnimo oo yar oo u dhexeysa $400 ilaa $600 bishii. Taas beddelkeeda, shaqada calooshood-u-shaaqeysiga waxay bixisaa lacag u dhexeysa $2,600 ilaa $6,000, taasoo inta badan lagu xayeysiiyo WhatsApp-ka. “Marka aysan dowladdu u abuurin fursado, askartu waxay aadaan meelo kale,” ayuu yiri Jose Angel Espinosa, oo ah sarreeye howlgab ah oo hadda maamula urur ay ku mideysan yihiin askartii hore. “Ciidanka waxaan kaga soo tagnaa maskax dagaal ku dhisan—waana waxa kaliya ee aan aqoonno.” Tan iyo markii uu Madaxweyne Gustavo Petro xafiiska la wareegay sanadkii 2022, waxaa howlgab noqday in ka badan 22,000 oo xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka Colombia. Tallaabadan ayaa qayb ahaan loo aaneynayaa is-maandhaaf ka dhashay kadib markii uu madaxweynuhu beddelay dhammaan hoggaankii sare ee militariga. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in carada ka dhalatay arrintan ay sii kordhisay helitaanka calooshood-u-shaaqeystayaasha. Inta badan dadka la qoro waxaa la soo marsiiyaa shirkado amni oo gaar loo leeyahay oo Colombian ah, kuwaasoo u shaqeeya shirkado Imaaraati ah. Hawlgallada qaarkood waxaa xitaa hoggaaminayay janaraal howlgab ah oo u dhashay Colombia oo fadhigiisu yahay Dubai. Dagaalyahanno badan ayaa la marin-habaabiyay—waxaa loo sheegay inay ilaalin doonaan xarumaha shidaalka ama ay ciidamo tababari doonaan—balse waxay is arkeen iyagoo lagu qasbay inay galaan jiidda hore ee dagaalka Sudan. Jidadka loo maro safarradan ayaa muujinaya baaxadda caalamiga ah ee ganacsigan. Markii hore, calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay ka duuli jireen Abu Dhabi iyagoo u socda magaalada Benghazi ee dalka Libya, halkaasoo lagala wareegi jiray baasaboorradooda ka hor inta aan loo daabulin Sudan. Si kastaba ha ahaatee, markii ay waddadaasi noqotay mid halis badan, waxaa soo baxay waddooyin cusub. Mid ka mid ah jidadkaas wuxuu si toos ah u soo marayay Geeska Afrika. Dagaalyahannadu waxay ka dhoofi jireen Madrid iyagoo u socda Ethiopia, kadibna waxay usii gudbayeen magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasoo ay diyaarad uga sii raacayeen caasimadda Chad ee N’Djamena, ka hor inta aysan ugu dambeyn gaarin magaalada Nyala ee gobolka Darfur—oo fariisin muhiim u ah RSF. “Xaaladdu halkan waa mid xun, maxaabiis ahaan baa naloo haystaa,” ayuu yiri mid ka mid ah askarta la qoray oo Colombian ah, sida laga maqlay duubis cod ah oo ay heshay warbaahinta La Silla Vacía. Mid kale ayaa isna si aan gabasho lahayn u raaciyay: “Tani waa ka ganacsi dad. Shaqo gaar ah ayaa naloo soo kireystay, balse mid kale ayaa nalagu qasbay.” Dhaqan caalami ah oo aan xal fudud lahayn Tani maaha markii ugu horreysay ee dagaalyahanno Colombian ah lagu arko fagaarayaal dagaal oo shisheeye. Ku dhawaad 20 ka mid ah ayaa ku lug lahaa dilkii madaxweynihii Haiti, Jovenel Moïse, sanadkii 2021. Qaar kale waxay hadda ka dagaallamayaan Ukraine, halka ay horey uga soo shaqeeyeen Ciraaq, Afghanistan, iyo Libya. Imaaraadka Carabta laftiisa ayaa sanadkii 2015 boqollaal Colombian ah u kireystay inay la-dagaallamaan Xuutiyiinta Yemen. “Imaaraadku waa mid ka mid ah macaamiisha ugu waaweyn ee calooshood-u-shaaqeystayaasha adduunka,” ayuu yiri McFate. “Waxay leeyihiin lacag iyo damac siyaasadeed oo caalami ah, calooshood-u-shaaqeystayaashuna waa hab raqiis ah oo ay ku gaari karaan himilooyinkooda. Sudan waxay abuuraysaa baahida, Imaaraadku wuxuu bixinayaa maalgelinta, Colombia-na waxay bixisaa sahayda.” Ka dib markii diyaaraddii Imaaraadka la soo riday, Madaxweyne Petro wuxuu ballanqaaday inuu soo saari doono sharci mamnuucaya in dibadda laga qorto calooshood-u-shaaqeystayaasha Colombia, wuxuuna sidoo kale furay baaritaan ku saabsan arrintan. Wuxuu ku tilmaamay dhaqankan mid ah “ka ganacsiga dad loo beddelay badeecooyin la doonayo in la laayo.” Hase yeeshee, khubaradu waxay ka digayaan in dadaallada noocan ahi aysan xallin doonin sababaha asalka u ah dhibaatadan. “Sharcigu waxba kama qabanayo sababaha ay askartu u aqbalaan shaqooyinkan—kuwaasoo ah mushahar yarida, dib-u-laqabsiga bulshada oo aan jirin, iyo dhibaatooyinka nafsaaniga ah ee uu dagaalku ka tago,” ayay tiri Katherin Galindo, oo ah falanqeeye siyaasadeed. McFate ayaa fikraddaas ku raacay: “Ganacsigan waa mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in la xakameeyo. Qaramada Midoobay waxay caddaysay awood-darro ay ka qabto arrimaha calooshood-u-shaaqeystayaasha.” Adeegsiga dagaalyahannada Colombia wuxuu iftiiminayaa sida ay danaha shisheeye u sii murjinayaan dhibaatada Sudan. Calooshood-u-shaaqeystayaashu waxay dowladaha sida Imaaraadka siinayaan fursad ay isaga fogeeyaan mas’uuliyadda tooska ah, iyagoo isla markaasna sii hurinaya colaadaha, taasoo ka dhigaysa la-xisaabtanka dambiyada naxdinta leh mid aad u sii adag. Dhanka kale, askarta ruug-caddaaga ah ee Colombia, saboolnimada iyo dayacaadda ka jirta dalkooda ayaa ku khasbaysa inay u hayaamaan dagaallo ka socda meelo aad u fog—xitaa iyagoo soo maraya magaalooyin sida Boosaaso—halkaasoo aan loola dhaqmin sidii askar oo kale, balse loola macaamilo sidii badeecad la isticmaali karo oo la iska fogeyn karo.
  4. Mogadishu (HOL) — Somali government on Tuesday repatriated 173 citizens who had been held in prisons across Libya, where they endured harsh conditions and widespread human rights abuses. Source: Hiiraan Online
  5. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ganaax lacageed ku xukuntay ganacsade Nuuradiin Ibraahim Mubaarak, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira jebinta shuruucda canshuuraha dalka. Ganacsadahan oo ku howlanaa qalabka dayactirka baabuurta ayaa lagu eedeeyay inuu si ula kac ah uga baalmaray bixinta canshuuraha iyo habraacyada sharciga ah ee ku xeeran caashuuraha. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maxkamadda u gudbiyay caddeymo lagu xaqiijiyay eedeynta, waxaana ugu dambeyn maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo waafaqsan xeerarka dalka. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa war-saxaafadeedka ku adkeeyay in dambigaas uu ku diiwaan gashay diiwaanka dambiyada, isagoo digniin adag u diray ganacsatada isku daya inay baal maraan xeerarka canshuuraha. Waxaa lagu wargeliyay in cid kasta oo ku guul darreysata hogaansanaanta shuruucda canshuuraha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, taasoo dhibaato weyn ku noqon karta ganacsigooda. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku booriyay ganacsatada dalka in ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda canshuureed, si looga fogaado xukunno ganaax iyo dhibaatada sharciga. Source: goobjoog.com
  6. New York (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud and his delegation attended a high-level international conference in New York on Monday on Palestinian statehood, where Somalia reaffirmed its longstanding support for the recognition of Palestine and the protection of the Palestinian people’s historical rights. Source: Hiiraan Online
  7. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dib ugu soo celisay dalka 173 dhalinyaro Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa xabsiyada dalka Libya, kadib safar dheer oo khataro badan ay ku galeen iyagoo isku dayayay tahriib iyo marin-biyoodyo sharci-darro ah. Dadka dib loo soo celiyay ayaa kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta waxaa hormuud ka ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Soomaaliya, oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, hay’adaha socdaalka iyo xubno ka socday qoysaska dhalinyarada. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso sida dowladda Soomaaliya uga go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta ku dhibban waddamada shisheeye. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan tahriibka oo ah khatar naf iyo maalba leh, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadaha shaqo-abuurka iyo barnaamijyada dhalinyarada ee gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey dalka uga soo daadgureysay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirmay Libya iyo dalal kale oo ay ka dhacaan tahriibka iyo tacaddiyada la xiriira, iyadoo sheegtay in qorshahaasi uu sii socon doono si loo badbaadiyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa kulan ballaaran oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa bayaankii ay kasoo saartay qeyb ka ahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya maamullada Jubbaland iyo Puntland. Madasha ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qalalaase ka wado gudaha labadaasi maamul, iyagoo Madaxweyaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ugu baaqay inay meesha ka saaraan awoodda ciidan ee u adeegsanayso maamulka Jubbaland. Waxay si gaar ah madaxweyne Xasan Sheekh uga dalbadeen inuu si shuruud la’aan ah ula heshiiyo hoggaannada Jubbaland iyo Puntland, uuna ku aqbalo kaalinta muhiimka ah ee labada maamul uga jiraan dowlad dhiska dalka. “Madaxweynaha federaalka waxaa ugu baaqaynaa inuu ka gudbo arrimo shaqsiyeed, una gudbo kal umadeed, isla markaana uu si shuruud la’aan ah u aqbalo kaalinta muhiimka ah ee Jubbaland iyo Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay mucaaradka. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Madaxweynaha waa inuu la furo wada-hadallo dhab ah labadaasi maamul, oo lagu soo celinayo wada-shaqeyntii labada heer dowladeed ee federaalka iyo dowlad-goboleedka.” Sidoo kale waxay madashu ugu baaqday madaxweynaha iyo xukuumadiisa in ay joojiyaan ku mashquulida tallaabooyinka siyaasadeed ee muranka dhaliyay, kuwaas oo dib u dhac ku keenay dagaalkii lagula jiray Khawaarijta, isla markaana dib loogu laabto dagaalka lagu xoreynayo waddanka. Baaqa mucaaradka ayaa imanaya xilli ay muddooyinkii dambe socdeen dadaallo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee gacan ka hadalka isku rogay ee dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhawaan xaqiijiyey in dowladdiisu ay wada-hadallo la furtay maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, tallaabadaas oo looga gol leeyahay in lagu qaboojiyo khilaaf siyaasadeed oo qaraar oo curyaamiyay dib-u-habaynta qaran, isla markaana huriyay iska hor-imaadyo hubeysan. Is-mari-waaga daba-dheeraaday ee kala dhaxeeya labadan dowlad-goboleed ayaa wiiqay geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya ee jilicsan, isagoo halis ku ah inuu carqaladeeyo doorashooyin xasaasi ah. Madaxweynaha oo waraysi siiyay telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu ay ka socdaan jihooyin kala duwan. “Weli waxaan wada-gadal kula jirnaa Puntland iyo Jubbaland, waxaana rajaynaynaa in arrinta Jubbaland la xalliyo doorashada ka hor,” ayuu yiri. “Wada-hadalka iyo is-aragyadu way sii socon doonaan.” Madaxweynaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka ay tahay mudnaanta koowaad ee dowladdiisa, ayna ku xigi doonaan doorashooyinka qaranka. Sida ay horay u baahisay Caasimada Online, waxaa jira wada-hadallo hoose oo ay garwadeen ka tahay Kenya oo u bilowday Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafkooda. Xogo hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa xilligaas ku warramay in khadka telefoonka ay ku wada-hadleen Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe. Wada-hadalkaas ayaa waxaa fududeeyay Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji. Nuuradiin ayaa markaas ka hor safar qarsoodi ah ku tagay Kismaayo. Labada mas’uul ayaa wada-hadalkooda u horeeyay ee ay ku qaateen taleefanka uu ahaa mid kooban, kaasi oo Taliyaha Sirdoonka Kenya ku doonayo inuu bilow u noqdo qaboojinta xiisada Jubbaland iyo Dowladda Federaalka. Khilaafka Xasan Sheekh iyo Madoobe ayaa kasoo bilowday shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee bishii October 2024, markaas oo la isku mari waayey guddiga doorashada iyo in doorashooyinka qof iyo cod lagu soo doorto madaxda maamullada. Axmed Madoobe ayaa xilligaas ku dooday in doorashooyinka maamullada ay gooni u qabsadaan, halka Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneysay hal guddi doorasho oo ay dowladda dhexe gacanta ku hayso inay qabtaan doorashada labada heer. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyay khhilaafka ayaa isku bedelay dagaallo culus oo ka dhacay Raaskambooni daba-yaaqadii 2024 iyo Beledxaawo Luuliyo 2025, taas oo keentay in ciidamo labada dhinac ah ay xadka Soomaaliya iyo Kenya ka tallaabaan. Si kastaba, dib-u-heshiisiin lala gaaro Puntland iyo Jubbaland ayaa loo arkaa mid muhiim u ah in geeddi-socod kasta oo doorasho uu noqdo mid lagu kalsoonaan karo dalka oo dhan.
  9. Boosaaso (Caasimada Online) – Xogo cusub ayaa laga helaya qaabka ay u dhinteen horjoogayaasha kooxda Daacish-ta Soomaaliya oo u badan ajaanib, kuwaas oo maydadkooda looga tegay buuraha Calmiskaad. Xogaha amni ee soo baxaya ayaa muujinaya in tan iyo bilowgii wajigii labaad ee hawl-galka Calmiskaad ay is qarxiyeen horjoogayaal badan oo ka tirsanaa garabka ajaanibta ee Daacish, si looga hortago in nolol lagu qabto. Horjoogayaasha ajaanibta oo intooda badan ahaayeen cadaan ayaa is qarxinta ku bilaabay dagaalladii ka dhacay togga Jeceel, xilligii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan, gaar ahaan intii lagu jiray dagaalladii Haraaryo, taas oo socotay ilaa hawl-galladii Miraale iyo Baallade. Is-qarxinta dagaallamayaasha ajaanibta ayaa bilowday dagaalladii Dharjaale, halka horjoogayaasha kooxdu ay is qarxinta ka bilaabeen togga Jeceel wixii ka dambeeyay qabashadii Turmasaale, una sii gudbay ilaa deegaannada togga Baallade ee ku yaalla duleedka Boosaaso, sida ay sheegeen ilo-wareedyo amni. Xogtu waxay muujinaysaa in horjoogayaasha ugu muhiimsan kooxda Daacish ee ajnabiga ah ay si joogto ah u adeegsadeen is-qarxinta intii uu socday wajigii labaad ee hawl-galkan. Tallaabadan ayaa keentay in si weyn loo wiiqo awooddii hoggaamineed ee kooxda, maadaama inta badan saraakiishii ugu sarreeyay ee ajaanibta ahayd ay ka baxeen goobaha dagaalka. Marka la eego xogaha hadda la helayo, waxaa la qiyaasi karaa in horjoogayaashii ugu badnaa ee Daacish, kuwaas oo u badnaa ajaanib caddaan ah kana yimid in ka badan 20 dal oo kala duwan aysan maanta wax badan ka noolayn. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka Daacish waxa uu maamulka Puntland sheegay inuu dilay 700 dagaalyahan oo ajaanib ah, oo ka tirsanaa Daacish. Warbixinta Puntland ayaa intaas ku dartay in Soomaalida ku naf waayay howl-galkaasi ay ahaayeen shan qof oo keliya. Dagaal-yahannadan ayaa ka kala yimid qaaradda Yurub, Waqooyiga Ameerika, Afrika iyo Aasiya. Inta badan dagaal-yahannada ajaanibta ah waxay ku soo galeen dalka si sharci darro ah ama iyagoo iska dhigay qaxooti, gaar ahaan kuwa ka yimid Itoobiya oo markii dambe ku biiray Daacish, sida uu sheegay maamulka. Waxaa kaloo jiray kuwo si qarsoodi ah uga soo gudbay xeebaha Yemen, iyagoo adeegsanayay doomaha tahriibka, taas oo ka dhigan inay dalka soo galeen iyagoo aan haysan wax dukumeenti safar ah. Puntland ayaa ku andacootay in ilaa hadda la tirtiiray 70% dagaal-yahannadii Daacish ee ku sugnaa buuraha Calmiskaad, kuwaas oo badankood ahaa ajaanib. Si kastaba, tan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee dagaal-yahano ajaanib ah muddo kooban lagu dilo gudaha Soomaaliya.
  10. Wararka ka imaanaya degaanka Dhasaan ee degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa ayaa sheegay inuu geeriyooday Taliyihii Howlgelinta Ciidamada Puntland ee Howlgalka Calmiskaa, ahnaa Taliyihii Guutada Labaad & Ururka Duufaan, Jeneraal Axmed Cabdi Cali-Qarjab “Qalyare”. Mas’uuliyiinta ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyay in Jeneraalka uu ku dhintay qarax miino oo lala eegtay xilli uu ku guda jiray howlgal amni. Alle ha u naxariistee, Jeneraal Qalyare ayaa ahaa sarkaal khibrad dheer u leh dhismaha ciidamada, wuxuuna soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Awdal intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Dadkii yaqaanay ayaa ku sifeeyay inuu ahaa taliye geesi ah, had iyo jeerna u taagnaa dhismaha ciidamada iyo ilaalinta dowladnimada. Source: goobjoog.com
  11. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay aqoonsiga dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dalalka go’aansaday inay aqoonsadaan Falastiin, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid sax ah oo taariikhi ah. Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay mowqifkeeda ah inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin, kuwaas oo wajahaya go’doomin bani’aadannimo iyo xaalado amni darro oo culus. Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in xal waara oo degdeg ah loo helo dhibaatada ka taagan dhulka Falastiin. Sidoo kale, Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in dhisidda dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, isla markaana ay dammaanad qaadaysay difaaca xuquuqda dadka Falastiin oo dhibaatooyin adag ku jira. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay weligeed taageero la garab taagnayd shacabka Falastiin, ayna kamid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, iyadoo si joogto ah u muujisay taageero ku aaddan dhismaha dowlad madax-bannaan. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay dhiirrigelinayso dalalka go’aanka taariikhiga ah ku qaatay aqoonsiga Falastiin, taas oo horseedaysa nabad iyo xasillooni gobolka, isla markaana xaqiijinaysa xuquuqda shacabkan muddada dheer la duudsiyay. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanadkan kamid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku adkaysatay in aan laga aamusin tacaddiyada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin. Waxay ku baaqday in dadaal wadajir ah lagu bixiyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna noqoto magaalada Qudus. Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ah. Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan. Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin. Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan. Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.
  12. New York (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa inuu Talaadada maanta u soo bandhigo koox hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah mabaadi’ ku saabsan nabadda iyo maamulka dagaalka kaddib ee Marinka Gaza, sida ay sheegeen laba sarkaal oo Mareykan ah iyo laba sarkaal oo Carab ah. Tani waxay noqon doontaa hindisihii ugu cadaa oo la taaban karo ee ilaa hadda ka yimaada Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka. Kulanka waxaa ka qaybgeli doona hoggaamiyeyaal iyo saraakiil sarsare oo ka kala socda dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Jordan, Turkey, Indonesia, iyo Pakistan. Marka laga soo tago sii deynta la-haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka, waxaa la filayaa in Trump uu ka hadlo mabaadi’da ku xeeran ka bixitaanka Israel ee Gaza iyo maamulka halkaas ka dhalan doona dagaalka kaddib, iyadoo aysan ku lug lahayn Xamaas. Mareykanku wuxuu sidoo kale doonayaa in dalalka Carabta iyo Muslimiintu ay isku raacaan in ciidamo militari ah loo diro Gaza, taasoo suurtagelinaysa ka bixitaanka Israel, isla markaana lagu xaqiijinayo maalgelin Carbeed iyo mid Muslimiin ah oo lagu maareeyo xilliga kala-guurka iyo dib-u-dhiska marinkaas. Madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto, ayaa Isniintii sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu askar ku daro ciidamo nabad ilaalin ah oo la geeyo Gaza. Wadahadalladii heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza ee sidoo kalena lagu sii daynayo la haystayaasha Israel ayaa maraya meel adag oo hakad uu galay. Dhanka kale, Israel waxay waddaa inay horey ugu dirto saddex qaybood oo ciidan ah, kuwaas oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa lugta, si ay u qabsadaan magaalada Gaza. Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, shir lagu taageerayay xalka labada dal ayaa ku soo idlaaday iyadoo France iyo dhowr waddan oo kale oo Yurub ah ay aqoonsadeen dowlad Falastiini ah. In ka badan 65,000 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan dad rayid ah, ayaa lagu dilay duqeymaha Israel ee Gaza tan iyo weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar ay ku qaadday Israel, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza oo ay maamusho Xamaas. “Kulanka maanta wuxuu noqon karaa mid aad muhiim u ah. Waxaan haynaa sawir guud oo ku saabsan qaabka lagu soo afjarayo dagaalka. Waxaan dooneynaa inaan soo bandhigno waxa aan u aragno inay tahay waddada keliya ee suurtagalka ah ee horay loogu socon karo, waxaana rabnaa inaan helno aqbalaad iyo taageero heer gobol ah si uu qorshahani u guuleysto,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah. “Sida aan anagu u fahamnay, Trump wuxuu doonayaa inuu helo aragtideena iyo taageeradeena ku aaddan qorshaha Mareykanka ee lagu soo afjarayo dagaalka, ka dibna uu horey u sii wado,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Carabta. Saraakiisha Carabta iyo kuwa Mareykanka ayaa ku adkeystay in qorshahani uu noqon doono mid Mareykan ah, ee uusan ahayn keliya qorshe ay Israel leedahay oo uu soo bandhigayo maamulka Trump. Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu ka warqabo nuxurka guud ee qorshaha, laakiin uu sidoo kale ogyahay inay jiri doonaan qaybo aysan jeclaysan doonin xukuumadda Israel—gaar ahaan marka la eego kaalinta mustaqbalka ee Maamulka Falastiiniyiinta (Fatax) ee Gaza. “Waxaa jiri doona ‘kiniini qaraar’ oo ay qasab nagu noqon doonto inaan liqno,” ayuu yiri sarkaalka Israa’iiliga ah. Ma cadda in Trump uu sidoo kale ka hadli doono qorshayaasha Gaza khudbaddiisa uu u jeedinayo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, taasoo dhici doonta dhowr saacadood ka hor kulanka. Isniinta soo socota, Netanyahu wuxuu ku imaan doonaa Aqalka Cad kulankiisii afaraad ee uu la yeesho Trump tan iyo bishii Jannaayo. Arrinta Gaza ayaana noqon doonta qodobka ugu muhiimsan ee looga hadlo.
  13. Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda kubadda cagta ee Paris St-Germain iyo xulka qaranka Faransiiska, Cusmane Dembele ayaa markiisi ugu horreysey ku guuleystey Banooniga Dahabka ah ee Ballon D’or. Abaalmarintan oo sannad walba la guddoonsiiyo ciyaaryahanka ugu wanaagsan dunida, ayuu Dembele ku muteystay kaalintii uu ka qaatay in kooxdiisu hanato mid mooyee dhammaan koobabkii ay u tartantay sanadkii la soo dhaafay oo uu ugu dambeeyey horyaalka kooxaha Yurub ee EUFA Champions League. Cusmane Dembele oo 28 sano jir ah ayaa abaalmarinta Ballon D’or oo uu bixiyo Wargeyska France Football waxaa lagu guddoonsiiyey xaflad ka dhacday magaalada Paris, ka dib markii uu ka foosay ciyaaryahan Lamine Yamal oo ka tirsan kooxdiisi hore Barcelona. Waxaa xusid mudan in Dembele uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyey 35 gool, halka uu dhiibey 14 caawin 53 ciyaarood oo uu dheelay. Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — Somali international boxing champion Ramla Said Ahmed Ali, known as Ramla Ali, has been awarded the Medal of Honor by the Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Hassan Mohamed Hussein Muungaab, in recognition of her groundbreaking achievements on the global stage. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa magaalada Newyork ku kala saxiixday heshiis cusub oo dhinaca dublumaasiyadda ah, kaas oo ay ku jiraan iskaashi iyo tababarro xirafdeed oo lagu kobcinayo aqoonta dublumaasiyiinta. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia, Mudane Marko Đurić, ayaa yeeshay kulan doceed barbar socday fadhiga guud ee 80-aad ee Qaramada Midoobay. Kulanka labada wasiir ayaa ku soo dhammaaday saxiixa heshiis is-afgarad oo muhiim ah, kaas oo u dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Serbia. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta iskaashi dhow oo ku saabsan tababarrada diblomaasiyadeed iyo dhismaha xirfadaha aqooneed ee diblomaasiyiinta labada dal, ayadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo awoodda xirfadeed ee shaqaalaha diblomaasiyadda, lana abuuro waddooyin cusub oo iskaashi iyo aqoon is-weydaarsi ah. Soomaaliya, iyo Serbia oo ah dal ku yaalla Yurubta bari ayaa sanadihii la soo dhaafay sare u sii qaadayay xariirkooda, ayadoo Belgrade ay DFS u tababartay ciidan gaar ah oo ka tirsan booliiska Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  17. Taliyaha Guud ee Booliska Dalka Eswatini, Manoma Vusie Masango, ayaa ku booriyay 32 askari oo katirsan Booliska Qaranka Eswatini (REPS) in ay muujiyaan anshax, sharaf, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha xilli ay u diyaar garoobayaan ka qeybgalka howlgalka AUSSOM ee magaalada Muqdisho, Soomaaliya. Xafladdii lagu soo xirayay tababarka Booliska oo lagu qabtay xarunta Operational Support Services Unit (OSSU) ee Ngonini, ayuu Masango ku adkeeyay saraakiisha in ay xusuustaan masuuliyaddooda ah in aysan matalayn oo keliya Eswatini, balse ay sidoo kale difaacayaan shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah meel colaado ka jiraan. “Waxaad muujiseen niyad daacad ah oo ku aaddan sida dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay uga go’an tahay ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida qaaradda,” ayuu yiri Masango. Taliyaha Booliska wuxuu carrabka ku adkeeyay in saraakiishu ay ku shaqeeyaan si waafaqsan Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada (IHL) iyo Xeerarka Xuquuqda Aadanaha (IHRL), isla markaana ay dhowraan Xukunka Sharciga (Rule of Law). Eswatini waa boqortooyo yar oo ku taalla Koonfurta Afrika, waxayna xuduud la leedahay Koonfur Afrika saddex jiho iyo Mozambique dhinaca bari. Caasimadda maamulka waa Mbabane, halka Lobamba ay tahay caasimadda dhaqanka. Source: goobjoog.com
  18. Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad cusub oo xasillooni amni iyo siyaasadeed ah, taas oo aad uga wanaagsan xaaladihii uu dalku soo maray 20-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna dowladdu qaaday tillaabooyin badan oo lagu adkaynayo nabad-gelyada iyo xoojinta hay’adaha maamulka. Inkastoo ay guulo badani jireen, islamarkaana dowladda iyo maamulka goboleedyadu ay gacanta ku hayaan inta badan deegaannada iyo gobollada dalka, haddana beesha caalamku waxay weli Soomaaliya ku eegaysaa il gaar ah, ayadoo marba marka dambeysa la keenayo dhaliilo iyo cudur-daarro ay ciidamada shisheeye dalka ku sii joogaan, kuwo hor lehna lagu soo geliyo. Ku dhowaad 20 sano ayay dalka joogeen in ka badan 20 kun oo ciidamo shisheeye ah, kuwaas oo hadda magaca loo badelayay, si loogu yeelo waji howlgal cusub, balse seddaxdii sano ee la soo dhaafay waxay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku muujiyeen inaan baahi weyn loo qaban xoogag shisheeye, markii laga soo tago taakulayn yar oo dhinaca farsamada ah. Ciidamada AUSSOM intooda badan waxay joogaan fariiso ay 10 sano ka hor samaysteen, ayagoo sidoo kale ilaaliya xarumo aad u kooban oo dowladdu leedahay, sidaas oo ay tahayna sanad walba tiro hor leh ayaa lagu soo kordhiyaa, ayadoo dalal cusubina ay u hanqal taagayaan sidii ay ugu soo biiri lahaayeen. Dalal dhowr ah ayaa hore u xaqiijiyay danayntooda ka qeyb-qaadashada howlgalkan, ayadoo Masar iyo Eswatini oo waqooyiga iyo koonfurta fog ee afrika ku kala yaali ay dhowaan ka mid noqdeen, taas oo tirada dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan ka dhigtay 9 dal oo kala ah, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Burundi, Sierra Leone, Burundi, Masar, Nigeria,iyo Eswatini. Dalalkan qaarkood waxaa Soomaaliya ka jooga ku dhowaad 2 kun oo askari oo militari iyo boolisba leh, mana cadda waxayna xeeldheereyaashu qabaan in ku soo biirista dalalka cusubi aysan wax badan ka badeli doonin wajiga howlgalka iyo firfircoonidiisaba. Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya waa dal weli ku jira xaalad xasilooni darro ah iyo dagaal argagixiso, balse dadweynaha iyo madaxda dalkuba way ogyihiin in isku tashigu uu yahay xalka keliya ee ay dhibaatada kaga bixi karaan,ciidamo shisheeyena aysan wax badan soo kordhinayn. Source: goobjoog.com
  19. Dekedda caasimadda Soomaaliya ayaa weli xiran maalintii Saddexaad, kaddib markii ganacsatada halkaasi ka howl-gasha ay si adag uga horyimaadeen lacag cusub oo lagu soo rogay badeecadaha. Ganacsatada waxay ku tilmaameen lacagahan kuwo sharci-darro ah oo aan wax heshiis ah ku dhisnayn, iyagoo ku doodaya in arrintani wiiqayso dhaqaalaha ganacsiga isla markaana ay horseedday hakad weyn oo ku yimid sahayda badeecadaha daruuriga ah ee magaalada. Mid ka mid ah ganacsatada soo dejinta qalabka elektaroonigga, Cabdirisaaq Nuur, ayaa sheegay in xiritaanka dekedda uu saameeyay alaabtii uu ka sugayay dibadda, taas oo keentay in macaamiil badan ay ka caroodeen dib u dhaca. “Waxaan ku xisaabtameynay in toddobaadkan aan suuq geyno qalabkii cusub ee casriga ahaa ee aan dalbannay, balse haatan dhammaan Alaabtii waa la hakiyay. Ma aha oo keliya khasaaro dhaqaale ee waxaa jirta kalsooni daro ka dhex dhalatay annaga iyo macaamiisheena. Haddii arrintan aan si degdeg ah loo xallin, waxaa dhici karta in suuqa elektaroonigga Muqdisho uu wajahayo koror qiime iyo yaraansho badeecooyinka,” ayuu yiri Cabdirisaaq oo ku sugan Muqdisho. Xaaladda dekedda ayaa durba keentay in bulshada Muqdisho ay ka walaacaan yaraanta sahayda iyo suurtagalnimada sicir-barar. Qoysas badan ayaa ku tiirsan badeecadaha ka soo dega dekedda, halka ganacsatada yar-yar iyo kuwa dhexe ay sheegayaan inay ku jiraan xaalad dhaqaale oo adag. Ganacsatada ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay la fariisato si masuuliyad ku dheehan tahay, lana soo bandhigo xal sharci ah oo waara, ka hor inta aan xaaladdu isu rogin dhibaato hor leh. Source: goobjoog.com
  20. Wararka naga soo gaaraya degmada Gubadley ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in saaka askari ka tirsan ciidamada dowladda uu halkaas ku dilay darawal ka shaqayn jiray gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in muran ka dhashay lacag dhan hal dollar uu sababay dilka, iyadoo ninka askariga ah uu si xabado ku furay darawalka. Markii falkaasi dhacay, ninkii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga ee deegaanka ku sugan. Ehelada darawalka la dilay iyo darawallada kale ee ka shaqeeya isku socodka gaadiidka ayaa sheegay in dhacdadaasi ay cabsi iyo argagax ku abuurtay, waxayna dalbadeen in caddaalad la helo. Maamulka degmada iyo saraakiisha amniga ayaa la filayaa inay ka hadlaan dhacdadan, maadaama ay qayb ka tahay xaaladaha kala dambeynta iyo amni darrida ka jira deegaannada ku xeeran caasimadda. Source: goobjoog.com
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia’s deputy foreign minister, Ali Omar Ali (Balcad), met Saturday with U.S. Senator Ted Cruz, a Republican lawmaker pushing for Washington to formally recognize Somaliland. Source: Hiiraan Online
  22. Puntland Defence Forces pursue Daesh terrorists in the Calmiskaad mountain range hideouts. Boosaaso (PP Editorial) — Puntland State of Somalia is carrying out the final stage of counterterrorism operations in Calmiskaad. For more than nine months, the Puntland State Defence Forces have been fighting Daesh terrorists that established hideouts in the mountainous areas. Puntland has lost many brave soldiers, and many others have been wounded. It is true that Puntland State is wary of allowing for the deployment of the Somali National Army in districts under its jurisdiction. This decision sadly puts Puntland at a disadvantage when it comes to seeking its share of weapons supplied to the Federal Government of Somalia by international partners. Nearly three years ago, Puntland State introduced biometric registration for its forces. This policy has weeded out phantom soldiers who were on the payroll of Puntland State of Somalia. In Boosaaso today, the US Ambassador to Somalia Richard H. Riley IV referred to the Puntland Defence Forces as “local forces”, despite the USA being one of the major supporters of the Somali National Army. The SNA is based in all Federal Member States except Puntland State of Somalia. The Federal Government of Somalia has an obligation to find ways to assuage Puntland State of its fears that SNA units commanded from Mogadishu might undermine, rather than enhance, Puntland Defence Forces. Managing post-civil war mistrust is a responsibility that the Federal Government of Somalia is expected to shoulder through talks with, and visits to, Puntland State of Somalia. The second step to consolidate the biometric registration achievement is for Puntland State of Somalia to follow in the footsteps of the Federal Government of Somalia and to implement a weapons and ammunition management system. “The Federal Government of Somalia (FGS) has become the first country in the world to adopt chemical taggant technology to render its national ammunition stockpile fully traceable,” reported Conflict Armament Research. Before the introduction of the ammunition tracing system, the SNA used a system that detected gun theft by registering the details of the soldier. A soldier who once sold his gun but later applied to join the police force in Mogadishu was flagged by the database as “a soldier who did not return his gun.” In the meantime, Puntland State of Somalia should not shy away from demanding its share of weapons supplied to the Federal Government of Somalia, because Puntland State is a Federal Member State that is at war with transnational terrorism posing a threat to the sovereignty of Somalia. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Needs to Introduce a Weapons and Ammunition Management System appeared first on Puntland Post.
  23. US foreign affairs committee approves expansion of secretive arms stockpile for Israel The full bill reduces oversight on ‘unlimited’ arms transfers to Israel and also grants Marco Rubio the authority to revoke US citizens’ passports over support of ‘terrorism’ News Desk SEP 19, 2025 (Photo Credit: Brian Mast) The US House Foreign Affairs Committee (HFAC) on 19 September voted 27-24 to approve the State Department Reauthorization bill (H.R. 5300), which, among other provisions, permits unlimited transfers of US arms to a special Israel-based stockpile in the next fiscal year. “This bill is not just a reform for today, it is a lasting framework that will strengthen the State Department and benefit every commander-in-chief who follows,” HFAC Chairman and former Israeli army soldier Brian Mast said following the vote. Hidden deep within the State Department funding bill is a provision that calls for repealing oversight controls on “defense articles” transferred to the War Reserve Stock for Allies-Israel (WRSA-I) – a US “emergency” stockpile that Tel Aviv has been significantly relying on since the start of its genocide of Palestinians in Gaza. “[This is] the least transparent mechanism of providing arms to Israel,” former State Department official Josh Paul told Responsible Statecraft earlier this week. In December 2023, Paul told The Guardian that Washington was dipping into WRSA-I to restock quickly-depleting munitions Israel has kept dropping inside the Gaza Strip. “We sort of retroactively build a foreign military sales case, which may or may not need to be notified to Congress, depending on what they took and what quantities […] There’s none of the conventional arms transfer policy review that would normally happen […] Essentially, it’s take what you can and we’ll sort it out later,” Paul said at the time. Created in the 1980s to supply the US military in case of a regional war, the WRSA-I is the largest node in a global network of US weapons caches. Its full contents are not publicly disclosed. In August, an investigation by the Department of War’s Office of the Inspector General found that “the Army, Navy, and Air Force appointed officials to account for WRSA-I inventory, but those officials did not consistently comply with property accountability requirements.” “In addition, the DoD OIG found that Service officials did not conduct all required inventories between FY 2022 and FY 2024,” the report highlights. By 2024, former US president Joe Biden’s administration had temporarily lifted restrictions on the value and type of US weapons transferred to WRSA-I each year. It also bypassed transparency rules by splitting up larger transfers into smaller packages that fell under the $25 million threshold, which would have required notifying Congress. H.R. 5300 seeks to build atop those provisions to reduce congressional oversight further and allow Israel unrestricted access to the strategic stockpile. Since October 2023, Israel has acquired a vast amount of US-made weapons from WRSA-I, fueling what experts describe as the most intense bombing campaign of the 21st century. HFAC members approved the State Department funding bill just days after an official UN commission of inquiry determined Israel is violating the genocide convention in Gaza. “The Commission concludes that the Israeli authorities and Israeli security forces have the genocidal intent to destroy, in whole or in part, the Palestinians in the Gaza Strip,” the report found. Qaran News
  24. Garowe (HOL) – U.S. Ambassador to Somalia Richard H. Riley and Major General Claude Tudor, Commander of U.S. Special Operations Command Africa, met with Puntland President Said Abdullahi Deni in Bosaso on Saturday to commend Puntland’s efforts in combating ISIS and ensuring maritime security. Source: Hiiraan Online
  25. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si mug leh u soo dhaweysay ansixinta Hindise-sharciyeedka sumadiisu tahay “H.R. 5300” oo ay Guddi-hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Maraykanku meel mariyeen, kaasi oo kor u qaadaya iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka. Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Md. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr), ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay caawa barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, wuxuuna tibaaxay in sharcigaasi uu dawladda Washington ku boorinayo inay xarun rasmi ah ka furato magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyo in warbixinaha socdaalka Maraykanku u kala saaro Somaliland iyo Soomaaliya, taasoo kor u qaadaysa fursadaha maalgashi iyo ganacsi ee gobolka. Afhayeenka Madaxweynuhu wuxuu intaas ku ladhay Sharcigani uu ja turjumayo horumar weyn oo la xidhiidha wax wada qabsiga u dhexeeya Somaliland iyo Maraykanka, wuxuuna xusay inuu qaraarkani uu u gudbi doono codbixin buuxda oo Aqalka Wakiillada ah, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo is-dhexgalka shacabka labada dal ee Somaliland iyo Maraykanka. Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu iftiimiyay in Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah dal ku caan baxay nabad, dimuqraaddiyad iyo xasillooni uu rajaynayo inay yeeshaan xidhiidh xoogeysta dowladda Mareykanka, kaasoo ku salleysan masaalix wadaag iyo aragti ku salleysan amniga iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika. Qaran News