-
Content Count
214,707 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka soojeedimaha wax-ka-beddelka ee cutubyada shanaad ilaa sagaalaad. Cutubyadan la wareejiyay ayaa qeyb ka ah hannaanka qabyatirka dastuurka dalka ayaa, sidoo kale, waxaa weheliyay shintiriska loogu talagalay hufnaanta iyo habaynta doodda la xiriirta isbeddelladan la soojeediyay. Tallaabadan ayaa muujinaysa horumar muhiim ah oo laga gaaray geedisocodka dib-u-eegista dastuurka, iyadoo Guddigu ay dadaal u galeen sidii ay isugu dubbbaridi lahaayeen qodobbada u baahan kaabidda iyo sixidda. Wax-ka-beddelka cutubyadan ayaa saamayn weyn ku leh qaabdhismeedka dawladnimo iyo qeybsiga awoodaha, waxaana hadda mas’uuliyaddu u wareegtay dhanka mudanayaasha Labada Aqal oo laga sugayo inay falanqeeyaan, kana doodaan ka hor inta aan go’aan kamadanbays ah laga gaarin. Guddoonka Baarlamaanka ayaa ku bogaadiyay guddiyada shaqadii adkayd ee ay soo qabteen, waxayna sheegeen in dikumentiyadan la horgeyn doono fadhiyada soo socda ee Baarlamaanka si waafaqsan xeerhoosaadka BJFS, si loo xaqiijiyo in dalku ka gudbo dastuurka kumeelgaarka ah, una gudbo dastuur dhammaystiran oo haga nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in laga yaabo in uu ugu dambeyn magaalada ka saaro saraakiisha fulinta socdaalka ee Minneapolis, iyadoo ay sii kordhayaan carada ka dhalatay toogashadii dhimashada lahayd ee kalkaaliye, Alex Pretti, ay geysteen wakiilo federaal ah Sabtidii. Wareysi uu siiyay joornaalka Wall Street, Mr Trump waxa uu sidoo kale sheegay in maamulkiisu uu “dib u eegayo wax walba” ka dib toogashada dhacday. Isagoo la hadlayay BBC, Taliyaha Booliska Minneapolis, Brian O’Hara, ayaa ku eedeeyay saraakiisha gobolka (oo loo xilsaaray inay baaraan toogashada la xiriirta bilayska) inay goor hore diideen in goobta uu dilku ka dhacay ay galaan wakiillo federaal ah, inkastoo ay haystaan warqad baaritaan. Tiro sii kordheysa oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Mr Trump ayaa ku biiraya baaqyada ku aaddan baaritaan buuxa. Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Minneapolis si ay uga soo horjeedaan fulinta socdaalka federaalka. Xigashada Sawirka,Getty Images Dibadbax xooggan ayaa ka socda magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka kuwaas oo looga soo horjeedo laamaha kala duwan ee dowladda federaalka si gaar ah ciidamada Laanta socdaalka ee ICE. Dibadbaxayaal da’ kasta leh ayaa ku dhawaaqayay halkudhigyo ay ka mid yihiin “Minnesota mar dambe maya, Minneapolis shaqo-joojin ayay ku jirtaa” iyo “ICE ha baxdo hadda,” ka hor inta aysan bilaabin inay maraan waddooyinka magaalada. Bilowgii socodkooda ma jirin wax boolis ah oo goobta joogay, halka gawaarida ag maraysay ay seeriga garaacayeen iyagoo muujinaya taageero. Mid ka mid ah ragga aan la hadalnay, oo codsaday in aan magaciisa la sheegin, ayaa watay boor ay ku qoran tahay “Halyeeyada Dagaalka ee Ka Soo Horjeeda ICE”. Bbcsomali Qaran News
-
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa soo gaaray siyaasiyiin uu hoggaaminayo Maxamuud Mashruuc, uuna ku jiro Faarax Cali Shire, kuwaas oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni. Maxamuud Mashruuc oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Puntland carqaladeeysay socdaalkooda Boosaaso oo hakad la geliyay, taas oo ku tilmaamay tallaabo sharic darro ah. Dhanka kale Masharuuc waxa uu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uusan aaminsanyn qaranimada Soomaaliya oo hortaagan yahay difaaca midnimada dalka. Mashruuc ayaa sheegay in xilligan aysan Puntland la hayn dastuur sax ah oo la yaqaan, islamarkaana aan la aqoon in uu yahay kii 2011 iyo kii wax ka badelka lagu sameeyay ee 2023, isaga oo intaas ku saray in ay weli ka taagan tahay doodii 2023. Siyaasiyiinta magaalada Boosaaso yimid ayaa ujeedkooda ku sheegay u kuurgalka xaaladda nololeed & amni ee Puntland, iyo sidoo kale latashiyo ay la sameynayaan bushada. Hoos ka daawo muuqaalka Mashruuc PUNTLAND POST
-
Burco, (Qran news)-Waxa baraha bulshada la wareejinaayay tan iyo maanta in magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer uu ka dhacay mudaharaad balaadhan oo lagaga soo hor jeedo aqoonsiga ay dawladda Israel ay siisay Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland. Waxa fajac iyo amakaag ku noqday shicibka ku dhaqan magaalada Burco warkaasi beenta ah ee ayna waxba ka jirin. Waxa aanu ogaanay in warkaasi beenta ah ay baraha bulshada ku fafinayaan dad ka soo jeeda Somali oo aad uga xun horumarka iyo dawladnimada Somaliland Magaaladda Burco waa hooyda Somaliland dhashay waxana ay u taagantahay Somaliland oo hesha aqoonsi taasi oo aad looga soo dhaweeyay aqoonsigii ay Dawladda Israel ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland Magaaladda Burco waa deegaanada Burco waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu nabdoon magaalooyinka gobolka geeska Africa isla markaasna aad u fidaysa. Xuseen Xasan Saalah Qarannews Burco Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada gaarka ah ee wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee Bariga Afrika, Col. Ryan Flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan saraakiil sarsare. Kulanka waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray howlgalka Daacish ee Calmiskaad iyo xoojinta iskaashiga guud ee la dagaalanka argagixisada. Madaxweynaha Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay dowladda iyo shacabka Puntland uga taageereen in howlgalka Calmiskaad noqdo mid guuleysta. Kulanka waxaa ka qeybgalay agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo wakiilka arrimaha siyaasadda & xiriirka caalamka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. PUNTLAND POST
-
Ciidamada Puntland ee ka dagaalamaya buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta qabtay labo xubnood oo ajaaniib ah oo tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish. Labada xubnood oo la sheegay in ay u dhasheen dalka Yemen waxaa lagu qabtay aaga deegaanka Tasjiic oo hoostaga degmada Boosaaso, iyaga oo ka yimid taliska Shankaala ee togga Baalade, halkaas oo ah meel ay ku dhuumeystaan xubnaha hadaadiga ah ee Daacish. Maalmihii u dambeeyay waxaa soo badanayay xubnaha Daacish ee ajaaniibta ah ee ciidamada Puntland ku qabanayaan buuraleyda Calmiskaad. Puntland waxay haysaa ku dhawaad 60 xubnood oo ajaaniib ah oo lagu qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya. PUNTLAND POST
-
Dowladda Puntland ee hoggaamiye madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaysa in ay ciidamo gayso gobolka Sool, gaar ahaan deegaano ka tirsan degmada Xuddun. Ciidamo dhawaan laga soo dejiyay buuraha Calmiskaad, hadana ku sugan xerada ciidamada 54-aad ee Garowe ayaa xog ay heshay Puntland Post sheegaysaa in ay dhawaan u jihaysan doonaan gobolka Sool. Degmada Xuddun waxaa ku yaalla ceelka Holhol oo markii hore loo aqoon jiray ceelka Nugaal, kaas oo ka mid ah goobihii ugu horreeyay ee sahminta shidaalka laga sameeyo muddo hadda laga joogo 46 sano, baaristaas oo ay sameeyeen shirkado Maraykanka laga leeyahay. Wasiirkii hore ee batroolka iyo macdanta ee dowladd federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sanadkii 2024 sheegay in ceelka Holhol ay heshiis kula galeen shirkad laga leeyahay dalka Qadar. Puntland waxay dhawaan ciidamo gaysay degmo xeebeedka Laasqoray ee gobolka Sanaag, haalkaas oo wararku sheegayaan in dowladda federaalka doonayso in ay saldhig ciidan ka siiso dowladda Turkiga. PUNTLAND POST
-
La-taliyaha arrimaha amniga ee madaxweynaha, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaaciyay tirada ciidamada ay mushaarka siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland. Qarjab ayaa sheegay in 1,376 askari oo ku sugan deegaannadeeda Puntland ka mushaar qaataan Dowladda Federaalka, kuwaas oo loogu talagay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland, sida uu yiri. Wuxuu xusay in qayb ka mid ah ciidamadaas ay ka qaybqaataan sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada, halka kuwana uu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimada Puntland. Magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo waxaa saldhigyo ku leh ciidamo hore uga tirsanaan jiray Puntland oo haatan ku biiray Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin PSF oo uu hoggaamiyo Gen. Maxamuud Diyaano iyo Danab oo xukumo Gen. Jimcaale Jaamaac Takar. Labada ciidan (PSF iyo Danab) iyo dowladda uu hooggaamiyo madaxweyne Deni waxaa hore u dhexmaray dagaallo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo qax oo ka dhacay Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo salka ku hayay arrimo siyaasadeed. Saraakiisha hoggaamisa ciidamadan ayaa dhawaan magaalada Laascaanood kula kulmay madaxdaweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi. PUNTLAND POST
-
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in aysan jirin wax raad ah, saldhig ama joogitaan kooxo argagixiso oo ka jira guud ahaan deegaannadeeda. Qoraal ka soo baxay Ciidanka Booliska Waqooyi Bari ayaa lagu ku beeniyay muuqaal lagu faafiyey baraha bulshada oo ay ka soo muuqdeen koox wejiyada duubtay oo sheegtay in ay ku sugan yihiin Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin Al-shabaab. Ciidanka Booliska Waqooyi Bari waxa uu xusay in uu xaqiijiyay in muuqaalkaas lagu farsameeyey Garaadka Macmalka Ah (AI) looguna talagalay sumcad-dil, cabsigelin bulsho, iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Bari. Booliska Waqooyi Bari waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee khalkhalka gelin kara amniga, islamarkaana ay meel uga soo wada Jeensadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deegannadooda. PUNTLAND POST
-
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku abqalay gogoshii wadahadalka ee ay dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay madaxweyne Xasan Sheekh u soo jeediyeen in uu qaado tallaabooyin u gogol xaaraya in shirku ku dhacdo jawi leh kalsooni iyo niyadsami, wada hadaladuna ay noqdaan kuwo miradhal ah. Waxay ugu baaqeen madaxweynaha in uu gebi ahaanba joojiyo wax ka badelka dastuurka kumeel gaarka ah iyo in ajendayaasha shirka ay noqdaan kuwa mudnaanta koowaad u leh xaaladda hadda ka jirta dalka, gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixsada Al-shabaab & Daacish. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxay dhankooda diyaargarowga shirka u xilsaareen guddigooda farsamada ee uu hogaaminayo Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Cabdullaahi Carab). Screenshot Screenshot PUNTLAND POST
-
Mid ka mid ah maraakiibta jariifka Ilaaladii Soomaalida ahayd ee saarnayd maraakiibta jariifka ah ee ku sugan xeebaha Puntland ayaa dhammaan shaqadii laga cayriyay, waxayna lagu baddelay kuwo ajaaniib ah, sida ay ogaatay Puntland Post. Ku dhawaad boqol ka mid ah ilaalada la eryay oo qaadan jiray lacag u dhexeysa $500 ilaa $700 ayaa maalmihii la soo dhaafay soo gaaray degmooyinka xeebaha Puntland, kuwaas oo hadda wajahaya shaqo la’aan. Sababta shaqada looga cayriyay ilaalada Soomaalida waxaa lagu sheegay in ay la xiriirto ku lug lahaanashaha iyo fududeynta weerarada ka dhanka ah maraakiibta jariifka ee muddooyinkii dambe ka dhacayay xeebaha Puntland. Koox hubaysan ayaa 31 bishii Diseembar 2025 ku qabsaday xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Karkaar markab kuwa jariifka ah oo lagu magacaabo LDY578, kuwaas hadda dalbaday lacag madax furasho ah. Markabkan waxaa sidaan oo kale 2024 qabsaday koox kale oo markii dambe ka qaatay lacag madax furasho ah oo gaaraysa labo milyan oo doolar. Puntland waa maamul bixinayay shatiyada kalluumaysiga laga soo billaabo 1998kii. Xogta maamulladii kala dambeeyay ay ka qariyaan hanti-dhowrka waxaa ka mid ah tirada shirkadaha shisheeye oo haysta shatiyada ay kaga kalluumeystaan badda Puntland iyo meesha ay ku dhacdo lacagaha shirkaduhu bixiyaan. Way adag tahay in la qiyaaso lacagta ka soo xeroota shatiyada kalluumeysiga, waxaana jira tuhun weyn oo ah in xitaa shaqsiyaad ay si sharci-darro ah shatiyo kalluumeysi ku siiyeen shirkado jilaabta kalluunka tuunaha oo ku badan Badweynta Hindiya. PUNTLAND POST
-
Ciidamada Jubaland iyo kumaandooska Danab ayaa weli howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa la sheegay in lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, iyadoo sidoo kale la xusay in lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa. Sidoo kale ciidamada Jubaland iyo Danab waxay soo bandhigeen gaadiid dagaal oo laga gubay kooxda Al-shabaab, kaddib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya. PUNTLAND POST
-
Iyada oo weli uu socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku dhuumaleysanaya buuraha Calmiskaad ayaa sidoo kale waxaa weli jira duqaymaha dalalka shisheeye ay ka gaysanayaan halkaas. Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in todobaadkan uu Maraykanka halkaas ka fuliyay duqeymo, tii ugu dambeysayna ay 24 saac ka hor ka dhacday aaga ceelka Bukuuje ee togga Baalade. “Duqeymo ay fullinayaan saaxiibada dowladda Puntland ee Maraykanka ee taageeraya howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa lagu beegsaday todobaadkan xirxadka argagixisada Daacish, kuwii u danbeeyay waxay 24- saac kahor ka dhaceen aaga ceelka Bukuuje ee togga Baalade, Calmiskaad” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska warfaahinta howlgalka Calmiskaad. “Duqeymaha cirka iyo go’doonka ay ciidankeennu dhulka ka geliyeen firxadka argagixisada, waxay noqdeen firxadkii wax la dilay, wax lagu dabo jiro iyo kuwo isi soo dhiiba. Howlgalkuna waa soconaya inta firxadka u danbeeya lasoo afjarayo” ayaa la raaciyay. Puntland waxay maalmo ka hor soo bandhigtay maxaabiista ajaanibta ah ee argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo u kala dhashay dalala Turkiga, Sacuudiga, Itoobiya, Morooko, Yemen, Siiriya iyo Tansaaniya. PUNTLAND POST
-
Nairobi (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa isku raacay ka qeyb-galka gogosha wadatashiga qaran ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya. Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo casuumadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in maalinta berri ah ay soo saaraan go’aanno rasmi ah. Tan iyo markii ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhawaaqday gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu fidiyay, isbahaysiga mucaaradka ah ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa culeys siyaadadeed kala kulmayay wakiillada beesha caalamka. Wakiilada beesha caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa waxay si cad uga dalbadeen inay aqbalaan casuumaadda Dowladda Federaalka ee gogosha wadatashiga qaran, taas oo ugu dambeyntiina ay isla qaateen. Wakiillada Beesha Caalamka ayaa adkeeyay in xilligan xasaasiga ah loo baahan yahay wada-hadal loo dhan yahay si loo gaaro is-afgarad ballaaran oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, ka hor inta aysan dhammaan muddada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, iyadoo casuumaad loo diray madaxda ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa casuumad rasmi ah u fidisay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Shirweynahan ayaa magaalada Muqdisho ka furmi doona 1-da bisha soo aadan ee Febraayo 2026, sida uu iclaamiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajaheysa loollan waqtiyeed, iyadoo muddo-xileedka hay’adaha dowladda lagu wado inuu dhammaado bartamaha bisha May ee sanadkan. Ismari-waaga ugu weyn ayaa salka ku haya nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa. The post Xog: Golaha Mustaqbalka oo go’aan ka gaaray casuumaadda Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
Dooxa (Caasimada Online) – Khabiir ku xeel-dheer arrimaha gobolka ayaa sheegay in dalalka Carabta iyo awoodaha kale ee gobolka aysan u badnayn inay Israa’iil u ogolaadaan inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, inkastoo ay jiraan wax uu ku tilmaamay isku dayo ay Israa’iil ku dooneyso inay ku ballaariso joogitaankeeda Geeska Afrika. Cali Bakr, oo ah Bare sare oo dhiga Culuumta Xiriirka Caalamiga ah, Amniga, iyo Difaaca ee Jaamacadda Qatar, ayaa wakaaladda wararka ee Novosti u sheegay in Israa’iil ay tan iyo sanadkii 2023-kii raadineysay waddo ay kusoo dhex-gasho Geeska Afrika. Wuxuu intaas ku daray in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu qeyb ka yahay istiraatiijiyad ballaaran oo arrintaas la xiriirta, balse wuxuu ku dooday in dadaalladaasi ay wajahayaan caqabado waaweyn. Bakr ayaa xusay in tallaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay maamul madax-bannaan ay kala kulantay diidmo adag oo kaga timid dalalka Carabta iyo dhowr waddan oo Afrikaan ah, taas oo ku adkeyneysa Tel Aviv inay si rasmi ah cagaha u dhigato gobolka. Wuxuu tilmaamay in awoodaha waaweyn ee gobolka ay horey u lahaayeen dano siyaasadeed, ciidan, iyo dhaqaale oo qoto dheer oo ay ka leeyihiin Soomaaliya. “Sacuudiga, Turkiga, iyo Masar dhammaantood waxay saldhigyo ciidan ku leeyihiin Soomaaliya, marka laga soo tago danahooda istiraatiijiyadeed ee fog,” ayuu yiri Bakr, isagoo raaciyay in Turkiga gaar ahaan uu maalgashi ballaaran ku sameeyay dalka. Bakr ayaa ku nuux-nuuxsaday in Geeska Afrika uu muhiimad istiraatiiji ah oo gaar ah u leeyahay dalka Masar, gaar ahaan xilligan ay jiraan xiisadaha kala dhaxeeya Itoobiya. Wuxuu sharraxay in iskaashi kasta oo dhex mara Israa’iil iyo Itoobiya oo laga sameeyo Somaliland uu xoojin karo awoodda Itoobiya ee gobolka, taas oo ka hor imaanaysa danaha Masar. “Sababtaas awgeed,” ayuu yiri, “waa mid aad u adag in qorshaha Israa’iil ee ay ku dooneyso inay saameyn ku yeelato aaggan uu guuleysto.” Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli Israa’iil ay dhamaadka bishii Diseembar ku dhawaaqday inay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland—oo ah maamul gooni-u-goosad ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya—iyadoo maamulkaas la saxiixatay bayaan is-afgarad iyo aqoonsi labada dhinac ah. Tallaabadan waxaa si adag u qaadacday Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah gobonimada Soomaaliya. Sidoo kale, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika ayaa taageeray mowqifka Soomaaliya, iyagoo xoojiyay taageeradooda ku aaddan midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka. The post Khabiir: Masar, Sacuudiga iyo Turkey waxaa ka go’an in Israel aysan Soomaaliya ka… appeared first on Caasimada Online.
-
Aqoonyahan u dhashay Sacuudi Carabiya, ahna xubin hore oo ka tirsanaa Golaha Shuurada, Dr. Axmed bin Cusmaan Al-Tuwaijri, ayaa si kulul u dhaliilay Imaaraadka Carabta (UAE), isagoo ku eedeeyay inay u adeegayso danaha Israa’iil isla markaana ay ka shaqaynayso wiiqidda midnimada Carabta iyo xasilloonida gobolka. Qoraal uu dhawaan ku daabacay warbaahinta, Dr. Al-Tuwaijri wuxuu ku tilmaamay Imaaraadka “faras qaada aragtida Sahyuuniyadda oo ku dhex jira dunida Carabta, taasoo sida uu sheegay u sahleysa Israa’iil inay saameyn siyaasadeed, amni iyo istiraatiiji ku yeelato gobolka, si loogu adeego danaha Tel Aviv. Aqoonyahanku wuxuu ku dooday in xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Abu Dhabi iyo Israa’iil uusan ahayn mid ku saleysan dan guud oo Carbeed, balse uu ka dhashay cadaawad muddo dheer jirtay oo Imaaraadku u qabo Sacuudiga, iyo sidoo kale xaasidnimo ku saabsan kaalinta diimeed, midda juqraafi-siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee Riyaad ku leedahay dunida Islaamka iyo Carabta. Dr. Al-Tuwaijri wuxuu sheegay in Imaaraadku aaminsan yahay in ku dhowaanshaha Israa’iil uu siin karo awood uu kula tartamo Sacuudiga iyo dalalka kale ee waaweyn ee Carabta, arrintaas oo uu ku tilmaamay khalad istiraatiiji ah iyo khiyaano ka dhan ah midnimada Carabta iyo tan Islaamka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu yiri Abu Dhabi “waxay isku tuurtay gacmaha Sahyuuniyadda, iyadoo rumeysan in xiriirkaasi u sahli doono inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee gobolka, isla markaana ay hoos u dhigto kaalinta hoggaamineed ee Sacuudiga. Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in iskaashiga Imaaraadka iyo Israa’iil uu, sida uu Dr. Al-Tuwaijri ku doodayo, horseeday kordhinta khilaafaadka Carabta dhexdeeda, islamarkaana uu u adeego ajandooyin shisheeye oo aan waafaqsanayn danaha guud ee ummadda Carbeed iyo Muslimiinta. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Imaaraadku uu dhowaan Israa’iil kala shaqeeyay tillaabooyin lagu kala qeybinayo dalalka Soomaaliya, Yemen, iyo Suudaan, islamarkaana uu faragelin foolxun ku hayo arrimaha gudaha ee dalalkaas. Source: goobjoog.com
-
Dubai (Caasimada Online) – Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta ayaa khilaaf xooggan ka dhex qarxay xilli uu dalkaasi wajahayo jab diblumaasiyadeed oo uu kala kulmay dalal badan, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Khilaafkan ayaa banaanka usoo baxay kadib shir ay iskugu yimaadeen madaxda sare ee dalkaasi, kaasi oo hadlayay sidii Imaaraadka uga kaban lahaa guuldarrooyinka soo gaaray. Kulankaasi waxaa si gaar ah uga qayb-galay Maxamed Bin Rashiid Al-Maktuum, oo ah Madaxweyne ku xigeenka Isutagga Imaaraatka Carabta kana ah Ra’iisul Wasaaraha dalka, iyo Madaxweyne Maxamed Bin Zayid, kuwaas oo lafa-guray sidii looga bixi lahaa xaaladda adag ee ka dhalatay fashilkaas siyaasadeed. Maamulka sare ee Dubai oo kamid ah Imaaradaha isu-tagay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay sida Boqortooyada Sacuudiga oo muddo dheer kasii jeeday danaha Imaaraadka ay marqudha u kala furfurtay xargihii adkaa ee dalalka laga eryay Imaaraadka. Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa wajahay go’doon ballaaran oo kaga yimid dalalka Carabta, iyadoo eedeymo hore loogu jeedin jiray ay markii dambe isu bedeleen tallaabooyin cad oo rasmi ah, kuwaas oo sababay in dalal ay Soomaaliya ka mid tahay laga saaro saameyntii Imaaraadka. Dalalka Imaaraadku fara-gelinta ku hayay ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Liibiya, Yemen iyo Suudaan, waxaana ka dhashay isbahaysi ka dhan ah oo ay ku midoobeen Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar, kaas oo ugu dambayn guul ka gaaray siyaasaddii Imaaraadka. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda joojijsay heshiisyada milatari ee ay la gashay Imaaraadka, dalkaas oo dano dekedo iyo saldhigyo milatari ku leh Somaliland, Puntland, iyo Jubaland — deegaanno ay awoodda Muqdisho ku xaddidan tahay. Si kastaba, Sacuudigu ayaa doonaya in uu saameyntiisa gaarsiiyo Geeska Afrika, halkaas oo Imaaraadku uu maalgashi culus ku sameeyay dekedo iyo kaabayaal milatari. Sacuudigu ayaa sidoo kale miisaamaya tallaabooyin ballaaran oo uu kaga hortagayo awoodda Imaaraadka – ma aha oo kaliya Yemen, laakiin waa guud ahaan wadamada nugul ee gobolka, halkaas oo labada quwadood ee Khaliijku ay ku tartamayaan saameynta amniga, dekedaha, iyo siyaasadda. The post Madaxda sare ee Imaaraadka Carabta oo is-khilaafay kadib jabka diblomaasiyadeed appeared first on Caasimada Online.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa xoojinaysa nidaamka qaran ee ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo Khamiistii Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdulqaadir Kaamil Maxamed uu shir guddoomiyay kulan lagu lafaguray dib-u-habaynta istiraatiijiga ah ee nidaamkan. Kulanka oo ka qeyb-galeen xubnaha guddiga isku-xirka qaranka ee qaabilsan dejinta iyo hagidda siyaasadaha ka hortagga lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa wasiirro, xoghayaha guud iyo madaxa xafiiska ra’iisul Wasaaraha, agaasimaha guud ee hay’adda qaranka ee macluumaadka maaliyadeed iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’addaas. Intii shirka socday, guddiga ayaa la hordhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka ay hay’addu ku tallaabsatay tan iyo aasaaskeeda. Warbixinta ayaa iftiimisay hirgelinta hannaan casri ah oo lagu maareeyo xogta maaliyadeed, kobcinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, iyo doorka ay hay’addu ku leedahay qiimeynta wadajirka ah ee uu hoggaaminayo GAFIMOAN, oo ah urur goboleed la shaqeeya hay’adda caalamiga ah ee FATF. Gunaanadka wada-hadallada kadib, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu meel-mariyay miisaaniyadda hay’adda qaranka ee macluumaadka maaliyadeed ee sanadka 2026, taas oo u oggolaanaysa hay’adda inay yeelato madax-bannaani dhaqaale si loo kordhiyo hufnaanta iyo wax-ku-oolnimada shaqadeeda. Lama shaacin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan qaddarka miisaaniyadda la ansixiyay. Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in tallaabadan looga dan leeyahay xoojinta u hoggaansanaanta Jabuuti ee heerarka caalamiga ah ee la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, isla markaana lagu dhisayo kalsooni dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka maaliyadeed ee dalka. Xukuumadda Jabuuti ayaa mar kale adkeysay sida ay uga go’an tahay taageeridda casriyeynta hay’adaha ka shaqeeya arrimahan muhiimka ah, si Jabuuti ay u noqoto xarun maaliyadeed oo ammaan ah, sharciyeysan, isla markaana la jaanqaadda hab-raacyada ugu sarreeya ee caalamiga ah. The post JABUUTI oo xoojinaysa nidaamka ka hortagga… appeared first on Caasimada Online.
-
Satellite view of the Middle East and Horn of Africa, highlighting Somaliland’s strategic position along the Red Sea corridor. Attribution (beneath or in footnote): Map source: Google Maps ©2026 Google. Screenshot adapted for editorial use. Closing the Red Sea Gap: Somaliland–Israel Alliance and the Bab el-Mandeb Corridor Mustafe Jambir The Bab el-Mandeb corridor, connecting the Red Sea to the Gulf of Aden, has become one of the most contested maritime chokepoints in the world. Global trade, energy flows, and security converge here, yet instability and rivalries have left a strategic gap. Somaliland’s push for recognition, coupled with Israel’s maritime security imperatives and the support of Abraham Accord partners, offers a new axis of stability — one that directly challenges the dominance of Turkey, Somalia, Egypt, Djibouti, Saudi Arabia, and China. Regional Contestation Turkey and Qatar have entrenched themselves in Mogadishu, leveraging Somalia’s instability to project influence. Egypt guards its Suez Canal monopoly, wary of alternative maritime hubs. Djibouti rents its geography to foreign bases, while Saudi Arabia balances its Red Sea security with opposition to Israel and hesitation toward Somaliland’s independence. China has emerged as the most formidable external actor. Through its Belt and Road Initiative, Beijing has invested heavily in Red Sea ports, railways, and logistics hubs. Its military base in Djibouti — the first overseas base of the People’s Liberation Army Navy (PLAN) — gives China a permanent foothold at the mouth of Bab el-Mandeb. This dual-use strategy, combining commercial expansion with military presence, positions China against any alliance that could dilute its influence or empower democratic actors like Somaliland. Beijing’s ambitions are clear: dominate maritime chokepoints, secure energy flows, and project power across Africa and the Middle East. Together, these states resist recognition of Somaliland, fearing disruption of their strategic monopolies and spheres of influence. Somaliland’s Strategic Leverage Somaliland’s geographic position at the Gulf of Aden offers: • Port access: Berbera as a potential hub for trade and naval logistics. • Democratic governance: A contrast to authoritarian or unstable neighbors. • Security reliability: A partner capable of countering piracy, terrorism, and illicit trafficking. Recognition of Somaliland would close the “Red Sea gap” by inserting a stable, democratic actor into the maritime equation. Israel’s Calculated Partnership Israel’s security depends on uninterrupted maritime routes through the Red Sea. An alliance with Somaliland provides: • Maritime defense depth: Joint monitoring of Bab el-Mandeb against hostile actors. • Strategic counterbalance: A partnership that undermines adversarial coalitions. • Symbolic recognition: Strengthening Somaliland’s case internationally while reinforcing Israel’s regional alliances. Abraham Accord Partners as Force Multipliers The Abraham Accord countries — UAE, Bahrain, Morocco, and Sudan — expand the coalition’s reach: • UAE: Advanced naval assets, logistics, and investment capacity. • Bahrain: Maritime monitoring expertise transferable from the Gulf to the Red Sea. • Morocco: Diplomatic reach in Africa, supporting recognition campaigns. • Sudan: Geographic presence along the Red Sea, critical for corridor security. Together with Israel and Somaliland, these states form a coalition that balances against Turkey, Somalia, Egypt, Djibouti, Saudi Arabia, and China. Recommendations for a Joint Force Posture Drawing inspiration from NATO’s Arctic strategies, Somaliland, Israel, and Abraham Accord partners could pursue the following measures: • Expand early warning and maritime tracking Deploy radar, satellite, and drone systems along Somaliland’s coast and Sudan’s Red Sea frontage. (Key partners: Israel, UAE, Sudan, US) • Develop uncrewed naval systems Use drones and autonomous vessels to patrol chokepoints, counter piracy, and detect hostile submarines. (Key partners: Israel, UAE, Bahrain, Somaliland) • Field a denser monitoring network Establish coastal sensor arrays, patrol vessels, and joint maritime command centers in Berbera and Port Sudan. (Key partners: Somaliland, Sudan, Israel) • Leverage commercial and military assets Integrate Berbera and Port Sudan into global logistics chains, while hosting allied naval rotations. (Key partners: Somaliland, UAE, Israel) • Integrate Red Sea and Gulf of Aden operations Coordinate naval doctrines across the Red Sea, Bab el-Mandeb, and Arabian Sea to strengthen deterrence. (Key partners: Israel, Somaliland, UAE, Bahrain, US, EU) • Counter China’s dual-use expansion Develop alternative trade corridors and naval partnerships that reduce reliance on Chinese-controlled infrastructure. (Key partners: Israel, UAE, Morocco, Somaliland) • Diplomatic recognition campaign Leverage Morocco’s African diplomacy and UAE’s global reach to push for Somaliland’s recognition, framing it as essential for corridor stability. (Key partners: Morocco, UAE, Israel) Toward Recognition Through Security Recognition of Somaliland is not only a diplomatic act but a strategic necessity. By aligning with Israel and the Abraham Accord states, Somaliland can demonstrate its value as a stabilizing force in the Red Sea corridor. Together, they can close the Red Sea gap — ensuring that this vital artery of global trade is safeguarded against authoritarian monopolies and hostile coalitions led by Turkey, Somalia, Egypt, Djibouti, Saudi Arabia, and China. About the Author Mustafe Jambir is a Somalilander researcher specializing in geopolitics, foreign relations, governance, and development policy, with a focus on the Horn of Africa. His work combines political analysis, monitoring and evaluation, and policy research to examine state-building, resilience, and institutional performance. He is also a writer on Somali culture, identity, and leadership. Qaran News
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2026/01/6a3725cbe1329077504668d9924d837b.mp4 Qaran News
-
Qaahira (Caasimada Online) – Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee Isgaarsiinta iyo Macluumaadka, kaas oo ay isugu yimaadeen wasiirro iyo masuuliyiin ka socday dalalka Carabta. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira horumarinta isgaarsiinta, tiknoolojiyadda iyo jihada mustaqbalka dijitaalka ee dalalka xubnaha ka ah golaha Carabta. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirka ku matalayay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Maxamed Adam Macallin (Soomaali), kaas oo door muuqda ka qaatay kulamada iyo wada-tashiyada istiraatiijiga ah ee ajendaha shirka. Wasiirka ayaa madasha ka caddeeyey aragtida Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda, isaga oo adkeeyey baahida loo qabo qorshe mideysan oo lagula jaanqaadayo isbeddellada dijitaalka. Sidoo kale, Wasiirka ayaa si gaar ah u muujiyey muhiimadda ay leedahay iskaashi Carbeed oo mideysan, si loo dhiso mustaqbal dijitaal oo waara loona dardar-geliyo horumarka dalalka xubnaha ka ah golaha. Intii uu socday shirka, waxaa sidoo kale la falanqeeyey fursadaha iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta, horumarinta adeegyada dijitaalka, iyo sidii loo xoojin lahaa doorka tiknoolojiyadda ee kobaca dhaqaale iyo horumarka bulshada. Ka-qaybgalka Soomaaliya ee kulankan heer gobol ah ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ka mid noqoshada dadaallada wadajirka ah ee Carabta, ka-qayb qaadashada go’aamada saameeya horumarka dijitaalka iyo xoojinta iskaashiga ku saleysan aqoon wadaag iyo tiknoolojiyad casri ah. The post Masar oo marti-gelisay shir heer sare ah oo Soomaaliya ka qeyb-gashay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
On December 26th 2025 the BBC News website published a report on the topic of Israel’s freshly announced recognition of the Republic of Somaliland under the headline “Israel recognises Somaliland as independent state, Netanyahu says”.Credited to Tom McArthur and Abdirahman Ali Dhimbil, the report opens by telling readers that:“Israel has become the first country to formally recognise Somalia’s breakaway region of Somaliland as an independent nation. Prime Minister Benjamin Netanyahu, said Israel intended to immediately expand cooperation in agriculture, health, and technology. Somaliland’s president, Abdirahman Mohamed Abdullahi, called the development “a historic moment”.” On the topics of Somaliland and its history, readers find just three paragraphs: “Somaliland has a strategic position on the Gulf of Aden, and has its own money, passports and police force. Born in 1991 after a war of independence against former dictator General Siad Barre, it has grappled with decades of isolation ever since. With a population of almost six million, the self-proclaimed republic has recently been at the centre of several regional disputes involving Somalia, Ethiopia and Egypt. Last year, an agreement between landlocked Ethiopia and Somaliland to lease a stretch of coastline for a port and military base angered Somalia.” On December 30th the BBC news website published an article by Wedaeli Chibelushi and Ameyu Etana of BBC Afaan Oromooand and Farah Lamane of BBC Somali headlined “Why Israel’s recognition of Somaliland as an independent state is controversial”. The “controversial” framing is repeated in the article’s opening lines: “Israel has taken the controversial decision to recognise the breakaway state of Somaliland as an independent nation, sparking condemnation from many other countries. Israel became the first in the world to do so on Friday, more than 30 years after the region declared independence from Somalia.” Somaliland’s history is described as follows: [emphasis added] “A breakaway, semi-desert territory on the coast of the Gulf of Aden, Somaliland declared independence after the overthrow of Somali military dictator Siad Barre in 1991. The move followed a secessionist struggle during which Siad Barre’s forces pursued rebel guerrillas in the territory. Tens of thousands of people were killed and towns were flattened. Though not internationally recognised, Somaliland has a working political system, government institutions, a police force, and its own currency. Its history as a distinct region of Somalia dates back to nineteenth century colonial rule. It was a British protectorate – known as British Somaliland – until it merged with Italian Somaliland in 1960 to form the Somali Republic. Those in favour of Somaliland’s independence argue that the region is predominantly populated by those from the Isaaq clan – an ethnic difference from the rest of Somalia. Also, Somaliland, home to roughly six million people, enjoys relative peace and stability. Its proponents argue that it should not be shackled to Somalia, which has long been wracked by Islamist militant attacks.” The same article later promotes an inaccurate claim: “A few months ago, a number of news outlets reported that Israel had contacted Somaliland over the potential resettlement of Palestinians forcibly removed from Gaza. Israel did not comment on the reports, but at the time, Somaliland said that any move by Israel to recognise its independence would not have anything to do with the Palestinian issue. Both Somalia and the Palestinian Authority have suggested Israel’s recognition of Somaliland could be linked to a plan to displace Palestinians.” On January 6th the BBC News website published a report by Abdirahman Ali Dhimbil of BBC Somali and Wedaeli Chibelushi headlined “Israel’s foreign minister on historic visit to Somaliland” which also opens with promotion of the “controversial” framing. “Israel’s foreign minister has held talks with Somaliland’s president on his first visit to the breakaway region since Israel controversially recognised it as an independent country.” The sole portrayal of Somaliland’s history in that report reads as follows: “Somaliland declared independence from Somalia in 1991, after the overthrow of Somali military dictator Siad Barre.” Members of the BBC’s funding public looking for more information about Somaliland may be surprised to find that the corporation’s most recent profile was last updated in early January 2024, with no reason given for the announcement that “This page is no longer being updated”. That profile does however include a description similar to those appearing in the BBC’s recent reports. [emphasis added] “A breakaway, semi-desert territory on the coast of the Gulf of Aden, Somaliland declared independence after the overthrow of Somali military dictator Siad Barre in 1991. The move followed a secessionist struggle during which Siad Barre’s forces pursued rebel guerrillas in the territory. Tens of thousands of people were killed and towns were flattened. Though not internationally recognised, Somaliland has a working political system, government institutions, a police force and its own currency. The former British protectorate has also escaped much of the chaos and violence that plague Somalia.” A report published by The Africa Watch Committee in January 1990 estimated that “the number of people killed during the past nineteen months […] is in the vicinity of 50,000 to 60,000”. An article published at The Nation in 2018 includes the following: “Between 1987 and 1989, the regime of Somali dictator Siad Barre massacred an estimated 200,000 members of the Isaaq tribe, the largest clan group in the northwest part of Somalia. At the time, some Isaaqs were fighting for independence, and to eliminate the threat, Barre tried to exterminate all of them. Experts now say there are more than 200 mass graves in Somaliland, most of them in the Valley of Death.” Yale University’s Genocide Studies Program defines those events as the Isaaq genocide. The Lemkin Institute put out a statement in 2022 which includes the following: “A United Nations investigation concluded in 2001 that the killing of Isaaq individuals was a crime “conceived, planned and perpetrated by the Somali government” and therefore a breach of the Genocide Convention. The persecution resulted in the deaths of 50,000 to 250,000 members of the Isaac clan between 1987 and 1989. This genocide also caused almost the complete destruction of the second and third largest cities of Somalia, where the Isaaqs made up the majority: Hargeisa (90 percent destroyed) and Burao (70 percent destroyed). These events led 500,000 Somali individuals (primarily members of the Isaaq group) to flee their country and cross the border to Hartasheikh (Ethiopia) to seek shelter. The Isaaq genocide was committed mainly in the region now called Somaliland, which declared independence from Somalia in 1991 in part to protect Isaaq clan members from further atrocities. The territory of Somaliland has been governed by a succession of democratically-elected governments that continuously and tirelessly seek international recognition as the independent Republic of Somaliland.” As we see, the context of that genocide is not made adequately clear in the BBC’s recent portrayals of Somaliland’s declaration of independence or in its now archived profiles. That omission is of course particularly notable given that the BBC has repeatedly demonstrated over the past two years that it is not shy about using the word genocide in a different context. Remarkably, the BBC chose to frame recognition of a democratic country which it acknowledges has a “working political system” and “its own currency” – as well as defined borders – as “controversial”. In contrast, BBC audiences saw no such framing when, in September 2025, the corporation extensively covered the recognition of a Palestinian state (which lacks such features and has not held elections for two decades) by the UK and other countries. Qaran News
