-
Content Count
213,116 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo caawa warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in albaabada la’isugu dhuftay xarunta Naafic Herbal oo ku taal magaalada Muqdisho, taas oo ahayd xarun loo doonan jiray adeeg caafimaad. Golaha ayaa bayaanka ku sheegay in xaruntan ay saameysay xadgudub wayn, isla markaana khatar ku ah caafimaadka bulshda, kadibna sidaas loo xiray. Qoraalka ayaa lagu sheegay in la helay caddeymo muujinayo in xarunta Naafic Herbal ay faafisay macluumaad khaldan, ayna sidoo kale sameysay xayeysiin marin habaabin ah. Waxaa kale oo lagu eedeyay warbixinta in xarunta ay bixin jirtay adeegyo aysan u haysan shati iyo caddeyn cilmiyeed, taas oo keentay in ugu dambeyn la xiro. “Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo kaashanaya Hoggaanka Baarista Dambiyada (CID) ayaa maanta si rasmi ah u xiray xarunta Naafic Herbal, kadib markii lagu helay caddeymo muujinaya in ay faafinayaan macluumaad khaldan oo khatar ku ah caafimaadka bulshada, ayna ku hawllan yihiin xayeysiinno marinhabaabin ah, ayna bixiyaan adeegyo aysan u haysan shati iyo caddeyn cilmiyeed, sidoo kalena ay dhibaateeyeen bukaanno Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warqad kasoo baxay golaha. Sidoo kale Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa digniin u diray xarumaha kale ee caafimaad ee ku yaalla caasimada, wuxuuna uga digay inay sameeyaan xayeysiinno ka baxsan anshaxa iyo marin habaabinta bulshada Soomaaliyeed. “GMCQ waxa uu sidoo kale digniin adag u dirayaa dhammaan xarumaha caafimaadka ee ku howlan marin habaabin ama adeegyo aan sharci ahayn” ayaa lasii raaciyay bayaanka Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Goluhu wuxuu mar kale xaqiijinayaa inay ka go’an tahay ilaalinta caafimaadka bulshada iyo hubinta in dhammaan adeegyada caafimaad ee dalka ay waafaqsan yihiin sharciga iyo anshaxa mihnadeed ee dalka”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay xog culus oo ku saabsan ciidamo uu sheegay in haatan lagu diyaarinayo duleedka Muqdisho. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu hayo xog sugan oo uu ka xaqiijiyay dhinacyo kala duwan, taas oo sheegeysa in illaa 3,500 oo askari haatan lagu diyaarinayo duleedka waqooyi ee caasimada, isla markaana la doonayo in loo adeegsado dano siyaasadeed oo gaar an. “Waxaa bannaanka usoo baxay xogo sugan oo aan ka xaqiijiyay ilo wareedyo la’isku halayn karo, taas oo muujineyso in duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho lagu diyaarinayo ciidamo gaaraya SADDEX KUN IYO SHAN BOQOL oo askari, kuwaas oo la doonayo in loo adeegsado wax ka baxsan waajibaadka sharciga ah” ayuu yiri Xildhibaan Caananuug. Caananuug ayaa sidoo kale xogta uu soo bandhigay ku sheegay in arrintan uu ku lug leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh, uuna doonayo inuu awood ciidan ku maquuniyo mucaaradka kasoo horjeedo, maadaama lagu jiro marxalad adag oo siyaasadeed. “Sida aan xogta ku helay waxaa muuqata in MW Xasan Sheekh Maxamuud uu isku diyaarinayo si uu awood ciidan ugu adeegsado siyaasiyiinta mucaaradka ah, maadaama muddo xileedkiisa ay bilo kooban ka harsanyihiin” ayuu sii raaciyay Xildhibaanku. Waxaa kale oo uu farriin u diray siyaasiyiinta mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, isaga oo ugu baaqay inay la socdaan “isku dayga hubeysan” ee laga abaabulayo duleedka Muqdisho. “MADASHA SAMATABIXINTA SOOMAALIYEED iyo bulshada rayidka ah waxaa looga baahanyahay inay si gaar ah isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqan gurracan ee halista ku ah xasiloonida, nabadda iyo dowladnimada” ayuu mar kale qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka Ugu dambeyn wuxuu warqadda uu soo saaray xildhibaanka farriin culus ugu diray dalalka taageera Soomaaliya, isaga oo ka codsaday inay ka hortagaan in hubka loogu talagalay la dagaallanka argagixisada loo adeegsado dano siyaasadeed iyo ujeedooyin kale oo gaar ah.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ay kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan. Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqangalay qodob kamid ah heshiiskii ay dhawaan gaareen Madaxweynaha Soomaaliya iyo afar kamid ah xubnaha mucaaradka ee isaga baxay Madasha Samatabixinta, waxaana lagu dhawaaqay xisbigii ugu horreeyay oo ay yeelanayaan xubnaha heshiiska la galay si u galaan doorashada tooska ah. Xisbigan oo la magac baxay Hormarka iyo Midnimada Qaranka ee Soomaaliya (NPU) ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo kamid ah ragga heshiiska la gaaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad wayn oo lagu daah-furay xisbigan ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb-galay odayaasha dhaqanka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, dhalinyaro, culima-u-diin, haween iyo ururrada bulshada rayidka ah. Shariif Xasan oo qoraal soo saaray ayaa ku dhawaaqay in xisbigiisa uu u furan yahay cid kasta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka qayb-galo doorashada dalka ka dhaceysa. “Aniga oo ah Sharif Hasan Sheikh Adan waxaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqnay aas-aaska Xisbiga Hormarka iyo Midnimada Qaranka ee Soomaaliya (NPU)” ayuu yiri Shariif. Sidoo kale wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono horumarka dalka, sidii la’isugu soo dhaweyn lahaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed. “Aniga iyo xubnaha xisbiga NPU, waxaa nago’an inaan ka shaqeyno hormarinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo midnimo, nabad iyo horumar dhab ah” ayuu raaciyay. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo maalmo kahor ay Villa Somalia heshiis ku gaareen Madaxweyne Xasan, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Wasiir hore Daahir Maxamuud Geelle iyo guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Sidoo kal Bayaan ka soo baxay kulankooda ayaa waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen in Baarlamaanka uu doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. “Hoggaamiyayaasha iyo ku-xigeennada dowlad-goboleedyada waxaa soo dooranaya golayaasha wakiillada dowlad-goboleedyada,” ayaa lagu yiri bayaanka ay si wadajir ah u soo saareen dowladda iyo xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Heshiiskan ayaa sidoo kale qeyb ka ah in magacaabista Ra’iisul Wasaaraha uu leeyahay Madaxweynaha, iyadoo codka kalsoonida u qaadi doono Baarlamaanka, uuna awood u yeelanayo inuu kala laabtana.
-
Nomadic Meat Corp Somaliland Launch & MOU Signing Nomadic Meat Corp (NMC), a Delaware registered U.S. company, is preparing for its official launch in Somaliland with the signing of strategic Memorandums of Understanding (MOUs) with leading hay farmers and livestock suppliers. This milestone marks the beginning of a new chapter for Somaliland, transforming the nation from Africa’s leading livestock exporter into a global hub for value added premium organic meat processing. Through these MOUs, NMC will secure sustainable supply chains for its state of the art meat processing facility in Berbera, ensuring reliable sourcing, community partnership, and long term growth. Event Details The official launch date and venue will be announced shortly. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Unknown gunmen shot and killed a prominent elder, Aden Mohamud Buurdhubo, in the Gedo region’s Beled Hawo district on Monday night, residents said. Source: Hiiraan Online
-
“Wadada labada boqol haddii Aad dhinaca Bari u socoto waxaad galaysaa goolad aan lahayn wax calaamad ah oo cidhiidhi ku ah gaadiidka yaryar, Hal mar ayaad koonfur u jeedsanaysaa sida Aad u socoto, Gaadiidka waawayni dhawr jeer ayey goolada dhaafeen oo jar dheer ka daateen waayo calaamadi ma jirto, sida gaadhigu highway u socdo ee uu taraag u yahay ayuu goolad cidhiidhi ah galayaa ka dibna jarkuu ka boodayaa, la isma waydiin ha la balaadhiyo goolada, calaamado ha la sameeyo sheegaya goolada iyo inta ay jirto, falaadh tilmaamaysa e si aan gaadhigu jarka uga dhicin waxa ay sameeyeen kaabado shub ah, Waxba may Soo kordhin aan khasaare iyo dhimasho ahyn, gaadhigu in uu jarka ka dhaco iyo in uu shub ku dhaco labadaba waa khasaare, Arinta kale ee mucjisada ahi waxa weeye gaadiidka 60ka ton sida ee is jiidanayaa goolada markii ay Mari Kari waayeen haadka kale ayey ka baydhaan inta ay jidka iska eegaan in gaadhi ku Soo jiro.” Waxa Qoray :- Foosi Wadaad yare Qaran News
-
Somali police burn 250 cartons of seized drugs in Mogadishu
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Mogadishu (HOL) — Somali police on Tuesday publicly burned 250 cartons of drugs in Mogadishu after seizing them during an attempted illegal import, authorities said. Source: Hiiraan Online -
Guddoomiye ku xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka koowaad kalfadhiga todobaad Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Ugu horrayn kulanka ayaa lagu dhaariyay Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) oo dhowaan Golaha wakiillada Puntland ay u doorteen in uu ka mid noqdo Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu dhaariyay Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle. Intaasi ka ka dib xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee kalfadhiga todobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad. Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare in ay dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajib ka gudashada shuruucda muhiimka u ah ee golaha horyaala. PUNTLAND POST The post Senetar laga soo doorto Puntland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyay xubin ka tirsan Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.
-
How strong local governance lifted the port city of Berbera
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
CBE Considers Opening Branches in UAE Cities to Tap Diaspora Market The Commercial Bank of Ethiopia (CBE) is preparing to open branches in Dubai and other cities in the United Arab Emirates, targeting Ethiopian diaspora communities. CBE President Abe Sano led a senior delegation to Dubai last week, holding discussions with Ethiopian diplomats, community leaders, and financial institutions. The meetings included Ambassador Aklilu Kebede, Consul General in Dubai and Northern Emirates, and Idris Bunsuro, chair of the Ethiopian Community Association board. Talks focused on providing accessible banking services, strengthening remittance flows, and supporting diaspora-led investment. The UAE branches are expected to prioritise cities with large Ethiopian populations. The bank said the initiative responds to repeated requests from diaspora members for secure and tailored financial services. CBE, which has more than 1,940 branches in Ethiopia, previously operated branches outside the country in Djibouti and Sudan but has limited its overseas presence to the Horn of Africa. The move to the Gulf would mark its first expansion into the Middle East. Abie Sano, President of CBE, confirmed that the bank is working to ensure legal compliance for cross-border transfers, with consultations held with Al-Ansari Exchange Group and other partners to strengthen secure and regulated remittance channels. Birrmetrics Qaran News
-
Xayawaannada dab-joogta ah sida eeyaha, bisadaha iyo shimbiraha ayaa kaalin muhiim ah ku leh nolosha aadanaha, iyadoo ay ka qayb qaataan dheelitirka deegaanka iyo abuurista nolol isku dheeli tiran, hase yeeshee, waxaa inta badan dhaca in carruurta qaarkood ay xayawaannadaasi kula dhaqmaan dhibaato, iyagoo ka dhigta madadaalo ama ciyaar, taas oo dhaawac weyn ku ah naxariista bani’aadamka iyo nolosha xayawaanka laftiisa. Khabiirada tarbiyadda ayaa tilmaamaya in carruurta lagu barbaariyo naxariista xoolaha iyo xayawaannada si ay ugu koraan dad damiir iyo daryeel leh, waxayna intaas ku darayaan in dhaqanka carruurta ee la xiriira xayawaannada uu yahay mid saamayn togan ku yeesha bulshada mustaqbalka, maadaama qofka u naxariista makhluuqaadka yar uu sidoo kale u nugul yahay inuu u naxariisto dadka. Xuquuqda XayawaannadaXayawaannadu waxay leeyihiin xuquuq asaasi ah oo bani’aadamka looga baahan yahay in la dhowro, Xuquuqahaas waxaa ka mid ah: 1. Xuquuqda nolosha iyo ilaalinta – in aan si xaq-darro ah loo dilin ama loo dhibaateyn. 2. Xuquuqda cunto iyo biyo nadiif ah – in loo helo nafaqo ku filan si ay ugu noolaadaan caafimaad qab. 3. Xuquuqda caafimaadka – in la daweeyo marka ay bukoodaan ama dhaawacmaan. 4. Xuquuqda deegaanka ku habboon – in aysan ku noolaan xaalado cadaadis leh ama meel aan ku habboonayn dabiicigooda. Xuquuqahan waxaa aqoonsaday hay’ado caalami ah sida Hay’adda Caalamiga ah ee Xuquuqda Xoolaha (World Animal Protection), waxayna noqdeen xeerar ku qotoma bani’aadantinimada iyo wada-noolaanshaha. Tusaalaha Islaantii reer Israa’iil Dhaqanka Islaamka ayaa si weyn uga hadlay naxariista loo hayo xoolaha iyo xayawaannada. Waxaa jirta xadiis caan ah oo ka warramaya haweeney reer Israa’iil ka tirsanayd oo jannada lagu gallay waraabin ay u waraabisay eey oo harraad daran ku jiray. Nabiga (NNKH) ayaa sheegay in falkaas yar ee naxariista ah uu sababay in Alle dambi dhaaf u sameeyo, una abaal mariyo janno. Dhacdadan ayaa muujinaysa in xitaa xayawaanka aan hadlin ee daciifka ahi uu leeyahay qiimo weyn oo qofka bani’aadamka ah looga baahan yahay inuu u muujiyo daryeel iyo naxariis. Si kastaba ha ahaatee Wacyigelinta carruurta ee ku aaddan daryeelka xayawaannada dab-joogta ah waa maalgashi mustaqbal, waxayna ka hortagtaa dhaqammo qalafsan oo mustaqbalka bulshooyinka dhibaato ku keeni kara. Isla markaana, waxay carruurta baraysaa qiyamka Islaamka iyo bani’aadantinimada ee ku dhisan naxariis, daryeel iyo wada-noolaansho. Source: goobjoog.com
-
Duqa degmada Gaalkacyo, Maxamed Abdirisaaq Daacad oo maanta Shir deg deg kula ballansan xildhibaannada golaha degaanka degmadaasi ayaa lagu soo warramayaa in uu xilka iska casilayo. Maayir Daacad oo farriin qoraaleed u diray xubnaha golaha degaanka Gaalkacyo ayaa ka dalbaday in ay maanta Shir deg deg ah isugu yimaadaan, balse wax faahfaahin ah ma raacin qoraalkiisa, sidan ka xiganay xubno ka tirsan golaha degaanka Gaalkacyo. Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya maayirka Daacad uu shirkan deg deg ah kaga dhawaaqi doono in uu si rasmi ah isaga casilay xilkii duqa degmada Gaalkacyo, markii uu ka shaqayn waayay xubnaha golaha degaanka oo u badan dhalinyaro mar kasta dhaqaale doon ah. Mar aan isku daynay in aan xiriir la samayno maayirka si aan uga xaqiijino warka ku saabsan iscasilaaddiisa nooma suurta-gelin, waxaase isa soo taraya wararka sheegaya in uu xilka iska casili doono, balse weli xaqiijin baan ku wadnaaa xogtaasi. PUNTLAND POST The post Puntland: Duqa degmada Gaalkacyo oo lagu wado in uu maanta xilkii iska casilo appeared first on Puntland Post.
-
Dawlada UK- Oo xidhiyay Safaaradii ay ku lahayd dalka Masar
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo xidhay safaaradooda Qaahira ka dib markii masuuliyiinta Masar ay ka qaadeen xeeyndaabkii dhanka ammaanka ee dhismahaasi. Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa sheegay in dhismaha ugu weyn ee safaaraddu ay ku leedahay degmada Garden City ee caasimadda uu sii xirnaan doono “ilaa laga dhammeeyo qiimeynta saameynta isbeddelladan”, isagoo dhanka kale cadeyay in safaaraddu ay sii wadi doonto howlaheeda shaqo. Go’aankan ayaa lagu soo waramayaa inuu yimid kadib markii si is daba jooga ah ay Masar u dalbatay in jawaab laga bixiyo sidii UK ay u maareysay mudaaharaad hore oo ka dhacay magaalada London. Daily News Egypt ayaa ku warantay in todobaadkii hore la xiray nin taageersan dowladda ka dibna la sii daayay ka dib markii ay u muuqatay in uu ka hortagay oo ay isku dhaceen dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaaradda Masar ee Boqortooyada Ingiriiska. Wararka ayaa tilmaamaya in wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdel Aty uu todobaadkii hore taleefoon kula xiriiray la taliyaha amniga qaranka ee Britain Jonathan Powell, isagoo ka codsaday in la caddeeyo xariga. Abdel-Ati ayaa horay u sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay “ka jawaabto” wadamada “ku guuldareystay in ay dammaanad qaadaan ilaalinta safaaradaha Masar si waafaqsan qodobbada Axdiga Vienna.” Xadhiga ayaa dood ka dhaliyay Masar, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadda Masar ay ka codsadeen dowladda Masar inay ka qaadaan xeeyndaabka hore safaaradda UK ee Qaahira. Bbcsomali Qaran News -
Iyadoo xiisadaha ka dhanka ah dadka muhaajirinta ah ay sare u kaceen guud ahaan Britian ayaa qaxootiga gobolka Wiltshire ee galbeedka Ingiriisku waxay sheegeen inay aad uga baqayaan inay ka baxaan guryahooda. Maxamed waxa uu dalka UK yimid 2021-kii, isaga oo ka soo qaxay dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Suudaan. Hadda waxa uu haystaa aqoonsi qaxootinimo waxana uu u shaqeeyaa sidii maamule – laakiin waxa uu sheegay in isaga iyo qaxoontiga kale aanay ka tagin guryahoodii Swindon marka ay shaqada ka soo laabtaan sababta oo ah waxa ay “ka baqayaan” in “la beegsado” ama “lagu garaaco”. Dashi, oo UK timid gabar caruusad oo caruur ah , oo 13 jir ah, kana timid Soomaaliya, ayaa ku baaqday waxbarasho dheeri ah in la siiyo dadweynaha si ay “si bulshooyinka layasagu soo dhaweeyo”. Hogaamiyaha golaha deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo in laga doodo socdaalka balse uu dadka ka niyad jabiyay in ay mudaaharaad ka dhigaan meel ka baxsan huteel magangalyo oo magaalada ah. Mudaaharaadyada ka dhanka ah muhaajiriinta ee bannaanka hoteellada laga dhigayo ay deggan yihiin ayaa ku fiday dalka oo dhan tan iyo markii ay mowjado mudaaharaad ah ka dhaceen Hotel The Bell ee Epping, Essex. Swindon waxa ay hore u lahayd saddex hotel oo ay degenaayeen magangalyo-doon laakiin hadda waxa jira hal kaliya, kaas oo ay ku nool yihiin in ka yar 100 qof. Hogaamiyaha Golaha Deegaanka Swindon, Jim Robbins, ayaa soo saaray bayaan uu kaga codsanayo dadka degan Swindon in aysan ku mudaaharaadin banaanka hoteelada dadka magan galyadoonka la dajiyey. Waxa uu yiri: “Tani ma ah inaan rabno inaan joojino ka hadalka arinta muhaajiriinta , laakiin inta badan magangalyo-doonka magaalada waa qoysas mana rabno inaan aragno caruur horey uga soo qaxay xaalado cabsi iyo khatar ah oo dibadda ah si ay u dareemaan cabsi gudaha guryahooda Swindon sidoo kale.” Mr Robbins ayaa sheegay in xildhibaanadu “ay fahmeen xoogga dareenka arrintan leedahay”. Laakiin waxa uu kula taliyay dibad baxayaasha in ay “bartilmaameedsadaan dadka wax samayn kara”. Waxa uu yidhi: “Waxa jirta dood adag oo ah in aanay arrintani ahayn mid dawladda hoose uun khusaysa, laakiin waxa aanu ka door bidi lahayn in dadku ku mudaharaado bannaanka dhismayaasha dawladda hoose ee jidka Euclid halkii ay ka baxsan lahaayeen hudheel ay carruurtu ku nool yihiin.” bbcsomali Qaran News
-
Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade, oo uu wehelinayo Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka, Mudane Maxamed Xasan Xuseen Wallore, ayaa maantashir-guddoomiyay kulanka amniga gobolka Mudug. Shirka oo ka dhacay xafiiska maamulka gobolka ayaa waxaa si buuxda uga soo qayb galay dhammaan xubnaha Guddiga Amniga gobolka, oo ka kooban saraakiisha ciidamada kala duwan, maamulka heer degmo iyo gobol, iyo masuuliyiin kale. Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka, iyo sidii la isku waafajin lahaa qorshayaasha wadajirka ah, sidoo kale in la dardar-geliyo wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka. Guddoomiyaha gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade ayaa shir-guddoonka ka jeediyay baahida loo qabo sugidda nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo ciidamada, iyo la-dagaallanka falalka amni-darrada. Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Maxamed Xasan Wallore ayaa ku booriyay xubnaha guddiga in ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada si looga hortago wax kasta oo carqaladeeya xasilloonida gobolka. Ugu dambeyn shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aamo iyo qorshayaal la taaban karo oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo wada-jir dhameystiran oo u dhexeeya maamulka, ciidamada iyo bulshada gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Shir ku saabsan Sugidda Amniga Mudug oo Gaalkacyo lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Kenya and Uganda have agreed to eliminate all existing tariff and non-tariff barriers hindering trade between the two countries and to align all trade-related commitments with the East African Community (EAC) treaty and protocols. Source: Hiiraan Online
-
Liverpool have completed the signing of Alexander Isak from Newcastle United in a Premier League-record transfer Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa soo xiray tababarka gaarka ah ee dufcaddii ugu horreysay ee Layli Saraakiil ah, kuwaas oo qaadanayay tababar Kumaandoos ah. Munaasabadda lagu soo xirayay tababarkan ayaa ka dhacday Dugsiga Tababarka Gaashaanle Xasan Tuure ee xerada Baledogle, halkaas oo ay Layli Saraakiishu kusoo bandhigeen dhoolatus ciidan oo muujinayay xirfado tababar oo heer sare ah, kana tarjumayay natiijada waxbarashada iyo tababarka adag ee ay soo mareen. Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay tababaradani u leeyihiin dhismaha iyo tayeynta ciidanka. Wuxuu sheegay in tababarka noocan ah uu si gaar ah uga qayb qaadanayo kor u qaadista xirfadaha Saraakiisha, Saraakiil-xigeennada iyo Askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka Qaranku ay u baahan yihiin aqoon iyo xirfado casri ah si ay ula jaan qaadaan caqabadaha amni ee dalka ka jira, ayna awood ugu yeeshaan difaaca qaranka iyo ka qayb qaadashada sugidda xasilloonida. Tababarkani waxa uu astaan cad u yahay dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo hoggaanka ciidamada ay ku doonayaan in lagu xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka, si ay u noqdaan ciidan awood u leh difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Ethiopia and Somaliland have agreed to explore closer financial cooperation, including the possible establishment of a branch of Ethiopia’s state-owned Commercial Bank in Somaliland. Abdinasir Ahmed Hersi, governor of Somaliland’s central bank, and Mamo Mihretu, governor of National Bank of Ethiopia, met in Addis Ababa on Saturday to discuss collaboration on payments and settlement systems, foreign exchange and trade financing, FinTech licensing, and anti-money laundering measures. Both sides agreed to form a joint technical working group to follow up on the initiatives. Governor Hersi highlighted the strategic role of Somaliland’s Berbera Port and its trade corridor for Ethiopian commerce, urging swift progress on banking and insurance frameworks to support port operations. Governor Mihretu welcomed the plan and said the matter would be raised with Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs. Officials also discussed formalising financial flows, regulating khat trade across the border, and enhancing banking access for regional businesses. The central banks pledged to continue collaboration to support economic growth and strengthen regional stability. Birrmetrics Qaran News
-
President Donald Trump is considering US Somaliland recognition, a move championed by Senator Ted Cruz to counter China, secure a new military base, and combat terrorism in the Horn of Africa. White House Considers Somaliland’s Independence President Donald Trump confirmed on August 8 that his administration is actively reviewing the possibility of formally recognizing the breakaway state. “We’re looking into that right now,” Trump stated in the Oval Office, later adding, “We’re working on that right now, Somaliland.“ Senator Ted Cruz, chairman of the Senate Foreign Relations Subcommittee on Africa, expressed strong confidence in the move. “There is a very real opportunity that President Trump will recognize Somaliland during this administration,” Cruz said, framing it as part of a “new era of clarity in American national security.“ Proposed US Military Base in Somaliland Somaliland’s government has offered the U.S. an air and sea base at its port of Berbera, strategically located near the entrance to the Red Sea. The site includes one of Africa’s five longest runways, presenting an opportunity for a combined naval and air force presence. This offer is contingent on the United States granting formal diplomatic recognition. The potential base offers an alternative to Camp Lemonnier in Djibouti, the largest U.S. military installation in Africa, where security concerns have grown due to nearby Chinese military facilities. A significant portion of global trade, thirty percent of the world’s container ship traffic, passes through Somaliland’s waters. Countering China in Horn of Africa Proponents argue that recognizing Somaliland would serve as a critical bulwark against regional rivals. Senator Cruz stated that Somaliland “is committed to helping us counter efforts by China to undermine the safety and prosperity of Americans.” The port at Berbera is a strategic asset that both Russia and China have reportedly attempted to acquire. In addition to military positioning, Somaliland is also offering the United States access to its reserves of rare earth minerals, including lithium and silicon quartz. The growing influence of both China and Turkey in the region has reportedly fueled dissatisfaction in Washington with the long-standing “one Somalia” policy. US Somaliland Recognition and One Somalia Policy Debate The current official U.S. position is the “one Somalia” policy, which recognizes the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, including the territory of Somaliland, which broke away in 1991. The U.S. has described Somalia as a terrorist safe haven, and U.S. Africa Command has increased airstrikes against ISIS and al-Shabab. Despite the White House’s interest, the State Department maintains the status quo. A spokesperson stated, “The United States recognizes the sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia, which includes the territory of Somaliland. The State Department is not in active discussions with Somaliland’s representatives about a deal to recognize Somaliland as a state.” Next Steps for US-Somaliland Partnership Senator Cruz has pledged to continue advocating for the partnership through his role on the Africa Subcommittee in the Senate. He described Somaliland as a “Muslim country, in a very dangerous part of Africa, showing real courage.“ Somaliland’s president, Abdirahman Mohamed Abdullahi, believes recognition is inevitable. “It’s a matter of time. Not if, but when,” he said on May 30, adding that recognition is “on the horizon.” President Abdullahi is expected to visit Washington D.C. soon to further discussions. miraz.tv Qaran News
-
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda dalka Serbia, iyagoo ku socdaal rasmi ah oo loogu talagalay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Serbia. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka. Markii wefdigu gaareen magaalada Belgrade, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Serbia, Mudane Bratislav Gašić, oo muujiyay sida dalkiisu ugu faraxsan yahay booqashada wafdiga Soomaaliya. Inta lagu jiro booqashada, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulamo rasmi ah la yeelan doona madaxda ugu sarreysa ee Serbia, kuwaas oo lagu gorfeeyn doono xoojinta iskaashiga labada dal. Ajandaha ugu weyn ayaa diiradda saaraya wada-shaqeynta dhanka amniga, difaaca, iyo horumarinta xiriir guud oo istiraatiijiyadeed oo labada dal ay ku wada shaqeyn karaan mustaqbalka. Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia, iyadoo la filayo in labada dhinac ay ka wada hadlaan arrimo muhiim u ah iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidamada, taas oo lagu xoojinayo awoodda dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Booqashadan ayaa loo arkaa mid ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto dhismaha iskaashi caalami ah oo ku saleysan amniga iyo difaaca, taas oo qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee ah in la xoojiyo xiriirka caalamiga ah si loogu guuleysto dagaalka lagula jiro argagixisada, isla markaana loo dhiso nabad waarta. Source: goobjoog.com