-
Content Count
211,194 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Axaddii, kadib cadaadis xooggan oo uga yimid ciidamada Maraykanka, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Middle East Eye. Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa loo wareejiyay Wasaaradda Dekedaha, iyadoo ay jiraan calaamado muujinaya in taageeradii militari ee Maraykanka uu siinayay Soomaaliya ay hoos u dhacday. Laba ilo wareed ayaa sheegay in dadaalladii Wasiir Cabdulqaadir uu ku doonayay inuu xoojiyo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinacyada difaaca, tamarta, iyo hawada sare ay ka careysiisay Washington, taas oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika. Intii uu wasiirka ahaa Cabdulqaadir, Soomaaliya iyo Turkigu waxay February 2024 kala saxiixdeen heshiis ballaaran oo dhinacyada ciidamada badda, ganacsiga iyo difaaca ah. Faahfaahinta heshiiskan lama shaacin si buuxda, laakiin waxaa ku jiray samaynta ciidanka badda Soomaaliya iyo sahanka kheyraadka tamarta, taas oo qayb ka ahayd jawaab-celin laga bixiyay heshiiska Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland. Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qalin-jabiyay Jaamacadda Ankara isla markaana xiriir dhow la yeeshay madaxda Turkiga, ayaa la sheegay inuu ka xanaajiyay Maraykanka. Cadaadis ka yimid Maraykanka Mas’uul Soomaali ah ayaa u sheegay Middle East Eye in saraakiisha Maraykanku ay si joogto ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu cadaadinayeen inuu xilka ka qaado Nuur, iyagoo ku eedeeyay inuu iskaashi ku filan la samayn waayay ciidamada Maraykanka. “Sidoo kale waxay codsadeen inay helaan nuqul ka mid ah heshiiskii la saxiixay February,” ayuu yiri mas’uulkaasi, isagoo intaa ku daray, “Waxay ka walwalsanaayeen qorshayaasha la xiriira in Turkigu Soomaaliya ka hirgeliyo saldhig hawada sare oo laga yaabo inay ku jiraan tijaabooyin gantaallo riddadoodu dheer tahay.” Waxaa kale oo Maraykanka ka careysiiyay heshiisyada Turkigu kula galay Soomaaliya ee la xiriira sahminta shidaalka iyo gaaska. Labada ilo ayaa sheegay in tallaabadii ugu dambeysay ee sii xumeysay xaaladda ay ahayd markii Turkigu Talaadadii hore Muqdisho keenay laba diyaaradood oo dagaal oo nooca Bayraktar Akinci ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Maraykanku waxay si cad u sheegeen in aysan aqbali doonin arrintan, taas ayaana sababtay go’aanka ugu dambeeyay ee xilka looga qaaday wasiir Nuur,” ayuu yiri mid ka mid ah ilaha. Horraantii February, safaaradda Maraykanka ayaa ka digtay weerarro Al-Shabaab qorsheynaysay inay ku qaaddo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo meelo kale oo muhiim ah, taas oo sababtay in shirkadaha diyaaradaha Qatar Airways iyo Turkish Airlines ay baajiyaan duulimaadyo badan. Dhanka kale, bishii February, madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump ayaa amray duqeymo lala beegsaday hoggaanka kooxda Daacish ee Soomaaliya. Maraykanku wuxuu sidoo kale bishii March joojiyay dhaqaalihii uu siin jiray ciidamada Danab, oo ah cutub ciidan oo heer sare ah oo uu tababaro Taliska Maraykanka ee AFRICOM. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa sheegay in hadda ay lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay raadsato ilo dhaqaale oo kale oo lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada Danab. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga Mas’uul ka tirsan dowladda Turkiga ayaa hoos u dhigay saameynta xilka qaadista Cabdulqaadir ay ku yeelan karto xiriirka Ankara iyo Muqdisho, isagoo ku adkeystay in xiriirkoodu ku saleysan yahay iskaashi hay’adeed, oo aysan saameyn ku yeelan doonin isbeddelka shakhsiyaadka. “Tani waxba kama beddeleyso xiriirkayaga. Heshiisyada Muqdisho lala galay waxay ku saleysan yihiin iskaashi hay’adeed,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga. Tunc Demirtas, oo ah khabiir ka tirsan machadka SETA ee Ankara, ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xarriiqay in muhiimaddu ay noqon doonto xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo laga duulayo danaha labada dhinac. Middle East Eye ayaa ka codsatay dowladda Maraykanka inay arrintan ka jawaabto, balse weli kama hadal.
-
Abu-Dhabi (Caasimada Online) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa si xooggan u cambaareysay weerarkii argagixiso ee lagu doonayay in lagu khaarijiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Mudane Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo falalka argagixisanimo iyo dambiyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo dhammaan noocyada rabshadaha iyo argagixisada ee ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taasoo ka hor-imanaysa shuruucda caalamiga ah. Mudane Sheekh Shakhboot ayaa sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehellada dadkii ku waxyeelloobay weerarkan argagixiso, u diray tacsi tiiraanyo leh iyo garab istaag buuxa, isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan dadkii ku dhaawacmay. Sidoo kale, dowladda Qatar ayaa si adag u cambaaraysay qaraxii Talaadada lala beegsaday kolonyadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu xaqiijiyey mowqifka adag ee dalkaasi ka qabo diidmada rabshadaha iyo argagixisada nooc kasta ha ahaato sababta iyo ujeeddadu. Sidoo kale, bayaanka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi, iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho Talaadadii, abaare 10:32 AM, gaar ahaan degmada Xamarjajab, meel u dhaxaysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho. Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha oo u socday furimaha dagaalka ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday. War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in qaraxa uu haleelay mid ka mid ah afarta gaari ee khaaska ah ee Madaxweynaha oo nooca aanay xabadu karin ee loo yaqaan “Buruufta”. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, iyagoo sheegay in qof is qarxiyey. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa, waxaana ballan-qaaday inay faahfaahin dheeraad ah soo saari doonaan. Warbaahinta madaxa bannaan ee isku dayday inay tabiso xogta ayaa loo diiday goobta, iyadoo qaar ka mid ah wariyayaashana la xiray. Qaraxa ayaa keenay dhimashada dad badan oo shacab ah, iyadoo guri dabaq ah uu ku dumay dad ku sugnaa gudaha. Dhanka kale, waxaa jira askar ka tirsan ciidanka Madaxweynaha oo dhaawacyo soo gaareen. Dowladda Federaalka ayaa ku tilmaantay weerarka mid muujinaya sida ay kooxdu ugu jirto xaalad quus ah oo sii kordheysa, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka ay guulo muhiim ah ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisa sii wata ayaa booqday magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori, iyadoo qorshaha socdaalkiisu yahay inuu dhawaan u guuro magaalada Cadale, halkaasi oo uu dagaalka ka hoggaamin doono. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab aanu noqon doonin mid la jilcinayo, iyadoo kaashaneysa midnimada shacabka iyo taageerada saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad iyo xasilooni waarta.
-
Abu Dhabi (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta ayaa cadaadis xooggan ku saaraya maamulka madaxweyne Donald Trump inuu meesha ka saaro qorshaha Masar u dejisay dib-u-dhiska Gaza, kaas oo ay horay u ansixiyeen waddamada Jaamacadda Carabta, sida ay mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah u sheegeen Middle East Eye. Khilaafka ku saabsan arrintan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo diblomaasiyiinta Maraykanku ka walaacsan yihiin inuu dhaawacayo danaha Washington ee gobolka. Khilaafkani wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa tartanka ka dhex jira waddamada Carabta ee ku saabsan cidda hoggaamin doonta maamulka iyo dib-u-dhiska mustaqbalka Gaza, iyo khilaafka fikirka ee ku saabsan heerka saameynta kooxda Hamas ay ku yeelan karto. Cadaadiska Imaaraadka ayaa xaalad adag geliyay Masar, maadaama labada waddanba si guud u taageeraan Maxamed Dahlaan oo ah siyaasi hore uga tirsanaa Fatax balse hadda dibad-joog ah. “Imaaraadku kaligii ma hor istaagi karin qorshaha Jaamacadda Carabta markii hore la ansixiyay, balse hadda waxay maamulka Trump ku cadaadinayaan inuu meesha ka saaro,” ayuu yiri sarkaal Maraykan ah oo la hadlay Middle East Eye. Imaaraadku wuxuu adeegsanayaa xiriirka dhow ee uu Aqalka Cad la leeyahay si uu u dhaleeceeyo qorshaha Masar, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay mid aan suurtagal ahayn, isla markaana Masar siinaya awood aad u badan kooxda Hamas. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Washington, Yuusuf Al-Cuteyba, ayaa si gaar ah ugu ololeynaya inuu maamulka Trump iyo aqalka sharci-dejinta Maraykanka ku cadaadiyo Masar inay aqbasho dadka Falastiiniyiinta ah ee khasab looga barakicinayo Gaza, sida ay Middle East Eye u xaqiijiyeen mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah. Hore ayuu Al-Cuteyba si cad u sheegay inuu ku raacsan yahay fikradda Trump ee ah in Falastiiniyiinta si khasab ah looga raro Gaza, isaga oo sheegay inaanu arkin qorshe kale oo lagu beddeli karo. Kooxda Hamas ayaa asal ahaan ka soo jeedda Ururka Ikhwaanka ee Masar laga aas-aasay, kaas oo Imaaraadku si xooggan uga soo horjeedo guud ahaan gobolka. Dowladda militariga ah ee Masar ayaa iyaduna si weyn u cadaadisay Ikhwaanka, balse waxay oggolaansho siisay saraakiisha Hamas inay gudaha dalkeeda ku safraan. Sirdoonka Masar ayaa muddo dheer xiriir la lahaa xubnaha sare ee Hamas, gaar ahaan garabka ciidamada ee Qassam, kaas oo Masar ay marar badan u adeegsatay dhex-dhexaadinta colaadaha Gaza. Imaaraadka oo ka carooday wada-hadalkii Maraykanka iyo Hamas Imaaraadku wuxuu qorshaha Masar ku dhaliilay inuusan si cad u qeexin sida Hamas hubka looga dhigayo ama looga saari karo maamulka Gaza. Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku adkeysanaya in qorshahoodu cad yahay oo maamulka Gaza lagu wareejin doono maamulka Falastiin, iyadoo la qorsheynayo ciidamo nabad sugid ah oo tababarkooda ay bixin doonaan Masar iyo Urdun. Waxaa sidoo kale jirta fursad ah in ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay la geeyo Gaza iyo Daanta Galbeed. Hamas ayaa qorshaha aqbashay, halka Israa’iil ka soo horjeeddo in colaadda heer caalami laga wada xaajoodo, sida ay diblumaasiyiin gobolka ahi sheegeen. Maraykanka ayaa bishii Janaayo dhex-dhexaadiyay heshiis xabbad-joojin oo hadda ku dhow inuu burburo, iyadoo Israa’iil ay Gaza ka jartay korontadii. Duqeymo ay Israa’iil qaaday dhowaan ayaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka. Maraykanku wuxuu Hamas u soo bandhigay qorshe ay ku sii daynayaan 27 qof oo maxaabiis ah, taas beddelkeedana la ballaarinayo heshiiska xabbad-joojinta. Hamas waxay dhinaceeda ku adkeysatay inay doonayso heshiis nabadeed oo rasmi ah, sida lagu heshiiyay Janaayo. Maamulka Trump ayaa sheegay inuu taageerayo dib u bilaabidda dagaalka Gaza ee ay Israa’iil waddo. Hase yeeshee, diblumaasiyadda Maraykanka ayaa qalqal xoog leh gashay kaddib markii Adam Boehler, oo ahaa wakiilkii Trump u magacaabay arrimaha maxaabiista, uu kulan toos ah la yeeshay Hamas magaalada Dooxa ee Qadar. Aqalka Cad wuxuu sheegay in kulanku ku koobnaa sii-daynta maxbuus Maraykan ah, balse Boehler ayaa CNN u sheegay inuu Hamas kala hadlay heshiis nabadeed oo 5 ilaa 10 sano ah oo ay ku jirto in Hamas ka baxdo siyaasadda isla markaana Gaza laga dhigo goob ka caaggan hubka. Hadalladaas ayaa caro xooggan ka dhaliyay Israa’iil iyo xubnaha aqalka Kongareeska ee taageera Israa’iil, taas oo keentay in magacaabistiisii Jimcihii dib loogala noqday. Kulankan ayaa sidoo kale caro weyn ka dhaliyay Imaaraadka Carabta, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maraykanka iyo Masar. Maraykanka oo qiimaynaya inuu dhimo kaalmada militari ee uu siiyo Masar Mas’uuliyiin Maraykan iyo Masar ah ayaa sheegay in ololaha Imaaraadku saameyn ku yeeshay xiriirka labada waddan, iyadoo Maraykanku u sheegay Masar inuu qorshaynayo inuu yareeyo gargaarka militari ee Masar uu siiyo sannadka 2026. Mas’uuliyiinta Masar ayaa sheegaya in gargaarku muhiim u yahay heshiiska nabadeed ee Camp David ee 1979 ay la galeen Israa’iil. Sidoo kale, Maraykanku wuxuu walaac ka muujiyay in yareynta gargaarku ay Masar ku riixi karto inay hub militari ka raadiso Ruushka iyo Shiinaha. Masar ayaa sannadkii hesha $1.3 bilyan oo kaalmo militari ah, iyadoo horeba $300 milyan shuruud looga dhigay arrimaha xuquuqda aadanaha. Saameynta dhaqaalaha Maraykanku ku leeyahay Masar ayaa si weyn hoos ugu dhacday sannadihii dambe, iyadoo hadda gargaarku uu yahay wax ka yar 0.5% dhaqaalaha guud ee Masar. Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa Aqalka Cad uga digay in yaraynta gargaarka militari ay xiriirka Masar ku riixi karto dalal kale oo ay hub ka soo iibsadaan. Saaxiibbo aan isku qanacsaneyn: Imaaraadka iyo Masar Xiisadda hadda jirta waxaa sii adkeeyay taageerada labada dal ay si wadajir ah u siiyaan Maxamed Dahlaan oo ay doonayaan inuu noqdo mas’uulka ugu sarreeya Gaza mustaqbalka. Sannadkii hore, Imaaraadku wuxuu ku dhawaaqay inuu Masar ku maalgelinayo $35 bilyan. Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada waddan ayaa hadda wajahay caqabado cusub iyadoo Imaaraadka iyo Masar ay dhinacyo iska soo horjeeda ku taageerayaan dagaalka Suudaan. Xiisaddan ayaa sare usii kacday markii maamulka Trump lagu soo warramay inuu doonayo inuu cadaadis ku saaro Suudaan iyo Somaliland inay aqbalaan Falastiiniyiinta khasab looga barakicinayo Gaza, iyadoo Imaaraadkuna saamayn xoog leh ku leeyahay Somaliland. Si kastaba, Trump ayaa bishii Maarso isaga laabtay qorshihiisii ahaa in Falastiiniyiinta si khasab ah loo barakiciyo, kaddib kulan gaar ah oo uu Aqalka Cad kula yeeshay Boqorka Urdun, isagoo weriyeyaasha u sheegay, “Qofna si khasab ah looma rarayo.”
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hubanti ah in Al-Shabaab looga adkaaday dagaalkii fool ka foolka ahaa, waxaana hadda soo foodsaartay cabsi xoog leh. Ifafaalaha wejiga labaad ee dagaalka iyo jabkii ay kala kulmeen soo rogaal-celintii Shabeellaha Dhexe ayaa ina tusaya in Al-Shabaab ku fashilmeen dagaalkii fool ka foolka ahaa. Tani waa sababta keentay weerarkii iyo shirqoolkii la soo maleegay ee shalay lagu qaaday gaadiidkii galbinayay Madaxweyne Xasan, oo ay Al-Shabaab u arkayeen wedkooda. Kooxaha siyaasiyiinta ah, dalalka deriska, iyo qaar badan oo Carab iyo Reer Galbeed ah ayaa ka soo horjeeda in Al-Shabaab laga guuleysto oo laga sifeeyo geyiga Soomaaliyeed. Al-Shabaabkii qarsoonaa maalmo dhaw waa bannaanka imaan doonaan; hadda waxaa socda dad is qariya, waxaase iman doonta maalin aan arki doonno rag leh “Al-Shabaab maxaa laga rabaa?” oo u doodaya, iyo dowlado hore u hubayn jiray oo toos ula safanaya. Shirqoolka shalay waa fashilmay, madaxweynihiina waa badbaaday, kooxihii magaca mucaaradka ku dhuuman jirayna waa soo if-baxayaan. Hannaanka dagaalka toddobaadyada soo socda guud ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, Al-Shabaab waa laga sifeyn doonaa. Sidoo kale, dagaalku wuxuu noqon doonaa mid ciribtir ah, kaasoo laysku arki doono kaymaha Jubbooyinka. Marka dagaalka Al-Shabaab laga soo jeesto, waxaa dalka ka dhici doona tirakoob iyo diiwaangelin dadweyne. Maamulkii diidaana waxba kuma yeelan doono dowladda cusub ee beddelaysa dowladda hadda jirta. In dowladda cusub ku timaado qof iyo cod waa bilowga wejiga labaad ee Soomaaliyada cusub, waayo waxaa la rabaa in maalgashiga dalka ay saxiixdo dowlad ay dadweynuhu doorteen, sidoo kale khayraadka dalka waxaa soo saari karta dowlad dadku soo doortay. Arrimahani waa kuwa Mareykanka ka cadheysiiyay iyo Reer Galbeedka, oo uga cabsi qaba in Turkiga, Ruushka, iyo Shiinaha ay Soomaaliyada cusub saamayn ku yeeshaan. Dalka Imaaraatka, oo dakhliga ugu weyn ka helo dekaddaha iyo dalxiiska, wuxuu ka baqayaa in Soomaaliya cagihiisa isku taago, adduunkuna u soo dalxiis tago, dekaddahaheeduna noqdaan kuwo isku xidha Afrika, Aasiya, iyo adduunka kale. Soomaaliya waxa loo dibindaabyeynayaa waa in lagu dul noolaado, si aysan fursadaha u bannaan uga faa’iideysan. Dalalka doonaya dhibkeeda waxay dhiirrigeliyaan Al-Shabaab iyo maamullada shisheeyaha ku daaban, sidoo kale siyaasiyiinta xil-doonka balse rajo xun. Nin diidan in talada dadka loo celiyo, dadweynuhuna ay doortaan xildhibaanka, golaha deegaanka, iyo madaxweynaha, dastuurkana la dhammeystiro, wuxuu rabaa inuu ina dhaho “Dan shacab baan wadaa.” Dagaalka iyo shirqoolka la hurinayo waxaa laga baqayaa in shacabku is-abaabulo, waana sababta dacaayadaha baraha bulshada loo wareejinayo. Dadweynuhu maaha kuwii shalay, wayna og yihiin dantooda, nin u daran iyo mid la duubanba. W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
-
Moqokori (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hoyanaya jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa caawa kulan kula qaatay degmada Moqokori Hoggaanka Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada hormuudka u ah howlgallada xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka xogwareystay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo Hoggaanka Ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira, iyagoo soo bandhigay sida ay ciidamada u dhiirri-gelinayso in Madaxweynihii Qaranka uu kula sugan yahay furinta dagaalka, si dhowna ula socdo guulaha, baahiyaha iyo geesinimada Ciidanka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Muqdisho ka ambabaxay ayaa isku maray degmooyinka Aadan-yabaal oo Sh/Dhexe ah iyo Moqokori oo Hiiraan ka tirsan, waxaana kolonyadiisa lagu qarxiyey Muqdisho, intii uu u sii socday garoonka. Madaxweynaha ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ayaa qorsheynaya in maalmaha soo socda uu deegaanada HirShabeelle ka hoggaamiyo hawlgallada xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab soo galeen toddobaadyadii lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa u kuur-galay maanta xaaladda ciidamadii iyo xoogaggii shacbiga ee uu la kulmay kuwaas oo u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeystay talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka,. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna,” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey in Khamiista uu dego magaalada Cadale, halkaas ayuu ka hoggaami doonaa dagaalka Khawaarijta, waxaana howlgallada loo badinayaa dhanka duqeymaha. Diyaaradaha dagaalka ee casriga ee AKINCI-TB3 oo Turkigu farsameeyo ayaa maanta laga soo dejiyey Muqdisho, kuwaas oo maalmaha soo socda ka qeyb qaada doona dumeymaha Al-Shabaab, siyaaradahaan waxaa la sheegay in milkiyadooda ay leedahay dowladda Soomaaliya.
-
Abu Dhabi, United Arab Emirates – The United Arab Emirates and Qatar have strongly condemned an attempted assassination attack on the convoy of Somali President Hassan Sheikh Mohamud in Mogadishu, which resulted in civilian deaths and injuries. The incident, which occurred on Tuesday morning in the Hamar Jajab district of the capital, targeted the president’s motorcade as it was en route to the front lines in the Hiiraan and Middle Shabelle regions, where government forces are battling the Al-Shabaab extremist group. While President Mohamud escaped unharmed, the attack, which involved a vehicle laden with explosives, caused significant casualties among civilians and damaged one of the president’s bulletproof vehicles. Al-Shabaab has claimed responsibility for the bombing, stating it was a suicide attack. International condemnation Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, the UAE Minister of State for Foreign Affairs, issued a statement expressing his country’s strong condemnation of the “terrorist attack” and such “criminal acts.” He emphasized the UAE’s unwavering stance against all forms of violence and terrorism aimed at undermining security and stability, in violation of international laws. The UAE minister conveyed his sincere condolences and full solidarity to the Somali government and people, particularly the families of the victims, and wished a swift recovery to those injured in the attack. Similarly, Qatar’s Ministry of Foreign Affairs released a statement condemning the bombing that targeted the president’s convoy. The statement reiterated Qatar’s firm position against violence and terrorism, regardless of the motives or reasons. Qatar also extended its condolences to the families of the deceased and to the government and people of Somalia. Details of the attack The explosion struck the presidential convoy at approximately 10:32 AM local time in Mogadishu’s Hamar Jajab district, between the Eelgaabta intersection and the port. The Somali government confirmed the attack, stating that it had been foiled and that President Hassan Sheikh Mohamud was safe and continued on his journey. Initial reports indicate that one of the four special bulletproof vehicles in the president’s convoy was hit. Authorities have launched a thorough investigation into the exact number of casualties. While independent media attempting to cover the incident were reportedly denied access to the site and some journalists were allegedly detained, the government acknowledged that several civilians were killed, including residents of an apartment building that collapsed due to the blast. Some members of the president’s security detail also sustained injuries. The Somali federal government described the attack as a sign of Al-Shabaab’s increasing desperation, particularly in light of the significant gains made by the Somali National Army and local forces in their ongoing operations against the group, especially in the Middle Shabelle region. President Hassan Sheikh Mohamud continued his planned trip, visiting the towns of Adan Yabaal and Moqokori. His itinerary includes moving to Adale soon to personally oversee the military operations against Al-Shabaab. The government has reiterated its commitment to an unwavering fight against Al-Shabaab, emphasizing the importance of national unity and the support of international partners in achieving lasting peace and stability in the country. Somalia’s protracted conflict Somalia has been grappling with a long-standing insurgency by Al-Shabaab, an Islamist militant group linked to al-Qaeda. The group has been fighting to overthrow the internationally recognized government in Mogadishu and establish its own rule based on its strict interpretation of Islamic law. President Hassan Sheikh Mohamud, who was re-elected in May 2022, has vowed to intensify the fight against Al-Shabaab. The group has frequently targeted government officials, security forces, and civilians in its efforts to destabilize the country. The Hiiraan and Middle Shabelle regions have been key areas of conflict in recent months, with government forces, often supported by local clan militias, launching significant offensives against Al-Shabaab. These operations have reportedly resulted in the liberation of several towns and villages previously held by the insurgents. The attempted assassination of President Mohamud underscores the persistent threat posed by Al-Shabaab and the ongoing challenges facing Somalia in its efforts to achieve lasting peace and security.
-
Ciidamada difaaca Puntland oo hawlgal ay ka sameeyay nawaaxiga togga Miiraale ayaa halkaasi ku diley in ka badan 23 dagaallame oo ka tirsan Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. “Miiraale – Ciidanku waxay hawlgal ay ka sameeyeen Togga Miiraale 48-dii saac ee u danbeysay ay ku dileen in ka badan 23 Argagixisada Daacish oo ku dhuumaalaysanayey aaga Ceelka Miiraale. Sidoo kale waxay Ciidanku waxay hawlgalo amni ka sameeyeen Togga Nuur-ku-beenle” ayuu shaaciyay Taliska Ciidamada difaaca Puntland. Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ugaarsanaya firxadka Argagixisada Daacish ayaa sidoo kale hawlgalo ka sameeyay degaannada Buurta goob, Dhaban Qoxle, Ceel ka bire, Buurta gaba gabo iyo Buurta shinuurka ee Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari waxaana ay halkaaasi ku burburiyeen talisyo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish, halkaasi oo ay ka heleen saad iyo agabyo kala duwan oo ay ka carareen Argagixisadu. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo shaaciyay in ay dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu, Somalia – A silent epidemic is eroding the bedrock of Somalia’s nascent institutions: the insidious proliferation of “fake professionals.” Like a stealthy parasite, this crisis is not merely a matter of misplaced qualifications; it’s a systemic assault on service delivery, accountability, and the very trust that underpins a nation’s recovery. This is not a local anomaly; it’s a clarion call for urgent, decisive action. The Anatomy of Deception: Dissecting the Fake Professional These are not simply individuals with embellished resumes. They are architects of deception, exploiting vulnerabilities in a system struggling to rebuild. Their hallmarks include: Forged Pedigrees: Degrees and certifications, often from phantom institutions, are their weapons of choice. They wield these fabricated credentials to gain access to positions of influence. The Myth of Expertise: Exaggerated experience, spun from thin air, paints a portrait of competence where none exists. Institutional Exploitation: The absence of a robust verification system is their playground, allowing them to slip through the cracks and seize power. The Web of Patronage: Meritocracy is a casualty of nepotism and bribery, where connections trump qualifications, especially within the public sector. The Rise of the Degree Mills: A cottage industry of fraudulent educational institutions churns out worthless qualifications, fueling the crisis. This menace infiltrates critical sectors – healthcare, education, finance, and humanitarian aid – where the stakes are life and death. The Ripple Effect: Cascading Consequences The presence of these fraudulent professionals triggers a domino effect of devastating consequences: Public Sector Paralysis: Incompetence breeds weak policies, financial mismanagement, and a crippling slowdown of national development. Vital reforms in governance, infrastructure, and security are stalled. Private Sector Erosion: Businesses suffer financial losses and legal nightmares, while the credibility of the labor market plummets, deterring investment. Humanitarian Catastrophe: Misdirected aid, failed projects, and potential human rights violations deepen the suffering of vulnerable populations. Donor confidence evaporates, choking off vital lifelines. The Erosion of Trust: Public confidence in institutions crumbles, making governance and reform an uphill battle. Economic Stagnation: Poor decisions and mismanagement stifle growth, repelling foreign investment and perpetuating a cycle of poverty. Compromised Public Safety: Fake doctors, engineers, and financial professionals create a minefield of risks to public health, infrastructure, and financial security. The Normalization of Corruption: Impunity reigns when unqualified individuals hold power, creating a culture where corruption thrives. A Call to Arms: Forging a Path to Professional Integrity Somalia must confront this crisis with a comprehensive, multi-faceted strategy: Fortifying Regulatory Defenses: Establish a centralized, impenetrable system for verifying credentials. Empower the Somali National Commission for Higher Education to enforce accreditation standards. Dismantling the Fraudulent Infrastructure: Wage a legal war against fake universities and diploma mills. Prosecute those who peddle and utilize fraudulent qualifications. Championing Meritocracy: Implement rigorous background checks and independent vetting processes. Establish robust anti-corruption mechanisms to eliminate nepotism and bribery. Empowering the Public: Launch targeted awareness campaigns to expose the dangers of fake professionals. Create secure channels for whistleblowers, ensuring their protection. Investing in Human Capital: Develop professional training programs and certifications to elevate workforce competency. Forge partnerships with reputable international institutions for accredited training. Global Collaboration: Partner with international entities to enhance credential verification. Implement stringent controls to prevent the infiltration of foreign-sourced fake degrees. Digitalizing Credentials: Establish a national digital database for academic and professional qualifications, creating an unforgeable record. The fight against fake professionals is a battle for Somalia’s future. It demands a united front – government, private sector, and civil society – working in concert. By enforcing rigorous standards, fostering transparency, and investing in genuine professional development, Somalia can reclaim its institutions and pave the way for a future built on integrity and competence. About the Author Prof. Abdinasir Ali Osman is a highly respected senior researcher, consultant, and trainer with over 35 years of experience in the humanitarian, development, and institutional capacity-building sectors. His career spans across the private, public, and non-profit sectors, where he has played a critical role in shaping policies, building institutions, and implementing large-scale programs in Somalia and beyond. As a leading expert in governance, peacebuilding, and development, Prof. Osman has dedicated his life to advancing local capacity, institutional resilience, and sustainable development. His work has influenced policy decisions, empowered young professionals, and strengthened governance frameworks in fragile and conflict-affected environments. You can reach him through email: ipi2024@hotmail.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Jeneraal Aadan Laba-afle oo ah taliyaha guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgeli jiray Koonfur Galbeed, ayey dowladda Soomaaliya u dirtay Galmudug, wuxuuna maanta dagaalka uga dhawaaqay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Jananku oo fagaare ugu khudbeeyey boqolaal ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka isugu jira ayaa sheegay inay xoreynayaan Ceelbuur oo ah halka degmo ee Galmudug ay ka joogaan Al-Shabaab. “Amar buuxa oo Madaxweynaha JFS uu i soo siiyey ayaan ku socdaa, idinkana waad ila qaadateen, waan dhaqaaqeynaa waxaana gelaynaa dagaalka,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle. Taliyaha ayaa dadka reer Guriceel iyo Dhuusamareeb ku amaanay sida ay u garab taagan yihiin dagaalka Khawaarijta, “maanta dalka oo dhan waxaa ka socda dagaalkii aad soo bilowdeen, waxaa la idinka rabaa inaad dhammeystirtaan,” ayuu yiri. Sidoo kale Jeneraal Laba-Afle ayaa sheegay in hub, gaadiid, sahay iyo rasaas ay diyaar ula tahay dowladda federaalka Soomaaliya, “cadowgaan waxaad iska xoreyseen idinkoo heysan garab dowladeed, maanta wax kasta waa idiin diyaar oo xitaa dhaawacyadiina waxay helayaan daryeel caafimaad oo degdeg ah, marka reer Guriceelow dagaalka gala,” ayuu yiri Jeneraal Laba-afle. Sarkaalkaan ayaa looga yeeray Shabeellaha Hoose oo ciidanka uu xukumo oo ka tirsan qeybta 60-aad ay joogaan, waxaana loo diray Guriceel iyo Dhuusamareeb, si uu u soo abaabulo dadkii yaqaanay dagaalka Al-Shabaab ee ku jebiyey magaca AhluSunna Waljamaaca, Jeneraal Laba-afle ayaa ka soo jeeda Dhuusamareeb. Dhinaca kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu ka soo horjeedo dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ciidan ee dowladda Federaalka ay ka bilowday Galmudug, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wata qorshahaan, wuxuuna doonayaa in ciidamada laga abaabulay Guriceel iyo Dhuusamareeb ay xoreeyaan ilaa Ceelbuur. Madaxweynaha oo mar kale Tuutaha u xirtay dagaalka Khawaarijta ayaa maanta isku maray furimaha dagaalka ee Aadan-yabaal iyo Moqokori, waxaana la qorsheeyey in maalmaha soo socda uu dego Cadale, halkaas oo dagaalka Khawaarijta uu ka hoggaamin doono. Hoos ka daawo hadalkii Jeneraal Laba-Afle.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee gelinkii hore ee maanta lagu qaaday kolonyada madaxweyne Xasan Sheekh oo furimaha dagaalka u socday, isagoo aan soo hadal-qaadin bartilmaameedkii qaraxaas oo ahaa Madaxweynaha. Sheekh Shariif oo qoraal soo saaray ayaa aad ugu tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxaas oo Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe uu ka xusay, wuxuuna ka gaabsaday inuu sii falanqeeyo bartilmaameedkii xasaasiga ahaa ee kolanyada madaxweynaha, iyadoo qaar kamid ah askartii ilaalineysay Xasan Sheekh ay qaar dhinteen qaarna dhaawacmeen, sidoo kale uu burburay gaarigii uu saaraa Xasan Sheekh kii ku xigay. Qoraal ay dowladdu ka soo saartay qaraxaas oo ku soo baxay luuqadda English-ka ayaa lagu yiri, “Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay.” Sheekh Shariif ayaa kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee aad u dhaliila hoggaaminta Xasan Sheekh, balse bulshada aragtoooda ka dhiibatay qoraalka Shariifka ayaa siyaabo kala duwan u faaqidaya sababta uu u xusi la’yahay in qaraxaas lala beegsaday kolonyada Madaxweynaha. Hoos ka Aqriso qoraalka Sheekh Shariif: Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka loo adeegsaday qaraxa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab maanta ka gaysatay Magaaladda Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha dad Soomaaliyeed iyagoo sooman oo aan waxba galabsan. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa qoyskiisa iyo bahda warbaahinta geerida naxdinta leh ee ku timid Weriye Maxamed Abuukar Dabaashe oo ka mid noqday dadka shacabka ah ee weerarkaas bahalnimo ku geeriyooday, waxaana Alle u weydiinayaa inta dhimatay Jannatul Firdowsa. Waxaan sidoo kale soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa dadka dhaawacmay. Weerarkaan wuxuu mar kale shacabka Soomaaliyeed iyo masuuliyiinta xasuusinayaa sida loogu baahanyahay in midnimo iyo wadajir looga hortago falalka gurracan ee kooxaha argagixisada ah. Ugu dambeyn, waxaa boggaadin mudan Ciidamada qalabka sida nuucyadooda kala duwan iyo xoogaga difaaca shacabka oo har iyo habeen u taagan kahor taga iyo ciribtirka argagixisada caadeysatay daadiinta dhiiga shacabka.
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyada oo ka duulaysa mawqifkii ay Dawladda Puntland hore u qaadatay ee ahaa sharci kasta oo aan heshiis lagu ahayn in aysan qayb ka ahayn Puntland, waxay cadaynaysaa in aysan aqoonsanayn, deegaanadeedana ka hirgelayn waxa loogu yeeray diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka. Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudah Dawladda Puntland waxay uga digaysaa bulshada Reer Puntland in aysan ku kadsoomin, kana qaybgalin diiwaangelinta sharciga baalmarsan oo aan heshiiska lagu ahayn, sababahaan hoose awgood:- 1. Xogta kaarkaani ma ahan mid sugan, amni ah oo ku kaydsan gacmo la isku hayn karo. 2. Diiwaangelintaan waa mid siyaasadaysan loogana golleeyey doorashooyin macmal ah oo aan heshiis lagu ahayn dadkana lagaga siijeedinayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee Dalka ka jira ee ay ka midyihiin amni xumada iyo kala qaybsanaanta Bulshada Soomaaliyeed. 3. Waa mashruuc hanti urursi ah, oo culays ku ah dadka soomaaliyeed ee la tabaalaysan duruufaha amni iyo dhaqaale. Dawladda Puntland waxay ahmiyadda siinaysaa horumarinta danaha gudaha Puntland, gaar ahaan xoojinta amniga, dhammeystirka hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, waxayna samayn doontaa kaarka aqoonsiga Puntland (Puntland State ID). PUNTLAND POST The post Warsaxaafadeed: Puntland oo ka hortimid Barnaamijka diiwaangelinta Kaar Aqoonsiga dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝗧𝗵𝗲 𝗙𝗿𝗼𝗻𝘁𝗹𝗶𝗻𝗲 𝗔𝗴𝗮𝗶𝗻𝘀𝘁 𝗧𝗲𝗿𝗿𝗼𝗿𝗶𝘀𝗺 – 𝗔 𝗖𝗮𝗹𝗹 𝗳𝗼𝗿 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 The growing threats from Al-Shabaab and the Houthi militant network demand immediate and decisive global action. Somaliland stands as the frontline defense against terrorism in the Horn of Africa, playing a crucial role in maintaining regional stability and securing vital global trade routes. Despite its lack of formal recognition, Somaliland has consistently proven its resilience, preserving peace and security in one of the world’s most volatile regions. Al-Shabaab, the most dangerous terrorist network in East Africa, continues to expand its operations, with reports indicating a growing presence near Mogadishu and deeper incursions into Puntland. If left unchecked, the risk of spillover into Somaliland’s eastern regions is real and imminent. At the same time, the Houthis have escalated their attacks in the Red Sea and Gulf of Aden, threatening global shipping and trade. A destabilized Somaliland would provide an opening for these extremist groups to exploit, further destabilizing one of the world’s most critical waterways. The combination of these threats poses a dire risk—not just to Somaliland, but to Africa, the Middle East, and global powers that rely on free and secure maritime passage through the Red Sea. Failing to act now could create a dangerous security vacuum, fueling the unchecked expansion of terrorist networks, piracy, and widespread instability. 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗖𝗼𝗺𝗺𝗶𝘁𝗺𝗲𝗻𝘁 𝘁𝗼 𝗖𝗼𝘂𝗻𝘁𝗲𝗿𝘁𝗲𝗿𝗿𝗼𝗿𝗶𝘀𝗺 For decades, Somaliland has proven itself as a reliable partner in the fight against terrorism. Unlike Somalia, where instability has enabled extremist groups to thrive, Somaliland has maintained security through effective governance, a strong national identity, and community-led resilience against extremism. However, no nation—recognized or not—can face such threats alone. While Somaliland has successfully prevented terrorist infiltration within its borders, the increasing pressure from extremist groups requires stronger international support, enhanced security cooperation, and better-equipped forces to counter evolving threats. 𝗪𝗵𝘆 𝘁𝗵𝗲 𝗪𝗼𝗿𝗹𝗱 𝗠𝘂𝘀𝘁 𝗦𝘁𝗲𝗽 𝗨𝗽 𝗡𝗼𝘄 Sir Gavin Williamson’s call for urgent support for Somaliland is a step in the right direction, and UK Foreign Secretary David of Lammy’s commitment to working with Somaliland must now be backed by concrete action. The international community—especially the UK, U.S., EU, and regional allies—must take the following steps to strengthen Somaliland’s fight against terrorism: ● 𝗕𝗼𝗹𝘀𝘁𝗲𝗿 𝗠𝗶𝗹𝗶𝘁𝗮𝗿𝘆 𝗮𝗻𝗱 𝗦𝗲𝗰𝘂𝗿𝗶𝘁𝘆 𝗔𝘀𝘀𝗶𝘀𝘁𝗮𝗻𝗰𝗲 – Provide Somaliland’s security forces with advanced training, modern equipment, and counterterrorism resources to effectively combat Al-Shabaab and Houthi threats. ● 𝗘𝗻𝗵𝗮𝗻𝗰𝗲 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗹𝗹𝗶𝗴𝗲𝗻𝗰𝗲 𝗦𝗵𝗮𝗿𝗶𝗻𝗴 𝗮𝗻𝗱 𝗖𝗼𝗼𝗽𝗲𝗿𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻 – Establish deeper intelligence-sharing agreements with Somaliland to track terrorist movements, disrupt their networks, and prevent attacks before they happen. ● 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁 𝗶𝗻 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗗𝗲𝗳𝗲𝗻𝘀𝗲 𝗜𝗻𝗳𝗿𝗮𝘀𝘁𝗿𝘂𝗰𝘁𝘂𝗿𝗲 – Strengthen Somaliland’s military installations, border security, and coastal defenses to prevent terrorist infiltration and maritime threats. ● 𝗥𝗲𝗰𝗼𝗴𝗻𝗶𝘇𝗲 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗦𝘁𝗿𝗮𝘁𝗲𝗴𝗶𝗰 𝗜𝗺𝗽𝗼𝗿𝘁𝗮𝗻𝗰𝗲 – Formal diplomatic recognition of Somaliland would unlock new security partnerships and international support, enabling it to play a more effective role in counterterrorism efforts. Failing to support Somaliland now will have serious global consequences. A weakened Somaliland would create a power vacuum, allowing Al-Shabaab to expand its terror network and the Houthis to escalate their maritime aggression. This would not only disrupt international trade but also threaten the security of neighboring Ethiopia and Djibouti, further emboldening extremist groups across the region. The time to act is now. Somaliland has repeatedly demonstrated its commitment to peace, security, and the fight against terrorism. It’s time for the world to stand with Somaliland—because investing in Somaliland’s security is investing in global stability. 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠. 𝗠𝘂𝘀𝗮 Political Analyst / Former Deputy Minister of Ministry of Commerce – Somaliland Email: halimusa4@gmail.com Hargeisa, Rep of Somaliland 𝗗𝗮𝘁𝗲: 𝗠𝗮𝗿𝗰𝗵 𝟭𝟴, 𝟮𝟬𝟮𝟱 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax maanta Muqdisho lagula beegsaday kolonyada Madaxweyne Xasan Sheekh oo u socday furimaha dagaalka, degmada Xamarjajab, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoyska Ceelgaabta iyo dekedda Muqdisho ayaa loo dhigay qarax. “Abaare 10:32 AM ayaa qarax lala beegsaday kolonyo maraysay degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, xilli Madaxweynaha JFS uu ku sii jeeday furimaha hore ee dagaalka ee Hirshabeelle, weerarkaasi waa la fashiliyay, waxaana Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaray goobtii uu u socday sidii loo qorsheeyay,” ayaa lagu yiri qoraal ku soo baxay luuqadda English-ka oo SNTV lagu baahiyey. Dowladda ayaa maanta diiday in warbaahintu tebiso khasaarihii ka dhashay qaraxa, weriyaal goobta yimid ayaa la xiray, ilaa hadana ma jirto cid shaacisay xogta rasmiga ah ee khasaaraha uu geystay qaraxaas iyo nooca uu ahaa. Mid kamid ah afarta gaari ee gaarka ah ee Madaxweynaha ee Buruufta ah oo nooca aysan xabaddu karin ah ayuu haleelay qaraxaasi, kooxda Al-Shabaab oo masuuliyadda qiratay waxay sheegeen in qof uu is qarxiyey. Qoraalka dowladda waxaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaan dhab ah, waxayna balan-qaaday in faahfaahin dheeraad ah laga bixin doono khasaaraha ka dhashay qaraxa. “Falkan fulaynimada ah ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan, ayaa daliil u ah sida ay u sii kordhayso quusta Al-Shabaab ee weerarrada ay ku hayaan ciidamada qaranka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay DF. Inta badan kolonyadii Madaxweynaha ayaa ka badbaaday qaraxaas, markii laga reebo askar ay dhaawacyo soo gaareen, balse waxaa dhintay dad badan oo shacab ah, dadka qaar waxaa ku dumay guri dabaq ah. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii kordhinaya howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo ka saaraya godadkooda iyo meelaha ay kaga dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ku cad qoraalka. “Dagaalka aan kula jirno kooxahan xagjirka ah ma noqon doono mid liidata. Anagoo kaashanayna midnimada dadkeena iyo taageerada saaxiibadayada caalamiga ah, waxaan Soomaaliya ku xaqiijin doonaa nabad iyo xasilooni waarta,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda. Dowladda Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in ciidamada qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ay guulo waaweyn gaareen howlgalka ciribtirka Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u safray furimaha dagaalka ayaa isku maray magaalooyinka Aadan-yabaal iyo Moqokori ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, qorshaha madaxweynaha waxaa la sheegay inuu yahay in maalmaha soo socda uu dego Cadale oo dagaalka uu ka hoggaami doono.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in xiriirka Somaliland iyo dowladda Maraykanka ee maamulka madaxweyne Donald Trump uu hadda ku jiro marxalad bilow ah, Wasiirka carrabka ku adkeeyay in xiriir kasta oo mustaqbalka labada dhinac yeeshaan uu ku salaysnaan doono dano wadaag ah, gaar ahaan himilada dheer ee Somaliland u qabto in la aqoonsado madax-bannaanideeda. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu Isniintii siiyay Idaacadda BBC-da qaybteeda Af Soomaaliga, isagoo tilmaamay inuu ku rajo weyn yahay koritaanka xiriirka Somaliland iyo Washington. “Waxaan si aad ah u soo dhaweynaynaa xiriirka noo bilaabmaya ee Somaliland iyo Maraykanka. Xilligan waa xiriir bilow ah, hase yeeshee waxaa muhiim noo ah in xiriirkani noqdo mid ku qotoma danaha labada dhinac oo isu dhow,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Somaliland ay muhiim tahay in xiriir kasta oo ay samaynayso uu noqdo mid ilaalinaya danaha iyo aqoonsiga Somaliland. Dhanka kale, wasiirku wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Somaliland ay aqoonsi ka dalbanayso Maraykanka iyadoo beddel ahaan u oggolaanaysa inuu Maraykanku saldhig militari ka samaysto magaalada Berbera. Waxa kale oo uu meesha ka saaray warar sheegaya in Somaliland laga codsaday inay martigeliso dad reer Falastiin ah oo laga soo barakiciyay Marinka Gaza. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hore si adag u diiday inay ka wada xaajoodaan hindisayaal ka imanaya Maraykanka ama Israa’iil oo ku saabsan in dib loo dejiyo dadka Falastiiniyiinta ah ee laga soo rarayo Gaza. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hore u sheegay in Soomaaliya ay gabi ahaanba ka soo horjeedo hindise kasta oo “wax u dhimaya xuquuqda dadka reer Falastiin ay u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda hooyo.” Mar uu ka hadlay xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, wasiir Cabdiraxmaan wuxuu xaqiijiyay inuu xiriirkaasi yahay mid adag oo aan wax isbeddel ahi ku imaanin. Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku adkeysanayso inaysan aqbalayn codsiga madax-bannaanida Somaliland, iyadoo sheegtay in midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya aysan marnaba noqon karin wax laga wada-xaajoodo.
-
Shabaab oo afduubay 2 nin, kadibna ku fuliyey dil + Sababta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beledweyne (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay Isniintii meel fagaare ah ku dhagax-dileen nin, mid kalena ay toogteen, kaddib markii labadoodaba, sida ay sheegeen lagu helay dambiga ah inay kufsi kula kaceen gabar ku sugneyd bartamaha Soomaaliya. Afhayeen ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in labadan nin lagu soo qabtay magaalada Beledweyne, halkaas oo falku ka dhacay. Afhayeenka ayaa sheegay in raggan ay hore uga tirsanaayeen ciidamada taageersan dowladda Soomaaliya ee Macawiisleyda, balse dowladda ayaa arrintaas beenisay, iyada oo ku tilmaantay inay ahaayeen “burcad hubeysan.” Axmed Ibraahim oo 29 jir ah iyo Yuusuf Cali Baajin oo 22 jir ah ayaa maxkamad ay Al-Shabaab qabatay ka hor qirtay dambiga lagu soo oogay ee kufsiga ah, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in maxkamaddu amartay in midkood lagu dilo dhagax-tuur, kan kalena toogasho lagu fuliyo. Sheekh Guuleed ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Ibraahim uu ahaa dagaalyahan maleeshiyo-beeleed ah, halka Yuusuf Cali Baajin uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Macluumaadkan si madax-bannaan looma xaqiijin karin. Si kastaba ha ahaatee, taliye sare oo ka tirsan booliska magaalada Beledweyne, Cabdilqaadir Faarax, ayaa sheegay in labada nin aysan wax xiriir ah la lahayn ciidamada dowladda, balse ay ahaayeen burcad hubeysan. “Labada nin ee ay Al-Shabaab dishay waxay ahaayeen burcad hubeysan oo hore u dilay nin, xaaskiisana kufsaday,” ayuu yiri taliye Faarax, oo la hadlay wakaaladda Reuters. “Wax xiriir ah ciidanka dowladda lama lahayn, waxay ahaayeen kooxo dadka safarka ah ku dhaca agagaarka Beledweyne.” Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah u fulisa dilal, karbaashyo, iyo jaridda gacmaha dadka ay ku helaan dambiyada sida tuugnimada, kufsiga, basaaska, iyo sinada, iyadoo mararka qaar xukunnada noocan ah ay sidoo kale ku bartilmaameedsadaan haween iyo carruur. Hase yeeshee, nidaamka cadaaladda ee kooxdan ayaa mararka qaar su’aalo badan la geliyaa , ayada oo inta abdan eedeysanayaasha aysan helin matalaad sharci ah, sidoo kalena lagu qasbo qirasho dambi, si xukunka loogu fuliyo. Al-Shabaab, oo xiriir toos ah la leh ururka Al-Qaacida, ayaa muddo dheer dagaal kula jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee taageera, iyadoo ujeedkeedu yahay inay Soomaaliya ku maamusho shareecada Islaamka, gaar ahaan sida ay iyagu u fasirtaan. Inkastoo Al-Shabaab laga saaray magaalooyinka waaweyn badankood, iyadoo ciidamada Midowga Afrika iyo maleeshiyo-beeleedyada deegaanka ay fuliyeen hawlgallo ka dhan ah kooxda, haddana waxay weli gacanta ku hayaan deegaanno badan oo ka tirsan miyiga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay in dhammaadka bisha Juun la qabanayo doorashada golaha deegaanka. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Cabdikariim Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in guddigu ay la wareegeen qalabkii doorashada loo adeegsan lahaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay inay bilaabanayso diiwaan-gelinta dadweynaha, si ay u doortaan hoggaankooda, kadibna loo dareeri doono doorashada. “Waxaan la wareegnay dhammaan qalabkii doorashada, bisha soo socota waxaa bilaabanaysa diiwaan-gelinta dadweynaha, waxaana noo bilaabmaya doorashada golaha deegaanka,” ayuu yiri guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan. Guddiga doorashooyinka oo weli lagu muransan yahay hanaankii ay ku imaadeen ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa hirgelinta hanaanka doorasho qof iyo cod, iyagoo dhawaan bilaabay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda, inkasta oo ay ganafka ku dhufteen mucaaradka. Guddiga ayaa ku doodaya inay dalka gaarsiin karaan doorasho xor iyo xalaal ah, taas oo dadweynaha ku soo dooranayaan hoggaankooda, wallow uu shaki badan ku gadaaman yahay hanaanka doorasho qof iyo codka ah oo si weyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. Si kastaba, waxaa isha lagu hayaa sida uu ku dhaqangali doono qorshahan oo looga guurayo nidaamkii codeynta doorashooyinkii dadbanaa ee Soomaaliya wax ku dooraneysay tan iyo sannadkii 2000-kii.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray jiidaha hore ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan Degmada Aadan Yabaal oo uu ka hoggaaminayo hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab. Madaxweynuhu ayaa u kuur-gali doonaa xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, isagoo warbixinno ka dhegeysan doona talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay howgalladu ka socdeen. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadinaysaa baraarugga dhallinyarada Soomaaliyeed, haweenka, waxgaradka iyo culimada ee ka dhanka ah argagixisada dhibaatada ku haysa dalkeenna, gaar ahaan taageerada halyeeyada Ciidamada Qaranka ee naftooda u huraya qarannimada iyo gobanida dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dagaal ka dhashay kulan kubadda cagta ah oo dhexmaray ciidamo Soomaaliyeed oo tababar militari ku qaadanaya dalka Turkiga ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan 24 askari, sida ay saraakiisha deegaanka xaqiijiyeen Isniintii. Bayaan kasoo baxay maamulka gobolka Isparta ayaa lagu sheegay in dagaalku uu ka dhacay xerada ciidamada ee loo yaqaan Gen. Ihsan Alper, halkaas oo ay ciidamada Soomaalidu tababarka ku qaataan. “Sida lagu helay warbixinada hordhaca ah, 24 askari oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka, waxaana dhammaantood loo qaaday isbitaallada magaalada. Xaaladdooda caafimaad ayaa guud ahaan deggan marka laga reebo laba askari,” ayaa lagu yiri bayaanka maamulka gobolka. Maamulka gobolka ayaa sidoo kale sheegay inaanu hadda jirin walaac amni oo ku saabsan xerada, balse ay socdaan baaritaanno maamul iyo sharci ah oo ay wadaan hay’adaha ku shaqada leh. Guddoomiyaha gobolka Isparta, Cabdullaahi Erin, ayaa booqday askarta dhaawacantay ee lagu dabiibayo isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel. Isagoo warbaahinta la hadlayay ayuu xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah ay kamid yihiin askarta lagu tababaro xerada ciidamada gaarka ah ee magaalada Isparta. “Dagaalku wuxuu dhacay kaddib markii ay askarta Soomaaliyeed isku khilaafeen ciyaar kubadda cagta ah,” ayuu yiri Erin. “Ciidamadeena waxay si dhaqso ah u soo faragaliyeen xaaladda, waxaana dhaawacyo fudud soo gaareen askarta Soomaaliyeed qaarkood iyo ciidamadeenii soo kala dhexgalay.” Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay markiiba soo gaareen goobta, kooxaha caafimaadkana ay dhaawaca u qaadeen labada isbitaal ee magaalada—Isbitaalka Magaalada ee Isparta iyo Isbitaalka Jaamacadda Süleyman Demirel. “Inta badan askarta dhaawacmay waxaa lagu daaweeyay isbitaallada, kadibna waa laga saaray. Laba askari oo Soomaali ah oo xaaladoodu culus tahay ayaa wali ku jira isbitaalka, iyagoo helaya daryeel caafimaad oo gaar ah. Waxaan rajaynaynaa inay si dhaqso ah u soo caafimaadaan,” ayuu yiri Erin. Dalka Turkiga, oo kamid ah xubnaha muhiimka ah ee NATO, ayaa xiriir aad u dhow la leh Soomaaliya, wuxuuna taageero muhiim ah ka siiya dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo iskaashiga amniga iyo ciidanka. Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ku leh saldhigga militari ee ugu weyn oo ay dibadda ku leeyihiin, halkaas oo ay ku tababareen in ka badan 5,000 oo askari Soomaali ah. Waxaa intaa dheer in ciidamo badan oo Soomaali ah ay tababarro militari ku qaataan gudaha dalka Turkiga.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Madaxweynaha ayaa halkaasi kula kulmi doono saraakiisha ciidanka ee hoggaamineysa howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxaa degmada Aadan Yabaal in muddo ah ku sugnaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Korneyl Shuute oo halkaas ka waday dardar-gelinta howlgalada. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dul istaagi doona xaaladda nololeed ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada muddadii la soo dhaafay, maadaama dowladdu ay dadaal badan ku bixisay gurmadka, adeegyada aasaasiga ah iyo daryeelka dadkeenna ku nool deegaannada la xoreeyey oo duruufo adag la noolaa inta ay ku jireen gacanta argagixisada. Intaas kadib, madaxweynaha ayaa u gudbi doona degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo sidoo kale kula kulmi doono saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo hoggaanka Macawiisley. Howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu laba-jibaarmo, iyadoo maanta Muqdisho soo gaartay diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Turkiga sameeyay ee Akinci oo ka qeyb qaadan doonta howlgaladaas. Haddaba maxay tahay diyaaradda Akinci? Diyaaradan ayaa waxay si xiriir ah u duuli kartaa illaa 25 saac, iyadoo qaadi karta gantaalo culeyskoodu gaarayo illaa 1,500 oo kiilo. Waxay halkii mar xambaari kartaa illaa 8 gantaal, waxayna duuli kartaa masaafo dhan 7,500 oo kilomitir (Xamar intay ka duusho ayay Cape Town, South Africa soo duqeyn kartaa, kadibna Xamar kusoo laaban kartaa). Diyaaradan ayaa halkii xabo qiima ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay gaari karto illaa 8 milyan oo doolar. Waxaana dowladda Soomaaliya usoo iibisay dowladda Qatar oo Turkiga uga dalabtay. Si kastaba, diyaaradan ayaa ah mid awood u leh inay burburiso bartilmaameed walba, waxayna door muhiim ah ka qaadan doonta dagaalka Al-Shabaab, iyadoo ka barbar dagaalami doonta geesiyaasha ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.