-
Content Count
213,136 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Liverpool (Caasimada Online) – Booliiska UK ayaa Khamiistii dacwado kusoo oogay nin 53 jir ah oo lagu eedeeyay toddobo dembi, kaddib markii uu baabuur si ula kac ah ugu jiiray dad isugu soo baxay dabaal-degga guusha kooxda Liverpool ee horyaalka Premier League horraantii toddobaadkan. Paul Doyle ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin darawalnimo khatar ah iyo inuu u geystay dhaawac culus si ula kac ah intii lagu guda jiray dhacdadii Isniintii ka dhacday magaalada Liverpool ee waqooyi-galbeed England, sida ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka. Doyle ayaa xabsiga lagu hayaa, waxaana lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah kasoo hor muuqdo Maxkamadda Degmada Liverpool, sida ay shir jaraa’id ku sheegtay ku-xigeenka taliyaha booliiska Merseyside, Jenny Sims. Wadar ahaan 79 qof oo da’doodu u dhaxayso sagaal ilaa 78 sano ayaa ku dhaawacmay kaddib markii baabuur noociisu yahay Ford Galaxy uu dhex galay taageerayaal u dabaal-degayay guusha Liverpool ee horyaalkoodii 20-aad ee heerka koowaad ee Ingiriiska – guul bar-bardhig u ah rikoorkii ugu badnaa. Ma jirin wax dhimasho ah oo la diiwaangeliyay. Sims ayaa intaa ku dartay in toddoba qof ay weli isbitaalka ku jireen maalintii Khamiista. Sarah Hammond oo ka tirsan Xafiiska Dacwad-Oogista Qaranka (Crown Prosecution Service) ayaa sheegtay in hay’addu ay ogolaatay in boolisku dacwad kusoo oogaan Doyle kaddib “baaritaan adag oo wali socda”. “Dacwad-oogayaasha iyo booliisku waxay si degdeg ah uga shaqeynayaan dib-u-eegista caddeymo aad u fara badan,” ayay tiri. “Tani waxa ay ka kooban tahay muuqaallo kala duwan iyo markhaatiyo tiro badan. Waa muhiim in dhibbane kasta uu helo caddaalad buuxda.” Doyle, oo kasoo jeeda xaafad ku taalla magaalada Liverpool, ayaa la xiray Isniintii iyadoo lagu tuhunsanaa isku day dil, darawalnimo isagoo isticmaalay daroogo, iyo darawalnimo khatar ah. Isku dayga dilka iyo darawalnimo isagoo daroogaysan laguma darin dacwadaha rasmi ah ee hadda lagu soo oogay. Hammond ayaa xustay in dhammaan eedeymaha “dib loo eegi doono marka baaritaanku sii socdo”. Warbaahinta UK ayaa sheegtay in Doyle uu yahay ganacsade hore uga tirsanaa ciidamada badda (marine), isla markaana uu yahay aabbe leh saddex carruur ah oo dhallinyaro ah. Boqollaal kun oo taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Liverpool markii dabaal-deggii farxadda lahaa isu beddelay argagax. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya baabuurka oo si xoog ah ugu dhex dhacay dadkii isu soo baxay, iyadoo dadka qaar uu jiidayay, halka kuwa kalena ay ku dhaceen qeybta hore ee gaariga. Afar qof oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku xayirmay hoosta baabuurka, waxaana laga saaray kaddib markii dab-demisyo ay kor u qaadeen si ay u badbaadiyaan. Muuqaallo kale oo internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinaya gaariga oo la joojiyay iyadoo dad careysan ay hareereeyeen, kuna jebiyeen daaqadaha danbe, xilli booliisku isku dayayay inuu kala dhex galo. Booliiska ayaa si degdeg ah u sheegay in dhacdadu aanay la xiriirin argagixisanimo. Sidoo kale, waxay shaaciyeen in shakhsiga la tuhunsan yahay uu yahay nin caddaan ah oo u dhashay Britain – tallaabo naadir ah oo loogu talagalay in lagu ciribtiro xogaha been-abuurka ah ee ku baahayay baraha bulshada.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa ka soo laabtay jiidda hore ee dagaalka ee Degmada Moqokori, isagoo maanta yimid Muqdisho. Imaanshaha Sanbaloolshe ayaa la xiriirta kulan uu la qaadanayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu dhawro 24-ka saac ee nagu soo fool leh. Sanbalooshe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furin dagaal ee Gobolka Hiiraan ayaa ku hawlanaa abaabulka Macawiisleyda iyo xoojinta dadaallada looga difaayo kooxaha argagixisada deegaanada beeshiisa ee gobolka Hiiraan. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in Sanbalooshe uu ka fekerayo in uu booska banneeyo, haddii uu isfaham kasoo bixi waayo kulanka Madaxweynaha. Isbeddelka NISA ayaa laga yaabaa in lagu soo beego waqtiga mucaaridka Muqdisho ku shirsan ay shaacinayaan Warmurtiyeedkooda, sida ay qorsheysay Villa Somalia. Natiijadda kasoo baxda Kulanka Madaxweynaha iyo Agaasime Sanbaloolshe ayaa saamayn ku yeelan karta qorshaha iyo jadwalka Madaxtooyada, maadaama ninkaan uu aad u diidan yahay in xilka laga qaado. Labadii toddobaad ee ugu dambeysay, Hay’adda Nabad Sugidda waxay lahayd laba Agaasim, kuwaas oo kala Sanbaloolshe oo Moqokori kasoo shaqeynayey iyo Mahad Salaad gurigiisa hay’adda ka dhex hagaya oo shaqaalihii saf ugu jiraan, maadaama la siiyey kursiga. Mid si macnawi ah ayuu Agaasime u yahay oo kalsooni buuxda ayuu ku shaqeystaa, midka kalena in shaqada laga qaaday ayuu ogyahay oo shaacin kaliya dhiman tahay, balse wuu garawsan yahay inaan lagu dhiirran karin shaacinta go’aankaas inta uu furin dagaal ku jiro. Xaaladda NISA ayaa maalmahaan ku jirtay jaha wareer maamul oo ka dhashay kala bedelka daahay ee labada agaasime, dadka xog ogaalka u ah arrimaha ammaanka ayaa muujinaya khatar badan oo ka dhalan karta arrintaan, maadaama uusan jirin Agaasime si dhab ah ay u dhibeyso masuuliyadda wixii dhaca.
-
NAIROBI– Kenyan media extensively covered the opening of Somaliland’s diplomatic office in Nairobi today by the President of the Republic of Somaliland, H.E. Abdillahi Mohamed Abdirahman (Irro). Reports confirmed the opening follows the Kenyan government’s formal approval to upgrade Somaliland’s existing liaison office to full diplomatic status. Kenya Times* detailed the attendance of Uasin Gishu Governor Jonathan Bii, Senator Mohamed Said Chute, and other Kenyan officials alongside Somaliland President at the ceremony. Diplomats from multiple countries based in Nairobi also participated broadly in the event inaugurating the “Diplomatic Office of Somaliland Kenyan outlets indicated the new office will handle key areas including Trade, Investment, Consular Services, and Diplomatic Relations. Daily Nation provided comprehensive coverage of the office (referred to as an embassy in their reporting), highlighting its unveiling at a major event. Details of a meeting between Somaliland’s H.E. Abdillahi Mohamed Abdirahman (Irro).and Kenyan President William Ruto were also widely published across Kenyan newspapers and media platforms. Qaran News
-
Riyadh (Caasimada Online) – Qoysaska dad Itoobiyaan ah oo dil ay ku xukuntay dowladda Sacuudi Carabiya ayaa warbaahinta u sheegay in eheladooda la daldali doono ka hor Ciidda Carrafo oo maalmo kooban ay naga xigaan. Waxaa Sacuudiga ku xiran 47 qof oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo dil sugeyaal ah, taas oo welwel joogto ah ku haya qoysaskooda, dadkaan dowladooda ugu baaqay in ay arrinta dadkaas soo farageliso, si dilka looga bedbaadiyo. Sidaan oo kale waxaa Sacuudiga ugu xiran oo dil sugayaal ah muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo loo heysto inay dalkaas geliyeen daroogo. In ka badan 40 qof oo Soomaali ah oo dil ku xukuman ayaa ku xiran Sacuudiga, inkastoo aan la shaacin goorta la dilayo. Hal qof oo kamid ah ayaa la dilay bilihii lasoo dhaafay, waxaana guul dareystay dadaalo weli socda oo dowladda Soomaaliya ay sameysay. Sacuudiga ayaa dil ku fuliya qofkii dalkaas geliya daroogo, inta badan waxaa dadka lagu dilaa xarig ama daldalaad. Dadka Itoobiyaanka ah ee dilka sugaya waxaa ka mid ah Khaalid Maxamed Ibroo, walaalkiis Mulleta oo BBC la hadlay ayaa yiri, “Khaalid waa nin xaasle ah. Wuxuu leeyahay hal cunug. Waxaa la xiray wax yar ka dib markii uu galay Sacuudiga, si uu nolol ugu raadiyo qoyskiisa, arrintiisa ayaa saameyn adag ku yeelatay xaasikiisa iyo curadiisa.” Mulleta wuxuu sheegay in markii uu maqlay warka la xiriira xukunka lagu ridey walaalkiis uu qarracan ku noqday, isla markaana uusan weli ka soo kaban tiiraanyadii ka soo gaartey go’aanka dilka.
-
Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi Irro met with Kenyan President William Ruto during his official visit to Nairobi this week as part of efforts to strengthen ties between Somaliland and Kenya. Speaking at the inauguration of Somaliland’s new office in Nairobi on Thursday, President Irro said they had a productive discussion focused on bilateral relations, noting that they had reached a “good understanding.” However, he did not disclose further details about the location of the meeting or specific agreements reached. President Irro has been in the Kenyan capital for several days, holding meetings with various officials and stakeholders. His visit comes amid ongoing efforts by Somaliland to build international partnerships despite its unrecognized status on the global stage. HOL. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud oo ah baxsad ay ku raad-joogaan hay’adaha ammaanka, ayaa lagu eedeeyey dilka Marxuum Ex-Labo Xidigle Hanad Axmed Muuse. Dilkaan ayaa ka dhacay degmada Dharkiinleey, Labaatankii bishii July ee sanadkii 2024. Warbixintu waxay sheegaysaa in sababta dilka ay ahayd muran sababay gacan ka hadal, kaasoo ka dhashay Boosaneer ku yaallay waddo luuq ah oo la maro. Waddadaas ayaa ahayd meel uu deganaa marxuumka, halka eedeysanuhu uu si joogto ah ugu mari jiray Moto Fekon ah. Dooddaas oo isu beddeshay rabshad ayaa horseeday dilka marxuumka, taasoo keentay in hay’adaha ammaanka iyo garsoorka ay arrinta si gaar ah u baaraan. Eedeysanaha oo baxsad ah ayaa weli lagu raad-joogaa, iyadoo lagu wado in la qabto si loo fuliyo xukunka maxkamadda. Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in kiiska la qaado, codsigaasna waa laga ogolaaday. Garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa fadhiyo kala duwan kadib, iyadoo waqti ku filan la siiyey dhinacyada dacwadda, waxay ugu dambeyn xukun ku ridday Ex-Mudane Nisa Cumar Xasan Maxamuud (Baxsad), iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta marxuum Hanad Axmed Muuse. G/dhexe Muxumad Maxamed Cumar oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa warbaahinta u xaqiijiyey xukunkaasi, isagoo xusay in go’aanka maxkamaddu uu yahay mid waafaqsan cadaaladda isla markaana lagu saleynayo qaanuunka u yaalla ciidamada qalabka sida.
-
Mogadishu (HOL) — U.S. Secretary of State Marco Rubio is facing growing criticism from health experts and aid organizations after defending sweeping cuts to foreign assistance and denying claims that the reductions have led to deaths around the world. Source: Hiiraan Online
-
Sanadihii u dambeeyay, Boqortooyada Sucuudiga ayaa wajahaysay isbeddel baaxad leh oo ku saleysan horumarin dhaqan, diin, iyo mid bulsho oo uu horseeday qorshaha ballaaran ee Vision 2030. Isbeddel ka socda dalkan hoyga u ah xarumaha Islaamka iyo goobaha barakaysan ayaa waxaa kamid kuwo diin ahaan si weyn loo dhaleeceeyay oo ay kamid yihiin fisixidda cabista Qamriga, furista goobaha madadaalada, xorriyadda hab labiska dumarka, iyo xariir ay boqortooyadu la yeelato Israa’iil oo dhowaan la filayo shaacintiisa, inkastoo Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan uu sheegay inay taas ka horrayso helidda dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin. Dhanka kale isbeddelladan ayaa horseeday kacdoon uu kamid yahay dhaqdhaqaaq la magac baxay ” kooxda wajiga duuban” oo kasoo ifbaxay gudaha dalkaas, kaas oo ah dhaqdhaqaaq bulsho iyo diineed oo ay horkacayaan dad dhalinyaro ah oo aad u baraarugsan, kuwaas oo su’aalo badan ka keenay fahamka dhaqanka, diinta, iyo doorka dowladnimo ee dalkaas. Waa maxay Dhaqdhaqaaqa Indho-Shareerku? Dhaqdhaqaaqa indho-shareerka (oo magaciisa laga keenay ereyga indho-furasho ama wacyi-gelin) waa dhaqdhaqaaq ka kooban dad dhalinyaro ah, aqoonyahanno, haween, iyo kuwo adeegsada baraha bulshada, kuwaas oo bilaabay inay: • Su’aalo ka keenaan fikradaha dhaqameed ee hore. • Dood ka furaan arrimaha diinta, gaar ahaan aragtiyihii adag ee ay horay u wadeen culimadu. • Ka dhiidhiyaan xadgudubyada xuquuqda haweenka iyo xorriyadda shaqsiga. • Dalbadaan isbeddel la xiriira caddaaladda, furfurnaanta, iyo fekerka casriga ah. Dhiirrigelinta Dhaqdhaqaaqa Dhaqdhaqaaqan waxaa qayb ka ah isbeddelada uu wado dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, kaas oo si xoog leh u bilaabay in uu meesha ka saaro aragtiyihii diimeed iyo kuwii dhaqan ee muddada dheer ka jiray dalka, ayadoo la joojiyay awooddii booliiska ee arrimaha diinta, waxaa la furay goobihii madadaalada, haweenkuna waxay heleen xoriyado cusub, sida wadista gaariga iyo ka qeybgalka suuqyada shaqada. Isbeddeladan waxay abuureen dad ku dhiirrada feker cusub, balse sidoo kale waxay kiciyeen su’aalo iyo cabsi ah in xorriyadahaasi ay keeni karaan ku xad-gudub diimeed iyo dhaqan doorsoon degdeg ah. Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa indho-shareerka ee ka soo ifbaxay Sucuudiga waa mid ku saleysan kororka wacyiga, fekerka furan, iyo rabitaanka isbeddel, Inkastoo uu wajahayo caqabado culus, haddana wuxuu astaan u yahay isbeddelka dhabta ah ee ka dhex socda gudaha bulshada Sucuudigu. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somali opposition leaders, led by former President Sharif Sheikh Ahmed, met with media executives in Mogadishu on Thursday to raise concerns over the shrinking space for independent journalism and government overreach, as their multi-day summit entered its second day. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si cad u beeniyay eedeymaha la xiriira isticmaalka awood si loogu qasbo ardayda jaamacadaha Magaalada Muqdisho inay qaataan kaarka codbixinta doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu dhaawacayo hufnaanta iyo madax-bannaanida howlaha doorashada. Cabdullaahi Salaad Yaroow, oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa isagoo safar ku jooga magaalada Dhuusamareeb warbaahinta u sheegay in wararka sheegaya in ardayda si khasab ah loo diiwaan-gelinayo ay yihiin been abuur aan waxba ka jirin. Wuxuu sheegay in guddigu uusan marnaba isticmaalin xoog ama cabsi gelin si dad loo diiwaan-geliyo, isla markaana howlaha diiwaan-gelinta ay ku saleysan yihiin hannaan xor iyo xalaal ah. Mas’uulkan ayaa caddeeyay in guddigu xarumaha waxbarashada u tagay codsi uga yimid dhanka ardayda iyo maamulka, maadaama maalmaha shaqada ee diiwaan-gelintu tahay Sabti ilaa Khamiis, ardayduna ay yihiin kuwo aan helin waqti ku filan oo ay xarumaha diiwaan-gelinta tagaan. Sidaa darteed, ayuu sheegay, waxaa lagama maarmaan noqotay in la fududeeyo habka ay ku qaadan karaan kaarkooda codbixinta. Cabdullaahi Salaad Yaroow wuxuu ugu baaqay ururada siyaasadeed inay si mas’uuliyad leh u abaabulaan taageerayaashooda, ayna ka qayb qaataan geedi-socodka doorashada si nabad ah. Isagoo ugu yeeray inay tagaan xarumaha dowlad goboleedyada, si ay uga qayb qaataan diyaarinta doorasho xor ah oo lagu kalsoonaan karo, halkii ay eedeyn aan sal lahayn ku furi lahaayeen guddiga. Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka si kulul u cambaareeyeen guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay inay isticmaalayaan qasabka iyo cabsi-gelinta ardayda jaamacadaha, isla markaana uu guddigu si sharci darro ah u marayo xuduudda awoodda uu leeyahay. Guddiga Doorashooyinka ayaa mar kale adkeeyay in howlaha doorashooyinka lagu wado hufnaan, xorriyad iyo hab waafaqsan xeerarka dalka. Waxay sheegeen in eedeymaha siyaasadeed aysan caqabad ku noqon doonin hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, ayna sii wadi doonaan dadaallada ay ugu jiraan in shacabka Soomaaliyeed fursad xor ah u helaan inay codkooda dhiibtaan.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme cusub oo uu yeelanayo xafiiska Somaliland ee dalka Kenya. Xafiiskan ayaa horey loogu qorsheeyay in la furo 27-kii bishan, hase yeeshee dowladda Kenya ayaa hakisay furitaankiisa maalmo ka hor sababo la xiriira isbeddel lagu sameeyay heerka xafiiska. Xafiiska cusub ayaa loo dalacsiiyay heer diblomaasiyadeed oo la mid ah “Mishanka Jamhuuriyadda Somaliland ee Kenya,” taas oo ka sarreysa heerkii hore ee xafiiska, kaasoo ahaa xafiis isgaadhsiineed (liaison office). Dowladda Kenya ayaa markii hore diidday furitaanka xafiiska sabab la xiriirta darajada cusub ee loo beddelay, taasoo abuurtey dareen siyaasadeed, maadaama ay Nairobi sidoo kale xiriir wanaagsan la leedahay Muqdisho. Xadhig-ka-jarista uu madaxweynaha sameeyay ayaa loo fasiray in Kenya ay ogolaatay heerka cusub ee xafiiska, taasoo siinaysa Somaliland miisaan siyaasadeed oo dheeraad ah. Hase yeeshee, socdaalkii uu Madaxweyne Cirro ku tegay Kenya 26-kii bishan, ayaa sababay in dowladda Kenya ay si cad u muujiso in ay taageersan tahay midnimada Soomaaliya. Qoraallo rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu adkeeyay mowqifkaas, iyadoo si dadban u muujisay in aanay diyaar u ahayn inay aqoonsi siyaasadeed siiso Somaliland. Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Kulmiye ayaa dhalleeceeyay socdaalka Madaxweyne Cirro, iyaga oo sheegay in safarka uu ku tegay Kenya aanu ku imaan casuumaad rasmi ah oo ka timid Madaxweynaha Kenya, William Ruto. Xisbiga ayaa ku tilmaamay arrintaasi khalad diblomaasiyadeed oo dhaawici kara xiriirka dibadda ee Somaliland. Warar kala duwan oo warbaahinta gudaha ay baahiyeen ayaa sheegaya in weli la filayo kulan dhex mara Madaxweyne Cirro iyo Madaxweynaha Kenya, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Dowladda Kenya, dhankeeda, waxay mar kale ku celisay in xidhiidhka ay la leedahay Somaliland uu muhiim u yahay xasilloonida gobolka iyo kobaca ganacsiga, balse ay ilaalinayso mowqifkeeda ku aaddan midnimada Soomaaliya.
-
Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa dib loogu dhigay bannaanbax nabadeed oo loo ballansanaa in uu Jimcaha berri ah ka qabsoomo magaalada Gaalkacyo, kaasi oo ay qaban-qaabinayeen dhalinyarada Gobolkaasi. “Kadib markii aan qiimaynay diyaargarawga ay ubaahan yihiin hay’addaha sugaya amniga banaanbaxa oo aan waqtigu ku filayn. Kadib markii aan dhagaysanay xubnaha golaha Wasiiradda oo noocadeeyay inay gobolka u yimaadeen ka jawaabida Tabashada Bulshada Gobolka. Sidaas darteed waxaa guddiga amniga gobolku go’aamiyay in banaabaxaas dib loo dhigo illaa amar dambe” ayaa lagu yiri go’aankaasi. Banaanbaxaas oo ay dhalinyaradu ku sheegeen mid ay ku muujinayaan cabashadooda ku aaddan baahiyaha ka jira Gobolka Mudug gaar ahaanna magaalada Gaalkacyo ayaa sida lagu sheegay go’aanka dowladda waxaa loo baajiyay sababo amni. Roobabkii dhawaan ka da’ay Gaalkacyo ayaa sababay in ay xirmaan goobo waxbarasho, suuqyo, iyo xaafado badan oo ka mid ah magaalada, kuwaasi oo biyo fariisin noqday, islamarkaana aysan dowladdu waxba ka qaban, siday tilmaamayaan dhalinyarada Gobolka Mudug oo cabasho ka muujinaya xaaladda liidata ee ka jirta Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Puntland oo baajisay bannaanbax qorshaysnaa in uu berri ka dhaco magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii labaad shir ku leh magaalada Muqdisho, iyaga oo kulammo wadatashi ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada. Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha taagan. Maalintii labaad ee shirka, hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kulan gaar ah la leh madaxda warbaahinta madaxa-bannaan ee ka howlgasha caasimadda. Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa in la is dhaafsado xogaha la xiriira doorashooyinka, amniga dalka, iyo doorka warbaahinta ee dhinaca wacyigelinta iyo tebinta wararka. Wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in mucaaradku ay warbaahinta kala hadleen baahida loo qabo in si hufan oo dhexdhexaad ah loo tebiyo arrimaha siyaasadda, isla markaana la dhowro xorriyadda saxaafadda oo qeyb ka ah tiirarka dowlad-dimoqraadiyadeed. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka maanta ka sheegay inuu aad uga xun yahay sida warbaahinta madaxa-bannaan uu mararka qaar cadaadis uga imaanayo laanta fulinta ee dowladda. Wuxuu xusay in arrimaha noocaas ah aysan kor u qaadeyn hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka. Shariif Sheekh Axmed wuxuu hoosta ka xarriiqay in warbaahinta xor ah ay tahay mid lagama maarmaan u ah bulsho furan oo ka hadli karta arrimaheeda siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo wax kasta oo taabanaya noloshooda. Waxa uu ku baaqay in la ixtiraamo kaalinta saxafiyiinta iyo doorkooda muhiimka ah. Dhankiisa, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah hogaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa sheegay in kulammada socda ay yihiin wadatashi la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka. “Bahda warbaahinta ayaan iska waraysanay xaalka dalka iyo sida xal loogu heli karo ismaandhaafka siyaasadeed,” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
-
Xalay fiidkii waxaa si rasmi ah mar kale loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) in uu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Sida lagu baahiyay faafinta rasmiga ah ee boga Madaxtooyadda Villa Somalia, Magacaabistan oo ah mid dad badan la yaab ku noqotay, waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sababta dib loogu soo celiyay xilkan, waxa uu hore u qabtay, iyo waxa laga filan karo markale. Waa kuma Mungaab? Muungaab waa sarkaal ciidan iyo siyaasi Soomaaliyeed oo si weyn loogu bartay xilalkii kala duwanaa ee uu soo qabtay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya. Waxaa si wayn loo bartay sanadkii 2014-kii oo Mudo xileedkiisii hore Madaxwayne Xasan Shiikh u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo duqa Caasimadda, xilkaas oo uu hayay ilaa 2015, kahor inta aan laga wareejin. Muungaab wuxuu caan ku ahaa doorkiisii muhiimka ahaa ee dhanka amniga iyo maamulka caasimadda Muqdisho, xilli ay jireen xaalado amni oo adag. Ka hor intii aan loo magacaabin xilkaas, Muungaab wuxuu ahaa Garsooraha ugu sareeya Maxkamadda Ciidamada, isagoo kaalin muuqata ku lahaa la dagaallanka dambiyada ciidamada dhexdiisa ah iyo kor u qaadidda hay’adaha sharciga. Waxqabadkiisii Hore Markii ugu horreysay ee uu noqday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Muungaab wuxuu qaaday olole adag oo ku saabsan: 1) Amniga magaalada, isagoo la shaqeynayay hay’adaha ammaanka si kor loogu qaado xasiloonida Muqdisho. 2) Dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan wadooyin cusub oo la dayactiray iyo kobcinta bilicda magaalada. 3) Nadaafada magaalada Muqdisho, iyadoo laga qaaday goobo badan oo qashinka ku batay gudaha caasimadda. 4) La dagaallanka dhismayaasha sharci darrada ah, wuxuuna qaaday olole lagu burburinayay dhismayaal aan sharci lahayn. Si kastaba ha ahaatee, waxqabadkiisa waxaa hareeyay cabashooyin ku saabsan maamul xumo, ka war-helid la’aan dhibaatooyinka hoose, iyo in ololeyaashiisa qaar aysan waqti dheer socon. Maxaa Laga Filan Karaa Mar Kale? Dib u soo celinta Muungaab waxay u muuqataa isku day ay dowladda hadda jirtaa ku dooneyso in la keeno nin leh waayo-aragnimo maamulka magaalada, isla markaana leh aqoon milatari iyo sharciyeed. Haddana, waxaa jira dhowr su’aalood: 1. Weli ma hayaa taageeradii shacabka? 2. Dhibaatooyinkii hore miyaa laga faa’iidaystay? 3. Waa maxay qorshihiisa cusub ee uu kusoo laabtay? Muungaab waxaa looga fadhiyaa inuu markan si ka duwan uga shaqeeyo Arimahan: 1) Isku xirka degmooyinka iyo hay’adaha dowladda hoose 2) La dagaallanka musuqmaasuqa gudaha maamulka gobolka. Maadaama gobolka lagu tuhmayo in canshuuraha uu soo xareeyo aan wax loogu qaban dadka caasimadda oo aan weli helin adeegyadii ay u baahnaayeen shacabka Muqdisho sida dhismayaasha wadooyinka iyo furida marinadii Biyaha oo kamid ah caqabadaha waawayn ee heeysta Gobolka. 3) Dib u dhiska iyo dayactirka wadooyinka Muqdisho iyo dib u furista marinadii Biyaha, oo maamuladii hore ay ka gaabiyeen wax ka qabashadooda. 4) Ka shaqeeynta hanaanka doorasho qof iyo cod ee Gobolka Banaadir gaar ahaan hanaanka doorasho ee golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Banaadir oo maamulkii isaga kahoreeyay uusan aad ugala shaqan Gudiga Doorashooyinka. 5) Kobcinta dhaqaalaha magaalada iyada oo loo marayo canshuur ururin caddaalad ah. 6) Ka shaqeynta nabadda iyo la tacaalidda dhibaatooyinka bulshada sida tuugada iyo ciyaal weerada. Magacaabistiisu, Ma Fursad Cusub mise tijaabo kale? Magacaabista Mungaab waxay u dhaxaysaa fursad iyo khatar. Fursad ay dowladdu ku muujin karto isbeddel la taaban karo oo ku wajahan adeegyada dadweynaha iyo horumarka magaalada. Halka ay sidoo kale noqon karto ku celis siyaasadeed oo aan wax weyn ka beddelin dhibaatooyinka hore. Shacabka Muqdisho waxay sugayaan hoggaan leh hufnaan, dulqaad, iyo qorshe fog oo horumarineed, mana ahan kaliya in magacyo la beddelo balse waa in natiijooyin muuqda la keeno. Sida ay qabaan dadka falanqeeya Arrimaha Siyaasadda. Mungaab-na hadda wuxuu haystaa fursad yar maadaama mudo xileedka Dowladda Madaxwayne Xasan Shiikh ay ka hartay 11 bilood iyo waxa laga rabo maamulkiisa oo aan yareeyn. Si kastaba, wakhtigu wuxuu muujin doonaa in magacaabistiisu ay ahayd tallaabo sax ah ama qalad siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo muhiim u ah xasiloonida iyo horumarka dalka. Kulanka waxaa guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Qodobka ugu horreeya ee kulanka lagu lafa guray wuxuu ahaa amniga guud ee dalka. Golaha ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay hay’adaha amniga oo ka warbixiyay guulaha laga gaaray howl-gallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada. Waxaa la xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay ku guuleysteen in ay fuliyaan hawl-gallo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amniga. Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira badqabka diyaaradaha ka howl-gala gudaha dalka. Golaha ayaa ka dooday caqabadaha jira iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo, si loo sugo badqabka shacabka iyo shaqaalaha la xiriira howlaha duulista hawada. Doodda Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale ku saabsanayd fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in nidaamkaas loo fuliyo si hufan, si kor loogu qaado hannaanka shaqo ee dowladda iyo dhiirrigelinta shaqaalaha. Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey dallacsiinta Axmed Jaamac Cumar oo la siiyay darajada Safiir. Go’aankan ayaa lagu saleeyey aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay howlaha diblumaasiyadda iyo adeegga dowladda. Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntiina lagu muujiyay sida ay Xukuumaddu ugu heelan tahay sugidda amniga, hagaajinta adeegyada dowladeed, iyo horumarinta siyaasadaha lagu tayeynayo shaqaalaha. Waxaana la isla qaatay in laga wada shaqeeyo hirgelinta qorshayaashaas si dalka loogu horseedo horumar iyo xasillooni waarta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn ayaa ka dhalatay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadr, ahna duqa Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo uu xalay soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska magaalada Muqdisho iyo guud ahaan horumarinta adeegyada uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiyaha cusub in uu mudnaan siiyo harumarunta caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka. Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho. Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka. Haddaba, sidee looga fal-celiyay magacaabista Jeneral Xasan Muungaab? Cumar Naaji Aadan: “Hambalyo Muungaab waa nin gobolka Banaadir wax badan ka fahamsan Abuu khaliifa ayaad ku wareeriseen shacabkii gobolka”. Zakariye Cabdifitaax: “Eebe sw ha ku asturo xilka culus ee loo magacaabay, kana dhigo kii dadkiisa la dareen ah insha allah” Nuur Xasan: ayaa isna fal-celintiisa ku yiri “Shirka mucaradka ay qabsadeen ayaa lagu daminayaa”. Qaali Curre: “Soo dhawoow waxaan rajaynayaa in aad magaalada isbeddel ku samayso wasaqda iyo burburka waddooyinka”. Sayid-Cali Jimcaale: “Dowlad warkeedu suuqa sii yaallo oo la sii ogyahay tan ka hor ma arag”.
-
Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre. Kulanka waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxda Shabaab oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay guulo la taaban karo ka gaareen. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhiirrigeliyey dadaallada ciidamada qalabka sida iyo shacabka deegaanka ay ku muujinayaan iskaashi joogto ah oo lagu xasillinayo goobaha laga saaray kooxda argagixisada ah ee Shabaab. Waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddu ka go’an tahay in la dardargeliyo hawlgallada lagu sugo amniga iyo nabadda guud ee dalka. Intii uu socday kulanka, waxaa la soo bandhigay warbixin muhiim ah oo la xiriirta badqabka diyaaradaha ka howlgala gudaha dalka iyo caqabadaha hortaagan, si xal waara loogu helo, iyada oo la ilaalinayo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Golaha ayaa isla meel dhigay in la adkeeyo fulinta Siyaasadda Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda si kor loogu qaado hufnaanta shaqo iyo maamul wanaagga hay’adaha dowladda. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay dallacsiinta Mudane Axmed Jaamac Cumar oo loo dalacsiiyey darajada Safiir, iyadoo la tixgelinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay arrimaha diblomaasiyadda iyo matalaadda dalkeena. Source: goobjoog.com